-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib u heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda KGS. 12-ka bisha Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah. Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada Gudoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo. 14-kii bisha Diseembar Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah halka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta. Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey lakulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen asigoo soo dhoweeyey dadaalada dib u heshiisiinta ah uu wado Gudoomyaha Golaha Shacabka. Inta uu ku sugnaa Gudoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu la kulmay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka. Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen: – 1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta. 3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka. 4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo. 5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo. 6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno dil, xabsi iyo siideyn ah ku ridday xubno loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka alshabaab. Eedesanayaasha oo gaaraya illa iyo sideed eedeysane ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda todobaadkii tagay, iyaga oo loo haysto falal amniga liddi ku ah. Kooxdaan ayaa ahayd shabakad isku xiran oo ka koobaan dhaqaatiir iyo rag dilalka fuliya, waxaana ay isticmaali jireen hubka fudud iyo midka culus. Maxkamadda ayaa ku xukuntay xukunno kala gedisan, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka. 1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan. 2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon. 3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka. 5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah. 6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah. 7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo wada saareen ku shaaciyay xilliga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi. War-saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in furitaanka shirka loo asteeyey 5-ta Janaayo ee sanadka cusub ee 2023-ka, kaas oo ka dhici doona Baydhabo. Shirka dib-u-heshiisiinta ah ayaa waxaa hore ugu baaqay Guddoomiye Aadan Madoobe, ayada oo uu soo dhaweeyay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo si weyn isku hayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed. 12-ka bisha December wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah. Laba maalmood kadib gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxay gaaraan magaalada Baydhabo halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan BFS, Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada. Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Baydhabo waxa uu la kulmay Odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka. Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxay isla-qaateen: In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta. In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka. In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo. Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed. The post Xilliga la qabanayo SHIRKA dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Wax ka ogow ciyaartoyda Faransiiska ugu waaweyn ee ka soo jeeda Qoysas Qaxooti ku yimi.. Xulka qaranka ee Faransiiska ayaa marka kale iska xaadiriyay ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Addduunka, waxay berri la dheelayaan kooxda Argentina ee uu horkaco kabtan Lionel Messi. Waa markii afaraad ay Faraniiska u gudbaan wareegga kam dambeysta toddobadii koob adduun ee ugu dambeysay-ma jiro xul kale oo gaaray heerkan ay gaareen Faransiiska. Faransiiska waxay koobkii ugu horreeyay adduunka ku guuleysteen sanadkii 1998-waxay markaa ka badiyeen xulkii Brazil, ninka haatan tababaraha ka ah xulka oo xilliggaas Descamps, sidoo kale kaptan ahaa ayaa koobka kula guuleystay. Sanadkii 2006-dii uu xulka Faransiiska kaptan ka ahaa Zinedine Zidane, ayaa waxaa ciyaartiii kama dambeysta waxaa ka badiyay xulka Talyaaniga. Faransiiska wuxuu ka guuleystay Croatia kadib ciyaar kama dambeysta koobkiii adduunka sanadkii 2018-kii. Waa in aad is waydiisaa sida koox aan waligood ku guulaysan koobka adduunka ka hor 1998 ay ugu suurta gashay in ay u soo baxaan afar fiinaal oo koobka aduunka ah oo ay ku guulaysteen laba koob adduun muddo 24 sano ku dhow. Jawaabta