-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan in uu xaday cunug yar. Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan kadib markii lagu soo wargeliyay kiiskaan, wuxuuna talisku soo bandhigay sawirkiisu. Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ninkaan lasoo qabtay loo horgeyn doono cadaaladda. Booliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Muqdisho ka dalbaday inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan falal amni darro, “Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhigga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.” Maalin kahor ayay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin ganacsatada Soomaaliyeed ee caasimada ku ganacsade ku dhacaya lacag doolar oo been abuur ah. Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Ducale Maxamed ayaa waxa uu talisku sheegay in la horgeyn doonaa Maxkamada Awooda u leh, si loogu qaado dambiga loo haysto, loona marsiiyo cadaaladda. Si kastaba, Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda mid soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee dowladda federaalka ay ku sugeyso amniga, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir. The post Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin loo haysto kiis culus appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo horleh oo ka baxay gobolka Sanaag, kuwaas oo ku biiraya ciidanka deegaanka SSC ee ku sugan halkaasi. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa waxaa si weyn magaaladaas ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka SSC-Khaatuma iyo waxgaradka deegaanka. Sawirro laga soo qaaday ciidanka ayaa la arkayay, ayaga oo qalabeysan, isla-markaana kusii jeeda aagga dagaalka ee Laascaanood. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidankan oo u abaabulan hab beeleed ayaa ka soo baxay degaanka Xingalool ee gobolka sanaag, iyaga oo qeyb ka noqonaya xoogagga SSC ee duleedka magaalada Laascaanood kula dagaalamaya milatariga Somaliland. Waa markii saddexaad oo ay xarunta gobolka Sool gaarayaan ciidamo ka tegay deegaanka Xingalool oo beesha degta ay si weyn taageero ugu muujibeyso xoogagga SSC-Khaatuma. Dhanka kale, Somaliland ayaa ciidamo horleh geysay xerada Goojacadde oo ah furinta dagaal ee ugu adag, isla-markaana ay haatan isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool. Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay. Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Sawirro: Ciidamo horleh oo gaaray Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa dad kabadan 6kun oo qoys oo iskugu jira barakacyaal,dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiya gaarka ah u qeybisay hilibka udxiyada iyada oo lagu guda jiro maalintii labaad ee ciidul adxa Qoysaska Gargaarkaan ka faaiideystay ayaa ku kala sugan kaamam ku yaal deegaanka garasbaaley si gaar ah xaafada weydow,degmoykinka kaxda,iyo waabari. Deeqdaan waxaa Hay’adda ka taageeray Hay’addaha kala ah King Salmaan, bisha Cas turkiga iyo Hay’adda Raabitadul caalamul islaami. Qaar kamid ah dadkii ka faaiideystay gargarakaan ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA iyo Hay’addaha kale ee ka gacansiiyey. Agaasimaha waxda Gargaarka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA sahra Ali Yuusuf ayaa kawarbixisay gargaarkaan. Masuuliyiin ka socday hay’adaha bisha cas turkiga iyo Raabitadul caalamul islaami ayaa sheegay sidan. Qaar kamid ah dadkii gargaarkaan ka faaiideystay ayaa u mahadnaqay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE Inclusivity Through Education: Driving Equal Opportunity and Strengthening the Global Black Community This year’s Global Black Impact Summit will unite the global Black community towards the goal of achieving inclusivity through education, ensuring all students receive the opportunity to develop the skills they need to thrive Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, June 29, 2023/ — Education systems that value diversity and the unique contributions that students of all backgrounds bring to the classroom is the most effective way to ensure that all students receive a fair opportunity to develop the skills they need to thrive. As such, this year’s Global Black Impact Summit (GBIS) (https://GlobalBlackImpact.com/) – powered by the Black Impact Foundation (BIF) and organized by Energy Capital & Power (https://www.EnergyCapitalPower.com) – taking place in Dubai from 30 November to 1 December, will serve as the premier opportunity to highlight the role that inclusive education plays in allowing diverse groups to grow side-by-side, to the benefit of all. Building a cohesive global Black community by increasing involvement and participation in educational, social, and business opportunities serves as one of the BIF’s core mission statements. The Foundation aims to provide opportunities to reach a better quality of life through the development and strengthening of an inclusive and equal society. Inclusive education means that every child has the right to quality education and learning. As such, successful inclusive education ensures the right to high-quality instruction, interventions, and support that enables success in the core curriculum. Attention to student diversity is imperative towards making sure all students feel welcome, appropriately