-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii shalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ayaa waxa uu banaanka usoo saaray saameynta uu durba dagaalka socday uu ku yeeshay isbeddelka lagu sameeyay taliyeyaasha ciidanka. Dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka ay isbeddel ku sameysay taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta ee Soomaaliya, ayada oo taliyeyaasha cusub ay xilka la wareegeen. Taliyihii Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa lagu beddelay Jeneraal Axmed Aadan Cali, halka Taliyihii ciidanka xoogga Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale waxa lagu beddelay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Isbeddelkaan ayaa keenay in dib u dhac ku yimaado howl-galadii ciidanka dowladda, xilli uu dalka ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo wejigii hore ee dagaalka looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray. Taliyaha ciidanka Macawiisley ee ka dagaalama deegaanka Daaru-Nicma Cabdi Taakow Qodaxow oo la hadlay VOA ayaa arrintaan ka dhawaajiyay, taasi oo kooxda Al-Shabaab ay durba ka dhex aragtay fursad ay ku sameyn karto rogaal celin. Cabdi Taakow ayaa waxa uu sheegay in isbeddelka saraakiisha sare ee taliska xoogga iyo munaasabadaha xorriyada iyo ciida ay saameeyeen dhaq-dhaqaaqii ciidan ee aagaas ay ka waday dowladdu. “Waxaa jira kala guur, oo waa tii la bedelay taliyeyaasha iyo hoggaanadii ciidamada, taliyihii xoogga iyo taliyihii lugta. Waxaa lagu jira maalmihi xoriyada iyo ciiddo, sidaas darteed waqtigii loogu tala-galay in ciidanka xoogga dalka inay deegaankaas iyo deegaanada lamidka ah ee degmada Ruun-nirgood ay soo gaaraan ayaa dib u dhac ku yimid,” ayuu yiri Taliye Cabdi Taakow. Waxa uu intaas kusii daray “Shabaab-ka waxay iyaguna ka faa’iideysteen inta ciidamo dowlad deegaanka soo gaarin inay waxay boobi karaan ama dafi karaan dafaan.” Si kastaba, dowladda federaalka iyo taliska cusub ee ciidanka ayaa waxaa xilligaan la gudboon inay meesha ka saaraan gaabka ku yimid howl-galada iyo dhaq-dhaqaaqii ciidanka, si aysan markale fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab, sida ay qabaan khubarada amniga. The post Isbeddelka taliska ciidanka oo durba saameyn weyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta 3,000 oo askari tababar ugu soo xiray dalka Uganda. Ciidamadan oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay dalkaasi. Ciidamada ayaa halkaasi ku soo bandhigay dhoolatus ku aaddan xirfadooda ciidanimo, xilli munaasabaddii tababarka loogu soo xirayay ay ku sugnaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Vincent Ssempijja iyo Taliyaha Ciidamada ee dalkaasi, General Wilson Mbadi. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabaddaasi ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay u diyaargaroobeen difaaca qarankooda. “Maanta waxaad qaadateen tababarkii ugu horreyay oo jir iyo farsamaba leh, waxaad kaloo qaadateen tababar maskaxeed oo ah inaad u diyaargaroodeen maskax ahaan inaad qarankiina ku difaacdaan naftiina, caqligiina iyo xoogiina,” ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka ayaa yiri “Diyaargarowgaasi aad u diyaargaroodeen la dagaalanka Khawaarijta iyo inaad shacabka Soomaaliyeed amnigooda sugtaan, waxaad go’aan ugu qaadateen inay dhab idinka noqoto ayaa la idinka rabaa.” “Qofka bani’aadamka ah waxa ugu dambeeyo ee uu bixiyo waa nafsaddiisa, waxaad keenteen oo aad la soo shir-tagteen idinkoo dhallinyaro ah mustaqbalkiina hor leeyahay inaad dalkiina, dadkiina iyo diintiina u dhimataan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Wasiir Jaamac ayaa ciidamada kula dardaarmay “Waxaa idinka reeban wax walba oo xumaan ah inaad ku gaysataan tababarka la idin siiyay, oo diintuna xarimtay, shuruucda dalkana xarimtay.” Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo caawa dalka looga dabaaldegayo munaasabadda sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Soomaaliya. The post Sawirro: DF oo tababar usoo xirtay 3,000 askari oo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Actor and director Kassem Istanbouli has been awarded by UNESCO with the 2023 Sharjah Award for Arab Culture and Arts, recognizing his prominent contribution to Arab culture. The international committee of experts in the fields of culture and arts has chosen the work of Kassem Istanbouli, founder of the Lebanese National Theatre, from many nominations for his contribution to the creation of an independent culture