-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Markabka Tritex Glory ayaa shixnadii u horreysay keenay dekedda Garacad ee gobolka Mudug , iyadoo qorshaha uu yahay labadii toddobaadba inuu mar ku soo xirto dekedda Garacad. Wuxuu Tritex Glory , ka mid yahay maraakiibta ugu caansan ee kunteenarada qaada ee muddada kooban dalka ku soo gaarsiiya shixnadda kala duwan ee laga soo dejiyo dekeddaha Soomaaliya , oo ay hadda ka mid noqonayso dekedda Garacad. Maamulka dekedda Garacad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhawaan maraakiib ay leeyihiin shirkadaha ugu caansan ee xamuulka qaada in ay ku soo xiran doonaan dekedda Garacad. PUNTLAND POST The post Markabka Tritex Glory oo markii u horraysay ku soo xirtay dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Catriona Laing u magacaabay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa xafiiska UNSOM. Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa xilka kala wareegaysa ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya James Swan oo u dhashay waddanka Maraykanka. Haweeneydan ayaa heysata in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xaga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah,waxayna soo qabatay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami. Laing waxa ay shahaadada Master ee cilmiga dhaqaalaha ka qaadatay kuliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London iyo Master oo maamulka iyo Ganacsiga ah oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, oo labaduba ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Catriona Laing oo loo magacaabay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
After emigrating from Djibouti and opening his first restaurant in Minneapolis' Cedar-Riverside neighbourhood 13 years ago, Abdirahman Kahin, owner of Afro Deli & Grill, recently received the prestigious National Small Business Person of the Year award from President Joe Biden and Vice President Kamala Harris at the White House. Source: Hiiraan Online
-
Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!, Qaybtii 9aad. Hadii lagu Sheelo waa lays sheegaa, Waa Taxanihii aynu qoraal wadnay ee sida Mahiigaan Da’aaya ama Miiraale Roobaad oo xareedii butaac tahay weli inoo qulqulaayee, Xagee qoraal Burqanaynay? Waxaynu sidii Tog u Rogmanaynay ………….. Mar hadii Ummadii isku haysato wax aanay cadayn u hayn wixii cadaynta loohayeyna u muuqan Dee malaha Ummadu way Qataaran yihiin ama Baaban yihiin?!, Waayo waxa ay ahayd sanadkii 2021 kii markii aan………………Socdaal kadis ah oo aanan qorshayn ku tagay Jamhuuriyada barakaysan markaas oo Qaylo dhaan iiga timid Hooyaday oo Hargeysa uu ku halleelay xanuun kusoo bood ahi, Aduunku maaha goob lagu waarayo se waa meel eebe uu u qoondeeyey Adoomihiisa ruux iyo wakhti go’an oo korodhsi lahayn oo Illaaheena weyn ee weligii Jiraha ahi uu Cayimay, waa xaqe markii aan gaadhay Hargeysa mudo yar dabadeed waxa xaqii u yimid Hooyaday Macaan oo aan God dhigay, waxaanan Illaahay ku mahadinayaa in uu noo suurto geliyey goobtii Hooyaday naga dalabtay in Hoygeeda rasmiga ahi uu noqdo oo aanu goobtii ay naga dalabtay ee ay nagula Dardaarantay aanu Bud-dhignay oo Xawaalkii Hooyadayo uu noqday, Illaahay naxariista Mudnaanta leh ha u naxariisto oo Jannooyinkiisa naxariista leh eebe Hoy hawga dhigo iyada iyo intii Hooyo xaqii u yimi iyo Dhamaan Hooyoleyda iyo intii Alle rumaysnayd ee godgashay, inakana Allah haynooga daba naxariisto Aamiin. Geeridii Hooyaday dabadeed mudo ayaan kusii nagaaday dhulkii Hooyo waxaanan kullamo la yeeshay Dad aan Aqoon bidaayey iyo Masuuliyiin Qaran, oo ugu horeeyeen masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Hargeysa, Runtii waxa aan aad ugu Mahad celinayaa xubnihii aan la kulmay ee Jaamacada Hargeysa, Waxa se jiray nin oday ah oo Bare-sare ah oo aan u goolmoonaa la kulankiisa oo Runtii sidaan ka rajaynaayey aan noqon!, waayo waxa