Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta wafdi horudhac u ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug, halkaas oo si bllaaran loogu soo dhaweeyay. Xubnaha maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa isugu jiro saraakiil, wasiiro iyo xildhibaano, sida uu shaaciyay mid kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaaladaasi. “Magaalada caasimada u ah Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa maanta soo gaaray saraakiil ciidan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka” ayuu yiri Wariyaha Idaacadda kulmiye ee Dhuusamareeb. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada laga dajiyay halkaasi, kuwaas oo xaqiijin doono amniga meesha uu dagayo Xasan Sheekh. “Waxaa sidoo kale magaalada soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada qaranka oo hordhac u ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya” ayuu sii raaciyay. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu beri tegi doono caasimada Galmudug, halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan ayaa lagu soo warramayaa inuu saldhig ka sameysan doono halkaasi, si uu ugula socda gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo gobollada dhexe. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiirigelin u noqon doono Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaybaha kale ee ciidamada, iyadoona uu hadafku yahay in muddo kooban lagaga takhaluso Shabaabka Gobollada Dhexe. Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in muddo sanad ah ay dowladdiisu dalka kaga ciribtiri doono kooxaha argagixisada. The post Daawo: War cusub oo kasoo kordhay safarka madaxweyne XASAN ee Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka. Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka. Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah, kaas oo lagu soo qaaday arrimo xasaasi ah. Kulankan oo ahaa kii 26-aad ee guddiga ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin iyo ku xigeenka 2-aad Cabdullaahi Abshirow. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay ajende la xiriira ansixinta wax ka beddalka dastuurka, kaas oo ay weli ka taagan tahay dood xoogan. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday heshiisyada muhiimka ah ee horyaalla golaha iyo hindise sharciyeedyada kale ee ay soo gudbiyeen golaha wasiirada Soomaaliya. “Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka. Dhinaca kale xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa qayb ka ah shaqada baarlamaanka oo maalmihii lasoo dhaafay dardar ku socotay, maadaama doodo xoogan ay hareeyeen kulamadii u dambeeyay. Doodda wax ka beddalka dastuurka oo soo ifbaxday kadib heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa weli taagan, ayada oo arrintaasi ay xasaasiyad ku abuurtay mucaaradka. Si kastaba, tallaabada uu qaado baarlamaanka ayaa laga war sugayaa, maadaama uu leeyahay go’aanka ugu dambeeya ee wax lagu beddali karo, ama lagu diidi karo. The post Sawirro BF oo tallaabo u qaaday wax ka beddalka dastuurka appeared first on Caasimada Online.
  4. Somaliland President Muse Bihi. PHOTO: COURTESY Somaliland, a semi-autonomous state that has prided itself as the most stable in the Horn of Africa region notorious for civil strife, is tottering towards collapse. From poor leadership, failed presidential elections, interference with electoral schedule and executive control of the electoral commission, crackdown on opposition adherents and the media to clan wars, Somaliland is losing every credibility it has worked hard over the years. Somaliland is calling. As a result, the country once described in CSIS thinktank back in 2002 by Dr. David Shinn, American former Ambassador to Ethiopia that has been attracting foreign investors is now making negative headlines internationally due to the growing political tensions and inter clan warfare. At the center of it all is President Muse Bihi who despite his official term in office ending on November 13 last year, has continued to stay in office and gone ahead to unconstitutionally extend his term by another two years, thanks to a decision by the outdated House of Elders. After the May 2021 Municipal and Parliamentary elections held for the first time in over a decade went on smoothly with the opposition parties WADDANI and UCID gaining parliamentary majority (52 out of 82 seats), it was hoped that the presidential elections would also be held without any hitches by November 13, 2022. However, the ruling party created conflict within the Election Commission of the time while commissioning an audit investigation in May 2022, only 2 weeks before new round of voter registration was about to start. This marked the first automatic delay of the presidential election. When new commissioners were appointed in about 3 months, despite contestations from the opposition, orchestrated delay was already reality on the ground, and the electoral body announced it was not in a position to hold the presidential election due in November for what it termed as “time, technical, and financial constraints” and declared they needed minimum 9 months to prepare for the presidential election. But the script seems to have already been written when the parliament’s House of Elders, the Guurti which is made up of close associates of President Bihi, extended his mandate by a further two years to November 2024 and unilaterally self-extended its own mandate by five years. The Guuti has