-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The UN Secretary General Antonio Guterres on Wednesday called on nations to immediately ramp up funding to prevent a "catastrophe" in the Horn of Africa, which is suffering its worst drought in generations. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS (Reuters) – The United Nations received pledges of $2.4 billion on Wednesday to help fund aid operations for some 32 million people across Ethiopia, Kenya and Somalia, but the donations fell short of what the U.N. was seeking as it warned against a possible “catastrophe.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 5 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska. Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu gawaaridan ku wareejiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, oo markii hore asal ahaantood lahaa. “Iyadoo ay wali socdaan dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’adaha DFS, ayaa Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleystay inuu ku wareejiyo Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka shan gaari oo horay gacantooda uga maqnaa.” Hanti-dhowrka ayaa sidan oo kale 14-kii bishaan ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, uuna ku wareejiyay. Arrimahan ayaa imanaysa, xilli Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud. Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.” Si kastaba, Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.” The post Hanti-dhowrka Qaranka oo ku guuleystay dib usoo celinta 5 gaari, kuna wareejiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo bandhigeyso waxqabadka dowladda ee toddobaadkan, kaasi oo lagu soo qaatay safaradii u dambeeyay ee madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, howl-galada iyo halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo kale oo dhowr ah. Bayaankaan oo qodobeysan ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxaana ciwaan looga dhigay “Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS.” – Hoos ka aqriso Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda. Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab. Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan. Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya. Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo. Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari. The post DF Somalia oo soo saartay bayaan cusub oo lagu soo bandhigay dhowr qodob appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka doorashada madaxtinimo ee Galmudug 2024, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud (Qaaf) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ka digay qorshaha muddo kororsiga ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ). Cabdikaafi ayaa sheegay muddada halka sano ah ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu ugu kordhiyay Qoor Qoor ay tahay mid ka soo horjeeda Dastuurka iyo heshiiska beelaha wada dega Galmudug, taasoo uu sheegay inay horseedeyso qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo fowdo. Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhi uu yeeshay 13-kii bishii September sanadkii 2022-kii waxay muddo xileedka madaxtinimada Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahayd muddo 4 sano ah taasoo ku eg 2 Febraayo sanadka 2024 ka, ku kordhiyey muddo 1 sano ah wuxuuna ka dhigay muddo 5 sano ah. Musharax Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin, kana soo horjeeda dastuurka iyo nidaamka dimoqraadiga, wuxuuna shacabka Galmudug iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka uu ku wargeliyay in wixii dhibaato ah iyo qalqal siyaasadeed ee ku yimaada hanaanka dowladnimo ee Galnudug uu masuuliyadeeda qaadi doono Axmed Qoor Qoor. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka madaxweyne ee Galmudug ayaa sheegay in muddadii uu kursiga ku fadhiyay Qoor Qoor ay dib u dhac la kulantay Galmudug, gaar ahaan adeegyada bulshada ee laga maarmaanka ah. Wuxuu ugu baaqay Shacabka Galmudug inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga Qoor Qoor taasoo uu tilmaamay inay ka soo horjeedo Dastuurka iyo heshiiska Beelaha wada dega Galmudug. Aweys Foodeey Nairobi, Kenya The post Wasiirkii hore ee qorsheynta Galmudug oo ka digay qorshe uu wado Axmed Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Musharaxa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro, “Waxa aan maanta hadhimo sharafeed u sameeyey Madax dhaqameedka, Xildhibaanada, Cuqaasha, waxgaradka beelihii walaalaha ahaa ee nabadda la kala dhex dhigay, sida oo kale waxaa aan marti qaadnay Wasiirada Xukuumadda, Maamulka Gobolka, Golaha Deegaanka ee Burco iyo qeybaha kale ee bulshada. Nabaddu waa salka iyo aasaaska nolosheenna.”…Musharax Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
-