and arts net in Lebanon, including the restoration of abandoned cinemas in South and North of Lebanon, the organization of international cinema, theater, and music festivals, the implementation of workshops for children and the youngers, and the creation of international bridges promoting the exchange of artistic experiences and dialogue, promoting the dissemination of Arab artistic experiences and culture in the world. Sharjah Award for Arab Culture and Arts was created in 1998 by the initiative of Sheikh Dr.Sultan bin Muhammad Al-Quasimi to celebrate Arab creators and intellectuals, and this 2023 award will be its 19th edition. La UNESCO otorga al libanés Kassem Istanbouli el Premio Sharjah 2023 El actor y director Kassem Istanbouli ha sido galardonado por la UNESCO con el Premio Sharjah de Cultura y Artes Árabes 2023, en reconocimiento a su destacada contribución a la cultura árabe. El comité internacional de expertos en los campos de la cultura y las artes ha elegido el trabajo de Kassem Istanbouli, fundador del Teatro Nacional Libanés, entre muchas nominaciones por su contribución a la creación de una red independiente de cultura y artes en el Líbano, incluida la restauración de cines abandonados en el sur y el norte del Líbano, la organización de festivales internacionales de cine, teatro y música, la implementación de talleres para niños y jóvenes, y la creación de puentes internacionales que promuevan el intercambio de experiencias artísticas y el diálogo, promoviendo la difusión de las experiencias artísticas y la cultura árabe en el mundo. El Premio Sharjah para la cultura y las artes árabes se creó en 1998 por iniciativa del jeque Dr.Sultan bin Muhammad Al-Quasimi para celebrar a los creadores e intelectuales árabes, y este premio de 2023 será su 19.ª edición. L’UNESCO décerne au Libanais Kassem Istanbouli le prix Sharjah 2023 L’acteur et réalisateur Kassem Istanbouli a reçu de l’UNESCO le prix Sharjah 2023 pour la culture et les arts arabes, reconnaissant sa contribution importante à la culture arabe. Le comité international d’experts dans les domaines de la culture et des arts a choisi le travail de Kassem Istanbouli, fondateur du Théâtre National Libanais, parmi de nombreuses nominations pour sa contribution à la création d’un réseau culturel et artistique indépendant au Liban, y compris la restauration de cinémas abandonnés dans le sud et le nord du Liban, l’organisation de festivals internationaux de cinéma, de théâtre et de musique, la mise en place d’ateliers pour les enfants et les plus jeunes, et la création de passerelles internationales favorisant l’échange d’expériences artistiques et le dialogue, favorisant la diffusion des expériences artistiques et de la culture arabes dans le monde . Le prix Sharjah pour la culture et les arts arabes a été créé en 1998 à l’initiative du cheikh Dr.Sultan bin Muhammad Al-Quasimi pour célébrer les créateurs et intellectuels arabes, et ce prix 2023 sera sa 19e édition. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadda xuska 1-da Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa hambalyo ku aadan Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii u diray ummadda Soomaaliyeed, ummadda Puntland iyo ummadda SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Puntland oo si weyn u xustay 1-da Luulyo appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyooday gaari bas ah oo shil ku galay kadibna dab qabsaday Gobolka Maharashtra ee galbeedka Hindiya. “Basku wuxuu ka yimid magaalada Nagpur, isagoo ku socday Pune markii abbaaro 1:35 gelinkii dambe uu shil ku galay jidka Samruddhi Mahamarg, ka dib taangiga naaftada ee baska uu dab qabsaday,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska oo la hadlay Reuters. “Dhimashada ugu badan waxay ka dhalatay gubasho, dadka qaarkoodna wejiyadooda lama aqoonsan karo” ayuu intaas ku daray. 