-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Dec 13 (Reuters) - More than 200,000 Somalis are suffering catastrophic food shortages and many are dying of hunger, with that number set to rise to over 700,000 next year, according to an analysis by an alliance of U.N. agencies and aid groups. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amniga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale). Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa dagaalka Al-shabaab. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, maadaama kooxda Al-shabaab lagu soo jebiyay gobollada dalka ayna suuragal tahay inay ku soo dhuuntaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxdan si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada. Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada. The post Ra’iisl wasaare Xamse oo Maamulka Gobolka Banaadir kala hadlay Sugida Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay Qatar qaabka ay u marti-gelisay koobka adduunka. Xamza ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda Qatar sida ay markasta u garab tahay dowladda federaalka Soomaaliya, ugana fuliso mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. “Waxa aan aragnaa bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray calanka dalkaas, shacab iyo xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim iyo Shacabka Qatar,” ayuu yiri. “Mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameeysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada dal iyo labada dad. Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo iyo karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dowladda Qatar ay sii xoojiso iskaashiga labada dal iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaan Muslimiinta iyo Carabta, sida uu sheegay. “Munaasabaddaan waxa aan uga mahad-celinayaa dowladda iyo shacabka Qatar oo aan rajeyneyo inay xoojiyaan iskaashiga, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin.” Munaasabada lagu maamuusayay maalinta Qarannimada Qatar ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Qatar iyo Soomaaliya. Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, halka kuwa kalena ay yihiin qabyo, waxaana la dhameystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye. The post Xamza oo ku bogaadiyay QATAR arrin si weyn loogu weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Fadeexad ku saabsan dowladda Qadar iyo Midowga Yurub oo shaaca laga qaaday Madaxweynaha Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka digTay in “Dimuqraaddiyadda Yurub ay khatar ku jirto”, ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan in dowladda Qadar ay laaluush siisay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub si ay gacanta ugu dhigaan siyaasadda ururka. Booliska Belgiam ayaa xabsiga dhigay afar qof oo ay ka mid tahay madaxweyne ku xigeenka Baarlamaanka Yurub, Eva Kaili, kuwaasoo lala xiriiriyay fadeexadda. Afarta qof ee la xiray ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq iyo lacago sharci darro ah oo la is daba mariyay. Dowladda Qadar ayaa dhankeeda beenisay in ay wax khalad ah sameysay. Baarayaal reer Belgium ah, ayaa Isniintii fatashay xafiisyada baarlamaanka Yurub ee magaalada Brussels, si ay u baaraan lacago laaluush ah oo la sheegay iney bixisay dowladda Qadar oo martigelineysa Koobka Adduunka. Waxay ahayd goobtii 20-aad ee lagu sameeyo baaritaan tan iyo Jimcihii. Madaxweynaha baarlamaanka Midowga Yurub, Roberta Metsola, ayaa u sheegtay xildhibaanada baarlamaanka Midowga Yurub in “dimoqraadiyadda weerar lagu hayo”. Haweeneyda ku xigeenka u ah iyada ee la xiray, Eva Kaili, ayaa sidoo kale xubin ka tirsan baarlamaanka Giriigga. Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka doodi doonna fadeexadda, maanta oo Talaado ah. Dacwad oogayaasha Belgium-ka ayaa sheegay in lacag caddaan ah oo qiimaheedu dhan yahay €600,000 oo u dhiganta ($632,000; £515,000) laga helay guriga ruux la tuhunsan yahay. Sidoo kale €150,000 ayaa laga helay guriga xubin ka tirfsan baarlamaanka Midowga Yurub, halka dhowr boqol oo kun oo Yuuro oo shandad ku jirta laga helay qol uu leeyahay hotel ku yaalla magaalada Brussels. Waxaa kaloo la qabtay kombuyuutarro iyo taleefannada gacanta. Baaritaanno ayaa ka dhacay magaalada Brussels iyo dalka Talyaaniga labadaba. Tan iyo Jimcihii, agabka IT-ga ee toban shaqaalaha baarlamaanka ah ayaa “la xayiray”, si loogga hortago baabi’inta xogta lagama maarmaanka u ah baaritaanka. Afarta tuhmane oo ay xireen booliiska dalka Belgium-ka ah ayaa lagu soo oogay dacwado kala ah “inay qayb ka noqdeen urur dambiilayaal ah, inay lacago ku heleen nidaam sharci darro ah iyo musuqmaasuq” sida ay dacwad oogayaasha ku sheegeen hadal ay soo saareen maanta oo Talaado ah. Dhammaan eedeysaneyaasha ayaa Arbacada kasoo hor muuqan doona Maxkamad. Ms Kaili – oo ahayd xubin katirsan baarlamaanka Midowga