Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku wajahan degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Xamsa Cabdi Barre ayaa la qorsheynaya in uu tago degmada Aadan Yabaal oo kamid ah deegaannada mudada dheer ay haysteen ururka alshabaab, kuwaas oo dhawaan laga saaray. Degmadaan oo ah mid istaraatiji u ah dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Al-shabaab ayaa Aadan Yabaal ka talinayay muddo kor u dhaafeyso 10-sano, waxaana ay ahayd mid ay ku leeyihiin fariisin aad u wayn. Wafdi horu dhac u ah ra’iisulwasaaraha ayaa gaaray degmada maanta, waxaana la filaya in ra’iisulwasaaraha uu kulama kula qaato degmada mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo kan gobalka. Ra’iisulwasaaraha ayaa kulama dhiiragelin iyo dardaaran ah la qaadan doono Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ah ee u istaagay la dagaalanka ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dagaal dhaqan doorin ah erey buu ku billowdaa si marinhabaabin ah loo qeexo. Muqdisho (Faallo PP) — Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga “dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad. Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay. Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka. Dad badan baa dhibsaday warkii ku saabsanaa Qaamuuska Cambridge oo soo bandhigay qeexid been ah oo ku salaysan dood marin habaabin ah. 10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid. Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda. © Puntland Post, 2022 The post Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada Golaha. Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse kooramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin. Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan. “In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynayaa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin. Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka. Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado. “Waa nasiib darro in maalintii labaad uu kooram la’aan u baaqdo kulanka Baarlamaanka, waana in xildhibaanada maqan ay jeebkooda ka arkaan,” ayuu yiri Macallimuu. Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaano badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan. “Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diideen in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xildhibaan Rowdo. Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan isla Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga. The post Kulankii labaad ee Golaha Shacabka oo baaqday + sababta appeared first on Caasimada Online.
  4. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay laba nin oo ku eedaysan dilkii Nabaddoon Cabdiqani Xasan Walloore Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan Shiikh Suufi oo da’diisu tahay 52 sano iyo Salaad Maxamed Cabdi oo 28 jir ah ayaa dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii ay qirteen dilkii Nabaddoonka. Labada xukmane ayaa sidoo kale qirtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab sida ay ku sheegeen muuqaal laga duubay oo ay soo bandhigtay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Marxuum Nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen Walloore ayaa lagu dilay dibadda masjid ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe 16-kii bishii June ee sannadkan 2022. PUNTLAND POST The post Puntland oo dil ku xukuntay Rag lagu helay dilkii Nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore appeared first on Puntland Post.
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab, waxaana u suuragashay inay la wareegaan. Daynuunaay ayaa waxaa ku yaalla Saldhig muhiim ah. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in cidamada aysan la kulmin wax iska cabin ah, isla-markaana ay si nabadoon ku galeen gudaha deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay isaga huleeleen deegaankaasi, kadib markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed. Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa maanta dib u qabsaday deegaanka Moodo Moodo uu dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ciidamadu ka sameysteen fariisimo cusub. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalladaasi ayaa boggaadisay ciidamada Xoogga dalka ee Al-Shabaab ka saaray deegaanadaas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba. Howlgalladan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka. The post DEG DEG: Ciidamada DF oo dib ula wareegay saldhig muhiim ah iyo degaan kale appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidamada xoogga dalka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaannada Daynuunaay iyo Moodo Moodo oo hoostaga gobalka Baay. Hawlgalla qorsheysan oo ciidamada ay ka fuliyeen deegaannadaas ayaa looga saaray ururka alshabaab oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugna. Deegaannadaan ayaa muhiim h ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba. Inta badan gobalada dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah ururka alshabaab, kaas oo dhawrki bil ee lasoo dhaafay Alshabaab looga saaray gacan ku haynta deegaanna hoostaga gobalada Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Bakool iyo Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday eedeysane Maxamed Cabdulle Nuur Aboow oo loo yaqaano Biyamaaloow. Eedeysanaha oo loo haysto in uu ka dambeeyay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho 23-kii March ee sanadkaan ayaa dhawaan kasoo hor muuqday maxkamadda. Weerarka loo haysto ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ahaa ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran HARAMACAD. Maxkamadda ayaa dood dheer oo ay ka yeelatay gar maqalka dacwadda eedeysanaha waxaana maanta oo Arbaca ah lagu dhawaaqay xukunka Eedeysane Biyamaaloow. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Waxaana lagu xukumay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow dil toogasho ah oo ah qisaasta allaah u naxariiste Cabdirisaaq Aabi Cali. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo saaka lagu qaaday dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weerarkam ayaa waxaa fuliyau dabley hubeysan oo illaa labo bam gacmeed ku tuuray gudaha isbitaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu weerarka dhacayey ay afaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ay ku sugnaayeen dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawaca, kaas oo lagu sheegay illaa 9 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan milatariga Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladdda Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada. The post DEG DEG: Weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday Isbitaalka Xoogga dalka appeared first on Caasimada Online.
