Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Sool waa in lagu eego Muraayad cad, iyo Talo mug leh.Waxaan aaminsanahay, in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ay muddo dheer ku eegaysay gobolka Sool, muraayad madaw, iyo Siyaasad madhalays ah. Sidaa darteed, mar haddii aynu aragno madhaxii arrintaa, maanta waxaa lagama maarmaan ah in lagu eego, muraayad cad iyo talo mug leh, oo aan lagu madiyeyn maamulka jira ” siyaasi Maxamuud Xaashi. Source
  2. Biriijka (Buundada) cusub ee Dacar-budhuq ayaa waxyeeello ka soo gaadhay roobabkii maanta. Biriijkan oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa ayaa ah biriijkii labaad ee Imaraadka Carabtu maalgeliayay ee waxyeelo soo gaadhay. Roobkii hore ayaa waxyeello gaadhsiiyay biriijka Lafaruug oo isna ka mid ah kuwa cusub ee Imaraadka Carabtu maalgeliyay ee waddadada Berbera Corridor. Source
  3. PRESS RELEASE Groundwater Access Facility to Boost New Solutions to Horn of Africa Droughts The Horn of Africa is currently experiencing the worst drought in 73 years and is about to face its sixth consecutive failed rainy season Access Multimedia Content NEW YORK, United States of America, March 28, 2023/ — The governments of Ethiopia and of The Netherlands, supported by technical partners including the World Bank Group, the United Nations Development Programme (https://www.UNDP.org/), the United Nations Children Fund, and the Children Investment Funds Foundation, call for the creation of a Groundwater Access Facility (GaFa) to sustainably use millions of cubic kilometers of untapped groundwater reservoirs in the Horn of Africa. Presented on 24 March at a side event at the United Nations 2023 Water Conference titled “Climate Resilient Groundwater as Catalyst for Sustainable Development in Africa’s Borderlands – A Shared SDG Agenda”, the initiative seeks to mobilize Governments, UN and partners’ efforts to provide water in the region of Africa the most affected by chronic drought and severe food insecurity. The Horn of Africa is currently experiencing the worst drought in 73 years and is about to face its sixth consecutive failed rainy season. Hunger and water shortages are a reality for over 15 million people across Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia, South-Sudan and Sudan. In Ethiopia, Kenya and Somalia, over 36 million people need emergency assistance to survive and up to 26 million of them are acutely food insecure. “As we are in a consecutive and damaging drought situation, countries need to come together for urgent regional integration and cooperation for shared water resources and mutual benefits, if we are supposed to accelerate and achieve the SDGs,” said H.E. Dr Eng Habtamu Itefa, Minister of Water and Energy, Federal Democratic Republic of Ethiopia. The region is rich in underground water which, with the right development investments, could become a sustainable and climate-resilient source of water for the whole region. The Groundwater Access Facility (GaFa) for the Horn of Africa’s borderlands would enable critical investments in pre-feasibility analysis and project pipeline development in Kenya, Somalia, and Ethiopia. “The discovery of deep groundwater lakes in the Horn of Africa is a game-changing opportunity to provide a sustainable solution to the suffering of millions in the region. We must collaborate across the UN system with the World Bank Group, regional bodies and Member States to create investment facilities for this innovative solution,” emphasized Ms Ahunna Eziakonwa, United Nations Assistant-Secretary General and UNDP Regional Director for Africa. In the Horn of Africa, water is central to accelerating development, social cohesion, and conflict resolution, particularly in borderlands areas. Borderlands areas across Africa are home to over 40 million people facing complex socio-economic development, security, and climate change impact challenges, where the need for accelerated sustainable development is urgent. “Groundwater provision can play a key role in increasing resilience, bringing development and stability. It is often the only reliable source in times of drought. However, it is still most underexploited and we now need a regional approach and long-term framework for the area,” stated Boutheina Guermazi, World Bank Group’s Director for Regional Integration in Africa. “Individual initiatives are not sufficient in addressing the water crisis and mobilizing effective and lasting response in this region. It will only be through joint, ambitious, collective actions that we will be able to foster a water secure region,” stressed Sanjay Wijeskera, Director of Programmes, UNICEF. The event also showcased dedicated investments being made in these borderlands areas by IGAD and member states, with support from the World Bank Group – Groundwater for Climate Resilience (HoAGW4CR) special programme, UNDP Africa Borderlands Centre, and UNICEF country teams. These investments identify, develop, and distribute climate resilient groundwater for agro-pastoralism and domestic use in selected borderland locations in Kenya, Ethiopia, and