su’aashan waxay ku jirtaa taariikhda xulka Faransiiska iyo isbaddalka ku yimid qarnigii 20aad. Maxaa loo neceb yahay qaxootiga ku sugan Faransiiska? Faransiisku run ahaantii waxa uu ahaa quwad gumaysi, boqortooyaddiisa waxay horraan gaartay 64 wadan oo kala duwan oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya iyo Waqooyiga Ameerika. Muddo ka dib, dalalkaasi waxay noqdeen kuwo madaxbannaan oo ay ka mid yihiin Morocco waxay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1956, Cameroon 1960 iyo Algeria 1962. Xilliggaas, qoysas badan oo kasoo jeeday Afrika iyo dalal kale ayaa u hayaamay dhinaca Faransiiska si ay shaqo u helaan ama waxay ku tageen Faransiiska qaab addoonsi ah. Gaar ahaan Afrika kubbadda cagta waxay aheyd mid caan ah, waxaana lagu tirin jiray ciyaaraha ay dheelaan dadka saboolka ah ama ka tirsan dabaqadda bulshada ee shaqeysa. Muddo kadib, qaxootigii tagay Faransiiska waxay fursado kala duwan ka heleen naadiyada kubadda cagta. Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada midigta-fog ee Faransiiska ayaa had iyo jeer lahaa aragtiyo adag oo ku ka dhan ahaa qaxootiga, La Pen, oo ah hoggaamiyihii muddada dheer ee xisbiga Front National Front ee Faransiiska, uu ugu yeeray xulka Faransiiska ‘mid macmal ah’ 1990-meeyadii sababtoo ah xulka waxaa kasoo muuqday tiro yar oo ciyaartooy ahaa oo caddaan ahaa. Waxa uu sidoo kale sheegay in xulka Faransiiska aysan awood u laheyn inay dalka ku matalaan ciyaartoy aan xitaa aqoonin heesta calanka. Ciyaartooyda Faransiiska ee kasoo jeeda qoysas qaxooti ahaa Kylian Mbappé Waa weeryahanka xulka Faransiiska, wuxuuna kamid yahay xiddigaha ugu wanaagsan adduunka, isagoo 19 jir ah wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaadday koobkii adduunka 2018-kii. Waa nin wacdaro ka dhigay garoomada kubadda cagta gaar ahaan gool dhalinta iyo xawaaraha uu kubadda ku eryado, waxaana lala barbardhigaa Messi iyo Zidane. Waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Algeria. Ousmane Dembele Ousmane Dembele wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga dheelaa garab, wuxuuna wacdaro ka dhigay Koobkan adduunkan. Dembele hooyadii waxay kasoo jeeddaa dalka Senegal halka aabbihii uu ka yimid Mali. Halka waaliddiinta ciyaartoyda kala ah Benzema iyo Pogba ay kaga kala soo jeedaa dalalka Algeria iyo Guinea. Aurélien Tchouaméni Aurélien Tchouaméni oo ah daafac khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid ee ka dhisan Spain iyo xulka qaranka Faransiiska, waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Cameroon. Marcus Thuram Marcus Taurum waa wiil uu dhalay Lillian Thuram, oo ahaa ciyaarta caan ah oo ka mid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaaday Koobkii Adduunka 1998, Marcus Taurum wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga ciyaaraa garabka bidix. Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madacweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa isku afgartay 6 qodob, kaddib kulamo ay ku yeesheen magaalada Baydhabo. War-murtiyeed ka soo baxay kulamadaas ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed isla qaateen qodobada soo socda: 1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida. 2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada iyo dagaalka kooxda Al-shabaab. 3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka. 4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo. 5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo. 6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayay soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Baydhabo: Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo isku afgartay 6 qodob appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Punland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa magacaabay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan laanta nabadgalyada wadooyinka gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug. 1: Waxaa Dhamme Ugaas Cabdullaahi Xasan loo magacaay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal. 2: Waxaa x/le Cabdullaahi Caduur Macalin loo magacaabay Taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Nugaal. 3: Waxaa K/s Maxamed Cali Maxamd loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Bari. 4: Waxaa X/le Cawil Maxamed Cigaal loo magacaabay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug. 5: Waxaa K/s Cabdullaahi Maxamed Warsame loo magacaabay taliye ku xigeenka laanta nabadgalyada wadooyinka gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post.
