Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne u dhexeeyo dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayada oo looga hadlayo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaaa dadaallada ku saabsan xasilinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay weli ku harsan yihiin xubnaha Al-Shabaab. Sidoo kale dhinacyada shirka ka qayb-galaya ayaa isla gorfeyn doono sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka. Ku-simaha ra’iisul wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa ka codsaday xubnaha beesha caalamka inay laba jibaaraan taageeradooda, isla-markaana ay dowladda ku garab siiyaan soo kabashada deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu tilmaamay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka la xoreeyay ee u baahan in gargaar la gaarsiiyo. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xoreynta iyo xasilinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran, isla-markaana ay muhiimad gaar ah siinayaan. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah. Waxaa sidoo kale intaas usii dheer in dalka ay ka jiraan daruufo kale oo nololeed, kuwaas oo ay keeneen abaaro iyo fatahaado soo laa laabtay oo ku dhuftay dalka. The post Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka u furmay DF iyo beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.
  2. “ Garoowe waxa ka taagan waxa u sabab ah hoggaanka Puntland oo laga la’ yahay in waqtigii lagu heshiiyey uu doorasho ku qabto oo tuhun laga qabo.” Wasiir Fiqi. Qaran News
  3. Laascaanood (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa waxaa looga hadlay hadalkii kasoo yeeray taliyaha ciidamada milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ku hanjabay inay dagaalka sii wadi doonaan. Qoraalka kasoo baxay SSC ayaa waxaa lagu sheegay in hadalkaas uu yahay mid walwalkiisa leh, maadaama uu sii hurinayo colaadda ka taagan Laascaanood. SSC ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dhaga fureysatay baaqii kasoo baxaya Golaha Ammaanka ee QM ee looga dalbaday in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daraya in Somaliland ay damacsan tahay in mar kale ay dhibaato ka geysto Sool, isla-markaana ay ku duusho dadka deegaanka. “Hadii dilida boqollaal, dhaawicida kumanaan, barakicinta 280,000, iyo in uu si baaxad leh u burburiyo Laascaanood ay maskaxdiisa ka tahay naxariis, qofku wuxuu kasii gariiri karaa waxa weeraradiisa soo socda ay gaysan karaan, haddii uu sida ku socdo, isaga oo dhagaha ka furaystay baaqii Golaha Amaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay SSC. Dhanka kale hoggaanka dhaqanka SSC ayaa xusay in ciidankooda ay marar badan is dajiyeen kadib weeraro uga yimid Somaliland, balse hadda kadib ay is difaaci doonaan. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale ka digtay halista dagaalka haatan la qorsheynayo, ayada oo shaaca ka qaaday in uu kusii fidi karo gobolka Sool oo dhan, sida ay hadalka u dhigtay. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana weli isku horfadhiya ciidanka labada dhinac oo mararka qaar madaafiic isku weydaarsada duleedka magaaladaasi. The post Maxay SSC ka tiri hanjabaada uga timid SOMALILAND? appeared first on Caasimada Online.
