-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka’kuwaas oo qeyb ka ah waxyaabaha maanka dooriya oo maamulku dagaal kula jiray muddooyinkii dambe. Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh). Hadalka guddoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe maamulka gobolka ay howlgallo ka wadeen caasimadda, kaas oo lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya, waxaan marar badan meelo fagaaro ah lagu gubay waxyaabo kale duwan oo ciidanka ammaanka ay kusoo qabteen howlgallo la fuliyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki. Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin; taageerada dowladda federaalka Soomaaliya uga baahan tahay dhanka saadka ee ciidamada Soomaaliya, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray baahida deg-degga ah ee loo qabo in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen oo kale sidii Loo xoojin lahaa taageerada howl-galada socda iyo kuwa la qorsheynayo ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan. Wada-hadalkan ay Muqdisho ku yeesheen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka si hordhac ah uga billowday wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah ayaa waxay marar badan caalamka u caddeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cuna-qabateynta saaran. “Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada,” ayuu kal hore yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran. Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cuna-qabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. The post DF iyo QM oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo uu guddoomiye Madaale hoggaaminayay oo toddobaad kahor ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa xilligaasi gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo marka uu gudaha u galay goobtaasi oo lagu caaweynayay uu garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. Mudane Yabooh ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Madaale ay ku timid kadib wax aan loo adkeysan karin oo ay ugu tageen halkaasi, isaga oo xusay in xataa qaarkood dadkii ku sugna goobtaasi ay iyagu dib ugu raadiyeen maryo ay xidhaan. “Wixii ka socday dadkaan ma dareemi karin, marka la leeyahay Duqa bakoorad ayuu watay, waa la socday anigu oo wixii meeshaas ka dhacayay wax la suureysan karo ma ahan, waa wax aad u culus oo qof Soomaaliyeed, qof Diinta Islaamka sheegta uusan fiirsan karin waaye,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Dadkii meeshaas joogay anaga ayaa qaar kamid ah dhar u raadinay, waxaas waxay aheyd in xilligaasi ficilkaas looga jawaabo ma ahane wax kale ma laheyn.” Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in marka shatiyada ay gobolka ka qaadanayaan goobahaasi dhaqan xumada ka socota ay ku qaatan Maqaayad ahaan ama wax ka gedisan waxa meeshaasi lagu hayo, isaga oo iska fogeeyay in gobolka uu waxyaabahaasi ogolaansho u siiyay goobahaasi. “Shatiga qofka marka uu qaadanayo daroogo ayaa uga ganacsana oo lagu isticmaala malahan ee waxa uu ku sheega Maqaayad, Dukaan ama Farmashiye, waxaas kala duwan ee laga soo sheekeeyay ayuu uga shaqeyna. Marka shatiga aan bixino saas ayaa ku cad ee ma ahan in qofka daroogo uga ganacsanayo.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Maamulka gobolka ‘oo xog cusub ka bixiyay’ tallaabadii uu qaaday MADAALE appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gawaari u sameysan sida xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo loo yaqaano nooca guur-guura ku wareejisay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo gawaaridan ku wareejiyay wasaaraddaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, kadib munaasibad ka dhacday Muqdisho. Munaasabdda lagu wareejinayey gawaaridan u samaysan, una qalabaysan sida xarumaha caafimaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada caafimaadka maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir, madax ka socotey hay’adda UNFPA iyo marti sharaf kale. Gawaaridan loogu tala-galay hanaanka cusub ee caafimaadka guur-guura oo gaaraya ilaa shan gaari ayaa wax badan ka geysan doona yareynta xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada. Sidoo kale waxay qeyb ka noqon doonaan wax ka qabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed, taasi oo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka. Wasiirka ayaa shaaciyay in gawaaridan la geyn doono goobaha sida; magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Beledweyne iyo weliba gobolka Banaadir. