-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in ay Sool kula dagaallamayso kooxo Argagaxiso oo qaarkood ay ka soo carareen dagaalka Dowladda Soomaaliya ku qaaday si ay gabaad uga dhigtaan Magaalada Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale Mareykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Sool, Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada ka dagaallamaya Laascaanood ay ku jiraan kuwa ka socda Maamulka Putland, kuwa Maraykanku tababaray ee Danab iyadoo qoraalka lagu xusay in Laascaanood lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Danab kaas oo Maraykanku soo tababaray. Arrinta Doorashada ayaa wasaaradda Arrimaha dibaddu sheegtay in ay ka go’an tahay xukuumadda Somaliland qabashada doorashada iyadoo tubta doorashadana ay u xilsaaran yihiin guddida Doorashada oo go’aamin doona wakhtiga. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa kusoo aadaya xili xalay Dowladda Mareykanku si adag uga hadashay xaaladda Laascaanood iyo arrinta doorashada Somaliland. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)- Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay beesha caalamka kula wadaagayso walaac ku saabsan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo ka dhalatay dil loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December. Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo shisheeye ay soo galeen Laascaanood, xilli ay magaaladaas joogeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo ka jawaabayey tabashooyin ka yimid xubno ka mid ah bulshada deegaanka. “Dadaal niyad sami leh oo lagu xakameynayo rabshadaha iyo soo celinta xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dib ula soo noqotay ciidamadeeda ammaanka Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay inay taageertay Ergooyin nabadeed oo ay odayaasha beelaha Somaliland ku bilaabeen wadahadal, isla markaana ay soo dhaweeyeen hindisaha ay dawladaha deriska ah ku dhexdhexaadiyeen joojinta colaada. “Dadkii kiciyay khilaafkan ayaa diiday dhammaan dadaalladaas. Taas beddelkeeda, waxay sii wadeen hurinta, qalalaasaha iyo war-xumada si ay u sii khalkhaliyaan xasiloonida mandaqada, ugana soo horjeedaan qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka. Somaliland waxay kaloo sheegtay in labadii bilood ee u dambeeyay ay ciidamadeedu ku jireen weeraro joogto ah, oo aan loo meel dayin. “Iyagoo ku dadaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen xasillooni-darrada iyo in ay ka fogaadaan in ay sii kororto millatari si ay uga hortagaan waxyeellada loo geysto dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale war-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in wada xaajoodkii lala yeelan lahaa hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka lagu fashiliyay weerarro sii kordhaya oo ay gaysteen kooxo badan oo hubaysan. “Kooxahan ayaa isugu jira xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga soo barakiciyay goobihii ay ku noolaayeen ee Soomaaliya, iyadoo Maraykanku taageerayo hawl-gallada ka dhanka ah argagixisada, xubno ka tirsan ciidamada Puntland, iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu ku jiro Taliyaha ugu sarreeya ee guutada 4-aad ee Maraykanku tababaray,” ayaa lagu yiri bayaanka. Somaliland waxay qoraalkaan ku sheegtay in taliyahaas oo hogaami jiray guuto ka mid ah ciidanka Danab markii dambe lagu dilay weerar lagu beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland. “Sida dawladaha kaleba, Jamhuuriyadda Somaliland waxay xaq u leedahay inay difaacdo madax-banaanideeda dhuleed, ciidammadeenna waxay si is-xakameyn iyo karti-xirfadeed ku dheehan tahay,” ayaa bayaanka lagu yiri. Somaliland waxay sheegtay in aysan weli jawaab u helin codsiyo ay dirtay, kuwaas oo ku aaddanaa taageerada Maraykanka, si ay ugu qanciso maamulka Puntland inay joojiyaan dagaalyahannada iyo hubka ka soo qulqulaya dhulkooda ee Laascaanood, ama in odayaasha