  4. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa galabta fadhi ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya Waxa kulanka hadal ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka jeedinaya Ergeyga QM. Qaran News
  5. Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa hadda ka socda Xarunta Madaxtooyada Garoowe. Kulanka oo uu shir-guddoominayo Madaxweyne Siciid Deni ayaa looga hadlayaa Qodoba ay kamid yihiin Xaaladda magaalada Garoowe iyo Amniga guud ee Puntland. Shirka ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan Qodoba la xiriira Xaaladda taagan gaar ahaanna hubanti la’aanta ka jirta Garoowe oo uu sababay dagaalkii ka dhacay magaalada. Dad badan ayaa tan iyo Xalay ka bara-kacay Caasimadda Garoowe kadib markii si weyn magaalada looga faafiyay warar xambaarsan dhiillo colaadeed. Waxaase wararkaas beeniyay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal islamarkaana sheegay in ay dhaqan-gashay Xabbad-joojintii ay dhinacyada dagaallamay dhex dhigeen Isimada Gobolka. Xaaladda Garoowe ayaa hadda deggan waxaana la sugayaa in ay yimaadaan Isimada Puntland oo shir deg deg ah ka yeelanaya Khilaafka Siyaasadeed ee jira. PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta looga hadlayo Qodoba Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta ugu warramay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isaga oo sidoo kale u jawaabay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii Golaha Wadatashiga. Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Cumar Cabdirashiid uu weligiis diidanaa doorashooyinka, isla-markaana xukuumaddiisii ay ka hortimid in la dhiso guddiga doorashooyinka. Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Cumar Cabdirashiid uu xilligan kasii hadlo arrimo ku aadan doorasho, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay inuu ku tuntay sharcigeeda. “Cumar Cabdirashiid wuxuu leeyahay hadda suurtagal ma ahan doorasho, 2016-kii sharciga hoos ayuu gashanaayay, haddana welina doorasho ayuu ka hadlayaa” ayuu yiri wasiir Fiqi. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in xittaa sanadkii2016-kii ay dacwo iskula tageen maxkamadda sare, kadib markii uu sheegay in jeebka gashaday sharcigii lagu dhisayay guddigga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka, ugu dambeyna ay uga adkaadeen. “Aniga waxaan ahaa dadkii xisbiyada ka shaqeyn jiray waxaan maxkamadda sare ku dacweynay Cumar Cabdirashiid oo ahaa ra’iisul wasaaraheenna oo sharcigii lagu dhisayay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka meel gashaday markii wasiir Odowaa iyo xukuumadda uu soo gudbisay” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Macallin Fiqi. Waxaa kale oo uu kusii daray “Dalkan lama sii joogi karo dadka wey bislaadeen meel hoos laguma heyn karo”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka dhalatay heshiiskii ay doorashooyinka ka gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ay diideen inta badan xubnaha mucaaradka oo eedeyn culus u jeediyay dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. The post Daawo: FIQI oo u jawaabay Cumar Cabdirashiid appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah. Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka waxa uu ku sheegay argagixisada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo Al-shabaab ku sugnaayeen muddo dheer. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa Sidoo kale ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in weli ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda dagaal ee u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Saciid Deni, si loo dhammeeyo. Isimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee Garoowe, ayada oo ujeedka uu yahay in xal loo helo xiisadda taagan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Ismimada ka maqan Puntland ay saacadaha soo socda gaari doonaan Garoowe, si ay ugu biiraan waa-waanta socota. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Isimadu ay shirkooda uga arrinsanayaan xallinta xiisadda ka dhex aloosan xukuumadda Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Puntland ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii la’isku qabtay furista dastuurka maamulkaasi, taas oo keentay in lagu dagaalmo magaalada Garoowe. Dhanka kale, laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Garoowe, kadib markii ay maalin kahor ku wada dagaameen ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan ayaa beeniyay in wararka ku saabsan in weli ay khatar amni ka jirto magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay in hadda ay dagan tahay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in y dhaqan gashay xabad joojintii lagu dhawaaqay si dagaalka loo jiyo, loogana hortago xiisadda u dhexeysa xukuumadda iyo mucaaradka. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo hubeysan ay isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taas oo aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay. “Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagan tahay xaaladda, sidoo kale ay socdaan wadahadallo lagu doonayo in la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac. The post Xaggee ayay marayaan wadahadallada ka socda Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  9. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Washington, kuwaas oo looga hadlayo arrimo ku saabsan xaaladd Soomaalya, isagoo sidoo kale dalab ku aadan cunaqabateyna hubka u gudbiyay dowladda Mareykanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarunta Pentagon-ka kula kulmay wasiirka difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka. Ugu horreyn Austin ayaa ku boggaadiyay madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka Al-Shabaab. Dhankiiisa madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey. Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Washingtin kula kulmay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, iyaga oo yeeshay wadahadalo dhinacyo kala duwan ah oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya, Linda ayaa Xasan Sheekh ku boggaadisay sida ay uga go’an tahay dib u heshiisiin qaran iyo horumarada laga sameeyey hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa ay sidoo kale ballan qaaday in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay inuu garab istaagto yoolasha xilliga kala guurka amniga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka la gaaro bisha December ee sannadka 2024. Waxaa kale oo ay intaasi kusii daray in Mareykanka uu wax kala qaban doono arrimo bani’aadanimada, gaar ahaan cunto yarida ka jirta Soomaaliya. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka. The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab xasaasi ah u gudbiyay MAREYKANKA appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu (HOL) - A six-year-old girl, Nafiso Idle Yusuf Sheikh Ahmed, was tragically murdered by her cousin, reportedly suffering from mental illness. The unnamed suspect used a knife to kill the young girl. The horrific event took place on Wednesday in the Darussalam area of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Kismayo (HOL) - At least eight people were killed and 19 others injured in two explosions in Somalia's southwestern town of Bardhere in the Gedo region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  12. Secretary of Defense Lloyd J. Austin III welcomed Somali President Hassan Sheikh Mohamud to the Pentagon today praising the Somali leader for real progress at a very dangerous time. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu xayirayo koontada shaqsiga ah ee Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) oo ahaa Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya. Warqad kasoo baxday Xarunta Warbixinada Maaliyadda FRC, gaar ahaan Xafiiska Agaasimaha ayaa waxay fartay in koontada ku diiwaan-gashan Muxiyadiin Saabey la xayiro, islamarkaana uu bangiga kasoo warbixiyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee koontadaas (laga bilaabo maalintii la furay illaa June 2023-ka). “Ayadoo la tixraacayo qodobka 21-aad faqradiisa 3-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag Dhaqidda & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada AML/CFT Act 2016. Xarunta Warbixinada Maaliyadda FRC ayadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo waxay idin faraysaa in koontada aad xayirtaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xarunta Warbixinada Maaliyadda FRC. Bangiga ay ka furan tahay koontada Muxiyadiin Saabey oo lagu magacabo Agro Bank ayaa waxay Xarunta fartay inay warbixinta la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada koontadaas ay ugu soo gudbiyaan 24 saac gudahood. “Sidaas darteed waxaa la idin rajaynayaa inaad xayirtaan, sidoo kale soo gudbisaan dhamaan warbixinta dhaq-dhaqaaqyada koontada magaca sare ku xusan iyo aqoonsiyada (KYC/CDD, Account Opening Form and Bank Statement) kuna soo dirtaan muddo aan ka badnayna 24 saac gudahooda oo ka bilaabata marka ay idin soo gaarto warqada Xarunta.” Waraaqdan lagu xayiro koontada Muxiyadiin Saabey ee kasoo baxday Xarunta Warbixinada Maaliyadda FRC, ayaa waxaa ku saxiixna Agaasimaha Xarunta Aamina Maxamed. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii dowladda ay waaran soo qabasho u jartay Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey). Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro, kuwaasi oo ku eedeysan arrimo la xiriira musuq-maasuq. Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey. Si kastaba, Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha dowladda. The post Dowladda oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Saabey appeared first on Caasimada Online.
