Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo gelinkii dambe ee shalay xilka kala wareegay Hanti-dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa shaaciyay arrimaha xafiiskiisa hor-tebinta u leh. Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha Bangiga dhexe, qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda, xildhibaannada labada Aqal iyo masuuliyiin kale. Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono inta uu joogo horumarinta xafiiska hanti-dhowrka. “Alle-na waxa aan weydiisanayaa in uu i waafajiyo in aan si daacadnimo iyo ammaano leh ayna kujirto danta dalka, dadka iyo diinta,” ayuu yiri Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka. Mudane Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shan qodob oo muhiimaad gaar ah uu siin doono, taasi oo kor u qaadi doonto shaqada uu xafiiskan u hayo Qaranka, kuwaasi oo kala ah; Dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta Hirgelinta Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo xafiisku ku guto waajibaadkiisa, islamarkaana ay mas’uuliyiinta dowladda, shaqo wadaagga iyo shaqaaluhu ogyihiin una tababaran yihiin. Hirgelinta tababar quseeya howlaha xafiiska iyo sida uu u gudanayo waajibkiisa, kaasi oo xafiisku siinayo agaasimeyaasha guud, maareeyeyaasha agaasime-waaxeedyada iyo baarayaasha gudaha ee wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda Dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda, mashaariicda iyo hannaanka deyn cafinta In Laga billaabo aniga iyo shaqaalaha xafiiskuba aan raacno habraac anshax iyo howlgal oo aan tusaale u noqono xaqiijin, daah-Furnaan isla-xisaabtan, ammaano iyo dhex-dhexaadnimo Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada. Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah. The post Hanti-dhowrka cusub ee qaranka oo shaaciyay shan QODOB oo hor-tebin u leh appeared first on Caasimada Online.
  2. Bujumbura (Caasimada Online) – The East African Community (EAC) Council of Ministers’ 43rd ordinary meeting is currently taking place in Burundi, and it is set to review a report on the verification mission for Somalia’s admission into the regional bloc. This report was compiled after a visit to Somalia from January 25th to February 3rd, 2023. With Somalia’s admission, the EAC will have eight member states, including Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, the Democratic Republic of Congo (DRC), and Uganda. On January 13th, 2023, EAC Secretary General Peter Mathuki hailed Somalia’s long Indian Ocean Red Sea route, which links Africa to the Arabian Peninsula, as a vibrant economic zone that will benefit the EAC immensely. The EAC is a regional intergovernmental organization that promotes cooperation and integration among its member states. It was established in 1967 and was revived in 2000 with the signing of the Treaty for the Establishment of the East African Community. The EAC Council of Ministers’ five-day meeting, which started on February 19th and will run through to February 23rd, will review reports on various issues, including political matters, customs and trade, finance and administration, as well as reports of other EAC organs, such as the East African Legislative Assembly and the East African Court of Justice. The EAC Council of Ministers is the policy-making body of the regional bloc, comprising ministers responsible for EAC affairs and/or regional cooperation of each member state. Its functions include promoting, monitoring, and reviewing the implementation of the EAC’s programs and ensuring the proper functioning of the regional bloc. The admission of Somalia into the EAC will bring about many opportunities and benefits for the country and the region as a whole. Somalia has significant untapped natural resources, including oil, gas, and minerals, that could contribute to the growth of the EAC’s economy. Furthermore, Somalia’s strategic location provides a gateway for the EAC to access the Middle East and Asian markets, opening up more opportunities for trade and investment. The post EAC to review Somalia’s verification mission report at Council of Ministers meeting appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is experiencing its worst drought in decades, and humanitarian aid workers have expressed concerns over a possible decrease in support due to donor fatigue. Compounded by multiple humanitarian crises worldwide, there is growing anxiety among aid workers that donor fatigue may reduce the funds received for Somalia’s appeal. According to Mohamed Abdi, the Country Director for the Norwegian Refugee Council, who talked to VOA Somali, donor fatigue has been a persistent issue for Somalia. Somalia has received humanitarian assistance for over three decades with no substantial improvement, leading to donor fatigue. Many donors support other humanitarian causes in countries such as Yemen, Syria, Turkey, and Ukraine. Abdi adds that European donors would prefer to support the Ukrainians because of their proximity and the impact of the war. Somali government and humanitarian agencies appealed for $2.6 billion to assist 7.6 million people in 2023. However, famine is a strong possibility if rains in the spring are insufficient and humanitarian assistance is not sustained. A spokesperson for The U.N. Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) has warned that while the needs in Somalia are increasing, donors are indicating that funding may be reduced this year. This development comes after OCHA’s appeals for donor support to Somalia in the past two years failed to reach its goals. According to the spokesperson, this funding shortfall has significantly impacted OCHA’s ability to provide vital assistance to the people of Somalia. The reduction in funding is especially concerning as the humanitarian situation in Somalia continues to deteriorate. Reduced funding and its impact According to a spokesperson, the funding for humanitarian assistance in crucial sectors is projected to decrease from April to June. This anticipated reduction of the financing is part of the calculus for the famine projection, despite last year’s efforts to meet the needs of 7.6 million people by increasing the initial appeal from $1.46 billion to $2.27 billion, of which only 67% was funded. As for 2021, the $1.09 billion request was only 78% received. As per Abdi’s confirmation, the Norwegian Refugee Council received only 40% of the $40 million they requested to support people affected by drought last year. He emphasizes that with assistance from humanitarian donors, they will be able to reach the number of people they have planned to reach. The role of donors The United States remains Somalia’s largest single donor of humanitarian aid, contributing around $1.3 billion since October 2021. However, U.S. Embassy officials in Mogadishu stress that they cannot meet Somalia’s humanitarian needs alone. In a call for action, humanitarian aid officials urge all donors to step up and contribute to sustaining and scaling up the humanitarian response to ensure that assistance continues to reach necessary levels. This plea comes as funding for critical sectors is anticipated to decrease in the coming months, adding to the already challenging circumstances faced by millions of people in need. Somali and U.N. officials hope that European and Arab countries will step up to provide support. They emphasize that the sooner the funding is received, the better they will be able to respond to the crisis. The U.N. Famine Prevention and Response Coordinator, Reena Ghelani, urges donors to react before the crisis. Following a visit to Mogadishu last month, U.S. Ambassador to the U.N. Linda Thomas-Greenfield stated that swift action with humanitarian assistance is needed in Somalia to save lives and prevent the onset of famine. The post ‘Donor fatigue threatens’ Somalia’s drought response appeared first on Caasimada Online.
  4. Aid workers in Somalia say they are concerned about a likely reduction in humanitarian support as the country grapples with its worst drought in decades. Source: Hiiraan Online
  5. Violence has erupted in a city at the centre of a dispute between Somalia’s semi-autonomous Somaliland and Puntland regions. Source: Hiiraan Online