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda. The post Sawirro: DF oo maamullada ku wareejisay gawaari nooc cusub ah appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamada militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabri-dahare Iska hor-imaadkan ayaa waxaa la sheegaya inuu ka dhashay kadib markii ay ciidamada militariga oo xilligaasi dhex-marayay magaalada ay dhagax tuureen dhalinyaro, kadibna ay ciidamadu adeegsadeen rasaas iyo jidh dil. Waxaa ka dhashay iska hor-imaadkan khasaare kala duwan, illaa haddana inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Qabridahare. Gadood ka dhashay dhacdadan ayaa hadheeyay guud ahaan magaalada, iyada oo shacab tiro badan oo arrintaas ka carooday ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada. Dadkaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan rasaata iyo jidh dilka ay ciidamada militariga Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka ku dhaawacmay iska hor-imaadkan Qabri-dahare ku dhex-maray ciidamada militariga Itoobiya iyo dadka shacabka ayku jiraan kuwo xaaladoodu ay aad u liidato, kuwaasi oo si weyn looga deyrinayo. Maamulka magaalada Qabri-dahare oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay magaalada, iyaga oo ka dhawaajiyay inay kulan deg deg ah la yeelan doonaan maamulka ciidamada militariga, ayna kala hadli doonaan dhibaatada uu ka geystay magaalada. Si kastaba, Jawiga guud ee magaalada ayaa lagu soo waramaya inuu degan yahay kadib iska hor-imaadkan ka dhacay, waxaana sidii caadiga aheyd kusoo laabtay isku socodka magaalada iyo goobaha ganacsiga. The post Faah-faahinta iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo dad shacab oo ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray maamulka gobolka Banaadir. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay si deg deg ugu yeeray ganacsatadan, waxaana maanta si gaar ah u qaabilay Guddoomiye Madaale, iyada oo oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin. Ganacsatadan ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir la wadaagay Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ku furnaayeen goobahooda ganacsi, kahor inta uusan soo xiran maamulka gobolka. Guddoomiya Madaale ayaa waxa uu ganacsatada la wadaagay in mabnuuc ay tahay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka, sidaas darteed ay tahay in markale aan waxyaabahaasi lagu arkin goobahooda ganacsi. Sidoo kale waxa uu amray guddoomiyaha gobolka Banaadir in xilliga habeenka wixii ka dambeeyay 12:00 habeenimo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo. Kulankan uu guddoomiye Madaale la qaatay ganacsatadan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh). Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne. Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa. The post Xogta kulan dhex-maray MADAALE iyo ganacsatada goobihii la xiray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale ku heshiiyey inay kordhiyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa oo ku ekaa habeenimadii Axadda, iyaga oo haatan markale kordhiyey illaa 72 saacadood oo kale. Inkasta oo ay gaareen heshiis xabbad-joojin ah, haddana labada dhinac ayaan si rasmi ah u dhaqan gelin. Heshiiskan xabbad-joojinta ah ayaa loogu talo galay inuu dadka shacabka ah u furo marin ammaan ah oo ay kaga baxaan goobaha ay ku go’doonsan yihiin iyo in gargaarka bini’aadanimo la gaadhsiiyo dadka u baahan. Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyada oo daraf waliba uu dhinaca kale ku eedaynayo inuu ku xadgudbay heshiiska. Dalka Ingiriiska ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay samaynayso daadgurayn cusub oo ay muwaadiniinta dalkooda kaga soo saarayaan dalka Sudan. PUNTLAND POST The post Dhinacyada ku dagaallamay Sudan oo kordhiyay wakhtiga xabbad-joojinta appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙙𝙞𝙞 𝙙𝙝𝙖𝙦𝙖𝙣𝙠𝙪 𝙬𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙮 𝙪 𝙭𝙪𝙪𝙗𝙨𝙞𝙞𝙗𝙩𝙚𝙚𝙣 𝙝𝙤𝙜𝙜𝙖𝙖𝙢𝙞𝙮𝙚 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙚𝙚𝙙𝙮𝙤. Qore. Siyaasi Nuuradiin Diini Madaxda dhaqanka khaas ahaan Salaadiinta, Ugaasyadda, Boqoradda, Garaadadda, waxa ay khatar ku yihiin nidaamka Dawladnimada Casrigaa, waxa ay u arkaan nidaamka dawliga ahi in uu kala wareegay awoodii maamul ee ay hayeen, reerkii ay u talinayeena ka hoos baxay, kuna tiirsanaaday nidaam dowaladeed oo ka duwan kii reerka. Si ay u soo ceshadaan awoodii maamul waxa ay ku dhexmilmeen madaxdii dhaqanku Xisbiyadii siyaasada iyaga oo qaatay doorkii Kaambaynka “Campaignka” Xisbi kasta waxa uu ollolaha u dirsaday Salaadiintiisii sidii dhacday 2017kii ee ay gacanta isu dhiibeen Suldaanka guud ee Gabiley Clan iyo Suldaanka guud ee Habar-jeclo kuna heshiiyeen in ay dhisaan xisbiga Kulmiye reerahoodana halkii ay u codayn la haayeen iyagu farta ugu fiiqay sidaasina ay ku abuuran tay wixii loogu yeedhay Jeegaantu. Madaxda dhaqanku waxa ay heleen awood ka badan tii hore ee dhaqanka, waxa ay heleen shaqo ka sal balaadhan tii ay hore u hayeen, waxa ay heleen dhaqaale ka badan kii ay hore u heli jireen, halkii ay qaadhaanka soo guri jireen imika iyagaa loo soo ururriyaa dhaqaal e ay ku matalaan Xisbiga iyo beesha, qaadhaankii magtana waxa ay ku badaleen ururrinta qaadhaanka ollolaha ee Xisbiga, waxaanay qaateen boos ah “clan party campaigners” u Olloleeyayaal Xisbi Qabiil. Sidaasi marka xaal yahay waa in ay luuqad kasta oo qadhaadh ku hadlaan, waa in ay abuuraan si naca bulshada iyo colaada, wixii iyagu ay ka hortagi jireen ka digi jireen, iyaga huriyaan magacii Nabad doona ay ku bedeshaan gudoomiye reereed, “Hooggaamiye Kooxeed”. Xaalku wuxuu noqday in “Wixii laga xishoon jiray aan cidi ka xadhig xidhan” in la arko Suldaan aan xishoon, allayleh ‘e cumaammadi dhacday. Xaajo marka ay muuqaalkaa sare aan ku soo xusnay leedahay waa gar in sida maanta loo wadahadlaayo loo hadlo, waa gar in Tvyada layska caayo oo layskaga jawaabo hadaba geela duqiisi kaasi yahay aarankiisana maxaad u malayn? waa in uu qoriga qaataa oo durduriyaa sidaa Laascaanood ka socota oo kale waa muuqaalka ay leedahay in Madaxdhaqameedku Siyaasada ku milmo. 𝘼𝙛 𝙢𝙚𝙚𝙧 Ugu dambayn xalka masiibada maanta taagani waa in xukuumada hadda jirtaa u fikirto sidii dawlada ee aanay yeelan caqliga madax dhaqameed ka oo kale, waa in laga xakameeyo siyaasada salaadiinta iyo cuqaasha waana in talaabooyin kan la qaado: 1- waa in la soo saaraa xeer lagu maamulo madax dhaqameedka, lagu kala saaro salaadiinta iyo cuqaasha, laguna cadeeyo awoodahooda, iyo shaqadooda. 2- in la mabnuuco shir beeleedyada oo ah halka ugu weyn ee ay ka abuuranto qabyaaladu waana halka ay awooda ka soo qaataan madaxda dhaqanku. 3- in xukuumadu aanay ku dhex milmin oo aanay eexaysan hababka noocan ah si looga guuro. Sadexdan qodob waxa aan u arkaa xalka kaliya ee ku celin kara madaxda dhaqanka shaqadoodii asalka ahayd. Qaran News
-