deegaanka loo ogolaado inay wadahadlaan. “Taasi waxay keentay in maleeshiyaad hubaysan ay si xisaab la’aan ah ugu soo daabusho magaalada Laascaanood, kuwaas oo baqdin geliyey hoggaamiyeyaasha deegaanka ee doonaya inay wada-hadallo siyaasadeed la yeeshaan dawladda, isla markaana u suurto-gelisa jawi u oggolaaday argagixisada.” “Ku guul-darrida Maraykanka iyo kuwa kaleba inay si wax-ku-ool ah, si dhab ah, iyo niyad-jab ku-talaabsadaan waxay khatar gelinaysaa maleeshiyaadkan iyo sii-dheeraynta colaadda,” ayaa qoraalka Somaliland lagu yiri. Somaliland waxay sheegtay in mar labaad ay u soo jeedinayso dawladda Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dadka reer Somaliland soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland. “Caqabadahaas oo ay doonaanba ha ahaadeene, waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.” Ugu dambeyntii bayaanka Somaliland waxaa lagu yiri “Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalkeena. Haddaba, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo diyaariyaan qorshaha doorashooyinka.” The post Somaliland oo qoraal ku weerartay Mareykanka, farriina u dirtay beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Hooyo Soomaaliyeed ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir waxaa ay ku umushay afar Gabdhood oo Mataano ah, hooyadaan ayaa ka timid deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe. Agaasimaha guud Isbitaalka Marwo Fartuun Shariif ayaa sheegtay in carruurtan iyo hooyadood ay badqabaan, Marwo Shariif waxa ay sheegtay in haweeneydaasi ay si dhib la’aan ah u umushay Caruurta. Maryan Maxamed Xasan oo ah 38 jir ayaa sheegtay in caruuntaan ay yihiin Da’dii Tobanaad oo ay dhasho, iyadoo warbaahinta la wadaagtay in ay dareemi jirtay mataano ka badan laba caruur ah in ay sido. Maamadaan ayaa ah hooyadii ugu horeysay oo isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ku umusha caruur mataano afar ah, sida ay warbaahinta u sheegtay agaasimaha guud isbitaalka isbitaalka Banaadir. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ku booqday Isbitaalka Hooyada Soomaaliyeed ee Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir. Wasiirka Caafimaadka ayaa afarta gabdhood ugu magacbixiyay Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey labadooda Marwooyinka Qaranka, halka halka labada kalena loo bixiyay Fartuun Xalwo oo kala ah Agaasimaha Isbitaalka iyo Umulisadii hooyo Maryan Maxamed Xasan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Wasiir Cali ayaa lacag uusan tiradeeda sheegin u geeyey Hooyo Maryan oo xalay umushay afar gabdhood, Hooyadaan ayaa laga keenay deegaan hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale wasiirka ayaa lagu sharfay inuu magacyo u bixiyo gabdhaha Hooyo Maryan, wuxuuna labo kamid ah ugu magac-daray labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la kala yiraahdo Qamar iyo Sahra. Wasiirka Caafimaadka ayaa gabdhaha mid ka mid ah ugu magacdaray agaasimaha isbitaalka ay carruurtani ku dhalatay ee Banaadir, waa Dr. Fartuun. “Labo ka mid ah Maamooyinka qaranka ayaan ugu magacdarayaa, midna Qamar ayaa la dhahaa, midna Sahro, labada kale waxaan u kala bixiyey Fartuur iyo Xalwo, waxaan idin leeyahay adiga iyo carruurtaada caafimaad allaha idin siiyo, halkaan waxaa ku jirta kaalmo yar oo aan ugu tala galay inaa sahay ka dhigato, maadaama aad miyi ka timid,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji. Wasiirka caafimaadka ayaa balan-qaaday in si gaar ah ay uga warqabi donaan Hooyo Maryan iyo carruurteeda, maadaama ay aad u jilicday oo afar ilmo ah ay caloosha ku siday sagaal bilood. Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan. Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay mataanahaan ku dhashay isbitaalka Banaadir, maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijiyey in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah. “Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka Caafimaadka oo labada XAAS ee Madaxweynaha ugu magac-daray… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey muddo kororsigii ay sameysteen hey’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Ciid ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen baarlamaanka Galmudug, si lamid ah baarlamaanada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle. “Golaha sharci dejinta Galmudug ayaa wax ka bedelay mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah, sida baarlamaanka iyo golaha wasiirrada, afar sano ayey horay u aheyd, balse waxay ka dhigeen shan sano, aniga iyo Madaxweyne Qoor Qoor kama aanaa dalban inay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri Ciid. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tallaabadaan muddo kororsiga ah ku tilmaamay sunno siyaasadeed oo Soomaaliya muddo ka soo jirtay, isagoo sheegay in dhamaan maamullada dalkaan ka jira ama soo maray ay ka siman yihiin mudo kororsiga. “Qoor Qoor ama aniga, ma jirto cid dalbatay muddo kororsi, waana go’aan masiiri ah oo baarlamaanku qaatay, si lamid ah dowlad goboleedyada kale, sidii Puntland horay uga dhacday oo Faroole sameeeyey, Somaliland ayey ka dhacdaa, dowladda dhexe ayaa sameysa mar kasta, mark aka gudub waa sunno siyaasadeede,” ayuu yiri Madaxweyne Xali Daahir Ciid oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay Tvga Qaranka. Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka jirto dowladnimo rasmi ah, isagoo ku faanay inay dhawaan marti gelinayaan shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka dhici doona. Mar la weydiiyey in beelaha Galmudug isla leh ay isku raacsan yihiin ama raali ka wada yihiin muddo kororsigaa, ayuu sheegay in Galmudug ay ka soo gudubtay qabiil oo dowlad dhisan ay tahay. “Galmudug waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, qabiilna waa ka soo gudubtay, hadda mala dhihi karaa dowladda Soomaaliya 50 qabiil ayaa isla leh? Waa maya, sidaas si lamid ah Galmudug waa dowlad dhisantay, go’aanka uu baarlamaanku qaatana waa mid masiiri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Ciid oo marmarsiiyo yaab leh u raadiyay muddo kororsigii Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga qeybo kamid ah xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas. Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Degmada Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas, iyaga oo kormeer ku sameeyay goobaha uu saameeyay Roobka, kaas oo si daran u saameeyay dadka kasoo barakacay abaaraha iyo dagallada Al-shabaab ee Bokool. Guddoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka deegaanka oo xafadahooda biyaha dhex jiifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaan, magaalada ayaa waxaa ka jira walaac ay ka qabaan bulshada Roobka inuu soo Rogo Daadad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mashruuca “Berbera Corridor” maaha hadyad bilaash laynoo siiyey balse waxaynu ku gadanay saami aynu Dekedda Berbara ka bixinay isla markaasna aynu sharkado shisheeye ah maamulkii iyo gacan ku hayntii dakaddeena ku wareejinay. Waxa laysku oogaa bulshadi filaysay in mashruucaas aynu ka hello kaabayaal dhaqaale oo dhaxal gal ah. Waxa ayaan darro ah in ay roobabkii ugu horeeyey waddadii iyo birijyaddii ama buundooyinkii maydhaan. Waxa mashruucan ka muuqata maamul xumo, masuuliyad darro iyo musuqmaasaq. Dadka arinkaa ka masuulka ah waa in la soo qabtaa oo Xeerka Ciqaabta lagu dacweeyaa. Laakiin nasiib darro ma filayo in xukuumaddan ku mashquulsan dhalinyarada Baraha Bulshada wax ku qora in ay talaabo ka qaadayso xadtooyada qaran ee ay biyuhu bulshada tuseen. Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Qaran News
-
