-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The African Union (AU) can no longer afford to ignore the long-standing dispute between Somaliland and Somalia. This unresolved conflict is not just a bilateral issue; it threatens the stability of the entire Horn of Africa and, by extension, the peace and security of the continent. A decisive and binding resolution is long overdue. At the heart of this dispute is Somalia’s claim over Somaliland’s sovereignty—an assertion that directly contradicts the African Union Charter, particularly the 1964 Cairo Resolution, which upholds the sanctity of post-colonial borders. However, Somaliland’s independence predates its ill-fated union with Somalia. On June 26, 1960, Somaliland gained independence from Britain, becoming the first independent state in the Horn of Africa and the 17th in Africa. Later, it voluntarily entered a union with Italian Somalia, but this merger was never legally ratified. In 1991, after decades of marginalization and violent oppression, Somaliland rightfully reclaimed its sovereignty. Its case is not one of secession but of restoring an independent status it had already attained. Somaliland’s legal case is strong. It achieved full independence and never formally transferred its sovereignty to another state. The 1960 Act of Union, intended to formalize its merger with Somalia, was never ratified by both parties. Somalia unilaterally implemented a version of this act in 1961, violating international legal norms. That same year, a constitutional referendum in Somalia saw an overwhelming rejection from Somaliland’s voters, with 60% opposed—clear evidence of widespread resistance to the union. In December 1961, Somaliland military officers attempted a coup to restore their nation’s independence. When captured, they were acquitted by Somali courts, which ruled that no legal framework for the union existed. The African Union’s own fact-finding mission in 2005 later concluded that Somaliland’s merger with Somalia was never legally binding and that the union had failed between 1960 and 1991. Beyond legality, Somaliland’s claim to statehood is rooted in painful history. Under the dictatorship of Mohamed Siad Barre, the Somali government waged a brutal campaign against Somaliland’s people in the 1980s, culminating in genocide. Tens of thousands were killed, cities were bombed, and entire communities were destroyed. Survivors of these atrocities have yet to see justice. It was in the aftermath of this devastation that Somaliland reclaimed its sovereignty, restoring its original independence rather than forming a new breakaway state. Since then, Somaliland has built a functioning democracy with multiple peaceful transitions of power. In 2001, it held a constitutional referendum in which over 97% of voters supported independence, further solidifying its legitimacy. Unlike Somalia, which continues to struggle with political instability, terrorism, and weak governance, Somaliland has maintained peace, order, and a one-person, one-vote electoral system—an achievement unmatched in much of the region. Yet, despite its stability and democratic progress, Somaliland’s lack of international recognition has imposed severe hardships. It remains excluded from institutions such as the World Bank, the IMF, and the African Development Bank. Foreign investment is limited, hindering economic growth and diplomatic engagement. More importantly, without formal recognition, Somalilanders are denied the full rights and protections that citizens of recognized nations enjoy. The argument that recognizing Somaliland would set a dangerous precedent is misguided. Somaliland is not a separatist movement; it is a nation that had already gained independence before voluntarily entering an unratified and dysfunctional union. Its case is entirely distinct from those of South Sudan or Eritrea. If any territory in the world has the legal and historical foundation for statehood, it is Somaliland. The African Union must act. This dispute will not resolve itself, and continued inaction only increases the