-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baarlamaanka Ingiriiska oo ka doodaya Mooshin ku wajahan Aqoonsiga Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Salaasada Toddobaadkan la doodaya mooshin ku wajahan xeer la xidhiidha in lagu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland. Mooshinkan oo uu soo diyaariyay Xildhibaan Gavin Williamson oo hore u ahaan jiray Wasiirka Gaashaan-dhiga UK, wuxuu mooshinkan dhigayaa in xeer ahaan looga doodo in JSL loo aqoonsado dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika. Shabakada Baarlamaanka Ingiriiska ayaa lagu daabacay in mooshinkaasi la geli doono gelinka dambe ee maalinta Salaasada ah. Haddii mooshinkani najaxo waxay noqonaysaa inuu maro labada aqal ee baarlamaanka Ingiriiska, kadibna waxa ay Dawladdu qaadi doontaa inay dhsqangeliso xeerkaas baarlamaanku gaadhay. Tallaabadan ayaa ah mid hore loogu qaaday halganka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta. Waxaanu ku soo beegamayaa iyadoo Somaliland ay dhawaan u debaal-degtay 32 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya sanadkii 1960. Qaran News
-
The African Development Bank (www.AfDB.org) has welcomed a contribution of EUR 5.5 million from Italy for its Youth Entrepreneurship and Innovation Multi-Donor Trust Fund. Italian officials announced the new financing during the Fund’s mid-year Oversight Committee Meeting held virtually on 26 June. They reaffirmed the country’s commitment to fostering youth entrepreneurship and innovation in Africa. “The Italian Government is proud to contribute to the Youth Entrepreneurship and Innovation Multi-Donor Trust Fund and to support African youth in their entrepreneurial pursuits,” said the Deputy Central Director for Development Cooperation at the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Italian Republic, Marco Riccardo Rusconi. “We believe that fostering innovation and creating sustainable job opportunities – in particular for youth and women – are crucial for inclusive and resilient economic growth in Africa,” he added. Youth unemployment and access to quality jobs are pressing challenges across the continent. Africa’s unemployment rate stands at 8.1%, with youth being disproportionally affected. Italy’s support will bolster initiatives aimed at promoting entrepreneurship and formalizing enterprises. By focusing on youth-led start-ups and micro, small and medium-sized enterprises, the Trust Fund seeks to create sustainable job opportunities and drive innovation. By the start of 2023, the Youth Entrepreneurship and Innovation Multi-Donor Trust Fund facilitated the creation of more than 68,500 direct jobs for youth in Africa and improved access to financing for over 6,600 micro, small and medium enterprises across the continent. The Trust Fund has also empowered more than 12,000 young entrepreneurs who have gone on to transform their business plans and contribute to economic growth. Dr. Beth Dunford, the Bank’s Vice President for Agriculture, Human and Social Development said, “We thank the Government of Italy for its unwavering partnership and generous contribution. This support reflects a shared mission to nurture and provide necessary business skills to African youth, while promoting entrepreneurship and innovation.” The African Development Bank founded the Youth Entrepreneurship and Innovation Multi-Donor Trust Fund in 2017, to promote innovation and entrepreneurship as well as to create durable and sustainable jobs for youth on the continent. The Trust Fund provides grants to support the Bank’s Jobs for Youth in Africa Strategy programs and initiatives. The Jobs for Youth in Africa Strategy aims to create 25 million Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow oo maanta u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan. Ugu horreyn Calasow ayaa ka warbixiyay howlgal amni xaqiijin ah oo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi, kadib markii ay kusoo kordheen dhaca mootooyinka, wuxuuna tilmaamay in laamaha ammaanka ay qaadeen talaabooyin lagu sugayo amniga degmada. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, wxuuuna farriin u diray ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska oo uu ugu baaqay in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda ee haatan taagan. “Waa iska caadi dhaqanka siyaasadeed mararka qaar inuu buuq dhaco, waana iska xalismaa, balse waxaan rabnaa in aanu saameyn ciidamada ammaanka, sida Booliska, annaga haddaa nahay heer degmo waxaas waxba nagama gelin” ayuu yiri guddoomiyuhu. Guddoomiye Calasow oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka degmo ahaan aysan shaqo ku laheyn arrimahaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan shaqooyinkooda. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in magaalada uu ka shaqeyn doono hal amar, kaas oo ka imaanaya kaliya dowlad goboleedka HirShabelle. “Magaalada Beledweyne hal amar ayaa ka shaqeynayo waana kan Hirshabeelle” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne. Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, una hiiliayaan dowladnimada iyo kala dambeynta. “Ma dooneyno in loo hiiliyo amni darrada, laakiin waxaan rabnaa in loo hiiliyo dowladnimada, wanaaga iyo kala dambeynta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Cali Jeyte uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado Beledweyne, isaga oo uga dhowaaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’. The post Daawo: Maamulka Beledweyn oo war cusub soo saaray, kuna dhowaaqay in amarka… appeared first on Caasimada Online.
