-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza. Yacquub Maxamed Cabdalla, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Puntland, ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. “Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guuro.” Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.” Dhinaca kale, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo ahaa afhayeenkii hore ee dawlad-goboleedka Puntland, ayaa sheegay in qaabilaadda Falastiiniyiinta ay faa’iido u yeelan doonto gobolka, ayna ka caawin doonto inuu taageero ka helo beesha caalamka. Dadka reer Gaza waa “dad Islaam ah”, sida reer Puntland oo kale, waxayna wax ku biirin doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” dawlad-goboleedka. Qiyaastii 10,000 oo qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka Yemen ayaa keenay “khibrad farsamo” markii ay yimaadeen. Haddii ay qaabisho reer Gaza, heerka Puntland ee adduunka ayaa sare u kici doona, waxayna heli doontaa “ammaan iyo horumar dhaqaale” beddelkeeda, ayuu yiri Cabdullaahi. “Waxaa ugu wanaagsan in laga faa’iideysto fursadaha aan qorsheysnayn ee mararka qaarkood soo baxa,” ayuu raaciyay. Bishii Maarso ee sannadkii hore, Puntland ayaa aqoonsigii kala noqotay dawladda federaalka, kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan u-gudbidda cod-bixinta tooska ah ee qof-iyo-codka ah, oo ka duwan tii hore ee ku dhisnayd nidaamka qabiilka. Xiriirka Muqdisho ayaa weli kacsan. Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”. “Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri. Iyadoo uu xukunka hayo Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa cambaaraysay hadallada ku saabsan dib-u-dejinta reer Gaza ee dibadda, iyagoo ku tilmaamay “kuwa hurin ah oo aan mas’uuliyad ku jirin,” iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dawladdu ay baarayso sidii Falastiiniyiinta loogu rari lahaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa aaminsan in Trump taageerada buuxda ee uu siiyay fikradda, iyo awoodda diblomaasiyadeed ee ay keenayso, ay furi karto heshiis. Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa lagu soo warramayaa inuu shir ay lahaayeen xisbigiisa Likud, uu ka sheegay sannadkii hore: “Dhibaatadeennu waa [helidda] dalal diyaar u ah inay qaabilaan reer Gaza, waana ka shaqeyneynaa.” Khamiistii, Mr Katz wuxuu yiri Norway, Spain iyo Ireland “sharci ahaan waxaa ku waajib ah inay ogolaadaan in qof kasta oo degan Gaza uu soo galo dhulkooda” kaddib markii ay aqoonsadeen dawlad Falastiiniyiin ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow. Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka. Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad. “Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.” Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka. Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.
-
Iyada oo muddooyinkii dambe la baahinayey warbixinta ku saabsan in maamulka Trump ka fekerayo in uu Soomaalilaan u aqoonsado dal madaxbannaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Xasan Cabdi, waxa uu qoray maqaal aragtiyeed uu ku baaqay in Maraykanku taageero midnimada Soomaaliya. Doodda safiirka waxa ku jira khaldaad dhawr ah oo burinaya xujada dooddiisa, sidan hoose ayaanan u faahfaahiyey: 1: [Safiirku waxa uu ku dooday] in Soomaaliya dal ahaan iyo gobol ahaanba nabad tahay, aqoonsiga Soomaalilaanna keeni karo khalkhal nabadgalyo. Runtii, Soomaaliya hadda nabad ma hayso. Weli al-Shabaab ayaa qaybo badan oo dalka ah gacanta ku haysa. Dhinac kale, Soomaalilaan soddonkii sanno ee u dambeeyey qayb kamay ahayn Soomaaliya, Federaalkana waxa caqabad ku ah Puntlaan iyo Jubbalaan. Sidaas darteed, doodda ah nadabgalyada Soomaaliya ayaa ku wiiqmaysa aqoonsiga Soomaalilaan waa dood jaban. 