25 qof ayaa dhintay 8 kalana waa ku dhaawacantay ayuu yiri Ku xigeenka madaxa gobolka Maharashtra Devendra Fadnavis oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Madaxa gobolka Eknath Shinde iyo Raisal wasaaraha Narendra Modi ayaa sheegay in ey murugada la qeybsanayaan qoysaska dhibaatadu soo gaartay. Waxay sheegeen inay siin doonaan taageero qoys kasta oo dhibane ah, taasoo dhan 700,000 rupees oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta $ 8,500 Dollar. PUNTLAND POST The post In ka badan 25 ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Caawa Xarunta Daawad ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay munaasabadda 63 guurada kasoo wareegtay marki ay xornimada ka qaateen Gobollada Koonfureed gumeystihii Talyaaniga Iyo israacii Labada Gobol ee Wagooyi yo Koonfur. Munaasabadan ayaa Waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada, saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay u leeyahiin bulshada Soomaaliyeey maalmahan xoriyada oo ay tahay in la xusuusto dadaalkii iyo naf huridii ay aabayaasheen usoo mareen xornimada dalkeena, Madaxweynaha ayaa xusay in iyadoo ay taasi jirto hadana wali baadigoobkii Midnimada dalkeenna ay wali taagan tahay maadama ay maqan yihiin gobolada waqooyi si taas loo gaarana ay ku xiran tahay is qancin iyo wada hadal. Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalada gobolka Sool ayaa sheegay in laga baaqsan karay wada hadal wax lagu wayayna aan xabad iyo xoog lagu heli Karin isagoo sheegay in loo baahan yahay in dagaalka si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dadka deegaanadaas ku noola ay xaq u leeyahiin in aayahooda ay ka tashadaan. Dhinaca kale Waxaa Madaxweynahu uu bogaadiyay howlgalada Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka ay ka wadaan qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyagoo isku furay wadooyinka degmooyinka gobolka Jubada hoose ee xorta ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah loona baahan yahay in la joogteeyo si ayna awood ugu yeelan inay dib ugu soo noqdaan goobaha la xoreeyay taas oo dhibaato ay kasoo gaari karto dadka shacabka ah hadii fursad loo siiyo inay dib isku soo abaabulaan. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in kala aragti duwanaansha iyo tabashooyinka jira mar walba ay tahay in lagu xaliyo wada hadal iyo is qancin Dowlada Jubalandna ay diyaar u tahay cid walba oo ka fikir duwan inay geedaha hoostooda iyo miiska wada hadalka la fariisato. Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ree Gedo iyo guud ahaan ree Jubaland ay tahay wixii kala fikir duwanaan ah in wada hadal lagu dhameeyo midaasna hada laga shaqaynayo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ka qayb galay Xuska Munaasabadda 1 Luuliyo appeared first on Puntland Post.
-
Ha’yadda King Salmaan ee wadanka Sa’udi Arabia ayaa ka soo jawaabtay codsigii Hay’adda SODMA ee ahaa qodidda Ceelal biyood, kuwaas oo laga fulinayo gobollada dalka. Hay’adaha King Salman iyo SODMA ayaa bilabaya qodida ceelashaas oo gaaraya 23 ceel biyood, kuwaas oo laga fulinayo deegaannada dhowaan dowladdu ay la wareegtay iyo deegaanno kale oo biyo yari ay ka jirto. Hey’adda King Salmaan ayaa kamid ah hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Biniiaadannimada waxaana hadda ay taageeraysaa mashruucaan lagu hirgelinayo23 Ceelbiyood oo Riig ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) - Members of the Hawadle community in Somalia's Hirshabelle administration are loudly voicing their opposition to the removal of Ali Jeyte Osman, the former governor of the Hiiraan region. The dismissal, orchestrated by Hirshabelle President Ali Gudlawe Hussein, has stoked local tensions and spurred harsh criticisms from Hawadle clan members who believe the decision was abrupt and ill-advised. Source: Hiiraan Online
-
Daarunicma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Macawiisley ee ka dagaalama degaanka Daarunicma Cabdi Taakow Qodaxow ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay kooxda Al-Shabaab ugu suurta gashay inay saakay qabsadaan degaankaas. Cabdi oo la hadla Idaacadda VOA ayaa sheegay in xalay xiligii dambe ay ka war heleen in kooxda Al-Shabaab ay duulaan ku soo tahay deegaanka, isla markaana ay sameeyeen xeelad dagaal. Wuxuu sheegay inay isaga baxeen deegaanka oo hal qof uusan ka harin, taas oo sababtay in kooxdii ay si nabad ah ku soo galaan deegaanka Daarunicma oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay maamulayeen ciidanka Macawiisley. Cabdi Taakow wuxuu sheegay in khadaaraha ugu badan ee weerarkaas ka dhashay uu soo gaaray Masjid weyn oo deegaanka ku yaalla, kaas oo kooxdu ay ku dhufatay gaari qarax ah. Wax dhimasho ama dhaawac ah kama dhalan weerarkaas, sida uu sheegay Taliye Cabdi Taakow, waxayna daqiiqado gudahood Al-Shabaab ku baneeyeen deegaankaas ay dagaal la’aanta kula wareegeen. “Xalay saqdii dhexe ayaan dareenay culeyska kooxda, kadibna waxay sameynay dib u gurasho, waxay soo galeen afartii habeenimo, waxayna gaari qarax ah ku dhufteen Masaajidka, kadib hal qof waa ka waayeen deegaanka, waana isaga carareen