-
Energy Capital & Power (https://EnergyCapitalPower.com/) announces that the Critical Minerals Africa investment summit will take place on 17-18 October in Cape Town, South Africa. This inaugural summit kicks off a series of results-driven African events with the goal of strengthening global supply chains for critical minerals; increasing value addition in critical minerals production within Africa; and fueling global economic growth through sustainably produced African resources. Organizer Energy Capital & Power is proud to work with industry leading partners and welcomes private and public sector partners to join this important initiative. The African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org/) is the official Strategic Partner and has endorsed Critical Minerals Africa. Leading data and analysis firm Rystad Energy (https://www.RystadEnergy.com/) is Knowledge Partner. We are pleased to welcome Moore Global as Advisory Partner. South African Airways is the first Airline Partner to join the conference. “Critical Minerals Africa stands at the intersection of energy and mining, and at the forefront of Africa’s emergence as a catalyst for global growth. This is the dealmaking and policy announcement space where projects find investors, investors create opportunities, and governments map out the future of their mining industries. The Energy Capital & Power team is excited to welcome international, African and South African delegates to this strategic event in Cape Town,” says Conference Director James Chester. Discussions are ongoing with member countries of the Minerals Strategic Partnership and other major consumers, African and Middle Eastern ministers, private sector mining houses, private equity and financial institutions, and the International Energy Agency to send delegations and speakers to the summit. The event will drive dealmaking and connect funding with projects, including closed-door sessions and meetings, and public deal-signing and policy announcement sessions. Critical Minerals Africa takes place concurrently with African Energy Week (Cape Town, 16-20 October 2023), hosted by the African Energy Chamber. This collaboration enables delegates to gain exposure to a far wider network, to take part in discussions across a broader spectrum of mining and energy issues, and to gain access to a larger number of high-profile national delegations in the resources sector. With critical minerals a key driver of the success of the energy transition, the co-location of Critical Minerals Africa and African Energy Week in Cape Town in October provides a unique and powerful value to stakeholders. Critical Minerals Africa takes place on 17-18 October at the CTICC in Cape Town, South Africa. Tickets are now available at www.CriticalMineralsAfrica.com Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. Contact us if you are interested in speaking: speak@energycapitalpower.com Contact us if you wish to promote your organization as a sponsor: sales@energycapitalpower.com Contact conference director James Chester by email at james@energycapitalpower.com if you wish to discuss your strategic objectives at the conference. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa xilkii ukala wareejiyay taliyihii hore ee qaybta gobolka karkaar iyo taliyaha cusub. Munaasabad xilwareejinta waxaa ka qayb galay Xildhibaano katirsan Puntland, saraakiil ciidan,Maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho,Xildhibaano gole deegaanka Qardho, Odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-gallay. Taliyihii hore ee qaybta gobolka karkaar G/sare Cabdirisaaq ayaa ugu horayn soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu joogay, caqabadaha iyo guulaha la taaban karo ee la gaaray. Taliyaha Cusub G/Sare Xuseen Cali oo xilka la wareegay ayaa u mahad-naqay Taliyihii hore, waxa uuna shacabka ka codsaday in lala shaqeeyo. Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdiqaadir Said Qaal, Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Said Osman, odayaasha dhaqanka, xildhibaanada iyo bulshada rayidka ah oo hadlay ayaa xusay in Cabdirisaaq uu shaqa fiican soo qabtay, taliye Xuseen mid kale oo taas ka balaaran ay shacabka Karkaar ka sugayaaan. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Puntland Caydiid Axmed Nuur, Taliye ku xigeenka Asluubta Cabdiqaadir Axmed Khayr Bashka iyo Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa hadlay, waxayna amaan iyo mahad-naq u jeediyeen taliyihii hore, halka ay soo dhaweeyeen Taliyaha Cusub ee la magacaabay G/Sare Xuseen Cali Maxamuud shacabka waxay ka dalbadeen in arimaha Amniga lagala shaqeeyo. PUNTLAND POST The post Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Karkaar oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Wadamada Muslimka ah ayaa ku shiraya dalka Sacuudiga si ay uga hortagaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden Ururka OIC ayaa shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden. Doodda ay soo qaban qaabisay Sacuudiga ayaa lagu lafa gurayaa tallaabooyinka ku haboon ee laga qaadi karo waxa ay kooxdu ugu yeertay falka gardarrada ah. Kooxdan ayaa horey u cambaareysay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden. Waxa uu ka sameeyay bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, fal ay ka gadoodeen dhamaan Muslimiinta maalintii Ciidul Adxaa. Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa casuumaad u fidiyay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Villa Somalia ayaa la sheegaya inay dadaal xooggan ku bixinayso inay si deg deg ah wada-hadal ula furto xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan, tallaabadan ayaa timid kadib markii ay Villa Somalia ay walaac ka muujisay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in la hakiyo hanaanka deyn cafinta dalka, oo meel wanaagsan maraya, illaa inta laga heshiinayo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. “Madaxweynaha (Xasan Sheekh Maxamuud) iyo Ra’iisul Wasaaraha (Xamza Cabdi Barre) ayaa bilaabay inay xiriir la sameeyaan dhinacyda kala duwan oo saameyn ku leh siyaasadda maamulkaasi (Puntland) si ay ugu kala dab qaadaan maamulka Deni iyo Villa Somalia,” ayey Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo muhiim ah. Sida muuqata madaxda sare ee dalka ayaa raadinaya in si dhakhso ah u furmo wada-hadal ay labada dhinac ku gaaraan heshiis siyaasadeed lagu soo afjarayo khilaafka Puntland iyo Villa Somalia. Haddii ay tani dhacdo waxaa laga baaqsan doona in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo xilligaan maraya marxalad wanaagsan, balse laga cabsi qabo in khilaafka labada dhinac uu saameyn ku yeesho haddii uu sii socdo. Puntland ayaa dhankeeda marar dhowr ah kor u sheegtay inay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladdafederaalka, balse lama oga inay aqbali doonaan dadaalada ay Villa Somalia ku dooneyso in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, oo heshiis looga gaaro khilaafka taagan. Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli la rumeysan yahay in xiriirka Villa Somalia iyo maamulka Deni uu marayo heerkii ugu liitay, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay wada-shaqayntii labada heer dowladeed. The post Xog: Villa Somalia oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta khilaafka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
COVID19 And Its Prevention In Internally Displaced Person (IDP) Camps In Somalia/Somaliland: Impact On Livelihoods, Mental Health And Wellbeing Close to a year since the start of the pandemic, COVID19 is not just a health crisis. Millions living in informal settlements in the world’s poorest regions depend on unreliable daily wages and humanitarian aid from NGOs and governments as their only livelihood strategies. The pandemic desperately impacts on these populations by restricting both internal and international movements. Further, observing hand hygiene is very challenging in these contexts where access to clean water is limited and if found, preserved only for drinking. Somalia has one of the world’s largest populations of internally displaced people (IDPs) due to decades-long unrest and frequent environmental crises such as droughts, floods and recent desert locust infestations. The study is aiming to explore how Somalia’s IDP communities are coping with COVID19 impacts. A particular interest is understanding livelihood and mental health impacts and practicality of hand hygiene measures. Relevant stakeholders such as Camp Coordination and Camp Management Cluster, United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, and local governments, are being engaged and consulted throughout the process.Evidence from this study will help relief agencies and the government to understand the impact of COVID19 and its prevention on IDP communities. The project is led by a Dr Farah Isse Mumin of the Red Sea University, Somalia, along with other researchers from IGAD Sheikh Technical Veterinary School (Fred Wesonga) and Amoud University in Somaliland (Jibril Handuleh), as well as the University of Liverpool, UK (Siobhan Mor and Ross White). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hal bil iyo dhowr cisho laga jooga markii Golaha Wadatashiga Qaran uu saxiixay heshiis muran badan dhaliyay oo lagu beddelay habka doorashooyinka dalka iyo hanaanka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya. Durba waxaa buray oo hirgeli waayay qodob kamid ah heshiiskan oo aheyd inuu ku fulo bil gudaheed. 27-kii bishii May ayaa la saxiixay heshiiskan, kaasi oo la kulmay diidmo bulsho iyo mid siyaasadeed. Sidoo kale beesha caalamka oo iyadu siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo milatari ahaanba caawisa dowladnimada Soomaaliya ayaa taxadar ka muujisay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Sababta uu taageero bulsho u waayay heshiiskan, waxaa lagu sheegay in beelaha qaar ay diidan yihiin in laga guuro hanaanka 4.5 oo laga reebay qoraalkii heshiiska, balse dib laga ogaaday in lagu heshiiyay in la tuuro. Beelaha qaar waxay diidan yihiin in ra’iisul wasaaraha la tirtiro oo madaxweyne ku-xigeen loo guuro, qaarna waxay ka soo horjeedan sheekada laba xisbi. Dhamaan qodobadan waxaa la isku raacsan yahay inay u baahan yihiin doodo iyo heshiisyo intaan ka gudo weyn. Qodobka 12-aad ee heshiiskaas wuxuu ka hadlayay dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha. Guddigan oo lagu heshiiyay inuu 15 xubnood ka koobnaado waxa 3 xubnood laga sugayay dowladda dhexe, halka shanta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir laga rabay inay min 2 xubnood soo magacaaban. Sida ku cad qoraalkii lagu heshiiyay bil gudaheed oo ka bilaabaneysay habeenkii heshiiska la saxiixay ee 27-kii May ayay aheyd in lagu soo magacaabo xubnahaan, laakiin waa shaqeyn weysay oo sidaas ayuu ku buray qodobkaan. Inkasta oo Puntland ay hore u diiday guud ahaan heshiiska, haddana intii kale ayaa iyaguna wax tallaabo ah u qaadin fulinta qodobkaan. Waa qodobkii ugu horreeyay ee durba lagu fulin waayo xilligii lagu balamay. Iyada oo aan xal loo helin tabashooyinka Puntland ma la dhisi karaa guddigan, iyaduna waa su’aal kale oo meesha taalla. Laakiin sida muuqata qaar kamid ah dhinacyadii heshiiskan saxiixay ayaa laga dareemayaa in aanay tabar badan galinayn fulintiisa iyo ku qancintiisa bulshada. Madaxda maamul goboleedyada oo iyagu markii hore aad ugu cadaadinayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in heshiiskaan la gaaro ayaa markii ay heleen muddo kororsigii rabeen waxaa ka muuqata in aanay hadda waqti badan iska galinayn fulinta qodobada kale ee heshiiska. The post Qodob kamid ah heshiiskii Golaha Wadatashiga ee doorashooyinka oo fashilmay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa markii u horreysay ka jawaabtay xukun ay ku ridday Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xukunka Maxkamadda ayaa yimid kaddib markii shirkadda dhismaha ee Kingsley Construction Limited ay ku dacwootay in looga baxay heshiis ay qandaraas ku qaadaneysay dib-u-dhiska safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Maxkamadda ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya lagu xukumay lacag dhan 23 milyan oo shillin oo ah lacagta dalkaas, si ay magdhaw ahaan ugu hesho shirkadda, maadaama looga baxay qandaraaskii ay qaadan rabtay, sida lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda. Qaraarka maxkmadda ayaa waxaa si adag uga horyimid qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal, oo isagu sheegay in aysan maxkamadda ku wargelin dhageysiga eedaha loo gudbiyay maxkamadda. Xabiib oo la hadlay BBC ayaa waxa uu sheegay “in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xataa xukun lagu riday midna.” “Warkaas (xukunka) maxkmadda waxaa ka aragnay warbaahinta. Majirto shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraal ahba ay dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkaddaasi,” ayuu yiri qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Xabiib Maxamed Cigaal. Waxa uu intaas kusii daray “Majirto wax xukun ah oo nala soo socodsiiyay,” isaga oo sheegay in aysan hadda jirin lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan, kadib qaraarka soo baxay. Si kastaba, Shirkaddan oo ay leeyihiin Soomaali ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraaska dib-u-dhiska safaaradda, waxayna maxkamadda u xukmisay in 23 milyan oo shillin-ka dalkaas ah ka dalban karto dowladda Soomaaliya. The post Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo jawaab ka bixisay xukun ay ku riday maxkamad appeared first on Caasimada Online.