  14. Garoowe Ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo Gen.Jimcaale Takar ayaa markii u horreysey ka hadlay dagaalkii shalay, iyaga mas’uuliyaddiisa ku eedeeyey dowladda: “Mar kale wuxuu Deni qorshaynayaa weerar kale isaga oo aan dheg jalaq u siinayn xabbad-joojintii isimmada.” – Ayaa lagu warsaxaafadeedka. Hayeeshee Guddoomiyaha Gobolka Nugaal waxa uu goordhaweyd sheegey in aanu dhinacooda ka jirin wax dhaqdhaqaaq ah, dadkuna ay is dejiyaan. Qaran News
  15. US Secretary of Defense Lloyd Austin hosts an enhanced honor cordon and bilateral meeting with Hassan Sheikh Mohamud, President of Somalia at the Pentagon. Source: Hiiraan Online
  16. In February 2011, ignoring warnings of high-seas piracy, Jean and Scott Adam and Phyllis Macay and Bob Riggle sailed across the Indian Ocean in a 58-foot-yacht called the Quest. The Adams were members of the Del Rey Yacht Club in Marina Del Rey, California. Source: Hiiraan Online
  17. The government's plan to transition the Dadaab and Kakuma refugee camps into integrated settlements has received a major boost with the allocation of over Ksh28 billion ($199.71 million) to the project. Source: Hiiraan Online
  18. Book Club: Ayaan Mohamud's debut novel focuses on a young Somali woman in London who learns to stand up for herself. The book's authentic portrayal of the British Somali community helps the reader understand the challenges of Islamophobia in the UK. Source: Hiiraan Online
  19. At least seven people were killed Wednesday when two cars loaded with explosives detonated outside a military training camp in the southern Somali town of Bardhere. Source: Hiiraan Online
  20. Somali service provider Somtel is deploying the DZS Saber compact and environmentally hardened coherent optics solutions to future-proof its dense wave division multiplexing (DWDM) backbone network for reliable, cost-effective delivery of high-bandwidth aggregation and transport services. Source: Hiiraan Online
  21. Migrant crisis: Tunisian fisherman finds dead bodies in his net By Mike Thomson BBC News, Sfax As the number of migrants trying to reach Europe grows so does the number of deaths in the Mediterranean. While European Union officials struggle to contain the exodus, the plight of those fleeing poverty and persecution is leaving its tragic mark on the shores of Tunisia. As the sun creeps above the horizon off the shores of its eastern coast, fisherman Oussama Dabbebi begins hauling in his nets. His face fixes anxiously on its contents, because sometimes fish are not all he finds. “Instead of getting fish, I sometimes get dead bodies. The first time I was afraid, then step by step I got used to it. After a while getting a dead body out of my net is like getting a fish.” The 30-year-old fisherman, clad in a dark, hooded sweatshirt and shorts, says he recently found the bodies of 15 migrants in his nets over a three-day period. “Once I found a baby’s body. How is a baby responsible for anything? I was crying. For adults it’s different because they have lived. But you know, for the baby, it didn’t see anything.” Mr Dabbebi has fished these waters near Tunisia’s second city of Sfax since he was 10 years old. In those days he was one of many casting their nets, but now he says most fishermen have sold their boats for vast sums to people smugglers. “Many times smugglers have offered me unbelievable amounts to sell my boat. I have always refused because if they used my boat and someone drowned, I would never forgive myself.” Image caption, Many African migrants are determined to reach Europe in the hope of a better life A short distance away a group of migrants from South Sudan – which has been hit by conflict, climate shocks and food insecurity since its independence in 2011 – are walking slowly away from the port. All ultimately hope to reach the UK. One explains that they have reluctantly abandoned a second attempt to cross to Italy because of an overcrowded boat and worsening weather. “There were so many people and the boat was very small. We were still going to go, but when we pushed away from the shore it was really windy. There was too much wind.” According to Tunisia’s National Guard, 13,000 migrants were forced from their often overcrowded boats near Sfax and returned to shore in the first three months of this year. Between January and April this year some 24,000 people left the Tunisian coast in makeshift boats and made it to Italy, according to the UN refugee agency. The country has now become the biggest departure point for migrants trying to reach Europe. Libya previously held this dubious accolade, but violence against migrants and abductions by criminal gangs have led to many travelling to Tunisia instead, before heading on to Europe. Though