Somalia. Watch the event recording on UNwebTV (https://apo-opa.info/42NF97O) Distributed by APO Group on behalf of United Nations Development Programme (UNDP). SOURCE United Nations Development Programme (UNDP) Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bedeshay qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare, xilli ay deegaan dhowr ah ku lumisay dagaalka ka dhanka ah ee ka socda dalka, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay in xog ay heshay xaqiijineyso in hoggaanka sare ee Shabaab uu Salmaan Mujaahir oo kasoo jeeda dalka Kenya uu hawl-gab ka dhigay, kuna go’doomiyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Salmaan Muhaajir oo ahaa horjoogihii Ajaaniibta ee kooxda ayaa waxa booskiisa lagu bedelay Jacfar Al-Sudaani oo kasoo jeeda dalka Suudaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya. Horjoogihii hore ee Ajaaniibta kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale laga jartay dhaqaalihii uu ka heli jiray kooxda, kadib markii la sheegay in loo saariyay hoos u dhaca dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta ee dagaalka socda. Xogta ay heshay dowladda ayaa intaas kusii daraysa in Ajaaniibta kooxda ay u kala jabeen laba garab oo kala taabacsan horjoogihii hore ee la go’doomiyay iyo horjoogaha cusub ee lagu bedelay. Daba-yaaqada bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka shaacisay in hoggaanka kooxda Al-Shabaab u go’doomiyay horjoogayaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali, kuwaasi oo markii hore daacad u ahaa kooxda. Horjoogayaasha go’doonka la galiyay xilligaasi ayaa waxaa kamid ahaa; horjooge Xasan Afgooye iyo horjooge Farxaan Kaahiye oo go’doon ku ah degmada Jiliba oo aysan dhaafi karin. Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha. Sidoo kale Farxaan Kaahiye oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa ayaa isaguna hore u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys xooggan kala kulantay dagaalka dhowrka nooc ah ee dowlada Soomaaliya oo garabsaneysa dadka deegaanka ay ku qaaday, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen. The post Al-Shabaab oo la shaaciyay inay bedeshay horjoogayaal iyo xiisad ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amniga ee dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay laba haween oo Soomaali- Norwegian ah, kuwaas oo laga soo qaaday xabsi ku yaalla dalka Suuriya. Gabdhahaas ayaa sanadkii 2013-kii waxay ku biireen ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxay halkaas carruur ugu dhaleen rag ka tirsanaa Daacish. Dowladda Norway ayaa heshay xogta xaalad adag oo ay ku noolyihiin carruurta ay dhaleen haweenkaas, waxayna dowladdu go’aansatay in dalka Norway ay dib ugu soo celiso ilmaha iyo hooyooyinkood oo ku dhibaateysnaa Suuriya. Suni Siciid Saalax oo ah weriye ku nool waddanka Norway oo BBC la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyey kiiska hablahaas oo hadda dowladda Norway ay xabsiga u taxaabtay. “Dhabdhahaan waa Soomaali, xalay ayaa laga soo dejiyey Norwey, isla markiiba xabsiga ayaa loo taxaabay, dowlada ayaa muddo dheer naawileysay in gabdhahaan lasoo celiyo, si loo daryeelo carruurtooda, ugu dambeyntiina hadda ayey suurta gashay,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid ayaa sheegay in arrinta gabdhahaan ay aad uga dheregsan yihiin dadka reer Norway, iyadoo aqoonyahano badan ay kiiskooda buugaag ka qoreen. “Gabdhahaan Norway ayey ku dhasheen, waxay ahaayeen caan, sababtii ay ku tageen Suuriya buugaag ayaa laga qoray, waxay guursadeen laba nin oo Daacish ah oo carruur ay u dhaleen, sida sharciga ah dowladda Norway waxaa xaq loogu leeyahay inay daryeel helaan carruurtaas oo ku noolaa xeryo qaxooti oo ku yaalla dalka Suuriya,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid. Wuxuu sheegay in labada gabdhood ay mid wadato hal cunug, halka tan kale ay wadato laba carruur ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Suuriya, balse markii dambe labada gabdhood waxaa lagu qanciyey in dib loogu soo celiyo Norway. “Sababta loo xiray waa in gabdhuhu ay ku wada eedeysan inay guursadeen rag argagixiso ah, kuwaas oo mid kasoo jeeday Norway, kan kalena wuxuu ahaa Carab, marka waxaa loo heystaa inay falal argagixiso ka qeyb galeen oo niman argagixiso ah ay guursadeen,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid. Wuxuu sheegay in carruurtii la geeyey goob lagu baxnaaniyo, halka labadii gabdhood xabsiga la dhigay, “Ilaa hadda cid ka hadashay ma jirto waxa xiga xarigaan, wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegtay in masuuliyadda saaray ay aheyd in carruurtaan muwaadiniinta ah lasoo badbaadiyo, arrinta haweenka xirana ay u deynayaan hey’adaha ammaanka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray weriye Suni Siciid. Wuxuu sheegay wareysiyo badan kadib ay macquul tahay in dhabdhahaas maxkamad lasoo taago, “Uma badna in sharciga lagala laabanayo, laakiin waa khasab waa la maxkamadeynayaa,” ayuu yiri Weriye Suni Siciid oo ku sugan dalka Norway. The post Gabdho Soomaali ah oo carruur u dhalay Daacish oo lagu xiray dalka Norway appeared first on Caasimada Online.