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Xiisad culus ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Haabaay oo hoos taga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo ka dhalatay qorshe ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Waxaa soo baxday xog sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ay ka dhisto aagga degmada Warsheekh, taas oo dhalisay xiisadaan. Dadka deegaanka Haabaay ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsato iyo siyaasiyiin ay doonayaan in dhulkaas ay hadda gataan, si dhaqaale badan ay hadhow ugu xujeeyaan dowladda. Dadka deegaanku waxay sheegeen in hadda aysan xubnahaas ka xaraashi doonin dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya ay mashruucaas ka fuliso deegaanka markii la gaaro qorshihiisa. Xubnaha ugu muhiimsan bulshada deegaankaas oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u diray dad ay sheegeen inay doonayaan inay boobaan dhulka la qorsheeyey in laga dhiso garoonka cusub, si dowladda ay lacag badan ugu rakaateeyaan. Dadka deegaanka ayaa ku doodaya inay ka hortegayaan suurad xumeyn ay bulshada deegaankaas ku sameyn doonaan xubnaha hadda doonaya in dhulkaas ay kula wareegaan si xaraash ah, si qiimo qaali ah ay dowladda kaga siistaan markii uu bilaabanayo mashruuca dhismaha garoonka. Waa khasab in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho u hesho garoon caalami ah oo ka weyn kan Aadan Cadde, maadaama dhowr mar ay Muqdisho ka laabteen diyaarado waaweyn oo ka degi waayey garoonka, kadib markii ay hawada sare ka qiimeeyeen. Bulshada hadashay waxaa ku jiray siyaasiyiin dadka deegaanka ku kala metesha dowladda federaalka iyo HirShabeelle, waxayna shirkadaha iyo ganacsatada ugu baaqeen in aysan ku hungoobi in dhaqaalahooda ay iska geliyaan dhulkaas, maadaama aysan gorgortan kala geli doonin cid aan dowladda aheyn, sida ay hadalka u dhigeen. Hoos ka daawo cabashada dadkaas The post Daawo: Xiisad ka taagan deegaan ay DF ka dhiseyso garoon diyaaradeed cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Faa’iidooyinka caafimaad ee Huruuddu sidan ayey noqon karaan: 1. waxaa ku jira waxa loo yaqaan curcumin, oo ah unug ‘bioactive’ ka ilaaliya. 2. Waxay ka caawin kartaa jirka inuu la dagaallamo astaamaha caabuqyada. 3. Waxa loo isticmaali karaa daawaynta qaar ka mid ah currada kala goysyada ku dhaca. 4 . Waxa ku jira turmerone oo laga yaabo inay wax ka tarto daawaynta istaroogga iyo cudurka xusuus guurka. 5. waxay ka ilaalin kartaa cudurrada wadnaha iyada oo la dagaalanta suntan iyo bararka. 6 . Waxay naga caawin kartaa in aan la dagaallanno caabuqyada iyada oo sidoo kale inaga difaacaysa xasaasiyadda. 7 . Waxay ka hor tagtaa koritaanka unugyada kansarka. 8. Waxay wanaajin kartaa niyadda qofka waxayna sii deyn kartaa kiimikooyinka maskaxda faa’iido u leh, sida serotonin iyo dopamine. 9. Waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa xoojinta xusuusta. 10. Waxay unugyada ka ilaalin kartaa dhaawaca, si ay u yarayso calaamadaha gabowga. Qof walba ma u haboon tahay? XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE Inteena badan, huruuddu waa ikhtiyaar aan dhibaato lahayn, laakiin xaaladaha qaarkood taxaddar ayaa lagasoo jeedinayaa. Haddii aad uur leedahay, waa in aad ka fogaataa qaadashada wax badan uu huruud ah. Daraasadihii ugu dambeeyay ee xayawaanku waxay soo jeedinayaan in ‘curcumin’ oo huruudda ku jira sidaan kor kuso xusnay uu bedeli karo heerarka hoormoonka loo yaqaan ‘estrogen’. Si kastaba ha ahaatee, in aad huruudda wax yar ka isticmaasho, sida cuntada ama cabitaanka, waxay faa’iido u yeelan kartaa xilliga uurka. Haddii aad qabto dhiig-yaraanta birta, ka fogow inaad cuntid huruud tiro badan. huruuddu waxay u muuqataa inay isku duubto biraha mudhicirka, taas oo hor seedda in ay nuumi waayaan isla markaana waxay uga sii darta xaaladda yaraanta birta. Haddii aad la ildaran tahay dhagxaanta xameetida, xannibaadda xameetida ama beerka oo ku xanuunaya, ogow in