-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha. Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore. Taariikhda sanjabiisha Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada. Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh Wuxuu yareeya xanuunada ku dhaca dheefshiidka Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada. Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore. Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto. Wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka. Wuxuu yareeyaa halista dhiig-karka Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka. Inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar. Waxaa laga yaabaa in uu hoos u dhigo miisaanka jirka Daraasado dhowr ah ayaa lagu sameeyay faa’iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka hortagga cayilka. Dib-u-eegis ayaa sidoo kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka thermogenesis ee ( kulaylka jirka). Wuxuu daweeya madax xanuunka Cilmi baarisyo badan ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa’iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran. Cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka. Sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa’iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran. Cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka. Qof kasta ma adeegsan karaa sanjabiisha? Shaaha sanjabiisha wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi karin koob idil oo shaahan ah. Dadka qaar ayaa laga yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata dawooyinka. Qof kasta ma adeegsan karaa sanjabiisha? Shaaha sanjabiisha wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi karin koob idil oo shaahan ah. Dadka qaar ayaa laga yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata dawooyinka. Qaran News
-
Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo wareysi siiyay telefishinka Dalsan, ayaa sheegay in qoyska madaxweyne, Siciid Deni ay dhaqaale ka sameeyaan awoodda dowladnimada Puntland. ” Siciid Deni faamilkiisa oo dhan baa xilal ka haya Puntland; goobihii dakhliga oo dhan baa loo magacaabay, ganacsigii dalka oo dhan bay gacanta ku hayaan, qaadka dalka ka soo dhacay kumishinkiisa ayay qaataan” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Faroole. Maxamed oo ka tirsan urur siyaasadeedka Horseed ayaa dhinaca kale ka hadlay diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ka socota Puntland oo uu ku tilmaamay mid khasab iyo jajuub ku socoto. ” Madaxweynuhu qoryo iyo ciidan buu ku kexeeyay qalabkii is diiwaan-gelinta, welina ku ilaalinaya, isaga oo ka baqaya in ay dadku diidaan, diiwaan-gelintu hadda waa mid khasab iyo jajuub ku socota” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Qoyska madaxweyne Deni oo la sheegay in ay dhaqaale ka sameeyaan dowladnimada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markii u horeysay dalab la xiriira xiisada ka taagan Laascaanood u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Garaadka ayaa waxa uu dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay. “Jabuuti ha ahaato oo walaalaheena oo dariskeena ah, ama dowladan aanu ka tirsanahay ee federaalka ha ahaato, walaalayaalow inta waxani meesha ay marayaan ayna dhaafin, oo kumanaan ayna isku dhiman waad aragtaane dee qabta, oo dalkayaga nooga saara” ayuu yiri Garaad Jaamac. Sidoo kale waxa uu sheegay in Laascaanood uu muddo badan kadib ugu soo laabtay, si uu shacabka uga badbaadiyo xukun iyo maamul aanay rabin, ayna wadi doonaan halgankooda inta uu guuleysanayo. “Fikirkayaga iyo aragtiyada way ballaaran tahay, waxa la isku dilay ee isku hayno waa go’ayna iyo la go’i maayo, oo arrintaas anaga wax gorgortan gali kara nooma ahan.” Garaadka ayaa ka dhawaajiyay in xiligaan aanay wax wada-hadal ah la galayn xukuumada Somaliland illaa ay xukuumadda Muuse Biixi qirto in ay iyagu leeyihiin talada dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dagaan, sida uu sheegay. “Marka hore waa in ay qiraan (Somaliland) in dhulkayaga anaga aan leenahay, anaga iyo beesha reer Sheekh Isxaaq dhul naga dhaxeeya majirto oo ma wada dagno, anaga qabiil ayaa nahay oo dhul ayaa daganahay iyaguna waa qabiil dhul ayay dagaan. Waxaa noo dhaxeeya xad qabiileed oo kala leenahay.” Garaadka oo dhawaan si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.” The post GARAAD JAAMAC oo dalab culus u diray DF iyo Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamad ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Al-shabaab kula galeen Xarardheere sannadkii hore. 