the boat involved in last week’s disaster off the Greek coast, which has left at least 78 people dead and an estimated 500 missing, had sailed from Libya. Image caption, Most fisherman in Sfax have sold their boats for vast sums to people smugglers Many of their rusting and rotting vessels lie either half-submerged in water or stacked in huge piles next to Sfax’s port. Forlorn reminders of the dangers of the world’s deadliest known migration route. Another stark reminder can be found at the cemetery on the outskirts of the city. Rows of freshly dug graves lie empty in an extended part of the graveyard, waiting for the next loss sea disaster. But they will not be enough. A new cemetery entirely dedicated to migrants is now being planned. In just one two-week period earlier this year, the bodies of more than 200 migrants were retrieved from the sea here. Across the whole Mediterranean, more than 27,000 people are known to have died trying to reach Europe since 2014. This accelerating tragedy is causing great difficulties for the city. The director of the regional health authority, Dr Hatem Cherif, says there simply are not the facilities to deal with so many deaths. “The capacity of the hospital mortuary is a maximum of 35 to 40. This is usually sufficient, but with all this influx of bodies, which is getting worse, it’s way past the numbers we can take.” As many as 250 bodies were brought to the mortuary recently. Most had to be placed in a chilled adjoining room, grimly named the “catastrophe chamber”, one on top of each other. Though Dr Cherif was keen to point out that all will be buried in separate, numbered graves. Many of those who die are unidentified, so DNA tests are being organised and the results carefully stored. The idea is to enable relatives searching for loved ones to see if they are buried here, by checking for matches with their own DNA. Image caption, African migrants in Tunisia say they have become targets of racist attacks Three hours’ drive north-west of Sfax, several hundred members of Tunisia’s black minority, many of them women and children, are camped in small tents outside the offices of the International Organization for Migration in central Tunis. All were evicted from their homes and sacked from their jobs in the city after an incendiary, racist speech in February by the country’s President Kais Saied. He claimed “hordes” of illegal migrants were entering the country as part of a “criminal” plan to change its demography. These comments were widely viewed as an attempt to find scapegoats for the country’s economic crisis, which has led many desperate Tunisians to become migrants themselves. Pointing to a recent stab wound on his arm, a young man originally from Sierra Leone – which still recovering from a brutal civil war that ended in 2002 – says that since the president’s speech, knife-wielding local youths have assaulted many people here. “Some Arab boys came here to attacks us. The police said they would keep us secure if we stay here. But if we go outside of this area, we are not safe.” This worrying situation and the continued jailing of opponents and erosion of civil rights by the country’s president appear to be less of a priority for EU officials than curbing the flow of migrants. So far this year more than 47,000 migrants have arrived in Italy, a three-fold increase on the same period of last year and demands have grown for something to be done. During a brief visit here earlier this month a visiting delegation led by the head of the European Commission, Ursula Von der Leyen promised a possible financial support package of nearly 1bn euros ($1bn; £850m). If approved, around a tenth of this sum would be spent on measures to tackle human trafficking. Last week’s tragedy off the Greek coast has heightened demands for something to be done. Yet with many migrants so desperate and people smuggling so profitable for traffickers, stopping the flow of small boats will not be easy. Crowds of migrants from all over Africa and parts of the Middle East gather in groups in shaded spots of the streets of Sfax. Some have funds to pay for a place on a trafficker’s boat, others live in limbo, unable to even pay for their food and shelter. Many have either lost their passports or had them stolen, while some never had one having left their countries illegally. All have heard of the deaths of so many who tried to reach Europe, but it seems desperation continues to trump danger, as a young man from Guinea made clear. “We cannot go back to our country because we don’t have money or passports. I’m not afraid. I’m starving, there is so much poverty [at home] and my parents have nothing. I don’t want my children to live like that. I need to go.” The tragedy is that this basic human aspiration for a better life so often comes at such a very high price. You can watch Mike Thomson’s report from Tunisia for Newsnight on the BBC iPlayer here (only available in the UK) Qaran News