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyaga oo shuruud ku xiray si ay u aqbalaan xabad-joojin lagu kala badbaadinayo labada dhinac. Isimida ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen xabad-joojin ay ka codsadeen ergadii dhawaan ka tagtey magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku xireen in Somaliland ay dhankeeda si buuxda u aqbasho, islamarkaana ay ciidamadeed kala baxdo gobolka. “Waxa ay noo sheegeen in ay doonayaan nabad, inay doonayaan dhiiga dadka Muslimiinta ah in ay kala bad-baadiyaan, in ay doonayaan xabad-joojin. Anagu waanu ka aqbalay dhankayaga, waana aanu soo dhawaynay, wixii farsama ahna in laga wada-hadlo dhinicii kalena ay la aadaan” ayuu yiri Suldan Aw-Seed oo ku hadlayay afka garaadada SSC. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku rejo wayn yahay in dhex-dhexaadinta ay odayaashu isku xilqaameen ay guulaysato, islamarkaana ay magaalada Laascaanood noqoto goob nabdoon oo dadkii ka baro kacay ay dib ugu soo noqdaan. Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay ergada madax dhaqameedka ee dhawaan Muqdisho uga yimid inay gacan ka geystaan dhex-dhexaadinta colaadda ka taagan Laascaanood ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe kadib laba maalmood oo ay ku sugnaayeen Laascaanood. Odayaashan ayaa wada dadaalo ay ku tagayaan magaalada Hargeysa, inkasta oo lasoo warinayo in xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ay diidan tahay dhex-dhexaadinta ay wadaan odayaasha kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay ku dhawaaqday Somaliland inay qaadeyso tallaabo milateri kadib muddo ay sheegtay inay ku jirtay is-difaac oo aysan ciidamadeedu weerar aheyn dagaalka socda labada billood ee xiriirka ah, sida uu sheegay milateriga Somaliland. The post Isimida SSC oo shuruud ku xiray ‘si loo kala badbaadiyo’ Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  7. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – According to Larry André, the U.S. ambassador to Somalia, Somali government-led military operations have successfully reclaimed a third of the territory previously held by al-Shabab militants. In an email to VOA Somali, André stated that this progress represents “one step further toward Somalia’s full revival.” Since January, the United States has provided weapons and training to the Somali national forces to aid their efforts against al-Shabab. The U.S. has specifically trained an elite Somali army unit known as Danab, or “lightning,” which has spearheaded the offensive against the militant group. Militant group claims operations failed The Somali government recently announced that military operations in the past six months had dealt a significant blow to al-Shabab. On March 25, the Ministry of Information reported that 3,000 militants were killed and 3,700 injured during the first phase of military operations, which took place between August of the previous year and January. Additionally, 70 towns and villages were liberated from al-Shabab control. Despite these reports, al-Shabab has claimed that the first phase of military operations was unsuccessful. Ali Mohamoud Rage, the group’s spokesman, also known as Ali Dhere, accused the U.S. of rallying forces against the militant organization. In an interview with an al-Shabab-affiliated radio station, Rage stated that the original plan was to eliminate al-Shabab within six months, calling the first phase “futile.” Somali security official counters claims Kamal Dahir Hassan Gutale, the national security adviser to Prime Minister Hamza Abdi Barre, dismissed Rage’s assertions. Gutale argued that the definition of failure would need to be revisited if liberating regions such as Middle Shabelle, Hiran, South Mudug, and parts of Galgadud is considered a failure. Gutale emphasized that the “Somali people and their government made possible all those successes reached by our security forces in a very short time.” Gutale also refuted Rage’s claim that the U.S. orchestrated the Somali military offensive, pointing out that al-Shabab is facing “young Somali soldiers who are well-trained, battle-hardened, who took the battle towards the front lines.” He added that these soldiers have liberated over 500 kilometers from al-Shabab and continue to pursue the militant group. Criticism ahead of second phase of operations Government officials have announced that the second phase of military operations will begin during Ramadan. However, this phase has already