uu ahaa Bare-sare waxa uuna ahaa Nin oday ah oo Aqoon leh, isaga oo ah Bare-sare oo Jaamacada ah hadana waxa uu ahaa Qoraa, Qoray Buuggaag Dhowr ah oo ka hadlaaya Cilmi iyo Taariikh taas oo ahayd sababta aan usoo Bar-tilmaamsaday, aniga oo ku rajo weynaa la kulanka Baraha-sare uu noqonaayo mid midho dhal yeelanaaya, hase yeeshee qaadan waa’ ayey ugu nuqotay waxa aan kala kulmay Barahaa Sare, waayo xidhiidh telefoon iyo ’email-lo’ aanu iswaydaarsanay waxa aanu kulanay bishii koowaad 2022kii waxa aanu ku kulantay mid kamida hudheelada Waaweyn ee magaalada Hargeysa waxa ay ahayd salaadii maqrib dabadeed goorta aanu iskugu tagnay goobta ama hudheelka aanu ku balanay waxa aanu wada joognay goobtaa mudo saacado ah, waayo waxa aanu kuwada Tukanay salaadii cishaha Masaajid goobtaa ku dhex yaalay, salaada cishe dabadeedna kulankii iyo fikir iswaydaarsigii ayaanu halkii kasii anbo-qaadnay ilaa goor cawaysin danbe ah, halkii ayaanu wada joognay Baraha-sare, waxa se kulankayagaa gabagabadii uu noqday mid waji gabax uu ka muujiyey Barahaa sare, dooda aan soo hor dhigay!, waayo, wax male abuur ah may ahayn dooda aan gudbinayey waxa ay ku qotontay, se waa mid sal u ahayd oo aan ka duulaayey xogta Afka, dhaqanka iyo aasaarta Qadiimiga ah ku duugan, taas oo sida aan ka dareemay Baraha-sare rayiga ama fikirka aan soo hor dhigay, ama lawadaagay uu ugu muuqday mid Buuggaagta uu Qoray Barahaa sare ka rayi duwan, taas oo u sabab tahay Dhanka uu Baraha-sare wax ka eegay iyo Dhanka aan anigu ka eegay, in aanay isku aragti ama daymo ama dhugasho ahayn, se ma ahayn mid aan anigu uga jeeday mid Shactirayn iyo Toodhakh toona ah, se iga ahayd dood cilmiyeed iyo Fikrad isweydaarsi, waayo aqoontu waa raadis taxan oo maalinba heer joogta, Maxaa yeeley marbuu Dadka aduunku aaminsanaa in Dhulku badhtamaha meerayaasheena yahay oo wax kasta oo Cadceedu ku jirtaa ay ku duuraan!, waxa se maanta laysku raacsan yahay in Cadceeda, Meerayaasheenu ku wada duuraan!. Sidaa aawadeed Barahaa sare wuxuu ku jiraa Dad Aqoon yahano ah, oo aan xurmo iyo qadarin karaamo leh aan u hayo, oo Qoray Buuggaag ay kaga hadlayaan Sooyaalka taariikhda Ummada bariga Afrika ama Ummadeena Guud ahaan taas oo ay ku muujinayaan ama ku tilmaamayaan in Dadka aynu ka joognaa ahaan jireen Ummad caabudi jirtay wax yaabo kale, Halka anigu aan Rumaysnahay rayi kaa ku lidi ah, aniga oo ku caddaynaaya Afka, Dhaqanka, iyo Qoraalada qadiimka ah ee ku xardhan goobaha Qadiimka ah, si kastaba ha ahaatee Barrihii-sare ee Buuggaagta ka qoray taariikhihii hore waxa uu ii muujiyey Dib u gurasho iyo in uu xirfadiisu tahay LAAN kale oo xidhiidh la lahayn aasaarta Qadiimiga ah iyo Taariikh toona, Se, ay u gaysay Buuggaagta uu Qoray Xiise uu u qabay Taariikhaha qadiimka ah, iyo in ay ahayd wax uu xiliyada uu firaaqada yahay uu ku maararoobo ama wakhtiga isku dhaafiyo waa sida ay iigu duxeen weedhihiisuye, sikastaba ha ahaatee kulankaa na dhex maray aniga iyo Baraha-sare kamaanu midho dhalin kulan danbana namuu dhex marin inkastoo xidhiidh aan la sameeyey Bariido fiican badan iyo salaan wax dhaafsiisan maanu wadaagin. Waxa iyana jiray Dhaqtaro ah cilmiyada taariikhda iyo qaar ah sida aasaarta loo raad raaco oo Buuggaag ka qoray Gayiga iyo dadkii hore ee bariga Afrika in aanay ii suurto gelin in aanu kulan Fool ka Fool ah yeelan. Waxa isna xidhiidh lasoo sameeyey Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa ay ahayd mudo kahor intaanan Dhulka Hooyo kadiska ku iman in aan xidhiidh la sameeyey, run ahaantiina si diiran oo xurmo karaamo, Aqoon iyo Garasho ku dheehan tahay ayuu igu qaabilay oo qoraalo ama “email” aanu kuwada xidhiidhnay Dr Jaamac si hagar la’aan ah ayuu iigu soo fal celiyey, hase yeeshee nasiib daro markii aan imid Dhulka Hooyo may ii suurto gelin in aanu kulano. Hadaba Mar hadii Dadkii labeenta aqoonta aan u arkaayey inkastoo aanan waraaq magacyo badani ku qoran yihiin Intaan