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi. Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaaray burbur xoogan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday burbura diyaaradda ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah ama howda ah, ayna ku yaalla geedo gaagaaban. Ma cadda khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale dowlad goboleedka Glamudug. Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net The post DEG DEG: Diyaarad goordhow ku burburtay degmada Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw ay garoonka diyaaradaha degmada ay ku soo dhacday diyaarad. Diyaaradda ayaa la sheegay in ay siday rakaab, waxaana wararka ay sheegayaan in diyaaradda uu soo gaaray burbur, kadib markii ay gudaha garoonka ku dhacday. Degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in diyaaradda ku soo dhacday ay ka dhasheen khasaaro kala duwan. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay diyaaradda, waxaana socda gurmad iyo baaritaanno ku aaddan waxa sababay in ay diyaaradda ku qalibanto garoonka. Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Idaacadda Isbooriga dalka ee GOOL FM ayaa habeenki xalay ahayd loo caleema saaray idaacadda ugu fiican geyiga Soomaalida, sanadka 2022. Sanadkii 2012 kii bishii May 15 keedii ayaa dhidibada loo taagay Gool Fm , iyadoo xilligaasi ay jirtay baahi wayn oo loo qabay isboortiska, waxaana tan iyo markaas saaxiib la ahayd dhalinyarada kala duwan ee ciyaaraha. Ma sahlano in lagugu abaal mariyo idaacadda ugu wanaagsan ee dalka, taas waxaa mudnaanteeda iska leh maamulka iyo hawlwadeenada idaacadda, kuwaas oo juhdi galiya si ay ugu soo gudbin lahaayeen bulshada ku xiran idaacadda barnaamijyo dhaxal gal ah. GOOL FM waa idaacadda kaliya ee ka hadasha Sportska qaybihiisa kala duwan, iyadoo muddo 10 sano ah dhalinyarada garab u ahayd. Idaacadda GOOL FM waxaa ad ugu mahdiyay qaybaha kala duwan ee bahda Isboortiska, maadama ay nalka ay u shidday Isbortska dalka, waana taas sababta ay ku heshay mudnaanta abaal marintaan. Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed (Canjeex) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo deg-deg ah, taas oo uga sii dari karta xiisadda ka taagan gobolkaas ee ka dhalatay booqashadii ay shalay ku gaareen wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag Cajneex ayaa xil ka qaadis ku sameeyay maareeyayaasha garoomada diyaaradaha ee degmooyinka kala ah Doolow, Luuq iyo Baardheere isaga oo magacaabay kuwo cusub. Mahad Carab Qeys oo ahaa maareeyihii hore ee garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa waxaa lagu beddalay Diiriye Garane Xasan sida lagu sheegay wareegtada soo baxday. Sidoo kale Saajin Dhaqane oo ahaa maareeyaha garoonka degmada Luuq ayaa waxaa isaguna lagu beddalay Maxamed Qorane Cumar oo loo yaqaano (Dhabarey). Jaamac Cali Cabdi ayaa waxaa isna lagu beddalay Cismaan Daahir Cabdulle (Qooryarey) oo noqonayo maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Baardheere. Xil ka qaadista mas’uuliyiintan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa loo sababeeyay inay keentay baahi loo qabo isbeddal lagu sameeyo mareeyayaasha saddexdaas degmo, si loo helo dayactir iyo horumarin lagu sameeyo garoomadaas oo muhiim u ah gobolka Gedo. Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale la faray inay la shaqeeyaan maareeyayaasha cusub ee maanta loo magacaabay garoomada Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay in ay billow cusub u tahay dagaal siyaasadeed oo markale ka qarxa gobolka Gedo, kaas oo ku soo beegmay, kadib booqashadii Janan iyo Fartaag oo dhinaca Mandheera kasoo galay Gedo, waxaana is hortaag ku sameeyay mas’uuliyiinta Gedo, walow mar dambe lagu qanciyay in wafdigan uu tego degmada Dolow. The post Guddoomiyaha GEDO oo tallaabo culus qaaday kaddib safarkii Janan iyo Fartaag appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Baaralamaanka Federalka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo muranka hareeyay. Xildhibaanadan oo gaaraya illaa 13 Mudane ayaa marka hore kasoo horjeestay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen. Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sharraxay bayaanka ay soo saareen iyo ujeedka ay ka leeyihiin. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu muddo xileedkiisu ka harsan yahay maalmo, islamarkaana ay ka murugsan yihiin mustaqbalka Koonfur Galbeed. “Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midda doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo wakhtigan xaadirka ah aad u kacsan maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin” ayuu yiri xildhibaankan oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda muddo kororsiga. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay doonayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto, islamarkaana aysan raalli ka aheydn muddo kororsiga loo sameeyay madaxweynaha “Waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn ” ayuu sii raaciyay xildhibaanku. Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo siyaasadeed, mana muuqato diyaar garow uu hadda maamulka ugu jiro qabashada doorashada, lamana oga sida ay wax noqon doonaan balse waxaa haatan rajo weyn laga qabaa shirka dib u heshiisinta ee uu qabanayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kaasi oo looga hadlay xaaladda taagan. The post Xildhibaanada kasoo jeeda K/Galbeed oo ka horyimid muddo kororsiga Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka Ciyaaraha Horyaalka Kubadda Cagta ayaa ka hadlay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, taas oo ay hadda isku hayaan mucaaradka & xukuumadda. Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in sanadka soo socdo ee dhowaan bilaabanaya 2023 uu Somaliland u noqon doono sanad doorasho, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay tartanka ururada iyo arrinta diiwaan-gelinta oo bilaabaneyso 28-ka ka bishaan, kuna eg illa 28-ka bisha January. “Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noqon doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiwaan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale wuxuu farriin u diraygobollada aan horay isku diiwaan-gelin, isaga oo ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada, ayna qaataan kaarka cod-bixinta. “Gobollada aan horay isku diiwaan-gelin, sababo jira aawgood ayagana waxaan ugu baaqayaa inay isdiiwaan-geliyaan.” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu baaq u diray siyaasiyiinta, isaga oo ka dalbaday inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Somaliland. “Ururada iyo xisbiyada tartami doono ee 13-ka ah marka ay diiwaan-gelintu dhammaato waxaa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda iyo ficilkooda inay yihiin dada waayeel ahoo u bisil dalkan hoggaamintiisa,”ayuu markale yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay doorashooyinka, waxayna xiisaddu kasii dartay markii xisbiyada mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi. The post Madaxweyne BIIXI oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso doorashada SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda Mareykanka, ayada oo shaaca ka qaaday inuu sii kobcayo, islamarkaana hormar laga sameeyay sanadihii la soo dhaafay. Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaaday xiriirka iskaashi ee Mareykanka iyo Somaliland. Biixi ayaa ku faanay in Somaliland ay haatan meel fiican ka mareyso caalamka, islamarkaana ay hormariyeen siyaasaddooda arrimaha dibadda, sida uu ku dooday. Sidoo kale wuxuu sheegay in labada Aqal ee Mareykanka ay ansixiyeen iskaashi amni oo dhex-maraya Somaliland iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta Somaliland caalamka meel fiican ayey ka mareysaa waxaad ogtihiin in labada aqal ee Mareykanka ay baas gareeyeen in dowladda Mareykan ay ku qasbeen inay la yeelato xiriir diblumaasiyadeed & mid amaan Somaliland,’ ayuu yiri madaxweyne Miise Bixii. Waxa kale oo uu xusay inay u mahad-celinayaan xildhibaanada ka shaqeeyay arrintaasi, ayna filayaan in madaxweynaha uu dhaqan-geliyo go’aankaasi. “Waxaan uga mahad naqeynaa xildhibaanada gole ahaan ee hirgeliyay dhowaana insha allaah aan fileyno in madaxweynuhu saxiixo,” ayuu markale yiri Muuse Biixi Cabdi. Ma cadda qaabka uu Mareykanka iskaashi amni ula sameynayo Somaliland, ayada oo xiriir wanaagsan uu la leeyahay Soomaaliya, islamarkaana ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo tababar siiya ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab. Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa horey u booqday Mareykanka, isaga oo lasoo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, walow uusan ka helin soo dhoweyn aad u sarreysa. The post Muxuu yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka uu la sameynayo Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay lacag dhan $70 milyan oo lagu horumarinayo adeegyada biyo joogto ah, beeraha, iyo deegaanka ee bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool dhulka qalalalan ee Soomaaliya. Mashruuca Biyaha Miyiga Soomaaliya oo loo yaqaan “Barwaaqo” laguna dhisayo mashruuca Biyoole ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag, islamarkaana ay ka sii dareyso cunno yarida ka jirta qeybo ka mid ah dalka. Chantal Richey oo Bankiga Adduunka u qaabilsan biyo-bixinta ayaa sheegtay in Mashruuca Barwaaqo uu isku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo, islamarkaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabiiciga ah. “Tani waxaa ka mid ah keydinta biyaha, ilaalinta ciidda, dhiraynta, iyo dib u soo celinta seeraha baraha biyaha kasoo burqamaan si tartiib tartiib ah looga dhigo dhul cagaaran,” ayey tiri Richey. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono laba dowlad goboleed oo dheeri ah oo kala ah, HirShabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo mashruuca diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba. Bankiga Adduubnka ayaa sheegay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda hela adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif aheyn. Kristina Svensson, oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la horumarinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay horseedeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah dhulka Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, oo halis gelisay hab nololeedka reer miyiga. The post 500,000 oo Soomaaliya ku nool oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii hore ee amniga dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ka bilaabay deegaannada gobalka Gedo abaabul ciidan oo ka dhan ah ururka alshabaab. Janan ayaa sheegay in ay gobalka u yimaadeen sidii ay u bilaabilahaayeen abaabul ciidan iyo mid deegaan si loo qaado dagaal ka dhan ah ururka alshabaab. Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ayaa sheegay sidoo kale in abaabulkaan ay uga gol leeyihiin fulinta amarkii ka soo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dalka laga saaro ururka alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku dalbaneyso in la cafiyo Daniel Hale oo hore u ahaa fallanqeeye millitari. Daniel ayaa loo haysta faafinta dukumentiyo kashifay sidda ciidammada Mareykanka ay shacabka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya. “Daniel Hale cidna khatar kuma ahan, waxa uu qaatay mas’uuliyadda ficilada uu sameeyay, wuxuu shaqo qaran u qabtey qarankiisa. Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxaa Daniel sameeyay waxay aheyd geesinimo.” ayey tidhi Ilhaan. Ilhaan ayaa hadalkaan ka jeedisay shir jaraa’id oo ay soo qaban-qaabiyeen shabakadda taageerada Daniel Hale oo ah urur ay ku mideysan yihiin hay’addo iyo saaxiibada Hale oo xiligaan ka shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa. Difaacista Ilhaan ee ninkaan ma ah markii u horreysay, waxayna sidan oo kale bishii August ee sannadkii hore warqad u dirtay Aqalka Cad, taasi oo ay ku sheegtay in Daniel uusana dambi galin, balse uu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. “Wuxuu ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo,” ayey xiligaas qoraalkeeda sii raacisay Ilhaan. Daniel ayaa hore loo xukumay 45 bilood oo xadhig ah ka gadaal markii uu qirtay hal dacwad oo kamid aheyd shan eedeymo oo la xidhiidha faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah. Dukumentiyada loo haysto Ninkaan ayaa ka koobnaa sirta howl-galada Drones-ka Mareykanka oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqeymaha Yemen, Pakistan Afghanistan iyo Soomaaliya. Daniel ayaa hore qeyb uga ahaa ciidamada Mareykanka muddo xileedkii koowaad ee Brack Obama, xiligaasi oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Source
-
