-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Dec. 13 (Xinhua) -- The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has reaffirmed its commitment to fulfilling its mandate in supporting Somalia's path to peace and stability. Source: Hiiraan Online
-
Cabduwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha degmadaas shalay galab ku dileen ganacsade caanka ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq, sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dilkaan uu salka ku hayao arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay. Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, hase yeeshee meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen. Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil. The post Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degmada Cabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka oo qorshaynaya inuu Afrika ugu yabooho $55 Bilyan US-Africa Leaders Summit Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo. Dalka Maraykanka waxaa soo gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Salaasadan, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika. Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan. Shirkan oo furmaya Salaasada ayaa diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadhin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yidhi sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey. Sarkaal kale oo Maraykanka ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan goaano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee la qorsheeyey. Yaa ka qaybgelaya shirkan: Afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka ayaa u sheegay VOA in la martiqaaday illaa 50 wefti oo kala metelaya 49 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo weliba ururka Midawga Afrika, kuwaas oo xaqiijiyey ka qaybgalkooda, waxaa kala duwan heerka metelaadda ee dawladaha ka qaybgelaya shirkan. Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaadhay dalka Maraykanka, kuwaas oo ka qaybgelaya shir madaxeedkan. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo ayaa sheegay inay jiraan illaa shan dal oo Afrikaan ah oo aan lagu casumin shirkan oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midawga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, ka dib markii sifo aan sharci ahayn loo bedelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xidhiidh diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka. Wadahadalada dhinaca ciidamada Waxaa la filayaa in shirkan lagaga hadlo, sidii Maraykanku ugala shaqayn lahaa dalalka Afrika, dhinaca caqabadaha ka haysta ammaanka, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Woqooyiga Qaaradda Afrika iyo weliba Soomaaliya. Kaaliye ku xigeenka dhinaca wasaaradda difaaca Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Chidi Blyden oo toddobaadkii hore la hadlay weriyayaasha ka soo warama wasaaradda difaaca, ayaa sheegay in kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya inay weli tahay halista ugu weyn ee jirta. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah. Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka. “Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi. “Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho. Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine Inkasta oo Riyadh ay weli “shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Faisal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska “ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse aysan aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.” Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka. “Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yiri Amiir Faisal. “Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan dooneyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noqon laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awoodno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.” Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid. Reuters The post SACUUDIGA oo shaaciyey qorshahooda haddii IRAN ay hesho hub Nukliyeer appeared first on Caasimada Online.
-
MASHRUUCA SOMALI ELECTRICITY SECTOR RECOVERY PROJECT (SESRP) mashruucu ku bixinayaa $15 million tayaynta wasaaradaha tamarta (Somalia iyo Somaliland ? Mashruucan waxa maalgelinaya Baanka aduunka (World Bank) lacag dhan $150 Million wuxuuna dhamaan doonaa 2026. Mashruucan oo ujeedkiisa ugu weyn yahay in 1.1 million oo guri ay ka faa’idaystaan ayaa waxa daahfuray raysal wasaare Xamse C.Barre iyo madaxa baanka aduunka ee Somalia. Mashruucani wuxuu ka kooban yahay 4 waaxood (component) oo muhiim ah. 1) Dhismaha Sub-transmission iyo networks dab-qaybiyayaal ah iyo xoojinta waaxaha hawlgelinta ee goobaha dab-qeybiyayaasha ah ee magaalooyinka Hargeisa iyo Muqdisho waxaana ku baxaya $75 million oo dollar. 50% lacagta oo waaxdan ku baxaysaa waxay xooga saaraysaa – Hoos udhigida kharashka hawlgelinta -Helitaanka laydh la isku halayn karo iyo supply fiican Casriyeynta dab-dhaliyayaasha ku shaqeeya shiidaalka ee ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn ee laydhka siiya labbada magaalo ee Muqdisho iyo Hargeisa kuwaasoo laga dhigi doono kuwo casri ah isla markaana yareeye shidaal cabista, pollutionska badan, cimriga generatorska, cilad-bixinta iyo qorsheynta xiliyada kala bedelka laydhka. Waaxdani (component) wuxuu xooga saarayaa keenista qalabkaas iyo rakibaadooda si looga caawiyo qodobada sare shirkada laydhka. 2) Waaxda labbaad ee project waxay xooga saaraysaa casriyaynta panelska dab-dhaliyayaasha cadceeda ee shirkadahani haystaan kuwaasoo lagu kabi doono dab-kaydiyayaal(batteries) waxaana ku bixi doona $20 million. Waaxdani waxay xooga saaraysaa casriyaynta yaraynta isticmaalka shidaalka ee dab-dhaliyayaasha. Waxay iibin doonaan solar PV generation lagu kordhin doono kuwii jiray. 