-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay, ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallad ka socda gobollada waddanka. Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay magacyada saraakiisha kooxda Al-Shabaab looga dilay howlgalladii ugu dambeeyay iyo kuwa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladii todobaadkan dhacay xubno badan looga dilay Al-Shabaab, kuwaas oo uu jiro sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Aruuriyow Maxamed Cumar, kaas oo ka tirsanaa horjoogayaasha “Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale,” ayuu yiri bayaanka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Shabaab uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal). “Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal),” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Howlgallada ayaa sii socon doono, ayada oo ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay maamulkaan, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku galeen xerada Janaay Cabdalle, kaas oo ku billowday is-miidaamin, isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday. The post DF oo shaacisay magacyada saraakiisha laga dilay Shabaab iyo kuwa isa soo dhiibay appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska lagu shaaciyay in shaqo joojin lagu sameeyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya HDRS, kadib markii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay wasiirka koowaad ee xukuumadda Dan Qaran. Xamse Cabdi Barre Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iney soo diyaariso, islamarkaana u soo gudbiso Golaha Wasiirradda wax ka badalka sharciga hay’adda si ay ula jaan qaado hay’adaha Duulista Rayidka ee Caalamka, sidoo kalana Xukuumadda ay u soo gudbiso habraaca guddiga maamulka hay’adda, sida lagu xusay qeyb kamid ah nuqulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin caan ah ayaa waxaa looga soo horjeestay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxda bayaanka soo saartay ayaa kala ah madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd, Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Cali iyo siyaasiga caanka ah Cabduqaadir Cosoble Cali. Siyaasiyiintan ayaa ka digay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameynayo hay’adaha dowladda, taas oo ay haatan wadaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka. Sidoo kale waxa ay sharci ku tilmaameen qaadista tallaabadan oo ay xuseen inay ka hor imaaneyso Dastuurka KMG ah ee u yaalla dalka. “Muddo kordhintan sharci darrada ah waxay si toos ah uga hor imaaneysaa qodobka 60aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1aad) oo qeexeysa in muddada xilhaynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo” ayaa lagu yiri bayaanka madaxda. Waxa kale oo lagu yiri “Sidoo kale waxay ka hor imaaneysaa qodobka 91aad oo si cad u qeexaya in muddada xilhaynta Madaxweynuhu tahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo”. Sidoo kale madaxdii hore ee dalka ayaa bayaankan ku sheegay in aysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin. “Baahi hadda taagan oo loo qabo ma jirto in wax ka beddal Dastuur oo ujeedadiisu tahay muddo kororsi la sameeyo, maadaama guddiga dib u eegista Dastuurku ay ku guda jiraan sidii ay u qabyo tiri lahaayeen Dastuurka qabyada ahm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn waxa ay farriin u direen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka codsaday inuu wax ka qabto arrintaan oo ay tilmaameen inay horseedi karto dib u dhac. The post Madax hore oo ka hortimid qorshe ay damacsan tahay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamdda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 13 xubnood lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo gorey maxakamaddu dil ugu xukuntay, dilka ayaa dhacay saakay abaare 8:00 subaxnimo. Toogashada 13 ruux ayaa ka kala dhacday magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoowe, Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtay 5 nin oo ka tirsanaa amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga gaystey xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Magaalada Garoowe ayaa sidoo kale waxaa lagu qisaasay Shucayb Maxamed (Jacfar) oo sanadkii 2016 lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Suuj, Garmaal iyo Kulub, balse cafis iyo dhaqan celin loo sameeyay ayuu markale dib ugu laabay Al-shabaab. Maxakamadda ayaa magaalada Bosaso waxay qisaas kula fulisay 6 nin oo ka kala tirsanaa Shabakado Shabaab iyo Daacish ah, Kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen magaalada Bossaaso, oo lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka Puntland. Maxkamadda ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer dilal ka duwan ku fulisay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo lagu soo eedeeyay dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen deegaannada Puntland oo lagu beegsaday shakhsiyaad iyo mas’uuliyiin dowladeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland has inaugurated the new Berbera Economic Zone (BEZ) in partnership with DP World, transforming the region into a major trade hub in the Horn of Africa. The BEZ is based on DP World's successful Jebel Ali Free Zone model in Dubai, providing a business-friendly environment to attract investment and create jobs. It includes modern offices, warehousing, serviced land plots, and non-fiscal incentives. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, kaasi oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka. Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka. Ajendaha kulanka maanta ee Golaha ayaa sidoo kale waxa kamid ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay ogolaatay oo ay u codeeyen 143 Xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin sharcigaan. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143 Xildhibaan oo ka dhigan dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka. Saddexda hindise-sharciyeed ee maanta la ansixiyay ayaa waxa uu Golaha Shacabka dhamaantooda soo marsiiyay oo lagu ansixiyay akhrinta 3-aad. Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii maanta kaga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed. Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood. The post BF oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayso Shir weyne Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Puntland. Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdalle Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa shaaciyay in Shirkaas la qaban doono inta u dhexaysa 13-15 bishan March. Wasiir Xaashaawe ayaa sheegay in Shir weynaha oo ka furmi doona Garoowe ay ka qayb geli doonaan Wufuud Caalami ah oo ka imaanaya dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Shiinaha. Waxa uu sidoo kale sheegay in Ujeedka Shirkaas loo qabanayo ay tahay in la keeno cid Aqoon iyo Dhaqaale ku maalgelisa Khayraadka dihin ee Puntland si uu Suuq u helo. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday Shir Caalami ah oo ku saabsan Maal-gashiga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa badda Berbera taagan laba markab oo sida shidaal u raran ganacsato reer Somaliland kuwaas oo sida shidaal qiimaha aan ka jaban ku suuqa yaal ee ay keento shirkadda aan heshiiiskeeda golaha wakiiladdu JSL ansixin ee TRIFAGURA. Shidaalkan ayaa wasaaradda Ganacsiga u diiday in lagu shubo haamaha keydka ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Sababta loo cuskaday diidmadan ayaa ah in xaddiga maaddada SALFARTA(Sulphur Dioxide/SO2) ee ku jirtaa ay badan tahay 500 PPM oo heerka xukuumada u dhigtay dalka oo ah mid aan daruuri ahayn balse ay ugu dananayso shirkado ay iyadu qayb ka tahay. Baadhista shaybaadka shidaalkan oo aan mid ka mid ah aragnay ayaa heerka salfarta ku jirtaa ka yar tahay 1000 PPM. Labada markab oo mugga shidaalka ay sidaan isku noqonayo 7,800 Mt ayaa waxay kala yihiin. 1. MT JESSICA (Oil product tanker) oo sita calanka jasiirada Komoros oo lambarka tixraaciisu yahay IMO/MMSI 9140853 / 620999046 2. FREE STAR oo sita calanka dalka Tanzania oo tirsigiisa badmarku yahay IMO/MMSI 8414336/677052900 Maraakaabtian ayaa maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo. Faro-gelinta iyo kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo gaadhay ganacsiga xorta ahaa ee Somaliland kuwaas oo qaarkood ay keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku jira. Xisbiga Waddani wuxuu si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee talada haysa. Waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan. Allaa Mahad leh Xamse Cabdiraxmaan Khayre Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ——————————————— Fiiro Gaara: ⁰Heerka maadadda SALFARTA ee Soomaalilaan qaadi kartaa waa ilaa 5,000 PPM marka la eego taagteeda dhaqaale iyo duruufaha ay maanta ku jirto ee qalafsan. Xukuumada waxaa haboonayd iney caafimaadka dadka xil iska saarto oo dawadda iyo raashinka tayadoodda adkayso intay ay baabuurta mishiinadooda ka warwarayso (dabcan baabuurna uma danaynayso ee cid baa dhaqaale loo samaynayaa) Source
-
Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Villa Hargeysa, iyaga oo ka doodaya ajandayaal dhowr ah oo golaha loo soo gudbiyay. Ajendaha kulanka ayaa kala ah: 1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada 2. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka 3. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta 4. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed. Xildhibaannada ayaa ay macquul tahay ina y ansixiyaan sharciyada maanta horyaalla marka laga reebo Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed oo maraya akhrinta labaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laba nin oo Soomaali ah ayaa loo heystaa dembi ah inay gacan ku lahaayeen afduub Soomaaliya loogu geystay weriye u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo budhcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ka qaateen. Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in labada nin ee Soomaalida ah lagu helay danbi ah inay gacan siiyeen kooxo budhcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ka qaatay Weriye Mareykan ah oo u afduubnaa muddo laba sanno iyo bar ah. Mid ka mid ah labada nin ee Soomaalida ah ayaa haysta dhalashada Mareykanka, sida lagu shaaciyey warbixin ay ka qortay wakaaladda wararka ee Associated Press. Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa lagu kala magacaabaa labada nin ee Soomaalida ah ee dembigaan loo heysto, waxayna xeer-beegtida heer federaal ee dowladda Mareykanka badhtamihii bishii Febraayo soo bandhigtay cadeymo muujinaya in labada nin ay Weriya shir-qooleen. Weriyahaas oo lagu magacaabo Maykal ayaa dhalasho ka heysta Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu howlo shaqo u yimid Soomaaliya sanadkii 2012-kii. Inkastoo weriyahaas uu ka shaqeynayey warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, hadana wuxuu waday cilmi baadhis ku saabsan arrimaha budhcad badeeda Soomaalida, sidaas ayuuna ku yimid magaalada Gaalkacyo oo laga afduubtay. Xiligaas afduubayaasha ayaa dalbaday 20 milyan oo dollar, waxayna baahiyeen muuqaalka weriyaha ee hub culus loogu hanjabayo. Sanadkii 2014-kii ayaa weriyaha lagu sii daayey lacag madax furasho ah oo qoyskiisa ay bixiyeen, taas oo gaareysay 1.6 milyan oo dollar, wuxuuna dib ula midoobey reerkiisa. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladdda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo magaaladaasi ka wada ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka Wararka ayaa sheegaya in xalay Laascaanood ay ka dhaceen shaqaaqooyin sababay dhimasho oo soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay laba qof oo shacab ahaa ay xalay ku dileen gudaha magaalada Laascaanood, kadib rasaas ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Labada qof ee la dilay ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Laasvaanood, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dilalka lagu eedeeyay ee xalay ka dhacay Laascaanood. Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana sidoo kale cabsi laga muujinayaa in markale uu dagaal dib uha qarxo magaaladaasi. Somaliland, ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah. Labada dhinac ayaa dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaas. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha ka baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi oo dhacda waqooyiga Soomaaliya. The post Ciidamada Somaliland oo ‘dilal horleh ka geystay’ Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shabakado ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay xubnahaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda. Lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda laguna helay dilalka askar iyo saraakiil kale ayaa sidoo kale saaka lagu fuliyay dil toogasho ah. Tirada guud ee xukmanayaasha la toogtay ayay maxkamaddu ku sheegtay 19 qof oo 13 kamid ah ay yihiin Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo saaka dil toogasho ku fulisay shabakado ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
For this interview, we sat down with Clare Brown, Gender Equality Expert with the UK-funded Strengthening Somalia’s National Security Architecture Programme at Adam Smith International, and Samira Osman, Senior Adviser to the Somali Police Commissioner, who detail highs and lows as well as possible solutions to the challenges Somali women in security face. Source: Hiiraan Online
-
ST. PAUL, Minn. -- Minnesota Gov. Tim Walz on Tuesday signed a bill into law that will allow residents to get a driver's license no matter their immigration status. Source: Hiiraan Online
-
Ubah Jama, a biochemist of Somali origin, claimed that she was a victim of numerous acts of racial discrimination over a two-year period while working for an east London trust. Source: Hiiraan Online
-
International Women’s Day gives us all the opportunity to renew our commitment to the empowerment, education and advancement of women and girls around the world. I would like to pay a special tribute to Somali women who continue to break barriers and overcome hardship to contribute to Somalia’s progress. Source: Hiiraan Online
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin. Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba iska bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka Falastiiniyiinta. “Mowqifkeena markasta waa caddaa, qaddiyada Falastiin kama tanaasuleyno sabab kasta oo imaata. Xaaladda hadda jirta waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay warbaahinta qaarkooda warineysay in Israel ay ka shaqeynayso sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhaxeeya dalal ay ku jirto Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jirtay hadal hayn badan oo ka dhalatay sanadkii hore safar uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tageen dalka Imaaraadka, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay dalkaasi ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel. Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilligaasi beeniyay hadal haynta ka dhalatay arrintaasi, isaga oo sheegay in uusan jirin safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu haatan meesha ka saaray shakiga arrintaas laga qabay, isaga oo cadeeyay in qaddiyada reer Falastiin aysan waxba ku badalaneyn, mowqifkoodana uu sidii hore yahay. The post Xasan Sheekh oo ka hadlay mowqifka DF ee qadiyadda FALASTIIN kadib markii la… appeared first on Caasimada Online.
