Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolkaasi kadib markii ay isaga baxeen xoogag Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay si nabdoon kula wareegeen degmadan oo ay muddo sanado ah ka talineysay kooxda. Sidoo kale ciidamada ayaa haatan howlgallo miino baaris ah iyo kuwa lagu sugayo amniga ka wada gudaha degmadaas iyo hareeraheeda. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in Ceeldheer ay soo gashay gacanta dowladda, isagoo boggaadiyay ciidamada sameeyay howlgalkaas oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka u yahay in Galmudug oo dhan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo guluf dagaal laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Shalay ayey aheyd markii ciidamada huwanta ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug oo maalmo kahor ay isaga baxday Al-Shabaab. Arrintan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab laga sii itaal roonaanayo, isla-markaana lagu jebiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay, Hiiraan, Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug. Howlgallada dagaal ee ka dhanka ah koxoda Al-Shabaab ayaa haatan si weyn ugu sii fidaya dalka oo dhan, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post CIIDAMADA dowladda oo maanta degmo cusub kala wareegay AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  2. UN agencies are calling for timely action to protect vulnerable children from food and nutrition crisis. Source: Hiiraan Online
  3. Divisions of the United States Army in Africa will hold a series of engagements and training with its African partners beginning next month. Source: Hiiraan Online
  4. A woman was Monday killed and eight others were injured after al-Shabaab militants attacked a public service vehicle plying the Banisa- Mandera road, Mandera County. Source: Hiiraan Online
  5. Jugta qarax xooggan iyo dhawaqa hubka culus ayaa saaka laga maqlay degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellada dhexe. Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday degaankaas Xawaadley oo dhanka bari ka xiga degmada Balcad. Xogaha ayaa intaas ku daraya in weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada ku sugan Xawaadley. Kooxda Al-shabaab oo war ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegtay in ay qabsadeen degaanka Xawaadley islamarkaana askar iyo saraakiil badan ku laayeen. Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle midna weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee in ay qabsadeen Xawaadley. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
  6. A man has been who conspired with a terrorist serving life imprisonment and other terror groups in Somalia to blow up Kenyatta International Convention Centre (KICC) in January 2019 has been convicted. Source: Hiiraan Online
  7. Baidoa, Somalia — Somalia is facing poverty and hunger on an unprecedented scale. Every minute of every day, another child in the East African nation is admitted to a hospital suffering from malnutrition. Source: Hiiraan Online
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa shaacisay cadaalad darro baahsan oo ay tirsaneyso. Hooyadan ayaa sheegtay haddii ay xukuumadda Somaliland ka heli weydo cadaalad ay isku qarxin doonto Madaxtooyada Somaliland oo ah hoyga uu degan yahay Muuse Biixi. “Cadaalad darada aan tirsanayo waa in Baloodh aan ku leeyahay saldhiga Daami ee Hargeysa la igala meeraysanayo. Waxaa keenay markhaatigii, ninkii iga iibiyay iyo nootaayooyinkii, waxaa i wareejinaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland,” ayey tiri. “Sideedaba waxaa laga garnaqa laba saf ah oo iska soo horjeeda, weli ma arkin cid iga soo horjeeda. Garsooraha markasta wuxuu ileeyahay maxkamadda sare ayay ka socotaa, meesha qaraaro ayaa laga soo saaray ayey hay’addaha garsoorka yidhaahdeen xataa waxa la igu yidhi qasab ku saxeex qaraaradaas.” Sidoo kale waxay sheegtay in cadaalad darada ay ka tirsaneyso xukuumadda Somaliland, gaar ahaan maxkamadda