2: Xidhiidhka wadashaqayn ee Soomaaliya iyo Maraykanku waxa uu xoojiyey nabadgalyada gobolka [ayaa uu safiirku ku dooday]. [Sida doodda hore ku cad], marka horeba gobolka nabad la sheegaa kama jirin tobannaankii sanno ee lasoo dhaafay. 3: [Aqoonsiga Somaliland] waxa uu damaca beelaha ku dhalin karaa sii jarjaridda dalka iyo kala tag hor leh. Marka horeba waddaniyad la wada ilaashado iyo mabda’ laga simanyahay ma jiraan. Kol haddii beeluhu seeska jiritaanka Soomaalida yihiin, taladana wax kasta ku leeyihiin, waxa habboon in laga qaybgeliyo talada. Soomaalidu waa in ay dhistaan maamul la daadejiyey oo xisaabta ku darsada beelaha dadku u kala yaallaan. Maraykanka iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya waa inay joojiyaan fikradda ah in dawlad dhexe oo xooggani uun dhaqi karto Soomaalida. 4: Maraykanku waa in uu ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduuddii 1960-kii, waana siyaasaddii uu hore ugula soo dhaqmayey Soomaaliya oo caawisay deggenaanshaha Soomaaliya oo ah dal istiraatiiji ahaan muhiim ah. Sheegashadani waa mid amakaag ah. Soomaaliya waxa ay tan iyo 1969-kii ahayd dalalka ugu degenaanshaha yar dunida, waxaana ka dhashay qalalaase gobolka oo dhan ku baahay. Sidaas darteed, mala’awaalka sheegaya in Soomaaliya tahay dawlad keli ah oo deggan, waa dood jaban. 5: Kala qaybinta Soomaaliya waxa ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ka jeedin kartaa la dagaallanka argagixisada, waxaanu wiiqi karaa guulaha laga gaadhay la dagaallankooda. Xaqiiqada aan la iska indhotiri karin waa in Soomaaliya imikaba qaybsantahay. Isla xilliganna, Muqdisho waxa ay ku hawlantahay siyaasado aan qotodheerayn oo ay kaga jeeddo dagaalka al-Shabaab. Xukuumadda Soomaaliya oo marar badan si fudud uga jeedsatay dagaalka ka dhanka ah argagixisaduna waxa ay Maraykanka u caddaysay in aanay Maraykanka kala shaqayn karin la dagaallanka argagixisada. 6: Soomaaliya oo midaysani waxa ay adkaynaysaa daahfurnaanta, waxay soo jiidan kartaa maalgashiga, waxaanay bulshadeeda uga faa’idayn kartaa khayraadka. Waxa kale oo ay adkayn kartaa danaha Maraykan. Xukuumadda Soomaaliya way guuldarraysatay *****nta yoolalkan wanaagsan ee uu xusay, sababtuna waa kala qaybsanaanta marka horeba ka dhexjirta, [ka hor intaan bedkaba la keenin aqoonsiga Soomaalilaan]. Saadaasha ku dhisan khibraddii horena waxay muujinaysaa in Soomaaliya sidan usii kala qaybsanaan doonto. Xitaa haddii Soomaaliya midawdo, ma cadda sida daahfurnaan lagu gaadhi karo. Waxa intaasba dheer in xukuumadda hadda Muqdisho ka jirtaa aanay wadin dedaallada [intan uu safiirku sheegay]. Markaas ma jirto sabab si fudud loogu aamino in Soomaaliya si mucjiso ah, xitaa haddii ay midawdo, u *****n karto qodobbadan [uu safiirku xusay]. 