  9. Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa salaasadii diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas. Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay inay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo hor-dhac ah oo muujinaya in Ramaphosa laga yaabo inuu ku kacay anshax-xumo la xidhiidha lacag lagu qariyay beertiisa. Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay. Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu is-casilo. Source
  10. Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sannadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaadhida korontada ku shaqeeya ee Tesla. Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH. Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%. Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar. Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta £152bn). Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 bilyan oo doollar. Waa kuma Bernard Arnault? Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga sootago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan. Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana da’diisu waa 73 sano. Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19. Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii uu ku lahaa Tesla. Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sannadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya. Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaacay tirada cinwaannada been abuurka ah ee ku sameysan Twitter-ka. Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday. Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “muranka” ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla. Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan. Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka werwersanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaadhida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso. Source
  11. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gar ah ka wada magaalada Washington, wuxuuna Mareykanka hordhigay dalab culus oo ku aadan cunaqabateynta hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya. Madaxweynaha oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa xalay kulan doceed la yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay saameynta ay dagaalkan ku leedahay cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyadda Mareykanka ka dalbaday in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xalay kulan kale la yeeshay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka, kaas oo ku aadanaa xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, ayada oo kulanjka lagu soo qaaday dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda Afrika. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu socday shirka kuso soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, ayada oo madaxda dhankooda ay ku boggaadiyeen guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Halkan hoose ka daawo Sawirrada The post Sawirro: Xasan oo dalab culus u gudbiyay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magaalada Xudur ee gobalka Bakool kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka alshabaab. Afhayeenka Baarlamaanka ayaa shacabka gobalka Bakool ugu baaqay in ay meel uga soo wadajeestaan ururka alshabaab, qaybna ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah ee ka socda gobalada kale ee dalka. Aadan Madoobe oo kulan la qaatay waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanka, maamulka iyo shacabka Xudur ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii ay alshabaab iska dhicin lahaayeen dadka deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaanada ay Alshabaab kaga sugan yihiin gobalka in si degdeg ah looga saaro, dadkana ay xureystaan deegaanadooda. Gobalka Bakool ayaa waxaa qaar kamid ah deegaannadiisa go’doon mudda dheer ah ugu jiraan ururka alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Waa kuma ninka ugu taajirsan adduunka ee hadda booska ka riixaday Elon Musk? Liiska dadka ugu taajirsan dunida ayaa isbeddelay Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla. Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH. Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%. Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar. Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta £152bn). Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 bilyan oo doolar. Waa kuma Bernard Arnault? Bernard Arnault ayaa booska ka riixday Elon Musk Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga soot ago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan. Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana da’diisu waa 73 sano. Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19. Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii u uku lahaa Tesla. Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sanadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya. Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaacay tirada cinwaannada been abuurka ah eek u sameysan Twitter-ka. Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday. Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “muranka” ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla. “Musk wuxuu ka tagay booskiisii ahaa halyeyga Tesla waxa uuna noqday laadar waddooyinka taagan, maadaama uu la socdo qof walba oo wax kusoo qora Twitter,” ayu uku yiri BBC-da. “Muranka ka taagnaa Twitter-ka ayaa waxyeello u geystay magaca Musk iyo heerka ay suuqa saamiyada ka taagneyd shirkadda Tesla. Musk waa Tesla Tesla-na waa Musk.” Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan. Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka welwelsanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaarida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso. Qaran News
