Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The aircraft accident that happened at Aden Abdulle Airport in Mogadishu on July 11 was caused by wind shear at the Landing Area (Runway 05). Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo golaha horgeeyay heshiis ku aadan ku biirista Somalia ee ciidanka heeganka Bariga Afrika. Wasiirka ayaa inta uu ku sugnaa golaha waxay xildhibaanadu ku soo qaadeen weerarkii xanuunka badnaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad. Ugu horreyn wasiirka ayaa isku dayay inuu diido su’aalahaasi, isaga oo sheegay inuu madal kale uga jawaabi doono, balse guddoonka ayaa ku qabsay inuu ka hadlo dhacdaaasi. Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa intaas kadib sheegay in uusan marnaba ka carareen mas’uuliyadiisa, uuna diyaar u yahay inuu jawaab siiyo baarlamaanka “Waxaan rabaa meeshaan inaan ka caddeeyo aniga qof mas’uuliyaddiisa ka cararaayo ma ihi, qof golaha inuu hor yimaado su’aalna uga jawaabayo ka cararaayana ma ihi. Guddiga difaaca way joogaan saddex jeer ayaan dalbaday gola weynaha” ayuu yiri Jaamac. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Arrinka ah tacsida ka dhacday xerada xanuunka ugu badan qofka uu soo gaarayo waa qofka mas’uuliyadda haayo waayay daqiiqadaas qofka dhaawaca anh inuu daaweeyo laga rabo, meydkana inuu duugo, xanuunbey nagu heysaa”. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan baaritaan qaraxaas, wuxuuna tilmaamay in loo soo xiray saraakiil ciidan, kuwa kalena dabagal lagu hayo. “Mas’uuliyad darradaas way dhacday dadkii qaaday iyo baarista waa socotaa saraakiil ayaa xiran iyo kuwa kalena su’aallo ayaa ku socdo” ayuu mar kale yiri wasiirka Gaashaandhiga. Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad oo Al-Shabaab ay sheegatay ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, waxaana falkaas loo soo xiray saddex sarkaal oo uu ku jiro Gaashaanle Sare. The post Wasiir Jaamac oo shaaciyay xog ku aadan baaritaanka weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  3. Prime time news. A beautiful anchor is letting us keep up with the current affairs. After the commercial break, I see Mandera Governor Mohamed Khalif almost in tears as he narrates to a battery of journalists hungry for news how his county is grappling with the al Shabaab militants who are currently occupying 60 per cent of the county. What a shocking revelation! This means, the population of al Shabaab in Mandera is more than that of the local population. Chilling, isn’t it? Source: Hiiraan Online
  4. Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegaya in xaalada cusub ay kasoo korortay gobolkaasi, ka dib jabhad looga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka billowday halkaasi. Somaliland ayaa dhankeeda ciidamo u dirtay buurta ay isku uruursaneyso jabhadaas oo u badan dhalinyaro tabasho ka muujisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, gaar ahaan mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda cusub ee kasoo korortay Somaliland, waxayna sheegeen inay u istaagaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas, si xal waara looga gaaro. Xildhibaan Qaasim Aadan Saleebaan oo kamid ah xubnahaasi ayaa ka warbixiyay xiisadda u dhexeysa jabhadda cusub iyo ciidanka Somaliland ee ka taagan buurta Gacan-Libaax. “Buurtii Gacan-Libaax niman dhalinyaraa oo hubeysan ayaa galay, waxaan maqleynaa oo kale in ciidamo iyagana la dul geeyay, maantana waxaa loo baahan yahay in xaaladaha dalkeena ka taagan wax ka qabano, ka wada tashano” ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Aadan. Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo hoggaamin doono xildhibaada ku baxaya arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday in kacdoonkan uu dhalin karo xaalad amni oo horleh. “Walaalayaal waxaad ka war qabtaan maalmahaan dambe jabhado ay shacabkeenii sameeyeen arrintaas oo kalifi karta amni darro weyn sidaas aawgeed waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay arrintaan ka digtoonaadaan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Khadar Daahir. Wuxuu sii raaciyay “Inamada jabhadda sameystay ee bannaanka u baxay walaalayaal waxaan idinku wacyi-gelinayaa tabashada aad qabtaan aynu si nabad ah ku doono”. Sidoo kale waxaa arrintan farageliyay xildhibaan Barkhad Jaamac Baatuun oo sheegay inay si odeytinimo u geli doonaan xaajada, si loo xaliyo tabashada jabhadda cusub. “Waxaan howshaan u galeynaa si niyad ah, waxaan howshaan u galeynaa si wanaag ah, waxaana nagu hoggaaminaya guddoomiyaha iyaga Maxamed Khadar” ayuu yir Barkhad. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay. The post Daawo: SOMALILAND oo ciidan u dirtay jabhadda ku sugan buurta Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.