risk of conflict. Somalia’s persistent claims over Somaliland’s territory, in violation of international agreements, could ignite further instability in the region. A final and binding resolution is necessary—not only to bring justice to Somaliland but to ensure long-term peace in the Horn of Africa. Recognizing Somaliland is not just a legal necessity—it is a moral imperative. Mohamed Abdisamad is the president of the Laasgeel Institute for Policy Studies, based in Hargeisa, Somaliland. He is a seasoned political analyst specializing in Horn of Africa affairs, with a particular focus on Somaliland’s international recognition. He is currently pursuing a master’s degree in international relations and diplomacy. The Reporter Ethiopia Qaran News
-
Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Daarusalaam uga qayb-galay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC). Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisaradaha ka jira bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, isaga oo sheegay in xalka uu ku jiro is afgarad iyo nabad. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay sii so socoshada dhiiga daadanayo, wuxuuna labada dhinac ee is haya ugu baaqay inay fursad siiyaan wada-hadallada socda. “Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC). Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,. “Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Shabaab. Wasiirka oo su’aalo adag kala kulmay Wariyeyaasha ayaa mar kale ku celiyay inuu mar kale ka Towbad keenay fikirka Al-Shabaab, isla markaana uu mar kasta Alle waydiisto dambi dhaaf. Sidoo kale wuxuu dalbaday in loo sacbiyo, maadaama uu kasoo laabtay waddadii hore ee khaldaneyd, iyada oo kadib wasiiradii iyo dadkii kale ee meesha joogay ay la dhaceen jawaabtiisa. “Aniga fikirkii Al-Shabaab mar hore ayaan ka towbad keenay ee sacbiya, marwalba oo aan Salaad Tukadana Ilaaheey ayaan baryaa” ayuu yiri wasiir Mukhtaar Roobow. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Towbada waa wax joogta ah runtii wax kasta oo khalad ah oo aniga iga dhacay horayna waa uga Towbad keenay Salaad kasta oo dukanada rabigey waan baryaa” Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka dalbaday inay u istaagaan ka qayb-galka dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka. “Farrinteyda ugu dambeyn waxa ay tahay la dagaalanay nimanka ee idinka naftiina ku bilaaba” ayuu mar kale yiri wasiirku. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay maalgelinta argagaxisada, isaga oo sheegay in cudur daar aanu lahayn qof kasta oo lacag u geeya kooxda Al-Shabaab.
-
President Hassan Sheikh Mohamud ordered the scaling down of the Office of Somaliland Envoy in Mogadishu. Mogadishu (PP News Desk) — One year after the Somaliland administration signed a maritime Memorandum of Understanding (MoU) with Ethiopia, the new administration in Hargeisa seeks to restart talks with the Federal Government of Somalia. The President of the Somaliland administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, has formed a cabinet that overwhelmingly supports resetting relations with Mogadishu to regain lost diplomatic ground. Following the Somaliland presidential elections in 2024, Mohamud Adam Jama ‘Galal’, a spokesman for the Waddani party who has recently been appointed as the Somaliland administration’ s representative in Taiwan, told the media that the new administration would review the maritime MoU with Ethiopia. “Waddani views the maritime MoU as a misguided approach used by former Somaliland President Muse Bihi Abdi to cover up his leadership failures and seek political capital ahead of the 2024 presidential elections” said a researcher at a think tank in Hargeisa. The Federal Government of Somalia reportedly scaled down the Office of the Somaliland Envoy, which was tasked in 2023 with nationwide consultations on talks with the Somaliland administration. Abdikarim Guled, the head of the Office of Somaliland Envoy , visited Galmudug in 2023 as part of the consultations tour during the Laascaanood conflict. Guled categorically rejected a claim