Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Awdheegle (Caasimadda Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka salaaddii subax ka soo billowday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, dagaalka ayaa soo gaaray caawa fiidkii, waxaana dhacay khasaare culus. Kooxda Al-Shabaab waxaa maanta u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada Awdheegle, iyagoo u dagaalamay si aan horay loo arag. Hal urur oo ka tirsan ciidanka Gorgor ayaa kula dagaalamay magaalada, waxaa subixii horaba dagaalka ku dhintay Taliyihii ururka, is difaac badan kadib ciidamadu waxay sameeyeen dib u gurasho. Goobjoogayaal ku sugan Awdheegle ayaa Caasimadda Online u sheegay inay arkeen meydadka Shabaab tiro beel ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaas oo yaalla luuq kasta. Ugu yaraan afar muuqaal duube oo Shabaab ah ayaa la sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen dagaalka Awdheegle. Khasaaraha gaaray ciidanka waa yaraa, Maxamed Tawane Ciilow oo ahaa weriyihii ururka Gorgor ee Shabaab kula dagaalamay Awdheegle ayaan kamid ahaa askarta lagu dilay dagaalka. Diyaaradaha dagaalka ayaa maanta duhurkii ku biiray dagaalka, iyagoo duqeeyey kooxda Al-Shabaab, inkastoo ay ka bixi diideen magaalada, iyagoo ka cabsanaya in diyaaraduhu duurka ku laayaan. Ciidamo kasoo gurmaday Shabeellaha Dhexe oo uu hoggaaminayo Taliyaha guutada 14-ka Oktoober Nuur Farey iyo kuwo ka baxay Muqdisho ayaa galabta gurmad ahaan u tegay Awdheegle, waxaana la xoojiyey dagaalka tooska ah, si Shabaab-ka looga saaro magaalada, looguna duqeeyo banaanka. Dagaal culus kadib, waxaa kooxda la isugu geeyey xaafadaha ugu dambeeya magaalada, waxaana dhacay qorraxda oo habeen ayaa la galay, iyadoo hadafku yahay in kooxda laga saaro magaalada, si loogu duqeeyo duleedka. Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay xabsiga Awdheegle kala baxeen Yacquub oo ahaa horjoogihii u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak, kaas oo shalay galab isku soo dhiibay ciidamada qaranka ee ku sugan Awdheegle, iyagoo ku tilmaamay ‘mid ayaan daran.’ Qorshaha dowladda waa in Shabaab la duqeeyo markii ay ka baxaan magaalada Awdheegle, halka iyaguna ay ka baqayaan taas, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul wareegayaan magaalada oo caawa ku jirta xaalad colaadeed. The post Xogta dagaal culus oo xalay ka soo bilowday Awdheegle – Yaa caawa heysta magaalada? appeared first on Caasimada Online.
  2. The US and Israel have contacted officials from Sudan, Somalia and its breakaway region of Somaliland to discuss using their territory for resettling Palestinians from Gaza, the Associated Press reported on Friday, citing US and Israeli officials. Sudan officials said they rejected the proposal by the United States, and officials from Somalia and Somaliland said they were unaware of any contacts, AP reported. The White House and the US State Department did not immediately respond to Reuters’ requests for comment. The information ministers for Somalia and Somaliland did not answer telephone calls by Reuters seeking comment. The foreign ministry of Sudan, a country dealing with a devastating civil war that has displaced 12 million of its own people and spread famine, did not immediately respond to a request for comment. Earlier this month, Arab leaders adopted a $53 billion Egyptian reconstruction plan for Gaza that would avoid displacing Palestinians from the enclave, in contrast to US President Donald Trump’s vision of a “Middle East Riviera”. They included the leaders of both Sudan and Somalia. Trump has proposed a US takeover of the Gaza Strip to reconstruct the destroyed enclave, after earlier suggesting that Palestinians should be permanently displaced. Trump’s plan reinforced long-standing Palestinian fears of being permanently driven from their homes, and was met with widespread international rejection. Israel has killed more than 48,000 Palestinians since the war began on October 7, 2023, according to Gaza health officials. Al Arabya net Qaran News
  3. Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirka amniga XFS iyo danjiraha Turkiga? Wasiirka Amniga ee XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaacil (Fartaag), ayaa kulan afur ah kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kulankan afurka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa adkeeyey sida dalkiisa uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo inay sii wadi doonaan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Wasiirka Amniga General Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