  5. Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kullan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha SOMALIYA Catriona Laing, kullanka ayaa diirada lagu saaray Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo Safarkii ay Wakiilku ku tagtay dhawaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Ergayga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, kuna heshiin karaan iyo Safarkii Hayaanka Midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn Ergayga iyo wafdi uu hoggaaminayo Magaalada BAYDHABO, halkaas oo ay kullamo wadatashi ah kula soo qaateyn Madaxda iyo Bulshada Dowladda KGS. Wakiilka ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, iyo kullamada Wadatashiga ah ee uu Xafiiska Ergayga ka billaabay Dowladd Goboleedyada Dalka, waxaana Wakiilka warbixin ay ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliinta reer Somaliland, waxaana ay muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wadahadalada iyo dardargalintooda intab. Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa maalmihii la soo ay kulamo wadatashi ah oo ku saabsan habka loo marayo wada-hadallada Somalilad Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliyam Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo dalka ka maqnaa xilliga uu dhacayay weerarkaasi, balse haatan soo laabtay ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, isaga oo ka hadlay ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo saacado badan qaatay lagu gorfeeyay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, ayada oo madaxweynuhu saraakiisha wax ka weydiiyay qaabka uu u dhacay weerarkaas oo shaki weyn dhaliyay. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa uu faray inay qaadaan tallaabo ku aadan weerarkaasi, isla-markaana ay sameeyaan baaris guud. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in saraakiisha hay’adaha amniga laga rabo inay jawaab cad ka keenaan dhacdadaasi, si ay dowladdu u qaado tallaabada ugu haboon. Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar, kuwaas oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee dhacay. Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada, kadibna beegsaday ciidamadaas, xilli ay ku jireen safaf dhaa dheer. Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaallada Marka, waxaana weerarkan laga keenay su’aallo ku aadan in kooxda Shabaab lagala shaqeeyay qaraxaas, maadaama Kulliyadda Jaalle Siyaad ay tahay meel la ilaaliyo. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, kaas oo ay ka qaybqaadanayaan dalalka dariska ah. The post Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.