Yurub, siddeeddii sano ee lasoo dhaafay ayaa laga joojiyay shaqadeeda, iyada oo ah mid kamid ah 14-ka ku-xigeen ee baarlamaanka Midowga Yurub oo ay madaxda ka tahay Metsola. Waxaa sidoo kale laga joojiyay xubinimadii baarlamaanka ee xisbigii ay ka tirsaneyd, waxaana laga saaray xisbiga bidix dhexe ee Giriiga ee Pasok. Maamulka Giriiga ayaa xayiray hantida ay leeyihiin Kaili, ninkeeda iyo xubnaha qoyskeeda. “Waxay caddaynaysaa in aanay wax dambi ah lahayn, isla markaana aanay wax lug ah ku lahayn laaluushka Qatar,” mid kamid ah qareennada qoyskeeda, Michalis Dimitrakopoulos, ayaa sidaas u sheegay telefishin fadhigiisu yahay Giriigga. Lix qof ayaa la xiray Jimcihii, taasoo qayb ka ahayd baaritaanka eedeymaha ah in Qadar ay laaluush siisay saraakiisha Midowga Yurub, si ay saameyn ugu yeeshaan. Laba ka mid ah dadkii la xiray ayaa la sii daayay. Ma jiro qof la tuhunsan yahay oo si guud loo magacaabay, balse Kaili ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay dadka la soo eedeeyay. Saddexda eedaysane ee kale, ayaa dhamaantood haysta dhalasho Talyaani ah. Tuhmanayaasha ayaa waxaa ka mid ah, Pier Antonio Panzeri, oo horay u ahaan jiray xildhibaan ka tirsanaan jiray baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo hadda maamula kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Fight Impunity, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Xaaskiisa iyo gabadhiisa, ayaa la sheegay in sidoo kale la xiray. Tuhmanaha kale waa, Luca Visentini, oo ah xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha caalamiga ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. Weriyaha BBC-da ee Brussels, Jessica Parker, ayaa sheegtay in tafaasiisha ay soo saareen booliska Belgium-ka maalmihii lasoo dhaafay ay dad badan ku keentay waji gabax, taasoo dhaawacday sumcaddii ururka Midowga Yurub. Xubno ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa isugu imaanaya magaalada Strasbourg si ay dood degdeg ah uga yeeshaan fadeexada soo shaac baxday. Xildhibaanno la hadlay wariyaheenna ayaa sheegaya in ay aad uga naxeen eedeymaha lasoo gudbiyey inta ay la’eg yihiin iyo sida cad ee loogu soo gudbiyey. ‘Dimuqraadiyaddii Yurub oo turun turootay’ Madaxa guddiga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in eedeymaha lasoo jeediyey ay yihiin kuwo “aad u daran,” waxayna dalbatay in la sameeyo hay’ad anshaxeed oo cusub oo kormeerta ururka. Metsola ayaa waxay wacad ugu martay xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub in sharafta baarlamaanka la soo celin doono. “Dimuqraadiyada Yurub waa lasoo weeraray, bulshooyinkeenna xorta ah ee dimuqraaddiga ahna weerar baa soo wajahay,” ayay tiri. Ilaalada iyo xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in baaritaanka laaluushka uu ka dhigan yahay mid ka mid ah fadeexooyinkii musuqmaasuq ee ugu weynaa ee soo wajaha taariikhda baarlamaanka Midowga Yurub. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in waddan ka tirsan Khaliijka uu muddo dhowr bilood ah saameyn ku lahaa go’aanada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo kaaliyeyaasha. Warbaahinta maxalliga ah ayaa magac ***** dowladda Qatar, in kasta oo Qatar ay sheegtay in sheegashada dhaqan-xumada ay tahay “wax si xun loo sheegay”. Mas’uuliyadaha Kaili oo ah ku xigeenka madaxa baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa waxaa ka mid ah Bariga Dhexe. Waxay horay u ahayd qof aad u difaaca Qadar. Baarlamaanka Yurub waa hay’adda kaliya ee sida tooska ah loo soo doortay ee Midowga Yurub. Ilaa 705 xubnood oo baarlamaanka ah oo ay doorteen cod-bixiyeyaal ku kala sugan 27-ka waddan ee uu ka kooban yahay Midowga Yurub ayaa kulmaya si ay dib ugu eegaan sharciyada lasoo jeediyay oo ay ugu codeeyaan sharciga Yurub. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay leeyihiin Kooxaha Ciyaal Weerada iyo waxa laga filan karo mustaqbalka. Guddoomiye Madaale ayaa sheegay haddii aan laga hortegin Ciyaal Weerada ay noqon karaan sida Al-Shabaab oo kale, oo iyagu markay soo bilaabanayeen ahaa sida kooxaha ka abuurmaya Muqdisho. “Magaaladaan sida la socono Shabaab ayaa ka dhashay 2006-dii iyo wixii ka dambeeyay, waa la fududeystay maanta waakasa dowladii, qabaa’iiladii iyo cidkasta dagaal ayey kula jirtaa waxay ku tuseysa miisaanka iyo dhaqaalah ay bulshada ka dhex sameeyeen. Maxaa diidaya Ciyaal Weero inay sidaas noqdaan haddii la fududeysto,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Maalinkasta waxaa arkeysa Mobile jooga $200 ama ka yar ayaa lagu leeyahay qof dhan oo bini-aadam ah oo Muslim ah oo Soomaali ah ayaa loo dilaya, qofka Mobile ku dilaya waxa uu ku dhaafayo ma ii sheegi kartaa, waa maya.” Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Kooxaha Ciyaal Weerada ah ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale, oo xiligaan uu dagaal uga socdo qeybo badan oo kamid ah dalka. “Al-Shabaab culeys ayaa looga haya afarta jiho, hoosteena waxaa ka kacay cayayaan yar-yar oo Mindi iyo Baangad wata, markaasa leenahay Weero. Waa in aan iska qabana, haddii aad idinka iska qaban ma cid kale ayaa inaga qabaneysa.” Kooxaha loo yaqaano Ciyaal Weerada ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Banaadir, ayada oo dadka caasimada u geysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhac iyo dil. The post Madaale oo shaaciyay halis aan la ogeyn oo ka dhalan karta ciyaal weero appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Al-Nuceymi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee uu la wadaago dowladda federaalka Soomaaliya. Danjire Cabdalla ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo fariin uu ka waday Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad uu la wadaagay masuuliyiin uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. “Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan ka wado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay marti-gelisay Koobka Adduunka. Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul iyo dareen shacab ka muuqda.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha labada shacab ee walaalaha ah.” Munaasabada lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa iyo Muqdisho. Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye. The post QATAR oo ballan-qaad culus u sameeysay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar culus oo dhanka baraha bulshada ayaa waxaa lagu qaaday Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo haatan ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena ah agaasimaha warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka. Farxaan ayaa waxaa weerar culus ku qaaday koox u muuqato mid abaabulan oo isku xiran, waxaana ku jira Wariyeyaal, siyaasiyiin iyo rag kale oo caan ah, kuwaas oo fidiyay dacaayado iyo warar kale oo liddi ku ah agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Xamza Cabdi. Dadka weeraray waxaa ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Cali Aadan Muumin “Waxa uu kula kacay warbaahinta gudaha falal isugu jira faquuq iyo cunsuriyeyn, qaar ka mid ah xarumaha warbaahineed ayaa la wadaagay dareenkooda bulshada, halka in badan oo kalana ka gaabsadeen in ay banaanka soo dhigaan tabashooyinkooda. Intaa waxaa sii dheer, waxa uu ku guul darreystay in uu maamulo howlwadeennadii warbaahinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, isagoo ula dhaqma si aan habbooneyn, waxa uu isku wadi waayay shaqaalaha tirada yar ee jooga xafiiskiisa, maxaa intaas kaweyn oo laga filan karaa oo wax qabad ah?,”/ Waxaa kale oo ka mid ah dadka eedeeyay Farxaan Jimcaale Bashiir Maxamed oo isna yiri “Farxaan tuug oo fadeexo weyn ay soo wajahday,”. Cabdirisaaq M. Cabdulle ayaa isaguna soo bandhigay eed ka dhan ah Farxaan Jimcaale “Anigoo ixtiraamaya masuul Farxaan Maxamed Jimcaale masuuliyada uu u haayo Somalida hadane waa in qaladka xoogan ee uu ku dhex jiro laga qabtaa. Xassan-Kafi oo ah wiilka sawirka ka muuqda wuxuu ahaa muuqaal duubaha iyo sawir qaadaha xafiiska RWasaaraha mudo 7 sano, wuxuu la shaqeeyay laba RWasaare ilaa intaasna wax cabasha ah ma jirin, RW Xamsane waa masuulkii sedexaad ee xafiiskaas soo mara intii uu joogay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Cabdulle. Dhinaca kale waxaa arrintaan ka falceliyay koox kale oo ay iyaguna ku jiraan Wariyeyaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaas oo u badan kuwo ku heyb ah Farxaan. Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa yiri “Inta aan ka warqabo Farhan Jimale waa qof waligiisba ka shaqeynayay meel nidaam leh oo sharcigu shaqeeyo. Hadda waxaa haysta waa dhibaatada dalkeena ragaadisay ee ah kala dambeyn la’aanta. Waxaan dhihi lahaa isku day waxaad baddalikartid inta karaankaaga ah, ogoowna dalkan cid isbaddal sameyn karta ayaa yar oo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha laftooda ayaa qoor sagaaro lagu haystaa oo dad ka awood badan baa jira,” . Shariif Abuukar Cali ayaa isna ku sifeeyey Farxaan Jimcaale “Shaqo yaqaan halka uu joogo aqoontiisa ku tegay + 35 sano oo khibrad war baahineed ah,”. Wariye Maxamed Xaraare “Hal iyo dhowr qof haddii aan ku qaddariyo aqoon iyo khibrad saxaafadeed, waxaa safka hore soo galaya Farxaan Jimcaale. Maamul, maareyn, miisaan, karti, dhimrin iyo dulqaad waxa ay ka mid yihiin erayada aan macagiisa ku hoos qori lahaa,”. Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble ayaa isaguna yiri “Farxaan Jimcaale looguma dheggana aqoon oo aniga ma garanaayo suxufi shaqeeya waqtigan la joogo oo ka aqoon iyo waaya aragnimo badan ama shaqkhsi uga habboon afhayeenka xukuumadda oo shaqadaa loo idman lahaa, balse waxaa jira qolooyin ka biyo cabid bartay xafiiska r/wasaaraha oo warkoodu yahay “Xawaadle xafiiskaan ma aqoon jirin kamana dhex shaqeyn jirin ee sidee ku yimid?”. The post Weerar culus oo lagu qaaday Farxaan Jimcaale iyo falcelin ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