been in office since 1997. Parallel to the crafted extensions, the President declared new special election for the political associations to substitute to the presidential one. This angered the two opposition political parties who did not accept both the delay of the presidential election and substituting it with the political associations’ election which according to the law should be combined with the Municipality Election. Bihi, having won by just 52 percent against the Waddani party challenger in 2017 and his party (Kulmiye) having lost in the parliamentary elections seems not ready to face the same opposition candidate in the upcoming presidential elections hence the move to have political associations elections before presidential elections. Political tensions have escalated, dark clouds over democratic practices, political and press freedoms and even basic human rights emerged. Total state capture of all key institutions such as the Supreme Court, House of Elders and using security forces and intelligence agencies for protecting the incumbent leadership. For the first time, most of Somalilanders wondered whether the “Beacon of Hope in the Horn of Africa”, as expressed by analysts back in 2011, could sustain its nascent state and democratic credentials. Three mediation efforts, first by prominent traditional leaders, followed by speakers of the two houses of parliament and prominent business leaders have all failed, mainly due to intransigence of the president who is pushing his agenda. International partners have tried to facilitate consensus based roadmap to the political dispute with not avail. Just over a week ago, the Electoral Commission rubber stamped the decision by the Upper House when it announced the presidential elections schedule setting the date for the polls for November 2024. The National Electoral Commission also set the date for new special and stand-alone political parties and associations to December 2023, an election that has no any existing law to date. Ironically, even though they carried out consultations with different societal sectors, their decision was exactly the direction which President Bihi gave them in a speech that he delivered upon their swearing ceremony in September last year. The decisions by the electoral body are unconstitutional and goes against the spirit of democracy that Somaliland has worked so hard to maintain. But it is a clear manifestation of the leadership that the country has had since November 2017 when Bihi took over. Over the last six years, Somaliland has experienced continued political crisis and conflicts coupled with the erosion of political rights and civic space. Journalists and public figures face regular pressure from authorities. Minority clans are subject to political and economic marginalization, and violence against women remains a serious problem. A prominent and highly regarded female journalist Bushaaro Baanday remains behind bars without any charges for more than two months. Since Bihi came to power, the country has witnessed three different electoral commissions. In March 2018 the main opposition party WADDANI expressed its dissatisfaction with the electoral body and the manner it had managed the 2017 presidential elections. At the time there were large-scale accusations of underage children voting as well as mismanagement of the distribution of voter cards prior to the elections. New commissioners were controversially appointed in 2020 as the president named KULMIYE party members who were active politicians in violation of the electoral laws. The commission was dissolved again in 2022 and another team constituted last year. This latest move by the electoral commission to draw a timeline without taking into consideration of the legal shortfalls has left many asking if indeed the government and the electoral commission are committed to having the elections held at all. All the opposition and well-meaning Somaliland nationals want is an establishment of a credible mechanism to resolve this impasse. And while the constitution gives freedom to picket, the government has met any opposition protests with an iron fist. The tenure of president Bihi synonymous with violence and political turmoil. In August last year, the government used armed security forces beat up peaceful protestors who were demanding for presidential elections to be held as scheduled. At least 7 people were killed and 100 injured during the morning protests. More than 300 innocent citizens were arrested for opposing extensions and demanding free and fair presidential election on time. In 2018 Somaliland army moved further east towards the disputed border with Puntland in the town of Tukaraq which resulted in armed confrontation, displacement of residents and countless deaths of personnel from both sides. An outright war broke out in Lasanod in October 2022 after unarmed protesters were indiscriminately shot by Somaliland security forces killing 20 in three days and injuring hundreds. The current administration has been engaging in indiscriminate shelling of Lasanod city, murder, and displacement of more than 200,000 people according to the United Nations. The international community has consistently warned about the continuation of the armed conflict and restoration of the election. Concerned about the dwindling security situation, the United States canceled a planned joint military exercise planned in Berbera. The