7: iyada oo Soomaaliya laga taageero adkaynta haayadaheeda, dhisidda awooddeeda ciidan iyo samaynta wadahadallo siyaasadeed, Maraykanku waxa uu ku guulaysan karaa in uu kala qaybsanaanta beelaha u beddelo waddaniyad, halkii ay ka diriri lahaayeen. Dabcan Maraykanku siyaasaddan hore ayaa tobannaan sanno uga soo shaqeeyey, se may guulaysan. Markaas sababma ayaa mar kale isla jidkaas hore loo mari karaa? Maxaa se cusub oo is beddeli kara? Si guud, xujooyinka safiirka iyo siyaasadda Maraykanku Soomaaliya kula dhaqmaa waxay ku qotomaan mala’awaallo dhawra: Kow, in Soomaaliya bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba mid tahay. Laba, in xukuumadda hadda jirtaa qayb ka qaadato deggenaanshaha gobolka. Saddex, in dedaallada Muqdisho yihiin kuwa togan oo Maraykanka dan u ah. Haddaba, Maraykanku ma xaqiijin karo danihiisa iyo ujeeddooyinkiisa uu Geeska Afrika ka leeyahay, haddii aanu marka koowaad qirin waaqica jira, oo aanu qaadan siyaasado waaqica jira ku dhisan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda Puntland, kadib muddo uu ka aamusna madaxweynaha dagaalkaasi, oo ciidamada maamulka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad-gobolkeed Puntland, wuxuuna faray xukuumadda in ay dardar-geliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, iyadoo dadka qaar ay madaxweynaha ku dhaliileen sababta uu uga aamusna tan iyo markii uu dagaalka bilowday, halka kuwo kalena ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu kasoo hadlay dagaalka xaqa ah ee ciidamada Puntland ku jiraan haba lasoo daahee. Caasimada Online oo indhaha la raacday faallooyinka laga dhiibtay qoraalka madaxweynaha, ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh loogu baaqay in hadal keliya uusan wax ka tarin dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, balse looga baahan yahay inay gacan ka geystaan. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Axmed Cabdikariin Waayo-arag: “Af keliya lama rabo waa in saanad ciidan iyo garab istaag muuqda loo diraa, ma ahan in halganka Puntland ka socdo indho siyaasad lagu eego. Gobanimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga, Allaha guuleeyo geesiyaasha la diriraya cadawga.” “Madaxweynaha haduu hadlo muxuu u hadlay haduu aaamuso muxuu u aamusey Soomaaliyeey xagee niila raacaa bal soo sheega,” ayuu yiri Maxamed Ugaas. Cabdulqaadir Bootaan: “Madaxweynuhu waa mahadsan yahay garab istaag balaaran bay mudan tahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Argagixisadaas in laga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed waa lama huraan. Guuul Soomaaliya” Maxamuud Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wad laso daahdey Xasan Sheekh Maxamuudow intaas baa isbuucyo dagaalka socday kari weysay. Hadalkana kugu dhegnaa.” Liibaan Cali Cabdi: “Wixii dhexdeena waxa ka weyn cadowga in loo midoobo argagixiso arxan nama dhax yaalo, Allow Soomaali mideey oo cadowga ka baqo.” Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay waxa uu yiri “War qaduhu badanaa!!. Kaarayaasha Xamar ku prakingman iyo diyaaradaha sawir ahaan miyey u yaalaan dalka?. DFS, Sheeko xariiradeeda waan naqaanaa ama gacan haka gaysto ama ha iska aamuseen.” “Qawda maqashiii waxna ha u qaban maah maah Soomaaliyeed bey aheyd, waxaa xaqiiqo ah in dalkeena Soomaaliya uusan laheyn madax u danqata shacbiga Soomaaliyeed, oo damiir masuulnimo leh,” ayuu yiri Bashiir Xasan. Cabdirisaaq Xasan: “Xasanoow waaa in Saadka aad laba dhigtaaaaa oo garoomada Puntland mashquul noqdaan maalmaha soo socda, kolkaaas baanu ku rumaysan.” “Illa culumadii waa weyneed markay ka aamusi waayeen ficiltankaaga dowlanimada ka baxsan, warbaahintii tooshka kugu wada ifisay miyaa caawa is sii adkeyn waysay oo isa soo daad raacisay,” ayuu yiri Maxamed Kismaayo. Bashiir Macalim Cabdi: “Baaq xoog lagaaga keenay waaye ee furimaha Puntland tag si aa u aamino dhab ahaanshiyaha taageeradaada.”