by former Somaliland President Muse Bihi Abdi based on colonial borders as the basis for secession. President of Somaliland Administration Abdirahman Mohamed Abdullahi expressed interest in resuming Somalia-Somaliland talks. President of Djibouti Ismail Omar Guelleh urged the President of Somalia to resume talks with Somaliland administration one year after the 2022 wedding ceremony in Djibouti. Efforts by President Guelleh paved the way for the December 2023 Somalia-Somaliland Agreement in Djibouti. The agreement treated the Somaliland administration as a separate entity and revived previous agreements that contained a clause on “non-politicisation of aid”, which President Bihi had used to justify signing the MoU with Ethiopia. The maritime MoU soured relations between Somalia and Ethiopia before the 2024 Ankara Agreement, which commits Addis Ababa to respecting the territorial integrity of Somalia and seeking commercial access to the sea lawfully. The maritime MoU exposed the absence of clear principles guiding Somalia-Somaliland talks. While elites in Mogadishu viewed Somaliland’s representation in federal institutions as an expedient move, the secessionist administration interpreted the arrangement as an endorsement of its secession claim based on colonial borders. The Federal Government of Somalia had rebuffed calls to resume talks with Somaliland administration. “The guiding principle of any future talks will have to commit the Somaliland administration to abiding by its obligations to respect the territorial integrity and political independence of Somalia” said a senior adviser to the Federal Government of Somalia. At Dire Dawa, where the recognition of Xeer Ciise customary law by UNESCO as a part of the world’s intangible cultural heritage of humanity was being celebrated, the Ethiopian government denied a delegation from the Somaliland administration the opportunity to deliver a speech on the occasion. Instead, a delegation from the Federal Government of Somalia was given the podium. © Puntland Post,2025 The post Somalia Rejects Talks Without Somaliland Commitment to Territorial Integrity appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee haatan ka socda aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Abiib ayaa marka hore garab istaag u muujiyay ciidanka Puntland, wuxuuna ku taliyay in meel kasta looga soo wada jeesto argagixisada. Sidoo kale xildhibaanka ayaa usoo jeediyay Somaliland inay muujiso feejignaan, ayna ka hortagto firxadka maleeshiyaadka Daacish, si looga hortago halista kooxda ee Somaliland. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maxamed Abiib. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;- 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 Waxaan taageero iyo garab istaag u muujinayaa ciidamada dowladda Puntland ee buuraha Calmiskaat dagaalka kula jira argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Argagixisadu arxan iyo ehel toonna ma gasho, inama kala jecla oo iyagu waxay inoo arkaan cadow, iyagana waa in aynu u aqoonsanaa cadow. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiso taxaddar dheeraad ah si aan firxadka argagixisadu gabbaad uga dhigan buuraha silsiladda Gollis iyo dhulka xadka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waayo balaayo madax la qabto ayay leedahay ee minjo la qabto maleh. Waqtigan adag, qof walba oo Soomaali ah waxa waajib ku ah in uu taageero walaalaha Puntland, kuwaas oo ku jira jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan diinteenna suubban, sidoo kalena ku ilaalinayaan sharafka dalkooda iyo dadkooda. Guulaysta walaalayaal, waxaan taaganahay garabkiina
-
