-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in gargaarka gobollada SSC oo horey loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay usoo wareejiyaan dhinaca Puntland, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee xukuumadda Somaliland iyo SSC. Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa timid kadib markii tirakoob la sameeyay ay soo baxday in dadkii ka baracay colaadda Laascaanood ay badi ku sugan yihiin Garoowe iyo deegaanada hoosyimaada gobolka Sool oo ay gacanta ku hayso SSC, oo iyadu diiday in dadkeeda gargaarka loo soo marsiiyo Somaliland. Hay’adda UNICEF ee QM ayaa shalay saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar iskugu jira daawo iyo qalabka nadaafadda geysay magaalada Garoowe, si loo sii gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka kasoo barakacay dagaalka Laascaanood. Garaadada SSC ayaa la sheegay inay ka gil-gisheen in mucaawinooyinka beesha caalamka iyo deeqaha kale ee loogu tala-galay dadkooda loo soo wareejiyo dhinaca SSC, oo aan loo soo marin Somaliland, oo iyadu weli diidan in gobolllada SSC ay gacanteeda ka baxaan. Somaliland ayaa culeys badan ka wajaheysa caalamka tan iyo markii uu billowday dagaalka, iyada oo dhawaan uu Mareykanka uu luuqad adag kula hadlay xukuumadda Somaliland, oo lagu eedeeyay inay Laascaanood ka geysatay duqeymo aan loo meel dayin. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada. “Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda. Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta. Si kastaba, Somaliland ayaa ku andacooneysa in caalamka uu rumeystay haddalada iyo dhawaaqyada kasoo yeeray dhinacyada kasoo horjeeda ee Puntland iyo SSC, oo iyagu laadii bilood ee dagaalka socday weerar ku ahaa ciidamada Somaliland, oo ay sheegtay inay ku koobnaayeen is-difaac. The post QM oo qaaday tallaabo ka dhan ah Somaliland oo la xiriirta SSC appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Speaker of Somalia's Lower House of Parliament, Sheikh Adan Mohamed Nor Madobe, is involved in a property dispute in Baidoa, the administrative capital of the Southwest State. Somali-American environmental activist and Adeso co-founder Fatima Jibrell accused Madobe of looting her private property. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed. Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016. Trump, oo ah madaxweyne hore oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada hortagaya maxkamadda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka. Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada. Sarkaal ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor iman doono 2:15pm Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada. Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan. Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar u noqon doonaan. “Saraakiisha waxaa la geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York. Kahor inta aan dacwadda lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016. Daniels ayaa sheegtay in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray. Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024. Dacwadda Trump ayaa ka dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Trump ayaa sheegay inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo siyaasado ay dhiiri-geliyeen. Reuters, VOA The post Dacwadda Donald Trump: Maxaa maanta dhacaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali oo ah muwaadinad Soomaaliyeed oo 18-jir ah islamarkaana la dhibaatooneysa xanuun ka haleeyay lugta Bidix. Xanuunka Ramo oo la geeyay isbitaallada dalka waxaa la sheegay in aan wax looga qaban karin islamarkaana ay u baahan tahay caafimaad dalka dibaddiisa ah, si wax looga qabto xanuunka ka hayo mid kamid lugaheeda oo ay sheegtay in ay la nooshay xanuun daran ay ka dareemayso lugteeda. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markii uu arkay xanuunka daran ee ay la nooshahay dhibane Ramla la murugooday isagoo kaala qaaday xaaladeeda Caafimaad islamarkaana sheegay in loo qaadi doono dalka dibadiisa. Hooyo Faaduma Cumar Muudeey oo ah hooyada dhashay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) siduu u garab istaagay xaalada Caafimaad ee gabadheyda Ramla. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hore sidaan oo kale caafimaad dalka dibadiisa ah u qaaday dhibane Deeqa Maxamed Makaraan oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in muda ah la xanuunsan xanuun ka haleelay Lugta bidix, iyadoo kulan dalka dibaddiisa loo qaaday 12-kii March 2023. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NEW YORK, Caasimada Online) – New York City is preparing for the arraignment of former President Donald Trump on Tuesday, as he faces criminal charges related to hush money paid to a porn star ahead of the 2016 election. Security measures are being tightened around Manhattan, particularly near Trump Tower and the Manhattan Criminal Court building, where demonstrations are expected. The former president plans to travel from his Mar-a-Lago estate in Palm Beach to New York City on Monday. According to an adviser, he will spend the night at Trump Tower before appearing at the courthouse on Tuesday morning. Trump’s lawyers said he would enter a not-guilty plea during the arraignment, scheduled for 2:15 p.m. New York police have erected barricades around the courthouse and Trump Tower in anticipation of protests. The New York Police Department released a statement saying, “Officers have been placed on alert, and the department remains ready to respond as needed and will ensure everyone can peacefully exercise their rights.” In addition to these measures, some courtrooms on the higher floors of the courthouse will be shut down as part of the security precautions. The charges and legal strategy While the specific charges from the grand jury indictment have not been disclosed, the investigation has centered around a $130,000 payment to adult film actress Stormy Daniels, who claimed she was paid to keep silent about a sexual encounter with Trump in 2006. Trump has denied the affair and maintains his innocence. His allies argue that the charges are politically motivated, stemming from an investigation led by Manhattan’s Democratic District Attorney, Alvin Bragg. Joe Tacopina, one of Trump’s lawyers, stated that the defense team would “dissect” the indictment once it is made public and explore “every potential issue” to challenge the charges. Tacopina anticipates filing a motion to dismiss the case at some point. Public response and legal proceedings U.S. Representative Marjorie Taylor Greene expressed her support for Trump, tweeting an invitation to join her at a protest near the courthouse on Tuesday. She stated, “They’re not coming after President Trump; they’re coming after us. He’s just in their way.” Trump is expected to appear before Justice Juan Merchan, who also presided over a criminal trial last year involving Trump’s real estate company, which was convicted of tax fraud. Trump himself was not charged in that case. The judge has requested both sides to submit their positions on allowing cameras and video in the courtroom and will decide on Monday. Meanwhile, Trump’s lawyer, Tacopina, said it is unlikely there will be a “perp walk” due to security concerns, as the Secret Service protects former presidents. Trump’s political future Donald Trump, now 76, served as president from 2017 to 2021 and announced his bid in November to run for the presidency in 2024. If successful, he would deny Democratic President Joe Biden a second term in office. The outcome of this case could significantly impact Trump’s political ambitions and his standing within the Republican Party. Following the arraignment, Trump will return to Florida and deliver remarks at Mar-a-Lago at 8:15 p.m. on Tuesday (0015 GMT on Wednesday), as announced by his office. As the legal battle unfolds, the nation will watch closely how the former president navigates these uncharted waters, making him the first U.S. president to face criminal charges. The post Manhattan prepares for Trump’s court debut appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa ka hortimid khidmadda dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ku soo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu caddeeyay in aanu go’aankaasi khusayn dhinaca Puntland. Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa sidoo kale ku wargelisay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala degaannada Puntland in aysan u hoggaansamin go’aankaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hortimid khidmado dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee SSC ayaa ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan noqday ergeyga arrimaha Somaliland, kadib markii uu maalin kahor u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. SSC ayaa marka hore shaacisay inay soo dhaweyneyso magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay uga soo shaqeeyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, balse waxa ay isamadu sheegeen in arrintan aysan quseyn xiisadda magaalada Laascaanood. Mid kamid ah ismida dhaqanka ee SSC oo lagu magacaabo Garaad Saleebaan ayaa xusay in dhankooda aysan wax shaqo ku laheyn wadahadaladaasi, balse ay guul u rajeynayaan. “Annagu wada-hadaladaas nama quseeyaan. Wixii Soomaali weyn ka tahay baynu ka nahay, waanse jecelnahay in wada hadaladaas ay miro dhalaan oo Soomaali midowdo, iskuna soo noqoto,” ayuu yiri Garaad Saleebaan oo u hadlay SSC. Sido kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu ay doonayaan sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen Soomaaliya, si ay dadkooda iyo walaalahooda wax ula qaybsadaan. “Waxaan u dhimanaynaa oo dhulkeenna loo burburinayaa inala go’a”, innaguna waxaan leenahay “idinla go’imayno”,” ayuu markale yiri Garaad Saleebaan. Dhankiisa waxaa horay magacaabista Cabdikariin Xusee Guuleed horay usoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabid, isaga oo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dhanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. “Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. The post SSC oo war lama filaan ah kasoo saartay magacaabista Cabdikariin GUULEED appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) – In a surprising turn, Kenyan opposition leader Raila Odinga announced on Sunday that he is calling off the planned “Mega Monday” protest scheduled for April 3. Instead, he will engage in dialogue with the government after two weeks of chaotic street demonstrations. The protest’s cancellation came after President William Ruto proposed the creation of a bipartisan parliamentary committee to address concerns over the electoral process. The opposition, however, reserves the right to resume demonstrations if meaningful engagement is not achieved. Escalating tensions Since anti-government protests erupted on March 20, three people have died. Businesses and properties have been looted, causing alarm among Kenya’s neighbors and allies. Kenya is considered a stable democracy in a volatile region. International entities such as the United States, Britain, and the African Union have called for restraint and a peaceful resolution to the chaos. During a nationwide address earlier in the evening, President Ruto urged Odinga and the opposition to work through parliament rather than take to the streets. “I urge my brother Raila Odinga, and the opposition, to call off the demonstrations and to give this bipartisan approach a chance for us to take the country forward,” Ruto said, imploring Kenyans to remain peaceful and law-abiding. The struggle for power Odinga, a five-time presidential election loser, has accused President Ruto of stealing last year’s elections and refuses to recognize him or his government. He recently released new claims that “prove his victory” in the election. In response to the proposed bipartisan parliamentary committee, Odinga cautiously accepted the offer, stating that his party “reserves the right to call for demonstrations should this process not bear fruit.” During his press conference, he emphasized the importance of maintaining constitutional rights to assemble, demonstrate, petition, and speak. However, President Ruto has made it clear that he will not form an alliance with his rival, stressing the importance of preserving accountability and oversight within the government. “Once you compromise accountability and oversight, you are in much trouble,” Ruto said. He added that the focus should be on engaging the opposition on issues important to the Kenyan people, ensuring that the system of checks and balances remains intact. Press freedom under threat The ongoing unrest has also significantly impacted press freedom, with the Media Council of Kenya reporting at least 25 cases of attacks on journalists “at the hands of state and non-state actors” during the demonstrations. The United States expressed deep concern about these incidents on Friday, highlighting the importance of safeguarding freedom of the press amid political turmoil. The international community will closely monitor the situation as Kenya moves towards a possible resolution through dialogue and a bipartisan parliamentary committee. With the government and the opposition seeking a peaceful end to the chaos, the country’s democratic stability hangs in the balance. The post Odinga’s unexpected shift: Dialogue over disruption appeared first on Caasimada Online.