sare ay horseedi doonto inay isku qarxiso madaxtooyada, maadama uusan jirin sharci lagu kalsoonaan karo. “Qorshahayga wuxuu yahay haddii aan waayo cadaalada in aan isku qarxiyo Madaxtooyada, sharcigu waaka sharci kale hadaan waayay halkee qabta.” ayey sii raacisay hadalkeeda. Hooyadan ayaa kamid aheyd tobaneeyo qof oo warbaahinta gudaha kasoo muuqday, iyaga oo cadaalad darro ka tirsanaya hay’addaha garsoorka Somaliland, kuwaasi oo sheegay in xuquuqdoodii lagu tuntay, lana duudsiiyay wixii ay xaqa u lahaayeen. Cadaalada Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay sanadihii dambe, ayada oo lagu eedeyo “in ay eex iyo awood dowladeed” lagu dulmiyo dadweynaha, taasi oo sida muuqata ay ka dhalan doonto natiijo aan la mahdin. The post HOOYO ku hanjabtay inay madaxtooyada Somaliland isku qarxineyso haddii ay… appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirrada 5-rag ah, hub ay wateen iyo gaari ay ka dhaceen dad shacabka, kuwaas oo la qabtay iyagoo baxsad ah. Ragaan ayaa laga soo qabtay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyagoo la baxsanaya gaariga ay dhaceen iyo taleefoono kale oo dad shacab ay ka uruursadeen. Ragaan ayaa gaari nooca raaxda ah kala degay dadkii watay, kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng. Yariisoow ee degmada Cabdicasiis. “Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska. Qoraalka booliska ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo.” Ugu dambeyntii taliska qeybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa qoraalkaan ku cadeeyey in burcadaan hubaysan oo ku jirta gacanta ciidanka amniga la horgey doono hey’adaha kale garsoorka, si cadaallada loo marsiiyo. Magaalada Muqdisho markii laga soot ago falalka argagixiso ee sababa dilalka madax-jebiska ah iyo qaraxyada, waxay dadkeedu qaati ka taagan yihiin dhaca tuugada, mararka qaarna waxaa dhacda in qofka loo dilo agabka uu wato dartiis. Ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka wada howlgallo ay ku baacsanayaan burcadda, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay. The post Sawirro: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay burcad geysatay dhac yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  10. PRESS RELEASE The Islamic Corporation for the Insurance of Investment & Export Credit (ICIEC) Welcomes the Republic of Azerbaijan as its 49th Member State ICIEC insurance solutions catalyze strategic projects and improve its member states’ investment attractiveness Access Multimedia Content JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, January 16, 2023/ — The Islamic Corporation for the Insurance of Investment & Export Credit (ICIEC) (http://ICIEC.IsDB.org), a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, welcomes the accession of the Republic of Azerbaijan as its 49th member state. ICIEC insurance solutions catalyze strategic projects and improve its member states’ investment attractiveness. ICIEC will work closely with the Government of Azerbaijan to support economic and social infrastructure projects in trade, agriculture, energy, water, sanitation, and urban services and with the private sector to improve access to finance. ICIEC supports Azerbaijan’s 2030 National Priorities for Socio-Economic Development by achieving sustainable economic growth and high social welfare and their priority for a clean environment and a country of “green growth”. ICIEC’s presence as an investment partner provides a measure of reassurance and encouragement to other potential investors seeking opportunities in Azerbaijan. The investment projects often provide employment, enhanced, modern and efficient infrastructure, and better quality of life for citizens. Mr Oussama Kaissi, CEO of ICIEC, welcomed Azerbaijan, stating: “The Republic of Azerbaijan’s membership opens the door for its private and public sectors to benefit from risk mitigation and credit enhancement solutions offered by ICIEC to expand their exports and promote foreign direct investment inflow. Similarly, it allows exporters, banks and investors from other member and non-member states, to cover political and commercial risks related to their operations in Azerbaijan.” Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC). Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo soo dhaweeyay kacdoonka Shacab ee dhawaan ka billowday Muqdisho, ayaa baaq u direy madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Xaad ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka in la daadajiyo dowladda, oo la geeyo gacamaha shacabka, si looga guuleysto dagaalka Shabaab ka dhanka ah. “Dowladda waxaa ka codsaneyna hadey dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir tahay in dowladda hoos la geeyo anagu waxaa soo joognay dowladda oo qoysaska guryahooda ku jirta. Dowladda haddii la daadajiyo waxay tagee caruur, hooyo iyo aabe taas ayey dowladda ku dhex jiri jirtay haddana waxaa rabna in meeshaas la gaarsiiyo,” ayuu yiri. “Dowladda iyo Shacabka waxa u dhaxeeya gaab, sidaas ayey Khawaarijta ku faa’iideen oo dhibaatada ku geysteen waxaa rabna dadka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Banaadir bulshada ku nool iyo dowladda in aan gacanta isku galino.” Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in fursada kaliya ee Shabaab looga adkaan karo xiligaan ay tahay in bulshada gobolka u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, maadama ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha caasimadda dalka. “Waxaa rabnaa in wada-shaqeynta la buuxiyo, haddaan nahay dadka gobolka Banaadir waxaa haysana ciidamadii dowladda oo dhan iyo waxkasta oo adeeg ah oo ay dowladda bixiso, aan ku dhiirano suulintooda (Shabaab).” “Waa in aan ku dhiirano arrintaas iyada ah, geesinimadu wax ma disho, fuleynimada nolol ma keento taas ayaa isku baraarujinayna waxaa inoo ballan ah wada-shaqeyn, isxog-wareysi, isku xirnaan iyo kalsooni. Dowladda waxaa rabna inay dhagaxyada kasoo hoos baxdo oo la is-dhexgaliyo dowladda iyo dadka.” Shacabka Muqdisho ayaa Khamiista toddobaadkii hore muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caasimada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya “in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.” The post Xaad oo baaq cusub u diray DF iyo maamulka gobolka appeared first on Caasimada Online.
  12. Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd. Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad inuu macluumaad ka siiyo, ku saabsan baadhitaankii lagu sameeyey waraaqihii sirta ahaa ee laga helay xafiiska Biden ee ku yaalla magaalada Washington iyo weliba gurigiisa Delaware. Xubnaha cusub ee Jamhuuriga ee la wareegay aqalka wakiillada ayaa haatan dalbanaya macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cidda heli kartay macluumaadka sirta ah ee laga helay guriga Biden, tan iyo markii xafiiska ka degey sannadkii 2017. PUNTLAND POST The post Diiwaanka Martida booqatay Guriga Madaxweyne Joe Biden oo la waayay appeared first on Puntland Post.
  13. Somalia’s government-led forces have captured an al Shabaab stronghold on the Indian Ocean coast, the defence minister said on Monday, in one of their most significant victories since launching an offensive against the Islamist group last year. Source: Hiiraan Online
  14. Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay muhiimadii ay degmada Xarardheere u laheyd kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maanta gudaha u galeen ciidamada xoogga dalka. Taliye Biixi oo wareysigaan siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dekedda demadaas ay Al-Shabaab kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale, isla markaana ay ka dhoofi jireen amiirrada Al-Shabaab. “Degmadaan waxay leedahay deked ay hubka, shidaalka, daawada iyo sahayda oo dhan ay kala soo deji jireen kooxda Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay maanta in cadowga aan ka xoreyno,” ayuu yiri Biixi. Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga carareen degmada oo dhamaan dadkii deganaa ay horay u kaxeysteen, isla markaana ay ku baxeen dhowr jid oo ciidanku ay ka war hayaan. “Xarardheere maanta waa meel lagu kala cararay, hal qof ma joogto oo cadowgii wuxuu horay u kaxeystay carruurtii iyo islaamihii, dhowr jiho ayeyna uga baxeen magaalada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi. Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay go’doomiyeen, isla markaana aysan jirin meel ay hubka ula faka doonaan, maadaama lagu hareereeyey Galgaduud. “Ma jirto wado ay Al-Shabaab tiknikada kula bixi karaan, waxaa la sheegay in nin kasta uu hadda dharka haweenka toshay, laakiin iyagoo hubeysan meel ay nooga faka karaan ma jirto,” ayuu yiri Biixi. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah siinayaan xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda, isla markaana lasoo afjari doono maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug. Sidoo kale Galcad ayuu sheegay Taliyuhu in maanta khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay difaacdaan magaalada, balse waxay u babac-dhigi waayeen ciidankii soo weeraray, taas oo sababtay inay isaga cararaan Galcad oo dhiigooda loogu tegay, sida uu sheegay Taliyuhu. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wareysi: Biixi oo shaaciyey in Shabaab lagu go’doomiyey Galgaduud kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) oo shaqada uga maqan dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Villa Rays ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo dagaalada Al-Shabaab looga xoreyanayo Galmudug iyo HirShabeelle. Wasiirka ayaa bogaadiyey howlaglkii ay ciidamadu maanta ku xoreeyeen magaalooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay Shabaab oo laga xoreeyey galmudug iyo HirShabeelle ay noqa doonaan “kalluun biyo waayey.” “Dib u xoraynta degmada Xarardheere waa guul kale oo taariikhi ah, guusha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta; siyaasad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaaray,” ayuu yiri wasiir Doodishe. Wasiirka amniga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu guuleystay qorshii dagaalka seddaxda jiho ee dowladdu ay ku qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa dhinacyada furinta, fekerka iyo dhaqaalaha. “Sidoo kale waxa ay guulahaasi marqaati u yihiin sida wadashaqaynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqabataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee ciidamada qalabka sida.” Ugu dambeyntii Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Khawaarijta oo laga nadiifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug waxay uga dhigan tahay sidii kalluun biyo waayay!” Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) ayaa lug ka jabay habeenkii ay Al-Shabaab weerareen hotelka Villa Rays oo madaxtooyada ku ag yaalla. Doodishe ayaa loo qaaday caafimaad dibadda ah, waxaana markii ugu horeysay oo uu ka soo hadlo xaaladda dalka, tan iyo markii uu ku dhaawacmay weerarkaas. The post Wasiirkii dhaawacmay ee amniga oo war ka soo saaray dagaalka dalka ka socda appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka sida iyo kuwa shacabka oo degmo kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waa tallaabo kale iyo guul taariikhi ah oo ay geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa shacabka maanta ay usoo hoyeen Qaranka mar haddii ay cagta mariyeen cadowgii ummadda ka dulqaadeen degmada istaraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in dhiiranaanta shacabka, geesinimada ciidanka iyo ka go’naanshiyaha madaxda dowladda oo isbiirsaday ay sahashay in Al-Shabaab lagu jabiyo muddo kooban, islamarkaana looga qabsado dhul ballaaran. “Sannadkaani waa midkii aan dalkeenna iyo dadkeenna kaga xoreyn lahayn Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana la sheegaya in shacabka ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha. Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Xamza oo war kasoo saaray guushii maanta la gaaray appeared first on Caasimada Online.