-
The health authorities in Ethiopia's Tigray region have commended the flow of medical supplies into the war-hit region following the peace agreement signed between the federal government and the rebel forces, the TPLF-run Tigray TV has reported. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ugu hambalyeeyay munaasibadda maalinta ‘Qaranimada Qatar’. Xamsa ayaa sheegay in dowladda Qatar ay saaxiib dhaw la tahay Soomaaliya, ayna iska taageeraan dhinacyo badan. Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ku bogaadiyay sida ay u ilaashadaan nabad galyada iyo madaxbanaanimada dalkooda. “Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre. Hadalkaan ayuu ra’iisulwasaaraha ka sheegay munaasibadda maalinta Qaranimada Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Qatar ayaa balan qaadday in ay di dhab ah u xoojineyso xiriirkeeda dhinacyada kala duwan leh ee ay la leedahay Soomaaliya. Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Alnucaymi oo ka hadlay munaasibadda maalinta qaranimada Qatar oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay dowladdiisa xoojineyso xiriirka siyaasadeed, saaxiibtinimo iyo Amni ay la leedahay dowladda Soomaaliya. “Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan kawado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay martigelisay Koobka Adduunka, Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul & dareen shacab ka muuqda, xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale & iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka & danaha labada shacab ee walaalaha ah” ayuu yiri danjiraha Qatar ee Muqdisho. Dowladda Qatar ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxa xiriir saaxiibtinimo oo dhaw lalaheyd dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda. Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale. Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha. Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda. Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof. Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof. Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah. VOA The post Iran oo xukun deldelaad ah ku fulisay qofkii labaad oo kamid ah… appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane cali Jeyte Cismaan ayaa gebi ahaanba iska casilay xubinimadda Gudiga Maaliyadda ee Taakulaynta Ciidamada Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan. Warkad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Guddiga Taakulaynta u qaabilsan Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan. Mudane Cali Jeyte ayaa ku eedeeyay Guddiga in aysan diyaar u ahayn shaqadii loo xil-saaray ee Taakulaynta Ciidamada Dibu-u-xoraynta Gobolka Hiiraan. Halkan ka akhriso Warqadda Iscasilada PUNTLAND POST The post Cali Jeyte oo iska casilay Guddiga Taakulaynta Ciidamada xoraynta Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - A prominent businessman was killed in the center of Abudwak district in the Galgadud region on Monday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia — Somalia typically gets two rainy seasons per year. The first, called the Gu rains, usually start in late March or April and last until June. The second round of rains, known as the Deyr, generally produce less precipitation and arrive in October or November. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiraan, Cali Jayte Cismaan ayaa qaatay tallaabo lama filaan, kadib go’aan culus oo uu maanta qaatay. Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay xubinimada Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta Ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan, kaas oo horay loogu daray. Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddigan uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, islamarkaana uu noqday guddiga ay ka dhex jirto habacsanaan baahsan. “Sidaas daraadeed laga bilaabo 12-12-2022 waxaan cadeynayaa in aan ka baxay Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan,” ayuu yiri Jayte. Sidoo kale wuxuu go’aankan guddoomiyuhu ku socod siiyay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo markii horeba u magacaabay xubinimada guddigaasi. Dhanka kale Cali Jayte ayaa xusay in uu halgankiisa sii wadi doono, isla-markaana uu hoggaamin doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa si aad ah uga soo muuqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraanm, isaga oo hoggaamiyay dagaallo badan oo Al-Shabaab looga saaray gobolkaasi. The post Cali Jayte oo qaaday tallaabo lama filaaan ah kana baxay guddigii lagu daray appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomuyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay laammaha ammaanka magaalada Xudur. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 60-aad guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool. Sheekh Aadan Madoobe ayaa kala hadlay saraakiisha sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya guuxa siyaasadeed ee ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin oo ay xildhibaanada qaar ka gudbiyeen mooshin culus. Mooshinkan oo salka ku haya hadalkii Sacdiya ee ku aadanaa xeerka Jinsiga ee muranka badan dhaliyay uu hadda yeeshay weji cusub, sida uu sheegay siyaasi Khaalid Gaabane. Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa si weyn u difaacay xildhibaanadda, wuxuuna sheegay in aysan jirin xadgudub ay sameysay sida uu ku dooday. “Sacdiya Kitaab Qur’aan ah oo ay ku xadgudubtay oo mooshin Qur’aankaa lagu difaacaa la leeyahay waxaas waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Siyaasi Khaalid Gaabane. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan laga leeyahay dano siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir. “Kiiskaani waxaa gadaal ka taagan oo raalli ka ah Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, ahna Wasiirka Wasiirada, ahna saaxibka madaxweynaha,” ayuu raaciyey. Khaalid Gaabane oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Wasiirka uu doonayo inuu kusoo biiro Baarlamaanka, kadibna uu ku fariisto kursiga Xildhibaan Sacdiya Yaasiin. “Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa doonaya kursiga Sacdiya saa darteed wuxuu isku diyaarinayaa inuu Baarlamaanka kusoo biiro, gaar ahaan kursiga HOP#086,” ayuu yiri. Si kastaba, maalmo kahor ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ay ka gudbiyeen xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo la filayo in Golaha la horkeeno, waxayna xildhibaanadaas ku eedeeyeen inay ku xudgubtay Diinta. The post Daawo: Mooshinka Sacdiya oo weji cusub yeeshay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sanno ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo. Dalka Maraykanka waxaa gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka u dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika,. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu furmo maanta oo salaasa ah, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika. Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah. Sidoo kale waxaa wadahadal laga yeelanayaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika. Lacagta Mareykanka uu ku dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli uu maanta furmayo shirweynaha u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka, kaas oo ka qabsoomaya Washington. Shirka ayaa waxaa ka qayb-galatyaa illaa 50 wafdi oo ka kala socday illaa 49 waddan oo Afrikaan ah iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku jira madaxdaas madaxweunaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana kala duwan heerka metelaadda dalalka ka qaybgalaya. Sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan intiisa badan diirrada lagu saarayaa dib u eegista xiriirka Afrika iyo Mareykanka, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah. Waxaa sidoo kale shirka lagu soo qaadi doonaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta iyo isbedelka cimilada. Dhinaca kale Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shgaaciyey liiska waddamada aan lagu casuumin shirkan, kuwaas oo gaaraya illaa shan dal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midowga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, kadib markii sifo aan sharci ahayn loo beddelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka. Mareykanka oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaa iskaashiga ballaaran laleh Qaaradda Afrika, isaga oo ka fuliyo howlo kala duwan iyo howlgallo milatari intaba. The post Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanka ayaa shaaciyay in uu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Go’aankan ayaa ku soo beegnay xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo. Shirkan ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Maraykanka iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada. Dalka Maraykanka waxaa soo gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka Maraykanka iyo dalalka Afrika oo furmaya Talaadada maanta ah. Shirkan waxa la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midowga Afrika. Soomaaliya waxa uga qayb-galaya wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaral dalka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Afrika ugu yaboohay lacag dhan $55 bilyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas. Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo. Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo qorshaynaya in ay taageero u fidiyaan Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
A group of Somali police officers, who completed a training programme in Djibouti, returned to Mogadishu on Sunday, state-owned Somali National TV reported. Source: Hiiraan Online