Xasuusta Qafaalashadii 1 May 2019, Xabsigii lay taxaabay ! Maanta oo kale, abbaara Labadii Duburnimo kolkii aan qadada gacanta sidaa u geliyay ee aanan weli Afka gaadhsiin ayaan maqlay jug culus, waxa la soo daafadeeyay Albaabka Guriga si arxan darro iyo argagax leh, waxa soo jiidhay Albaabkii toddoba askari oo uu Hoggaaminaayo nin Gashaan le ah oo aad u cadhaysan, qolka aan ku qadaynaayey oo albaabku furraa ayay soo galeen waxaanay igu qabteen qoryo ay siteen oo cabbaysan. Hays dhaqaajin, hays dilin, qori caaradii ayaa laygu hayaa, ma hubaysni mana diidani in aan raaco oo aan ixtiraamo ciidanka mayse suginba hadale waxay ii dedejiyeen harraati iyo jujub. Waxaan ka codsaday in aan xidho shaadh madaama aan feedho qaawanaa, gacmaha oo aan raashin ku lahaana iska tiro, in aan qadada dhamaysto haba sheegin oo aan faraxasho imay dhagaysan ee waxay amar adag igu siiyeen in aan isataagoo, laba nin oo axmaq ah ayaa garba duub isugu kay jabiyay oo kor ii kiciyay anoon macawis xidhan, qaylada iyo buuqa ka dhacaya waxaad moodda in ay qabteen qof danbi culus galay oo aan loo ogolayn nuuxsi. Guriga debidiisa waxa taagnaa oo ku hareeraysnaa shan askari oo iyaguna hubaysan, waxa laysoo saaray debeda iyadoo laysku kay jabiyay, argagax iyo anfariir ayaa jaarka iyo gurigaba ku dhacay, nasiib darro warqad ogolaansho may sidan oo xadhig sharci ah muu ahayn oo maxkamadi soo xalaalaysay wuxuu ahaa amar qabasho oo siyaasadaysan laguna raali gelinaayo Madaxweyne Muuse Biixi, 1 May waa maalin fasax oo ma shaqeeyaan maxkaamduhu waaran qabashana layma wadanin, waxaan taasi ka hor cadaatay maxakamda markii lay saaray. Ninkii watay ciidanka ayaan weydiiyay sababta xadhigayga wax cad iima sheegin, cabbaar kolkii aanu soconnay ee aanu maraynay waaxda Degmada Gacan Libaax ayuu i weydiiyay su’aal, wuxu i yidhi maada qoraalka Facebook-ga yaal qoray? Waxaan ku idhi haa anaa qoray waana aragti xisbi ahaan aanu ka aminsannahay go’aanka madaxweynuhu ku qaatay in Ceel-afweyn iyo qaybo ka mid gobolka Sanaag lagu soo rogo xaalad degdega, gobolkaa dadka ku dhaqanina ma mudna in sida loola dhaqmo madaama bil Ramadaans oo gelayso, nabad gelyadana waxa ka masuul ah xukuumadda iyadaana ay tahay in ay sugto oo damiso colaadda Ceel-afweyn. Gaashanalaha ciidanka watay ayaa i weydiiyay mar labaad su’aal aanu xaq iigu lahayn oo aan munaasib ku ahayn qofnimdiisa “Dorashadii miyaa laydinkaga shubtay mise waa laydinka guulaystay” Askari waa nalagaga shubtay caddaymaheedii iyo tabashadeeduna waxay taal xarunta guud haddi aad nasoo booqato waanu ku tusi karnaa ducment-yada inkastoo aanad xaq u lahayn, wuxuu haddana igu jawaab celiyay “ma sideetan kun ayaa lagu shubtaa bal beenta aad sheegayso eeg adeer waa laydinka guulaystee in aad aqbashaan ayay ahayd natiijada” Cabbaar markii aanu soconay ayuu haddana i weydiiya su’aal labaad oo aan la yaabay “ Xisbigiina waxa laga hagaaa Xamar maad ka daysaan dalka khalkhal gelinta aminga” waxaan ugu jawaabay Adeer saddexda Xisbi qaran waa reer Somaliland waxaanay leeyihiin sharciyad qaanuuniya oo ay ku aasaasan yihiin Kulmiye, Ucid iyo Waddani midna lagama adeegsadi Xamar ee waa muwaadiniin, waana mucaarid iyo muxaafid kala aragti duwan. Markii aanu marayno Dugsiga Sheekh-bashiir ayuu si cadho leh ii yidhi “ Cirro ayaa idiin adeegsanaya in aad madaxda af-lagaadaysaan” waxan ugu jawaabay nin ciidan ah ayaa tahay waxaanan ixtiraama dirayskaa aad huwantahay su’aalahanna xaq iiguma lihid, mana tihid maxakamaddi qaadaysay eedayda ee i xitiraam oo si sharaf leh ii gee xabsiga lagu yidhi kusoo rid. Waxaan u arkaayay dhammaan su’aalaha, qaabka laysoo qabtay, hatigaada iyo sida aan loo ilaalin xuquuqdayda xaqdarro iyo sharci jebin. Waxaanu soo gaadhnay Saldhiga dhexe ee magaalada Haragaysa, waxay ku jireen ciidanka heegan buuxa, waxa lay mariyay oobiga, waxaan layga reebay mobil aan sitay oo i agyaallau markii lay soo xidhay. Waxa layga qaaday Mobil markii laysoo kaxeeyay i ag yaalay , intii aanan dhiibin ayuu kor u qayliyay ninkii ciidanka watay wuxuu yidhi “ waxbuu iga duubay ee baadha Mobilkiisa” waxaan ugu jawaabay kaama duubin laakin wax kasta oo aynu is nidhi waxaan ku duubay qalbigayga oo aan cidi ka masixi karayn. Mobilkii waa la eegay waxna waa laga waayay madaama aanan fursadba u helin in aan wax ku duubo. Oobiga qofka marka la keeno waxa laga qoraa magaciisa iyo eedda waxa loo haysto, anniga waa lay dhaafiyay magacaygana laygama qorin waxna layma weydiin, waxa lay geeyay qol xagga danbe ku yaal oo aan lahayn daaqad, iftiin iyo hawo furan aadna u mugdi ah, looguna xidho dadka dilka