Waalidii Laascaanood ka socotay in ay gebogabo ku dhowdahay rajo ku saabsan ayaa soo muuqatay, waana wax fiican. Laba amuurood ayaa rajadaas xoojinaaya; maya ee sabab ba u ah dheh. Muuse waxa uu bilaabay in uu beelaha shirar gooni-gooni ah la qaato, oo ka baryo rag iyo hub in ay ku caawiyaan – reer hebeloow intaas oo wiil iyo qoryahoodii keena! Beesha Arab buu ku bilaabay oo Salaasadii 28 March la kulmay, Ciidagale na waa ku xigsiiyay oo Arbacadii buu gurigiisa ku qaabilay odayaal u badan kuwii isaga u galgeli jiray awalba. Taasi waxa ay muujisay, amaba aan idhaahdee sii kashiftay, xaqiiqadii soo muuqatay bilowgii dagaalka, taas oo ah in aanu ciidan haynin. Todobaad markii dagaalkan nacasnimada ahi bilaabmay, Muuse waxa uu ku khasbanaaday in uu qof kasta oo dirays xidhan meeshaas u diro – bilays, taraafig, xataa ciidanka dabdamiska qaar la ga qaaday. Laba bilood markii uu ku dhawaaday, waxa uu bilaabay in uu yidhaahdo Reer-hebeloow rag iyo qoryo keena. Muuse iyo wasiiradii uu u yeedhay ee kulankaas la joogay, waa Siciid Sulub, Ex-Sheekh Cabdirisaaq Albaani, M. Kaahin, Cabdulqaadir Iimaan, Cabdilaahi Faarax iwm, dhamaantood luqadoodu mid keliya ayay ahayd – Daarood baa inala dagaalamaaya, inaku na (Isaaq), waa in aynu is difaacno. Eeg, Somaliland halkaas ayaa la is ka dhigay – waa reero is dilaaya, marka banaanka loo soo baxo na, qaranka ayaa la odhanayaa. Hadaba, runtu waxa ay tahay, ciidan beelo u soo ururinayaan ma jiro oo xaqiiqo ah. Natiijadu waa in dagaalkii istaagi doono; caqli ma ku istaagin ee dan baa joojinaysa. Wixii doonaa ha joojiyaan ee in aanu meeshaas wiil dambe ku dhimanin ayay faaiidada weyni tahay. Miisaaniyaddii ciidamada ee ta guud ka ahayd boqolkii afartanka, wax ku dhacay iyo meel ay martay waa amuur u baahan is weydiin dhab ah, waa se marka dagaalku istaago ee wiilasha dilkka u xidhan la soo badbaadiyo. Xaqiiqada labaad ee rajada dhiigjoojinta ah abuurtay waa cadaadiska qaawan, ee qayaxan, ee Maraykan la soo baxay. Ciidankaaga Meesha ka qaad ayay ku yidhaaheen Muuse, warka inta ay faafiyeen na waxa aad u ga badan, oo ka kulul, inta ay gaarka u gu sheegeen. “Frank talking” hadii aad dublamaasi ka maqashid, luqadda soomaaliga waxa u gu dhaw hadal aan waxba la isu la hadhin. Dagaalka oo keliya in la joojiyo ma ay ku khasbin ee in uu doorashadii uu ilaa November ka meeraysanaayay qabto na, dhab ayay u gu sheegeen, isna waayahay ayuu yidhi. Habeenkii ba gudigii doorashada ayuu u yeedhay, waxaanu ku yidhi nimanyahow doorasho degdeg u qabta, lacagtii na waan idiin sii daynayaa. Marka aad dadkaaga diidid, wiil yar oo kumanaan mayl ka yimid baa qoorta ku soo qabanaaya, oo hore kuu tukhaantukhinaaya. Madaxda Soomaalidu caqli ahaan qaangaadh ma u aha, waxaanay wax gartaan uun marka ull weyn la la soo ag istaago, nin aan ogahay na dee tiradaba ku ma jiro. Is ku soo wada duub, malaha barakada soonka awgeed, waxoogay rajo ah ayaa Somaliland ka soo muuqata. Ku duceeya in dagaalku dhakhso u istaago oo aanay xabbad dambe afka qoriga ka bixin idamka Eebbe. Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay biriijyada (buundooyinka) waxyeelada ba’an soo gaartay ee Imaaraadka Carabta uu maal-galiyay ee mashruucii Berbera (Berbera Corridor). War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxay xukuumadda iskaga fogeysay faddeexada ka dhalatay mashruucaasi, iyada oo sheegtay in Imaaraadka uu toos ula galay heshiiska fulinta mashruucaasi shirkadaha fuliyay. “Somaliland waxa kaliya oo doorkeedu ahaa la wareegida mashruucan marka uu dhamaado muddo cayiman kadib oo ah marka uu mashruucan ka baxo muddada tijaabadda (Liability Period,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland. Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in shirkadaha NBHH iyo Conser ay iyagu lahaayeen dhismaha waddada iyo biriijyada, iyo naqshada & kormeerka shaqada maalinlaha ah, kuwaasi oo heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan Abu-Dhabi Fund for Development. “Waxaa jiray heshiis u dhaxeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Imaaraadka (UAE) oo dhigayay in xaga Somaliland laga soo magacaabo guddi farsamo, iyaguna qeyb kama ahayn heshiiska u dhaxeeyay shirkadaha dhismaha waday iyo Imaaraadka, wuxuuna doorkooda ku koobna kaliya korjoogtayn.” Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in shirkadaha mashruucan fulintiisa lahaa ee heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Abu-Dhabi (ADFD) ay diyaar u yihiin “in la saxo hadba wixii khaladaad ah ee soo baxa.” Mashruuca Berbera Corridor oo la filayay inuu yahay mashruuca ugu heer sareeya ayaa tan iyo markii la galay xilli roobaadka waxaa soo baxeysay faddeexad muujineysa in mashruucan la musuq-maasuqay, islamarkaana aan waddooyinka iyo biriijyada uu maal-galiyay Imaaraadka aysan tayadooda wanaagsaneyn. Hoos ka arag sawirada biriijyada waxyeellada soo gaartay iyo qoraalka wasaaradda The post Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Maraykanku ayaa si cad sheegay in uu ka walaacsanyahay dib u dhaca doorashada madaxtooyada ee Somaliland, wuxuuna soo jeediyay in miiska lasoo saaro qorshihii doorashada, dhanka kale wuxuu ku hanjabay in aanu dal ku galka Maraykanka siin doonin cidkasta oo loo arko in ay caqabad ku tahay qabsoomideeda. Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa laga hadlay arrimahan, muddo 24 saacadood ah gudahood waa markii labaad ee Maraylanku ka hadlo qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland oo dib u dhac ku yimid, halkan hoose ka Daawo Source
-
Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maalintii Khamiista ansixiyey codsigii dalka Finland ee ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO. Dhammaan 276 xubnood ee Baarlamaanka Turkiga ayaa u codeeyey in Finland loo ogolaado xubinimada NATO. Dhowr maalin ka hor ayuu dalka Hungary ogolaaday in Finland ka mid noqoto xubnaha NATO. Xoghayaha Guud ee Gaashaan Buurta NATO Jens Stoltenberg ayaa arrintaan ku tilmaamay mid sii xoojineyso awoodda NATO. Walaac ay ka muujiyeen duulimaadkii uu dalka Ruushka ku soo qaaday dalka Ukraine, ayeey dalalka Finland iyo Sweden codsadeen in ay ka mid noqdaan NATO. Labadaan dal ayaa waligood dhex-dhexaad ka ahaa awoodihii military ee qaaradda Yurub. Ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO, waa in ay 30ka dowladood ee xubnaha ka ah soo wada ansixiy. Turkey iyo Hungary ayaa ah labada dal ee ugu dambeeyey ee u ogolaado dalka Finland. Dalka Sweden oo soo codsaday in kuu biiro NATO ayaa waxaa wali hor-taagan dalka Turkiga oo dalka Sweden ku eedeeyey in ay taageeraan kooxaha argagixisada ah ee Kurdiyeenta oo dagaalka kula jira dalka Turkiga. “Dalka Finland oo xad gaaraya ilaa 1,340 Kilomter la leh dalka Ruushka ayeey faa’ido weyn u tahay ka mid noqoshada xubnaha NATO, gaar ahaan marka laga fiirsho dhanka siyaasdda iyo deegaanka uu dalka Finland kaga yaalo qaaradda Yurub” Ayeey tidhi Prof. Mai’a Cross, oo bare ka ah Jaamadda Northeastern ee dalka Mareykanka. Source
-
Warsaxaafadeedka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka intan weeyee nuxurkiisu. Aynu ka bilowno cinwaanka warsaxaafadeedka. Cinwaanku wuxuu odhanayaa “Xasilooni darrida iyo dib-u-dhaca Dimuqraadiyada ee Somaliland” Halkan Mareykanku warsaxaafadeedkiisa kuma sheegin entity kale oo aan ahayn Somaliland. Xaalada Laascaanood ka socotana wuxuu ku sheegay “Xasilooni darro ka jirta Somaliland gudaheeda”. Warsaxaafadeedka ayaa lagu bilaabay “Maraykanku waxa uu si aad ah uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood, waxayna codkeeda ku biirinaynaa xubnaha beesha caalamka iyo waddamada deriska ah ee ku baaqaya in xaaladda la dejiyo, loona hoggaansamo xabad-joonita la isku raacay, la sahlo gargaarka bini-aadantinimo, islamarkaana dib loo bilaabo wadaxaajoodka ku aaddan in arrinka si nabad ah xal loo gaadho” Hadii kale waxay sheegeen in “Dagaalada sii socda ayaa sii kordhin doona fursadaha ay kooxaha xagjirka ahi ku beeraan xasillooni darro ballaaran”. Qodobada ay soo saareen waa kuwan: 1. Waxaan Somaliland ugu baaqaynaa in ay ciidankeeda dib u saarto si ay u caddeyso