-
Madaxwaynaha Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada Dalka Uganda. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaas madaxweyne Yoweri Museveni, iyo masuuliyiinta kale dowladda Uganda. Madaxweyneyaasha labada dalka ayaa wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalnaka argagaxisada, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada JFS Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana). Source: goobjoog.com
-
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa lagu muujiyay wacyi-gelin amni oo ku saabsan ka-feejignaanta dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisadihi ka samayn karaan degaannada Puntland. Wacyi-gelinta amni ee wasaaradda Warfaafinta oo ku socota dhammaan shacabka Puntland ayaa lagu muujiyay tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhaqdhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah samayn karaan, kaddib markii kooxahaasi lagu wiiqay dagaalkii tooska ahaa. Talooyinka dowladdu u jeedisay shacabka waxaa kamid ah in si deg deg ah laamaha ammaanka loogu wargeliyo cid kasta oo laga shakiyo, si si loo hubiyo in uusan khatar ku ahayn amniga guud, islamarkaana taxaddar dheeri ah laga muujiyo cid kasta oo guryo laga kiraynayo, si aysan Puntland gabbaad uga helin kooxaha Argagixisada ah. Dhammaan dadweynaha waxa la faray in ay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka”Dadweynaha waxaa la farayaa inay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Halkaan ka akhriso Wacyi-gelinta amni PUNTLAND POST The post Puntland oo Feejignaan amni oo heerkeedu sarreeyo ka muujisay dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF). Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda. “Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum, ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo. “Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta. Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF. Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum. Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan. Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri. Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn. Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.
-
Meydka ugu yaraan 29 tahriibayaal ah ayaa laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal Liibiya. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas laga helay xabaal wadareed ku taalla meel beer ah, waxaana la tuhun san yahay in dhimashadoodi la xiriirto magafayaashii tahriibanayey. Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo saartay Meydadka Toban Tahriibayaal ah, kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay meel u dhow magaalada Zawiya oo u dhow magaalada Tripoli. (Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba isku daya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee halista ah iyagoo ka soo gudbaya waqooyiga Afrika una socda Yurub) Bbcsomali Qaran News
-
Gaza (Caasimada Online) – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”. Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza. Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah. “Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza. “Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.” “Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”. Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.” Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza. “Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.” Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.” Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”. “Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.
-
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa noqday isinkii u horreeyay ee gobolka Bari si buuxda u taageeray ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Daacish. Bayaan uu soo saaray Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayuu si weyn ugu bogaadiyay guulaha ciidamada difaaca dowladda Puntland ka gaareen Argagixisada go’doonsan ee Daacish, waxaana uu ku baaqay in deg deg loo garab istaago ciidamada. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin waxa uu si gaar ah baaq ugu jeediyay dhammaan shacabka ku dhaqan degaannada Calbari ee gobolka Raasi Casayr oo deris la ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu ka socdo dagaalka lagu sifaynayo dagaallamayaasha ajaanibta ah ee Daacish. “Waxaan si gaar ah ugu baaqaya bulshada gobolka Raas Casayr in ay deg deg u soo diraan Taakuladii looga baahnaa oo laba jibbaaran waaa ceeb in aad ka hartaan gurmadka ciidamada geesiyada ah ee dowladda Puntland” ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin. Beeldaajaha Calbari ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay dhammaan Ciidamadii Puntland kaga shahiiday dagaalka waxaana uu ilaahay caafimaad dhakhso leh u weydiiyay dhammaan askartii ku dhaawacantay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada. PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo Ciidamada Puntland si buuxda ugu taageeray Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – The Somali State Minister for Defense, Omar Ali Abdi, has announced that the process of officially integrating Macawisley militia forces into the Somali National Army (SNA) is underway, with the registration and training of volunteer fighters already in progress. Source: Hiiraan Online
-
Finding and fighting the militants who have become the beating heart of the Islamic State (IS) group in Africa can be tough work as they hide deep in the mountains of north-eastern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A Joint Communiqué was signed in New York on February 5th, officially establishing diplomatic relations between Uzbekistan and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza. Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah. Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas. Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”. Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen. Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah. Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro. “Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.” “Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.” Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo. Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah. “Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.” Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco. “Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.