  7. The politics of Puntland is at its lowest level now. Those who were elected to leadership are no longer talking about how they would save the livelihood of the people. Instead, they are busy making sure to defeat those who they see as a threat and talking about how they could remain in power by any means necessary, even if more innocent people died as a result. A Threatening Encounter For example, the Speaker of the Parliament, Abdirashid Yusuf Jabril, is said to have had a conversation with a few individuals who oppose the government’s plan of amending the constitution. According to the government’s schedule, the topic of reconsidering changing the constitution was due to occur four days after the day when Abdirashid had a discussion with those individuals. He talked with them on Monday night, and the scheduled day for that topic was the following Thursday. The individuals were said to have told the Speaker that if he attempted to take a vote of the parliamentarians on amending the constitution on Thursday, the Speaker would have a problem. The Speaker did not like those words and saw the statement as a threat. He responded that no one can threaten him, and as a matter of fact, he would bring that topic to the parliament the next day to see what those individuals can do. Tragic Outcome On Tuesday morning, the seemingly angry Speaker showed up in the parliament and informed the parliamentarians that the topic for the day would be reconsidering changing the constitution. One of the parliamentarians, whose talk was circulated on social media the following day, warned the Speaker that it was not appropriate to discuss that topic on Tuesday when it was scheduled for Thursday. At the time, the parliamentarian did not know what had taken place the night before between the Speaker and those individuals. The amendment to the constitution was voted on, and fighting erupted in front of the parliament, where more than 30 mostly innocent civilians died due to personal grievances between the Speaker and a few people. The President of Puntland, Said Abdullahi Deni, has not yet spoken about that incident. President Deni’s Intentions Unveiled President Deni has sought to change the constitution so he can remain in power. He took advantage of the people who did not sense his intentions early on, and he made it seem like he was following the constitution. First, President Deni accused anyone who opposed the way he was managing the process of democratization of being individuals who wanted to maintain the old system and who were probably financed by the federal government of Somalia, with which the president had severed the relationship. President Deni and his team argued, in the beginning of his campaign of democratization, that in the new system, the only stakeholders with whom the president needed to deal with were those who were members of the nine associations competing to be the first three associations to become the permanent parties of Puntland for the next ten years, as stated in the Puntland constitution. The president and his team stated that if those individuals wanted to be part of the process, they should join one of the nine recognized associations. The aim was to show Puntlanders that the government was ready to negotiate and compromise with those who were the new stakeholders of the new system, mainly political parties. Many Puntlanders agreed with the president’s argument, but those who knew President Deni knew otherwise. Within a few months, it became clear that the president was not telling the truth, and that the government was not ready to discuss the process of the election, let alone consider a compromise. In mid-March, two of the associations, Horseed and the Youth Party, sensed that the government was tilting the playing field to ensure its reelection. The government did not have time to consider the concerns of those two parties because the election was scheduled to take place on May 25, 2023, and it moved forward with its plan. Again, the government team accused those two parties of being the ones whose leaders thought that this was their time to lead Puntland and the government claimed that they wanted to maintain the old system. Again, Puntlanders believed the version offered by the government team and still supported the government, thinking that the government and the last seven associations were united in the new process, and that no one else needed to sit down with the government to discuss the process of the election. A Bleak Future? The next few events that took place showed the real intention of President Deni, which was to either request an extension or to reelect himself under a system that had not been not agreed upon, thus undermining the legitimacy of his power