  6. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa wareysi soconayay 4 saacadood siiyay talefishinka qaranka ee dalkaas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha. Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah ayuu xaaladda Soomaaliya kaga hadlay, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan karin ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhawaan hubka qaatay, si ay ula diriraan Al-Shabaab. Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska ciidamada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”. “Si taas loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda, isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” ayuu sii raaciyey Afwerki. Baahida ciidanka difaac ee Soomaaliya Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u tababartay Soomaaliya. Dhanka kale, wuxuu faahfaahiyay sida ay Soomaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrimahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wuxuu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soomaaliya. Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in “ Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”. Faragelinta shisheeye iyo ciidanka Soomaaliya Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jiritaanka Soomaaliya, iyaga oo aan ka amar qaadaneyn dad ajaaniib ah. “Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha inay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaaliya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” ayuu yiri Asaias Afwerki Madaxweynaha Eretria. Afwerki oo ku sheegay in waxa Soomaaliya curyaamiyey ay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka. “Waxaa uga sii daraya xaaladda Soomaaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacmaha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama Al-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki. Hadalka madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyo beeleedyo la magac baxay macawisleyda ay kula jiraan ururka Al-Shabaab uu meel xasaasi ah marayo. The post Afwerki oo si yaab leh uga hadlay ciidankii lagu soo tababaray Eritrea iyo siyaasadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Recently, the IFAD’s 46th session of the governing council has come to an end in Roma, Italy. The conference focused on the discussion relating to the emerging food security crises in the world. Source: Hiiraan Online
  8. DAR ES SALAAM -- The 43rd ordinary meeting of the East African Community (EAC) Council of Ministers currently underway in Burundi will review a report of the verification mission on the admission of Somalia into the regional bloc. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in lagu handaday aragti ay ka dhiibteen sharciga hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed oo maalmahaan ay doodiisu ka socotay golaha. Arrintaan guddoonka golaha shacabka ayaa deg deg u soo fara-geliyey, wuxuuna guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in cagajugleyntaas raali gelin laga bixiyey, islamarkaana lagu balamay inaysan soo noqon. Mid ka mid ah xildhibaanadii lasoo wacay ee loo hanjabay markii ay aragtidooda ka dhiibteen sharciga cusub ee hey’adda Socdaalka ayaa sheegay in raali gelin kaliya aan lagu qanci karin oo loo baahan yahay in ficil la sameeyo, maadaama xildhibaano loo hanjabay. “Xildhibaankii ku qancay raali gelin sharafteena ayuu meel uga dhacay, arrintaan waxbaa ka soo noqon kara, guddoomiye iyo xildhibaano arrintaas sharciga wixii uu ka qabo hala marsiiyo, xildhibaanada inta lasoo wacay ayaa lagu yiri baarlamaankaa igala dagaalantaye banaanka ayaan kaala dagaalamaa, arrintaas waa gef weyn, sharciga in lagu xaliyo ayaan rabnaa arrintaas,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka. Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka shir guddoominayey ayaa islamarkiiba arrintaan ka hadlay wuxuuna dalbaday in xiisadda la dejiyo, maadaama raggii hanjabaada sameeyey ay raali gelin bixiyeen. “Arrintaas xildhibaanadii ay ku dhacday waa loo yeeray, waa lala fariistay, waana laga raali geliyey, waa dhamaatay, hadda kadib qofkii isku dayana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa oo raali gelin lagama aqbali doono, marka walaalihii ay arrintaas kala gaartay waa iska raali geliyeen, laakiin xildhibaanka cid fikirkiisa ku colaadi karta ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Lama shaacin cidda u hanjabtay xildhibaanada dalbaday in qodobada qaar ee sharciga hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dib loo saxo, kaas oo maalmahaan ay xildhibaanadu ka doodayeen. Sharcigaan oo ah kii ugu horeeyey oo hey’daan ay yeelaneyso ayaa waxaa golaha u soo gudbiyey agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi, waxaana dood dheer kadib anxisiyey xildhibaanada golaha shacabka. Hoos ka daawo The post Aadan Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xildhibaanno loogu hanjabay aragtidooda appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd faahfaahin ka bixiyay dilal ay dad shacab u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilalkan ay ka kala dhaceen isla shalay saddex degmo oo kala ah; Howl-wadaag, Xamar-Weyne iyo Hodan, waxaana dhamaantood ay ahaayeen rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda ku furanayeen wadada oo jaam aheyd. Doodishe ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay inta badan askartaasi dadka shacab ah ku dilay saddexda, kadib markii ay si dhaqsa leh uga howl-galeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, halka kuwa kalana ay ku raad-joogaan, sida uu sheegay. “Howl-wadaag 19-kii February 2023 ayaa saddex shaqsi oo ku lebisan dharka ciidamada qalabka sida oo marayay Masaajidka Nasru-diin waxay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawa iyaga oo ku macneynaya in ay waddo ku furanayeen taasi oo haba-yaraate qalad ah. Waxa ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo goobta marayay laguna magacaabi jiray AUN Sharmaarke Cabdixakiin Diiriye,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe. “Waxaa umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in dhacdadaasi qofka marxuumka ah ku eedeysna ciidankii ku eedeysna gacanta lagu dhigay oo sida ugu dhaqsaha badan waxay kasoo hor-muuqan doonaan maxkamadda awooda u leh si cadaalada u maraan.” Isla shalay degmada Xamar-Weyne, gaar ahaan agagaarka Afar-Iridoodka waxay saddex askari oo ku lebisnaa direyska ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen waddo saxmad ah, taais oo ku dhaawacmay Yuusuf Cabdi Xuseen, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska. “Yuusuf ayaa waxa gargaar u fidiyay ciidamada amaanka oo goobta ku baxay, waxaana lagu simay goobaha caafimaadka haddana xaaladiisa waa wanaagsan tahay.” Dhacdada saddexaad ayaa isla shalay iyaduna askar ka tirsan ciidanka dowladda ay ka geysteen degmada Hodan, taasi oo rasaas ay jid ku furanayeen ku dhaawacantay haweenay goobta ka agdhweyd oo lagu magacaaba Saciido Isaaq Aadan. “Gabadhaas ku dhaawacantay ayaa waxay gargaar caafimaad u fidiyay ciidamada amaanka. Dadkii ku eedeysna falkaasi wey xiran yihiin intooda kalena waa lagu raad-jooga, waxaana socota baaristooda.” Dhacdooyinkan ayaa waxa laba kamid ah geystay sida aan hore u baahinay askar ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan lagu soo celiyey magaalada Muqdisho. Dhowr xarumood ayaa gudaha magaalada Muqdisho laga dejiyey ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana magaalada ku soo badaneysa cabashada ay shacabku ka qabaan, iyadoo lagu eedeynayo inay geystaan dilal, dhac iyo handadaado kale oo bulshadu aysan ka mudneyn. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Booliska Muqdisho oo war kasoo saaray dilal ay askari ka geysatay 3 degmo appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA iyidoo uu xarunta kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu siiyay warbixin kooban oo ku saabsan Howlaha ay Hay’adda SODMA qabatay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee Arrimaha Gargaarka Abaaraha, Xasilinta, Gurmadkii Musiibadii Zoobe 2 iyo u Gurmashada dadka ku waxyeeloobay shaqaaqadii Lascaanood, halkaas oo hey’addu ay u dirtay gargaarro kale duwan. Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada culus ee Hay’adda heyso mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, asigoo ku amaanay Guddoomiyaha Hay’adda dadaalka u geliyay shaqooyinka hortabinta u leh Hay’adda, wasiirka iyo guddoomiyaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, iyo La-taliyayaasha Hay’adda Maareynta . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dib ugu laabo maalmaha, habeen hore oo kale laba sano kahor laba madaxweyne oo Soomaaliya soo maray ayaa hoteelkii ay deganaayeen lagu weeraray, waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo lagu weeraray hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho. Saacada lagu aadiyay weerarka waa xilli ay badi dadka magaalada ay hurdeen oo la aaminsana in madaxweynayaashu gurmad fiican heli karin. Ilama ahan inaad maanta is-weydiineyso yaa weeraray iyo qorshuhu dil miyuu ahaa. Dabcan halka aad degan tahay markii sabano oo ciidan dabaabad ku hubeysan loo adeegsado, waano iyo wada-hadal ma ahan ee waa doonista in lagu soo afjaro. Labo sano kadib madaxweynihii loo diray inay ciidanka dowladda soo khaarajiyaan ayaa maanta dalka xukuma oo ku adkaaday doorashadii dhacday 15-kii May ee 2022. Kani waa Xasan Sheekh Maxamuud, darsi weyn ayaa halkan ku jira oo la yiraahdo adkeyso ha ka joogsan doonistaada iyo xukun qaadashada khatar badan ayaa ka sokeysa. Weli wax u eg aargoosi ma uusan sameyn mana ka muuqato Xasan Sheekh astaamaha nin eryanaya ragii isku dayay inay dilaan. Lama yaqaano waxa uu fali doono gunaanadka muddo xileedkiisa, iyada oo la xasuusto waxa uu Farmaajo ku kacay dhamaadka muddo xileedkiisa. Haddii habeenkaas labada madaxweyne la dili lahaa lama qiyaasi karo waxa uu noqon lahaa mustaqbalka dowladeed ee Soomaaliya iyo amniga caasimada. Soomaaliya oo ah dal weli dowlad ahaan jilicsan, qabaa’ilka weli hubeysan yihiin, wadaniyadu ayna xooganeyn, argagixiso dhex jiifto ayaa halis gali karta marwalba oo Villa Somalia uu qabsado hoggaamiye aaminsan siyaasad hubeysan, in la kala adkaado ama tirsanaya tabashooyin hore. Madaxweyne Xasan Sheekh maanta waxa uu haysta cashiro ku filan oo u sheegaya in wax walba dalkaan macquul ka yihiin, sidaas darteedna uu ku qasban yahay nabadooneyn, dad isku wad, aargoosi la’aan iyo ilaalinta sharciga qoran ee dalka. Isla shalay 19-kii Febraayo ee 2021, nidaamkii madaxweyne Farmaajo waxa uu weerar hubeysan ku qaaday banaanbax ay hogaaminayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Dalkan waxa uu kasoo baxay gacanta hogaamiye aaminsan siyaasad hubeysan oo aan dan ka laheyn xasilooni siyaasadeed, mid bulsho, Al-Shabaab oo laga adkaado iyo in aan la damqin boogaha qabiilka. Waxaa la eegaya halka uu Xasan Sheekh dhigo dhamaadka muddo xileedkiisa oo ah 15-ka May 2026. The post Dib u milicso: laba sano ka hor isku-daygii dil ee khatar galin gaaray SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Shir ay maanta isugu yimaadeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha West Burco Clan ee Somaliland ayaa si adag looga soo horjeestay go’aamadii ay shalay ku dhawaaqeen garab kale oo kasoo jeeda beeshan. Odayaashan maanta ku shiray Hargeysa ayaa waxay ku eedeeyeen garabkii shalay soo saaray bayaanka looga soo horjeeday Muuse Biixi in ay yihiin kuwa ay soo saareen guddida Gacan Libaax ee West Burco Clan ee xisbiga Waddani. War-saxaafadeed kasoo baxay shirka garabkan kale ee beesha West Burco Clan u qabsoomay ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka raali-gelinayaan umadda Somaliland qoddobadii shalay lagu soo saaray magaca beesha. “Salaadiinta Cugaasha iyo Waxgaradka Beelaha West Burco Clan ee Sama-taliska ahi waxaay ka raali gelinayaan umada reer Somaliland qodabadii ay soo saareen Gudida Waddani iyagoo adeegsanaya magaca West Burco Clan ee ay kaga soo horjeedeen xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka soda magaalada Laascaanood.” Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedkan “Shirku wuxuu u cadaaynayaa shacabka reer Somaliland in aanay guddidaasi ku metelin beelaha West Burco Clan qodobada ay soo saareen.” Waxay sheegeen inay garab taagan yihiin cid kasta oo ku hawlan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana ka shaqeynaysa sidii nabad buuxana loogu soo dabaali lahaa. “Dadweynaha ku Abtirsada Beelaha West Burco Clan dagaalka ka socda Laascaanood, waxay kala mid yihiin Umada Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo nabada jecel. Waxaanu shacabka iyo cid kasta oo danaynaysa nabada gobolkaas u xaqiijinaynaa in aanu qeyb ka nahay ergada nabada ee ka kooban madax-dhaqameedka Jamhuuriyada Somaliland, ee isu xil-qaamay dariiqo kasta oo dagaalkaasi ku istaagayo.” Sidoo kale waxay sheegeen in garabkii shalay soo saaray bayaanka ay yihiin xisbiga Waddani, sidaa darteedna wixii gef iyo meel ka dhac ka yimaada eedeyntooda dusha loo saarayo xisbiga Waddani, sida ay ku yiraahdeen war-saxaafadka ay soo saareen maanta. “Salaadiinta Cuqaasha yo Waxgaradkani waxay Tacsi u dirayaan intii ku dhimatay dagaalkaas (Laascaanood), waxayna u ducaaynayaan inta dhaawacu ka soo gaadhay Rabi ha u booga dhayo Aamiin Aamiin.” Ugu dambeyntiina waxay guul u rajeeyeen ergo ay sheegeen inay isu xil-qaantay xal u helida nabaada, oo sheegeen in ay qayb ka yihiin beelaha West Burco Clan, oo sida la fahamsan yahay ah ku kooban garabkan ka tirsan beesha ee maanta qabtay shirka jaraa’id. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in shirka jaraa’id ee maanta qabteen odayaashan uu ka dambeeyo Muuse Biixi “oo si weyn u taabteen” go’aamadii shalay kasoo baxay garab kamid ah beesha West Burco Clan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleystay in uu kala jebiyo beeshan, isaga oo garabka kasoo horjeeda “ku shaanbadeynaya” xisbiga Waddani, oo kal hore heshiis kula galay madaxtooyada, si jawi nabdoon loogu dhameeyo xiisadda ka taagan Laascaanood. Muuse iyo xukuumadiisa ayaa dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ku wajahayaan wada-hadal, islamarkaana ay u dirayaan ergo dhaqan oo lasoo fariisata Isimida ku sugan Laascaanood, inkasta oo garaadada SSC ay sheegeen “in aysan jirin” wax ay ka ogyihiin ergada uu sheegay maamulka Muuse Biixi. The post Beelaha Somaliland oo ku kala qeybsamay dagaalka iyo go’aan cusub oo lasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
  14. Halkani guji si aad u dhegaysatid ama akhrisatid warkaasi Click here to read more about this Qaran News
  15. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 21-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Xildhibaan Xasan Hurre Ugaas, akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Dhowrista Xogta, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka iyo akhrinta koowaad ee Sharciga la dagaallanka Argagaxisada. Sidoo kale qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Hindisa Sharciyeedka Socdaalka. Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka doodaday Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Xukuumadda. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta iyo keydinta xogta qaranka loona baahan yahay in qorshe cad loo yeelo keydinta xogta muwaadinka iyo tan dowladda. Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al Makhdzoumi ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka hortiisa ka aqrisay Hindisa Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka, iyadoo sheegtay in sharcigan uu ahmiyad gaar ah uu siinayo maareeynta horumarinta iyo ilaalinta deegaanka ku teedsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Xildhibaannadda Golaha Shacabka u akhriyay Cutubyo ka kooban Sharciga la dagaallanka Argagaxisada, kaas oo uu wasiirku sheegay hadii la meelmariyo uu noqon doono sharci soo afjaraayo xukunka argagixisada iyo waxkasta oo ku lug leh falalka argagaxisinimo, waxaana xildhibaannadda qaar ay soo jeediyeen in lagu saleeyo Diinta Islaamka magaca sharcigana laga dhigo (Sharciga Argagixisada iyo La Dagaallanka Fikirka Xagjirka). Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda dib loo dhigo si laisku soo laabto kulamada kale laguna dhameystiro dooda Sharciga La Dagaallanka Argagaxisada iyo sharuucda kale ee Golaha la horkeenay, waxaana xusid mudan in golaha loo gudbiyay Mowshin ka dhan ah xaaladda Laascaanood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - Former President Sharif Sheikh Ahmed's Himilo Qaran party has opposed what it calls the extension of government agencies, including the Presidency and Parliament. Source: Hiiraan Online