faced criticism prior to its official launch. Abdullahi Mohamed Ali Sanbalolshe, former director of the National Intelligence and Security Agency, argues that preparations for the second offensive place too much focus on the government’s role and insufficient emphasis on the participation of local fighters who contributed to the first phase’s relative success. Sanbalolshe stated that local fighters had limited awareness about the new offensive and accused the government of devaluing the roles of clans, locals, and states. He claimed that the second offensive’s participation appears limited to the government, unlike the first phase, which involved the broader Somali community. Defense Minister responds to criticism In response to these concerns, Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur rejected the notion that the government undervalues the role of local fighters. He emphasized that the fight against al-Shabab belongs to the Somali people and that regional collaboration achieved previous successes. Nur added that most locals do not require government information about military offensives. They proactively approach the government to ask for support. The post Somalia reclaims 1/3 of Al-Shabab territory: Revival begins appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka iyo Wasiirka dastuurka ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xubnaha Guddiga madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka xilka ugala wareegeen xubnihii hore, Guddoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa maanta xilka kala wareegay Ku-simihii Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiiru dowlaha Wasaarada cadaaladda iyo dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar. Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Guddoonka labada Aqa. Xubnaha Guddiga, Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka labada Aqal Xil. Xuseen Iidoow, Xildhibaanada Laba gole ee Baarlamaanka, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha joogatada ee XRW iyo marti sharaf kale. Masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Guddiga madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday, waxayna kula dardaarmeen in shaqada loo diray ay u qabtaan si danta dalka ku jirto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. NAIROBI, Kenya, Mar 29 – President William Ruto has mourned Banissa Member of Parliament as a dedicated public servant. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 17 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah. Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay degmada Aadan Yabaal iyo dadaaladda ay dowladda ka wado deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga xoreeyay. “Dowladda Soomaaliya ayaa dib u howl-galisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal kadib sanado badan oo Al-Shabaab ay xireen.” – “Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada laga xoreeyay Khawaaijta ay dowladda gaarsiin doonto adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.” Sidoo kale waxaa warbixinta toddobaadlaha ee dowladda lagu soo qaatay howl-galada ka socda Muqdisho iyo qorshaha qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, taasi oo mareysa meel aad u wanaagsan. Hoos ka aqriso Warbixinta Toddobaadlaha Muqdisho, Arbaco, March 29, 2023 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab. 2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka. 3- Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal. Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen. 4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho. 5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka. 6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed. 7- Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. 8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir. 9- Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. 10- Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta. 11- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada. 12- Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo. 13- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab. 14- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka. 15- Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo. 16- Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah. 17- Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho. The post Aqriso: DF oo soo saartay bayaan ka kooban 17 qodob appeared first on Caasimada Online.