Ciidamada Amniga Puntland ayaa maanta oo Sabti ah gacanta ku dhigay saddex qof oo ajaanib ah iyo mid Soomaali ah oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa shaaciyay in magaalada Boosaaso lagu qabtay saddex qof oo ajaanib ah iyo qof Soomaali ah oo dhammaantood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin mileeshiyaadka Argagixisada ah ew Daacish. Taliska La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in baaritaan lagu wado shakhsiyaadka ciidamadu ku qabteen Boosaaso oo saddex kamid ah ajaanib yihiin halka kan afraad uu Soomaali yahay sida ku xusay qoraaalka Ciidamada Amniga Puntland. “Boosaaso: Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland. Ciidamada Booliska oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa sidoo kale weli hawlgallo amni ka wada magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo ay ugu horrayso Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay saddex ajaanib ah iyo qof Soomaali ah oo lagu tuhmayo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Muqtaar Roobow Cali oo qeyb ka ahaa shir jaraa’id oo qaar kamid ah Golaha wasiirradu ay qabtaan, islamarkaana ku saabsanaa la dagaalanka Alshabaab ayay wariyaashu weydiiyeen su’aal ahayd maadaama qudhiisu uu kooxdaas muddo dheer ka tirsanaa sida ka bixitaankiisu sharci u noqday. Wasiirka oo weydiintaas ka jawaabayay ayaa yiri” anigu mar hore ayaan toobad keenay, haddana waan ku celinayaa ee dhagaysta”, wuxuuna intaas ku daray inuu horay ula dagaalamay kooxdaas, ka dib markii uu ka baxay. Muqtaar Roobow ayaa sanado badan kamid ahaa hoggaamiyaasha ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab, balse hadda wuxuu kamid yahay Wasiirrada ugu muhiimsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna safka hore uga jiraa mas’uuliyiinta la dagaalanka kooxdaas waayo-aragnimada gaarka u leh. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aamo culus oo ku saabsan nabad-gelyada magaala-madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana go’aamadaas qeyb ka ah inaan hub lala gali karin xeebta Liido. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaanay jirin hub la gali karta xeebtaas ay kumanaanka qof sida maalinlaha ah u tagaan. Amarkan ayaa saamayn doona dhinacyada hubaysan ee ka baxsan laamaha ammaanka sida ilaalada gaarka ah, waxayna boolisku sheegeen in tillaabadan looga golleeyahay adkaynta nabad-gelyada goobtan mashquulka badan ee aadka loogu dalxiiska tago. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan xirmay suuqa weyn ee Bakaaraha, sababo la xiriira canshuurta ay soo rogtay dowladda Soomaaliya oo ay weli cabasho ka yiihiin ganacsatada Soomaaliyeed. Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, waxayna tilmaameen inay kasii wadi waayeen ganacsigooda. Sidoo kale wax aay tilmaameen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyaga la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo si deg-deg ah usoo farogelisay arrintan ayaa si adag uga hadashay go’aanka ganacsatada ee ku aadan shaqo joojinta ay sameeyeen. Wasiirada amniga, diinta iyo warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrintan si faah-faahsan uga hadlay, waxayna ka horyimaadeen go’aanka ganacsatada ee lagu xiray suuqa Bakaaraha. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay la scodo ganacsato si dadban ula shaqeeyo Al-Shabaab, isla markaana maalgeliy, isaga oo tilmaamay in laga qaadi doono tallaabo adag. “Dowladda waxa ay heysaa xogta dad si dadban iyo si toos ah u maalmagaliya kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala. Wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isaguna intaasi ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lacag u gaysa Al-Shabaab. “Cidii lagu qabto iyadoo Bac-Madoow lacag ugu qaadeyso Al-Shabaab Talaabo weyn ayaa laga qaadi doonaa,AS waa dhinteen lacag ha siin” ayuu raaciyay wasiir Fartaag. Dhankiisa wasiir Mukhtaar Roobow oo meesha ka hadlay ayaa yiri “Reer Bakaaro cudur daar uma heli karaan inay dhahaan kooxda Al-Shabaab ayaa xoog lacag nooga qaadayo”.
-
Xamaas ayaa maanta sii deyneysa 3 Maxbuus oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku beddelanayso 183 qof oo ku xiran xabsiyada Israa’iil, waana markii shanaad ee ay labada maxaabiis is-dhaafsanayaan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Qasa. Arrintan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedinta Trump ee ku aaddan in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool, islamarkaana Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha la sii daynayo ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac maxbuus. Saddexda nin ee lagu wado in ay Xamaas sii dayso ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas, waxaana magacyada 3-dan qof xaqiijiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu. Source: goobjoog.com