  17. After one year serving as the United States Ambassador to Somalia, I recently concluded individual introductory meetings with all Federal Government of Somalia ministers Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho ay noqotay “hoyga firxadka Al-Shabaab”, kadib markii lagu soo jabiyay dagaalka kooxda uga socda gobolada dalka. “Khawaarijtii Al-Shabaab markii lagu soo jabiyay furimihii dagaalka ee gobolada, waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaga oo xaafadihii iyo degmadii dib ugu soo laabta.” Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Banaadir in maamulka degmooyinka la socodsiiyaan cidkasta oo kusoo kororta xaafadaha iyo kuwa guryaha laga kireynayo, si meesha uga baxdo khataraha amni ee ka dhalan kara Shabaabka firxadka ah. “Shacabka gobolka Banaadir waxaa ugu baaqeyna dhamaantood, gaar ahaan shacabka degmada Yaaqshiid qofkasta oo deegaankiisa kusoo kordha ama guri uu ka kireynayo la socodsiiyo maamulka, si loo marsiiyo nidaamka amniga waafaqsan oo asagana dhibaatada looga ilaaliyo.” “Waxaa carabka ku adkeynayna Khawaarijta Al-Shabaab waqtigiina waa dhamaaday waxa la jooga xilligii Shacabka iyo dowladda idinka xoroobi lahaayeen, waana idinka xorownay badanaa. Magaalada Muqdisho waxay noqon doonta magaalo xor ka ah dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ay ku hayaan Khawaarijta Al-Shabaab.” Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howl-galada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada. Si kastaba, Culeyska Al-Shabaab lagu hayo xilligaan ayaa keenay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo dowladda ay sheegtay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha. The post Magaalada noqotay hoyga firxadka Al-Shabaab oo uu qorshe culus ka billowday appeared first on Caasimada Online.
  19. Palermo (caasimada Online) – Italian authorities apprehended Matteo Messina Denaro, one of the nation’s most sought-after organized crime figures, at a private hospital in Palermo, Sicily on Monday. Widely known by the monikers “Diabolik” and “U Siccu,” Denaro has been evading capture since 1993 when he was convicted in absentia for his role in the 1992 assassinations of anti-mafia prosecutors Giovanni Falcone and Paolo Borsellino. These heinous acts sent shockwaves throughout Italy and prompted a concerted effort to combat the Sicilian mafia, also called Cosa Nostra. At the time of his arrest, Denaro, now 60 years of age, was receiving medical treatment for cancer under a false identity at Palermo’s “La Maddalena” hospital. He was escorted from the facility by two uniformed carabinieri and transferred to a waiting black minivan. A second individual, who had driven Denaro to the hospital, was also taken into custody on suspicion of harboring a fugitive. Magistrate Paolo Guido, who oversaw investigations into Denaro’s activities, emphasized the importance of dismantling the crime boss’s network of protectors in achieving this momentous arrest. Italian Prime Minister Giorgia Meloni made a trip to Sicily to commend the police officials involved, stating, “While this is not the end of the war or the defeat of organized crime, it is a crucial battle won and a significant blow to the mafia.” Hailing from the town of Castelvetrano near Trapani in western Sicily, Denaro is the son of a prominent organized crime figure. Before going into hiding, he was known for his opulent lifestyle, replete with luxury automobiles and meticulously tailored suits. He is currently facing a life sentence for his involvement in bomb attacks in Florence, Milan, and Rome that claimed the lives of ten individuals in 1993. He is also accused of having a hand in several other murders during the 1990s. The arrest of Denaro coincides almost precisely with the 30th anniversary of the capture of Salvatore “Toto” Riina, the Sicilian mafia’s preeminent leader of the 20th century. Riina passed away in prison in 2017, never having broken his vow of silence. Despite the magnitude of this recent arrest, experts contend that Cosa Nostra has been surpassed by the ‘Ndrangheta, the Calabrian mafia, as the most powerful organized crime group in Italy. Federico Varese, Professor of Criminology at Oxford University, noted, “The Sicilian mafia is not as formidable as it once was, particularly since the 1990s, as they have been unable to infiltrate the drug trade and are, therefore, playing second fiddle to the ‘Ndrangheta in that regard.” Source: Agencies The post Italy arrests Mafia boss Matteo Messina Denaro after 30 years in hiding appeared first on Caasimada Online.