-
The Ambassador of Somalia to Pakistan, Sheikh Noor Muhammad Hassan, visited the University of Engineering and Technology Lahore (UET) here on Thursday and met with Vice Chancellor Dr Shahid Munir. During the visit, he met Somali students studying at UET and listened to the challenges they face. Source: Hiiraan Online
-
Hyderabad (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah, oo afar jir ahaa markii uu xubintiisa taranka ama guskiisa ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin, ayaa hadda dib u helay noloshiisii caadiga ahayd, kadib qalliin loogu sameeyey magaalada Hyderabad ee dalka India. Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gobolka Telangana, dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover ay dib u dhiseen xubinta gebi ahaanba go’day, iyagoo soo celiyay dareenkii iyo shaqadii uu lahaa, una suurageliyey 19-jirkan inuu nolol caadi ah ku noolaado. Kaddib markii xal loogu waayay dalal badan oo uu tagay, bukaanku wuxuu la tashaday dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover. Dr. A.V. Ravikumar, oo ah khabiir sare oo dhinaca kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka plastic-ga ah, kuwaas oo si wadajir ah u qorsheeyay, uguna guuleystay qalliin aad u adag oo dib-u-dhisid ah. Qalliinkan oo socday 10 saacadood, laguna sameeyay mikroskoob, ayaa waxaa xubinta lagu dhisay unugyo laga soo qaaday gacanta, taasoo u sahashay bukaanka inuu dib u helo awooddii uu sida caadiga ah ugu kaadin lahaa. Dr. A.V. Ravikumar ayaa sheegay in bukaanku uu haatan awood u leeyahay inuu si caadi ah u kaadiyo, halka Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar uu isna xusay in bukaanku uu si buuxda u soo ceshaday dareenkii xubinta, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu kaco (penile implant), taasoo u saamaxaysa inuu nolol galmo oo caadi ah ku noolaado. “Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado,” ayuu yiri bukaanka oo magaciisa la qariyey.
-
HARGEISA–Amid the continuously shifting geopolitics of the Horn of Africa, an unprecedented call has been sounded by the British MP Sir Gavin Williamson urging the US government to formally recognize the republic of Somaliland as an independent. The British MP has levelled accusations against Somalia’s government of misappropriation of US funds to support Al Shabab militants. Williamson on Sunday welcomed US decision to halt USAID funding, claiming that Somali authorities were providing funds to the militant group. He said: “The Somali government is using USAID to finance and support Al Shabab. It’s time US taxpayers’ dollars stopped being used to support the terrorist group.” Williamson also commented on the recent US airstrikes targeting ISIS militants in Puntland, commending the move and calling for a shift in US policy. “Somalia, through Al-Shabaab, has been sending arms and resources to the Houthis. Donald Trump was right to strike Somalia. Now is the time to recognize Somaliland, the one democratic nation in the region, and stop propping up the terrorist-supporting Mogadishu regime with US dollars,” he added. However, It could not be independently verified Williamson’s allegations regarding the Somali government’s involvement in funding Al-Shabaab and the Houthis in Yemen. The US military strikes, which occurred on Saturday in the Golis Mountains, killed several ISIS operatives. The Somali president’s office said President Hassan Sheikh Mohamud was informed of the airstrike, and he wrote on X that he extended his deepest gratitude for “the unwavering support of the United States in our shared fight against terrorism.” “Your bold and decisive leadership, Mr. President, in counterterrorism efforts is highly valued and welcomed in Somalia. Williamson, a Conservative Party MP, has long advocated for Somaliland’s recognition, frequently raising the issue in the UK Parliament. He has also visited Hargeisa several times during his tenure as the UK’s Defense Secretary. Source Somaliland standard Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Madaxweynuhu waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Ugu danbayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia – The Somali government has firmly dismissed the possibility of the United States recognizing Somaliland as an independent state, cautioning that such a move could trigger significant diplomatic repercussions, strain bilateral relations, and destabilize the already volatile Horn of Africa. Speaking to Voice of America, Somalia’s ambassador to Washington, Dahir Hassan Arab, emphasized that the U.S., as a global advocate for international law, has no intention of recognizing Somaliland. “There is no reason for the U.S. to divide Somalia and recognize any part of it as a separate entity,” Arab stated. “The U.S. is a responsible nation and a guardian of global legal norms.” Ambassador Arab warned that recognizing Somaliland could set a dangerous precedent for secessionist movements worldwide, potentially encouraging breakaway regions in