oo 10 daqiiqo ma joogin, sababtoo ah waa cabsadeen oo xeelad dagaal inaan magaalada uga baxnay waa dareemeen, ayuu yiri Taliyaha ciidanka Macawiisley ee aagga degmada Ruun-nirgood. Maanta waxaa deegaanka Daarunicma dib ula wareegay ciidanka macawiisley ee markii hore baneeyey deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo gurmad ugu tegay, waxayna gelinkii dambe ee maanta xaaladu ku soo laabatay si caadi ah. Taliye Cabdi Taakow waxaa la weydiiyey sababta aysan deegaankaas u joogin ciidan ka tirsan xoogga dalka, wuxuuna sheegay in isbedelka saraakiisha sare ee taliska xoogga iyo munaasabadaha xorriyada iyo ciida ay saameeyeen dhaqdhaqaaqii ciidan ee aagaas ay ka waday dowladdu. The post Dhageyso: Taliyaha Macawiisley oo xog xasaasi ah ka bixiyey weerarkii Daaru-nicma appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Intense skirmishes broke out in the early hours of Friday near the Somali village of Darunim'a, located in the Middle Shabelle region, according to local residents. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in berri ay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in munaasabad weyn ay berri ka dhacayso halkaas, isla markaana la go’aamiyey in halkaas la isugu geeyo dadka isugu soo baxaya dabaal-degga. Sidoo kale Fiqi wuxuu sheegay in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh dadka kula hadli doono Stadium Muqdisho, markii la isugu yimaado munaasabadda 1-da Luuliyo. Sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysay 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur. Kooxda Al-Shabaab ayaa looga go’ay garoonkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dib u dayac tirtay, kadib markii ay hoobiye ku garaaceen mar lagu qabtay ciyaar kulmisay dadweyne badan. Hadda waxaa soo hagaagay amniga Muqdisho, waxaana lagu rajo weyn yahay in munaasabadaas ay si nabad ah uga dhacdo Stadium Muqdisho, maadaama ciidanka xasilinta caasimadda ay dhanka amniga ka soo hooyeen natiijooyin amni oo bulshadu wada dareentay. Wasiir Fiqi oo ah guddoomiyaha guddiga munaasabadaha toddobaadka xorriyada ayaa shacabka reer Muqdisho ka codsaday inay ciidamada amniga ku garabsiiyaan sugidda amniga, si munaasabadaas ay si nabdoon ugu qabsoonto. Hoos ka daawo The post Daawo: Fiqi oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay berri isugu soo baxaan… appeared first on Caasimada Online.
-
Rabshadaha ka socda France ayaa ka sii daraya, iyadoo In ka badan 600 oo qof xabsiga la dhigay kadib markii ay isku dhaceen mudaaharaadayaal careysan oo banaan baxayey iyo booliiska dalka Faransiiska, kadi boolisku toogasho ay geysteen. Arrintaan ayaa socoto maalintii sedexaad waxaana ay daba joogtaa dil ay ciidanka Booliiska dalkaas ay u geysteen wiil la sheegay inuu dhallinyaro ahaa. Dowladda ayaa isku dayeysa in ay xaaladda sideeda ay ku soo celiso lana dajiyo xasaradaha. Mudaharaadayaasha iyo ciidanka ayaa dhowr meel isaga horyimid waxaana jira in dadku ay burburinayaan qaar kamid ah sawirrada suran qeybo kamid ah caasimadda iyo magaalooyin kale, arrintaan ayaa socota maalintii sedexaad oo la mudaharaadayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – A recent amendment in Minneapolis permitting mosques to broadcast the Adhan, or call to prayer, at any hour has led to increased tension and attacks on local mosques, sparking widespread concern among Muslim residents. Despite these incidents, community members remain committed to practicing their faith openly and are working to ensure their safety. In a landmark move this April, Minneapolis became the first major American city to allow mosques to broadcast the Adhan around the clock publicly. Previously, a city noise ordinance permitted broadcasts only between 7 am and 10 pm, interfering with the traditional Islamic practice of commencing the first prayer, Fajr, before sunrise and the last, Isha, after sunset. The Muslim community welcomed the modification, including Wali Dirie, the Islamic Civic Society of America executive director, and the Dar Al-Hijrah Mosque. “Three years ago, his mosque was the first to obtain permission to broadcast all five calls to prayer during Ramadan,” said Dirie. Rising Islamophobia and Mosque attacks Despite the city council unanimously passing the change, the decision has not been without controversy. Since the rule alteration, the Twin Cities of Minneapolis and St Paul have seen an alarming spike in mosque and community center attacks, with some attributing these incidents to a