  14. Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo la ansixiyay 8-dii bishan December ayaa si rasmi ah u shaqa bilaabaysa Todobaadkan. Xubnaha cusub ee Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa lagu wadaa in ay shirkii u horreeyay yeeshaan Khamiista berri ah. Xogo hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Maxkamadda Dastuuriga ah ay isu diyaarinayso soo saarista go’aanno cusub. Xogaha ayaa caddaynaya in Maxkamaddu qorshaynayso burinta Xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland ee la meel-mariyay bishii July ee sannadkii hore 2021. Xeer-hoosaadkan ayaa sheegaya in Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay xasaanadda ku waayi karaan 44 cod halka Dastuurka Puntland dhigayo 34 cod. Xogaha ayaa intaas ku daraya in Maxkamaddu ay burinta Xeer-hoosaadkan u cuskan doonto in aanu waafaqsanayn Dastuurka inkastoo aysan caddayn xilliga la soo saari doono go’aankaas. PUNTLAND POST The post Puntland: Maxkamada Dastuuriga ah oo qorshaynaysa burinta Xeer-hoosaadka Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  15. Washington (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with the U.S. Secretary of State Antony Blinken and Defense Secretary Lloyd Austin on the sideline of the U.S.-Africa Leaders Summit in Washington hosted by President Biden. Source: Hiiraan Online
  16. WASHINGTON (AP) — Vice President Kamala Harris on Tuesday opened the U.S.-Africa Leaders Summit in Washington by spotlighting Africa’s youthful population — making the case that the continent’s demographics will inevitably lead it to become a key global player in the decades to come. Source: Hiiraan Online
  17. LONDON (Reuters) – Somalia and Ethiopia, both Horn of Africa nations ravaged by drought and conflict, will be the countries of highest concern in 2023, according to an annual Watchlist issued by the International Rescue Committee aid group on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI, Kenya (AP) — Somalia has not yet fallen into famine but several parts of the country are in danger of it in the coming months, according to a new food security report on the Horn of Africa’s worst drought in decades. Source: Hiiraan Online
  19. The European parliament has removed Greek legislator Eva Kaili as one of its vice presidents after she was implicated in a bribery and corruption scandal that prosecutors said involved a Gulf country. Source: Hiiraan Online
  20. Gardaí investigating the murder of Mahamud Ilyas, whose body was found dumped in Co Meath at the weekend, have arrested a man and sealed off a house in West Dublin as a crime scene. Source: Hiiraan Online
  21. GENEVA — A United Nations acute food insecurity report on Somalia issued Tuesday finds famine in that country has been narrowly averted due to the response of humanitarian organizations and local communities to the crisis. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay xoghayayaasha Difaaca iyo Dibadda ee dowladda Maraykanka. Xasan Sheekh oo Maraykanka u jooga ka qaybgalka shirka Mareykanka iyo Madaxda Afrika ayaa kulan doceedkaankan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Xoghyaha Difaaca ee Maraykanka. Kulanka ayaa looga hadlay Xasiloonida Gobalka, Isku xirka arrimaha gargaarka bini’aadanimada iyo arrimo kale. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. Source: goobjoog.com
  23. Lionel Messi produced a magical display to inspire Argentina to a 3-0 win over Croatia and fire his side into Sunday’s World Cup final. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safar ku tago degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa ah degmo muhiim ah oo sanado badan ay ka talinayeen argagixisada, waxaana xiligaan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda. Degmada ayaa laga dareemaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana la sheegaya in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xamza ayaa dhiiri-gelin doona ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, oo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa haddii uu tago degmada Aadan Yabaal waxa uu noqon doona masuulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi taga tan iyo markii la aas-aasay maamulka HirShabelle. Deegaano u dhow Aadan Yabaal ayaa waxa xiligaan ku sugan madax ka tirsan dowladda federaalka & maamulka HirShabelle oo u sareeyo madaxweyne Guudlaawe, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi kusoo dhaweyn doona ra’iisul wasaaraha. The post R/W Xamza oo ku wajahan degmo dhawaan la xoreeyay appeared first on Caasimada Online.
  25. Dawladda New Zealand oo ansixisay sharcigii ugu adkaa Abid ee lagula dagaalamo Sigaar cabbista & ka ganacsiga tubaakada. Xeerkan oo maanta la ansixiyey ayaa dhigay in qof kasta oo dhashay wixii ka dambeeyey 2009 kii aan laga ogolaan doonin in uu iibsado Sigaar iyada oo la waydiin doono kaadhkiisa dhalashada. Sidoo kale dawladda ayaa sannadkan soo socda gebi ahaanba yaraynaysaa goobaha ganacsi ee iibiya sigaarka Tafaariqda ah kaas oo loog gol lee yahay in hoos loogu dhigo dadka cabba Sigaarka. Qofka jebiye xeerkan cusub ayaa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 95 kun oo Dollar. New Zealand ayaa tallaabooyinkan ku tilmaana kuwo u baajin doona dad iyo maal badan oo sigaarki gallaafan jiray. Qaran News