-
Wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah, oo xubintiisa taranka ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin lagu sameeyey carruurnimadiisii, ayaa si guul leh loogu sameeyay qalliin dib abqaalid ah ama beerid ah, kaas oo ka dhacay Isbitaalka Medicover ee magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya. Qalliinkan oo socday in ka badan 10 saacadood ayaa dib loogu soo celiyey shaqadii kaadida iyo awooddii galmada, taasoo soo afjartay sannado badan oo murugo iyo dhibaato jidheed iyo maskaxeed ah oo uu la noolaa wiilkani, sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha ee Hindiya. Qofka bukaanka ah ayaa sannado badan la daalaa dhacayay dhaawacyo culus oo ka dhashay gudniinkiisii carruurnimo, taas oo keentay in uu u raadsado xal caafimaad dalal kala duwan ah oo dibedda ah. Si kastaba ha ahaatee, dadaalkiisii hore ayaan midho dhalin, waxaana markii dambe uu go’aansaday inuu tago dalka Hindiya si loogu helo xal waara. Baaritaanka caafimaad ee la sameeyay ayaa muujiyay in caabuqii ka dhashay gudniinkiisa carruurnimo uu sababay burbur xun oo keenay inuu gebi ahaanba waayo xubintiisa taranka. Waxa kale oo uu lahaa dhibaato dhanka kaadida ah oo ka dhalatay dhagxaan samaysmay, taasoo sii murjisay xaaladdiisa. Koox dhakhaatiir ah oo uu hogaaminayay Dr. A.V. Ravi Kumar, khabiir sare oo dhanka kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, dhakhtar ku takhasusay qalliinnada dib-u-dhisidda iyo qurxinta, ayaa si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha qalliinka, sida warbaahintu ka soo xigatay cisbitaalka. Tallaabada koowaad ee daaweynta ayaa ahayd in la nadiifiyo marinada kaadida, lagana saaro dhagxaantii xannibay. Taas oo markii ay xaalad caadi gaadhay, ay dhakhaatiirtu guda galeen qalliinka dib-u-dhisidda xubinta taranka. Si loo dhiso xubinta cusub, dhakhaatiirtu waxay adeegsadeen maqaar, xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada laga jaray cududda bukaanka. Dr. Ravi Kumar ayaa sharxay in cududda ay tahay meesha ugu habboon ee laga qaado unugyada maqaarka maadaama ay u eg tahay maqaarka xubinta taranka, halka lugta—oo ah meel kale oo la isticmaalo—aysan ku habboonayn kiiskan maadaama maqaarkeedu uu ka dhumuc weynaa, taasoo ka dhigi lahayd mid aan si sax ah loo qaabeyn karin. Intii lagu guda jiray qalliinkan lagu magacaabo microvascular-ka oo socday 10 saacadood, dhakhaatiirtu waxay si taxaddar leh ugu isugu rakibeen xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada si ay u dhisaan xubinta cusub. Waxa kale oo la sameeyay marin cusub oo kaadi-mareen ah, iyada oo laga dhigay xubin caadi ah oo la isticmaali karo, hadday tahay dhanka kaadida iyo awoodaheedii kaleba. Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar ayaa xaqiijiyay in qalliinku si guul ah u dhacay, isagoo warbaahinta gudaha u sheegay: “Bukaanku hadda si caadi ah ayuu u kaadin karaa, sidoo kale xubintiisa cusub waa la dhisay, waxaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu galmo sameeyo (penile implant). Waxa uu dib u helay dareenkii, wuxuuna awood u yeelan doonaa nolol caadi ah” ayuu yiri. Bukaanka, oo intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay galay saddex ilaa afar qalliin, ayaa hadda si buuxda u bogsaday, waxaana la filayaa in uu isbitaalka ka baxo maalmaha soo socda. Waxaana warbaahintu ay ka soo xigatay in uu sheegay in uu haatan dareemayo in culays badani ka degay: “Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado” ayuu yiri bukaanka oo warbaahinta iyo isbitaalkuba ay ka gaabsadeen inay magaciisa sheegaan. Qalliinkan guuleystay wuxuu calaamad u yahay horumarka caafimaad ee dib-u-dhisidda xubnaha jirka, isagoo rajo cusub u abuuraya dadka la tacaalaya dhibaatooyinka la xiriira dhaawacyada xubnaha taranka. Bbcsomali Qaran News
-