Madaxweyne Deni, ayaa diray farriintiisii ugu dambaysay ee uu shacabka kaga codsanayo in ay codka siiyaan ururkiisa Kaah. Numberada shacabka ayuu garaacayaa si uu codka u waydiisto. Puntland ayaa maalinta berri ah gelaysa doorasho taariikhi u ah oo qof iyo cod ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in Doorashada Garoowe ay dib u dhicikarto maadaama oo mucaaradku diidan yahay balse weli lama xaqiijin. Doorashadu waa mid Gole deegaan sidoo kalena Ururrada siyaasadda ayaa ku tartamaya si ay xisbiyo u noqdaan. Haddii aad Puntland joogto telephone-ka Deni ma ku soo garaacay ? Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray saraakiil sar-sare oo ka socda Booliska dalka Turkiga. Wafdigan culus oo ka socda Booliska Turkiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Booliiska Soomaliyeed. Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ay u yimaadeen in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto, kuwaas oo qayb weyn ka qaatay amniga magaalada Muqdisho oo ay haatan ka howlgalaan. Wafdiga oo ka koobnaa Afar sarkaal ayaa dhamaantood ka socday ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin: 1: Taliyaha özel Harekat 2: Taliyaha Arimaha Dibadda 3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda Iyo Sarkaal katirsan özel harekat. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in booqashada wafdigan ay qaadan doonto muddo dhowr cisho ah, isla-markaana ay kulmi doonaan madaxda dowladda Soomaaliya. Turkiga ayaa haatan ah dalka koowaad ee milatariga ka taageero Soomaaliya, wuxuuna tababar siiyaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab. Si kastaba, Turkiga ayaa haatan wajaha doorashada adag oo la’isla aaday wareegga labaad, ayada oo dadka Soomaaliyeed ay taageero u muujiteen Recep Tayip Ordogan. The post Sawirro: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Turkiga ay usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Nabada Togdheer ee uu hormuudka ahaa Madaxweynaha mustaqbalka Cabdiraxmaan Cirro waan bogaadinaya. Waxaan sikal iyo laab ah usoo dhowaynayaa heshiiska burco Ee ay ku heshiiyeen labada beelood Ee walaalaha ah ee riximka iyo qaraabada ah ee wada dega cali saahid iyo hawdka burco ilaahayna waxaan uwaydiinayaa Inuu u adkeeyo wacadka iyo dhaarta Lagu iba maray heshiiska,Waxaan bogaadinayaa Madaxdhaqameedka iyo xukuumada Iyo mucaaradka oo hormuudka ka ahaa Madaxwaynaha mustaqbalka Cabdiraxmaan ciro” Boqor Cismaan Buurmadow. Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa ka qayb galay shir dhaqaale loogu ururinayey waddamada geeska Africa gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya oo ay saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysey, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar ka mid ah gobolada dalka. Shirkaan oo ay wadajir u soo agaasimeen dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa wasiirku ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida Beeraha, Xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed. Shirkan oo socday muddo kooban ayaa deeq bixiyeyaashu ku ballan qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo malyan oo dollar (USD2.3B) oo loogu talo galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina. Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Federalka Soomaaliya ay waddo. Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Mareykanka ayaa maanta liiska madow ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin: Maxamed Siidow oo Mareyanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee Al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha Al-Shabaab uga ururiyo tuullada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu Al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn. Waxaa kale oo xubnaha uu Mareyanku ku daray liiska madow ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda Al-Shabaab ee ganaaxa ururisa. Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka. Sidoo kale waxay dawladdu Mareykanku maanta sheegtay inay liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah Al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka. Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran. Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Mareyanku sheegay inuu hoggaaminayey koox Al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Mareyanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Macalin Burhaan oo Mareykanku sheegay inay kala yihiin ku-xigeenka amiirka deegaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose. Xubnaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas, iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururiyeen Al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado. The post Mareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ka qayb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo dhaqaale loogu aruurinayey waddamada geeska Africa, gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya. Saddexdan dal ayaa waxaa saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysay, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar kamid ah gobolada dalka. Shirkaan oo si wadajir ah u soo agaasimeen dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa waxay deeq-bixiyeyaashu ku ballan-qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo dollar ($2.3B). Kaalmadan cusub ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya. Shirkan oo socday muddo kooban ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida beeraha, xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirweynahan la wadaagtay waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka. The post Soomaaliya iyo laba dal oo kale oo helay kaalmo dhaqaale oo kor u dhaafeysa laba bilyan oo dollar appeared first on Caasimada Online.
