-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
INDIANAPOLIS (HOL) - A 14-acre compound hums with activity in Indianapolis, the unlikely epicentre of a transportation empire known as Royal Transportation. At its helm is Issaq Awale, a man whose nomadic journey across continents led him to create Indiana's third-largest private car service company. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka laabtay waaran uu dhawaan u jartay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkooda, kuwaasi oo diidana hanaanka uu maamulka Saciid Deni ku wado doorashada Puntland. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafka ka taagna doorashada, kaasi oo dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe. Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed ayaa la sheegay in lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay magaalada ka saaran maleeshiyaadka taabacsan, islamarkaana ay doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon. Odayaashan dhaqanka ayaa waxa lasoo warinaya inay mucaaradka ku qanciyeen in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, islamarkaana ay magaalada caasimadda ah ka saaraan maleeshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga caasimadda. Mucaaradka ayaa la qaatay isimida iyo nabadoonada in doorashada golaha deegaanka kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka. Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaaduqda doorashada golaha deegaanka ee gobolkaas, kadib markii dhinacyada isku hayay arrintaan ay dhamaantood ku qanceen go’aanka dhaqanka. Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka, oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe. Waxaa la qorsheeynaya in maalin kadib loo dareeri doono doorashada golaha deegaanka ee 37 degmo ee maamulka, taasi oo lagu tilmaamay “dhacdo taariikhi ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kadib.” Arrimahaan ayaa imanaya xilli ay wakiiladda beesha caalamka ay taageero u muujiyeen isku dayga uu madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah. “Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka wakiiladda caalamiga ah. Sidoo kale waxaa bayaankas ay ku sheegeen inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafaadka doorashada ka jira, iyada oo loo marayo hanaanka sharciga. Si kastaba, Xiisadda Puntland ee ka dhalatay doorashada ayaa hadda u muuqata mid kasoo reynaysa, xilli ay maalmihii lasoo dhaafay xoogeysatay, taasi oo galaafan gaartay amniga guud ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland. The post DENI oo ka laabtay waarankii soo qabasho ee mucaaradka kadib arrin ay aqbaleen appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha golaha guurtida Saleeban Maxamuud Aadan ayaa sheegay in dalku galay xaalad aan caga badan ku taagnayn oo hubanti la’aan ah meel walba-na ay qiiqayso “Boorama ayey ka taagan tahay, oo Saaxil ayay ka taagan tahay, oo Sool ayay ka tagaan tahay , oo Sanaag ayay ka taagan tahay, dalka meel aan qiiqatni majiro. Hadda lagu maqan yahay oo Guurtidii ku maqan tahay, kuwa dhibtoodii ilaa hadda xal loo laayahay, meel walba fooda la is’haysta oo dalka oo dhanba qiiqaya xaalad nabadgelyo-darro ayaa jirta.. “ Ayuu yidhi Source
-
Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga ATA Sinan Ogan ayaa ku dhawaaqay in uu taageeri doono Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga AKP Recep Tayyip Erdogan wareega labaad ee doorashada Madaxtinimada. “Waxaan ka dalbanayaa codbixiyeyaashii noo codeeyay inay sidoo kale taageeraan Mudane Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yidhi Ogan. Sinan Ogan oo hadal ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in door wax ku ool ah ay ka qaateen doorashada iyagoo helay 5.2 boqolkiiba codadka wareegii koowaad. “Waxaan jabinay xaaladdii muhiimka ahayd ee lagu abuuray xisbiga HDP, waxaan ka dhignay wadaniyiinta Turkiga, waxaan ka qayb qaadanay in ay muuqato doorasho xoogan oo wadani ah oo ka dhacda Turkiga, waxaan ka dhignay musharaxiintii u soo baxday wareega labaad inay ku dheganaadaan hadalkeena.” Waxaan abuurnay wacyigelin ku saabsan mabaadi’da aan la bedeli karin ee Dastuurka iyo fikradaha Turkiga.” “Arrinta magangelyo doonka ee Turkiga waa arrin laga yaabo inay mustaqbalka dalkeenna ku yeelato kharashyo amni, dhaqaale iyo mid bulsho. “Arrinta dhul-gariirku waa arrin deg-deg ah oo ku saabsan amniga qaranka, qoraalkayaga Wasaaradda Masiibooyinka oo aanu muddo dheer soo jeedinay, weli waa mid cusub. “Siyaasadaha danta ku jihaysan ee dhaqaalaheena waa in dib loo eego.” Source
