Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) – Jamal Osman, a UK-based journalist, accused the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) of barring him from entering Mogadishu, Somalia's capital, and forcing him to return to London. Source: Hiiraan Online
  2. Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay xaafado ka tirsan Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in hawgalkan uu ahaa mid ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha Khamriga. ” Sidaan u qorshaynay ayuu u fulay hawlgalkii xalay waxaana gacanta lagu dhigay ciddii la doonayay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliiska. Booliiska Puntland ayaa muddooyinkii danbe magaooyinka waaweyn ka waday hawlgalka la-dagaallanka maandooriyaha Khamriga. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal ka fuliyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ilhaan Cumar, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan. Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka. Booqashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Ilhaan ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay. Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn ayaa la xaqiijiyay inuu u goostay Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen. Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan, waxaana jiritaankeeda sii xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Guddoomiyihii hore ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uu ahaa shaqaale ka tirsan Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in markii hore uu ka soo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga, markii uu wasiirka ka ahaa. “Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan ee ku dhalisay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab. “Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan. “Laba maalin kahor ayuu guriga ka tegay, hal maalin marka uu maqnaadayna waxaa loo sheegay qolada amniga,” ayuu markale yiri guddoomiye hore Maxamed Mursal. Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirka darawalka Maxamed Mursal. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga. The post Dhageyso: Darawalka guddoomiyihii hore ee BF oo ku biiray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Wararka naga soo gaarayo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu boolis rasaas ay fureen ay u dhinteen dad shacab ah. Dhacdadaan ayaa ka dhacday degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, waxaana ay timid kadib markii dadka shacabka ah ay ka gadoodeen ceel biyood ay dowladda ka dhisayay deegaanka. Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay rasaasta ay ciidamada fureen, waxaana ciidamada lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen dilka dadkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Garacad ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Jariiban Calisiciid Abdinuur Khaliif iyo Taliyaha saldhiga Axmed maxamed Afrax Taraafiko, oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Jariiban. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Degmada iyo deegaannada hoos yimaada, sida amniga, horumarka iyo Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo inagu soo fool leh. Waxaa Kulanka Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo Saraakiil Madaxtooyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ma’uuliyiinta degmada Jariiban appeared first on Puntland Post.
  7. Defence CS Aden Duale has insisted that Muslim women must at all times wear hijabs, whenever they are in public. Source: Hiiraan Online
  8. Defence CS Aden Duale has insisted that Muslim women must at all times wear hijabs, whenever they are in public. Source: Hiiraan Online
  9. Soo dhoweyntii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee gobolka Minnesota ayaa waxaa hareeyey kala aragti duwanaasho kadib markii la isku khilaafay habka ay jaaliyadda u wajaheyso. Waxaa jirtay aragtiyo lagu kala duwanaa marka ay noqoto qaabka lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaliya markii uu tegay Minneapolis: Kuwo waxay ku andacoonayeen inuu soo wakiishay wasiir ama uu soo wakiishay qof: Kuwana waxa ay ku doodayeen in bulshadu qaybageeda kala duwan xaq u leeyihiin inay iska arkaan islamarkaana ka tashataan waddada ugu qurxoon oo ay kusoo dhaweyn karaan Madaxweynahoda. Aragtiyadii lagu kala duwanaa waxaa kamid ahaa:- In Madaxweynaha uu marti u yahay Minneapolis, soo dhaweyntantiisuna ay waajib muqaddas ku tahay reer Minnesota haddii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha, islamarkaana ay rabeen inay dajiyaan magaalada caasimadda Minnesota ah ee St Paul oo maanta aan ognahay in Booliiskeeda iyo Shacabkeedu uu dhaxeyso wada shaqayn buuxda. Halka kuwa doodayay waxa nasoo wakiilay wasiir ay ku andacoonayeen inuu Madaxweynaha asiga marti isu yahay dhanka dhaqaalaha, islamarkaana dejinayaan Minneapolis oo maanta aan ogyahay in ka badan 400 Booliis ay qaateen ruqso nasasho kadib dilkii George Floyd, taasoo sababtay in qiimaha ijaarka convention center-ka uu ahaa mid aad u sarreeyay, islamarkaana ku shan jibaarmay ijaarka xarunta Xcel Energy-ga ee St Paul. Booqashada Madaxwensha ee Minneapolis waxa ay salka ku haysay in uu warbixin buuxda reer Minnesota ka siiyo halganka lagaga soo hoejeedo Al-Shabaaab ee ka curtay HirShabeelle: Sidoo kale, in uu reer Minnesota ugu mahadceliyo sidii ay u garab istaageen halgankaas. Ugu danbayn: Labada dhinac waxa ay ka sinnaayeen wanaaga soo dhaweynta Madaxweynaha, laakiin waxa ay ku kala duwanaayeen aragtida martigalinta dhanka dhaqaalaha madaama aan ognahay in maanta dalka uu kujiro dagaal, dagaalkana u baahan yahay dhaqaalo aad u xoogan, waxa ayna ku habooneyd in aragtida labada dhinac la mideeyo si loo helo aragti midaysan oo si wadajir ah loogu soo dhaweyn lahaa Madaxweyna laakiin ma dhicin. Waxa qoray: Mohamed Isse Minnesota The post Xog: Khilaafkii hareeyey soo dhoweynta madaxweyne Xasan Sheekh ee Minnesota appeared first on Caasimada Online.