18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow. Odayaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere,Odayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamad ciidan oo min shan sano ku xukuntay odayaal Heshiis la galay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Las Anod (HOL) – The traditional leaders from the Sool, Sanaag and Ayn regions gathered in Las Anod to discuss the future of their territories on Saturday. The elders are expected to announce the formation of a new federal member state of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu maamulkiisa uu wado qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka la shaqeeya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish. Saciid Deni ayaa sheegay inay og-yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada oo sanado badan dhib ku hayay Soomaaliya. “Xaqiiqdan ayaa idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha la aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa oo wax ka qabaneyna inta loo gudbin buuraha,” ayuu yiri madaxweyne Deni. Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Bari loo geyn waayay sanaaduqda diiwaan-galinta doorashada cabsi laga qabo halis amni oo ka imaan karta kooxaha argagixisada, oo ayagu ku sugan buuraha gobolka Bari. Laba maalin ka hor unbay ahayd markii uu Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay Bilal al-Sudani, oo ururka Daacish u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah. “Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo Arbacadii bayaan soo saaray. Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed. Wuxuu ka caawiyay dagaal-yahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden. Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani. The post SACIID DENI oo shaaciyey inuu beegsanayo dadka la… appeared first on Caasimada Online.
-
In 2020, Norwegian seismic survey company, TGS, estimated that the Somali basin as a whole likely holds offshore reserves of about 30 billion barrels, with additional onshore reserves, although land estimates are considerably less consistent. Assessments generally include Somaliland and would place Somalia reserves at about the same level as Kazakhstan, which would give the area the 18th or 19th largest reserve globally, as assessed in 2016. Source: Hiiraan Online
-
In our series of letters from African journalists, Ismail Einashe considers how important protest music is to the Somali culture of survival. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray wasiirro iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa gaaray jiida hore ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay kaga sugan yihiin deegaanka Jannaa Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose. Deegaankaas oo muhiim u ah isku socodka gobolka ayaa dhowaan ciidamadu waxay ka xoreeyeen kooxda Al shabaab. Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan. Wasaaradda caafimadka ayaa halkaas geysay daawooyin loogu tala galay ciidanka iyo dadka deegaanka, sidoo kale wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa ciidamada gaarsiisay xoolo nool oo ay ugu tala gashay in loo qalo. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa daawooyinka iyo xoolaha ku wareejiyey saraakiisha ciidamada Al-Shabaab ka xoreeyey deegaankaas muhiimka ah ee Janaa Caballa. Masuuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Jannaa Cabdalla, waxayna ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo joogitaanka ciidamada. Dadkii joogay Jannaa Cabdalla ayaa ka mahad sheegtay ciidamada, iyagoo sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmeen inta ay joogeen deegaankaas. Dadka deegaankaas ayaa maamulka Jubbaland ka codsaday in baahiyahooda la daboolo, maadaama dhawaan laga dul qaaday caburintii Al-Shabaab oo dib u dhac weyn ay kala kulmeen, sida ay sheegeen. Deegaankaas Janana Cabdalle ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuu min 60-km u jiraa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee gobollada Jubbaland iyo waddanka Kenya. The post Wararkii ugu dambeeyey Jubaland oo dardar gelisay dagaalka Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqa ku joogay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa halkaasi kaga qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta. Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriirka ciribtirka saboolnimada, daryeelka dadka baahiyaha gaar ka ah qaba iyo horumarinta ilaalin iyo adkaysiga bulshada wxana Gunaanadka shirka oo si guul ah ku soo idlaaday lagu dhisay Guddiga Fulinta ee Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta oo ka kooban toddoba (7) dal oo Soomaaliya ka mid tahay. “Sharaf wayn ayay inoo tahay in aan ka mid noqono, dal ahaan, hoggaanka Golahan, oo ah Golaha lagu soo dejiyo barnaamijyada iyo ajendayaasha mudnaanta leh ee la xidhiidha Arrimaha Bulshada”. Sidaa ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan Cige Wasiirka ayaa sidoo kale shir doceedyo la qaatay madaxda shirka ka qeyb gashay kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Shaqada ee Dawlada Qatar, Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ee Boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Qatar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Dalka Libya, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Yemen, Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Dawladda Qatar kuwa oo ay ka wada hadleeyn iskaashiga arrimaha horumarinta Bulshada, shaqa abuurka, kobcinta awoodaha aadamah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo shir weyne uga qayb gashay dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha. Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo laf-dhabar u ah dadaalada lagu rabo Koonfur Galbeed heshiis ah ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socda gobolka Bakool oo magaalada Baydhabo u jooga shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda gobolka Bakool ayaa waxaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista shirkaan iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayaa waxay guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa islamarkaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal. Aadan Madoobe oo Baydhabo ku sugan muddo ku dhaw bil ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab. “Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo. Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono. The post Maxaa ka cusub shirka Lafta-gareen iyo mucaaradkiisa? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawlada Hoose ee magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay sheegtay in shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawl-galayay xafiisyada dawlada hoose ay shaqadooda ku waayeen arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo laaluush. Cabdikariim Axmed Mooge, Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shaqaalaha la eryay ay lacago ka aruursadeen dad danyar ah, islamarkaana ay qaateen laaluush ay howl fudeydin uga qaateen dadweyne adeeg usoo doontay xarunta dawlada hoose. “Waxaa soo baxay oo soo noq-noqaya inay jiraan dad shufto ah oo tuug ah, shacabkana ku baadhanaya magaca madaxda dawlada hoose iyo magacyada gaarka ah oo ku leh waxaa bixisaan lacag diiwaan-gelin ah si dhul la idiin siiyo,” ayuu yiri. “Sidoo kale waxa jira kooxo kale oo dad masaakiin ah lacago kaga aruursanaya iyagoo leh keena lacag waxa idinka soo dhameynayna guddiga fulinta go’aamo aad dhul ka heshaan.” Maayir Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in dad kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dawlada hoose ay u xiran yihiin falalkan, oo uu sheegay in uusan marnaba aqbali doonin “Waxaa shaqadoodii waayay shaqaalihii ugu badna ee dawlada hoose looga eryay intii ay jirtay in wax isdaba-mariyeen ama qaateen laaluush. Arrintaas oo meel adag ka taagan yihiin maamulka dawlada hoose.” Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin gaar ah u sameeyeen bulshada reer Hargeysa si ay masuuliyiintooda ula kulmaan, taasi oo qeyb ka ah la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dadweynaha lacag looga qaato hawlaha dawlada hoose. “Maalinkasta oo Arbaca waxa dadka shacabka loo shaqeeya 2 duhurnimo illaa habeenkii, maalintaas waxa loo sameeyay qofkasta oo ay ku adkaatay in uu gaaro madaxda dawlada hoose.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa maalin kale u sameynay waxyaabaha ugu xasaasisan oo la yiraahdo maamulka iyo maareynta arrimaha dhulka oo maalinta Axada ayaa waxay labada gudi fadhiistan hoolka si ay bulshada ugu shaqeeyaan.” Maayirka ayaa sheegay in tallaabooyinka u qaadayaan si meesha looga saaro in wax mad-madow ah uu soo galo shaqada dawlada Hoose ee u hayso bulshada ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. The post Somaliland: Shaqaalihii ugu badnaa oo la eryay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Somalia-based militant group Al-Shabab has issued a warning to local banks and money transfer firms, urging them not to “expose” their clients or risk facing punishment. The move comes in response to the Somali government’s decision to crack down on the group’s sources of revenue. Last month the government announced it has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, per Prime Minister Hamza