-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-shabaab lagu cirib tirayo. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed appeared first on Puntland Post.
-
Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa dib usoo celinaya xiriirka labada dal oo xumaa tan iyo markii Masar uu xukunkeeda Milatarugu qabtay, oo halkaas lagu riday dowladdii Rayodka aheyd ee Xisbiga Ikhwaan Mulimiinka uu hoggaaminayay. War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi. Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halkaDowladda Masar ay safiir u magacaabeen Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara. “Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi. “Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi. Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halka dowladda Masar ay safiir u magacaabeen Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara. “Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi. “Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.” PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Masar oo safiiro is dhaafsaday appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa soo dhow xilligii uu hawlgali lahaa markabka ugu weyn dunida ee rakaab qaada. Bisha January ee sannadka soo socda ayaa la filayaa inuu safarkiisa ugu horreeya sameeyo Icon of the seas. Waxaa iminka soo dhamaaday socdaalkii ugu horreeyey ee tijaabada ahaa ee markabkaas uu ku samaynayey badda. Wuxuu dib ugu laabtay halka maraakiibta lagu sameeyo ee Meyer Turku, Finland, ka dib markii uu afar maalmood badda ku jiray ayadoo la tijaabinayey matoorrada iyo qalabka ku xiran ee tiknoloojiyada casriga ah ku shaqeeya. Boqollaal qof ayaa afartaas maalmood waxay ka shaqaynayeen in wixii cillad farsamo ah ay eegaan, dibna ugu soo celiayaan jawaabta xarunta markabka lagu dhisay. 27 January 2024 ayaa la qorshaynayaa in uu socdaalkiisa ugu horreeya kaga soo ambabaxo dekedda Miami ee Maraykanka. Marka laga hadlayo baaxaddiisa, waa markabkii ugu horreeyey ee baaxad ahaan ugu weyn maraakiibta qaada dalxiiseyaasha. Dhererkiisu waa 365 mitir, culayskiisuna waa 250,800 oo tan. Wuxuu la mid yahay laba dhisme oo ah dhismaha CN Towers ee caanka ay ku tahay magaalada Toronto oo badda sabbaynaya. Sida ay warbaahintu qorayso, wuxuu markabka Icon of the seas qaadi doonaa 5,610 qof oo rakaab taasoo ka yar tirada ugu badan ee uu qaadi karo. Tirada ugu badan rakaabka uu mar qura qadi karo ayaa ah 7960. Shaqaalaha ka shaqaynaya ayaa iyagana lagu qiyaasay in ka badan 2,300 oo qof. Wuxuu leeyahay barxad-biyoodka ugu weyn dunida oo gaarsiisan heerka lixaad. Marka sidaa la leeyahay waxa loola jeedaa in uu leeyahay markabka 6 meelood oo ah goobaha biyaha lagu cayaaro. Laakin qofkii raba wax intaa ka dheeraad ah waxaa u diyaarsan 7 berkadood oo lagu dabaasho iyo sagaal berkadood oo ah nooca ay ku rakiban yihiin mishiinnada biyaha walaaqa. Source
-
Sacuudi Carabiya ayaa u yeedhay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas maanta werisay warbaahinta dowladda. Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa horey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden. Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga waxay Axaddii u yeedhay safiirka Sweden, si ay Sweden ugu booriso “inay joojiso dhammaan ficillada sida tooska ah uga hor imaanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhex-dhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada, islamarkaana wiiqaya ixtiraamka labada dhinac ee lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dowladaha,” ayey tidhi wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Gubitaanka Qur’aanka ee Salwan ayaa ku soo beegantay maalinta Ciidul Adxaa, islamarkaana la soo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah ee dalka Sacuudiga, taasoo keentay caro baahsan. Dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa sidoo kale u yeeray safiirada Sweden u fadhiyan dalalkaas. Iran ayaa Axaddii sheegtay inay dib u dhigeyso safiirkeeda cusub ee ay u diri lahayd Sweden sababo la xiriira dhacdadaas. Kulan aan caadi aheyn oo Axaddii uu ku yeeshay xaruntiisa Jeddah, ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka wuxuu ku baaqay tallaabooyin midaysan oo looga fogaanayo gubitaanka qur’aanka ee mustaqbalka. Booliska Sweden ayaa markii hore Momika siiyay ogolaansho, si waafaqsan waxa loogu yeeray ilaalinta xorriyadda hadalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa markii dambe sheegay inay fureen baaritaan ka dhan ah oo ku saabsan “kicin ka dhan ah qowmiyad”, iyagoo xusay in Momika uu bogag ka mid ah kitaabka ku gubay meel aad ugu dhow Masjidka. Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkii Momika ee Axaddii, waxayna ku tilmaantay mid Islaam nacayb ah Source