  20. Harardhere (Caasimada Online) – In a significant development for the Somali government, government forces have successfully captured the towns of Harardhere and Galcad from the al-Shabab militant group. Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur announced that government forces and local fighters were able to seize the towns without resistance, as the militants fled before the operation. The Minister said on state-owned television that “Haradhere and Galcad towns have been taken from the hands of the al-Shabab Kharijites,” Nur said. ” Al-Shabab is overpowered and gone. We will also liberate the remaining towns soon.” Harardhere, a key coastal town, and former pirate hub, was the most strategically important town in Galmudug still under al-Shabab control. The city had been a major base for pirates hijacking merchant ships until 2011 but was later taken over by al-Shabab. The capture of Harardhere and Galcad, located approximately 375 kilometers north of Mogadishu, is a clear indication that the government-led offensive against al-Shabab in central Somalia is progressing successfully. The government has reported significant progress in its operations against al-Shabab, with hundreds of militants killed and numerous localities captured in neighboring Hirshabelle state since the offensive began in August. Additionally, the government has also reported shutting down hundreds of bank and mobile money accounts believed to be linked to al-Shabab, to disrupt the group’s revenue-generation activities. Despite these successes, al-Shabab continues retaliating with suicide bombings and retaliatory attacks. A suicide car bombing in the village of Halgan on Monday resulted in the death of Jamal Ahmed Jama, a captain in the local security forces. Al-Shabab claimed responsibility for the attack. The group said in a statement that it has inflicted “heavy losses” to the government through other suicide bombings over the weekend. Al-Shabab was behind three explosions in Hiran regions. In Bulobarde and Jalalaqsi towns, they have killed 13 people and injured over 50 others on Saturday, according to local officials. On January 4th, two explosions from vehicle-borne explosive devices in Mahaas town resulted in the deaths of over 20 people, the majority of them being civilians. While some experts have warned that al-Shabab is not yet defeated, the capture of Harardhere and Galcad represents a major setback for the group and a significant victory for the Somali government. The government will now focus on facilitating the return of residents to the towns, which civilians largely abandoned due to al-Shabab’s forced displacement prior to the arrival of government troops. Al Shabab’s spokesperson could not immediately be reached for comment. Since launching the major offensive last August, the government and allied clan militias have driven out the extremists from swathes of territory in central Somalia. Some officials believe that the recent successes against al-Shabab have put the group on the brink of defeat. However, experts warn that the group has a track record of adapting to military pressure. The post Somali forces seize key coastal towns from al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii loo diiday sanadkii hore ee dhamaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxa soo baxeysa in Villa Somalia ay u xireyso shaqsi gaar ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Musharaxan ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha. Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed. Musharaxan ayaa ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda, waxaana la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato balse beesha kursigan iska leh ayaa ku doodaysa in si caddaalad ah loogu tartamo. Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa 3-dii bishaan guddi u saaray qabashada kuraasta bannaan ee uu kamidka yahay kursiga Fahad Yaasiin, waxaana jira eedeymo la xiriira in guddigan uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah. Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086. Haddii kursigan musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood. The post Xog: Shaqsi aan la fileyn oo loo xirayo kursigii loo diiday Fahad Yaasiin ee HOP#086 appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta soo saaray qormo uu ciwaankeedu yahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.” Guuleed ayaa waxa uu sheegay gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug ay tahay “talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.” Sidoo kale waxa uu xusay in Xarardheere ay saldhig muhiim ah u aheyd Al-Shabaab, si gaar ahna xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan iyo goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan. “Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”. Guuleed ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoogaga deegaanka guushaas ay maanta soo hooyeen. “Waxaa rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg-deg u xoreyn doonaan,” ayuu Cabdikariin Guuleed kusoo afmeeray qormadiisa uu kaga hadlayay dagaalka Al-Shabaab iyo guusha maanta la gaaray. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen. Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post ‘Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay’ appeared first on Caasimada Online.
  23. Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro kaas oo mudda 30 sano ah la raadinayay. Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather. Messina Denaro ayaa laga soo qabtay gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska. Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah waxaana laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada isaga oo wata magac been abuur ah. Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA. PUNTLAND POST The post Aabbihii Maafiyada Talyaaniga oo 30 sano kadib gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.