European Union has also raised their concerns about the conflicts. Currently, the intra-Somaliland clan conflicts are taking place in several regions, Soo, Togdheer, Sanaag, Sahil, Awdal and Marodijeh. It is quite unfortunate that for a country that was an example to the rest in the Horn of Africa for its respect for democracy, peace and stability Somaliland’s ranking is now at its all-time low and the government has lost its credibility both locally and internationally. Somaliland has been an anchor for the peace and stability in the Horn of Africa. The region must act and protect Somaliland from self-inflicting chaos and disaster. It goes without saying, that Al Shabab militants will surely take advantage of any failure of Somaliland. Yohan Musa The author is a political scientist and an author on politics in the Horn of Africa As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  5. Golaha Wasiirrada oo isku Guubaabiyay u diyaar-garowga Doorashooyinka iyo shirka Xisbigooda Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka. Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco. Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud. Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Qaran News
  6. Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabilay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Muxammad Waare” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada. Qoraalka Madaxtooyada laguma sheegin Ajandaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare. Kulanka Madaxweynaha iyo safiirka Itoobiya waxaa goob-joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Al-Shabab’s relationship with civilians is often painted as one of violence and victimisation. The reality is far more complex. This report explores the nature of Al-Shabab’s relationship with civilians, particularly in light of the recent government recapture of significant territory from Al-Shabab. Section 2 provides the historical context relevant to these dynamics, while Section 3 explores Al-Shabab’s governance structures and civilians’ role in them. Section 4 further expands on the role of civilians by examining how Al-Shabab’s engagement with clan structures evolved. It then explores these dynamics in the three case study areas of Adan Yabal, Moqokori and Jilib. It highlights how recent territorial control changes have affected these dynamics. The report concludes with implications for understanding civilian agency and Al-Shabab’s political strategy. Read more The post Playing the long game: Exploring Al-Shabab’s relationship with civilians appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeysa,(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo ku maqnaa safar dibada ah ayaa dalka dib ugu Soo laabtay. Taliyaha waxa Garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ku soo dhaweeyay Taliye ku xigeenka koowaad Ciidanka Booliska JSL sareeye guuto Cabdi Casan Mire,ku xigeenka labaad sareeye guuto Daahir Cali Wacays,Hoggamada iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka. Taliyaha ayaa booqasho shakhsi ah ugu maqnaa dalka dibadiisa. Waxana ciidanka Boolisku ay beeniyeen war lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Taliyaha Boolisku is casilayo. Qaran News
  9. Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo la kulmay Wefti ka Socday EUCAP Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Hay’adda EUCAP. Taliyaha iyo saraakiishan ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhisme lagu balaadhinayo gidaarka xerada Ciiddanka illaalada xeebaha. Dhulkaasi Lagu kordhinayo Gidaarka Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee la dhax-dhigay waxaa Ciidanka ugu deeqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani. Waxaa kale oo saraakiisha ka socday hay’adda EUCAP ay ku wareejiyeen Taliyaha qalab kala duwan oo ay ugu talo galeen in Ciidanka illaalada xeebuhu adeegsadaan. Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa si rasmi ah agabkaasi ugu wareejiyey Saldhigayada Ciidanka Iyo Xafiisyada Kala Duwan ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  10. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay rabshadaha kasii daraya ee gobolka waqooyi ee Amxaara kadib markii ay isku dhaceen ciidamada federaalka iyo maleeshiyada deegaanka. Go’aanka dowladda ay bishii April ku gaartay in la burburiyo ciidamo goboleedyada ay aas-aaseen qaar ka mid ah gobollada ayaa dibad-baxyo rabshado leh ka dhaliyey gobolka Amxaara. Dadka u dhashay gobolka ayaa ku dooday in tallaabadaas ay wiiqeyso gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya. Arbacadii tagtay, ra’iisul wasaare ku-xigeen Demeke ayaa sheegay “in dhibaatooyinka amni ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ay noqonayaan kuwo walaac leh.” “Waxaan joognaa waqti taariikhi ah, oo ay tahay inaan ku baraarugno xaqiiqda ah ‘Haddii aadan nabad helin, wax walba waad waayi doontaa’,” ayuu Demeke ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook, isaga oo aan sheegin dhinacyada ku lugta leh iska hor-imaadyada. Afhayeen u hadlay ciidamada Ethiopia, Getnet Adane ayaa shir jaraa’id ka sheegay toddobaadkan, in dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee Fano ay mas’uul ka yihiin rabshadaha. “Waxaan qaadi doonnaa tallaabo ka dhan ah kuwa si walba u weeraray ciidankeenna ama fududeeyay weerarka lagu soo qaaday ciidankeenna,” ayuu yiri, isagoo cambaareeyay dagaalyahannada “ku ganacsada magaca ciidan kasta” oo ay ku jirto Fano. Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan qaybo ka mid ah gobolka Amxaara, iyagoo u sababeeyay “Rabshadaha sii kordhaya ee Fano ay kula wareegayso goobahaas”. “Waxaa u dambeeyey garoonka Lalibela oo ay la wareegtay maleeshiyada Fano,” ayay tiri, iyadoo tixraaceysa magaaladan dalxiis, oo ay ku yaallaan kaniisado jiray illaa qarnigii 12-aad iyo 13-aad, islamarkaana ku jira liiska goobaha Dhaxalka Adduunka ah ee UNESCO. Warbaahinta Itoobiya wax dhacdo ah kama soo werin Lalibela, balse safaaradda Spain ee Addis Ababa ayaa Talaadadii sidoo kale muwaadiniinteeda ku boorisay in aanay u safrin gobolka Amxaara, iyada oo sabab uga dhigaysa “xasillooni darada” ka jirta gobolka. Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, ilaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada. Inkasta oo uu jiro heshiiska nabadeed, “ciidamada gaarka ah” ee Amxaarada iyo dagaal-yahannada Fano ayaa weli gacan ku haya Galbeedka Tigray, oo ah meel ay wada sheegtaan Amxaarada iyo Tigray-ga. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii April sheegay in go’aanka lagu kala dirayo ciidamada goboleedyada, laguna biirinayo ciidamada qaranka ama booliska gobolka, ay xoojin doonto “midnimada” qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya. AFP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal dib uga qarxay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  11. Agaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Sarkaal Ciidan oo Ingiriis ah Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mr Lt. Col. Ash Wiseman oo ah u qaabilsamaha Arimaha Ciidamada (British Defence Attache) Waxay ay ka wada hadleen labada masuul Arimo Khuseeya nabadgalyada labada Dal Iyo Guud Ahaan Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Argagixisadda Iyo Khataraha kale ee Khuseeya Nabadgalyada waxa Kale oo laga wada hadlay Iskaashiga soo jireenka ah ee Somaliland iyo British gaar ahaan kobcinta dhinacyada Tababaradda Ugu dambayn waxa ay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Iyo kornelku isla afgarteen inay yeeshaan kulamo dambe iyo wada shaqayn dhexmarta labada dhinac layskana kaashado mushkiladaha amni ee ka jira mandaqada Geeska Afrika. Qaran News
  12. Deegaanadii ay ku dagaalameen dhawaan ciidamadda qaranka Somaliland iyo jabhada buurta Gacanlibaax ayaa degagan oo la soo sheegayaa in ay noloshu caadigeedii ku soo laabatay gaar ahaan deegaanka Dirinmira. Waxa ay wararku sheegayaan in ciidamadii dawlada iyo kuwii xoojinta ahaa ee laga keenay bariga Somaliland ee joogay Dirinmira ay halkaasi isaga baxeen oo ay degeen goob halkaasi ka fog oo la yidhaado Biyo Fadhiisinka taasi sii abuurtay jawi degan oo hakisay colaado is ku dhac ah oo dhex mara labada ciidan inkasta oo ciidamadii RRU-ay ku suganyihiin deegaanka Go’da Dhanka kalena waxa jira waan waan ay wadaan ganacsato iyo qaybo kale oo ka mid ah bulshadu oo ay la leeyihiin xukuumadda taasi oo ay doonayaan in arimaha is afgarad lagu dhameeyo. Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin xaga xukuumadda oo ku saabsan colaada halkaasi ka taagan iyo qaabkii loo xalin lahaa. Qaran News
  13. Taiwan’s top trade negotiator John Deng (鄧振中) is scheduled to talk to Deputy United States Trade Representative (USTR) Sarah Bianchi on Friday (Aug. 4). While no details were revealed ahead of the talks, the next round of the U.S.-Taiwan Initiative on 21st-Century Trade is the most likely topic, per CNA. President Joe Biden is expected to sign its First Agreement Implementation Act into law after the House of Representatives passed it on June 21 and the Senate on July 18. While the USTR announced the closed-door talks between Bianchi and Deng beforehand, it did not reveal the location and content. The discussion will be conducted in a video conferencing format and cover an exchange of views about regular topics, according to Taiwan’s representative office in the U.S. In May, both sides reached accords on small and medium enterprises, customs procedures, regulatory practices, and measures against corruption. The next round of talks is expected to focus on environmental protection, labor issues, and agriculture. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiyahy shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo ay inta badan goobjoog ahaayeen wasiirada xukuumadda Dan-Qaran. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, arrimaha Canshuuraha, Xajka, Ciyaaraha iyo qodobo kale. Waxaa sidoo kale shirka lagu ansixiyay Gole cusub iyo sidoo kale hiNdise sharciyeed muhiim ah, sida lagu shaaciyay qoraal laga soo saaray kulanka kadib. Golaha wasiirada ayaa ugu horreyn meel-mariyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood. Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh. Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay golahanu soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed. Intaas kadib golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya, kaasi oo wax weyn uga beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka. Dhanka kale golaha warbixino ka dhageysttay qaar kamid wasiirada, kuwaas oo la xiriiray Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta. Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa si gaar ah warbixinadooda diiradda ugu saaray amniga iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay. The post Shirka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay gole cusub appeared first on Caasimada Online.