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Booliska Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been-abuur ah oo ay sheegeen in laga faafiyay amniga caasimadda Garoowe. Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa lagu beeniyay wararka ku saabsan in khatar amni ay ka jirto Garoowe, xilli dad badan oo ka cabsi qaba dagaal mar kale qarxa ay ka baxayaan magaalada. Taliska dadweynaha caasimadda ku wargeliyay in aysan dhegaysan been-abuurka ay faafinayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen cadowga Puntland. Warkan ayaa soo baxay kadib shir gaar ah oo ay xaaladda Garoowe ka yeesheen guddiga amniga gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka. “Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan. Hadalka mas’uuliyiinta ayaa imaanaya iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dhiillo colaadeed ka jirto Garoowe, islamarkaana ay suurta-gal tahay dagaal mar kale qarxa. Wararkaas la faafiyay ayaa sababay bara-kac ka billowday xaafadaha Garoowe qaarkood gaar ahaanna xaafadda Halgan oo dad badani ka guureen. Xaaladda Garoowe ayaa hadda degan kadib heshiis xabad-joojin ah oo la dhex dhigay maamulka Saciid Deni iyo mucaaradka kasoo horjeeda qorshe ay sheegeen inuu doonayo inuu muddo kororsi ku sameeyo. Dagaalkii magaalada ka dhacay Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay 26 qof oo 16 ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii dagaalamay, ayada oo 30 kalena ay ku dhaawacmeen. The post PUNTLAND oo soo saartay war deg deg ah kadib arrin ka billaabatay GAROOWE appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo la xiriirta nidaamka xoola qalka maalmaha Ciidul Adxaa. Shirkadaha iyo hay’addaha sameynaya Udxiyada ayey wasaaradda ku wargelisey in ay raacaan habraacaan ay soo saartay, si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka. Wasaaradda ayaa amartay in marka hore xoolaha la baaro caafimaadkooda inta aan la qalin iyo markii la qalo kadib, si looga hortagp cudurada ay is qaadsiiyaan dadka iyo dhunyada (Prevention of zoonotic disease). Waxay mamnuucday in la qalo neefka dhediga ah hadii aysan aheyn dhaqan ka bax (dhalmo goys), ayada oo sheegtay in qalidda neefka dhidiga waxay wax u dhimaysa tartanka xoolaha Soomaaliyeed. “Waxaa waajib ah in xilliga la gowracayo neefka la ilaaliyo xuquuqda neefka, sida in laga ilaaliyo argagaxa islamarkaana loo gowraco sida ay qabto shareecada Islaamka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS. “Xilliyada udxiyo wadareedka, wasaaradda waxay fareysaa ururada ama hay’adaha ku hawlan udxiyada in ay ku koobaan qalidda xoolaha keliyaha goobaha loo asteeyay sida kawaanada, islamarkaasina waa in ay ku wargeliyaan Wasaaradda si loogu soo diro dhaqaatiirta ku hawlan baarista xoolaha maalmaha Ciidda.” Wasaaradda ayaa fartay shirkadaha iyo hay’adaha sameynaya Udxiyada inay iska soo diiwaan-geliyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, si loogu diyaariyo dhaqaatiirta la shaqeyneysa maalmaha Ciidul Adxa. Ugu dambeyntiina waxay ku boorisay samafalayaasha, shirkadaha iyo hay’adaha Udxiyada bixinaya in u hogaansamaan awaamiirta kasoo baxday wasaaradda, si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka. The post DF Soomaaliya oo soo saartay amar la xiriira maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online.
  24. Ra’iisal-wasaaraha Somalia oo Booqday,Salaad Sunne ahna ku oogay Gudaha Masjid An-Nabiwiga Madina All reactions: 2.5K2.5K 98 145 Like Comment Share Qaran News
  25. Isimada dhaqanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Garoowe. Isimada ka maqan Garoowe ayaa saacadaha soo socda ku wajahan caasimadda oo sida qorshaysan uu ka furmayo shirkaas. Isimada ayaa shirkooda uga arrinsanaya xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Xiisadda labada dhinac oo la xiriirta furista dastuurka iyo hubanti la’aanta doorashada 2024 ayaa sababtay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Garoowe. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Baarlamanka Puntland uu si boobsiis ah ugu codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku tilmaameen xeelad mudda kororsi. Intaas kadib islaan Ciise Islaan Maxamed iyo suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa ku dhawaaqay in ay xabbad-joojin ka ogolaadeen labada dhinac. Dowladda ayaa sidoo kale ka hadashay xabbad-joojintii lagu dhawaaqay waxaana ay sheegtay in si rasmi ah loo dhaqan-geliyay. PUNTLAND POST The post Isimada Puntland oo shir deg deg ah ka yeelanaya xiisadda siyaasadeed ee Garoowe appeared first on Puntland Post.