sida ay uga go’an tahay mabaadii’da nabadeed ee xaga sare ku xusan. (May sheegin xaga dib loogu qaadayo) 2: Waxaanu ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan magaalada Laascanood inay ka waantoobaan fal kasta oo dagaal ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland. 3. Waxaanu taageersanahay doorka wax ku oolka ah ee Dawladda Federaalku ka qaadatay arrinkan, iyo hawlgelinteeda ergada odey-dhaqameedyada, sidoo kale waxaan soo dhawaynaynaa sida ay uga go’an tahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inuu wafdiga kula kulmo Hargeysa. Intaasi waa arrinka Laascaanood. Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay arrimaha doorashooyinka Somaliland. “Waxa kale oo aanu ka walaacsanahay in doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland ay dib u dhaceen tan iyo bishii November 2022, oo aad uga sii badan wakhtigii ku qeexnaa dastuurka Somaliland. Waxaanu masuuliyiinta Somaliland ugu baaqaynaa inay dejiyaan jadwalka cad oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashooyinka. Hadii taasi dhici weydo “Maraykanku wuxuu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodisa sharci ee ku xusan 212 (a) (3) (C) ee Xeerka Socdaalka iyo Jinsiyadda si loo xakameeyo bixinta fiisooyinka mas’uuliyiinta hadda jooga ama horey u soo maray Soomaaliya ama shakhsiyaad kale oo la rumeysan yahay in ay mas’uul ka yihiin, ama ka caga jiidanayaan, isla markaana wiiqaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya iyo Somaliland. Ibrahim Muse Baqardhe SRA. Qaran News
-
Hooyo Soomaaliyada afar caruur ah Mar wada umushay Hooyo Soomaaliyeed ayaa mar kaliya afar caruur ah ku umushay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Caruurtan oo ka kooban afar gabdhood ayaa waxaa si dabiici ah u dhashay Hooyo Soomaaliyeed oo ka timid degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray maamulka Isbitaalka Banaadir oo u qornaa sidan hoose:- Xalay waxaa isbitaalka Banadir 4 caruur (Quadruplets) ah ku dhashay hooyo somaaliyeed waxaana u qabanay adeeg Caafimaad. Wuxuuna ALLAH ugu deeqay Mataano kuligood gabdho ah, ILAAHEY mahadiiisa waxey noogu dhashay si dabiici Ah SVD ILAAHEY wuxuu ku arsaaqay 4 Gabdhood hadana hooyada iyo afarteyda gabdhood way caafimad qabaan waa ALLAH mahadiiisa. Hooyada waxey ka timid Degmada Cadale ee gobolka Shabellada dhexe taariikhda inta la xasuusto Soomaaliya si gaar ah Isbitaalka Banaadir waa markii ugu horeysay aan aragno qisadaan 4 canug ah weliba si dabiici inay ku dhasho waa Alle mahadiis. Hooyada iyo caruurteeda waxey nooga baahanyihiin garab istaag maadaama ay tahay qof baadiyaha Cadale ka timid oo ka soo jeeda qoys danyar ah. Waxan u mahadnqayaa dhamaan shaqaalihii sida hufan shaqadaas qabtay afarta gabdhood 2 u horeysay waxay ahaayeen dabakeen. ALLAHU AKBAR. Qaran News
-
Manhattan grand jury on Thursday voted to indict Donald Trump on charges involving payments made during the 2016 presidential campaign to silence claims of two extramarital sexual encounters, the first criminal case ever against a former U.S. president and a jolt to Trump's bid to retake the White House in 2024. Source: Hiiraan Online
-
Goormaa kuugu danbaysay Xukuumad qaranimo iyo aqoonsi hadal haysa!? Qaran News
-
𝗖𝘂𝗾𝘂𝗯𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗸𝘂𝗺𝗮𝗱𝘂 𝗔𝘆 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗕𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗥𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝗻𝘆𝗮𝗿𝘁𝗮 𝘀𝗮𝘆𝗹𝗮𝗰 Saylac in ka badan labaatan meheradood oo iskugu jira tukaano iyo maqaaxiyo ayaa Albaabada loo laabay ka dib markii kastamkii ka guuray magaalada, kuwaas oo Nololmaalmeedkoogu ku xidhnaa gadiidka sida bagaashka lagu cashuuri jiray kastamka magaalada saylac, taaso ahayd isha dhaqaalee kaliya ee ku hadhay Saylac. Faqriga iyo camal la’aantu waa dhibaato la mid ah colaada, dadku hadii ay wayaan meel ay u shaqo tagaan oo bariis caruurtooda