  10. UN Somalia has trained more than 400 journalists on climate change and humanitarian crisis reporting. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali security forces have arrested eight senior members of al-Shabab as government troops step up operations against the terror group in the central part of the country. Source: Hiiraan Online
  12. When people newly displaced by drought or conflict arrive in Somalia’s capital Mogadishu, they often begin by asking for assistance. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xirsi Cali Diirshe, kaas oo kamid ahaa waxgaradaka deegaanka. Nabadoonka ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday, wuxuuna kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla isla degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay goobta isaga baxsadeen, kadib falkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Nabadoonka ayaa kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana dilkiisa uu la xiriiraa beegsiga ay haatan Al-Shabaab ku heyso Beeshaas oo kula dagaalantay Galgaduud. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay howlgallo kooban, balse ma jiro wax hadal ah oo ay kasoo saareen dilka Nabadoonka. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayey gudaha caasimadda, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan. The post Nabadoon Xirsi Cali Diirshe oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU (Xinhua) -- The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) on Tuesday warned of a dire humanitarian situation in Somalia with famine fast approaching. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (HOL) - Four al-Shabab members surrendered to the Somali government forces based in Hirshabelle state. Source: Hiiraan Online
  16. Jamaal Cismaan oo sharraxay arrintii ku qabsatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle JAMAL MUHUMED OSMAN Jamaal Cismaan oo saaran diyaaraddii uu dib ugu noqoayay London Axaddii la soo dhaafay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya waxay huteel ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku xannibtay weriye Jamaal Cismaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska. Wuxuu sheegay in markii uu ka soo dagay garoonka siddeeddii subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen huteelka iyaga oo u sheegay inay hubinayeen in uu isaga yahay iyo inkale. Mar uu BBC-da la hadlayay ayaa Jamaal wuxuu intaas ku daray in labada nin ay u sheegeen in ay ka socdaan Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya (NISA). Kadib dhawr sarkaal oo kale ayaa gudaha u soo galay huteelka iyaga oo fariistay miis yaallay bannaanka qolkiisa, sida uu yiri Jamaal. “Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal. Dhowr saacadood kadib ayuu xusay in mid kamid ah taliyeyaasha NISA uu qadka taleefanka kala hadlay, una sheegay in sababta ay u xannibeen ay tahay maaddaama uu bartamihii sanadkaan barnaamij ka soo sameeyay Ururka al-Shabaab, wareysina la yeeshay madaxa Amniyaatka kooxda, Mahad Karatee. “Sarkaalka NISA ayaa si kooban iigu sheegay: “Haddii aad sameyso sheekooyin aan dhibsanno – waxaad mari doontaan cawaaqibkeeda. Waxa ku qoran warqadaha [sharciga] muhiim ma ahan”. Wuxuu sheegay in mar dambe ay ku amareen in uu dib ugu noqdo London. Subaxii isniinta ayuu Muqdisho ka raacay duullimaadka Turkish Airlines. Jamaal ayaa intaa ku daray in uu Muqdisho u yimid si uu u sameeyo barnaamij la xiriira tacaddiyada lagula kaco haweenka. Dhowr bil ka hor markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo dhanka kala ah, dawladda Soomaliya waxay soo saartay amarro ku aaddan sida ay warbaahintu u tabin doonto wararka la xariira dagaallamayaasha Al-Shabaab. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan al-Cadaala, ayaa ku amray warbaahinta in aysan tabin karin wararka falalka ay geystaan Al-Shabaab, isaga oo u cuskaday in ay buunbuunin u tahay ururka. Al-Caddaala ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeedba u sheegno, inaan u aqoonsaneyno faldambiyeed, nuuc kasta oo la xariirta baahinta falalka aragagixisada”. Qaar ka mid ah weriyaasha iyo ururrada u dooda saxaafadda ee Soomaaliya waxay go’aankaan ku tilmaameen mid xaddidaya madaxbanaannida warbaahinta. Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha Ururka Somali Journalists Syndicate ayaa kamid ah dadka dhaliilay go’aankan. “Wareegtada dawladda, waxaa laga yaabaa in ay dhaliso in la xannibo awooddii ay saxafiyiintu u lahaayeen in ay si xor ah u tabiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah al-Shabaab” ayuu yiri Cabdalla oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Muqdisho. Laakiin maalmo kadib markii uu hadalkaan yiri, ayaa la xiray isaga oo ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Waxaa la geeyay maxkamad, laguna eedeeyay in uu jabiyay go’aankii ay soo saartay dawladdu. Mar dambe ayaa damiin lagu siidaayay, iyada oo aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin dacwaddiisa. Cabdalla wuxuu sheegay inuusa hadda xor u ahayn inuu ka safro magaalada Muqdisho. Maxaa hadda u qorsheysan Jamaal? Jamaal ayaa sheegay inaysan dembi ahayn in la wareysto hoggaamiyeyaasha Alshabaab, isla markaana ay bulshada dan u tahay in su’aalo la weydiiyo dagaal-yahannada sida Alshabaab. “Arrintan igama hor istaageyso inaan guto howsheyda saxaafadeed, inaan booqdo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin meelaha ay Alshabaab maamusho iyo inaan wareysto hoggaamiyeyaasha kooxda. Soomaaliya waxay u baahan tahay warbaahin xor ah in ka badan intii ay hore u baahneyd.” Ayuu yiri Jamaal. Qaran News
  17. Waa maxay arrinta hadal heynta dhalisay ee Aadan Barre uu ka yiri xijaabka haweenka Muslimiinta Kenya? XIGASHADA SAWIRKA,ADEN DUALE 20 Disembar 2022 Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa khudbad uu goob xaflad ah shalay ka jeediyay waxaa ka dhalatay hadal-hayn badan. Ducaale ayaa mar uu ka hadlayay xaflad tartan Qur’aan waxaa uu sheegay in ay tahay in gabdhaha Muslimiinta ah ay xirtaan xijaabka marka goobaha fagaarayaasha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado ay joogaan. Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa arrintan si wayn wax uga qoray. Aadan Barre oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay in hablaha uu ku baraarujiyo xirashada xijaabka.”Maaddaama aan ahay nin Muslim ah oo ay mas’uuliyad wayn saaran tahay aniga waxaan la hadlayay umadda Muslimiinta waddankan, mas’uuliyad ayaa iga saaran, ayuu yiri Mr Ducaale,” “Muslimiinta ayaan la hadlayay haddana dowladdeenna Ilaahey aaminsan, waa dowlad rabto in diimaha dhammaan ay sharafto, waxay ila tahay ayaan dhahay in hooyooyinkeenna, gabdhaheenna , xaasaskeenna iyo walaalaheen ay xijaabka waqti kasta xirtaan sida ay diinteenna ogoshahay marka ay joogaan meelaha dadku isugu yimaadaan,” ayuu intaa ku daray . Aadan Barre oo aan wax ka waydiinnay in hadalkiisan uu yahay amar ka soo baxay dowladda ama ay dowladda la qabto ayaa ku jawaabay “maya maya arrinka anigaa iska leh, Aadan Barre, waxaan ahay nin siyaasi ah, waxaan ahay siyaasiga ugu sarreeya ee dowladda ugu jira Muslimiinta oona 20 sano xildhibaan ahaa, mas’uuliyad ayaa iga saaran in aan umadda u jiheeyo ku baraarujiyo xagga diinta” Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo Muslim ah ay waajib ku tahay in gabadhiisa uu xijaabka u xiro. “Qof kasta oo i dhageysanaya oo Soomaali ah ama Muslim ah oo waddanka Kenya joogo waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in gabadhiisa marka ay shan jir gaarto uu ku billaabo inay xijaabka xirato,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka gaashaandhiga Adan Bare Ducaale ayaa dhanka kale sheegay in aysan masuuliyad ka saarnayn gabdhaha aan xiran xijaabka islamarkana aysan wax u dhimi doonin. “Gabadhii xijaab xirato ayaan difaaceynaa, ayaan u duceynaynaa noo noqonaysa tusaale, middii xiran wayso mas’uuliyad nagama saarno, mana fiijineyno mana qabanayno, waddankama kama bixinayno,” ayuu yiri. XIGASHADA SAWIRKA,ADEN DUALE Waa kuma Aadan Barre Ducaale? Aadan bare Ducaale ayaa siyaasadda ku soo biiray sanaddii 2007-dii markaasi oo laga soo doortay magaalada Garissa, isaga oo ka tirsanaa xisbiga ODM. Aadan Bare ayaa tan iyo xilligaas waxay dadka deegaanka Garissa Township soo doorteen 4 jeer oo isku xigta. Waxaa uu sanadkii 2007 markii la soo doortay sidoo kale loo magacaabay wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha. Aadan Barre Ducaale oo waxaa uu sidoo kale muddo toddoba sano ah hayay xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Xilka xildhibaannimada Garissa ayuu iska casilay ka dib markii loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dalka Kenya. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidmaada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay eedeymo culus oo dul-hoganayey maalmahaan, kadib markii lagu eedeeyey in dil lagu xukumay rag aan geysan dambiyada loo heysto. Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay laba kiis oo maxkamadda la hor geeyey maalmihii lasoo dhaafay. Labadaan kiis ayaa kala ah ninkii lagu xumay dilka ee loo heystay inuu garoonka Aadn Cadde u fududeeyey inay gudaha u galaan laba nin oo weerar toos ah ka fulisay afaafka hore ee garoonka, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Ninka kale ee kiiskiisa uu muranka badan ka dhashay oo Shuute uu ka jawaabay waa mid loo heysto nin kale oo dil lagu xukumay, kaas oo cidda uu ka dhashay ninka horay u dhintay ay dood ka keentay. Reerka uu ka dhashay nin lagu dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha-biyaha ayaa dood ka keenay xukunka nin ka mid ahaa 8-qof oo 6 ka mid ah maalmo ka hor ay maxkamaddu ku xukuntay inay Shabaab ka tirsanaayeen. Reerka ayaa ku dooday in ninka la xukumay uusan dilin wiilkooda, iyagoo ku dooday in askari ka tirsan ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada uu dilay wiilkooda, cadeymana ay u hayaan eedeyntooda. Guddoomiye Shuute ayaa sharaxaad dhameystiran ka bixiyey labadaan kiis, isagoo mid mid u dul istaagay waxyaabaha la isku hayo iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan. Hoos ka daawo The post Daawo: Shuute oo faahfaahin dhameystiran ka soo saaray muran hareeyey laba kiis appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag nolosha lagu qabtay, iyagoo doonaya inay weerarro toos ah fuliyaan, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay iyaga iyo hubkooda. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa soo bandhigay laba nin, Bajaaj iyo seddax qori, kuwaas oo doonayey inay weerarro ka fuliyaan degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan. Sidoo kale waxaa Kaaraan lagu toogtay hal nin oo ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo doonayey inay weeraraan saldhigga booliska ee degmada Kaaraan, waxaana xusid mudan in ninka laga soo qabtay Kaaraan ay dhalinyarada degmadaas soo qabteen. “Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa nolosha ku qabtay dhagarqabayaal hubeysan oo doonayey inay weerar ka geystaan degmada Kaaraan, waxaana halkaas lagu dilay hal dhagarqabe,” ayuu yiri afhayeenka booliska. Sadiiq Doodishe ayaa intaas kun sii daray, “Howlgal kaler oo ay ka filiyeen ciidanka booliska Soomaliyeed degmada Deyniile ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe kale oo watay laba qori oo AK47 ah, oo halkaan aan ku soo bandhignay.” Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragaan lasoo qabtay ay aad u adeegsanayeen mooto Bajaaj-ta, “dhamaan howlaglladaas sameynay waxaan ku ogaanay in mooto Bajaajyo badan ay ku lug lahaayeen dembiyada dhacay,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa shacabka Muqdisho u diray war-gelin ah inay ka taxadaraan mootooyinka, gaar ahaan dadka kala iibsanaya, isagoo kula taliyey inay Nootooyinka la tagaan oo kula wareegaan gadiidka ay iibsanayaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska Muqdisho oo nolosha ku qabtay rag weerar culus soo qaaday appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Sicid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay La-taliye u qaabilsan Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska. Xudeyfa Aadan Cukaash loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska sida ku cad wareegtadaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay La-taliye cusub appeared first on Puntland Post.
  21. Corruption in Somalia is a significant problem that has plagued the country for decades. The lack of a strong, centralized government and the ongoing conflict and instability have made it easy for corruption to thrive. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa markii u horeysay shaaciyay is-hortaag lagu sameeyay xili uu soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Wariye Jamaal oo shalay dib uga noqday Muqdisho ayaa muddo ku siman 24 saac ku sugnaa Hoteel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo loogu xanibay si uusan ugu sii gudbin magaalada. Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in laga hor istaago gelista magaalada Muqdisho, islamarkaana laga tarxiilo caasimada Soomaaliyeed. “Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah taliyeyaasha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ugu sababeeyay xanibaadiisa in uu bartimihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab, Mahad Karatee. “Waa la kala fikir duwanaan karaa, baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la isdagaali karaa laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiiga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada.” Barnaamijka oo Jamaal uu kasii daayay Channel 4 ayaa lagu haystaa inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab, isaga oo muujinayey inay dadku nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha argagixisada Al-Shabaab. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan. The post Wariyihii wareystay madaxda Al-Shabaab oo shaaciyay arrin ay kula kacday DF appeared first on Caasimada Online.