-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan. Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC. Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda. PUNTLAND POST The post Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya oo dhaqan-gelinaysa Go’aanadii NAMLC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqotay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi. Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib markii uu la kulmay dhaqamo aan wanaagsaneyn. Xildhibaanka ayaa xusay in saldhigga Booliska ee uu tegay ay ka socotay dacwad, balse sarkaalkii qorayay Oobiga iyo askarigii la joogay aysan wadan wax darees ciidan ah, isla-markaana ay xittaa sigaar ku cabayeen qolka dhexdiisa, inta ay socotay dacwadda. “Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gudaha saldhigga si aan gambasho laheyn lacag loogu kala qaadanayay, ayada oo dadweynaha loo yeerinayo lambar EVC ah, si ay u tuuraan. Halkan hoose ka aqriso:- Bottom-Up Politics Haan gunbay ka tolantaa! Dowladnimada kama sixi karno xafiisyada sare ee wa in aan ka bilowno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,waax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma caddaalad IWM. Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabarka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa . Taliyaha cusub ee Booliska General Sulub Axmed Firin waa nin dhalinyaro ah oo magaaldan wax badan ka soo shaqeeyay waxaan ka codsan lahaa in intii karaankiisa ah oo wax ka badal ku sameeyo habka shaqooyinka saldhigyada . Diiwaan weyn in wax lagu qoro adduunka casriga waa ka tagay. Saldhigga dhexdiisa ayaa EVC lagu kala tuuranaa . Bixiyihii ayaa weydiinaya oo leh taliye ma heshay lacagtii? Markaasuu leeyahay waa kaa hayaa. Ujeedkeygu ma ahan in aan suurad xumeynayo ciidankeenna oo aan xaqiiqdii dartood ku seexanno ee waxeey Iga tahay niyad wanaag iyo wax aan toosinno. Isbaddal aya jira marka la eeego halkaan ka nimid,waxaanse u baahannahay isbadal weyn. The post Macallimu oo ‘arrin fajaciso ah kusoo arkay’ mid kamid ah saldhigyada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekh lagu magcaabo Cimaad Mubayid oo ka mid ahaa Culimada ugu caansan dalka Sucuudiga ayaa iskaga cararay dalkaas isaga oo u baxsaday dalka Ingiriiska. Sheekhan oo ahaa Imaam iyo daaci aad loo yaqaan ayaa dhowaan soo duubay muuqaal uu kula talinayo Boqorka dalkaas Boqor Salmaan Ibnul Cabdicasiis, dhaxal suge Maxamed Ibnu Salmaan iyo weliba madaxa haayadda Maddadaalda Sucuudiga Turki Aala Sheekh. Kuwaas oo uu kula taliyey in aanay Sucuudiga u horseedin dhaqmo soo galootiya oo ka soo hor jeeda diinta Islaamka. Taas oo uu ula jeeday arrimaha dib u casriyaynta lagu tilmaamay ee uu wado dhaxal suge Maxamed Ibnu Salmaan. Balse Sheekha ayaa la kulmay hanjabaad iyada oo lagu qasbay in uu ka laabto farriintaas talada ahayd. Isaga oo ugu dambayna iskaga baxsaday waddankaas oo uu ku dareemay halis amni. Dawladda Sucuudiga ayaa xabsiyada dalkaas ku gurtay Culimo badan oo ka hadlay arrimaha waddanka ka socda kuwaas oo ay ka mid yihiin Caa’id Al Qarni iyo Safar Xawaaley oo xidhnaa 5 sano ee u dambaysay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Via Roma ee degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah, wuxuuna ku qarxay halkaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Gaariga ayaa qarxay kaligiis, waxaana ka maqnaa darawalka oo goob baakin ah uga tegay, balse uu qarxay intii uu ka maqnaa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan uu sababay dhaawac haweeneyd mareysay waddada, taas oo la socotay Bajaaj, sida ay ku warameen goobjoogayaashu. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waddadu uu qaraxu ka dhacay oo ay sidoo kale ku yaalaan ganacsiyo. Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Garasbaaley oo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka maan-dooriyaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan caasimada. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay halis ku yihiin Diinta iyo sidoo kale noloshada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Niman la yiraahdo Khawaarij ayaan aaminsanahay inay asal u yihiin wax kasta oo xun oo jira ama iyagaa sameeyay ama inay sameysmaan ayey difaac u yihiin,” ayuu yiri Cadaala. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaabay cabsi-gelin weyn iyo xorriyad ka qaadis ay ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Dadka magaalada Muqdisho ku nool dhib ayey qabaan waxaa ugu horreeya cabsida ay Khawaarijta nagu heyso Diinka, baadda, marin habaabinta, tacadiga, xadgudubka, xorriyad ka qaadka wax kasta oo qiyam ah sharaf ah oo qof bani’aadam ah uu u baahnaa ayey halis ku yihiin oo ay dhibaato ku hayaan,” ayuu sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Ugu dmabeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa diray farriin guud, wuxuuna ku baaqay in dowlad iyo shacab la wada shaqeeyo, meelna looga soo jeesto Al-Shabaab. “Farriinteyda waxaa waayey dadka magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay xaqiiqada inaan isku sheegno annaga eedeena waan qaadaneynaa ee idinka diyaar ma u tihiin inaad cabataan oo aad dhahdaan dhibkaan ayaan qabnaa?” ayuu markale yiri Wasiirku. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saartay caasimada, waxayna todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro qaraxyo ah iyo dilal. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda gobollada dalka. The post Daawo: Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ka taagan Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta soo saaray laba wareegto oo is xigxigay aya xil kaa qaadis ku sameeyay xubno kamid ah golihiisa wasiirada isagoo magacaabay kuwa kale oo cusub. Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulkaasi, isaga oo jagadaas u magacaabay Faarax Cumar Cilmi Daahir. Sababta ka dambeysa isbedalkan ayaa waxaa lagu macneeyay dardar-gelinta howlaha kala duwan ee wasaaraddaasi. “Markuu arkay madaxweynaha baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Faarax Cumar Cilmi Daahir loo magacaabay inuu noqdo wasiiru-Dowlaha Wasaaradda,” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe. Sidoo kale wareegta kale oo labaad ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi oo kamid noqonaya golaha wasiirada ee HirShabelle. “Markii arkay madaxweynaha ahmiyadda ay leedahay xoojinta howlaha kala duwan ee Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta DHSH ayaa Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaraddam” ayaa markale lagu yiri. Qoraalka ayaa inyaas kusii dara “Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, wuuna saxiixay”. Madaxweynaha HirShabelle ayaa marar badan isbeddal badan ku sameeyay golihiisa wasiirada, taas oo ugu wacan tahaya khilaafaadka hareeyay maamulkaasi. HirShabelle ayaa ah maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee ka aas aasmay waddanka, waxaana weli ka jira caqabada dib u dhigay hormarkii maamulkaasi oo ka arrimyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday laba wasiir, kuwa kalena magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Calls for more efforts to fight Female Genital Mutilation-FGM dominated this year’s International Women’s Day Celebrations in Lamu County. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo bandhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamuud. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeeno, Xildhibaano, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odiyaasha dhaqanka deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala gedisan. Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray ka hortaga dhammaan waxyaabaha amniga lidka ku ah, dagaalka ka dhanka ah dagaalmayaasha Al-Shabaab Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shiki kuma jirto in Laascaandood ay tahay Somaliland, sidaas hadii ay tahay, dagaalka Laascaanood waa colaad sokeeye oo astaanteedu tahay “kugu dhimay oo kaa dhimay”. Waa wax laga xumaado, ceeb iyo niyad-jab in xaalkii dalka oo sidaas ah dabaaldagyo lagu qabto magaalooyinka dalka, muusik la shido, lana muujiyo dareen muujinaya rajo dhig iyo kala tag. Dabaal-dagyadaas waa kuwo la micno ah wiirsi & wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya, waxa muuqata in aanay caqliyad wanaagsani ka talin, waana hubaal in ay magaca iyo sumcada ciidanka qaranka wax u dhimayaan. Hadaba waxa aan halkan ku soo jeedinayaa talooyin dhawr ah oo aan is leeyahay way ku haboon yihiin marka uu xaalku sidan yahay: Maanta waxa nala gudboon in aan u Alle barino intii naga dhimatay, samirna u rajayno inta colaadan ku wayday wiil, walaal iyo waalid ay jeclaayeen In laga waantoobo durbaanka iyo dam-damtadadka sii kala fogaynaysa laguna badalo duco & damqasho sokeeye oo aan bulshada isku soo dhawaynaysa Ciidanka qaranka oo mudnaantooda markasta leh, uma baahna taageero fagaare ku urur ah, waxase ay u baahan yihiin in qoysaska agoonta looga war hayo, inta difaaca qaranka u heelan niyadooda lagu dhiso buuxinta baahida ay qabaan In la ogsoonaado in dakharada colaadaha sokeeye ay u baaha yihiin in lagu dhayo arin iyo talo walaalnimo oo caqli ku salaysan, caadifadna ka fog. Eeboow Boggeena Burcad Isku Mari… Aamiin. Waxa qoray Wasiir hore Axmed Muumin Seed. Source
-
Waxbarashadu waa cabirka kaliya ee dhabta ah ee lagu ogaan karo awoodda xaqiiqda ah, kartida waxqabad iyo filashada Qaran yeelan karo. Waxbarashadu waxay udub dhexaad u tahay Qaran dhiska, aqoonsiga ummadeed iyo isku xirka caalamka. Si kooban waxbarashadu ma go`aamiso aayaha iyo mustaqbalka qofka oo Kaliya, ee waxay go`aamisaa mustaqbalka bulshada oo dhan. Source: Hiiraan Online
-
Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii uu gaari weyn dul-maray Bajaaj ay la socdeen shacab. Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay mootada hoosata ka gashay gaarigan oo siday biro aad u culus, wuxuuna kadib uu jiiray mootada iyo dadkii saarnaa. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shilkan baabuur, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kaas oo uu dhaawac halis ah soo gaaray, sida ay innoo shegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka dhintay ay go’go’een, taas oo keentay in saacado ay qaadato in laga soo saaro gaariga hoostiisa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, gaariga shilka geystay ee xamuulka ah ayaa waxaa leh shirkadda is-gaarsiinta Horumuud, isaga oo sida qalab iyo biro aad u culus. Dhacdadaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa waddada oo muddo kooban hakad gashay, waxaana shacabka ay saameeyeen gurmadkii looga baahnaa. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay wadihii waday gaariga shilka geystay. Maamulka degmada Kaaraan oo ka hadlay falkan, waxa uu sheegay inay wadaan baaris dheeraad ah ku aadan shilka, isla-markaana lasoo xiray darawalkii ka dambeeyay. Shilal gaari ayaa badanaa ka dhaca caasimada, waxaana ugu dambeeyay shil habeen hore ka dhacay agagaarka Tarabuunka, kaas oo uu ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Caadil, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. The post Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Muqdisho appeared first on Caasimada Online. -
For the first time in Tanzania's history, the president has attended an International Women's Day event organized by the main opposition party, Chadema. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — The lower house of Somalia’s Parliament on Wednesday approved a new anti-terrorism law that aims to provide a legal framework that will help government security agencies to better fight and eradicate terrorism in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The biggest coalition of parties in Somalia has come out strongly to oppose proposals to change the constitution and extend the government’s term from the current four years to five years. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, SOMALIA — A military court in Puntland, a semi-autonomous region in Somalia, executed 13 militants Wednesday who were members of the al-Shabab and Islamic State terror groups. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ka hadlay qorshaha muddo kororsiga dowladda ee uu wado Baarlamaanka Federaalka. Shariif ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadal kasta oo lagu joojinayo qorshaha socda, isaga oo xusay meesha uu ka taagan yahay “Mowqifkeyga waa meeshii shalay aan uga dignay.” Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo dhaqanka Dastuurka, sidaas darteedna uu garab taagan yahay cid kasta oo dadaal ku bixineysa ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah. “Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inuu qaato mowqif sharafeed, dalkane ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni,” ayuu yiri Shariif oo ugu baaqay Xildhibaanada ay dalka ka badbaadiyaan jahwareer siyaasadeed. Shariif ayaa waxa uu si cad u sheegay in bayaankii la sheegay in si wada-jir ah u soo saareen madax hore iyo siyaasiyiin uu kamid yahay in uusan soo marin wada-tashigii loo baahna. Bayaankaas ayaa waxaa ku qornaa in si wada-jir ah u soo saareen siyaasiyiinta kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali. Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in baal-maraan golayaasha DF iyo maamulada qoddobada ku qeexan Dastuurada ee lagu doortay ee awooda u siiyay inay metalaan ama hogaamiyaan bullshadooda. Shariif iyo Xisbigiisa ayaa qaba in lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda. The post Sheekh SHARIIF oo mar kale soo saaray DIGNIIN culus appeared first on Caasimada Online.
-
Doha (Caasimada Online) – Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si lamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka. Sheikh Mohammed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021. Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020. Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar. “Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter. The post QATAR oo dhaarisay ra’iisul wasaare cusub – waa kuma? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Qaahira ee xarunta Jaamacadda Carabta kaga qayb-galay shirka 159 ee wadamada Carabta oo looga hadlay qodobo muhiim ah oo taabanaya wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. Shirka ayaa diirradda lagu saaray Sanadkaan arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalalka,dagaalada ka socda qaar ka mid ah waddamada Carabta,dhibaatooyinka xagjirka,horumarinta ganacsiga,siyaasadda dalalka carabta iyo tan caalamka,dhanka kale waxaa looga hadlay arriimo si gaar ah u khuseeya waddamada Syria, Yemen, ciraaq, Libya iyo muhiimada ay waddamada carabta u leyihiin in wax laga qabto. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa shirar doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta oo u kala kala hadlay arrimo si gaar ah u Khuseeya Soomaaliya ayaa qayb ka ah dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka Wadamada Carabta appeared first on Puntland Post.