-
Doorashada madaxweynaha wadanka Turkiga ee lagu madlansan yahay 28-ka bisha ayaa durba soo baxaya isku soo dhowaasho iyo isxulufeysi xisbiyada qaar u dhaxeeya, kadib markii uu shir’ ja’aaid uu Isniintii qabtay Sinan Ogon uu taageero ugu muujiyay madaxweynaha talada haya Reccep Tyyib Erdogan oo ah hoggaamiye adag. Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii sedexaad codadkooda ka dhiibanaya, iyadoo maalinta barri lasoo gabagabeynayo oo taarriikhdu tahay 24-ka May , iyadoo siweyn ay ugu tartamayaan labada xisbi ee AK Partty ee hoggaamiyo Erdogan iyo xisbiga mucaadka ah ee Jamhuuriga uu u tartamayo Kemal Kılıçdaroğlu. Doorashada Qurbajoogta ayaa saameyn badan ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiq codbixinta ayaa waxaa lakala dhigidoonaa ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, waxaana sanaadiiqda codadka la geyn doonaa Turgiga si halkaas loogu tiriyo , iyadoo siweyn loo sugayo amniga Sanaadiiq codadka, waxaana sidoo kale olole aad u xooggan uu ka socdaa gudaha dalka oo 28-ka loo dareerayo wareegga labaad. Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa siweyn isugu haya musharaxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Partty iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo sedexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Muvement Partty waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu la midoobi karo xisbiga AK Partty ee uu hoggaaminayo Recep Tayyip Erdogan, kaas oo markii sedexaad doonaya hoggaanka dalka Turkiga . Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku adadag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ula dhacsan siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka. Doorashada dalka Turkiga ayaa waxaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay macquul tahay in wareegga sedexaad loo baahdo maadaama dadka Turkida ay u kala jabeen kuwa taageersan Xisbiga talada haya AK Partty iyo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga oo doonaya dhankooda isbedel cusub iyo xukunka dheer ee AK Partty lasoo koobo, waxaana magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo caasimadda Ankara laga dareemayaa olole xooggan. Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sano ah Turkiga ayaa waxaa dhidibada u taagay Mustafa Kemal Ataturk, hoggaamiyihii xisbiyada Midoobay, waxaana uu ahaa shaqsi aad ula dhacsanaa siyaasadda reer Galbeedka iyo Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkadda teknolojiyadda, Meta ayaa lagu ganaaxay in ka badan hal bilyan oo doollar kaddib markii ay si sharci darro ah xog uga soo gudbisay Yurub una gudbisay Mareykanka. Shirkadan oo leh Facebook iyo Instagram ayaa lagu helay inay jabisay sharciyada Midowga Yurub ee ilaalinta xogta. waxaa laga cabsi qabaa in macluumaadka isticmaalayaasha ay galaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka. Meta ayaa horay ugu hanjabtay inay xireyso adeegyada Facebook ee Yurub haddii aysan helin heshiis lagu qanco oo ku saabsan qulqulka xogta. Afhayeen u hadlay shirkadda Global Affairs, laguna magacaabo Nick Clegg ayaa sheegay in ay “ka xun yihiin” ganaaxa lagu soo rogay. Source
-
Ankara (Caasimada Online) – Dadka waddanka Turkiga ayaa 28-ka bishaan markale u dareeri doona codeynta doorashada madaxweynaha. Markan laba musharax ayaa tartami doonta, waana madaxweynaha tallada haya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha xisbiga calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu. Doorashadan ku celiska ah waxaa ugu saameyn badan ninkii kaalintii saddexaad ka galay doorashadii dhacday 14-kii bishaan ee lagu adkaan waayay Sinan Ogan. Dhowr maalmood waxaa la sugayay halka uu taageeri doono doorashada kala baxa ah ee 28-ka bishaan. Kulamo ayuu la qaatay Recep Tayyip Erdoğan iyo isbaheysiga ka soo horjeeda labadaba, ugu dambeyna waxa uu Ankara uga dhawaaqay go’aankii la wada sugayay. Sinan Ogan waxa uu sheegay in cod bixinta dhici doona 28-ka bishaan in isaga iyo taageerayaashiisa la safan yihiin madaxweyne Erdoğan oo raba inuu shan sano oo kale sii hoggaamiyo Turkiga. Ninkan ayaa Jamahiirta waddaniyiinta dhabta ah iskugu yeera, wuxuu ku tilmaamay ciyaartoyda go’aaminaya natiijada