-
Washington DC (HOL) - The U.S. Department of the Treasury's Office of Foreign Assets Control (OFAC) has imposed heavy sanctions on 26 individuals and entities linked to the Somali-based terrorist group al-Shabaab, and the Somali Charcoal Smuggling Network, both of which have long been destabilizing the region. This action, announced on Wednesday, specifically targets operatives involved in financial facilitation, illegal business activities, and unlawful charcoal smuggling, which has generated substantial revenue for al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ee berri ah uu caasimada ka dhaqan-gelayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada magaalada Muqdisho ee ahaa A iyo B. Bajaajyada wata sumada A ayaa 25-ka May oo berri ah ka shaqeyn doona magaalada Muqdisho, halka B iyaduna ay shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayay A iyo B, islamarkaana wixii ka dambeeya hadda ay ganaax lacageed mudan doonaan Bajaajyada aan weli marin nidaamkaasi. “Iyada oo la fulinayo oo la meel-marinayo go’aankii gobolka Banaadir ee ahaa in 24-ka May oo maanta ah ay ku eegtahay diiwaan-gelinta iyo midabeynta Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho, ayaa waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyad u hoggaansamay awaamiirtaas, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.” “Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.” Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in Mooto Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100. Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir. “Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.” Ugu dambeyntiina maamulka gobolka Banaadir ayaa faray Nootayooyinka in aysan kala wareejin karin Mooto Bajaaj, islamarkaana “haddii ay timaado kala gadasho Mooto ay tahay in lagu soo wargeliyo waaxda gaadiidka ee dowladda hoose,” si loo beddelo milkiilihii hore, maadaama lagu diiwaan-geliyay markii hore. The post Maamulka gobolka oo ku dhawaaqay ‘arrin berri ka dhaqan-gelaysa’ Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – In an impassioned plea, Antonio Guterres, the UN Secretary-General, has urged nations to act promptly to avert a looming catastrophe in the Horn of Africa. According to Guterres, the region, comprising countries such as Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia, South Sudan, and Sudan, is battling its most severe drought in 40 years. The Horn of Africa has been grappling with this devastating drought since late 2020, and the situation has progressively worsened. Five consecutive seasons devoid of rain have resulted in desolated crops and the death of millions of livestock. This disaster has plunged over 43 million individuals in Somalia, Ethiopia, and Kenya into desperate need of immediate and significant assistance for their survival. In a startling revelation by the UN’s humanitarian agency, OCHA, over 23.5 million people are surviving under acute food insecurity conditions in Ethiopia, Kenya, and Somalia. Moreover, in Somalia, 6.7 million people are struggling to find food, and displaced individuals have risen to a staggering 3.8 million. The situation is further exacerbated, with over half a million children suffering severe malnutrition. Climate crisis: An unpaid debt Climate scientists from the World Weather Attribution (WWA) group have strongly linked the drought to greenhouse gas emissions’ effects in an April report. “People in the region are paying an unconscionable price for a climate crisis they did nothing to cause,” commented Guterres, highlighting the injustice of their plight. In a recent New York conference, Guterres expressed dissatisfaction with the current level of funding for the region. He stated that only 20 percent of the UN’s humanitarian response plan for the Horn of Africa was funded, amounting to a meager $1.63 billion pledged. “Without an immediate and major injection of funding, emergency operations will grind to a halt, and people will die,” Guterres cautioned. The Secretary-General appealed for global solidarity and an urgent donation of $7 billion to help those in need across the region, reminding everyone of last year’s successes. Guterres mentioned, “Last year, donor countries delivered vital help to 20 million people in the region and helped avert a famine.” First signs of hope The conference witnessed a step in the right direction with Islamic Relief Worldwide, a British-based NGO, pledging $18 million to alleviate the crisis. Despite this encouraging development, the overall response to the drought remains woefully insufficient. Guterres ended his appeal with a call for immediate action, saying, “We owe them solidarity. We owe them assistance. And we owe them a measure of hope for the future. This means immediate action to secure their survival. And it means sustained action to help communities across the Horn adapt and build resilience to climate change.” The post UN chief appeals for immediate funding for Horn of Africa appeared first on Caasimada Online.