huruuddu ay kordhiso dheecaanka xameetida. Haddii aad cuntadaada u isticmaasho xaddi badan oo huruud ah waxa laga yaabaa in xaaladdu ka sii darto. Haddii aad daawo qaadanayso, talo weydiiso dhaqtar-gaaga ama farmashiistahaaga. Dadka qaata dawooyinka dhiigga khafiifiya, daawooyinka sonkorowga, ama PPI-yada sida omeprazole ee dib-u-soo-celinta aashitada waa inay si gaar ah uga taxaddaraan gedkan jaalaha ah. Weli waxaa jira wax badan oo laga baran karo saamaynta iyo dhex galka huruuddo samayso. Ilaa hadda, inta badan caddaynta waxaa laga soo qaatay daraasado xayawaan lagu sameeyay iyo tuubooyin shaybaarka dhexdiisa uun ah, waxaana loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si loo qiimeeyo saameynta huruudda ee caafimaadka aadanaha. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigeen shabakado ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynayay inay fuliyaan qaraxyo ismiidaamin ah. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade oo arrintaan shaaciyay ayaa sheegay in shabakadaha Shabaab-ka ah ee la qabtay ay doonayeen in qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyaan goobaha lagu ciidayo ee magaalada Gaalkacyo. Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha amniga maamulka ay qabteen xubnihii Shabaab ee dilalka ka geysan jiray Gaalkacyo muddooyinkii ugu dambeeyay. “Waxaa la fashiliyay dhagaro iyo khataro amni oo lagu fashilin lahaa nabad-galyada magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade. Guddoomiyaha gobolka Mudug ma sheegin xilliga iyo meesha lagu qabtay shabakadaha uu shaaciyay inay qorsheynayeen falal ka dhan ah amniga magaalada. Hase yeeshe, waxa uu ka dhawaajiyay in laamaha amniga ay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, loogana hortagayo kooxaha argagixisada ah ee maleegaya qaraxyada iyo falalka kale ee amni darro. Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay shacabka in aysan ka baqin in hay’adaha amniga lasoo wadaagaan xogaha gacanta ka siinaya sugida amniga, islamarkaana ay guryahooda ka kireyn qof aan la garaneyn oo aysan aqoon u laheyn. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankeedu soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa. The post PUNTLAND oo qabatay shabakado Shabaab ah oo qorsheynayay arrin halis ah appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii hore ee June, wuxuuna gaaray degaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Taliyaha oo ay wehlinayaan saraakiil Mareykanka ayaa booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay aagga degmada Galcad halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale booqday saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka magaaladaasi oo kamid ah goobaha ay sanadaha badan heysteen kooxda Al-Shabaab, balse haatan laga fara maroojiyay. Ugu horreyn taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan difaacyada hore ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka faahfaahiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi. Dhankiisa taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna shaaciyay inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho. Sidoo kale waxa uu faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inoo dhawaan billowdo, waxaana qorshuhu yahay in howlgalkaas lagu qabto degmada Ceelbuur oo ay heysato Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu ka war heyn doono ciidamada, isaga oo ballan-qaaday inuu dib ugu soo laaban doono mar kale, si uu dhageysto cabashadooda. Safarkan ayaa hordhac u ah booqashooyin kala duwan oo uu gobollada dalka ku bixin doonto taliyaha cusub oo xilkan loo magacaabay 19-kii bishii hore ee June ee 2023-ka. Ninkan ayaa beddalay General Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaal sare oo dhalinyaro ah, sidoo kalena hormuud ahaa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. The post Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka oo maanta tegay jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warramaysa