  4. Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters. Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood. Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal— Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Soomaaliya, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha. Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban. Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.” Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio. Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horreysay shaaciyay liiskan dalalka la xusay. Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018. Trump ayaa 20-kii Janaayo soo saaray amar fulineed oo adkaynaya baaritaanka amniga ee lagu sameeyo qof kasta oo ajnabi ah oo doonaya inuu galo Mareykanka, si looga hortago khataraha amniga qaranka. Amarkan wuxuu farayaa in xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay 21-ka Maarso u gudbiyaan liis rasmi ah oo muujinaya dalalka laga mamnuuci doono ama si qayb ah loo xadidi doono socdaalkooda, maadaama “xogtooda la xiriirta baaritaanka iyo kormeerka aysan buuxin shuruudaha amniga.” Tallaabadan waa qeyb ka mid ah xoojinta siyaasadda socdaalka ee Trump uu bilaabay bilowgii xilligiisa labaad. Bishii Oktoobar 2023, Trump ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshihiisa, isagoo ballan qaaday inuu xayiraad ku soo rogayo dadka ka imanaya Marinka Gaza, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Yemen, iyo “meel kasta oo khatar gelin karta amniga Mareykanka.” Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi Reuters u dirtay oo ku saabsanaa arrintan. The post Liiska Soomaaliya iyo 40 dal oo kale oo go’aanka Trump uu saameyn doono (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  5. Proposed talks on trade routes that exclude Puntland State of Somalia will not materialise. Garowe ( PP Report) — The conflict in Sool, Sanaag and Togdheer has resulted in the closure of trade routes between Somaliland Administration, Puntland State and Sool, Sanaag, Cayn-Khaatumo interim administration (SSCK). It has had a negative impact on the economy of Somaliland administration, which partly depends on the free movement of people and taxation policies that put Puntland State at a disadvantage economically. The donor countries, particularly Britain and Denmark, are putting political pressure on the SSCK interim administration to commit to opening trade routes in return for development aid. “Without inclusive trade agreements between stakeholders, opening trade routes could lead to resumption of conflict” said a senior economist in Bosaaso. A 2021 Rift Valley Institute report on Lasanod discussed the taxation policy that Somaliland administration used while it occupied Lasanod and other parts of Puntland State of Somalia. Somaliland administration- imposed tariffs on goods from Puntland. Puntland and Somaliland, two “competing state entities… [were] seeking to expand their territories and tax bases along a major trade corridor.” While Somaliland controlled Lasanod, Puntland traders bore the brunt of insecurity caused by the stand-off at Tukaraq between Somaliland and Puntland State forces before 2023. “While lower import tariffs and closer genealogical ties might be thought to benefit Bossaso over Berbera, traders and transporters report that ‘weakening security’ and a ‘fragile administration” argued Ahmed M. Musa, the author of a Rift Valley Institute report funded by UK aid from the UK government through the FCDO’s XCEPT programme. The Somaliland administration levied a reduced tariff at Lasanod checkpoints – 40% – described as ‘tax bargaining’, “by which the Somaliland administration tries to keep the local population happy”. The aim was to buy the political loyalty of locals, but it backfired. “The Somali shilling and US dollar are accepted for daily transactions, while the Somaliland shilling is used to pay civil servants, who typically exchange their salaries into Somali shillings and US dollars,” wrote Musa. The British and Emirati Role in Trade Routes Britain and the UAE have vested interests in the opening of trade routes. According to British International Investment, “[Berbera] port is a cornerstone of the economy and by 2035 is expected to facilitate trade equivalent to nearly 27 per cent of GDP and 75 per cent of total trade, supporting indirectly 53,000 jobs in Somaliland. This will enable additional trade equivalent to 6 per cent of GDP by 2035. A variety of sectors is expected to benefit from the port expansion, including exporters of livestock, agricultural and perishable goods, textiles, and construction materials.” The UK’s development investment arm, CDC Group, invested $320 million in Berbera port’s expansion. Before