Bangiga adduunka ayaa meel mariyay $70 milyan oo loogu deeqayo Soomaaliya si wax looga qabto adeegyada Bulshada aas aasiga u ah. Lacagtaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada Biyaha, Beeraha, Deegaanka iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan miyiga fog ee deegaannada Soomaaliya. Mashruuca adkeysiga biyaha ee loo yaqaan BARWAAQO, ay lagu sameyn doonaa horumarinta ugu balaaran ee lacagta uu Bank-ga adduunka bixinayo. Mashruuca Barwaaqo waxa uu ku balaadhin doonaa adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed iyada oo lagu kordhin doono laba dawlad-goboleed oo dheeraad ah oo xubnaha ka ah dawladda federaalka ah ee Hirshabeele iyo Jubbaland-halkaas oo mashruucan diiradda lagu saari doono meelaha ka fog biyaha Shabeelle iyo Jubba. Mashruucani waxa uu biyo siin doonaa 500,000 oo qof, oo ka dhigan ku dhawaad 15% dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan hagaagsanayn. “Mashruuca Barwaaqo waxa uu ka taageerayaa bulshooyinka si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee deegaanka,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Kordhinta helitaanka biyaha waxay gacan ka geysan doontaa horumarinta caafimaadka iyo fayo-qabka bini’aadamka, gaar ahaan marka la eego abaarta hadda jirta,” ayay hadalkeeda sii raacisay Svensson. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay. Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiillada ee toddobaadka soo socda. Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka. Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda. Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabburiyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan karto aaladdan nooc basaasnimo ah. Reuters. Source
-
Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xaalad caafimaad oo aad u daran ay ka taagan gudaha degmada Dhoobley ee gobolkaasi, ka gadaal markii uu ka dilaacat cudurka Kalooraha ama Shuban Biyoodka. Maamulka Dhoobley oo la hadlay warbaahinta ayaa qaylo dhaan xoogan ka muujiyay xaaladda caafimaad ee ka taagan degmadaasi, gaar ahaan cudurka Shuban Biyoodka. Mukhtaar Maxamed Sahal oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada ayaa shaaca ka qaaday in cudurka ay u geeriyoodeen illaa 17 qof oo isugu jiro carruur iyo dad waa weyn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isbitaalka guud ee magaalada Dhoobley la dhigay illaa 600 qof oo uu saacadihii ugu dambeeyay soo ritay cudurka Kalooraha. “Sida aad ogtihiin waxaa dilaacay cudurka Kalooraha kaas oo soo ridday dad 600 oo qof gaaraya, dhimashadana illaa iyo hadda gaareyso 7 qof,” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenku. Sahal oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in fariin u direen ATMIS, islamarkaana ay jawaab ka heleen, kadib markii ay su deg-deg ah ula soo gaareen daawo iyo qalab nadaafadeed “Waxaa innoo yimid ATMIS oo ah ciidankaka jowlgalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland, kuwaas oo saldhigooda uu yahay degmada DHoobley, ayaga oo ka damqaday baahida iyo dhibaatada meesha taalla, saakana deg deg noogu keenaym gurmadkii ugu horreeyay oo isugu jiro daawo, qalab nadaafadeed iyo raashin,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray dowlad Jubbaland iyo dowladda Dhexe, isaga oo ka codsaday in aysan indhaha ka laaban xaaladda adag ee haatan ka jirta Dhoobley. The post Xaalad ka taagan Dhoobley oo sababtay dhimashada 17 qof iyo in isbitaalka la dhigo 600 appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeedisay kooxda Al-Shabaab, kadib markii laga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la’isku yiraahdo HirShabelle. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ay si bareer ah guryahooda uga barakaciyeen dadka rayidka ee ku dhaqan deegaanada iyo magaalooyinka laga qabsaday. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay horey u afduubteen qoysas badan, ayaga oo sababta ku sheegay in ay carruurtooda ku biiraan dagaalka, gaar ahaan ciidanka Macawiisleyda. “Waxay soo kaxeysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiilashooda ay hubka u qaateen Al-shabaab,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sababta ay sidaas ay u sameynayaan ay tahay in shacabka ay ka hor istaagaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Soomaaliya. Afhayeenka ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto kooxda Al-Shabaab, lana tagaeero ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guluf ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda. The post Al-Shabaab oo sabab yaableh ‘u afduubtay qoysas badan’ kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