Abdi Barre. “The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” the Prime Minister said. In response, the group’s official spokesperson, Sheikh Ali Dheere, stated that Al-Shabab would not “accept” the practice of some banks giving “information” about their customers to strangers, referring to the government. He added that such acts are ” unethical ” and “punishable.” This is the first time Al-Shabab has targeted financial institutions in Somalia, where the group is believed to channel most of its revenue. Al-Shabab is known to generate revenue through various means, including punitive taxation and ransom payments. Al-Shabab uses part of its revenue to pay its active fighters and maintain its territories. A report by the United States estimates that the group has an annual budget of $100 million, with $24 million allocated for the purchase of weapons. Sheikh Ali Dhere believes that the plan to target banks and reveal the clients who provide funding to the group is a component of a broader US strategy to target Somalia’s financial institutions. “The United States has invested significant effort in developing a plan to enable the Somali government to implement it. The goal of this plan is to gain control of Somalia’s wealth,” stated Sheikh Ali Dhere. In its efforts to tackle Al-Shabab, the Somali government has adopted a multi-pronged approach that includes ideological tactics and financial control in addition to military fronts. President Hassan Sheikh Mohamud believes that targeting the group’s financial accounts can significantly reduce their activities in central and southern Somalia. He stated that the government is closing the group’s bank accounts and shutting down mobile money transfer firms connected to them to ensure security. The government’s decision to focus on cutting off the group’s sources of revenue is seen as a crucial step in weakening the group’s capabilities and reducing its activities in central and southern Somalia. However, it is unclear how effective this strategy will be in the long run. While cutting off the group’s access to financial resources may weaken its capabilities in the short term, the group will likely find alternative ways to generate revenue. Additionally, the group’s reliance on threats and intimidation may make it difficult for banks and other financial institutions to operate in the country. The post Al-Shabab threatens banks as Somali government targets group’s revenue appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa farriin u diray Al-Shabaab. Farriinta wasiirka ayaa si gaar ah ugu socotay dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta koxoda Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu wasiirku aad u amaanay ciidamada qaranka ee u dhabar adeygay soo hoynta guulo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. “Halkaan aan joogno waa deegaan, waa jabeen Khawaarijtii, waxaan maanta farriin u dirayaa dhalinyarada la qalday, waxaad leyneysaan dad muslimiin ah, waxaad ku cayaareysaan naftiina, walaalayaalow qaladkaan ka soo noqda, weli fursadaa heysataane,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo maalmo badan ku sugan gobolkaas Mudug ayaa sheegay inuu soo arkay hoogga iyo ba’a ay ku noolyihiin dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab, maadaama uu joogo furimaha dagaalka. “Dowladiina iyo dadkiinu waa idin soo dhaweynayaan hadaa noo soo laabataan, sidaa ku jirtaan waa hoog iyo ba’ maalin kasta waa gubaneysaan, halaag adduun ayaa ku nooshihiin, kii aakhirana waa idin sugayaa,” ayuu yiri. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in Shabaab laga adkaaday, isagoo yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Khawaarij waa jabtay, inta hartayna waan is raacineynaa insha allaah,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii wasiirka oo farriintaan isaga soo duubay Cabdi-bile korkiisa ayaa yiri, “In maanta aan halkaan soo gaarno oo shacabkeena deegaanadaan fog ku nool ay xornimo dareemaan waxaa suurta geliyey ciidankeena geesiyaasha ah, Allaha idin abaalmariyo.” Wasiir Jaamac ayaa maanta sheegay in internet-kii ugu horeeyey ee abid laga isticmaalo ay maanta ku guuleysteen in la gaarsiiyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo kooxda Al-Shabaab ay maamuleysay intii ay aas-aasneyd. “Taariikhda hala geliyo Xarardheere internetkii ugu horeeyey ayaa galabta laga daayey wicidii ugu horeysey oo WhatsApp ahna anaa hadda sameeyey. Shacabkayagoow Guuleysta,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka Gaashaandhigga oo farriin ka soo diray furimaha Mudug appeared first on Caasimada Online.