the Sool conflict, goods imported through Berbera port and products from small-scale factories in Somaliland-controlled areas were transported via Puntland State of Somalia when the secessionist administration controlled parts of territories under Puntland’s federal jurisdiction. These territories are now under the SSCK interim administration, whose legitimacy Puntland State recognises. DP World, owned by the Government of Dubai, committed a $442 million investment to Berbera Port. Both Britain and the UAE were keen on what was known as the Berbera Corridor, which was intended to strengthen trade ties between Ethiopia and the Somaliland administration. Ethiopia’s goal to reduce dependency on Djibouti’s ports and its search for an independent sea outlet have diminished the importance of the Berbera Corridor proposition. In 2023 ”a unit of DP World won a 30-year concession in 2017 to develop and manage a multi-purpose port in Bosaso, Puntland’s commercial capital.” Puntland State of Somalia has a privately owned seaport in Garacad. Proposed talks on trade routes that exclude Puntland State of Somalia will not materialise. Through SSC-controlled territories, the Somaliland administration seeks access to the larger Puntland market, which remains open to the rest of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Donor Pressure Mounts on SSCK to Reopen Trade Routes in North Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Baku (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shirweyne caalami ah uga qayb-galay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbiajan, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo geeyay arrimaha isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shariif oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahiyay shirka uu ka qayb-galay, wuxuuna sheegay in looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. “Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbiajan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday shirka uu kusoo bandhigay caqabadaha siyaasadeed, kuwa amni iyo dhibaatooyinka kale ee haatan ka jira gudaha dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhibaatada argagixisada iyo khilaafaadka siyaasadda. “Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah” ayuu sii raaciyay. Arrimaha kale oo shirkan looga hadlay waxaa kamid ah sidii xal waar loogu helaa in dowladuhu ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda kale ee u degsan, si looga hortago inuu yimaado qalalaase ama gacan ka hadal. “Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda” ayuu yiri. Dhinaca kale, madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa kulamo doceedyo la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Turkiga. Ka qayb-galka Shariif ee shirkan caalamiga ah ee uu uga hadlay caqabadaha ka jira siyaasadda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli isaga iyo madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh ay si weyn isugu hayaan hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026. Villa Soomaaliya ayaa dooneysa inay qabato doorasho qof iyo cod ah, halka Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin qorshaha dowladda. The post Shariif oo sii fogeeyay dagaalka kala dhexeeya Xasan – Muxuu sameeyay maanta? appeared first on Caasimada Online.
  7. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad ayaa dagaallamayaasha Argagixisada Daacish ka saaray dhawr talis, oo ay ku keydsan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan, gaadiid, mootooyin iyo sahay ciidan. Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada Puntland ee PMPF ayay ku sheegeen in ay argagixisada Daacish ka saareen talisyadii Godmadow, Lugta Laaska Wehelle iyo Isha Dharabato oo dhammaantood ka tirsan togga Jeceel, islamarkaana halkaasi ku dileen laba miinayste oo kamid ah dagaallamayaasha kooxdaasi. “Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgallo qorshaysan maanta fuliyey ayaa ku diley laba Miinayste oo ka tirsan khawaariijta Daacish, iyagoona la wareegey Talisyada Godmadow ee Curaar, Lugta Laasku Wehelle iyo Isha Dharabato oo ka tirsan togga Jaceel” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka PMPF. Ciidamada ayaa sidoo kale mileeshiyaadka Daacish ka furtay gaari Iska-rogo ah, gaari yar oo ay furfureen, hubka noocyaddiisa kala duwan, Mootooyin, saad, sahay iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay dhammaantood aaseen, balse ciidamaddu ay fashiliyeen, sida uu xaqiijiyay Warsaxaafadeedka PMPF. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta gacanta ku dhigay keydadkii hubka, gaadiidka iyo saadka ee Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen si weyn uga horyimid tallaabo uu maanta qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kadib markii uu soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa horey shaaca uga qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya. “Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha. Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland). “Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo dhaqangelinaya qodobka kor ku xusan, wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay khusayso inay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka,” ayaa lagu yiri warqadda. Xildhibaannada soo saaray warsaxaafadeedkan oo gaaraya ilaa 106 mudane ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka guddoomiyaha, waxayna sheegeen inuu ka hor imaanayo dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka. Waxay sidoo kale sheegeen in guddoomiyuhu aanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado xildhibaan, tallaabadaasna ay tahay mid xadgudub ah. Xildhibaanno si gaar ah uga hadlay arrintan ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada guddoomiyaha: Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa yiri: “Xildhibaan lasoo doortay digreeto xil loogama qaadi karo. Sifooyinka uu xilka ku weynayo iyo dariiqa saxda ah ee loo marayo xeer hoosaadka ayey ku qoran yihiin.” Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa isna yiri: “Xildhibaan, haddaad musuqmaasuq ka hadasho ku talagal inaad xasaanadda ku luminayso.” Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay: “Geel kuul maxaas ka kasaa geedahaas ku rugtaa. Aadan Madoobe isagaa lumiyey kursigiisa. Period.” Xildhibaan Faaiso Jayte ayaa iyaduna tiri: “Warqaddan uu soo qoray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waa sharci-darro, mana waafaqsana shuruucda dalka u yaalla ee dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.” Xildhibaan Xuseen Maxamed Daahir ayaa ugu dambeyn yiri: “Waalidi maa bilaabatay, waa soonsoone yaan la is danbaajin.” The post In ka badan 100 xildhibaan oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (HOL) — The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has condemned the Somali Regional State's recent meeting with the Chinese energy firm Poly-GCL, accusing officials of facilitating "resource plunder" while disregarding the political rights of the Somali people. The group warned the company of "repercussions" should it proceed with oil and gas extraction without securing local consent. Source: Hiiraan Online
  10. Africalix Exclusive: Somaliland’s Path to Full Recognition Speeds Up! – A New Era Begins Washington’s potential recognition of Somaliland, signals a major shift in regional and global geopolitics: Eight Arab nations, thirteen Muslim-majority countries, and eleven EU states are set to follow US Qaran News
  11. Somaliland: A Rising Force in the Horn of Africa Somaliland is making strides towards international recognition. Hargeisa has maintained its position as one of Africa’s leading de facto states since 1991. With a strategic location immune from external dependencies, maritime access, and a commitment to fighting regional Islamism groups; the state’s assets are gaining traction. Could Somaliland’s recognition come true, under the #Trump administration, and how will this reshape regional dynamics? Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay inta u dhexeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Xubnaha Al-Shabaab oo aad u habeysan ayaa lagu arkay iyaga oo maraya waddada dhinaceeda, waxaana kadib la maqlay rasaas kooban iyo madaafiic, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Rasaasta ayaa u dhexeysay ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo xubnaha Al-Shabaab, waxaana lasoo wariyay inay firxadeen maleeshiyaadkii lagu arkay aaggaasi, iyaga oo horay usii galay dhulka hawdka ah ee ku yaalla halkaasi. Kooxda Al-Shabaab oo baraha bulshada qoraal kusoo daabacday ayaa si kooban uga hadashay arrintan waxayna sheegteen in dagaalyahannadeeda ay howlgal ku gaareen Lafoole iyo Xaawo Cabdi, kadibna ay si nabadoon kusoo laabteen, sida ay hadalka u dhigtay. Dhaq-dhaqaaqan laga dareemay duleedka Muqdisho, gaar ahaan aagga Lafoole ayaa dhinaca kale cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay si dhuumaaleysi ah ay halkaasi kusoo gaareen Al-Shabaab, suuragalna tahay inay isku dhinacyo dhacaan. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha saaka lagu arkay Al-Shabaab ku sugan ciidamada ammaanka oo isku fuliyay dhulkaasi, si ay uga hortagaan maleeshiyaadka Khawaarijta. Deegaannada Lafoole, Xaawo iyo Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamada Boolis Milatari oo halkaas ka ilaaliya amniga caasimadda, waxayna fariisimo iyo bara koontarool ku leeyihiin deegaannadaasi, kuwaas oo lagu hubiyo gaadiidka. Marar badan ayay sidaan oo kale dhacday, waxaana xubnaha Al-Shabaab lagu arkaa deegaannada u dhow caasimadda, iyaga oo sidoo kale weerara fariisimaha ciidamada iyo degmooyinka dhaca cirifyada, sida Kaxda iyo Dayniile oo ka tirsan gobolka Banaadir. Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Balcad oo iyana 35 KM u jirta caasimadda, iyagoo saacado kadibna dib uga baxay degmadaas. Arrimahan ayaa keenay su’aallo badan oo la’iska waydiinayo qorshaha dagaalka ay dowladda kula jirto argagixisada ee muddada dheer socda, waxaana ay dowladda ay ku cel-celisaa in la xoreeyay dhul ballaaran, hase ahaatee waxaa muuqata in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabteen deegaanno horay looga xoreeyay, ayna ka fuliyeen weeraro culus. Waxaa sidoo kale maleeshiyada Khawaarijta ay culeys xoogleh soo saareen gobollada Shabeellooyinka oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen weeraro, iyaga oo qabsaday deegaanno horay looga saaray, waxaase hadda soconayo howlgallada ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda oo looga hortagayo argagixisada. The post Xog: Xubno Shabaab ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  13. Garowe (HOL) — Puntland authorities have raised alarms over Mogadishu's security, warning that the capital could face a scenario similar to Afghanistan's collapse following the U.S. withdrawal. Source: Hiiraan Online
  14. Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan Galbeedka Afrika, oo dalal Carbeed ay ka mid yihiin. Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, balse lagama arkin Aasiya iyo Bariga Afrika. Markii hore waxaa laga arkay Galbeedka Afrika, oo ay ku jiraan Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka. Arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah. Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka. Qaran News
  15. Garowe (HOL) — Puntland’s Minister of Justice and Religious Affairs, Mohamed Abdi Wahab, has reiterated that women and children linked to ISIS should not be targeted, emphasizing that such actions violate Islamic principles and human rights laws. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan golaha, kaas oo horay laf dhuun-gashay ugu noqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaankan oo marar badan fadeexo iyo musuq-maasuq ku eedeeyay dowladda, isla markaana warbixino u gudbiyay hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyn maanta laga eryay baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Go’aanka oo lagu caddeeyay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii golaha shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya. “Hadaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin golaha shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”. Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo dhaqangelinaayo qodobka kor ku xusan wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay quseyso inay soo buuxiyaan kursiga banaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka” ayaa mar kale lagu yiri warqadda. Gaba-gabadii waxaa warqadda lagu yiri “Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo guddoomiyaha golaha shacabka BJFS, wuuna saxiixay”. Xildhibaanka la eryay ee Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa xilligii doorashada kusoo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna gebi ahaan ka baxay siyaasadda Soomaaliya, dibna ugu laabtay Somaliland. The post Xildhibaan laf dhuun-gashay ku noqday DF oo laga saaray xubinimadii BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) — For decades, Sheikh Abdirahman Sheekh Dandaawi has been a leading figure in Qasaa'id recitations, delivering poetic hymns praising the Prophet Muhammad and spiritual songs during Ramadan and Mawlid celebrations. Source: Hiiraan Online