loo hayo iyo kiisaska khatarta ah, wuxuu ku leeyahay suuliga gudaha, waa qol aad u nadaafad liita oo baranbarada tuulan aad moodo dhagax la saydhiyay, muddo lama nadiifin, wax gogol ah ma sidan oo aan isag adhigo qabawga sidbidhka. Maxaabista kale waxay ku wada jiraan qolaal, waxa anniga laygu qufulay qol keliday aaan ku ahaa, maxaabistana waxa noo dhexeeyay alabaab dhexe, waxaan lagu amray in aan qofna soo istaagin alaabaabka qolka aan ku jiro, ma haysan biyo aan cabbo iskadaa qaar aan ku xaajo iyo weyso guto eh, sidaa ayuu gabbalku iigu dhacay maalintaa. Kolka sidaa cadceedu u godgasho waxa sida roobka soo daatay dukhaan maalin oo dhan ku gamaarsana daldaloolada qolka, baranbaro suuliga gudihiisa ku jirtay, madaam aan iftiin jirin waxaad dhagaysanaysa jabaqda iyo sanqadhoodha noolaha wehelka qolka ah. Afar maalmood oo aan ku xabbisnaa qolkaa madaw ehel iyo asxaab midna layma ogolaan in ay iiso galaan oo ay isoo booqdaan, raashinka waxa ii keenayay nin askariya, cid keentay ehel iyo cadaw midna ma qoon, waxaan dhawr jeer u sheegay Taliyaha saldhiga in qofka raashinka sida aan arko si aan u ogaado halka laga keenay haddi kalena ay masuulyada qaadaan, dheg layma dhigin, waxaad mooda cadaawada iyo cadhada ka muuqata in ay hayaan qof shisheeye oo denbi qaran galay la ciqaabayo. Ciidankeenuu waxay u baahan yihiin in la baro sida habboon ee xuquuq dhawridda leh ee loola dhaqmo qofka maxbuuska ah, waxaan muhiim ah in liisyo tabaabro dheeraad si looga baaqsado jidh dilka, hanjabaadda, hatigaada iyo hadalada adage e maxaabista lagu hayo, si kalsooni u dhalato oo aanay u ahaan cadaw macaamilaya, askarta waxa ku jira qaar badan oo dadnimo leh oo kuula dhaqmaaya si wanaagsan waxase ka badan kuwa aan fahamsanayn maxbuuska xaqiisa iyo xuquuqda uu ku leeyahay. Subuxii sabtida ayaa lay hor geeyay xeer-ilaalinta gobolka, waxa lay geeyay xeer ilaaliye aanan hore u arag oo ahaa da’ada kontameyada, waxaanu eegay eeddi macmalka ahaa ee bilaysku waden, nasiib darro muu weydiin waaranka qabashada iyo sifaha laysoo xidhay, waxa lay dhaafiyay guddoomiyaha maxakamadda gobolka oo ahaa Cabdi-qawdhan. Gudoomiyaha maxakamadda gobolka waxa aan ka codsaday in lay geeyay Jeelka weyn ee Hargaysa oo xuquuqd iyo nolol dhaama saldhiga, waxaanu tixgeliyay codsigii Guddoomiye Cirro oo goob joog ahaa, waxa isna lanoo wada dhadhaadhiciyay Xabsiga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku jiray saldhiga dhexe. subaxaa waxa xidhnaa dhammaan waddooyinka laga galo maxakamadda gobolka Hargaysa ciidankuna waxay galeen heegan aan muhiim ahayn loona baahanayn, waxa goob joog ahaa madax badan oo xisbiga WADDANI ah, waxaan lay dhaadhiciyay Jeelka dhexee Haragsya oo aan ku jiray 71 maamlmood. (Xasuus qorka Buugga Xerodhiigtii Xorriyadda) Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay aqbalay inuu si toos ah uga qeyb-galo kulan dadweyne, xilli ay maalmo ka dhiman tahay sanad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay dib u doorashadiisa 15-kii May ee 2022-ka. Barnaamij-kan oo sida muuqata ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Soomaaliya, uuna daadihinayo Maxamed Xaraare ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah su’aalo ugu weydiin doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa maanta galinka dambe magaalada Muqdisho kaga qeyb-galaya barnaamijkan kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka jawaabi doona su’aallaha ay qaban shacabka Soomaaliyeed iyo cabashooyinkii laga muujiyey dowladda uu hoggaamiyo. Madaxweyne Xasan ayaa inta madashani socoto wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa guullaha iyo horumarada laga sameeyey furimaha dagaalka inta uu socday halganka deegaanada dalka goobaha ay kaga sugan yihiin khawaarijtu looga xoraynayo. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu madashaan kusoo bandhigi doona “guud ahaan wixii u qabsoomay muddada sanadka ah ee uu hayey talada dalka.” Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah, kuwaas oo ku qotoma hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad. Dadweynaha ayaa waxay sidoo kale su’aalahooda uga dhiiban karaan kulankaan habka fogaan araga Online-ka ama qoraal, kaasi oo ay ku gudbinayaan mareeg ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda. Si kastaba, Kulankan dadweyne oo ah mid noociisa u horreeyay ee Soomaaliya, ayaa lagu macneeyay mid qaadaya xayn-daabka u dhaxeeya madaxda sare iyo bulshada Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Xasan oo aqbalay kulan dadweyne kahor sanad-guuradiisa 1-aad appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay tababar siisay ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa Xoogga dalka, kuwaas oo haatan soo dhameystay tababarkooda, kuna soo laabtay Soomaaliya. Warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadan uu todobaadkii hore u dhammaaday tababarkooda, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab. Ma shaacin warbaahinta tirada askartan loo soo tababaray Soomaaliya, balse waxa ay sii daysay sawirradooda, ayaga oo ku sugan xerada. Waa qaybtii ugu horreysay ciidamo ay Itoobiya usoo tababartay Soomaaliya, tan iyo markii ay iskaashi amni oo saddex geesood ah kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Ciidamada qalabka sida ee haatan tababarka kusoo qaatay dalka Itoobiya ayaa ka qayb qaadan doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Dowladda federaalka Soomaaliya oo horkaceyso duulaanka ka dhanka ah Shabaab ayaa horay u sheegtay in dagaalkan a y ku soo biiri doonaan waddamada dariska oo la’isku yiraahdo dalalka safka hore. Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaas oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore Kampala uga qaybgalay shir ay yeesheen waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka Midowga Afrika, ATMIS. The post Itoobiya oo ciidamo cusub usoo tababartay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa xog cusub ka bixiyay mooshinka ka dhanka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee haatan socdo. Xidlhibaanka ayaa shaaca shaaca ka qaaday in mooshinkaasi lagu deg-degay, isla-markaana xildhibaanada wada ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Mudane Cali Xaaji oo deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland ayaa si weyn u difaacay xukuumadda DanQaran, wuxuuna tilmaamay in muddada ay jirtay ay qabatay wax badan. “Dadka wax dhaliilaya waxaan u arkaa inay tahay dhaliil deg-deg ah, waxaayo waxaan oran karnaa ra’iisul wasaaruhu waa nin shaqo badan,” ayuu yiri xildhibaanku. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray xildhibaanada wada mooshinkaasi ay yihiin kuwo iska dhex-waayay golaha wasiirada, sidaas daraadeedna ay u mucaaradayaan xukuumadda. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay mooshinkan ay damacsan yihiin inay ku fushadaan dano gaar ah, si au dowladda wax uga helaan, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii ay noqoto dhaliishaada inay iska dhex weysay wasiirada ama dowladda oo qaylinaya, isla-markaana ayu ku saabsan tahay wax u gaar ah, taana dowladnimo kuma dhisanto,” ayuu mar kale uiri Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano dhowr ah oo raba in ay ridaan xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran. Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabulka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda. Si kastaba, Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. The post Yey yihiin xildhibaannada wada mooshinka Xamza? appeared first on Caasimada Online.
-