Q3aad:-Magacyada Duuliyeyaashii Somalida ee ku dhintay dagaalkii 1977,iyo sababta. Sababta Duuliyayaashii Ethiopia uga guuleysteen Duuliyeyaashii Somalida dagaalkii dhinaca hawada ee la isku farasaaray ama la isku arkay,waxay ahaayeen 2 laba sababood:- 1-Duuliyeyaasha Somalida ee nooca Mig-21, waxay tababarka duulimaadka soo dhameysteen 1974,1975, waxay joogeen 2 sano iyo 6 lix bilood keliya intaan dagaalku bilaaban halkaa waxaad ka garaneysaa inaanay khibrad fiican u lahayn dayuuradii ay ku dagaalamayeen mid kale loomaba tababarin dagaalka hawada( Dogfight). b- Duuliyayaashii Mig-17,iyagu khibrad fiican ayey lahayeen waxaana la sheegay in si fiican uga dagaalameen duqeynta dhinaca dhulka waayo ilaa 1968,mudo 10 sano oo khibrada ayey la haayeen ogow dayaarada Mig-17, lama dagaalami karto dhinaca hawada dayuurad kale waayo malaha gantaalada hawa-hawada (air-to-air missile)waxay qaadaa oo keliya machinegun iyo bombka dhulka lagu rido. 2- Duuliyayaashii somalida markay goobta dagaalka tagaan waxay waayeen hogaamin fiican dhinaca(Radarka) iyo tawar fiican oo haga. For example,metalan dayuuradaha somalidu waxay hawda soo geliyeen iyagoo duuliyayaasha Ethiopia hawada ku jiraan kuwa Ethiopia way arkaan kuwa somalidu ma arkaan waayo Radarkoodii ayaan u sheegin in hawada ay ku jiraan dayuurado cadow,waana sababaha loo ridayey dayuuradaha somalida. Qaar ka mida duuliyeyaashii ku dhintay dagaalkii 1977:- 1-Gaashaale Duuliye Ahmed Abdilahi Janaale….Mig-21 2- Gaashaanle Duuliye Mohamed Jama…………..Mig-21 3- Xidigle Duuliye Barre Yare…………………………Mig-21 4-Laba xidigle Dhoore………………………………….Mig-17 5-Laba xidigle Abokor sh.Muse……………………..Mig-17 6-Laba xidigle Abokor Xasan Xuseen………………Mig-17 7-laba Xidigle Ahmed Shide…………………………..Mig-17 Intaasi ayaan ka xasuustaa Duuliyeyaashii la ridey Dhaantood Duuliyeyaashii Ethiopia ayaa hawada ay isku arkeen oo ridey(Dogfight). Amagacyada Duuliyayaashii Ethiopia ee xasuuqay duuliyeyashii Somalida:- 1-General Lagesse Teferra…………………F-5E 2.Colonel Afework Kidanu…………………F-5E 3-Colonel Bacha Hunde……………………..F-5E 4-Colonel Bezabih petros…………………..F-5E 5-Ashenafi Gabre Tsadik……………………F-5E xusuus:- Duuliyeyaasha Ethiopia waxay lahaayeen khibrad dhan 12 sano,waxay ka soo qalinjebiyeen jaamacada duulimaadka military ee Gobolka Arizona ee maraykanka. Xusuus:- General Legesse Teferra ciidamada dhulka ee Somalida ayaa ku soo ridey meesha la yiraahdo(Filto) ee Gobolka Baali parachute ayuu ku boodey waxaa qabtay ciidankii somalida wuxuu 11 sano ku xidhnaa jeelka weyn ee (Laanta buur) Afgooye Somalia waana la sii daayey.Markuu Ethiopia ku noqday waxaa laga dhigay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Ethiopia. Dhamaad. Yusuf Janale Oslo Norway. contact somalilandcitizen@gmail.com. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu uga jawaabay arrin si weyn loogu dhaleeciyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirka dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish ee ka scoda Bari. Puntland ayaa si cad u beenisay in dowladda Federaalka ay carqalad galisay baasaboorka askarta ku dhaawacmay dagaalka, kadib markii arrintaas si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Mid kamid ah xubnaha Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Axmed Hurre ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin dhibaato ay kala kulmeen dowladda dhexe, taas oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka Daacish. “Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS,” ayuu yiri Axmed Hurre ooxubin ka ah guddiga. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in aad looga fiirsado wararka noocaan oo kale ah iyo been abuurka lagu faahinayo baraha bulshada, kuwaas oo laga leeyahay dano gaar ah. Dhankeeda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in muddo hal maalin ah lagu soo saaro baasaboorka askarta dhaawacyada ah ee u baahan daryeelka caafimaad ee dibadda ah, si looga tacaalo xaaladdooda caafimaad. Arrintan waxay kusoo aadeyso, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland oo horay isugu qabtay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka, wuxuuna gaaray heer ay go’do wada shaqeyntooda.