in wiil 19 jir ah uu ka soo dhacay saqafka sare ee dukaan weyn oo ku yaalla magaalada Rouen ka dibna uu ku dhintay cisbitaalka. Wali lama xaqiijin inuu qayb ka ahaa mudaaharaadyada. Booliska ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhacdan ay ka dhacday xaafada Petit-Quevilly oo ku taal goob laga dukaameysto oo ay bililiqeysteen mudaaharaadyadaal rabshado wata. Markii rabshaduhu billowdeen horraantii toddobaadkan, qaar kamid ah mudaaharadayaasha ayaa inta badan weeraray dhismayaasha dadweynaha sida hoolalka magaalada, maktabadaha iyo xarumaha bulshada. Waxay maalmihii u dambeeyay diiradda saareen bililiqada iyo dhaca Tukaamada . Waxaa jiray bililiqo badan habeenkii jimcaha waxaana laga yaabaa in dukaamo badan ay xidhnaadaan toddobaadkan. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska. Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah. Madaxtooyada Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa. Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka.” Steinmeier “waa uu ka xunyahay baajinta wuxuuna si buuxda u fahmay xaaladda dalka aan jaarka nahay,” ayaa lagu yidhi bayaanka. Wali lama helin taariikh la qorsheeyay safarka Macron uu ku tegi doono Jarmalka. Source
-
Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in Joe Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee taariikhda Mareykanka, uu isticmaalo qalab caafimaad oo lagu daweynayo cilladaha hurdada. Xanuunka Apnea ee hurdada waa xanuun ay neefsashadu kala go’do si isdaba joog ah inta uu qofka hurdo. Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, Madaxweyne Joe Biden wuxuu isticmaalayaa mashiinka la yidhahdo CPAP. Qalabka CPAP wuxuu si tartiib ah hawada ugu shubaa maaskarada afka iyo sanka inta lagu jiro hurdada, taasoo ka dhigaysa in marinnada neefta furmaan. Warka ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee Biden oo hurdadii u adeegsaday qalab caafimaad ayaa yimid ka dib markii ay wariyayaashu arkeen hadhaaga maaskaro loo adeegsaday qalabka CRAP si uu habeenkii ugu neefsado madaxweynaha 80 jirka ah. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in qiyaastii 30 milyan oo Maraykan ah ay la ildaran yihiin xanuunka hurdada. Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Biden “uu daaha ka qaadayay xanuunka hurdada oo uu ku sheegay warbixinno caafimaad oo dhamaystiran tan iyo 2008-dii.” “Madaxweyne Biden wuxuu isticmaalay mishiinka CPAP xalay, taas oo caadi u ah dadka qaba xaaladdan,” ayuu yidhi. Saraakiisha Aqalka Cad ayaa markii dambe qiray inay isticmaalayeen mashiinka CPAP dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Xanuunka Hurdo la’aanta waa mid ka mid ah xanuunada hurdada ee ugu badan adduunka, oo saameeyay ilaa hal bilyan oo qof oo ku nool daafaha dunida. Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa muujinaya in xaaladda hurdo la’aanta ay sii korodho xilliga gabowga amaba da’da qofkaba marka ay sii korodho laakiin xaaladdan waxay ku dhici kartaa qofkasta oo qaangaar ah. Calaamadaha xanuunka apnea waxaa ka mid ah neefsashada oo si ku meel gaar ah u joogsato inta uu qofka hurddo, sare u kac ku yimaada neefsashada iyo khuurada. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xanuunka apnea ee hurdada la’aanta uu sababo xusuusta oo qofka ka dhunto iyo daal badan oo sababi kara shil. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in haddii dadku ay aad u khuuriyaan, neefsashaduna ay ku adkaato habeenkii, maalintiina ay dareemaan hurdo ama daal, habeenkiina ay si lama filaan ah u soo kacaan, waa in ay booqdaan dhakhtarkooda oo ay baaritaan dheeraad ah sameeyaan. Maxay yihiin Calaamadaha Xanuunkan lagu garto? Calaamadaha ugu caansan ee xanuunka hurdada qofka u diidaya waxaa ka mid ah: -Khuuro dheer -Inuu qofka joojiyo neefsashada qeybo ka mid ah jirkiisa inta uu hurddo. -Neefsaso xooggan. -Inuu qofka soo baraaruga isago afka qalalan yahay. -Madax xanuun gaar ahaan subaxdii. -Hurdada oo kugu adkaata, ama ay