backlash against the new law. 70-year-old congregant, Sareedo Abdi, voiced fears that her mosque could be the next target: “We feel it’s Islamophobia.” This sentiment is echoed by many Muslims who feel targeted in the aftermath of the ordinance change. In response to the attacks, the Muslim community has sought the assistance of the Democratic governor, Tim Walz, and mayors of Minneapolis and St Paul, as well as various police departments. The community is working to bolster mosque security, including installing surveillance cameras. State Attorney General Keith Ellison, the first Muslim to hold this position, has also pledged to tackle hate crimes in the region. This determination is mirrored in the community, with a shared resolve to persevere. As Wali Dirie puts it, “We’re not going to stop, and we’ll work with law enforcement.” Minneapolis: A Muslim stronghold Minneapolis, long known for its Democratic leanings, is home to one of the largest Somali-American populations in the United States. The Minnesota Compass, a nonprofit, estimates that over 70,000 Somali Americans live in the Twin Cities. They worship at about 30 mosques, 22 of which are in Minneapolis. The city council unanimously passed the change during Ramadan, including three Muslim members among its 13. In 2018, Ilhan Omar became the first Somali American elected to Congress, symbolizing a significant milestone for the Muslim community. However, challenges persist. Recent data from the FBI reveals a 12% increase in hate crimes across America in 2021, with an even higher surge in Minnesota, up nearly 40%. Aisha Chughtai, a 25-year-old council member and the youngest in the council’s history, attributes the attacks on mosques to a rise in white supremacist beliefs. “Being Muslim in this country, being Jewish in this country, being Black in this country, being a person of color in this country, being an immigrant in this country, means that you experience discrimination, racism, and violence in all aspects of life,” she said. Despite the current challenges, Minneapolis’s Muslim community remains steadfast in its faith and committed to coexistence. Ahmed Jamal, who often delivers the call to prayer, remains undeterred by the threats: “When I am calling, it makes me feel so happy.” The post Minnesota Muslims hold strong amidst Adhan controversy appeared first on Caasimada Online.
-
Daaru-nicma (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegay degaanka Daaru-nicma ee gobolka Shabeellada Dhexe oo hoos taga degmada Ruun-nirgood. Kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay oo Jimco aheyd weerar ku soo qaaday deegaankaas oo ciidamada deegaanka ee Macawiisley ay difaac uga jireen. Ciidanka deegaanka ayaa dib uga gurtay deegaankaas, waxaana si nabad ah kula wareegtay kooxda Al-Shabaab oo maanta isaga baxday markii ay ka war-heleen duulaanka kaga soo wajahan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib isku soo abaabulay. Faahfaahin badan lagama helin dhibaatooyinka ay geysteen Al-Shabaab saacadihii ay joogeen deegaankaas, balse waxaa la xaqiijiyey inay burburiyeen goobo uu ku jiro Masjid weyn oo ciidamada deegaanku ay ka dul-dagaalami jireen, markii ay soo weerarto kooxdu. Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxyo culus ay ku xireen ceel-biyoodka deegaanka, balse aysan u suurta gelin inay qarxiyaan, kadib markii ciidanka deegaanka oo garabsanaya kuwa xoogga dalka ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxdii Al-Shabaab ee qabsatay deegaanka. Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirro laga soo qaaday masjidka weyn ee deegaanka Daaru-nimca oo Al-Shabaab ay qarax ku burburiyeen maanta. Dadkii ugu muhiimsanaa ee deegaankaas ayaa xalay saqdii dhexe isaga cararay deegaanka, markii ay ciidanku ku war-geliyeen inay dib u gurasho sameynayaan, mana jirto cid weli shaacisay waxa ay kooxda kala kulmeen dadkii ku haray deegaanka. Mudooyinkaan kooxda Al-Shabaab waxay naawileysay inay dib u qabsadaan deegaanka Daaru-nicma, waxayna horay deegaankaas iyo tuulooyinka u dhow kaga afduubteen dad u badan carruur iyo haween. Hase yeeshee waxaa la sheegay in markii dambe ay dadkaas soo daayeen, kadib markii ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda ay soo afduubteen carruur iyo haween kale oo ay qaraabo dhow ahaayeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. The post Sawirro: Macawiisley oo dib u qabsaday Daaru-nicma oo Shabaab ay burburiyeen appeared first on Caasimada Online.