qaatay aanan mid mid u saxin!, hadana dad door ah oo anigu aqoon ku tuhmaayey waan isku dayey in aan la xidhiidho si aan fikir iyo aqoon la wadaago se Illaahay ayaan qadirin, sidaa aawadeed waxa aan u jeestay Dhanka xukuumada Jamhuuriyada barakaysan si aan masuuliyiin xillal u igman aan Rayi la wadaago, waxa aan ka…………. Lasoco Qormada danbe. Hooyoley Hadalka iyo Aqoontay isku gartaan, Xooluhuna Urta, Soomaal/Soolis na Qabyaalada!. Fuad Fartaag 03-05-2023 Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Las Anod (HOL) - Garad Jama Garad Ali, the traditional clan chief (Garad) of the Sool clan and leader of the 33-member SSC traditional council, which claims to be the legitimate representative and administration in Las Anod, has called on Somaliland to withdraw from the disputed areas of Sool, Sanaag, and Cayn (SSC). Source: Hiiraan Online
-
Plans to ensure the first phase of troop drawdown by ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) does not “negate” security gains made to date are underway by the mission’s six troop contributing countries (TCCs). Source: Hiiraan Online
-
THOUSANDS of malnourished children in Somalia are being kept alive thanks to support from a local aid organization. Source: Hiiraan Online
-
I spoke to #Somaliland President Bihi and raised concerns over the conflict in Las Anod, and delays to elections. The economic potential in Somaliland is huge – but stability is fundamental to success. An immediate ceasefire is needed & an electoral roadmap needs to be published. — Rt Hon Andrew Mitchell MP (@AndrewmitchMP) May 3, 2023 Qaran News
-
A man arrested on suspicion of being an Al Shabaab spy has been jailed for three years after he admitted to being in the country illegally. Source: Hiiraan Online
-
Haweenay Ingiriisa oo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Somalia & Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay Britain loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), waxayna xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka. Bayaan kasoo baxay xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto inay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah. Catriona Laing, ayaa hore u soo noqoday madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994. Magacaabisteeda kor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023. Qaran News
-
Safaarada Soomaliya ee Addis Ababa ayaa Maanta Hargeysa u soo dirtay Dhalinyaro Ku Xanibnaa Dalka Suudan oo Dawlada Soomaliya ay ka shaqaysay sidii loo soo qaadi lahaa. Sii haya Safiirka Soomaliya ee Itoobiya Marwo Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamud ayaa ku soo sogootisay Dhalinyaradaas Madaarka Bole Internationaal ee Magaalada Addis-ababa iyagoo isla maanta gelinkii hore Hargeysa soo gaadhay Dhalinyaradaasi. Qaran News
-
Kulan habka maqalka iyo muuqaalka ah (video conference) uu Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah ee Boqortooyada Midowday(UK) uu la yeeshay Muuse Biixi ayay Madaxtooyadu qoraal ka soo saartay. Qoraalkaasi kama turjubayn xaqiiqada kulankaas lagu wada hadlay ee wuxuu ahaa wax shacabweynaha lagu majara habaabinayo oo laguna hadoodilayo halka ay xukuumaddani gaadhsiisay cilaaqaadkii wanaagsanaa ee ay Somaliland la lahayd beesha caalamka. Qoraalka uu Wasiir Andrew Mitchell bartiisa Twitter ku qoray ayaannu halkan ku soo turjunnay waxaanuu qoraalkaasi soo gudbiyey hadalkii uu Muuse Biixi ku yidhi Wasiirku iyo dareenka ay dowladdiisu qabto. #Turjubaad: “Waxaan la hadlay Madaxweynaha #Somaliland Biixi oo aan u gudbiyey werwerka colaadda Laas Canood iyo dib u dhaca doorashada aanu ka qabno. Fursad dhaqaalo kobcin oo weyn bay Somaliland leedahay -laakin xasilooni iyo daganaansho uun bay ku guulaysan kartaa. Xabbad joojin iyo qorshe doorasho oo degdeg ah waa in la dejiyaa.” Xildhibaan Andrew Mitchell Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah -UK Qoraalkani wuu ka duwan yahay qoraalka ay Madaxtooyadu soo qortay ee dadka laga dhaadhicinayo. Mahmoud Adam Jama Xoghayaha War Faafinta ee Xisbiga WADDANI. Qaran News
