-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkad laga leeyahay dalka Eswatini ee dhaca koonfurta Afrika ayaa ku geeleysatay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa. Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa INYATSI CONSTRUCTION COMPANY, waxaana si rasmi ah u shaaciyay inay ku guuleystay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen guddida qandaraasyada ee Somaliland. “Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay shacabka reer Somaliland ogaysiinaysaa in ay soo gebo-gebeysay ‘qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen’ oo illaa 9-aad ee sanadkii 2022 ay guddidu gacanta ku haysa,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday guddida qandaraasyada ee Somaliland. Tartanka ay kusoo baxday shirkadaan laga leeyahay dalka Eswatini ayaa waxa uu guddidu sheegay inuu maray marxaladdo kala duwan, kuwaas oo dhowr jeer dib u eegis xayaysiin iyo dib u xayaysiin-ba lagu sameeyo, iyada la raacayo xeerka qandaraasyada qaranka iyo habraaca qandaraas bixinta dhismayaasha iyo xeer-nidaamiyaha qandaraas bixinta Somaliland ee LR.2022. “Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay qiimeyn dheer kadib ay ku qanacday in shirkadda Inyatsi Construction Company oo kamid ah shirkadaha Inyatsi Group of Companies, fadhigeeddunna yahay dalka Eswatini ee Koonfurta Afrika ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen.” Warqada kasoo baxday guddida qandaraasyada Somaliland ee lagu shaaciyay shirkada ku guuleysatay dhismaha suuqa Waaheen, in shirkaddan ay kamid tahay shirkaddaha ugu waaweyn Afrika, islamarkaana ay shaqooyin badan ka wado meelo badan oo kamid ah dalalka Afrika. Suuaqa Waaheen oo ah kan ugu weyn caasimadda Somaliland ayaa waxa uu gebi ahaanba ku shuf beelay dab ka kacay sanadkii hore, waxaana la qorsheeyay in laga dhiso suuq casri ah oo aan tayo ahaan aad u sarreeya, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. The post SHIRKAD laga leeyahay dal kale oo ku guuleysatay dhismaha Suuqa Waaheen appeared first on Caasimada Online.
-
Berbera:- Bulsho yaraanta, adeegyada Liita, dhaqaaqyada ganacsi ee xadidan iyo ku nagaansho la’aanta magaalada, intaaba waxa Sababa adeega laydhka oo ah mid qaali isla markaana tag-tagis badan. Waxa intaa sii dheer, kootada loogu xidhay shirkad gaar ah oo misana gacanta loo sii galiyay Soolartii deeqda ahayd ee Dawlada isu tagga Imaaraadka Carabta ku caawisay dadka reer Berbera oo dhamayd 7MW. Berbera laydhkaa u mudan. Jimcaale Cawke. Qaran News
-
Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa ka hortimid go’aankii xukuumadda Madaxweyne Deni ku ansixisay in wax laga beddelo Dastuurka. “Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansaxin-ku-sheegga sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraadu ay 4tii May 2023 wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Waxaan ugu baaqaynaa MD. Siciid Deni iyo Xukuumadiisa in ay joojiyaan wax ka beddelka Dastuurka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha. Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamada Dastuurka ugu baaqday in ay gudato wajibaadkeeda Dastuuriga oo ay hor istaagto in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka oo ah heshiis bulsho. Sidoo kale Madashu waxay ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in aysan ku dhexmilmin damaca siyaasadeed ee Madaxweyne Deni, isla markaana aysan ka noqon qayb curyaaminta geedi socodka hannaanka dowladnimo una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasaddeed iyo amni. Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban wax ay ku sheegtay burbur dowladnimo oo uu wado Madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Madasha Siyaasadda Puntland oo ka hortimid in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Golaha xukuumadda Puntland ayaa caawa ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada Siyaasadda ee ku soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod. Shirkii Khamiis laha ee wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay ayaa lagu ansixiyay in isbeddel lagu sameeyo qodobka 46-aad ee Dastuurka Puntland si loo badiyo xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod. Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo fiqraddiisa saddexaad ayaa qoraysa in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah. “Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii caawa ee wasiirada Puntland. Shirka caawa ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Suudaan, dardargelinta doorashada goleyaasha degaanka, warbixinta xaaladda daadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
COLUMBUS, Ohio (WCMH) — What was once home to a burger-slinging diner with pleather booths and sliders is now filled with crystal chandeliers, gold curtains and espresso. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib caawa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”. Mashruucan oo ahaa mid horey u hirgalay, islamarkaana lagu dhisay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxa markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale. Daah-furka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka gobolka, aggaasimayaal, guddoomiyaasha degmooyinka, ganacsato, culuma-udiin iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka. Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay muhiimadaha uu xambaarsan yahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mashruucan u xushay dardar-galinta horumarinta bilicda gobolka Banaadir, gaar ahaan dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Dib usoo nooleynta mashruucan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu guddomiye Madaale uu maalmo kahor magaalada Muqdisho ka daah-furay barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynaayo casimadda dalka. Si kastaba, caasimadda ayaa waxaa ka billowday naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000. Hoos ka daawo The post Daawo: MADAALE oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc 7 sano kahor uu ka hirgeliyay appeared first on Caasimada Online.