-
Markab sida daamurka lagu dhammaystirayo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraal uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayuu ku sheegay in markabkii kowaad oo sida daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo uu maanta soo gaaray Boosaaso. Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu deeqday Puntland laba markab oo daamur ah, kuwaasi oo lagu dhammaystirayo jidka laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceerigaabo. Af-hayeen Dabaraani oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intaasi raaciyay in labada markab kii kowaad uu maanta yimid dekdda Boosaaso halka uu weli soo socdo markabkii labaad. “Daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, ayaa maanta soo gaaray Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraalkani soo dhigay bartiisa (X). “Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda Imaaraadka oo Puntland ugu deeqday Labo Markab oo daamur ah oo Dowladdu ugu talagashay dhameystirka Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaa yimi markabkii koowaad kan labaadna wuu soo socda” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday laba markab oo daamur ah appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, kaas oo haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi. Shacabka oo ka duulayo ilaalinta nabad-gelyada deegaanka ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo boggaadiyay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin waxlo ku siday bac madow oo lagu arkay magaaladaasi. Ninka oo ay gacanta ku dhigeen dadka deegaanka ayaa waxaa markii dambe lagu wareejiyay laamaha amniga, si loogu sameeyo baaris waxaana la ogaaday inuu waday qashin. Qoraal kooban oo kasoo baxa Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana aad loogu boggaadiyay shacabka Boosaaso, iyada oo looga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland. Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso inay soo jeedaan shacabka Puntland, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxaha argagixisada ah. “Shacab ayaa la dagaalay Nin qashin waday, oo ay uga shakiyeen amni daro, Laamaha Amniga oo goobta yimi ayaa hubiyey in qashin bacda ku jiro- kadib ayaa dadkii sii daayeen ninkii. DADKEENU WAA SOO JEEDAA” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Dhowaan ayay ahayd markii dadka deegaanka ay soo sheegeen nin ajnabi ahaa oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, kaas oo ay toogasho ku dileen ciidanka Puntland.
-
Guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa caddeeyay in aysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan helidda adeegga Baasaboorka Soomaaliya, kaddib markii la faafiyay warar ku saabsan in askar ku soo dhaawacantay dagaalka Cal-miskaad loo diiday helidda Baasaboorka DFS. Axmed Cabdi Hurre oo ka tirsan guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in askarta soo dhaawacantay ee Puntland loo diiday helidda Baasaboorka Soomaaliya, islamarkaana ay caqabad u dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna waxan cadaynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS” ayuu yiri Axmed Cabdi Hurre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Warkiisa ayaa imaanaya xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland laga soo xigtay in dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadaysay helidda adeegga Baasaboorka dalka, oo ay u diiday askarta ciidamada Puntland ee ku soo dhaawacnay dagaalka Calmiskaad ee lagu cirib-tirayo Argagixisada. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in Baasaboorka DFS loo diiday askartii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – Israel is planning to relocate Palestinians from Gaza to Puntland, an autonomous region in Somalia, and Somaliland, the self-declared independent region, following a proposal by U.S. President Donald Trump to resettle Gazans in what he described as “far safer and more beautiful” areas. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo toddobaadkan booqasho ku tagey gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto ayaa ku dhawaaqay in la baabi’inayo habraacii hore ee hubinta dadka Baasaboorka ama kaarka aqoonsiga qaranka qaadanaya. Habraaca adag ee hubinta dadka qaadanaya Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga ayaa Soomaalida si gaar ah loogu takoori jirey, ayadoo si ka duwan muwaadiniinta kale loola dhaqmi jirey, islamarkaana qofka aqoonsiga u baahan damiin iyo dad yaqaanna lagu xiri jirey. Hannaankan faquuqa ah ayaa Soomaalida keliya ku koobnaa, balse sanadkii 2010-kii ayaa dastuurka lagu daray in habraacyadan ay mari doonaan dhammaanka dadka deggan gobollada ku yaalla soohdimuhu. Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inay fududeyso hannaanka codsiga kaararka aqoonsiga qaranka iyo in la xoojiyo sinnaanta muwaadiniinta Kenya, wuxuuna nidaamkan cusub dhaqan-gali doonaa bisha May ee sanadkan 2025-ka. Source: goobjoog.com
-
Forces from Somalia's semi-autonomous Puntland region have captured swathes of territory from Islamic State during a weeks-long offensive they hope will draw increased international support, according to officials and Reuters reporters. Source: Hiiraan Online
-
South Sudan Friday confirmed the first case of mpox in the country after a patient tested positive for the virus. Source: Hiiraan Online
-
US President Donald Trump has said he is revoking Joe Biden's security clearance and access to daily intelligence briefings, after his predecessor did the same to him four years ago. Source: Hiiraan Online