  17. Money transfer company Dahabshiil has joined other corporates to provide help to victims of the devastating earthquake that hit Turkey and Syria by donating money to those affected. Dahabshiil has donated two million Turkish Lira to Turkey’s Disaster and Emergency Management Authority, AFADBaskanlik. The Company said it is showing Africa’s solidarity with the Turkey government and people Dahabshiil said the company and its staff across the world will continue to pray for the government and the people of Turkey and especially those affected by the devastating earthquake. The magnitude 7.8 earthquake has killed more than 35,000 people across Turkey and Syria so far, according to officials. Dahabshiil also donated funds and other items to assist families who have been displaced in the conflict in Las Anod.Dahabshiil also donated funds and other items to assist families who have been displaced in the conflict in Las Anod. Dahabshiil said the donation included food and blankets which will be distributed by company officials and local residents. Source The Star Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta furay shir sanadeedka 5-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dilalka kusoo badanaya magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo si caro leh uga hadlay dilalkaasi, gaar ahaan kuwa ay dadka shacabka ah u geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka dhawaajiyay in aan la aqbali karin xilligaan oo dagaal lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. “In maalin walba arday jaamacada dhiganayay, miskiin bajaaj ku shaqeynayay oo waalid iyo walad ay sugayaan si dhib yar xabad loogu dhufanayaa, haddaan cadaaladu ayna qaban cadowga banaanka lagu baacsanayo wax ay kan ku kala duwan yihiin ma jiraan,” ayuu yiri. “Waan dadaaleyna oo amniga aan sugna ayaa dhahnay haddana dambiyadii wey dhacayaan, duurka la jira oo cadowga lala diriraya haddana in halkaan ka dhacaan maalin walba waxaasi lama aqbali karo.” Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray hay’adaha caddaaladda in ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha dilalka geysanaya. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Caddaaladdu ay tahay unug isku xiran oo ay lagama maarmaan tahay in hal mar ah la isla saxo, islamarkaana aan waxba laga qaban karin amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada haddii aan la hagaajin. “Markii la isku soo wada dardaro waa shabakad isku xiran oo ay lagama maarman tahay in hal mar isla saxno iyada oo isla socota. Fule xantii ma mooga meelaha laga eed sheeganayo waa ognahay dadaal ayaa ku wadna ee marka hore waa in aan isla qirna muhiimada ay wadanka iyo umadda u leedahay caddaalada.” Waxa kale oo uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed laga wacyi-geliyo dhaqamada ku saleysan laaluushka iyo musuq-maasuqa, cid walba oo lagu helana sharciga la horkeeno. Shir sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xeer ilaaliyeyaasha dowlad goboleedyada, safiirro iyo marti sharaf kale. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo si caro leh uga hadlay falal kusoo batay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood, diiwaangelinta codbixiyeyaasha Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod. Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:- 1. In loo yeero Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada iyo Gudiyada kale ee Taakulaynta dadka ku waxyeeloobay xasuuqa maamulka Somaliland uu ka wado Laascaanood. 2. In loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka DPL, si wax looga weydiiyo qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Gobolka Sool. 3. In loo yeero Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland, si wax looga weydiiyo Barnaamijka diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland. Ugu dambeytii, guddiga joogtada ahi waxay isla qaateen in ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn inta laga dhammaystirayo qodobada kor ku xusan. DHAMMAAD The post Baarlamanka Puntland oo u yeeray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka appeared first on Puntland Post.