-
Alle Hawnaxariistee Laba Qof Ayaa Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacey Wadada U Dhaxeysa Wajaale Iyo Kalabeydh, Halka Sadex Qof oo Kale Ay Ku Dhaawacmeen, Kuwaasi oo La Geeyay Cusbitaalka Wajaale Laguna Dabiibayo Xaaladooda Alle Haw Boogo Dhayo Shilka Ayaa Dhacey Kadib Markii Sadex Gaadhi Ay Isku Dhaceen Oo Mid Ka Midi Ay Ahayd iskorogo Wadada Taalay. Labada Marxuum Ayaa La Keenaya Cusbitaalka Gabiley Alle Hawnaxariiste.. Source
-
Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta gurigiisa casuumad gaar ah ugu sameeyay saaxiibkiisii hore ee siyaasaddu kala ka xaysay Axmed Muumin Seed, iyadoo sida Ilo-xogogaal ah Gallaydh Media u sheegeen Axmed Muumin Seed wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland go’aansaday in uu ku biiro xisbiga Waddani oo uu aasaasayaashii ka mid ahaa. Muumin Seed, ayaa dhawaan laga saaray xisbiga Kulmiye waana siyaasi saamayn weyn ku dhex leh siyaasadda gobollada galbeedka Somaliland isagoo hore saamayn ugu yeeshay codka gobolka Awdal doorashadii madaxweyne ee sannadkii 2017-kii markaas oo uu Kulmiye la jiray. Seed, oo hore guddoomiye ku-xigeen uga ahaa Waddani ayaa iskaga baxay kadib markii uu waayay jagada musharaxa madaxweyne ku-xigeen oo uu doonayay haddana lama shaacin xilka uu ka qaban doono haddii uu si rasmiya ugu biiro. Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib si rasmi ah u daahfuray dib usoo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR) kaas oo ahaa mid horey u hirgalay guddoomiyaha gobolka. Mashruucaan ayaa muddadii uu socday waxaa lagu dhisay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo muhiim u ahaa isku socdka degmooyinka caasimadda, waxaana mashruucaan daahfurkiisa qeyb ka haa madax ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya oo lagu casuumay. Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayyaha guud ee Maamulka Gobolka Aggaasimayaal, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Ganacsato, Culuma-udiin iyo hogaanka ururada bulshadarayidka, ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hore u sheegay in mashruucaan looga golleeyahay in lagu hormariyo bilicda caasimadda, waxaana durba dowladda hoose bilowday ka shaqeynta Naleynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waa tuma shirkadda maanta guddida qandaraasyadu ugu dhawaaqeen in ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen? Sida dhawaan mid ka mid ah warbaahinta Swaziland (Estawani) lagu baahiyey shirkadda dhismaha ee Inyatsi waa shirkad ku xidhiidhsan qoyska boqortooyada waddankaas oo caan ku ah xatooyada xoolaha dadweynaha dalkaas oo balaayiin gaadhaya, oo laga xusi karo mashruuca dhisme jid la yidhaa “Manzini-Sikhuphe” oo inta lacag badan lagu lunsaday dhawr bilood kadibna burburay. Mid ka mid ah warbaahinta dalkaas oo musuqa shirkaddaas ka warramaya ayaa sidan qoray: Agaasimaha shirkadda dhismaha ee Inyatsi waa Michello Shakantu, oo islaantiisu tahay wasiirka caddaaladda dalkaas. Sannadkii 2010-kii ayaa la siiyey qandaraas 1 Bilyan oo lacagta dalkaas ah oo lagu dhisayo 52km oo ah jidka taga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mswati. Jidkaas oo markii la dhammeeyey (January) siddeed bilood uun ka dib kala daatay. Derrick Shiba, agaasimaha maamulka ee shirkaddaas oo arrinta wax laga weydiiyey ayaa isku dhaafiyey “Fadlan la xidhiidha xafiiska, anigu imika Zambia ayaan joogaa .. la xidhiidha madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuqgeynta”. Intaa kadiba suaalo diyaarsan waxa loo diray Ncobile Dlamini, madaxa suuqgenta iyo xidhiidhka dadweynaha, hayeeshee wax jawaab ah lagama helin, xilliga warbixinta la qorayo. Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka dalkaas, Ndlaluhlaza Ndwandwe, ayaa isaguna aan ka jawaabin weydiimo la xidhiidha shirkadda. Shirkaddan dhismaha ee Inyatsi xidhiidhka ay la leedahay boqortooyada awgeed waxa u xidhan suuqa dhismaha dalkaas, waxana ay ku eedeysan tahay in ay isticmaasho agab ka hooseeya heer-tayeedka caadiga ah si ay dheefta u korodhsato! Halkan ka akhriso qormo xatooyada shirkaddan ku saabsan: http://www.swazilandnews.co.za/fundza.php?nguyiphi=3022&fbclid=IwAR1vNm3D6pO9BCVbuOGbtkAZjFaTF5qL58Ldi2clTKmYiHY95nnSIt8hw90 Waxaa qoray, Faysal Jaamac. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala hadashay walaaca ay ka qabto dagaalka Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada bini’adamtinimo ee ka dhalatay dagaalkaasi oo socda muddo ka badan saddex bilood. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraa ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay walaaca ay dowladdiisu ka qabto arrintaasi. Sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka Mudane Biixi ayaa waxa uu ka garaabay soo jeedinta madaxa USAID, isaga oo u ballan-qaaday inuu xabad joojin uu sameynayo iyo sidoo kalena uu diyaarinayo khariidadii doorashada, xilli uu soo laba kacleeyay khilaaf la xiriira doorashooyinka maamulka. “Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadanninimo ee ay sababtay colaadda Laascaanood, wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho,” ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Mareykanka. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaga jawaabay arrintaan ballan-qaad xabad-joojin, wuxuuna aqoonsaday muhiimada khariidada doorashooyinka.” Dagaalka Laascaanood oo qaatay muddo ka badan saddex bilood ayaa illaa hadda laga garin wax xal, ayada oo ciidamada labada dhinac ee halkaasi ku dagaalsan ee Somaliland iyo SSC ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood. Colaadda Laascaanood ayaa galaafatay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakicisay badiba dadkii reer Laascaanood, oo ayagu xaalado bini’aadannimo ku wajahay deegaanada iyo gobollada kale ee ku dhow halkaas. Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay Somaliland ku cadaadineysay in ay ka dhabeyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka. The post Mareykanka oo shaaciyay ‘arrin uu la wadaagay’ Muuse Biixi iyo ballan-qaad uu ka helay appeared first on Caasimada Online.
-
Boorama (Caasimada Online) – Cadho dad weyne oo xooggan ayaa ka dhalatay dil askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha uu sarkaale ka tirsan ciidanka ugu geystay magaalada Lawyacaddo. Bulshada gobolka Awdal, qaar kamid ah ayaa ka mudaharaaday dilka sarkaalkan oo lagu magacaabo Khadar Xabeeb, oo la sheegay inuu dhacay maalintii shalay, waxayna dadweynuhu codsadeen in askarigii dilka geystay sida ugu dhaqsaha badan cadaaladda loo horgeeyo. Ciidamada Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xabad ku kala cayrinayay dadweynaha dhigayay banaanbaxan looga soo horjeedo dilka sarkaalkan, kadib markii qaarkood ay xidheen isku socodka gaadiidka ee wadada xiriirisa Dilla iyo Boorama. “Khadar Xabeeeb Caynaanshe oo shalay gar iyo mag la’aan lagu dilay, oo gacan ka xaq darani dishay, wadada Dilla iyo Borama u dhaxaysa way xidhan tahay hadii inta aan cadceedu dhicin la raacin,” ayuu yiri mid kamid dadweynaha ka cadheysan dilkan ee mudaharaadayay. Sidoo kale, qof kale oo kamid ah dadweynaha dhigayay banaanbaxan ayaa yiri “Hadraawigii reer Awdal ayaa baxay, wixii ay Laascaanood ka kacday ayaa Boorama ka socda, una dulqaadan mayno, walaa Muuse Biixi ayaanaan ka baryayn Boorama Gojacadde ayay noqon doontaa.” Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka ayaa weli faah-faahin ka bixin dilka sarkaalkan ay ka dhalatay carro dadweyne. Waxay wararka qaarna sheegayaan in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan laamaha amaanka oo uu xiran yahay. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay dilka sarkaalkan oo la sheegay inuu dilay askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha. Si kastaba ha’ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee ay dil dhexdooda ah isu geystaan ciidamada Somaliland ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi, wallow uu dilkaan dhaliyay carro xooggan. The post Caro xooggan oo ka dhalatay dil uu geystay askari ka tirsan ciidanka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Anigoo ku hadlaya afka 17 Xildhibaan oo kamida golaha Wakiilada JSL Isla markaana shir dheer oo saacado badan qaatay aanu lagalnay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Kadib shir gaara aanu yeelanay xildhibaan golaha wakiilada ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin Waxaanu go’aan ku gaadhnay: 1. In aanan gebi ahaanba ka qayb gelin shirka wasaaradda Macdantu kawado magaalada Hargaysa, qaybna ka ahayn. 2. Waxaanu kaga wada hadli doonaa Degmooyinka ay khusayso iyo dadka deegaanka qaybihiisa kala duwan ee bulshada iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Shirkada Genel Energy deegaanadaa hawsha laga qabanayo. Dadka Deegaanada aanu metelnaa cid kale marti uga noqon maayaan deegaankooda. 