Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug. Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd doo hoostaga deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka. Maleeshiyaadka ka dambeeyay dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay. Falkan ayaa lala xiriirinayaa dilalka aanooyinka qabiil ee inta badan ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi. Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ay isku geysanayaan maleeshiyaadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolladaasi oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug. The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  2. Americans have been intervening there for decades. Isn’t it past time to ask whether we are the problem? Source: Hiiraan Online
  3. Uganda’s constitutional court on Friday repealed the country’s Narcotic Drugs and Psychotropic Substances (Control) Act, 2015 which, among other things, prohibited the sale and use of several narcotic drugs in the country. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has reaffirmed its commitment to continuing support for Somali Security Forces (SSF) to strengthen security, stabilization, and development efforts. Source: Hiiraan Online
  5. The International Organization for Migration (IOM) has urgently appealed for funding to assist migrants facing life-threatening risks in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa maanta masaajidka Villa Somalia ka soo dhaliiley madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, isaga oo durey qaabka uu u wajahayo doorashooyinka qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegey in aan laysku raacsanayn doorashooyinka xilligan, isaga oo ka digay in nidaamkii 24-ka sanno Puntland ay ku soo caano-maashey uu ku burburi karo 24 maalmood gudahood, haddii buu yidhi, ay madaxda maamulku iskudaydo hannaan aan heshiis lagu ahayn. Qaran News
  7. Riyad (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga, ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah, oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa lagu soo dhaweeyay billowga “wada hadallada horudhaca ah” ee magaalada Jiddah ku dhexmari doonna ciidamada Suudaan, iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF. Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in wada hadallada ay uga gol leeyihiin in wax loogga qabto arrimaha bini’aadantinimada. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dhanka kale ee ciidamada RSF-ta. Ciidanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jiddah, si ay wada-hadallada uga qayb-galaan. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, ayaa waxay ku cadaadiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan wada hadal, maadaama ay soo wajahday xaalad bini’aadantinimo oo xun oo ka taagan dalka Suudaan. Ku dhawaad ​​saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah. Wadartaas guud, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegay in in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadkani ay u qaxeen dalalka deriska la ah Sudan. Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax al-Burhan – oo ah madaxweynaha Sudan – ayaa dagaal adag kula jira hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi. The post Wada-hadallo ku saabsan dagaalka SUDAN oo ka furmaya dalka Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  8. Shirkadaha uu u socday tartanku waa kuwa waraaqahood la wadaagay bulshada shirkadan jug soo dhacday ee magaceedu Inyatsi Construction Group Holdings yahay meelna Tartankii shirkadaha kagamay jirin”. Musuq maasuq heer caalamiya Shirakad dhisme oo magaceeda la yidhaahdo Inyatsi Construction Company ayay Xukuumadu sheegtay inay ku guulaysatay tartankii dhismaha suuqa WAAHEEN Hadaba hoos ka akhriso Liiska shirkadihii ka qayb galay tartanka Meelna kagama Jiro magaca shirkada la sheegay inay ku guulaysatey tartankii Xil. SICIID CUDHAY. Qaran News
  9. Children main target of anti-Muslim hatred in US: report Muslim American children exposed to bullying, anti-Muslim material in schools, as their accounts exhibit 63 percent increase in discrimination. OTHERS According to the Progress in the Shadow of Prejudice report by the Council on American-Islamic Relations (CAIR), there was a staggering 63 percent increase in reports of anti-Muslim hatred from schoolchildren. (AP/Jacquelyn Martin) Muslim children in the United States have increasingly been reporting instances of anti-Muslim hatred in schools, although complaints of hateful sentiments and acts seemed to show an overall decline. According to the Progress in the Shadow of Prejudice report by the Council on American-Islamic Relations (CAIR), the largest Muslim civil rights organisation in the US, there was a staggering 63 percent increase in reports of anti-Muslim hatred from schoolchildren. “Bullying in schools and the use of Islamophobic material in classrooms is alarming. While we are pleased to see a decline in government-led incidents, children have become the main targets of Islamophobic hatred,” CAIR’s Research and Advocacy Director Corey Saylor said. He drew attention to an incident in October 2022 in which an Afghan girl, a 9th grade student at a Maryland high school, was subjected to violence by other students when she entered the bathroom to fix her headscarf. The girl tried to escape, but the door was locked on her by a school attendant. In another incident, a teacher in Florida obstructed three Muslim students as they were praying, nearly stepping on the students. The moment was captured on video and was widely circulated online. The teacher was heard saying: “I believe in Jesus so I’m interrupting the floor.” Source TRT World Qaran News