Sudan oo Laga Cabsi Qabo Iney Burburto iyo Dagaallo Sokeeye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga gurmadka degdeg ah ayaa galay todobaadkii Afaraad, iyadoo madaxa Qaramada Midoobay uu ka digay in dalkaasi uu burburayo. Diyaarado dagaal ayaa lagu waramayaa in ay duqeymo ka geysteen magaalada caasimada ah ee Khartoum inkasta oo mar kale lagu dhawaaqay xabad-joojin socon doonta muddo 72-saacadood ah. In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay tan iyo markii ay iska-hor-imaadyaddu bilowdeen April 15-dii waxaana guriyahooda uga barakacay tirro ka badan kumanaan ruux oo shacab ah. Taliyaha ciidamada milatariga, Abdel Fattah al-Burhaan iyo ku xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo, oo taliye u ahaa xoogaga gurmadka degdega ah ee RSF, ayaa ku dagaalamaya cidda awooda qaadaneysa. Xabbad joojin badan ayay ku heshiiyeen laakiin ma jirto mid dhaqan-gashay iyadoo tirada dadka rayidka ah ee dhintay ay sii kordheyso, qalalaasaha iyo boobka lagu hayo xarumaha danta guud ee Khartoumna ay sii kordhayaan. Khartuum ayaa ah magaalo ay ku nool yihiin shan milyan oo qof halkaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku xayiran yihiin guryahooda iyaga oo aan haysan cunto, biyo, iyo koronto. Tobanaan kun ayaa laga daad-gureeyay gudaha Suudaan ama waxay bilaabeen safarro adag oo ay ku tagayaan dalalka jaarka ah ee Chad, Masar, Koonfurta Suudaan ama Itoobiya si ay uga cararaan dagaallada. “Xaq uma lihin in lagu dagaalamo awooda dalka marka uu wadanku burburayo” ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u sheegay telefishinka Al-Carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga. Xabbad-joojintii u dambaysay oo saddexda maalmood ah ayaa la isku raacay Khamiistii ka dib markii ay dhaqan gashay dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen Maraykanka, Sucuudiga, Midowga Afrika iyo QM. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/ Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo ka qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay amniga Muqdisho. Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddal weyn oo amni haatan laga dareemayo caasimada, kadib dadaallo ay sameeyeen wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan. Taliyaha ayaa xusay inay yaraadeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray caasimada, wuxuuna sheegay inay ku timid howlgallada ay wadaan iyo isbeddallada socda. Sidoo kale waxa uu sheegay in afar arrimood ay keentay amniga iyo xasiloonida haatan ka jirta magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah: Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyay ciidamada amniga lana dagaalay Shabaab, dagaalka lagu beegsaday dhaqaalaha Shabaab, wada shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale xakameynta hubka waa weyn. “Shacabka Soomaaliyeed oo ku kacay oo dhibaateynaya ayaa naafo ku ah ebel waa iska jiifan jireen canshuur ayay ka qaadan jireen dhaqaale ayay ka heli jireen, runtii door muhiim ayay ka qaadatay xasiloonida magaalada” ayuu yiri taliye Macallin Mahdi. Waxa kale oo uu ku daray “La dagaalanka dhaqaalaha door fiican ayay xukuumadda iyo dowladda qaadeen sida aad la socotaan inta qofka dhaqaale uu haysto waa inta uu sii jiri karo”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay sii wadi doonaan, ayna ka hortagi doonaan wax kasta liddi ku ah amniga caasimada. Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taas oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, waxaana sidoo kale lagu jabiyay inta badand dagaallada kas socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Daawo: Macallin Mahdi oo shaaca ka qaaday 4 arrin oo keentay amniga XAMAR appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan Asbuucii Afaraad ka socda dagaal xoogga oo dhaxeeya kooxaha iska awoodda dalkaas ee Milatariga iyo xoogagga kasoo horjeeda, waxaana dhinacyadu markale ay ku dhawaaqeen xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah, waxaana jirtay dhowr jeer xabad joojin aan hirgelin. Milatariga iyo Dacmu Sariic dhinac walba ma muujin wax saan saan ah oo ay ku joojinayaan dagaalka mid walba uu ku doonayaan inay ku qabsado magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum, ciidamada ayaa wada duqeymo dhanka cirka oo ay la beegsanayaan xarumaha ay degan yihiin kuwa kasoo horjeeda RSF. Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo saarey bayaan ay kaga digayaan Dadka reer Sudan iney ugu baahi badan yihiin haatan xabbad joojin, si hawlaha gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo shacabka u baahan in la gargaaro ee ku barakacay dagaallada socda. Waxay sheegeen hey’adaha QM in waqtiga lagu kordhiyey xabad joojinta ee dheeraadka ah, ay horseedayso in joogsadaan colaadaha, waxaana xusid mudan in ciidamada Milatariga inta badan ay ku sugan yihiin Khartoum, shacabka ayaa wali wada barakaca ay ka sameynayaan magaalada caasimadda ah iyo iyo magaalooyinka kale Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah, kuwaas oo la xiriira arrimaha dagaalka marka lagu guda jiro. Codsigan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin qof oo ku nool magaalada Khartuum ay gabaad ka dhiganayaan guryahooda, iyadoo ciidamada xoogga dalka wata iyo kuwa sida deg degga ah u hawl gala ee ”RSF” ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta magaalada Khartuum oo dhinac waliba uu ka joogo aag cayiman. RSF ayaa waxaa madax u ah General Dagalo – oo loo yaqaan Hamati – kaasoo noqday maalqabeen aad u weyn sanadihii ugu dambeeyay, ka dib markii uu la wareegay macdanta dahabka ee dalka Suudaan. Waxaa loo malaynayaa inuu hoggaamiyo ilaa boqol kun oo askari oo General Xamdaan isaga u daacad ah. Generalka Cabsida uu ka qabo inuu ku waayo awoodda iyo hantida, ayaa caqabad weyn ku ah wada hadal kasta oo nabadeed oo la filayey inuu dhaco, waxaana ciidanka Milatariga ay isku dayayaan in ay awood u adeegsadaan, taa oo khasaare badan ku keenaysa shacabka lagu dul dagaalamayo ee ku sugan caasimadda iyo Umu Durmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland ayaa Todobaadkan si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo. Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa hadal uu jeediyay Axaddii ku bayaamiyay mowqifka dowladda Puntland ka taagan tahay hirgelinta SSC-Khaatumo. Wasiir Maxamed Siciid ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Deni ay aqoonsan tahay go’aanka kasta oo ka soo baxa Isimada dhaqanka SSC islamarkaana ku taageerayso. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in Puntland ay mowqifkaas ku wargelisay wakiilada Beesha Caalamka taasina keentay in markii danbe Beesha Caalamkuna ku raacdo Puntland. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo caddaysay mowqifkeeda dhismaha maamulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas uu kaga qeybgalayo shir ku saabsan arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka u nugul saameynta isbedelka Cimilada. Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka. Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona. Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada. Axdigan Qarameedkaan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin, Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ka dhacay abaaro soo laablaabto iyo Fatahaado, kuwaas oo saameyn ku yeesha bulshada Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah iyo magaalooyinka degan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Minneapolis (HOL) - Jackie Rahm Little, 36, was arrested on Saturday in Mankato, Minnesota, in connection with two arsons at Minneapolis mosques. Little is set to appear Monday in federal court, facing state and federal arson charges. Prosecutors have linked the mosque fires to vandalism incidents targeting U.S. Rep. Ilhan Omar's office and a Minneapolis police car. Minneapolis Police Chief Brian O'Hara said, "Based on our investigation, there is no other known, active threat to our Muslim neighbours." Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) - Former Puntland President, now senior Senator Abdirahman Faroole, warned the region's current President, Said Abdullahi Deni, urging him not to amend the state's constitution. Faroole, who leads the opposition party Horseed, expressed concerns that altering the constitution could create problems, especially as Puntland is in a critical political phase. Source: Hiiraan Online