challenged, and supported in their efforts towards developing the skills they need to become well-informed and productive members of the global community. Connectivity and inclusivity will be a significant steppingstone towards building education systems that establish a community of influential role models and impactful leaders that strengthen the Black community around the world. As such, solutions towards promoting inclusive education will ensure that no students are left behind. The Summit aims to drive conversations around the development of social economic independence and responsibility. By focusing on inclusivity through education, GBIS 2023 will serve as a pillar towards further developing an equal society through entrepreneurship, research, and support to improve and encourage social mobility throughout and within the global Black community. There is an urgent need to examine the intellectual, cultural, and political contributions of the African diaspora and harness the analytical tools to strengthen the global understanding towards enabling researchers, policymakers, and practitioners to develop transgressive possibilities of education worldwide. Diverse education adds richness and depth to frequently overlooked forms of knowledge. Such scholarship is poised to promote comparative and international perspectives while positively impacting all Black children, young people, and adults across borders. What’s more, improving school facilities and home learning environments can serve to boost attendance, learning outcomes, and children’s wellbeing. As such, it is critical to implement and develop platforms that increase access to associated funding that adequately supports the provision of quality education to further build, protect, and sustain an equal opportunity global society. To achieve this goal, teachers must be trained, buildings must be refurbished, and students must receive accessible learning materials, while national governments must align laws and policies to ensure children are reached with effective services. In establishing an inclusive educational system, different models of funding and different modes of how resources are processed will need to be taken into consideration in order to provide the most effective and equitable benefits to students. By recognizing the societal needs and restrictions of the global community, productive conversations around gender equality, children with special needs, and access for low-income households will serve as a steppingstone towards ensuring that all students receive the opportunity to have learning experiences in line with their aspirations. Powered by the BIF, whose vision is to create a community that asserts the value, builds a capacity for social economic dependence, and improves the quality of Black lives, GBIS 2023 will be the most comprehensive summit for global leaders, entrepreneurs, business owners, and students to advance diversity, equity, and inclusion in the global Black community. The upcoming GBIS in Dubai will highlight the power of connection and networking between individuals and communities and, by recognizing the role inclusive education plays in fostering wellbeing and social change, make substantial progress towards developing societies that value diversity and inclusion. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa waxaa lagu qabtay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo. Guddiga heer qaran iyo heer Gobol ee diyaarinta munaasabada maalmaaha Xorriyada,Taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda Ciyaaraha Dalka ayaa ka qeyb galay kulanka oo looga hadlayay qorshaha habmaamuuska daahfuran in loo maareeyo munaasabada. Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda Ahmed Cali Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland, oo uu weli khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa dalab culus oo xasaasi ah u gudbisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, kaas oo ku aadan arrimaha deyn cafinta. Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Dhabancad oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in IMF iyo Bankiga Adduunka ay ka codsadeen in dib loo dhigo deyn cafinta Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan mareyso. Dhabancad ayaa sababta ku sheegay inay muhiim tahay in marka hore heshiis laga gaaro nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, si xal waara loogu helo maamulka maaliyadda. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan qaabka ay wax ku waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay halis u keeneyso deganaasha Soomaaliya, maadaama aan heshiis lagu aheyn, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in arrintan ay saameyn doonto GPD-ga dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha, sidaas daradeedna ay dalbanayaan in marka hore heshiis la gaaro. “Haddii maanta IMF iyo World Bank dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 billion-dollar lasoo qaato, oo Soomaaliya lasoo galiyo, grants ama deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay samayn ah ayay ku keenaysaa GPD-ga dalka, iyo dhaqaalaha dalka. Annagu waxaan rabnaa inuu dalku marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda maamulka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo sameeyay wada shaqeynta labada dhinac, waxayna arrintu kasii dartay markii uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray maamulka dowladda dhexe. Si kastaba, horay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu u sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe aanu saamayn ku yeelan doonin barnaamijla deyn cafinta. The post Puntland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dayn cafinta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka. Iyada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm. Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, balse waxay goor dambe sheegeen in ay fureen baaritaan ka dhan ah ninkaas oo la xiriira “kicin”. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, waxaana muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin. Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay xagjir ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq. Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta. Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka. Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka. PUNTLAND POST The post Gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo caro xooggan ka dhalisay dalalka Islaamka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wareejiyeen maamulka iyo gacan ku haynta laba saldhigyo milatari oo kale, iyadoo ay sii socoto hawsha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ka hawlgala Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey Cadale, iyo Arbacow. Magaalada Cadale ayaa hawlgalka ATMIS uu sheegtay in ciidamada Burundi ay maamulka ku wareejiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Saldhigga Arbacow oo ku yaalla maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ATMIS sheegtay in lagu wareejiyey ciidamada xoogga dalka. ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in la xiray saldhigga Marka Ayuub oo ay horey u joogi jireen ciidamada Midowga Afrika. ATMIS waxay horey u wareejiyeen saldhigyada Xaaji Cali iyo Miirtaqwo. Waxaa harsan in cidamada ATMIS ay wareejiyaan saldhigyada Aljazeera 1 iyo Geriley. ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey bishan Juun oo ay berri u dambayso. Dawladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay inay diyaarisay ciidamadii la wareegi lahaa mas’uuliyadda ciidamada 2-da kun ah ee la dhimayo. Tallaabada ay ATMIS ku dhimayso ciidankeeda ayay horey ugu heshiiyeen dawladda Soomaaliya yo Midowga Afrika, waxaana la filayaa in tallaabada xigta ay noqoto 3 kun ciidan dhan oo iyaguna ka bixi doona Soomaaliya bisha September ee sannadkan. Ciidamada ATMIS ayaa la filayaa inay gebi ahaan ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan muddo lix bilood ah cusboonaysiiyey muddo-xileedka ATMIS. Isha: VOA The post Sawirro: Saney Cabdulle oo saldhig ciidan kala wareegay… appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha amamanka oo muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey qaraar lix bilood ah oo lagu kordhinayo illaa bisha December ee soo socota xilliga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Golaha ammaanka ayaa sheegay in muddadaas lixda bilood ah lagu taageerayo diyaarinta qorshaha dawladda Soomaaliya ee wejiga labaad iyo dhimista ciidamada hawlgalka ATMIS. Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sii wado la shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo la-hawlgalayaasha kale, si ay si tartiib tartiib ah ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga ATMIS. Goluhu wuxuu ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31ka Agoosto, si loo qiimeeyo wejiga koowaad ee dhimista ATMIS, halka 15ka Sebtembar loo diyaargaroobayo wejiga labaad iyo in dowladda Soomaaliya usoo bandhigto Golaha warbixin cusub 30ka Noofambar, taasoo ku saabsan horumarka laga gaaray hirgelinta qaab dhismeedka amniga qaranka oo dib loo eegay Ku xigeenka ergayga joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Raabi Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay dib u cusboonaysiinta howlgalka ATMIS-ka, isagoo xusay in howlgallada Soomaaliya ay hormuudka ka tahay ay ka dhasheen khasaare xooggan iyo dhul ballaaran oo Al-shabaab laga gaaray. “Dowladda waxaa ka go’an in ay si buuxda mas’uuliyadda ammaanka ugala wareegto ATMIS waqtiyada lagu heshiiyey, iyada oo qorsheynta iyo hirgelinta dhimista la fulinayo iyadoo lala kaashanayo guddiga farsamada ee wadajirka ah,” ayuu yiri ku xigeenka ergayga Soomaaliya ee UN. Waxa uu xusay in wejigii koowaad ee dhimista 2,000 oo Askari oo ATMIS ah uu heer gabo gabo ah marayo, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyana ay qaadanayaan mas’uuliyadda 4 xarumood oo ay horay ATMS uga howlgali jirtay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku tahay awoodda ay dowladdu u leedahay inay si ku filan u hesho ciidankeeda amniga si ay uga hortagto khatarta soo korortay ee al-Shabaab – taas oo u ogolaan karta inay dib isu abaabulaan. Isagoo ku celceliyay baaqii Dowladiisa ee ahaa in si deg deg ah cunaqabateynta looga qaado Soomaaliya. Qaran News
-