hurdo la’aan kuugu dhacdo. -Hurdo badan oo xilliga maalintii ah, oo loo yaqaan hypersomnia. -Niyadda qofka oo maqnaato marka uu soo jiido. -Xanaaq badan Sidee loo xakameyn karaa xanuunka apnea ee hurdada? -Haddii aad cayilan tahay, isku day in aad miisaankaaga dhinto Hal dhinac u seexo oo barkin gaar ah isticmaal – Jooji sigaarka -Ha isticmaalin kaniiniyada hurdada adiga oo aan dhakhtar la kaashan -Dhibaatooyinka hurdada oo aad u daran ayaa laga yaabaa inay u baahdaan daawaynta rug caafimaadka. -Waxaa ka mid ahaan kara isticmaalka mishiinka CPAP, kaas oo si tartiib ah hawada ugu shuba afka iyo sanka marka aad seexanayso oo ka dhigaysa marin-haweedka mid furan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayey garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa hambalyo gaar ah u diray dadka reer Laascaanood oo habeenkii 1-da Luuliyo saaray calamka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Laascaanood waxaa dhawaan laga xoreeyey ciidamada Somalilad oo dadka ku dili jiray hadii ay ku arkaan calanka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse hadda waxaa magaaladaas buux-dhaafiyey calanka Soomaaliya. Madaxweynaha oo shucuubta kala duwan ee ku nool gobollada dalka Soomaaliya uga mahad celinayey sida ay u xuseen todobaadka xorriyada iyo wadaniyadda ay muujiyeen ayaa si gaar ah carrabka ugu dhuftay mahad-naqa dadka reer Laascaanood. “Waxaan si gaar ah hambalyo u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee halkaan aan joogin ee gobollada oo dhan ka xusay todobaadkaan qiimaha badan noo leh ee calanka Jamhuuriyadda saaray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka calanka laga saaray waxaa ku jirta Laascaanood o xalay calanka laga saaray, dalka oo dhan ayaa laga xusay sanad guuradaan, laakiin waxaan filayaa reer Laascaanood waxay u tahay markii ugu horeysay oo si muuqata ay ugu dabaal-degeen toddobaadka xorriyadda, guuleysta ayaan leeyahay.” “Inta dhiman waan u dabaal-degi doonaa sanadaha soo socda nabada iyo wanaagga la heystana waa ku naalooneynaa, marka aan saas leeyahay cid gaar ah oo warkaan aan ku xumeynayo ma jirto,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo daray. Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu farriin u diray reer Somaliland, isagoo ugu baaqay midnimo Soomaaliyeed “Walaalayaal Aabayaashiin ayaan keenay midnimada 63-kii ka hor, waxaan ku dayanaa aabayaashiin oo xornimada noo horseeday,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in garowshiyo buuxa ay Soomaaliya ka bixineyso dhibka ay tirsanayaan reer Somaliland, isagoo ku baaqay in gogol nadiif ah la isugu yimaado, iyadoo inta ka horeysana lagu dadaalayo wanaagga iyo nabadda dadka Soomaaliyeed oo dhan. The post Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay reer Laascaanood, farriin culusna u diray S/land appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uul ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay lacag kumanaan ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya. Maxkamadan ayaa DFS ku xukuntay in ay bixiso lacag dhan Boqol, lixdan iyo shankun, shan boqol kontan iyo kow kun oo dollar ($165,551). Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga. Shirkad ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi. Qandaraaskan ayaa waxa ku kacay $381,487 hase ahaatee shirkadda iyo safaaradda ayaa isku-maan-dhaafay fulinta qandaraaska taas oo keentey in gabi ahaanba la baabi’iyo mashruuca. Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay BBC in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamadda iyo xukun lagu riday midna. Waxa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacwaysay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay xukun ay ku ridday maxkamad ku taalla Kenya appeared first on Puntland Post.
-
"I'm proud of my country, very proud to be Somali," a girl said. "We love the culture, we love the music, we love the food, everything about it is great." Source: Hiiraan Online