  11. Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inuu dagaal qorsheysan ku qaadayo magaalada Laascaanood ayaa waxa uu markale sheegay in howl-galka ay qaadayaan ciidamada uu yahay mid lagu soo dabaalayo nabadii iyo deganaashihii ka jiray halkaasi. Milateriga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in howl-galkooda uu yahay mid lagu soo afjarayo xiisadda colaadeed ee Laascaanood, islamarkaana lagu soo nabad-gelyadii hore uga jirtay gobolka. Sidoo kale waxaa qoraalka Milateriga Somaliland lagu xusay in saldhiga Goojacadde oo fadhiisin u ah ciidamada Somaliland uu haysto taageero caalami ah, kaasi oo la sameeyay tan iyo markii u qarxay dagaalka SSC iyo Somaliland ee Laascaanood. “Howl-galka nabad soo celinta ee hadda socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo deganaasho lagu soo celiyo Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka Milateriga Somaliland oo iclaamiyay inuu dagaal qorsheysan ku qaadi doono xarunta gobolka Sool. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Somaliland “Saldhiga Goojacadde waxaa aas-aasay ciidamada difaaca Soaliland, waxaana taageeray Qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka.” Dagaal Laascaanood oo socda bishii labaad oo xiriir ah ayaa waxa uu milateriga Somaliland uu maalmo kahor sheegay in uu dhankiisa uu kasoo baxayo is-difaaca, ayna qaadayaan dagaal qorsheysan oo dib loogu soo celinayo Laascaanood gacanta maamulka. Dhawaaqa kasoo baxay ciidanka Somaliland ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, kadib muddo ku siman laba bilood ah oo ay Somaliland xabad-joojin ku dhawaaqaysay, ayada oo Isimida SSC ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin dagaalka ay la dagaalamaan Somaliland. “Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland. Si kastaba, Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan. The post Somaliland oo faah-faahisay dagaalka ay ku qaadeyso magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wadahadal la yeesho ‘jabhad sharci-darro ah’ oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya. Hadalka Abiy Axmed uu u jeediyay xildhibaannada ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celceliyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November la gaaray colaadda ka taagneed waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka. “Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA)” ayuu yiri Abiy. Afhayeen u hadlay jabhaddaas oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu wada-hadal la galayo jabhadda OLA appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa goordhoweyd shaaciyay in loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, oo ay ugu horeyso kooxda Al-Shabaab. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inuu qaadayo tallaabo ka dhan ah shaqsiyaadka lala xiriirinayo eedeymahaasi, taasi oo ku aadan baarista iyo dacwad oogista tuhunsanayaasha, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha. “Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo gaaray kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, kiisaskaas oo ay xafiiska usoo gudbisay xarunta warbixinada maaliyadda jFS (FRC) ee dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer-Ilaaliyaha Guud. Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadka shaqo ee ka saaran baarista iyo oogista dembiyada, waxa uu tallaabada ku habboon ka qaadanaya kiisaska soo garay iyo shakhsiyaadka la tuhusan yahay.” Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay dhamaan falalka lidka ku ah sharciga, wuxuuna ugu baaqay in la dhawro xeerarka iyo shuruucda dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay waday dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda, kuwaasi oo inta badan ay kooxda si baad ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho. Waxay dowladda ku guuleystay tan iyo markaas inay xirto in ka badan 250 akoon iyo 70 lambar oo kooxda u adeegsan jirta qaadista lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadaan ganacsatada, iyada oo muwaadiniinta Soomaaliyeed looga digay inay ka fogaadan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda, gaar ahaan la xiriirta embiyada lacag dhaqidda iyo maal-gelintooda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hore u sheegtay in hadda kadib ay “si buuxda ula wareegi doonto hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqida ama maal-gelinta argagixisada. The post DEG DEG: DF oo baaris ku bilaabeysa shaqsiyaad la tuhunsan yahay appeared first on Caasimada Online.
  14. MOGADISHU, Somalia (AP) — This year’s holy month of Ramadan coincides with the longest drought on record in Somalia. As the sun sets and Muslims around the world gather to break their daily fasts with generous dinners, Hadiiq Abdulle Mohamed and her family have just water and whatever food might be at hand. Source: Hiiraan Online
  15. 56 year old Hussein inherited land southwest of Mogadishu, Somalia. Having been a public servant prior to 1991, when he found himself in a land dispute over that same land, he did what any public servant would do: he took the case to court. Spending nearly 27,000 US dollars in the highly corrupt judicial system, he lost the initial trial and attempted to appeal the case. He still had hope for due process. Source: Hiiraan Online
  16. Cutting off al Shabaab’s estimated $100 million in extortion-generated annual revenue will require restoring the integrity of Somalia’s compromised financial, judicial, and intelligence agencies. Source: Hiiraan Online