-
Masuulkii Ugu Horeeyay ee ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye. Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsan Guddiga Sare ee Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye sidoo kalena ku jira Shaqsiyaadka Saxiibka dhow la ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Maayirka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ay ka dhigayaan Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo ay la doonayaan inuu noqdo Madaxweynaha ku xigi doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Cabdiraxmaan Dheere ayaa noqanaya Masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Gudigga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee si rasmi ah u sheegay in uu jiro qorshaha ah in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye. Qaran News
-
New York (HOL) - UN Secretary-General António Guterres has named Catriona Laing of the United Kingdom as the new Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Laing takes over from James Swan of the United States, who has been commended for his commitment and leadership throughout his term. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheyanaya inuu beddelo dhawaan oo xilka ka qaado taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Abshir Cabdi Jaamaca, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta u magacaabo General Muumin Cabdi Shire oo hadda ah taliyaha Booliska maamulkaasi. Xogaha aan ka helayno isbeddelka cusub ee uu sameynayo madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabo Gaashaanle Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) kadib markii loo dallacsiiyo Sarreeye-Guuto. Shaati ayaa hadda ah taliyaha ciidanka Madaxtooyada maamulka Puntland, waxaana xilkaas loo magacaabay horraanta sanadkii hore ee 2022-ka, wuxuuna hadda kamid yahay saraakiisha ku dhow madaxweynaha Puntland. Arrimahan ayaa imanaya xilli uu maanta madaxweyne Deni uu kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Puntland ee 54-aad, oo qeybo kamid ah dib-u-dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay. Xaruntan oo Puntland u ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay halkii lagu qabtay shirkii lagu aas-aasay dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Deni oo hore kormeer ugu yimi amray in dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyo, lana qalabeeyo dhammaan xafiisyada . Deni ayaa maanta mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan xarunta, habka loo dhisay iyo sida loo qalabeeyay xafiisyada kala duwan, isaga oo warbixin ka dhegaystay saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee xarunta. Si kastaba, isbeddelkan uu sameynayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu Saciid Deni uu wajahayo culeys siyaasadeed oo gudaha ah, iyada oo muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkiisa. The post Xog: Saciid DENI oo qorshaynaya ‘inuu xilka ka qaado’ taliyeyaasha ciidanka mid kamid ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ka badan 40 Shabaab ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad lagu dilay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in howl-galkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka. Xubnaha Shabaab-ka ah ee lagu dilay howl-galkaan ayaa waxaa ku jira xubno ajaanib ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. “In ka badan 40 Khawaarij oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo ay kamid ahaayeen Ajaanib ayaa lagu dilay howlgal ciidanak NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka sameeyeen 2-dii bishaan May gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka. NISA, howl-galkaan faah-faahin intaas ka badan kama bixin, hase yeeshe bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan uu ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galkan ayaa dhacay habeenimadii Talaadada, iyada oo xubnaha Shabaab-ka ee howl-galkan lagu beegsaday ay xilligaasi isku abaabulayeen dhul-beereedkaas, “Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ku dhowaad 10 Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayay howl-galkan, ayada oo lagu raad-joogo xubno kale oo isku dayaya inay baxsadaan, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.” Si kastaba, Howl-galkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, inkasta oo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda. The post NISA oo fulisay howl-gal lagu laayay horjoogayaal iyo Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya. Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka. Bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah. Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres. Catriona Laing ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993-dii illaa 1994-tii. Catriona ayaa magacaabisteedan ka hor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay November 2018-kii illaa April 2023-ka. Magacaabistan ayaa imaneysa kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata. The post Xoghayaha guud ee QM oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafkaasi kala dhaxeeya maamulka Puntland, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabwaneyso dowladdiisa. Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay wax badan tartay dib-u-dhiska Soomaaliya, islamarkaana ay dowladda Xasan isku haysan dan shaqsi ee isku hayaan inaysan qeyb ka noqon karin waxa hadda socda, oo ka gedisan wixii lagu heshiiyay, sida uu sheegay. “Inta ay ka imaaneyso dowlad cadaali ah oo ay ka dhab tahay in nidaam federaal cadaali ah laga hirgeliyo dalka, waxay Puntland isticmaaleysa waxyaabaha Dastuurkeeda u ogol yahay, oo waxa aan qabsan karno qabsano, oo aynaan u dhutin Xamar,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Maamulka Puntland Maxamed Saciid Faroole. Wasiirka ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda federaalka inaysan rabin dowladnimo Soomaaliyeed, “Soomaalinimo ma rabaan oo Laascaano oo wiilal iyo gabdho yar oo Soomaali oo calan buluug ah wato oo lagu laynayo ayay madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii ka hadli la’yihiin. Marka la isma rabo ee maxaa la isku khasbaya.” “Damuljadiida maanta waxay lamid tahay Damuljadiidi toban sano ka hor,” ayuu yiri wasiirka oo weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland ayuu sheegay in lagu naco rabitaankeeda dowladnimo lagu dhan yahay, sidaas darteed ay hadda usoo jeesteen inay ka shaqeeyaan danaha Puntland, islamarkaana ay hoos iskaga dhigeen xiriirkii dowladda federaalka Soomaaliya. “Dowladda Xamar joogta oo iyadaba la waardiyeynayo oo ciidan caalami ah waardiyeynaya ayaa rabta inay mashruuc walba iyo hay’add walba gacanta ku hayso, anaga waxaa rabnaa in Puntland ay yimaadan oo laga shaqeeyo maal-gashiga Puntland oo aan ka shaqeyno siyaasadayada iyo horumarkayaga.” Si kastaba, Puntland oo dhibsatay in madaxweyne Xasan uu hoos u dhigo khilaafka kala dhaxeeya ayaa sheegtay inaysan tabasho qabin ee talada dalka wax ku leedahey, islamarkaana laga tillaabsan karin, maadama ay dhiig iyo dhaqaale ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soo-celinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta. When it comes to President Hassan, we don’t need to believe words. We might question actions, BUT we should never doubt the patterns. Damujadiid today is the same as Damujadiid a decade ago. #Somalia #Puntland @Plstatehouse @HESaidADeni pic.twitter.com/l7Kb5FD41v — Hon. Mohamed Said Farole (Max Samofare) (@m_farole) May 3, 2023 The post Puntland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Xamza appeared first on Caasimada Online.