  20. Kyiv (Caasimada Online) – US President Joe Biden made a surprise visit to Ukraine on Monday, February 20, 2022, just days before the first anniversary of Russia’s invasion of the country. The visit came at a crucial moment in the war as both sides prepared for spring offensives. It also signifies a united front with President Volodymyr Zelenskyy and occurs at a crucial moment in the conflict as both sides prepare for spring offensives. The White House has not provided any specifics about the visit. However, it was reported that “basic communication with the Russians occurred to ensure deconfliction” shortly before Biden’s visit to avoid any misunderstandings that could lead to direct conflict between the two nuclear-armed nations. Solidarity against Russian aggression The visit was a deliberate show of support for Ukraine and a direct message to Russia that the United States will stand with its allies against aggression. Security was a top priority, and planning was kept under wraps to ensure the safety of all involved. During his visit, President Biden announced additional aid worth half a billion dollars to Ukraine, including shells for howitzers, anti-tank missiles, air surveillance radars, and other assistance. The aid package was designed to help Ukraine repel Russian forces and defend its sovereignty. However, Zelenskyy calls on his allies to speed up the delivery of pledged weapon systems and request fighter jets from the West. President Biden’s visit also allowed him to witness firsthand the destruction caused by the Russian invasion of Ukraine. The war has killed thousands of Ukrainian soldiers and civilians, created millions of refugees, and resulted in tens of billions of dollars in infrastructure damage. While President Biden was in Ukraine, US surveillance planes kept an eye on Kyiv from Polish airspace. A historic moment in US-Ukraine relations President Biden’s visit to Ukraine marked the first time a US President had visited a conflict zone where the US or its allies did not have control over the airspace—this historic moment in US-Ukraine relations demonstrated America’s commitment to the country’s economic and political stability. The visit also showed that the United States is willing to go to great lengths to support its allies and that it is committed to deterring Russian aggression. The visit symbolized solidarity and strength, sending a message to Russia that the United States and its partners will stand together in the face of aggression. A critical concern for the International Community The situation in Ukraine is a critical concern for the international community, and the Biden administration has made it clear that it will continue to stand with its allies to support Ukraine’s sovereignty and territorial integrity. The United States and the international community view the situation in Ukraine as a critical concern. The Biden administration has been essential to Russia’s recent military buildup near the Ukrainian border, which has raised concerns about another offensive. Along with providing financial and military assistance to Ukraine, the US has imposed a series of economic sanctions on Russia in response to its aggression towards Ukraine. These sanctions have significantly impacted the Russian economy and have been an important tool in pressuring the Kremlin to change its behavior. The post BIDEN makes unexpected visit to Kyiv, meet Zelenskyy appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan uu ku caddeynayo mowqifkiisa ku aadan qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Bayaankan ayaa waxa lagu sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in baal-maraan golayaasha DF iyo maamulada qoddobada ku qeexan Dastuurada ee lagu doortay ee awooda u siiyay inay metalaan ama hogaamiyaan bullshadooda. “Waxaa marna suurta-gal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi in wax ka bedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay’adaha dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si looga fogaado danaha isdiidan ‘Conflict of interest’,” ayaa lagu yiri. Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu amaanisan yahay heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan lagu gaaray Baydhabo, uuna garwadeenka ka ahaa madaxweyen Xasan Sheekh uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hogaanka sare ee dowaldda federaalka. “Ifafaaladeediina hadda ayuu ka billowday Golaha Shacabka JFS oo gudbiyay soo-jeedin (Motion) ay ku raadinayaan muddo kororsi. Xisbiga waxa uu gebi ahaanba kasoo horjeeda muddo kororsi noocey doonto ha noqotee, magacii la doonana haloo bixiyee,” ayaa lagu yiri bayaanka Xisbiga Himilo Qaran. Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ah ka ah DF inay dhowraan sharciga kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed, sidii horey loo soo tijaabiyay. Xisbiga ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu aamnisan yahay in dowlad dhiska Soomaaliyeed uu marayo marxalad adag oo u baahan dhowrista heshiisyada bulsho, adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in fikradda kororsiga muddo xileedka inay asaas u tahay kalsooni darro iyo cabsi ay qabaan qaar kamid ah hogaamiyaasha in aan dib loo dooran, waxaana haboon in hogaanka dalku heerarakiisa kala duwan ay ku kalsoonaadaan bulshadooda ayna xoogga saaran inay muddo xileedka la doortay qabtaan waxqabad la taaban karo.” Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay madaxda dowladda federaalka inay mudnaanta siiyaan shaqooyinka hortabinta u leh qaran Soomaaliyeed iyo geedi dhiska dowladnimada, sida; qabyo-tirka Dastuurka, xoreynta dalka IWM. “Waana in aan dalka loo horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo in laga mashquulo halganka loogu jiro la-dagaalanka argagixisada iyo dayn cafinta.” The post Xisbiga Sheekh Shariif oo war kasoo saaray qorshaha muddo kororsi ee DF iyo maamullada appeared first on Caasimada Online.