  17. Dozens of Somali families have accused their east London council of trying to force them out of the community by overlooking their urgent needs for social housing. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (HOL) - Abdalle Ahmed Mumin, Secretary-General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), arrived in Nairobi on Wednesday seeking medical treatment following his release from a Somali prison. Mumin was arrested in October 2022 after criticizing Somalia's new anti-propaganda directive targeting media organizations. Source: Hiiraan Online
  19. Diblomaasi Soomaali ah oo Shir kaga qeyb galay Israel & Shaki xoogan oo ka dhashay arrintaas. Danjire Ciid Beddel Maxamed oo mar soo noqday ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Israel. Waxaa uu halkaas kaga qeyb-galay shir ku saabsan Iskaashiga Israel, Carabta iyo Afrika oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Arrimaha Dadweynaha ee Jerusalem (Jerusalem Center for Public Affairs) Kulankaas oo halku dhiggiisu ahaa Shirka Caalamiga ah ee Israel, Carabta iyo Afrika ayaa ka qeyb galka Ciid Bedel waxay dood xoogan ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida. Sawiro uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Danjire Ciid Beddel ku muujiyay ka qeyb-galkiisa shirka, isagoo amaanay heshiiska Abraham Accord ee Israel ay xidhiidhka diblomaasi kula sameysatay dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sudan iyo Morocco. Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka Somalia horeyna u soo noqday Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Midowga Yurub ayaa Dowlada federaalka ka dalbaday iney bixiso sharaxaad ku saabsan haddii ay wax ka ogtahay booqashada Ciid ee Israel. “Shaki weyn bay na galisay Booqashadii Danjire Ciid Beddel ku tagay Jerusalem waxaan jeclaan laheyn inaan ogaano inuu ku tagay Israel si shakhsi ah ama ogolaanshaha Wasaaradda arrimaha dibedda, Ra’iisul Wasaaraha ama Madaxweynaha.” ayuu yidhi Cali Saciid Fiqi. Xukuumadda Soomaaliya ayaan weli wax war ka soo saarin booqashada Ciid Beddel ku tagat Israel. Wargeyska Israel Hayom ayaa dhowaan qoray in Tel-Aviv ay ay ballaadhineyso heshiiska Abraham Accord, islamarkaana ay ku soo dareyso dalal ay ka mid tahay Soomaaliya oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah Israel. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay guulaha laga gaaray wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo shaacisay baaxadda dhulka kooxda looga qabsaday dagaalka socda. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in saddex meelood meel dhulkii ay gacanta ku haysa Shabaab laga fara-maroojiyay intii uu socday wejiga koowaad ee dagaalka oo intiisa badan ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug. “Hawl-gallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen Al-Shabaab,” ayuu ku yiri Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre qoraal uu udiray VOA. Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri Safiirka “Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.” Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa waxa uu natiijada ka dhalatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ku aamanay ciidamada huwanta ah oo iyagu wada dadaalada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan ka talinaysay qeybo kamid ah dalka. Mareykanka ayaa dagaalka socda uga qeyb qaatay duqeynta diyaaradaha Drone-ka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday xubnaha kooxda, hub iyo saanad ciidan oo uu siiyay Soomaaliya iyo la-howl-galka ciidamada DANAB ee uu tababaray. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3-kun oo ah maleeshiyaadka ururkaas, laguna dhaawacay 3,700 oo kale. “Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyay in kabadan 70-gobood, kuwaasi oo isugu jira deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah. Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa kusii siqaya wejigii labaad, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Mareykanka oo shaaciyay baaxadda dhulka Shabaab laga qabsaday iyo khasaaraha gaaray appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - A fierce battle erupted on Tuesday between government forces, local militia, and al-Shabaab militants in the Hiiraan region, according to local reports. Source: Hiiraan Online
  22. Las Anod (HOL) - The traditional elders in the conflict-torn town of Las Anod have accepted a ceasefire request from a group of traditional elders who arrived in Las Anod to find a peaceful solution to the three-month-old conflict. Source: Hiiraan Online
  23. Somaliland:𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐠𝐚𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐎𝐨 ka maquurtay. Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Toorno oo laga sugaayay golaha wakiilada ayaa mar kaliya lagu war helay inuu ku sugan yahay dalka Sucuudiga oo uu si hoose ugu baxay, isaga oo golaha soo wargelin. Wasiirka oo ay u yeedhay gudida dabagaka iyo ilaalinta hantida qaranka oo doonaayay inuu hor yimaado si ay wax uga waydiiyaan shaqadiisa ayaa ka maquurtay. Gudiga oo golaha saaka soo xaadiray diyaarna u ahaa inay la kulmaan Wasiir Toorno ayaa wakhtigii balantu gaadhay xidhiidh ay la sameeyeen waxa uu si kadis ah ugu sheegay inu ku sugan yahay Cumrada, taas oo fajac iyo ama kaag ku noqotay gudiga maadaama oo aanay isku ogayn oo ay sugayeen. Gudiga ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ayaa la filayaa in kiiska wasiir Torno ay horgayn doonaan gola waynaha, maadaama oo laga sugaayo warbixintiisa. Qaran News