-
Farxiya Cabdi Maxamed oo ahayd wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqisho. Koox baastoolado ku hubaysan ayaa sida ka xaqiijiyay salaadii cisho kaddib wasiiradda ku dilay degmada Warta Nabadda gaar ahaan waaxda saddexaad ee Horseed. Madaxtooyada Galmudug oo ka hadashay dilka wasiir Farxiya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdisho”. Wasiirada la dilay ayaa la magacaabay 5 December ee sanadkii hore 2022, waxayna ku jirtay liis isku shaandhayn oo xiligaas golihiisa wasiiradda ku sameeyay Madaxweyne Qoorqoor. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Galmudug oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Farxiyo Cabdi Waasuge oo aheyd wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho. Dilka Haweeneydaas ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug. Gabadhaan ayaa ka soo jeeday beesha Saruur ee Habargidir oo dhawaan bilowday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kuna guuleysatay inay kooxda ka xoreysato Xarardheere iyo deegaano kale oo ay degto. Al-Shabaab ayaa caan ku ah inay Muqdisho ka ugaarsadaan dadka ugu muhiimsan beelaha ay kala kulmaan kacdoonka, iyadoo la xasuusto beegsi ay horay kooxdu ugu sameysay beelo aan ka xusi karno Dir, Xawaadle iyo Saleebaan, kuwaas oo haldoor badan looga dilay Muqdisho. Koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen gabadhaan wasiiru dowlaha ka aheyd wasaaradda gaadiidka Galmudug, markii laga soo baxay salaadii cishaha ee caawa, waxayna ka baxsadeen goobta. Inkastoo Al-Shabaab looga gacan sareeyo dagaallada ka socda gobollada dalka oo dhul badan ay lumiyeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, hadana kooxdu waxay weli awoodaa inay dilal qorsheysan ka fuliso gudaha caasimadda Muqdisho. Muqdisho oo ah magaalada ugu muhiimsan dalka, qof kasta oo Soomaali ah oo aan deganeyn waa booqdaa, ama waa ku hamiyaan inuu tago, laakiin waxaa looga maara la’yahay dilalka qorsheysan ee argagixisada, taas oo cabsi badan ku heysa shacab iyo masuul, qof kasta oo ku nool magaaladaan. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ‘Garanwaa’ u bixiyey kooxaha dila dadka ee hadana ku dhex dhuunta magaalada Muqdisho, wuxuuna iclaamiyey howlgal qof iyo guri ah, si loo aqoonsado Garanwaaga. Inkastoo ciidamada ammaanka ay dhaqdhaqaaq iyo xooraan intaba sameeyaan, hadana lama soo qabto kuwa dadka dila ee Muqdisho ku dhex dhuumaaleysta, taas oo xujo weyn ku ah dowladda Soomaaliya oo ku hamineysa in waayo dhow ay saaxada ka tir-tirto kooxda Al-Shabaab. Hoos ka eeg sawirka wasiirka la dilay The post Wasiir caawa lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimadii dhawaan ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa maanta fadhigooda ugu tagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo u sameeyey baraarujin. Culimadaan ayaa guddoonka golaha ka codsatay inay kalmado baraarujin ah ka hor jeediyaan xildhibaanada, sida uu kulankii maanta ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow. Sheekh Xasan Al-Waajidi oo ka mid ahaa culimadii maanta lagu casuumay kulankii xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn kulanka ka akhriyey Qur’aan. Markii uu soo gabagabeeyey akhrinta Qur’aanka ayuu jeediyey khudbad baraarujin ah, isagoo sheegay in xildhibaanada uu u sameeyey xirsi xir, ‘Waxaan niyeystay inaan Golaha Shacabka Qur’aan saaro, horay waxaan u Quraan saaray Madaxtooyada oo khilaaf ka jiray, si Sheydaanka iyo Jinigu uga baxo,” Sheekh Xasan Al-Waajidi. Sheekh Xasan ayaa sheegay in hadda ka hor lagu casuumay madaxtooyada oo khilaaf adag uu ka taagan yahay, isla markaana uu Qur’aan ku akhriyey, si sheydaanka uu uga xijaabo madaxda. “Waa waajib i saran in aan dalka qur’aan u akhriyo, habeen kale ayaan tegay iyadoo sidii uu khilaaf uga taagan yahay madaxtooyada, labada guri ee madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaan qur’aan la dhex istaagay, si khilaafka looga baxo, sababtoo umadii waa dhibaateysan tahay, madaxdiina waa dagaashan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Xasan Al-waajidi. Shiiqa ayaa xildhibaanada xasuusiyey in dad Soomaaliyeed oo dowlad la’aan ah ay sugayaan, isagoo kula dardaarmay inay khilaaf ka fogaadaan oo danta dalkooda ay ka fekeraan mar kasta. “Soomaali hadaan nahay aqoonta diinta islaamka kaalinta ugu horeysa ayaan uga jirnaa, markii la joogo adduunka, gudaha dalka markii la joogo waa in muhiimad weyn la siiyo diinta islaamka, idinka dhan waxaan idinka codsaneynaa, in shareecada islaamka lagu maamulo dalkaan,” ayuu yiri Sheekh Xasan Al-Waajidi. Hoos ka daawo The post Daawo: Al-Waajidi oo BF ka hor sheegay arrin ku saabsan khilaafkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilkan u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, wuxuuna bedelaya Amb. Maxamed Cali Nuur oo xilkaan hayay tan iyo horaantii 2020-kii, oo markaas ay u magacowday wasaaradda arrimaha dibedda. Magacaabistan ayaa dhaqan-galeysaa maanta oo taariikhdu tahay 28-da Janaayo 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku howlan dib u qaabeynta xukuumadda, ayada oo dhawaan uu golaha wasiirada Soomaaliya xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland. Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab. The post R/W XAMZA oo xil sare u magacaabay Xamza Xaadoow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loogu qeybiyay sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirada. Kulanka maanta oo uu guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow ayaa waxa xildhibaanada la siiyay mmuddo 3 maalmood ah oo ay kusoo akhriyaan sharciga cusub ee NISA. Abshirow ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan loo raacayo xeerka, islamarkaana 3 berri kadib la isugu soo laaban doono doodiisa, xilli kal hore ay dhacday in guddoonka Golaha uu cod galiyay sharci aan la marin nidaamkii xeerarka, kaasi oo dood badan ka dhalisay Golaha. Xildhibaanada qaarkood ayaa guddoonka Golaha Shacabka ku eedeeyay in la dadajiyay sharciyo hore oo qaarkood hal mar laga dhigay laba akhrin, taasi oo keentay in mudanayaasha golaha ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan sharciyada la horgeeyo golaha. Inkasta oo sharcigan uusan mad-madow badan ku gadaamneyn ayna tahay markii u horeysay ee hay’adda NISA ay yeelato sharci ay ku dhaqanto sanado badan ayaa haddana waxay xildhibaanada qaarkood qabaan in waqti la siiyo, taasi oo keentay in saddex maalmood kadib la isugu soo laabto. NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba. Sharcigaan ayaa waxa la rumeysan yahay in uu dabrayo madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn. Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd. Sidoo kale cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharcigan ayaa waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto. Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda. Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo. Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka. Sharciga cusub ee NISA ayaa waxa uu soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’addan. The post Sharcigii NISA oo la horgeeyay Golaha Shacabka iyo dood ka taagan golaha appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamed Macalin Cabdulle. kulanku ayaa laga hadlay sidii Jubbaland looga hirgalin lahaa xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah taas oo maanta la dhagax dhigay iyo sidii deegaanada khawaarijta laga xoreenayo loo gaarsiin lahaa gurmad iyo gargaar raashin ah oo dhameystiran, si lamid ah sida gobolada kale ee dalka ay u gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland. Source: goobjoog.com