after January 8, 2024. President Deni and his team changed the constitution of Puntland to what they thought would serve their interests. Both the Mideye and Sincad parties which were the first and second leading parties in the local election opposed the constitutional amendment, believing that the change could not affect the election that had already taken place, and that they were the winning parties. The president and his team realized that it would be hard for them to accuse any wrong doing with these two parties and instead ignored the calls of these two parties and tried to focus attention on the idea that the traditional leaders had no place in the new democratization system. The question is, when will the Puntlanders realize that the system that only President Deni is dictating would not produce a government with a mandate for the next five years? And that everyone else, including political parties, traditional leaders, and other politicians, would have no say in the process of the new election proposed by the government? A Call for Consensus How long would President Deni be able to hide his agenda by accusing others of wanting the old system while he is trying to dictate the new process? Puntland has been successful for the last 24 years because there was a constitution agreed upon by all stakeholders. If a new system, which is much better than the old system, is to be moved to, then the new system should also be something that is agreed upon by all stakeholders. Many Puntlanders still support President Deni, and all he would need is to call a meeting where all stakeholders attend to discuss the process of moving forward. Once a system is agreed upon by all stakeholders, the winner of that system, whether it is President Deni or anyone else, would have a legitimate mandate for the next term. However, because it is clear now that the president will not stop for anyone having a say in the process of the election, and because more and more Puntlanders are seeing President Deni’s true colors, the only possible option forward is for the constitution court to rule the amendment of the constitution void and ask the government to return to the old system that was agreed upon, or to implement a new system that is agreed upon by most of the stakeholders, in which every candidate has an opportunity to win or lose. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Email: mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia, USA The post President Deni ‘s Hidden Agenda Unveiled: Undermining Democracy in Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda. Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha Dimuqraadiyadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  9. Afhayeen u hadlay jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa sheegtay in dagaalka ay ku kaliftay kadib markii uu madaxweyne Biixi xoog u isticmaalay mucaaradka. Afhayeenka jabhada Axmed Cali Haybe, oo waraysi siiyay Bakayle Media, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xabad u isticmaalay xisbiyada mucaaradka, taasina ay keentay in ay xabad kala hortagaan. “Waxa nagu kalifay in aanu qoriga qaadano waxa weeyaan dowladaha adduunku mucaarad ayay leeyihiin, oo mucaaradku wax buu toosiyaa, lakiin marka cidii mucaaradka ahayd xoog iyo xabad loo isticmaalo, way ka fursanwayday in xabad loo qaato” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in anay jeclayn in ay Somaliland dunto, isla markaana anay rabin in dadku qabaa’il noqdaan oo ay islaayaan, lakiin ay qoriga qaateen kadib markii uu madaxweynuhu wax talo ah maqli waayay, sida uu hadalka u dhigay. Jabhadan oo dhawaan sheegtay in ay galeen buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, ayaa Arbacadii afduub u gaystay 8 qof oo isugu jira saraakiil ciidan iyo odayaal ku sugnaa degmada Goda-wayn, kuwaasi oo ay saacado kadib sii daayeen. Xukuumada Somaliland ayaa subixii Khamiistii buurtan u dirtay ciidamada sida gaar ka ah u tababbaran ee RRU, oo wata dhowr iyo toban gaadhi oo tikniko ah, ciidanku waxa ay sheegeen in ay sugayaan amniga dadka deegaanka oo sas ka qaaday afduubkii ay jabhadu gaysatay. Hadaba, waxa socda dadaalo la doonayo in si nabad ah hubka lagaga dhigo ragan hubaysan, dadaaladaas oo inta la hubo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed iyaguna shirar hoose Hargaysa ku yeeshay. Intii uu talada hayay madaxweyne Biixi tirraba dhowr jabhadood ayaa Somaliland lagaga dhawaaqay kuwaasi oo dhamaantood si nabada hubka lagaga dhigay markii danbe. Source
  10. Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa ballaadhiyay dacwad ciqaabeedka loo haysto madaxweynihii hore ee Donald Trump, iyagoo keenay eedo cusub oo ka dhan ah mid ka mid ah shaqaalihiisa oo lagu eedeeyay inuu Trump ka caawiyay inuu qariyo dukumintiyo sir ah oo dowladdu ay raadinaysay. Laakin Trump ayaa iska fogeeyay eedeymahan Source