doorashada 28-ka bishaan. Wuxuu helay 5.7% codadkii doorashadii dhacday 14-kii bishaan, wuxuun sabab u noqday inay kala adkaan waayan Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu. “Waxaan aaminsanahay inuu go’aankeena noqon doono mid dariiq sax ah u jiheeya dalkeen iyo qarankeena,” ayuu yiri Ogan, isaga oo go’aankiisa ku saleeyay in Recep Tayyip Erdoğan uu ku guuleystay tirada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka. “Waa muhiim in madaxweynaha la dooranayo uu sidoo kale haysto hoggaanka Baarlamaanka, si uu dalka iskula jaanqaado,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isaga oo sheegay in isbaheysiga uu hoggaamiyo Kamaal in aanay soo bandhigin hoggaankii talinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Musharax Sinan waxa uu sheegay in go’aanka ay kula safteen Erdoğan, uu sidoo kale ka dhigan yahay taageerada mab’diisa aan joogsiga laheyn ee la-dagaalanka argagixisada. Dadka waxay badankooda saadaalinayeen inuu Sinan Ogan raaci doono dhanka Kemal Kilicdaroglu oo isku aragti ka yihiin dhanka naceybka qaxootiga, laakiin waxaa dhinaca kale aad loo xoojinayay dood dhaheysa dadka waddaniyiinta dhabta ah isku yaqaana ee taageera Sinan ma ogola in dalkan loo jabiyo reer galbeed. Dadka waddanka Turkiga badi waxyaabaha ay Recep Tayyip Erdoğan ku jecel yihiin waa sida uu ula xisaabtamo reer galbeedka. Taageerada Sinan uu taageeray madaxweyne Erdoğan ayaa la sheegaya inay wax badan ka tari doonto doorashada ku celiska ah ee dhici doonta 28-ka bishaan. Haddii Kemal Kilicdaroglu iyo xulafadiisa loogaga adkaado doorashada soo aadan, waxay ka dhigan tahay in Turkidu ay iska diiday inay ku daba feylaan reer Galbeed iyo dhinaca kale in qaxootiga faraha badan ay ka badbaadi doonaan masaafuris. The post Erdoğan oo helay fursaddii ugu fiicneyd ee doorashada ku celiska ah – Maxa isbeddelay? appeared first on Caasimada Online.
-
Sharm El-Sheikh (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qayb-galaya shir -madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi. Shirka oo ay ka qayb-galayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa isku-dubaridka maal-gelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimillada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qayb-galaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka. Sidoo kale waxaa dooddan qeyb ka ah doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay kasoo dhoofay magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shirkan ayaa waxaa kasii horeeyay kulan gaar ah oo halkaasi ka dhacay, ayn isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay. Kulankaas oo Soomaaliya uga qeyb-galay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika. The post Sawirro: Xamza oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Sharm El-Sheikh appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ee Africom ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab, taliska ayaa howlgalkaan kala kaashtay ciidanka dowladda federalka Soomaaliya sida lagu xusay bayaan kasoo baxay dowladda Mareynka. “Iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, AFRICOM ayaa 20-kii May, 2023 ka fulisay weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah shabakadda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray dad shacab ah, kuwaas waxyeello kasoo gaartay weerarka ka dhacay magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe” Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama la dilay” ayaa sidoo kale lagu riri qeyb ka mid ah bayaanka. Gabagabadii qoraalka kasoo baxay Taliska Africom ee ku aadan weerarka dhacaya ayaa waxaa lagu xusay in ay dowladda Mareykanka tallaabooyin wanaagsan, kuwaas oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah marka ay jiraan weerarro nuucaan oo kale, waxaana mararka qaar dhacda in ay jiraan dad Rayid ah oo khasaare kasoo gaaro. “Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon”ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka kasoo baxay Africom. Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Mareykanka hore uga fulisay Soomaaliya weerarro kale duwan, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo sidoo kale dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, xilli dalka ay ka socdo diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda ay wado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska Muuse Biixi ayaa isu diyaarinaya in uu dagaal qorshaysan ku beego maalinta doorashada Puntland ee 25 May sida ay muujinayaan xogo amni. Ciidamada Somaliland ayaa saaka samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii hore waxaana ay u diyaar-garoobayaan weerar ku jihaysan Laascaanood. Somaliland ayaa mudda dhawr bilood ah weerarro joogta ah ku haysa Laascaanood si ay dib ugu qabsato inkastoo ay dhammaantood ku fashilantay islamarkaana ku wayday saraakiil iyo askar badan. Madaxweynaha SomalilandMuuse Biixi oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in aanu joojin doonin dagaalka Gobolka Sool ilaa uu dib ula wareego magaalooyinkii laga qabsaday ciidankiisa oo ay ku jirto Laascaanood. PUNTLAND POST The post Somalilando oo dagaal qorshaysan ku beegaysa doorashada qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Weerarro dhanka cirka ah oo ay geysanayaan Milatariga Sudan iyo iska hor imaadyo ayaa waxaa laga soo wariganayaa magaalooyin ay kamid yihiin Khartoum iyo Umu Durmaan, taas oo meesha ka saareysa rajadii laga qabay in ay dhaqangasho xabad joojintii lagu dhawaaqay oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen maalin ka hor Jeddah. Iska hor imaadyada ugu badan ayaa waxaa ay ka dhacayaan magaalada caasimadda ah ee Khartoum, taas oo ka dambeysay kadib markii Milatarigu ay isku dayeen in ay qabsadaan goobo hor leh oo ay ku sugan yihiin ciidanka uu hoggaamiyo General Hamdaan Daqalo oo dhowaan shaqada uu ka saaray taliyaha Milatariga Al-Burhaani. Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxaana dhinacyadu Todobaadkaan horaantiisii ay sixiixeen heshiis wadajir ah, taas oo noqon weysay mid dhaqan gasha, kadib markii ciidamada Milatarigu ay qaadeen weerarro ka dhan ah RSF. Dadaallada ay garwadeenka ka yihiin Sucuudiga iyo Mareykanka ayaa ku dhow in ay fashilmaan oo dhinacyadu ay garariwaayan heshiis kama dambeyn ah, taas oo sabab looga dhigayo weerarrada Milatigu wadaan iyo in uu General Hamdaan uu ka careysan yahay xilkaqaadistii uu ku sameeyay hoggaamiyaha ciidamada Milatariga. Gen Burhaan iyo Hamdan labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga uu xukunka dalka la wareegay, waxaana ku-xigeenku markaas dalbaday in xukunka dalka dib loogu celiyo rayidka, taas oo la isku mariwaayay. Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa uu noqday mid aysan ku kala adkaan dhinacyada, xilli rajo laga muujinayo in heshiis dhab ah lagu gaaro Sucuudiga, hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in tacadiyo ka dhan ah la geystay Aadanaha, iyadoo ciidanka mucaaradka dhankooda lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Haweenka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa faahfaafin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ciidamada sirdoonka iyo saaxiibadooda ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo xarun u ah kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan ayaa waxaa lagu beegsaday fasiimo gaar ah, waxaana bayaan lagu baahiyay warbaahinta dowladda lagu sheegay in weerarkaas lagu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah iyo goobo lagu burburiyay weerarka. “Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda federalka oo looga hadlay weerar JIlib. Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe ciidanka dowladda iyo Jubbaland ay wadeen dhaqdhaqaqyo ciidan, kuwaas oo ku wajahan qabsashada magaalooyin ka mid ah maamulkaas oo Al-shabaab ay ka taliyaan, waxaana howlgalkaas kala qeyb qaadan doona ciido ka socda kuwa safka hore ee soo gaaraya dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed. Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhiga ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howl-galada dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab. Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu guddiga la wadaagay oo uga warbixiyay horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka kooxda laga saaray, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayeen in ka badan toban sano. Guddiga ayaa dhankooda ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga cirib-tiro khawaariijta, iyaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda laba jibbaaraan. Wasiir Jaamac ayaa dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Uganda, halkaasi oo uu tababar heer sare ah ugu soo xirey urur gaar ah (special force)oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post War ka cusub guddiga wax ka beddelka muddo xileedka BF iyo madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo dhiggiisa Aqalka Sare ayaa kormeeray hoolka shirarka Baarlamaanka si ay ugu kuurgalaan dib u dayactirka lagu sameeyay. Labada Xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dhinac weliba ka qiimeyay, maadaama uu dhawaan furmayo kalfadhigii Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Sida uu hore u shaaciyay Golaha, kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furmi doona maalinta Isniinta toddobaadka soo socda ee ku beegan 29-ka May 2023. Xilliga labada Xoghaye ee Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ay tegayeen xarunta Golahaas uu ku shaqeeyo ayaa waxaa ka socday dib u hagaajin hoolka dhexdiisa ah, “si dib u dayactir loogu sameeyo muddada kooban ee ka dhiman in aanay u billaaban fadhiyada Baarlamaanka.” Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan. 29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya. Kahor waqtigaas, ayaa waxaa la filayaa in uu dalka kusoo laabto madaxweynaha Soomaaliya, oo xilligaan safar qarsoodi ah ku jooga Imaaraadka, halkaasi oo uu gaaray shalay. The post Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga BF appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu – Fifteen Somalia Navy and Coast Guard (SNCG) officers have completed specialised training on maritime security in a joint initiative conducted by the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and European Union Capacity Building Mission in Somalia (EUCAP Somalia). Source: Hiiraan Online
-
US military confirms airstrike against Al-Shabab in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United States military has confirmed conducting a new airstrike against al-Shabab militants in the Middle Juba region of southern Somalia. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib ugu soo celiyay shaqadii ciidanka askar badan oo ka tirsan ciidanka asluubta. Askartaan oo markii u horeysay aheyd 32, balse markii dambe korodhay, ayaa waxa uu hore u sheegay taliyaha inuu shaqada ciidanka uga saaray kadib markii ay ku cadaatay in ciidankaan ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya. Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib usoo celinta askartaan ku macneeyay, si loogu sameeyo dhaqan celin, kadibna ay hore kasii wataan shaqadii ay hayeen. “Dib ayaa isugu noqonay ka saraakiil ahaan oo arrintii wax lag beddelo, ha lasoo xareeyo oo timaha ha laga xiiro oo kow kow aan kasoo bilowno. In aan aalkuliste rusqeynay umadda oo dhan raali ayay ka ahaayeen, oo waa nagu amaanayeen dowlad iyo shacab,” ayuu yiri Taliye Shub. Saraakiisha ayuu faray in ciidanka dib loo soo celiyay ay xoogga saaran kala saaristooda, taasi oo uu sheegay in loogu go’aan qaadanayo inay kasii mid ahaadan ciidanka, gaar ahaan kuwa asluubta. “Waa in gaararka laga istaago oo inta qoyan iyo inta qalalan lasoo kala saaro, oo si dhab ah oo waddannimo ku xisaabtameysaan oo qabiil ka fog micnaha. Macallimiin ayaa u sameynay dugsiga.” Tababarka loo furay ciidankan lasoo celiyay ayaa billaabanay maalinta berri ah, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub). Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya, xilli taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya uu muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan. The post Taliska Asluubta oo dib usoo celiyay askar badan oo uu ciidanka ka eryay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyay duqeymo magaalada Jilib lagula eegtay kooxo ka tirsan horjoogayaasha Al-shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in fulinta howlgalka ay iska kaashadeen sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, laguna guuleystay in la bartilmaameedsado guri ku yaal degmadaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaasha. Waxa uu xusay in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaasha kooxda ee lagu beegsaday Hawlgalkaas. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay dib warbaahinta dib kala soo wadaagi doonaan xogta rasmiga ah ee howlgalka lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab ee ka dhacay degmada Jilib. PUNTLAND POST The post Sidee u dhacay Hawlgalkii Jilib ee lagu beegsaday Madaxda Al-shabaab? appeared first on Puntland Post.