-
Jilib (Caasimada Online) – Waxaa haatan cirka isku sii shareeraya khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka. Warbixin ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa si faah-faahsan looga hadlay khilaafka u dhexeeyay hoggaamiyeyaasha kooxdan oo laba garab kala noqday. Khilaafka ayaa sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan Kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada Jubbaland. Warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Kabsuuma ay habeenimadii aheyd Khamiista gaari kala tageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda. Maxamed Amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta, wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada Guriceel, sida warbixinta lagu sheegay. Ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna tani sii hurineysaa khilaafka ka dhex jira Al-Shabaab. Khilaafkan ayaa daba socda xilka qaadistii lagu sameeyay Salmaan Muhaajir oo mar dambe xabsiga la dhigay, kadibna lagu beddalay nin kale oo lagu macaabo Jacfar Suudaani. Mahad Karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan ninkan kasoo jeeda Suudaan, si ay uga taqalusaan garabkii Salmaan Muhaajir. Si kastaba, khilaafka dhanka maamulka ee ka dhex jira Al-Shabaab ayaa marar badan soo noq noqday, wuxuuna sababay in dhowr jeer ay dhexdooda wada dagaalamaan. The post Daawo: Xogta iyo wararkii u dambeeyay ee ‘khilaafka ka dhex qarxay’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nagacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin kahor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland. Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan ka fahamsan siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay. “Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo uu rajo wanaaagsan ka muujiyay inay markale dib u billaaban doonaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo horay hakad u galay. Dhankooda mucaaradka Somaliland ayaa shalay soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac. “Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin kahor Madaxweynihii hore ee Galmudug CabdikariimGuuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. The post Muxuu madaxweyne Muuse BIIXI ka yiri magacaabista Cabdikariin GUULEED? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool , kaas oo dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC, waxaana uu sheegay in diyaar uu yahay in xabadda la joojiyo oo xaaladda dagaalka lagu dhameeyo wadahadal sida uu sheegay xilli uu hadlayay. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay laba bilood ayuu sheegay Muuse Biixi in marweliba aysan diyaar u aheyn dagaal sida uu hadalka u dhigay laakiin lasoo weeraray oo ay isdifaac ku jiraan, waxaana intaas ku daray in ay diyaar u yihiin wado kasta oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya labada dhina oo khasaare sababay. “Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay, dawladda Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin, diyaarna uma aha inay dad islaam ah oo Somaliland oo dadkoodii ah ay weeraraan” ayuu yiri madaxweynaha isaga oo ka hadlayay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixioo hadalkiisa siiwatada ayaa yiri” “Maaddaama dadka reer Somaliland nabad u diyaar yihiin, anna aan odayga ugu ahay nabaddii diyaar baannu u nahaye ciddii dhinaca kale ah caawa nabadda xidhi karaysa ee xabbadda dhankooda joojin karaysa anagu xabbad ma wadnee diyaar baannu u nahay” Khubaddiisa ayaa waxaa sidoo kale uu kaga hadlay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland u dhaexeeyay iyo halka uu maro, “Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay isku hayaan xuduudaha labada dal iyo inay laba dawladood oo mar si walaaltinimo ah isugu yimi ahaayeen, dawladdiina ka duntay oo qayb waliba iskeed wax u dhisatay, Dastuurkeennu isku mid aha, 33-sannaynu kala maqnayn, markaa dadka reer Somaliland xadka dhawr iyo kontonka dawladood ee Afrika ku dhisan yihiin uun bay Somaliland kamid tahay” ayuu yiri gabagadii hadalka. Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo laba bil ah dagaal ay isaga soo horjeedaan ciidanka Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC, kaas oo geystay khasaare kale duwan oo soo gaaray dhinacyada, ciidanak Somaliland ayaa lagu eedeeyay in Madaafiic ay ku garaaceen magaalada ay ka dhalatay khasaare soo gaaray dad shacab ah, iyadoo ay barakaceen qoysas badan oo ku noolaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo dhacay xarunta taliska gud ee Booliiska qeybta gobolka Banaadir. Kulanka ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, saraakiisha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo guddoomiyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga dhagarta falalka amniga lidiga ku ah, Ciyaal Weerada iyo waxyaabaha Maanka Dooriya. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe caasimadda ka waday kulamo isdabajoog ah, kuwaas oo looga hadlaayo amniga guud ee caasimadda, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waday dhankooda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo lagula dagaalamayo Ciyaal Weerada iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhowr jeer guddoomiyay shirar looga hadlayay amniga caasimadda, kaas oo ka kala dhacay degmooyinka gobolka iyo deegaannada, waxaana siweyn looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa amniga guud ee caasimadda iyo la dagaalanka Maandooriyaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The World Health Organization (WHO) has successfully established a functional medical supply chain in Somalia to support vulnerable and disadvantaged populations and build resilience in the health system. WHO airlifted, transported, and stocked over 1,400 tonnes of medical commodities worth around $5 million, which have been crucial in providing basic healthcare and patient consultations to approximately 3.6 million people in marginalized communities. Source: Hiiraan Online