  18. Digniin kooban oo ka soo baxday Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ugu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ay taxaddar ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka dagaallamayaasha ISIL ee baxsadka ah, kuwaasi oo isku dayay in ay bulshada ku soo dhex dhuuntaan. “Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayuu yiri Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo digniin kooban ka soo saaray dhaq dhaqaaqa firxadka argagixisada ISIL ee baxsadka ah. Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo dadweynaha la wadaagay number gaaban(999) ayaa ka dalbaday in ay ku soo gudbiyaan xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqa kasta oo laga shakiyo, si aysan firxadka argagixisada ee baxsadka ah ugu dhex dhuuman shacabka, waxaana uu Boolisku codsaday in mas’uuliyad wadareed la iska saaro sugidda ammaanka guud. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo digniin amni ka soo saartay dhaq dhaqaaqa firxadka ISIL oo ku milmaya dadweynaha appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) — Somali army forces repelled a heavy Al-Shabaab attack on Awdheegle district in the Lower Shabelle region on Saturday morning, killing several militants, local officials said. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Somali lawmaker Dr. Abdullahi Hashi Abiib has lost his parliamentary seat after failing to attend two consecutive sessions of the Lower House, Speaker Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe announced on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Washington (Caasimadda Online) – Sida uu maanta baahiyay Wargeyska Financial Times, dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya aqoonsiga ay Hargeysa ka dooneyso maamulka madaxweyne Donald Trump. Wargeyska ayaa ku warramay in saraakiil ka tirsan Maraykanka ay bixiyeen xogta wada-hadallo dhexmaray labada dhinac oo ku aaddan arrinta aqoonsiga oo indhowaanahan aad loo hadal hayay, kadib doorashadii Trump. Saraakiisha ayaa bixiyay warbixin ku saabsan heshiis cusub oo uu Mareykanka la galayo Somaliland, kuna aqoonsanayo, isaga oo ku beddelanaya saldhig milatari oo uu ku yeelanayo magaalo xeebeedka Berbera ee maamulkaasi. Macluumaadkaa la helayo ayaa intaasi kusii daraya in madaxweyne Trump aanu weli tallaabo rasmi ah qaadin, isla markaana wada-hadalladu ay yihiin kuwo hoose, iyada oo xittaa aan lala wadaagin madaxda xafiiska Maraykanka ee Afrika, si ay uga howlgalaan. Arrinta aqoonsiga waxaa sidoo kale si weyn u kar-karinayo saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan. Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Ma jiro wax wadahadal ah oo aan la leenahay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.” Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka. Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka. The post Arrin cusub oo kasoo korortay aqoonsiga Mareykanka ee maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) — In Niger, where livestock farming sustains nearly nine out of ten workers, women remain the backbone of the industry—yet their contributions are often overlooked. Wouro Habsatou Aboubacar is changing that. She has built a thriving business from an unlikely source—camel milk—transforming what was once a traditionally shared product into a high-demand commodity that challenges cultural norms and strengthens the local economy. Source: Hiiraan Online
  23. Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal ayaa saaka oo Sabti ah la hor-keenay saddex eedaysane loo haysto kiis ku saabsan mooral-siin iyo taageeridda kooxo argagixiso. Saddexda eedaysane oo kala ah; Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad, Fahad Maxamed Abshir iyo Caamir Cabdi Muuse ayaa la hor-keenay fadhigii maxkamadda ee saaka, kaddib markii xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee (Sool&Nugaal) ku soo eedaysay eed ku saabsan in ay mooral iyo taageero siinayeen kooxaha Argagixisada ah. Garsooraha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal, Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa fadhiga maxkamadda ee saaka ka sheegay in aysan wax danbi ah ku helin saddexda eedaysane, maadaama maxkamaddu maalmo ka hor dhegeysatay eedda loo haysto, islamarkaana wax caddayn ah loo waayay. Garsooraha ayaa sidoo kale go’aan ka soo saaray kiiska saddexda eedaysane, waxaana uu amray in dib xorriyadooda loogu celiyo, balse intaasi kaddib waxa hadalka qaaatay taliyaha waaxda danbi baarista gobolka Nugaal sidoo kalena ah xeer ilaaliyaha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka (Sool&Nugaal), Mahad Cabdi Falow, waxaana uu sheegay in uu go’aanka soo baxay rafcaan uga qaatay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland PUNTLAND POST The post Maxaa saaka ka dhacay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu (HOL) — A young man in Berbera set himself on fire Friday after an apparent romantic dispute, suffering severe burns before emergency responders put out the flames, authorities and witnesses said. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — The United States and Somaliland have engaged in discussions over a potential agreement that could see Washington recognize Somaliland in exchange for a U.S. military base in the strategic port city of Berbera, according to Financial Times. Source: Hiiraan Online