1. Xildhibaan Abdilahi Yusuf Ahmed. 2. Xildhibaan Abdirashiid Abdilahi Muuse Cagaweyne. 3. Xildhibaan Saleebaan Ahmed Carab. 4. Xildhibaan Mustafe Ahmed Abdilahi Khayreeye. 5. Xildhibaan Maxamuud Xayir Duale. 6. Xildhibaan Ahmed Abdikariin Duale. 7. Xildhibaan Ahmed Muuse Jaamac. 8. Xildhibaan Jamaal Ali Adan 9. Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame 10. Xildhibaan Maxamuud Saalax Cabdi 11. Xildhibaan Saleebaan Diiriye Barre 12. Xildhibaan Bile Abdi Goohe 13. Xildhibaan Abokor Faarah Warsame 14. Xildhibaan Saleebaan Maxamed Faarax 15. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax 16. Xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye. 17. Xildhibaan Jaamac Ahmed Oogle Caano boodhe. Allaa Mahad leh. Xildhibaan Abdilahi Yusuf Ahmed MP Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddoomiye Jeyte oo hoggaaminayay ciidamada huwanta ayaa waxay burburiyay dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen. Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, iyada oo ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa fuley ku tilmaamay Shabaab-ka, oo uu sheegay in marwalba ay ka cararaan deegaanad aay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan. “Shabaabow marwalba aan idin soo aadno hasii yaacina ee iska keen dhiciya, hadaad leedihiin awood aad ku dagaalantaan. Waxaa naga go’an inta ay nafta igu jirto xabad ayaan idin ku ridaya, ha moodina inaad dadka Soomaaliyeed aad adinka kasoo hari doontaan, waxaan idin leeyahay iska baxa oo aada meelaha ka timaadeen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte. “Waqti badan ayuu idinka lumin ee iska baxa meelihii la idinka lahaa, ma’baadida aad ku shaqeynaysaan idinka ma lihidiin, iska huleela ka qanca dadkan wey tashteen oo waa idin arkayaan, waa socon weyday beentii, ma dhaceyso in mar labaad meel mar noqdaan khuraafaadka ku jahwareerinayseen dadka.” Howl-galkan uu hoggaaminayay guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee dagaalka oo si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan, iyada oo u socdo diyaar garowga u dambeeyay ee gulufka ay qeybta ka noqonayaan dalalka deriska ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, kuwaasi oo halkaasi ka bilaabaya howlgal culus oo saf-balaaran ah. Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal. The post Howl-gal Cali JEYTE uu hoggaaminayo oo maanta lagu burburiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Sudan is falling apart in our midst. Sudan is currently in a state of collapse, and the failure of the Union to effectively help Sudan is not a new occurrence. In the past, the African Union (AU) has similarly failed to intervene in crises in countries such as Somalia, the Democratic Republic of Congo, Mali, Ethiopia, the Central African Republic, Rwanda during the genocide in 1994, South Sudan, Cameroon, Burkina Faso, Chad, Liberia, and Libya. In each of these crises, the AU has taken a backseat approach, leaving the people of these countries to fend for themselves while providing extra time for dictators and warmongers to commit atrocities. In the case of Sudan, the international community led by the US and others are leading multinational efforts to bring the conflict to an end and have managed to bring the two sides to agree to ceasefire even though it fell apart later. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay SH/HOOSE + Khasaaraha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay shacab ku socdaalayay waddada, waxaana ku dhintay hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka agdhaweyd fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib howlgal kooban ka sameeyay duleedka degmada Afgooye, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada xiriiirisa Afgooye iyo Mareerery ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ka fuliya gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee howlgallada xoreynta oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal, waxaana qorshuhu yahay inay howlgallada kusoo biiraan ciidamo ka socdo waddada dariska la ah Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay SH/HOOSE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