Dowladda Puntland ayaa ku baaqday in gebi ahaanba la hakiyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, kaas oo sheegay in aysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta dalka. Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay hadalkii wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaas oo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin dowladda Federaalka iyo Puntland. ” Annagu waxaan lee nahay deyn cafinta hadda sidaa lagu wado Soomaaliya ayay khatar ku keenaysa. Waxay dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahliya. Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado” ayuu yiri Dhabancad. Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale iftiimiyay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. Qaran News
-
“Dhacdooyinkan aan hoos ku xusay waxa ay i xasuusiyeen hadal xikmad ah uu shacabka Maraykanka ku yidhi Madaxweynihii lagu dilay shirqoolka John F. Kennedy, November 22, 1963, kaas oo ahaa: “Ha iswaydiinin muxuu dalku kuu qabtay ee iswaydii maxaad dalka u qabatay ama ku soo kordhisay?” Innagu iskadaa in aynu wax ku soo kordhinee wixii la innoogu deeqay ayaynu dagaal kula jirnaa. Bal u fiirso muuqaaladan, waa isgoysyada jidka 200 ee caasimadda Hargeysa ee dhawaan la dhammaystiray. Waxa la goostay ama la rifay astaamihii waddo-marista (road signs). Sharciyada caalamiga ah dadka danbiyada noocaas oo kale ku kaca waxa la takhsiira lacag badan, mararka qaarna xabsiyo adag ayay mutaystaan, maadaama ay galeen laba danbe oo kala ah TUUGANIMO iyo DANBI-QARAN. Maxay kula tahay in ay keentay in dadka qaar sidan u dhaqmaan? Waxa Qoray Mustafe Aadam Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka. Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm. Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”. Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa. Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka. “Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq. Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.” “Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan. “Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga. Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.” Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah “weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.” Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.” Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm. Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.” Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.” Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.” Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka. AFP, VOA The post Dalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka ee dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan uu ku gacan seeray dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan in uu soo gaaro gudaha nmagaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu Cali Jeyte ku casuumay Villa Soomaaliya, balse waxaa iska diiday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Cali Jeyte uu shaki ka muujiyay Villa Soomaaliya, isaga oo tuhun ka qaba, haddii yimaado Muqdisho in lagu xanibo ama loo diido inuu ku laabto Beledwene, maadaama ay haatan xiisad xoogan kala dhexeyso HirShabelle iyo dowladda dhexe. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Villa Soomaaliya oo ku aadan diidmada Cali Jeyte, maadaama uu diiday inuu yimaado magaalada Muqdisho, si ay dowladda ugala hadasho xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay. Cali Jeyte oo ciidamo beeleed ku heysta Beledweyne ayaa maalmo ka hor ku dhowaaqay in loo doortay madaxweynaha KMG ah ee ‘Hiiraan State’ taas oo ay dad badan ay la yaabeen. Waxaa kale oo uu sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. “Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Si kastaba, Cali Jeyte ayaa horay weerar afka ah ugu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay in talada dalka uu gacanta u galiyay rag kale oo ay saaxibo yihiin. The post Go’aanka Jeyte ee casuumad ay u fidisay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa ku baaqday in gebi ahaanba la hakiyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan. Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, kaas oo sheegay in aysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta dalka. Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay hadalkii wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaas oo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin dowladda Federaalka iyo Puntland. “Annagu waxaan lee nahay deyn cafinta hadda sida lagu wado Soomaaliya ayay khatar ku keenaysa. Waxay dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahliya. Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado” ayuu yiri Dhabancad. Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale iftiimiyay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku baaqday in la hakiyo hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Al-shabaab iyo musuqmaasuqa. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab aan loo cudur daari Karin loona baahan yahay in si isku mid ah loola dagaallamo oo ay shacabka ku dhiiraddan sidii looga xoreyn lahaa dalka, waxaana uu ugu baaqay in shacabku ay la yimaadan isku tiirsanaan iyo walaaltinimo. “Waxaan kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa,waxa uunna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha “ayuu yiri. ” Khawaarijta ha ku tageerin in ay Shacabka ku xasuuqaan dhaqaalahaga oo aad siiso,ka qayb qaado sii dalkaan xasiiloonidiisa looga shaqayn lahaa,jidka marka ay qarax dhigayaan kama ilaalinayo naftada adigoo siiyay dhaqaalahagii,kuwa ku dhimanaya waa carruurtada Xaaskaga iyo Ehelkaga,dadka maalin walba ku dhita qaraxyada” ayuu sii raaciyay hadalkiisa madaxweynaha. Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay dowladdu waday abaabulka Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana sidoo kale dowladdu maalmihii dambe beegsatay dad lagu tuhmayay lunsashada hantida dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad dagaal oo maanta duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Xiisadda ayaa si gaar ah uga taagan bariga magaalada, gaar ahaan aagga xerada Goojacadde oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada hubeysan ee labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in milatariga Somaliland iyo ciidanka deegaanka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo uga sii dareyso xiisadda taagan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay heleen gurmadyo kala duwan oo ciidan ah, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay gaaray duleedka Laascaanood, si ay ugu biiraan dagaalka ka socda halkaasi. Dadka deegaanka ayaa dhankooda cabsi ka muujinaya in mar kale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama labada ciidan ay guluf ka wadaan duleedka xarunta gobolka Sool. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo SSC-Khaatuma oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi. Dagaallo culus oo u dhexeeyo labada dhinac ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib uga qarxay aagga Laascaanood, kuwaas oo ay barbar socdeen duqeymo khasaare xoogan geystay. Duqeymaha ayaa si gaar ah u saameeyay xarumo ku yaalla bartamaha Laascaanood, kuwaas oo isugu jiro guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo goobo ganacsi intaba. Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Xiisad culus oo ka taagan Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and Comoros agreed to send senior officials as observers to a ministerial meeting of the Negev Forum, a group that includes the U.S., Israel, Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain and Morocco, two Israeli officials tell Axios. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Ammaanka QM ayaa mudda lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan. Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah. Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya. Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday in ay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ansixiyay Qorshaha ATMIS looga saarayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Machadka Tayada Qaranka ee Hay’ada Tayo dhawrka waxa uu ku wargelinayaa dhammaan shirkaddaha iyo hay’addaha bixiya adeegyada abaalmarinada noocyadeeda kala duwan inay iska soo diiwaan geliyaan machadka laga bilaabo 24ka Juun, 2023 kuna egtahay 10ka luulyo, 2023. Waxad iska diiwaan gelisaa Google Formka hoos ku xusan sidoo kale waxaad booqan kartaa xarunta Machadka ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Dalabka hey’adda ayaa soo baxay kadib markii ay suuqa shaqada ku soo kordheen shirkado bixiya bilado abaalmarinada shirkadaha iyo shaqsiyaadka ugu adeega wanaagsan. Dad badan ayaa walaac ka muujiyay hanaanka qiimeynta ay u maraan shirkadaha iyo wax lagu doorto qofka la guddoonsiiyo biladaha. Kala hufka ay horseedka u tahay Hey’adda Tayo Dhawrka ayaa la maleynayaa in uu wax weyn ka badalo bixinta abaalmarinada iyo qiimeynta bixinta adeegyada. SOBS Letter NQI Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynayaasha dalalka Turkey, Jabuuti iyo Qatar. Wadahadalkan ayaa qaatay saddex saacadood, wuxuuna si gaar gaar ah u dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh, Rajab Dayib Ordogan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiir Tamiim Binu Xamad. Ugu horreyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxdan ka guddoomay hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, oo ay usoo direen dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, oo haatan la daala dhacaya dhibaatooyin gudaha ah. Madaxweynaha ayaa dhankiisa u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, wuxuuna uga mahadceliyay saddexda hoggaamiye garab istaaga ay u muujiyeen Soomaaliya. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti, kuwaas oo soo garab istaagay xilliyada adkaa. Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalintii labaad loo dabaal-dagayo, munaasabadda Ciida Carafo oo ah maalmo ku weyn quluubta ummadaha Muslimiinta. Si kastaba, dowladaha Turke, Jabuuti iyo Qatar ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. The post Xasan Sheekh oo xiriir la sameeyay madaxda Turkey, Jabuuti iyo Qatar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
New Hartford, N.Y. -- For the second year in a row the Midtown Utica Community Center hosted Eid-Al Adha, one of the largest Muslim celebrations. Source: Hiiraan Online
-
By Memo TorresFollow L.A.'s taxi drivers to try the goat served at this low-key spot. It slides smoothly off the bone. It's tender and juicy, robust, and flavorful, with slightly roasted ends. It's not fatty or greasy, and the gaminess that goat is known for is tamed remarkably well. Source: Hiiraan Online