-
Ciidamada GORGOR oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolkaasi, kaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Howlgalkan ayaa waxaa lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidanka Gorgor. Warkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay howlgalladooda ku gaareen deegaanada Ceel Xaaji iyo Ceel Dhiigtaan oo hoostaga magaalada Galcad. “Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku fashiliyeen dhagar Bulshada Soomaaliyeed uu cadowga Khawaarijtu la damacsanaa.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Gorgor. Sidoo kale taliyaha ururka 7-aad ee ciidanka Kumaanooska Gorgor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid lagu baacsanayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka Galcad. Mahad Imaan ayaa sidoo kale sheegay in howlgalladan ay kusoo saareen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmadaasi. Taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi, isaga oo ugu baaqday dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda. Galcad ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ay ku soo qaadaa weeraro arbushaad ah. Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo gobolladaas oo hoostaga Galmudug. The post Ciidamada GORGOR oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay. Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta. Tababarkaan ciidanka loosoo xiray ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo abaabul ciidan uu ka socdo Jubbaland, kaas oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo la filaayo inuu dhowaan ka bilowdo dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Food and Nutrition Security Resilience Programme (FNS-REPRO) is a four-year plan addressing the cause-effect relationship between conflict and food insecurity in Somalia, South Sudan, and the Sudan. In Somaliland, FSN-REPRO will focus on the fodder value chain, which cuts across humanitarian and development interventions, with numerous missing links in between particularly its access and use by Building food system resilience in protracted crises. Qaran News
-
Waabirigii hore ee Saakay Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku dhacay qeybo kamid magaalada caasimadda ee Muqdisho. Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Aabe iyo Gabar uu dhalay hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir. Waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah oo ay ku jiraan caruur uu dhalay Aabaha geeriyooday oo macalin dugsi ahaa sida ay sheegayaan wararka la helayo, xilli dhanka kale qeybo kamid degmada Deyniile ay ku dhaceen Hoobiyaal walow aan khasaaro lasoo sheegin ay geysteen ilaa iyo hadda. Madaafiicda ayaa kusoo dhacay caasimadda xilli inta badan ay hurdeen bulshada caasimadda oo mar qura kusoo bararugay madaafiic xooggan oo ku dhaceysa qeybo kamid ah caasimadda, waxaana dhacdadaan ay kusoo aadaysaa xilli muddooyinkii caasimaddu ay aheyd mid degan marka loo eego falalka nuucaan ah. Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasoo sababta in dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo saaka lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Weerarkan hoobiyeyaasha loo adeegsaday ayaa waxaa lagu beegsaday degmooyinka Warta Nabadda, Xamar-Jajab iyo Waaberi oo ku yaalla bartanka caasimada. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka ay waxyeelada soo gaaray qoys degan degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo, kadib markii uu ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaasha lagu garaacay magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in guriga uu ku dhacay madfaca uuu ku dhintay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Macalin Aweys iyo gabadhiisa Xaliimo Macalin. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyada qoyska oo lagu Magacaabo, Naciimo Maxamed Cabdi, garbar yar oo lix jir ah laguna magacaabo Xaliimo Macalin Aweys Maadeey, Isra Macalin Aweys iyo Maxamed Macalin Aweys Madey. “Saddex ayaa meyd ah oo wiilkeyga kow ka yahay iyo gabar iyo wiil uu isaga dhalay, saddex iyo hooyadoodna isbitaal ayay iga jiraan” ayuu yiri awoowaha reerka. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee ka dhacay gudaha caasimada. Bishii hore ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu garaacay madaafiic, inkastoo laamaha amniga ay soo qabteen hub iyo rag ku eedeysan weerarkaasi. Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa dhowr oo weerar oo kala duwan ka fulisay gudaha caasimada oo ay dowladda dhigtay ciidamo suga amniga. The post Wararkii ugu dambeeyay madaafiic lagu garaacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu gadaal ka riixayay barasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis. Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta. Goobaha ganacsiga ayaa shaqaalahooda uga digay in shaqooyinkooda ay khatar ku jiraan. Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaararka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid. Sharcigan ayaa dhaqan-galay shalay oo ay bisha July 1 ahayd. “Sharcigii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta” DeSantis ayaa ku tilmaamay SB 1718 inuu yahay “kii ugu adkaa ee muhaajiriin sharci-darrada ah ka dhan ah ee dalkaas laga dhaqan-geliyo.” Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify), wuxuu ganaax US$1,000 maalintii kusoo rogayaa shirkadaha shaqaaleysiiya qof aan diwaan-gashaneyn, iyo in lagala laaban doono leysanka. Wuxuu sharcigan sidoo kale mamnuucayaa in kaarar aqoonsi la siiyo dadka sharci-darrada kusoo gala Mareykanka. Sidoo kale isbitaallada ayaa laga doonayaa inay ururiyaan xogta bukaanka una soo gudbiyaan maamulka gobolka. Sharcigan ayaa sidoo kale dembi ka dhigaya in gaari lagu qaado qof aan diwaan-gashaneyn. Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida. Mareykanka iyo Mexico oo ka wada hadlaya qaxootiga Saraakiisha dalalka Maraykanka iyo Mexico, ayaa iyaguna ka wada hadlaya barnaamij cusub oo qaxootiga Maraykanka ah, oo loogu talagalay qaar kamid ah magan-gelyo-doonka aan u dhalan dalka Mexico, ee ku sugan xadka Mexico, afar dhinac ayaa laga helay warkaasi, qayb ka mid ah isku dayga Madaxweyne Joe Biden ee uu ku abuurayo hannaan sharci ah, oo ay soo mari karaan dad badan oo magan galyo doon ah. Barnaamijku waxay u badan tahay in loo oggolaan doono dadka ka imanaya dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo qaxootiga Venezuela ee ku sugan dalka Mexico, ilo-wareedyada ayaa sidaasi soo gudbiyey. Muhaajiriinta ayaa u baahan doona inay keenaan caddeymo muujinaya inay joogeen Mexico ka hor Juun 6-deeda, si ay ugu qalmaan in la qaabilo, mid kamid ah ilaha laga helay warka, ayaa sidaasi soo gudbiyey. Ilahan – laba sarkaal oo ka kala tirsan dalalka Maraykan iyo Mexico, iyo laba qof oo arrintan wax ka yaqaan oo dhammaantood magacyadooda qariyey – ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen in arrintu weli tahay mid laga wada hadlayo, oo aan go’aanno kama dambeys ah laga gaarin. Ma cadda inta qof ee ka faa’iidaysan karta barnaamijkan. Boqollaal kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid afarta waddan ee aynu soo xusnay, ayaa soo maray Mexico, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, intii lagu jiray daganaansho la’aanta siyaasadeed, oo ay ka dhalatay dhaqaalo xumo sannadihii la soo dhaafay, taasoo culeys saartay tasiilaadka iyo kheyraadka labada dal, iyo cadaadis siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweyne Biden, oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga, kaasoo doonaya in dib loo doorto sanadka 2024-ka. qaxootiga kolkii horaba sugayay oggolaanshaha. Hindisaha laga doodayo ayaa wuxuu noqon doonaa barnaamijka “Mudnaanta Labaad” ee qaxootiga, ilo-wareedyada ayaa sidaasi sheegay, oo lamid ah tani midkii loo furay Afgaanistaan sanadkii 2021-kii. Barnaamijyada noocan oo kale ah, ayaa u oggolaanaya kooxo gaar ah oo dad ah inay si toos ah u codsadaan barnaamijka aqoonsiga qaxootiga, iyaga oo aan u baahnayn gudbinta hey’adda Qaramada Midoobay. In kasta oo wada-hadalladani, ay dowladda Mexico ka muujisay walaac weyn, ayuu yiri sarkaalka ka socda dhanka dowladda Mexico. Haddii barnaamijku uu ku dhiirrigaliyo soo galooti badan inay galaan dalka Mexico, waxaa laga yaabaa inay canshuuraan, maadaama kheyraadka dalkani uu markii horeba uu ahaa mid ciriiri ku jiray, si loola tacaalo muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku. Mid kamid ah walaacyada ay qabto muhiimka ah ee dowladda Mexico, ayaa ah halka lagu kala hufayo laguna marsiinayo baaritaanka muhaajiriinta, ayuu yiri sarkaalku. Haddii Maraykanku isticmaalo tas-hiilaadkiisa qunsuliyadda ee jira, qorshuhu wuu shaqayn karaa, laakiin xarun kasta oo cusub oo Maraykan ah oo ku taalla gudaha dalka Mexico, ayaa ujeedadeedu waxay noqon doontaa mid siyaasadaysan, ayuu sarkaalku intaa ku daray. Go’aannada la sugayo waxay sidoo kale u baahan doonaan ka qeyb qaadashada wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Alicia Barcena, oo aan weli loo dhaarin jagada, ayuu yiri sarkaalku. Qaran News
-
More than 10 bodies from the dozens of people who died in a road accident in Kenya on Friday are yet to be identified, with some having been badly damaged. Source: Hiiraan Online
-
Bomb experts were on Sunday night called to a scene where a bag was abandoned along Langata Road, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexdii maalmood ee tegay, baraha bulshada ay Soomaalida ku wada xiriirto waxaa qabsaday muuqaallo iyo sawirro muujinayay xabaalo dib loo qodayo hadal hayn xoogganna abuurtay. Dadka ayaa sheegay in la soo wacay oo lagu amray inay eheladooda ka saaraan qabuuraha Sheekh Macallin Nuur. Yaa dadka ku amraya inay qabuuraha ay meeydadka ehelladooda la baxaaan? Alle ha u naxariistee Sheekh Macallin Nur Maxamed Siyaad ayaa waqfay dhulkan uu ugu tala galay in maydka lagu aaso. Hase yeeshee waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in ehelada meydadkii qabuurahaas ku aasnaa lagu amro inay la baxaan oo ay meel kale ku aastaan. Si arrintaan aanu wax badan uga ogaano ayaa waxaan la xiriirnay Cabdulqaadir Sheekh Macallin Nuur oo inoo sheegay in qoyskiisa aysan wax shaqo ku leheen arrintan. “Qabuurahan waxaa 1980-kii waqaf ka dhigay aabo Sheekh Macallin Nur Maxamed intii ay jirtay dowladdii hore, wixii markaas ka dambeeyayna waxa dhib ah kama jirin illaa hadda muddo laga joogo 7 ilaa 8 bilood oo ay soo baxeen dad sheeganaya dhulkan oo dadka ku amraya inay dadkooda kala baxaan qabuurahaan kadib waan la dagaallanay, odayaal baan u dirnay, dowladdan gaarsiinay wax sharici ahna uma haystaan marka meeshiina waa laga celin waayay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Sheekh Macallin Nuur wareysi siiyey BBC. “Muddo hadda lix bilood laga joogo waxaa meesha ka dhacday arrin xun oo meesha la isugu tagay. Wareysiyo aan bixinnay dolwaddana aan ka codsanay inay soo faragashato marka waagaas way hakadeen laakiin hadda ayay haddana dib u soo bilaabeen oo marna habeenkii ayay qabuuraha fagayaan marka dadka ayay inta ay soo wacaan ay ku dhahayaan qof walbow qabrigaaga la bax meesha waan dhisaneynaa.” “Dadkan waa dad dhuumanaya oo diiday inay sharciga tagaan. Waan la kulannay inaan dowladda isula tagnana waa ay naga diideen waxaana ku jira oday ka mid ah dadkii bixiyay ka mid ah waxa uuna leeyahay dhulka waan bixiyay aabo Macalin Nuur ayaana siiyay balse wuu diiday inaan darbi ku wareejino mana sheegayo waxa uu rabo sababtoo ah waxaanu weydiiyay ma bixintii baad ka laabatay.” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday goobta ay ku yaallaan qabuurahan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macallin Nuur ee ku yaalla deegaanka Garasbaaleey. Wuxuu dadka deegaanka faray in ay joojiyaan meydadka dib loo soo saarayo si meel kale loogu aaso. Hadalka guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyay qoyska Sheekh Macallin Nuur gaar ahaan Cabdulqaadir. ”Maanta waan faraxnay markaan aragnay dowladda oo ka hadashay gaar ahaan guddoomiyaha oo meesha tagay marka anaga waxaan rabnaa inay fuliyaan waxa ay yirahdeen. Anaga reer Sheekh Macallin Nuur haddaan nahay inaan darbi ku wareejino qabuuraaha, dowladiina iyada sharciga haysaa waxaa laga rabaa inay fuliyaan,” ayuu yiri. The post Yaa bixiyey amarka ah in qabuuraha Macallin NUUR laga saaro meydadka? appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) – Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas ayaa shalay gaaray magaalada Garowe oo xiisad ka dhalatay khilaafka doorashada ay ka taagan tahay. Siyaasiyiintaan ayaa doonaya inay xal u raadiyaan khilaafkaas, sida uu warbaahinta la wadaagay Cumar Cabdirashiid, “Mar kasta oo doorasho soo dhawaato khilaafkaan waa yimaadaa, hadana arrinta taagan waxaan ku raja weynahay