other conflict-prone areas. He highlighted that the Horn of Africa, already burdened with ethnic conflicts, terrorism, and political instability, could face further fragmentation if Somaliland’s independence bid gains international traction. “Such recognition would embolden other separatist movements, not just in Africa but globally,” Arab noted. “The issue is not currently on Washington’s foreign policy agenda, and we are committed to ensuring it remains that way through diplomatic engagement.” Political analysts argue that recognition could complicate international efforts to stabilize Somalia, particularly in light of ongoing counterterrorism operations against militant groups like Al-Shabaab. The fragile security landscape across Somalia and neighboring Ethiopia, where ethnic tensions persist, adds urgency to Mogadishu’s diplomatic push. Countering lobbying efforts In response to Somaliland’s intensified lobbying campaign in the U.S., Mogadishu has enlisted the services of a prominent Washington-based lobbying firm. According to Arab, the firm’s role is to provide strategic legal guidance on navigating U.S. policy and legislative processes, ensuring Somalia’s territorial integrity remains safeguarded. Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s central government, operates as a de facto independent state with its government, military, and currency. However, it remains internationally unrecognized, with the African Union and the United Nations affirming Somalia’s territorial sovereignty. Despite lacking formal recognition, Somaliland maintains informal diplomatic ties with several countries. It has opened representative offices in the U.S., the U.K., and the UAE. These diplomatic efforts have been bolstered by bipartisan support from influential U.S. lawmakers who view Somaliland as a stable, democratic partner in an otherwise turbulent region. The Trump factor Somaliland’s quest for recognition has gained momentum in recent years, bolstered by support from several influential U.S. lawmakers and Republican diplomats. The movement received renewed attention following the reelection of former U.S. President Donald Trump, whom Somaliland leaders view as a potential ally due to his unconventional foreign policy approach and skepticism toward traditional diplomatic norms. Trump’s “America First“ doctrine, which prioritized bilateral deals over multilateral diplomacy, has fueled speculation that his administration could be more receptive to Somaliland’s independence bid, particularly if it aligns with U.S. strategic interests in the region. Somaliland leaders have praised Trump as a decisive figure who could support their cause, citing his willingness to engage with non-traditional partners. Somali President Hassan Sheikh Mohamud acknowledged the lobbying efforts in Washington but expressed uncertainty about Trump’s stance on the issue. “We always have a very good relationship with the United States. We don’t know what the new leadership will come up with, but we do not expect something bad. Some people around President Donald Trump want him to recognize Somaliland,” he told The Washington Post. He stressed that Mogadishu remains vigilant in countering any diplomatic overtures that threaten Somalia’s unity. Somalia’s firm stance Despite Somaliland’s decades-long self-governance, Somalia has consistently maintained that its territorial integrity is non-negotiable. Ambassador Arab reiterated Mogadishu’s commitment to using diplomatic channels, including the United Nations Security Council, the African Union, and bilateral partnerships, to block any international attempts to recognize Somaliland. “Our position is clear: Somalia’s unity and sovereignty are paramount,“ Arab asserted. “We will continue to engage diplomatically to ensure the world respects our territorial boundaries.“ Somalia’s constitution, adopted in 2012, enshrines the principle of a unified federal republic with no provision for the secession of its regions. The government argues that any recognition of Somaliland would violate domestic and international legal frameworks, including the Charter of the United Nations. The roots of the Somaliland-Somalia divide trace back to the colonial era. Somaliland was a British protectorate until 1960 when it briefly gained independence before joining the former Italian Somaliland to form the Somali Republic. Discontent with the union grew over time, exacerbated by political marginalization and the brutal military dictatorship of Mohamed Siad Barre, leading to Somaliland’s unilateral declaration of independence in 1991. Since then, Somaliland has established a relatively stable, democratic government and held multiple peaceful elections, in stark contrast to the instability and conflict that have plagued southern Somalia. However, the international community has largely withheld recognition, fearing it could inspire other separatist movements across Africa, potentially redrawing colonial-era borders and sparking new conflicts.