3) Waaxda saddexaad waxa ku baxaya $40 million waxaana la samayn doonaa Stand-alone solar off-grids loogu talagalay Goobaha waxbarasha iyo caafimaadka ee dowlada. Sida lagusoo xulayo goobaha waxbarasho iyo caafimaad ee mashruucu siinayo solars bilaasha ah oo ka kaba laydhka ay u baahan yihiin kuwaasoo ah meelaha ka fog magaalooyinka Hargeisa iyo Muqdisho waxaa soo xulaya Dawlada Federaalka iyo Wasaarada Tamarta ee Somaliland. 4) Waaxda afraad( component 4) waxa uu mashruucu ku bixinayaa $15 million tayaynta wasaaradaha tamarta (Somaliland iyo Somalia) iyo korniin aqooneed oo shaqaaluhu helaan. Labba mashruuc oo hore ayaa ka horeeyey mashruucan kuwaasoo lagu taageeray somaliland “ SOMALIA ELECTRICITY ACCESS PROJECT oo ay Somaliland kasoo gaadhay $5.5 million iyo mashruuc hore Baanka Aduunku toos usiiyey Shirkadaha laydhka kuwaasoo ka dhistay solar panelska ay isticmaalaan. Dhamaan mashaariicdaasi waxay ku dhaceen gacmo gaar ah wax faa’ido ahna kama ay helin Shacabka Somaliland ilaa midkan socon doona lix sanno wuxuu mari doonaa waddadii kuwaasi mareen maadaama aan waxba laga bedelin wixii hore u fashiliyey mashaariicdaa.” WQ. Maxamed Sadiiq Dhamme Qaran News
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ciidanka Itoobiya u qabsaday dilka Taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke oo Jimcihii lagu dilay qarax miino. Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke. Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar. Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan. “Dadka dhahaya Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey dilka Bakaal, waxay marin habaabinayaan xogta rasmiga ah, ninkaas aad ayey isugu fiicnaayeen Mahad, wuxuu ahaa nin ay Soomaalinimadu ku weyneed,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiya, “Maanta waan u tagnay ciidanka Itoobiya, waxaan dhahnay ka soo jawaaba eedaan, waan ka war sugeynaa, hadaan jawaab fiican ka weynana, Itoobiyaan Gedo siima joogi doonaan,” ayuu yiri Karar. Hoos ka daawo The post Daawo: Dilkii Bakaal Kooke oo loo heysto ciidanka Itoobiya iyo kacdoon ka qarxay Gedo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee is garabsanaya ayaa haatan kusii siqaya deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa maanta gaaray deegaanka Al-Kowthar oo hoostaga degmada Yabaal, ayaga oo si buuxda ula wareegay deegaankaasi, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage. Al-kowthar ayaa waxaa haatan ku sugnaa Al-Shabaabkii maalmo kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay howlgalka lagu qabtay Al-Kowthar ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, wuxuuna sheegay inay hal-bowle muhiim ah u aheyd Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabadan ay markale dhabar jab ku tahay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Al-kawsar oo saaka laga saaray Khawaarijtu waxeey u ahayd hal-bawle muhiim ah, in laga qabsadayna dhabar jab ayay ku tahay, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala. Ciidamada ayaa shalay dagaal la’aan la wareegay deegaanka Ceel-Muluq, waxayna ka bilaabeen howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan. Toddobaad kahor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Si kastaba, Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray HirShabelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood. The post Al-Shabaab-kii laga bixiyay Aadan Yabaal oo laga sii qabsaday deegaankii ay u carareen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa ciidan badan ku dishay deegaanka Daynuunaay, maalinkii ay qabsadeen degaankaan ay maanta dib ugu laabteen ciidanku. Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey. “Maanta gelinkii hore ayaan la wareegnay Goofgaduud, mana jirin wax iska cabin ah oo Al-Shabaab aan kala kulanay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Isaaq oo la hadlay Idaacadda VOA. Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka. Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan. The post Ciidanka DF oo 12 maalmood kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Jigjiga oo gacanta ku heysay kiiska dilka ah ee xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta go’aan culus kasoo saartay dhacdadaasi. Maxkamnadda ayaa dil ku ridday askarigan oo ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya, kaas oo lagu helay dilka xildhibaanadda oo bishii October ka dhacay garoonka Jigjiga. Maxkamadda ayaa xukunka ay maanta ridday oo aad loo sugayey u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa go’aanka maxkamadda si weyn usoo dhaweeyay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo u mahadceliyay maxkamadda. AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida. Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Jigjiga, ayada oo dadkuna ay sameeyeen dibad-bax ay uga soo horjeedaan dilka marxuumadda. Si kastaba, Itoobiya ayaa inta badan fulin xukunnada dilka ah ee ay ridaan maxkamaduhu, iyadoo badanaa dadkaas dilka loogu beddalo xukun adag oo xabsi daa’in. The post Maxaa kasoo kordhay kiiska dilka xildhibaan Juweeriya Subcis? appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadalladooda. Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta. “Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furida hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tidhi Monica. Source
-