-
ABIDJAN, Ivory Coast, June 30, 2023/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) has held workshops with aircraft manufacturers Airbus and ATR to explore ways of strengthening access to finance for African airlines. The sessions, held on 14 and 15 June, will support the Bank’s efforts to develop and adapt financing instruments to the continent’s aviation needs, boosting its air transport market. The workshops featured discussion of bank financing instruments, including guarantee products, the bank’s approach to credit risk assessments and the outlook for Africa’s aircraft market. The bank is studying the feasibility of setting up an aircraft leasing platform. Operating leases account for more than 45% of operational fleets worldwide. Representatives of the bank and the manufacturing firms also discussed sources of financing that included export credit agencies, multilateral development banks, non-payment insured financing and sovereign support. Air travel on the continent has been hard hit by the Covid-19 pandemic. Before its onset, African aviation represented a roughly 3% share of the global market, although the continent has 17% of the world’s population. Owing to a difficult operating environment that includes constrained access to credit, only a few African airlines are profitable. As a result, air transport remains unaffordable for the average African. High operating costs, coupled with low passenger traffic, drive fare hikes as carriers try to increase their profitability. In recent years, airfares for intra-Africa flights are observed to be 2-3 times higher than in other regions of the world. Further, in spite of efforts by governments, public institutions and private stakeholders, a large share of air traffic flows through a few airports, particularly those of Cairo, Johannesburg, Casablanca, and Addis Ababa. This leaves many other routes un- and under-served. Still, Africa’s economies are expected to rebound to growth from the pandemic. Economic recovery is projected to lead to the delivery of 1,230 wide and single aisle new aircraft and 230 turboprop planes through 2040. A recent study undertaken by the Economic Commission for Africa (ECA) suggests that implementation of the African Continental Free Trade Area will lead to a 28% increase in intra-African freight demand through 2030. That projected growth will require 250 additional aircraft, which will need to be financed. A key takeaway from the workshops is that the Bank needs to further assess potential interventions into the aviation markets pending completion of the feasibility study for a leasing platform by the end of 2023. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 44 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
After years of civil war, Somalia has been on a long trajectory towards evolving into a nation with the gadgets needed to effectively deliver decent governance. The most remarkable democratic culture that established itself in Somalia’s political landscape is the peaceful and mutual transfer of power between elected leaders with a fixed term for the presidency, despite some undemocratic flaws brought on by the force of circumstances, like clan-bargaining politics. Another damning indictment of our hard-earned governance system is the rampant corruption as a corollary of the generally held perception of the government as being nothing but a conduit used to navigate toward racketeering and self-enrichment. The current administration under the leadership of President Hassan Sheikh Mohamud has recently declared a crackdown on corruption. Since the epochal moment of his re-election in May 2022 as Somalia’s first-ever president to be voted in for a second term, the word “Corruption” remained on the president’s lips. He kept addressing the matter with guns blaze in almost every speech he delivered- be it televised or given in the presence of public gatherings. The most recent was delivered on the day of Eid Al-Adha when the president spoke to a sizable throng of people in Mogadishu’s Mosque of Islamic Solidarity immediately following the Eid Prayer. In regards to corruption, he compared it to terrorism, which is currently in the government’s sights. He claimed that since the government sees those who steal public funds fraudulently on a par with terrorists in terms of harm and severity, both will be equally targeted. Many people originally had some qualms about the president’s rhetorical reiteration of his commitment to lance the boil of corruption because they thought it was just easier said than done. Because of the long-standing laissez-faire and ambivalent tactics taken by Somalia’s past governments in addressing these challenges, the idea of anti-corruption has long been considered as a political mantra whose materialisation was inconceivable. As a carryover from that bitter reality of the past, the president’s frequent pledges to cut adrift corruption of the entire public services failed to gain traction in the public sphere, owing that a large number of people raised questions regarding the trustworthiness of the president’s promises as a result of an extrapolation from the experience of similar vows which ended up in vein. However, simply at the stroke of a pen, the government has been able to overturn the negative public opinion regarding its intention to seriously fight corruption after the wheels of a real anti-corruption campaign were set in motion with a string of actions taken in holding some government officials accountable for shenanigans they were found to have been up to. Since these new turn of events have surfaced, the scale of public opinion is