in jid loo bixiyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Wafdigaan lagu soo dhaweeyey Garowe ayaa cadeeyey inay xal u raadinayaan xiisadda, isla markaana ay wadahadal u furayaan dhinacyada isku haya doorashada Puntland. “Masuuliyiin deegaankaan u dhashay ayaan nahay, in wixii jira xal waara loo helo ayaa nalaka sugayaa, khilaafkaan oo kale dowladda dhexe xitaa waa ku yimaadaa markii doorasho la gaaro, marka xalka arrintaan inaan ku guuleysa doono ayaan rajeynayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid. Wuxuu sheegay in Puntland ay tusaale muhiim ah u tahay Soomaalida oo dhan, sida doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay degmooyin dhowr ah. “Waxaan rabnaa in Puntland ay ku daydaan dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana hubaa in wax kasta oo khilaaf ah oo Puntland ka jira xal loo heli doono,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Khilaaf adag oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkaan ka taagan Puntland, kaas oo sababay gacan ka hadal ay dadb badani ku dhinteen. Mucaarad hubeysan ayaa dagaal kala hor yimid muddo kororsi uu miiska soo saartay Madaxweyne Saciid Deni, waxaana hadda istaagan wax kasta oo doorasho ama muddo kororsi ahaa. Siyaasiyiinta timid Garowe ayaa laga raja weyn yahay inayt xal u keenaan khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka Puntland ee salka ku haya doorashada baarlamaanka iyo madaxtimida maamulkaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Cumar C/rashiid oo Garoowe ka sheegay qorshe isaga iyo Gaas ay wadaan appeared first on Caasimada Online.
-
Bariire (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay gobolkaas howlgal culus ka sameeyeen ciidanka NISA. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob lagu tuhmayo kooxda Al-Shabaab oo ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Sabiid. Ciidamada Nabad Sugidda ayaa halkaas ugu tegay mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay dileen, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladdu. Sidoo kale qoraalkan kooban ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ninkaasi kasoo furteen qoray AK47 ah iyo booshash uu watay. “Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macalinka oo u dhaxeysa Bariire iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa lagu dilay mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta, iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay” ayaa lagu yiri war qoraalka ah ee ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ciidamada ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayaga oo isku ballaariyay tuulooyinka hoostaga deegaanka Bariire, halkaas oo ay inta badan weeraro kasoo qaadaan xubnaha kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka ammaanka ayaa sameeya howlgalo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijta isku soo abaabulaan” ayaa lagu yiri qoraalka. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay weli kacsan tahay, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed. Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobolkan, waxayna kasoo abaabushaa weeraro culus iyo qaraxyo, kuwaas oo inta badan ay ku beegsato saldhiyada ciidamada huwanta ah. Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan dalalka dariska. The post NISA oo howlgal ku dishay xubin ka tirsan SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay maamulka cusub ee hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha. Mudane Cabdullahi Biixi Xuseen oo xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Cabdulle Timacadde ayaa hadal kooban uu goobta kajeediyay sharraxay waxyaabaha u qabsoomay hay’adda NIRA muddadii uu hayay xilka kusimaha Maareeyaha hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha. Waxa uu ka dhawaajiyay sameynta sida dejinta siyaasado iyo xeerar rasmi ah oo ay leedahay hay’adda, kuwaas oo ka tarjumaya shaqada iyo xarunta Hay’adda. Maareeyaha cusub ee hay’adda Mudane Cabdiweli Timacadde ayaa dhankiisa u mahad-celiyay kusimahii maareeyaha shaqada wanaagsanay uu kasoo qabtay hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha. Mareeyaha cusub ee hay’adda ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in uu kordhin doono tayaynta hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku ammaanay maamulkii hore ee hay’adda shaqada wanaagsan oo ay qabteen. Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kula dardaarmay maareeyaha cusub in uu dardar-galiyo shaqada muhiimka ah oo ay hay’addu hayso, isaga oo ku adkeeyay shaqaalaha kala duwan muhiimadda wada-shaqeynta oo ay saldhig u tahay in guulo laga gaaro shaqada hay’adda. 8-deeda June ayay aheyd markii Golaha Wasiirrada ay meel-mariyeen in Cabdiweli Timacadde noqdo maareeyaha hey’adda NIRA, halka Cabdullahi Biixina laga dhigay Maareeye ku-xigeen. The post Sawirro: Axmed Macallin FIQI oo xilalka u kala wareejiyay maamulka cusub ee NIRA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa duleedka Kismaayo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda ciidankaan tababarka loogu soo xiray waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Dhuumaal, Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed iyo saraakiishii tababarka bixinaysay. Tababarkaan oo socaday muddo labo bilood ah waxaa bixinayey saraakiil ka tirsan ATMIS, waxaana askartaan la baray caafimaadka oo laf-dhabar u ah nolosha aadanaha, kaalin weyna ku leh marxaladaha dagaalka ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab. Tani waxay ka mid tahay caawinaada ay ciidamada xoogga Soomaaliya ka helaan howlaglka ATMIS oo waqtigiisu gabaabsi yahay hadda, isla markaana baneeyey saldhigyadii ugu horeeyey. Ugu yaraan lix saldhig ayey ATMIS ku wareejisay ciidamada xoogga dalka, bishii hadda dhamaatay, kuwaas oo ku kala yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo. Dabayaaqada sanadka soo socda ayaa lagu wadaa in askariga ugu dambeeya ee ATMIS uu Soomaaliya ka baxo, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya oo halgan adag ugu jirta in mudadaas ka hor ay hanato guud ahaan amniga wadanka. Kooxda Al-Shabaab oo hadda qeybo badan ka jooga dalka ayaa la doonayaa in sanadkaas lagu soo afjaro, si ATMIS ay ugu baxdo heshiiska ay ku joogaan wadanka oo cadeynaya waqtiga ay baxayaan. Ciidamada ATMIS waxay wadankaan joogaan in ka badan 15 sano, waxayna mudadaas dagaallada Al-Shabaab ku waayeen kumanaan askari, sidoo kale waxay ka weyb qaateen dhismaha ciidanka qaranka oo hadda heer wanaagsan soo gaaray. Dowladda Soomaaliya oo curdun ah dagaal argagixisana ku furan yahay ayaa dadaal adag ugu jirta dhismaha ciidamada qaranka, waxaana hadda rajo badan laga qabaa in sanad gudihiis ay ciidanka Soomaaliya ku hantaan guud ahaan amniga Jamhuuriyadda. The post Sawirro: Jubaland oo tababar u xirtay ciidan nooc cusub ah appeared first on Caasimada Online.
-
Philadelphia (Caasimada Online) – Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania. Afhayeen u hadlay booliska ee magaalada Philadelphia ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhowr qof ay waxyeello ka soo gaartay toogashada, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah. Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in qofka dadka laayay uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska. Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay maalin kaddib, marki uu nin hubeysani sidan oo kale uu rasaas oodda uga qaaday dhalinyaro ku sugnayd goob ay xaflad ka dhacaysay oo ku taalla magaalada Baltimore ee gobolka Maryland, halkaas oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28 kale. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guud ahaan dalka laga xusayo, maalinta xorriyadda ee Maraykanka oo ku beegan, July 4-teeda. VOA + Reuters The post Toogasho ka dhacday dalka Mareykanka oo 4 qof lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas soo werisay warbaahinta dowladda. Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa horey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden. Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga waxay Axaddii u yeertay safiirka Sweden, si ay Sweden ugu booriso in ay joojiso dhammaan ficillada sida tooska ah uga hor imaanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhex-dhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada. Gubitaanka Qur’aanka ee Salwan ayaa ku soo beegantay maalinta Ciidul Adxaa, islamarkaana la soo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah ee dalka Sacuudiga, taasoo keentay caro baahsan. Dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa sidoo kale u yeeray safiirada Sweden u fadhiyan dalalkaas. PUNTLAND POST The post Sacuudi Carabiya oo u yeertay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