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Soomaaliya iyo Somalilland uga go’an tahay inay sii wadaan waddada wadahadaladda. Monica Juma ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib u heshiisiinta Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta” ayey tiri Monica Juma. Dowladaha Norwey iyo Turkeyga ayaa fududeynaya qabsoomida wada hadladan, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin xiliga ay labasa dhinac miiska wadahadalka kusoo fariisanayaan iyo halka gogosha la dhigayo. Somalilland ayaa waxa ka go’an in si kasta oo loo wada hadlo ay qadiyada gooni isu taaga iyo madax banaanideedu ay tahay shay aan laga gogortami karin. Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah. Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka. “Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yidhi wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi. “Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yidhi. Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho. Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine Inkasta oo Riyadh ay weli “shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Faisal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska “ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse ayna aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.” Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka. “Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yidhi Amiir Faisal. “Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan dooneyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noqon laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awoodno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.” Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid. Reuters Source
-
Xudur (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna haatan ku simaha madaxweynaha dalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur u tegay arrimo la xiriira oo dardar-gelinta gogosha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi, iyo arimo la xiriira howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa warbixin guud ka dhageystay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo guddoomiyaha degmada Xudur oo uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan . Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka sida ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo. Dhinaca kale safarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Xudur ayaa maanta soo shaac bixiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Guddoomiyaha ayaa weji gabax kala kulmay maamulka Lafta Gareen oo aan kusoo dhoweyn degmada Xudur, maadaama uu yahay mas’uulka Koonfur Galbeed ugu sarreeya ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo su’aallo badan iyo shaki dhalisay. Aadan Madoobe waxaa garoonka Xudur uga hor tegay kaliya maamulka Bokool, kan degmada iyo dadweyne kooban, taas oo muujineyso in hoos loo dhigay soo dhaweyntiisa. Lafta Gareen oo ku sugan Baydhabo ayaa isaga wasiiradiisuba aysan ka qeyb-galin soo dhoweynta guddoomiyaha, taas oo loo arko in uusan ku qanacsaneyn howsha uu wado, sidoo kalena caddeyneyso inuu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyo labada nin. Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo cakiran taasoo ka dhalatay doorashada kusoo foodleh maamulkaasi, waxayna xaaladdu kasii dartay markii xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho ka biyo diideen muddo kororsiga Laftagareen. The post Sawirro: Khilaafka Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen oo soo shaac baxay – Maxaa maanta dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington ee waddankaasi. Shirka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay booqashada madaxweynaha uga bilaabatay dalka Mareykanka. Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo sidoo kale isbeddelka cimilada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madashan, taas oo uu uga hadli doono fursadaha ka jira Soomaaliya, xaaladda guud dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarada illaa iyo hadda laga sameeyey. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu wadahadallo gaar gaar ah iyo kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda Afrka ee shirka tageysa iyo kuwa martida loo yahay ee Mareykanka. Waa markii labaad ee uu booqanayo madaxweynaha dalka Mareykanka, wuxuuna dhowaan uga qayb-galay shirka golaha loo dhan yahay ee QM oo lagu qabtay magaalada New York. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo gaaray Mareykanka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka. Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haayo ka qaybgalka shirka madaxda Afrika iyo Maraykanka oo ka furmayo washington. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada. Xasan Sheekh ayaa khudbad ka sheedin doona shirka isaga oo ka warbixinaya dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda Soomaaliya, xaaladda abaaraha, dib u dhiska hanaanka dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda lagu casuumay in ay ka soo qaybgasho shirka Maraykanka iyo Madaxda qaaradda Afika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington DC (HOL) - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud arrived in the US capital Washington DC on Monday ahead of a two-day US-Africa Summit hosted by President Joe Biden. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa kuwa dadka deegaanka ayaa maanta deegaano horleh kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib howlgallo kala duwan oo ka kala dhacay Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Baay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamad huwanta ay gudaha u galeen deegaanka Al-kowthar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay dhor jiho ka weerareen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah, waxaana ku sugnaa xubnihii Al-Shabaab ee todobaad kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal. Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkoodana uu yahay in kooxda laga saaro guud ahaan gobolkaasi. Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay gobolka Hiiraan, gaar ahaan jiinka Webiga. Ciidamada huwanta ayaa qabsaday deegaanka Xamiir-gaab oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolkaasi. Sidoo kale ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa iyaguna maanta dib u qabsaday Goof-gaduud Buurey, halkaas oo todobaad kahor ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in haatan ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan halkaasi, waxayna saraakiisha dhankooda sheegeen inay ka hortagayaan weerarada Al-Shabaab. Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guluf ka dhan ah Shabaab ka waday gobollada, kaas oo deegaano badan looga qabsaday. The post Ciidamada DF iyo Macawiisleyda oo deegaano horleh la wareegay appeared first on Caasimada Online.