arguably tilted in the government’s favour in a variety of ways as follows: 1. It worked as a deterrence strategy: Over the past few weeks, the government’s war on corruption has become the talk of the town with references made to some big names rumoured to have fled the country in fear of getting arrested over corruption charges. Those fugitives in question were once held in high regard, enjoying a prerogative carte balance to behave outside the law and get away with it. The current anti-corruption uproar erupted after a series of court warrants were issued for several government officials slated to appear in trials over indictments of misappropriation of public funds. However, little is known about the individual identities or the precise number of those implicated because the cases since the cases are still pending. The news of government officials getting arrested over corruption has confirmed President Hassan Sheikh’s zero tolerance for corruption, one of the sticks that his critics have long used to beat him. Those who are in the know about this matter contend that for the President, corruption is more than misconduct that needs to be redressed. Rather, it’s an unfairly concocted misrepresentation of his public image that he surely suffered as his worst nightmare throughout the years he’s striving to reclaim the power, an aim that he probably pursued just to purge himself of that negativity by turning the tide on those individuals who are infamous for thriving on the abuse and misuse of power for personal gains. In a bid to get a grasp of this situation, I approached some relevant and reliable sources who told me about what can be regarded as the mainstay of the current movements by the government to eradicate corruption. One riveting account narrated that the president whilst on a work visit to a foreign country has received a Somali citizen whom he has long known. As expected, the guest seized the opportunity of meeting the president to make his wishes for government positions, brazenly enumerating some offices with unbridled access to public affluence so that an impoverished person can easily grow into a swift richness. According to this source, what that person blatantly uttered with no regard for any due decorum, etiquette, or respect required in such highly prestigious settings has given away a lot about how people think of the government under the leadership of President Hassan Sheikh- a distorted image crafted by trusted individuals in his inner circle whose wrongdoings played into the hands of the President’s political rivals. That random encounter might have left its stamp on the president’s way of looking into the matter of corruption, as he continued referring to what could be seen as an implicit recount of the same incident whenever addressing the subject in his subsequent speeches since then. He also kept noting that the most sought-after positions within the government are those associated with income generation, a clear sign of a commonly corrupted public attitude in the ascendancy over the probity and integrity necessary for a decent discharge of public duties. The president’s recent stringent words have projected his strong-willed orientation and unyieldingly intent on rooting out all sorts of underhanded activities within the government, a fact that began to dissuade many people from committing such crimes in one way or another. For instance, the demand for government positions has recently diminished at a noticeable level as a result of the new developments which made anybody perturbed about coming into contact with any government jobs that can place them on the line for corruption charges. One anecdote to this effect comes from a Somali politician (preferred to be anonymous) who shared what he learned about the strange ways that certain people think when it comes to their desire for government posts. He recalled from personal experience the instance of a man who irritably called his phone to inquire about a position with the government prior to the President’s declaration to clamp down on corruption. Even though he had a good work and a good salary, this job seeker was unhappy with his situation and strangely vied for a government position with a salary that was less than half of what he was receiving. A baser inclination of unquenchable hunger to steal public cash was the ulterior motivation behind this man’s choice of demotion over promotion. Those kinds of retarded mentalities are now brought to their senses, having desisted from bothering politicians with absurd bids for government jobs with a view to unrightfully earn money. 2. Changing the perception is instrumental in ending the corruption: By unleashing a ferocious blitz to combat corruption, the Somali government has thus far helped the recalibration of the long-held public attitude and perception of the its sincerity in getting rid of corruption and other clandestine and dishonourable activities that have permeated across the realm of public services and remained an egg on the government’s face. Against the backdrop of the present anti-corruption drive, it’s safe to conclude that the public’s perception of corruption will likely alter significantly for the better. Many people who once wanted to seek employments in the government in search of illegal money-making opportunities are now starting to pull back and have second thoughts. According to academic theory, how corrupted a nation is judged depends on how that corruption is perceived. This is where the Corruption Perception Index (CIP) comes in, which rates nations based on how allegedly corrupt their political systems are. Scores vary