uga helaan waa masiibo wayn oo dhibaatooyin kle laga dhaxli karo, horay waxa u xidhantay dikadii saylac oo inta badan dadka noloshoodu ku tiirsanayd sababo cashuurta dawlada oo qaali noqotay salka ku haysay, baddii iyo kaluumaysigii oo bulshada qaybtood ku tiitsanayd aya xidhantay sababo cashuur kordhin uun la xidhiidha, Maantana….. Su’aalaha inta badan dadku is waydiinayaan ayaan ah, dawlada hoose iyo dawlada dhexe ee dakhliga cadadkiisa an la qiyaasi karin saylac kasoo galo miyay dhisi kari wayeen jidka yar ee boqolka mitir dhamayn ee gaadiidku uga mageen imaashaha Saylac? Miyay maamulka dawlada hoose ee degmada Saylac oo gadiidka nuuc kasta haysta awoodi kari wayeen inay buuxiyaan intaa yar ee wadada ee nimcadu inaga nusqaamisay? Hadiiba’e intaas oo dhan suurta gali waydey oo gadiidkeenii shaqayn wayeen, dakhligeeni jidkaa yar inoo hagaajin kari waayay oo madaxdeeni aynu dooranay maankoodu shaqaynaynin, Miyaa la waayay cid kle oo xal u keenta magaaladan horay looga bara kacay imikana intii ku hadhay sii qaxayso? Hadii la rabo in uun wax la qabto jidka, oo la waayay dhaqaale iyo gaadiidkii dawlada, waxa la heli karaa nuuc kle oo loo mareeyo iyada oo laga faaidaysanayo gadiidka shirkadaha dad-waynaha iyo iskaashatooyinka, sida shirkada ciida gurta ee u iib gaysa jabuuti oo leh ku dhawaad labaatan iska rogo iyo cagafyo ah, iyo iskaashtada tawakal oo iyadna amar lagu siiyo inay ka qayb qataan buuxinta jidka. Gudoomiyaha gobolka Salel mudane mawliid maxamed nuur inkasta oo sida la ii sheegay uu hawlo shaqo kaga maqanyahay magaalada hadana waa isaga qofkay haysataa ee laga rabaa in uu keeno xal lagu mareeyo dhibaatada taagan hada, mar hadii la waayay cid uga hoosaysa oo ka furata hawshan aan lagu sii daawan karin magaalada, Si aanay ganacsiga iyo dadka inta yar ee ku hadhay iyana meesha uga bixin cali xajar Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Maryan Maxamed Xasan ayaa la xaqiijiyey in afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan. Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay ku dhashay isbitaalka Banaadir. Agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun waxay warbaahinta u sheegay in markii ugu horeysay ay la kulmeen kiis noocaan ah, iyadoo Allaah uga mahad naqday inay ku guuleysteen inay adeeg caafimaad u heleen hooyo Maryanm iyo carruurteeda oo hadda wada caafimaad qaba. “Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta dowladda. Agaasimaha isbitaalka Banaadir ayaa sheegay inay si caadi ah u umuliyeen hooyo Maryan, iyadoo aan laga qaadin wax kharash ah, maadaama isbitaalka Banaadir ay leedahay dowladda Soomaaliya oo wasaaradda caafimaadka uu hoos tago. “Waan ku faraxsanahay in Hooyo Maryan oo nooga timid gobolka Shabeellada Dhexe aan caawino, bulshada waxaan ugu baaqayaa in Hooyo Maryan ay ka war qabaan, waa qof aad u iimaan badan oo ku faraxsan carruurtaan afarta ah ee halka mar u dhalatay,” ayey tiri Agaasime Fartuun Shariif. Ugu dambeyntii agaasimaha isbitaalka Banaadir waxay sheegtay inay ka sii war qabi doonaan Hooyo Maryan, sida amba bixinteeda, maadaama ay ka timid gobolka iyo tallaalka ay u baahan yihiin carruurteedu. Hoos ka daawo The post Daawo: Qisada Hooyo afar carruur ah hal mar ku dhashay isbitaalka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Maraykanka oo war kasoo saartay xaaladda Laascaanood ayaa walaac xooggan ka muujisay, iyadoo sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqdey in ay ciidamadeeda dib u qaado, halka Maleeshiyaadka ka dagaallamaya gudaha Laascaanood loogu baaqey in aanay weerarin ciidanka Somaliland. Maraykanku waxaa kale oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin xayiraado dhanka Socdaalka ah oo ay kusoo rogaan shakhsiyaad iyo saraakiil hore oo Soomaali ah kuwaasi oo masuul ka ah buu yidhi wiiqitaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya isla markaana ay ku jirto Somaliland. Dhanka kale, War-saxaafaddeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa lagaga hadlay Madax-dhaqameedkii Muqdisho ee dhawaan tagey magaalada Laascaanood. “Waxaan taageersannahay ka qayb-galka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo ergada odayaal-dhaqameedka, annaga oo soo dhoweynayna aqbaaladda uu muujiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ah in uu Hargeysa kula kulmayo.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha-dibedda. Source