-
MOGADISHU, Somalia – Somali businesses are unwittingly financing Al-Shabab’s bombing campaigns in Mogadishu, which can cost up to $80,000 per operation, the Banadir region’s police chief revealed Thursday. This illicit funding, often extracted through extortion, fuels the deadly attacks plaguing the Somali capital. Speaking at a national prosecution conference in Mogadishu, Police Chief Macallin Mahdi stated that Al-Shabab primarily funds its operations by extorting money from business owners in major commercial hubs, including Bakara Market, Suuq Ba’ad, and Hamar Weyne. This money is used to finance the manufacture and transportation of explosives, frequently smuggled into Mogadishu from the Lower Shabelle and Jubaland regions. “The infiltration of these explosives into the city requires substantial financial support,” Mahdi said. “Each operation involves between $10,000 and $80,000, and the vehicles carrying the bombs pass through at least nine intermediaries before reaching their target.” Extortion network fuels violence Mahdi noted that many business owners comply with the extortion demands out of fear of reprisal. However, he warned that the money they provide directly fuels attacks that harm innocent Somali civilians. “Without strong legal consequences, these financial networks will continue to enable deadly attacks,” he added, calling for the judiciary to establish specialized detention facilities for business owners found guilty of financially supporting terrorist organizations like Al-Shabab and ISIS (Daesh). Security experts say Al-Shabab’s reliance on extortion has long been a central pillar of its financial strategy. Efforts to disrupt the group’s financial networks have intensified in recent years, with Somali authorities conducting operations against businesses suspected of facilitating the militants’ operations. Al-Shabab, an al-Qaeda affiliate, has been waging a deadly insurgency in Somalia for over a decade, seeking to overthrow the internationally-backed government and impose its strict interpretation of Islamic law. A Long-standing problem The group’s sophisticated extortion racket has been a critical source of revenue, allowing it to sustain its operations despite military pressure from Somali forces and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM). The Bakara Market, mentioned by Chief Mahdi, is one of the largest open-air markets in Somalia and a vital economic hub. Its sheer size and daily volume of transactions make it a lucrative target for Al-Shabab’s extortion schemes. Previous reports by the United Nations and other organizations have detailed how the group uses a combination of threats, violence, and even a parallel taxation system to collect “taxes” from businesses operating within the market and other areas under its influence or control. The police chief’s statement that each bombing operation can cost up to $80,000 highlights the significant resources Al-Shabab dedicates to these attacks. This figure likely includes the cost of materials, construction of the improvised explosive devices (IEDs), transportation, bribes, and payments to individuals involved in the operation. The mention of “nine intermediaries” underscores the complex logistics involved in moving explosives into Mogadishu, likely a measure to evade security checkpoints and minimize the risk of interception. Lower Shabelle and Jubaland, identified as source regions for the explosives, have historically been strongholds of Al-Shabab. However, the group has lost control of significant towns in recent years. The porous borders and ongoing insecurity in these regions facilitate the movement of weapons and explosives. Chief Mahdi’s call for specialized detention facilities for business owners complicit in financing terrorism signals a push for a more aggressive legal approach. This aligns with broader efforts by the Somali government to combat Al-Shabab’s financial networks, including working with international partners to track and freeze assets linked to the group. Many believe cutting off the group’s access to funds is crucial for maintaining long-term stability in Mogadishu and other parts of Somalia. The success of these efforts will depend on the government’s ability to enforce the law, protect businesses from extortion, and provide alternative economic opportunities in areas vulnerable to Al-Shabab’s influence. A broader, multifaceted approach is needed to address the root causes of instability and weaken the group’s grip on communities.