  10. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo si adag u diidan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka ayaa dhammaantood isha ku haya sida Baarlamanka Puntland u wajaho arrintaas. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo qaarkood ka tirsan yihiin urur siyaasadeedyo saamayn xooggan leh ay aad wax isaga weydiiyeen go’aanka ay qaadan karaan haddii Baarlamanku ansixiyo qorshaha wax ka beddelka Dastuurka. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan kuwa raadinaya xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2024 ayaa sida xoguhu tilmaamayaan isku raacay in hal mar la wada qaaddaco doorashada qof iyo cod ee golayaasha degaanka haddii Baarlamanku ansixiyo wax ka beddelka Dastuurka. Siyaasiyiintan oo aan qaarkood la hadalnay ayaa noo sheegay in ay go’aankaas wada tashi kala yeelanayaan siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah oo aysan weli kala hadlin kadibna mowqif midaysan laga qaadan doono. Haddii hal mar ururrada siyaasadda ee mucaaradka ahi ay wada qaaddacaan doorashooyinka golayaasha degaanka waxa gebi ahaanba fashilmi doona damacii madaxweyne Deni ee hirgelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod. PUNTLAND POST The post XOG: Wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo fashil u horseedaya doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  11. For a long time during the 20th century, Mogadishu was known as the Pearl of the Indian Ocean, renowned for its pristine beaches and openness to the world. Source: Hiiraan Online
  12. Senegal completed the group phase of the TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations with a 100 per cent record, after beating debutants Somalia 3-0 in their final Pool A match in Constantine on Friday night. Source: Hiiraan Online
  13. Baarlamanka Puntland ayaa qorshaynaya in ay dhowaan isugu yimaadan fadhi aan caadi ahayn si ay u ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamanka ay isu diyaarinayaan fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo wax ka beddelka Dastuurka Puntland. Golaha xukuumadda Puntland ayaa xalay ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland gaar ahaan qodobka 46-aad si loo kordhiyo xisbiyada ka soo baxaya doorashada qof iyo cod. “Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii caawa ee wasiirada Puntland. Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo ayaa markii hore qeexayay in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dhawaan qorshaynaya in ay ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan booqdo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filayaa in uu Gaalkacyo ka sameeyo ololaha urur siyaasadeedkiisa Kaah ee doorashooyinka golayaasha degaanka. Dhinaca kale siyaasi Asad Diyaano ayaa isna Todobaadkan ku wajahan Gaalkacyo halkaas oo uu ka sameynayo ololaha doorashada golayaasha degaanka ee urur siyaasadeedka Mideeye. Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo si weyn isaga horjeeda dhanka siyaasadda ayaa mid kasta raadinaya in ururkisu uu codad ka helo Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug si uu ugu soo baxo doorashooyinka dowladaha hoose. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo Asad Diyaano oo olole ka samaynaya Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan. “Ifa-faalayaasha muuqda wadada aan soo marnay ee aan sheegayno marka u barbar dhigno ifa-faalayaal fiican ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland. Madaxweynaha ayaa uga digay madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, isagoo hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qal-qal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay. Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada, oo aysan ka tallaabsan, “ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago nuglaada oo dhageysta.” “Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga yaqaano leh waaye, siyaasiyiinta ha la dhageysto, odayaasha dhaqanka ha la dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la yeello.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu leexsaday Deni, ay hore uga gadmi weyday reer Puntland, sidaas darteed ay tahay in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka maamulkaasi ee qof iyo codka ah. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo si weyn u dhaliilay Saciid Deni, kana digay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa maanta shaaciyay in shaqada ciidanka uu ka eryay 32 askari, kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka asluubta. Taliyaha ayaa sheegay in askartaan uu shaqada ciidanka uga saaray laba maalmood gudahooda, kadib markii ay ku cadaatay in ciidanka ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya. Taliye Shub ayaa sheegay in hadda kadib aan loo dulqaadan doonin askarta ciidanka ku dhex joogta cabtooynimada, islamarkaana ay ka sifeyn doonaan ciidanka kuwa bulshada leh. “Anaga ciidanka ah hadda xashiish cabno oo wadada la taaganahay calaq, ciidan waaye la leeyahay oo canshuurtii umadda Soomaaliyeed laga qaaday inta mushaar looga dhigay. Xashiisheyste hadda noqoto suurtoobi-weyso in aad ciidanka kamid noqoto,” ayuu yiri Taliye Shub. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Laba beri gudaheeda 32 qof oo xashiishteyse ah ayaa gacanteyda ku rusqeeyay, oo irida laga saaray. Fadhiyada dhiman ee alkuulista keenin bal Ilaahay idinku dhaarshe keena waa rusqeynayna.” Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa waxa uu sheegay inay rabaan ciidan nadiif ah oo ka madhan daroogo, oo ka tarjumaya sharafta ciidanka Soomaaliyeed. “100 askari xataa manoo soo hadho, 100 askari oo nadiif ah ayaa rabna, oo sharaf leh, oo sharaftii ciidanka muujineysa. Inta aan maanta joogno aan wax toosino.” Tallaabadan uu qaaday Taliye Shub ayaa daba socota amar uu dhawaan faray saraakiisha ciidanka asluubta, kaasi oo kaga dalbaday inay usoo gudbiyaan askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya. Si kastaba, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan. The post Taliye SHUB oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay khilaafka doorashada Puntland. “Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay masaajidka madaxtooyada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay doorashada qof iyo cod ee Puntland mid aan loo dhameyn. “Doorashada qofka iyo codka ah horay ayaa Puntland loogu tibaabiyay oo dadka haddii aanay raali ka ahayn, lama marin karo“ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xilli ay xalay golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen soo jeedin ku saabsan wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland, halka siyaasiyiinta mucaaradka ay ka horyimaadeen taallaabadaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Laascaanood (Caasimada Online) – Sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ayaa ku biiray ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe ayaa ciidankan iyo sarkaalka horkacayay kusoo dhaweeyay Jabhada SSC, waxayna ku biirayaan dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood. “Caro-wayn qaybna Jabhada ayaa ka daganayd qaybna ciidamada deegaanka ee Somaliland ka mushaar qaata. Waxaanu ku guulaysanay in labadii ciidanba ay hal ciidan isku noqdaan,” ayuu yiri Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe. Taliyaha ayaa waxa uu ku bogaadiyay Kornayl Maxamed Deeq oo ah sarkaalka horkacayay ciidanka ku biiray Jabhada SSC, inuu la dareen noqday dadkiisii iyo deegaankiisii, uuna kasoo horjeestay duulaanka lagu yahay dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay meel iska fadhiyi doonin ee ay dagaalami doonaan, “Waa soo dhamaatay waan-waan kasta oo la doonayay in dagaalka lagu joojiyo, waxaan galaynaa halgan, iska fadhiyi mayno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidanka kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan. SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland. Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata in dhinacyadu xabada ku joojinayaan, iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan. The post Sarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray SSC appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaa markii koobaad dalka la keenay waxbashada heerka sare (Masters programs) ay leedahay jaamcadda Kenyata oo ay ku jiraan kuwa baahi weyn loo qabay. Munaasabadda daahfurka ayaa lagu qabtay Magalaada Muqdishu. Waxaana Masterada Martigalinaysa Jaamacadda SIU ee uu saldhigeedu yahay magaalada Muqdishu. Bahdwada waxbarashada iyo howladeennada dowladda ayaa goobjoog ka ahaa furitaanka munaasabadda. Waxaa masterada kamid ah: 1. MASTERS OF BUSINESS ADMINISTRATION oo leh labo takhusus: a) Entrepreneurship b) Procurement and Supply Chain Management 2. MASTERS OF PUBLIC HEALTH o oleh seddex takhasus: a) Reproductive Health b) Epidemiology and Disease Control c) Monitoring and Evaluation iyo Masteradda culuumta siyasadda oo kal ah: 3. MASTERS OF PUBLIC POLICY AND ADMINISTRATION 4. MASTERS OF LEADERSHIP AND GOVERNANCE 5. MASTERS OF ARTS IN INTERNATIONAL RELATIONS AND DIPLOMACY. Waxaa xusud mudan in ay jaamacadda kenyata kamid tahay 15 jaamacadood ee ugu horreeya tayada waxbarashada qaaradda Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada uu qaaday Golaha Wasiirada maamulkaasi, ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka. Bayaan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan. “Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansixin ku sheega sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraddu ay 4-tii May 2023-ka wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Madasha ayaa waxay ugu baaqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay joojiyaan wax ka badalka Dastuurka, islamarkaana aysan kusii dhiiran ku xad-gudubka Dastuurka maamulkaasi. “Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamadda Dastuurka ugu baaqaysaa inay hor istaagto ku xad-gudubka Dastuurka oo ah heshiis bulsho, islamarkaana ay gudato ilaalinta dastuurka oo ah waajibaadkeeda Dastuuriga ah,” ayaa sidoo kale lagu bayaanka madasha. Sidoo kale waxay madasha siyaasadda ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in uusan ku dhex milmin damaca siyaasadeed ee Saciid Deni, ayna qeyb ka noqon curyaaminta geedi socodka hanaanka dowladnimo, una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni. “Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqaysaa inaynaan indhaha ka laaban burburka dowladnimo ee uu wado madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay. Sidoo kale waxay shacab weynaha reer Puntland ugu baaqaysa in si buuxda looga hor-yimaado ku takri-falka awoodda dastuurka.” Bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay ku cadeysay in xaalad kasta oo ka dhalata damaca arrintaan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Warkan kasoo baxay Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Puntland ayaa waxa uu imanaya saacado kadib markii ay Golaha Wasiirada Puntland ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi. Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni. Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan. The post Madasha Siyaasadda P/L oo bayaan culus kasoo saaray tallaabadii golaha wasiirada appeared first on Caasimada Online.
  21. German Chancellor Olaf Scholz urged Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed on Thursday to ensure lasting peace in the country, particularly after the Tigray conflict, which has caused widespread death, violence and displacement. Source: Hiiraan Online
  22. The media holds a challenging role as informers of society amid increasing efforts by extremists to use their channels to spread their destructive narratives, Australia High Commissioner to Kenya Luke William has said. Source: Hiiraan Online