-
Daawo:Muqaalka Hooyo Daad qaatey & Sida Meydkeeda loo helay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Somali government has asserted that the Al-Shabab militant group is facing a financial crisis due to declining revenue collection. The government claims that its efforts to shut down suspected bank accounts and mobile money accounts, as well as targeting militant taxation officials, have reduced the group’s revenue by half. This development marks a turning point in the ongoing battle against Al-Shabab, as it signifies the potential weakening of the extremist group. Al-Shabab’s revenue sources and financial system According to the US Treasury, Al-Shabab relies on money obtained through extortion of local businesses and individuals, fees collected on goods, and facilitating illicit trades. The Africa Center of Strategic Studies reveals that the group has even established a formal banking system, prompting the Somali government to enact the Anti-Money Laundering and Countering the Financing of Terrorism Act in 2016. This legislation requires financial institutions to report transactions exceeding $10,000. Despite this law, many money transfer firms avoid reporting such transactions for fear of retaliation from Al-Shabab. Challenges in disrupting Al-Shabab’s financial networks Despite receiving technical support from the UN Office on Drugs and Crime, the Somali government has faced difficulties in curbing the group’s exploitation of the financial system. Al-Shabab has demonstrated effectiveness and efficiency in revenue collection for years, often surpassing the federal government. Factors such as a lack of proper identification for the population, coordination, regulatory enforcement, corruption, and political will have allowed the militants to continue extorting money from locals. Recommendations for combating Al-Shabab’s finances To effectively block the group’s revenue collection, the Africa Center of Strategic Studies suggests that Somalia should prioritize the professionalization of infiltrated government agencies, including those responsible for financial, intelligence, and judicial functions. This requires more than just financial sector development; it also necessitates improved criminal investigatory work, enhanced law enforcement, and a cultural shift within the Federal Government of Somalia and the five Federal Member States toward transparency, accountability, and citizen service delivery. Government crackdown and ongoing operations President Hassan Sheikh Mohamud announced earlier this year the closure of over 250 bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to Al-Shabab activities. The military has also initiated the second phase of operations against the group in various parts of the country. International partners, including the United States, have pledged to invest in Al-Shabab defectors to motivate the national army to pursue the ultimate goal of crushing the extremist group. The post Al-Shabab’s revenue plunge amid government crackdown appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - A woman in Mogadishu delivered quadruplets on Friday morning, a rare event in a country with limited access to maternal healthcare services. This comes less than three years after a Somali mother gave birth to quintuplets at Recep Tayyip Erdoğan Hospital in Mogadishu in 2020, an occurrence considered "one of the rarest births in the world." Source: Hiiraan Online
