-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 32-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay. Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, shir-guddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne ku-xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblumaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo marti-sharaf kale oo tiro badan. Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo xuska maalinta 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen ciidamada kala duwan ee Somaliland. Sidoo kale, waxay sanadkaan Somaliland kusoo bandhigtay fagaarahaasi cudud ciidan iyo saanad militeri oo Somaliland leedahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee gudaha iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen. Ciidamada kala duwan ee Somaliland sida militeriga, kamaandoosta, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasi oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale. Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa kalmad kooban ka jeediyey munaasibadda, wuxuuna shacabka ku hambalyeeyey xuska maalintaan ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaal-degga ugu jirta maalintaan. Waxa uu sidoo kale isagna uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan iyo shacabka reer Somaliland, ee xuska maalinta 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay. Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa 32 sano kadib oo ku suntan dabaal-degga maanta, ayaa illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Ciidanka Somaliland oo dhoola-tus cajiib ah ka sameeyay xuska 18-ka May appeared first on Caasimada Online.
-
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta shirjaraaid oo ku qabtay Muqdisho uga hadlay qodobo muhiim ah oo quseeya Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland. Mudane Guuleed ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay shaqooyinkii Muhiimka ahaa ee uu xafiiskiisa qabtay tan iyo markii la magacaabay, kuwaas oo isugu jiray arragti aruurin iyo Wadatashiyo lala yeeshay Madaxda Qaranka iyo indheergaradka Bulshada, ayna soo soo baxeyn natiijooyin aad u wanaagsan oo hormuud u noqon kara ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland. Dhanka kale Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa tilmaamay in Dowladda DFS ay ahmiyad gaar ah siineyso qadiyadda midnimada Umadda Soomaaliyeed, taas oo uu carrabka ku dhuftay in ay ku suuragali karto in si wadajir ah loo wajaho, lagana fogaado waxkasta oo wax udhimi kara. Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay in Colaadu tahay mid dadka sii kala fogeysa, geesatana dhibaatooyin iyo mahadho aan soo kabasho la heyn, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in waxkasta loomaro dhabaha nabadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in Dekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay agab kale duwan iyo saanad ciidan oo ku sucotay dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa. Wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha la qabtay ay isugu jiraan agab ciidan, sida dharka ciidanka walxaha laga sameeyo Qaraxyada iyo gadiid, waxaana uu intaas ku daray in alaabtaan soo dejinteeda dadka loo qabtay ay ku jiraan Ganacsato, kuwaas oo u qaabilsanaa soo dejinta, kuwaas uu sheegay in cadaaladda la hor keeni doono. “Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidanku ay isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab. Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadda ciidan oo logu soo dhexqariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo gelinayay ilaa iyo Wadankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqeynayay” ayuu yiri Wasiir Xagaa. Ciidanka Hey’adda Nabad sugidda ayaa muddooyinkii dambe baaris iyo dabagal ku waday waxyaabaha dalka la soo geliyo, kuwaas oo ganacsi ahaan uga soo gala dekadda iyo Airporka caasimad, waxaana hey’addu sheegtay in looga golleeyay in laga ilaalinta amniga iyo in laga hortago falalka amni darro ee ka dhaca caasimaddka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In the past three days, numerous events have unfolded, which, if they persist, could lead to unfavorable outcomes. On May 15, 2023, the Puntland Political Forum, consisting of politicians from within and outside the country, issued a statement urging the President of Puntland, Said Abdulahi Deni, to engage in negotiations to discuss the election process. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab. Sirdoonka Somalia ayaa si dhow ula socday Saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay intaba. NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo gobalada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekada ilaa gaarsiinta gacanta Khawaarijta. Dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan. ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan Cadowga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale uu qabtay sirdoonka Somalia. Dhanka kale Sirdoonka Somalia wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho. Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena. Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka. Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad Sudigidda Sirdoonka Qaranka ee NISA oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta ku dhigay agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in agabka ciidamada iyo saanad kale lagu qabatay gudaha dekadda, kuwaas oo ay sheegtay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan looga soo dajiyay dekadda iyo garoonka Muqdisho. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab” ayay tiri NISA. Sirdoonka Soomaaliyaa ayaa intaasi ku daray in uu si dhow ula socday saanaddan ciidan, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay in la keeno gudaha dalka. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo gobollada, sida ay hadalka u dhigtay. Waxa ay sidoo lale xustay inay ka wada shaqaynayeen, soo iibinta, soo rarista iyo soo dejinta , si loo gaarsiiyo Al-Shabaab, ayada oo dhammaantoodna gacanta lagu soo dhigay. “Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka NISA. Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro ganacsato waa weyn oo ay dowladdu siisay ogolaansho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin, si ay ugu ganacsadaan gudaha waddanka. Hay’adda ayaa sidoo kale la wareegtay afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan, si ay u geeyaan deegaanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada dalka. Dhanka kale, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in agab kale oo ciidan ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga sameeyay howlgal kale oo qorsheysan, kuwaas oo toos loogu keenay diyaarad. “Dekadda iyo Airport-ka waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa caddeyn u ah shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka waddanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna” ayuu sii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska NISA. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la macaamiilka Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaallo culus oo uga furan gobollada dalka. The post DEG DEG: NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad loo waday Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta boqalaal dadweyne ah oo isugu soo baxay magaalada Hargeysa si ay ugu dabaal-deggaan xuska 18 May ee aas aaska Somaliland ayaa khudbad u jeediyay, wuxuuna ka hadlay arimo dhowr ah dagaalka xoogan weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood. Muuse Biixi ayaa wacad ku maray in ay si wadi doonaan, isla-markaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland. “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan dheel-dheel ka ahayn dagaalkan, isla-markaana ay xoreyn doono dhulka Somaliland, sida uu ku dooday “Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa inta uu doono ha qaato, dhiigga ragga ha daato, dalkana waa xoreyneynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray xubnaha beesha caalamka, isaga oo sheegay inuu macaamil wanaagsan kala dhexeeyo, balse aysan aqbali doonin inay faro-geliyaan. “Dowladaha caalamka cid walba nabad ayaan u haynaa, talada annagaa iska leh, laakiin nama maamuli kartiin,” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland. Hadalkan ayaa uga sii daraya colaadda Laascaanood oo qaadatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac. The post Madaxweyne BIIXI oo diray hanjabaad culus, “Dagaalku joogsan maayo illaa…” appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar ayaa u soo bandhigay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga. Madaxweynaha ayaa ganacatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah. “Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga.” Dhankooda, Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya, iyagoo bogaadiyey guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda. Ra’sul Wasaaraha oo guddoomiyey shirka amniga caasimada, kaas oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho ayaa intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in guulaha la gaarey ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor. Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay hal ajende oo ah amniga caasimada. Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka qayb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ugu horreyn golaha warbixin ka dhageystay duqa Muqdisho iyo taliyeyaasha ciidanka ee goobjooga ahaa, kuwaas oo faahfaahiyay guulaha laga gaaray amniga gobolka Banaadir. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda, sida uu hadalka u dhigauy Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor. Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qayb ahaan amniga lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah oo kusoo tababartay Uganda, kuwaas oo guul ka keenay amniga caasimada. The post Golaha wasiirada ‘oo qiray guul aan caadi aheyn’ oo laga gaaray… appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (HOL) - The United Nations is investigating potential violations of the longstanding arms embargo and possible breaches of international humanitarian law (IHL) in the escalating conflict in Las Anod, according to a confidential report. The United Nations Panel of Experts on Somalia recommends sanctions under resolution 1844 (2008) for those found in violation. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) – President Muse Bihi Abdi of Somaliland has raised allegations against ex-officials from Somalia's former military regime and the Puntland administration, accusing them of a conspiracy to partition Somaliland. During a commemoration event on May 18, President Bihi vowed a strong defence against such endeavours. Source: Hiiraan Online
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo qaraar oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Dagaallada oo soo billowday saaka aroortii hore ayaa soo gaaray illaa duhurkii maanta waxayna ka kala dhexeen saddex jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga. Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalladan, wuxuuna mid kasta shaaciyay in weerarka lagu soo qaaday fariisimahooda, sida ay ku sheegeen warar ay soo saareen. Qoraal kooban oo kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay iska difaaceen weeraro culus oo ay kusoo qaadeen ciidanka Somaliland. “Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in ciidamadooda ay jabiyeen kuwa Somaliland, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen. “Ciidamadeenu jab weyn ayay u gaysteen malayshiyada soo duushay ee Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo. Dhinaca kale Somaliland ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay dagaalladan, waxayna shaacisay in la soo weeraray fariisimaha ciidamadeeda ee ku yaalla gobolka Sool, xilli ay ciidamadooda u dabaal-dagayeen xuska sanad guurada 18-May ee aas aaska Somaliland. “Fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Gooja-cade oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer iyaga oo ku danbeeya jab & firxad” ayaa lagu yiri warkan. Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo iyadu qoraalka soo saartay ayaa sheegtay in dagaalkan ay qayb ka ahaayeen ciidanka Puntland-Soomaaliya iyo kooxo Argagixiso ah. The post Somaliland iyo SSC oo guullo ka kala sheegtay dagaalkii maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Soomaaliland oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaal ka dhacay Laascaanood. “Fadhiisimadda Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Laascaanood ku sugan waxa maanta Weerar qorshaysan ku soo qaaday Ciidamada Huwanta ah ee is garabsanaya ee Maamulka Puntland-Soomaaliya, Kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa Degaanka ee La khalday. Ciidamada Qaranka Somaliland oo ay maanta u ahayd maalin ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la qaataan Dabaal-degga la soo Noqoshada Madaxbanaanida Qarannimada Somaliland ee 18 May ee 32aad lagana xusayey maanta dhamaan gobolada dalka, balse fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Gooja-cade oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer iyaga oo ku danbeeya jab iyo firxad.” Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Korneel Cismaan Maxamed Jeelle. Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Korneel Cismaan Maxamed Jeelle uu muddo dheer u soo adeegayey qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladdii Dhaxe, Duqa Magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyada kale oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo uu kala soo shaqeeyey Dowladihii soomaray dalkeenna. “Inna Lillaahi Wa Inna IIayhi Raajacuun, Alle ha u naxariisto Cismaan Maxamed Jeelle, oo waqti badan ku soo bixiyey u adeegidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday” Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Cismaan Maxamed Jeelle in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wadanka waxa ragaadiyay khilaaf siyasadeed oo gacan-ku-samays ah, shaqaaqo baahsan, isku dhacyo beeleed & Dagaal sokeeye oo aan midnaba xalkoodu muuqan Ku dhawaad kun wiil oo dhimasho iyo dhaawac ba leh, oo dhaawaca na in badan oo ka mid ahi tahay naafo inta cimrigooda ka hadhay, oo la gu dul tuuray qoysaskii ay dartood halista u galeen, dib na cidi aanay u xasuusan doonin iyaka iyo kuwa dhintayba, ayaa maanta 18 May dan ka maqan. Wadanka waxa ragaadiyay khilaaf siyasadeed oo gacan-ku-samays ah, shiqaaqo baahsan, is ku dhacyo beeleed iyo dagaal sokeeye oo aan midnaba xalkoodu muuqan. Sidaas oo ay tahay, Dhahar wuu faraxsanyahay, wuu hanjabayaa, wuu hadrayaa, wuu hadlayaa oo is ka hadlayaa. Ninka tolkii aamini waayay beesha caalamku maxay u qaban ku lahaa? Tolka aad sheegaysaa waa kee; hadii la gu yidhaahdo, waa hubaa wax uu ku jawaabo in aanu aqoonin. Muuse waa Muuse! Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Ragga dheel-dheelayoow dagaalku wuu soconayaa ilaa inta taako Somaliland ah uu cadowgu haysto” “Cadawgu ka talin maayo doorashada yada, beesha caalamkuna kama talinayso oo ma fara galin karto doorashadayada. Moorgan 88 kii halkan ayaanu isku haleelnay, kabash kabash-tii ka yeedhay waala ogaa, hadaad soo celisaan waanu edbin doonaa”….Waxaa sidaas Yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray ayaa sheegay in shabakad ka ganacsaneysay maan-dooriye oo dhowaan lagu qabtay Muqdisho ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in marka hore la qabtay nin hoggaaminayay kooxdan, kadibna lagu oo qabtay raggii kale ee la shaqeynaay, kadib howlgal ka dhacay gudaha caasimada. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ku howlanayd sameynta iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa oo dhibaato ku hayo bulshadeenna. “Xafiiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay shabakad abaabulan, kuna howlanayd sameynta ka iyo ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka. Sidoo kale waxa ay Xeer Ilaalintu intaasi kusii dartay in la guda-gali doono maxkamadeynta raggan, kadibna tallaabo adag laga qaadi doono. “Marka ay baarista soo dhammaato waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda, si loo maxkamadeeyo,” ayuu mar kale lagu yiri warqadda. Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ew Qaranka ayaa digniin culus u diray ganacsatada soo dajisa maan-dooriyaha iyo kuwa isticmaala, isaga oo sheegay inay la dagaalami doonaan. Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka ee lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, isla-markaana uu horkacayo gobolka Banaadir. Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay in ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah maan-dooriyaha. “Waxaan bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay qayb ka noqdaan dagaalanka lagu ciribtirayo maan-dooriyaha oo ay la soo wadaagaan warbixinada dembi, ayaga oo soo wacay 4949” ayaa lagu soo gabaganeeyay qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta. X The post Shabakad lagu qabtay Muqdisho oo loo gudbiyay maxkamadda G/ Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Ilwad Elman knew she would be risking her safety and possibly even her life by going back to Somalia — but she was determined to go. It was 2010 and Elman, just 20 years old, was returning to her home country after growing up as a refugee in Canada with her family. Source: Hiiraan Online
-
Shir ay iskugu yimaadeen Madax dhaqameedka iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda labadii beelood ee Shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Ali Saahid ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay Xabad joojin iyo Baaq nabadeed. Madaxda dhaqanka labada dhinac iyo Ergo hawshaas nabadaynta wada ayaa goobta ku sugan. Qaran News
-
Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xasan ayaa 48 saacadood Culays weyn galiyey Sidii nabad iyo walaalnimadii iyo Xabad Joojin Looga Dhalin lahaa Labada Beelood ee walaalaha ah ee Wada Daga Gobolka Togdheer gaara ahaana Deegaanka Cali Saahid. Madax dhaqameedka labada dhinac ayaa gaadhay Is Afgarad,Xabad joojin iyo Baaq nabadeed.” Qaran News