  11. La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaadhi karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xidhiidh diblomaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey. Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xidhiidh, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington. Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xidhaha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yidhi Aqalka Cad. War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xidhiidh oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha. Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen. Biden ayaa xidhiidho adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel. Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta. Source
  12. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Brian Nelson, the Under Secretary of the Treasury for Terrorism and Financial Intelligence of the United States, at the Villa Somalia in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Xildhibaan Yaasiin Omar yare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa sheegay in Dhulkii Wershada kabista iyo Xerada Gantaalaha oo ahaa dan guud la xaraashayo. Qoraal uu facebook-giisa ku baahiyey ayuu ku yidhi “Warshadii kabista & xeradii gantaalaha” Dantii guud Intii hadhay waa la xaraashayaa lkn maalin kale ayaa iman. Maxaa dawladnimada lagu ciyaaray. Ummad dhan oo khiyaali ku nool baynu nahay,ragbaa ku tijaaraya hantidii ummadan indheheena oo 5 ah.” Source
  14. Doorkan in aynu wada quusno ama wada dabaalano, Allaah ka sokow, adiga ayay kugu xidhan tahay. Waa hubaal in talaabada aad maanta qaado ay qormi doonto, mid maxsuul wanaagsan dhalisa iyo mid aan fiicnayn ka ay noqoto ba. Haa, waxay ku qormaysaa far waawayn oo aan dhayal ku duugoobin. Sabab? Rejadeenii dawladnimo, dedaalkii umaddeed ee 32 soo tamarinayay, tacabka badan na ku baxay iyo wadajirka shacbiga ee muhiimka inoo ah intu ba, waxay dultaagan tahay jardheer oo mugdi ku gedaaman yahay. Hal talaabo kama badna inta ay u jiro inay jarkaa ka shalwato, Allaah kama dhigo e. Si la mid ah, hal talaabo oo keliya ayaa saamixi karta in SL ka leexato, kana badbaado jidkaa qodxaha badan. Madaxweyne; waad awooddaa inaad jidka toosan innagu jihayso wadar ahaanteen. Markale aan ku celiyo; talaabo keliya oo aad qaado ayaa labadaa jid ba sargoyn karta. Abti, bi’iwaaye, dalkeena aynu badbaadino oo aynu badbaadsano, si loo kala badbaado, loo na wada badbaado. Kani waa jidka lagu wada badhaadhi karo. Waan ku dhaarshaye, ha dhayalsan! Haddii laga yaabo inay jiraan saaxiibo weli ku taaggan dariiqooyin kale oo aan danteena caamka ah u adeeggaynin, xusuusnow in maxsuulka xaaladdaha jira aanay hadhow iyagu kula wadaagi doonin, wanaag iyo xumaan ba. Sidaa darteed, mararka qaarkood ku-tiirsanaanta talooyinka aan wanaagsanayn ee saaxiibada in hoggaamiyuhu ka fiirsado ama dhegaha ka furaysto, waa arrin lagama-maarmaan u ah hoggaaminta, markay furdaamin rejo umaddeed iyo masiirka dalka timaado, tani na qof ahaan waa mid aad awooddo. Badbaadinta dalkeena iyo wadajirkeena umadnimo, waa xil-gudasho sharcigu kugu waajibiyay, if iyo aakhiro na, adiga kugu qormaysa. Waad qori kartaaye, innoo sumad jid wanaagsan oo innaga wada farxiya, cid kastoo saamayn togan xaaladdaha jira ku yeelan karta miis iskugu kiin keeni kara. Madaxweyne; abti oo adeer; jidka badbaadada innagu hoggaami. Fududaa oo fududaa midhkaasi, mis na farxad badanaa! Way sahlan tahaye, Allaah hakuu sikhiro. Abshir dhaha dadweynow! Waxa qoray Barkhad Daahir WadajirIyoNabad talaabokeliya Source
  15. Keligood taliyayaashii taariikhda soo maray dhammantood shan tiir ayay ku taagnayeen, taasi oo aynu kala dhex baxaynno dhacdooyinka Qur’aanka kariimka ah ku xardhan ee Fircoon, isla markaana shantaasi tiir haddii ay bulshada ku dhamaystirmaan uu halaag xigayo sidi Fircoonba loo halaagay: 1-Madaxwayne Keligii taliye ah sida ‘Fircoon’ 2-Wasiir madaxda isku dhadha jiya, oo madaxwaynahaa daalinka ah u sacbiya, kaalintaana ‘Haamaan’ayaa ugu jiray fircoon. 3-Ganacsato, kaligii taliyaha dhaqaalahooda ugu adeega ayaguna ka faa’idaysta oo mashaariicda ka qaata, booska waxa fircoon ugu jiray ninkii la odhan jiray’ Qaaruun’. 4-Abwaanada, oo maanta halkoodii ay kujirto warbaahintu, si guudna ah dadka ra’yul caamka bulshada jiheeya, waxaanay dadkii ku yidhaahdeen:” هل أنتم مجتمعون ، لعلنا نتبع السحرة إن كانوا هم الغالبين” 5-Aqoonyahan lacag iyo kursi doon ah, oo waagaasi aqoontii ugu mudnayd waxay ahayd ‘Sixirka’ raggi fooladka u ahaa aqoontuna waxay ahaayeen sixiroolayaasha, ayaganuna waxa ay yidhaahden: وَجَاءَ السَّحَرَةُ فِرْعَوْنَ قَالُوا إِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ Soo koobid Khudbaddii Jimcaha. Sheekh Almis Xaaji Yaxye. Source