from 0 to 100, with 0 indicating high levels of corruption and 100 signifying low levels. Transparency International, a group that works to end bribery, fraud, and other types of public sector corruption, releases the CPI every year. In this regard, President Hassan Sheikh’s steadfastness and intransigence in the face of corruption would prove to be adaptable in deterring those who wish to commit corruption, reshaping and positively skewing the perception of corruption, and paving the way for new opportunities going forward to help our nation achieve a good rating in the upcoming assessment of the level of corruption worldwide. More importantly, the president’s position on this issue would undoubtedly allow him to revive his political reputation, which has for a long time been the target of malicious defamation campaigns. Mohamed Dhaaley, a UK-based writer, has a university degree in journalism and a long span of experience writing about Somali politics and other significant social topics for his own blog and online outlets. Email: mohameddhaley@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post President Hassan’s crackdown on corruption has already fared well as a deterrence policy! appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamnisay in munaasabadda 1-da Luuliyo sanadkaan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, kaas oo bilo ka hor cabsi badan laga qabay in bulsho badan ay isugu tagto. Soomaaliya waxaa ka socda dabaal-degga toddobaadka xorriyadda, hadda waxaa dhiman munaasabadda ugu weyn 1-da Luuliyo, taas oo Sabtiga gelinka dambe ka dhici doonta garoonka Stadium Muqdisho. Guddiga qaranka ee dowladu u xil-saartay qaban-qaabada munaasabadaha toddobaadkaan ayaa go’aamiyey in sanadkaan munaasabadda lagu dhigo Stadium Muqdisho. Maalinta 1-da Luuliyo, waxaa Soomaaliya ka dhaca munaasabadda ugu weyn, maadaama ay kulansatay midowgii koonfur iyo waqooyi iyo xornimadii gobollada koonfureed ee dalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa looga go’ay garoonkaas oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dib u dayac tirtay, kadib markii ay hoobiye ku garaaceen mar lagu qabtay ciyaar kulmisay dadweyne badan. Hadda waxaa soo hagaagay amniga Muqdisho, waxaana lagu rajo weyn yahay in munaasabadaas ay si nabad ah uga dhacdo Stadium Muqdisho, maadaama ciidanka xasilinta caasimadda ay dhanka amniga ka soo hooyeen natiijooyin amni oo bulshadu wada dareentay. Guddiga ay dowladu u xil saartay howshaan ayaa kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubbaridka dabaaldaga munaasabada 1-da Luuliyo ku yeeshay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo. Kulankaas oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dubbaridka munaasabada maalmaha xorriyada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda cayaaraha dalka. Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaas. The post Waqtigey dhaceysaa munaasabadda 1-da Luuliyo, halkeesa lagu qabanayaa? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho iyo qaabkii ay u eekayd 1968. Sawiraantan waxa qaaday qoys u dhashay Dalka Talyaaniga, oo booqasho ku tegay musqdisho sanadii 1968. Qaran News
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ay saaka waaberigii ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, kaasi oo uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray maleeshiyaadkeeda iyo ciidanka dowladda. Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi, iyada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daaru-Nicma, islamarkaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee deegaankaasi, sida ay sheegtay. “Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday deegaanka Daarunicma oo ay saldhigyo ku lahaayeen (ciidanka) dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Ciidamada (kooxda) waxay saakay oo Jimca ah dagaal kula wareegeen deegaanka Daarunicma – ee Shabeellada Dhexe.” Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal kooban kadib ay ciidanka dowladda ay iskaga carareen deegaanka, islamarkaan ay u baxsadeen dhinaca deegaanada Al-Kawthar iyo Aadan Yabaal, ayna ku daba jiraan firxadkooda, sida lagu yiri sheegashada kasoo baxday kooxda Al-Shabaab. Sheegashada kooxda Al-Shabaab ay kasoo saartay weerarkii saaka iyo dagaalkii xigay ee dagaal-yahaanada kooxda iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray deegaanka Daaru-Nicma, ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijin karo. Dagaalka saaka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo dowladda oo ku aadan sheegashada kooxda Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalka arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma. Si kastaba, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi. The post Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii deegaanka Daaru-Nicma appeared first on Caasimada Online.
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka waaberigii hore ka dgacay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhinac ah iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Mana jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalkii xigay weerarkaasi oo arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma. Hase yeeshe, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay weerarkaasi, ayada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta Daaru-Nicma, islamarkaana ay cagta marisay saldhigyadii ciidamada dowladda ay halkaasi ku lahaayeen. Sheegashadan weli si madax-banaan looma xaqiijin karo. Si kastab, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi. The post Faah-faahinta dagaal culus oo ciidanka DF iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