-
Qatar is making a big diplomatic push in East Africa as it seeks to expand its economic interests in the region in the aftermath of the Gulf crisis in 2017, which saw Doha face a blockade by several of its Gulf neighbours, including Saudi Arabia, the United Arab Emirates, and Bahrain. Source: Hiiraan Online
-
Move comes after President William Ruto called for dialogue to work through opposition’s concerns about the electoral process. Source: Hiiraan Online
-
Well-known Russian military blogger Vladlen Tatarsky was killed by a bomb blast in a St Petersburg cafe on Sunday in what appeared to be the second assassination on Russian soil of a figure closely associated with the war in Ukraine. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay guddoomiyay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta taliska guud ee qaybta gobolka Banaadir. Shirkaan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka amniga siyaasadda ee gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka, taliyaha booliska gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada booliska ee degmooyinka. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kulankan oo uu jeedkiisa ku sheegay inuu ku saabsanaa is barasho, maadaama todobaadkii hore taliyeyaal cusub loo magacaabay qaybaha booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa saldhigyada degmooyinka. “Waxaa halkan ka dhacay shir ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir dhammaantood iyo saraakiisha Booliska, waxaa looga hadlaayay amniga Muqdisho iyo sidii ay isku baran lahaayeen taliyeyaasha lasoo magacaabay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta uu socday shirka diiradda lagu saaray ammaanka guud ee caasimada, isla-markaana la’is dhaafsaday xogo badan oo la xiriira amniga. “Waxa uu ahaa kulan aad iyo aad u qiimo badan oo wax badan la’is dhaafsaday,” ayuu sii raaciyay guddoomiye Yabooh. Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidanka Booliska iyo kuwa NISA ee haatan howlgallada ka wada degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay in guul laga gaaray. “Sida aad ogtihiin maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ammaankeeda aad iyo aad ayuu usoo hagaagayay ilaahbaa mahad leh waqti iyo juhdi ayaana lagu bixiyay, waxaan aad iyo aad u amaanaa ciidanka booliska iyo kuwa NISA sida ay u wada shaqeeyeen” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada ay ka socdaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal-weerada. The post Daawo: Muxuu ahaa ujeedka SHIRKA uu xalay guddoomiyay Madaale? appeared first on Caasimada Online.
-
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan xal u helida arrimaha SOOMAALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi. Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas. Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah. Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay ergayga dowaan loo magacaabay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kordhayay bilihii u dambeeyay, tan iyo dib u doorashadiisii 15-ka May 2022-ka. Madaxweynaha ayaa wax ka yar sanad magacaabay 4 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sagaal maalmood kadib doorashadiisi madaxweynaha waxa uu 24 May, 2022 u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa 14-kii August 2022-ka wuxuu umagacaabay Ergayga u qaabilsan Dallada Bulshada Bariga Afrika, isaga oo madaxweynaha uu dardar-gelinayo qorshaha kamid noqoshada dalladaasi. Xasan Sheekh ayaa maalin kahor waxa uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ergayga gaarkanah ah ee u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada. Isla shalay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ergeyga arrimaha Somaliland u magacaabay madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed. Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee isla shalay uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh. Waana laba nin oo miisaan siyaasadeed oo culus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xil-saaray iyo guud ahaan xaaladda dalka. Si kastaba, Magacaabista shalay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay sanad-guuradii koowaad ee markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. The post Fallanqeyn: Ergada gaarka ah ee madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
SSC-Khaatumo ayaa markii u horraysay di rasmi ah u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan ergeyga cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay arrimaha Somaliland. “SSC-Khaatumo waxa ay soo dhoweynaysaa Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in SSC-Khaatumo aysan kamid ahayn kana mid noqon doonin Somaliland. “Hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in aanu caddayno in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedkaas. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo oo ka hadlay Ergeyga cusub ee loo magacaabay Arrimaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