  16. La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa maalin ka hor Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey. Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington. Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen xasiloonida Gobolka Bariga dhexe. Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel iyo qaar kamid ah dalalka carbeed. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka shaqaynaya xiriir dhexmara Israel iyo Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  17. Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaaliyeed loogu geystay agagaarka magaalada Port Elizabeth oo ka tirsan gobolka Westren Cape ee dalka Koonfur Afrika oo Soomaalida lagu dhibaateeyo. Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar wuxuuna ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee u shaqo tegay dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilay marxuumka ay horay uga qaateen lacag iyo agab kale oo u dhex yaallay dukaankaa. Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka. Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto. Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi. Waxaa sidoo kale haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida, taas oo walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed. The post Maxamed Deeq Madar oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  18. President William Ruto has vowed to continue fighting money laundering and terrorism after announcing collaboration with the United States on Friday. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) - The Somali National Army conducted a major operation on the border between the Middle Shabelle and Galgadud regions, killing at least 100 al-Shabab militants on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. A group of Somali Navy and Coast Guard (SNCG) officers has completed a two-week specialised training on maritime security as part of ongoing efforts to protect the East African country’s long coastline. Source: Hiiraan Online
  21. Egypt's president has urged Vladimir Putin to renew the deal allowing Ukraine to export grain at a summit the Russian president is hosting. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho Caasimada Online) – Ehellada sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo seddax bilood ku xiran saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ballidoogle ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in sarkaalkaas laga soo daayo xabsiga. Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa Mucaawiye Cumar Cismaan, waxaana la sheegay in loo xiray kiis la xiriira Shabaabnimo, iyadoo laga soo xiray aagga degmada Balcad ee gobolka Galgaduud. Intii aan lasoo xirin Galcad waxaa lagu laayey ciidan ka tirsan Danab iyo Abaanduulihii ciidankaas Xasan Tuure, sidoo kale inta aan lasoo xirin maalmo ka hor weerar culus ayey Al-Shabaab ka geysteen degaanka Budbud. Ehellada sarkaalkaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in sarkaalka maxakamad lasoo taago. Waxay sheegeen in aysan aqbali karin in sarkaalkooda uu iska xiraado, balse ay raali ku noqa doonaan hadii maxkamadi ay dembi ku hesho inta lasoo taago oo sharciga aysan ka weyneen. Hase yeeshee waxay sheegeen in ninkaasi uu 3-bilood ku xiran yahay xerada tababarrada ciidamada Danab ee Ballidoogle, isla markaana taas aysan aqbali karin. Sidoo kale waxgaradkii hadlay waxay sheegeen in ilaa inta uu cadaalad ka helayo sarkaalkaas aysan warbaahinta ka hor tegi doonin oo maalin kasta ay soo saari doonaan war ama qeylo dhaan cusub. Dadkii ka hadlay kulankaas waxaa ku jirtay hooyadii dhashay sarakaalka xiran, waxayna sheegtay in seddax bilood aysan arag wiilkeeda, isla markaana ay dhibantahay. “Waxaa la ii sheegay in wiilkeygii uu ku xiran yahay geed ku yaalla Ballidoogle hoostiis, halkaas ayuu Kudkude ku cunaa, waa lagu dhibaateeyaa halkaas, maxkamad lama soo taagin weli, laakiin hadda dowladda waxaan ka codsanayaa in wiilkeygu uu cadaalad helo,” ayey tiri Hooyadii dhashay sarkaalkaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Ehellada Sarkaal Danab ugu xiran Ballidoogle oo soo saaray dalab xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey. Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington. Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Aqalka Cad. War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xiriir oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha. Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen. Biden ayaa xiriiro adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel. Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta. The post Mareykanka oo ka shaqeynaya xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.