  15. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed. Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka. Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood. Ujeeddada loo magacaabay Golahan ayaa ah, si loo dardargeliyo howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay’adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh. Kulanka ayaa waxaa Golaha laga siiyay warbixinno la xiriira Amniga dalka, Canshuuraha, Ciyaaraha iyo Arrimaha Xajka, kuwaasi oo laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Diinta iyo Awqaafta. The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedyo kala duwan appeared first on Puntland Post.
  16. Jowhar (HOL) - At least ten military officers were killed in a clash between two groups within the Somali military forces in the Ali Gaduud mosque area of the Middle Shabelle region on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan waxa la shaaciyay magacyo cusub oo loo bixiyay guutooyin ka tirsan miltariga Soomaaliya, kuwaas oo horey aan loogu bixin jirin. Magacyada cusub ee loo bixiyay qaar kamid ah guutooyinka milatariga Soomaaliya, waxa loogu magac daray xubno ka mid ahaa saaxabadii nabiga NNKH, sida Cumar Binu Khadaab, Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid, waxaana la sheegay inay ka carootay Shabaab. Magacyadaas kuwo kamid ah, waxa horey xeryahooda tababarka iyo unugyadooda dagaalama ula baxay ururrada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya. Guutooyinka qaarkood waxaaba hadda la geeyay furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Suurtagal ma tahay in furinta dagaalka ay fooda is galiyaan labo ciidan oo isku magac ah? Guutada Khaalid Binu Waliid ee milatariga Soomaaliya waxay dhawaan ka hawlgaleen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo is fara saaray dagaalamayaasha Alshabaab. Ibraahim Aadan oo horey ula soo shaqeeyay xarakaadka jihaadiga ah ee Soomaaliya balse markii dambe isaga haray, haddana ka faalooda arimaha ururrada islaamiga ah ayaa rumeysan suurtagalnimada in goob dagaal oo la isku fara saaray ay isku arki karaan kooxo isku magac ah. “Inkastoo Alshabaab ay hadda ku yar tahay isticmaalka magacyada saxaabadii oo ay taas ka door bidaan magacyada hoggaamiyayaasha kooxaha jihaad doonka casriga ah, haddana meesha lagama saari karo in goob dagaal ay isku herdiyaan ciidamada dawladda oo wata magac saxaabi iyo unug dagaalama oo Alshabaab ah oo isna wata magaca isla saxaabigaas” ayuu yiri Ibraahim Aadan. Magacyada cusub ee loo bixiyay guutooyin ka tirsan milatariga, waxay ka caraysiisay Al-shabaab, oo u arka inay taasi dhaawacayso afkaarta ay dadka u sheegi jireen ee ahaa in kuwa ay la dagaalamayaan ay yihiin kuwa diinta ka baxay, sida uu shaaciyay Ibraahim. “Hadda markii ciidamada dawladda guutooyin ka mid ah loo bixiyay Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid, Alshabaab aad bay u dhibtay maxaa yeelay waxay sheegi jireen in ciidanku diinta ka baxay, haddana magac saxaabi bay wataan, taasi waxay dhaawacday fikradihii ay iibin jireen” ayuu yiri Ibraahim Aadan oo horey ula soo shaqeeyay ururka Alshabaab. Dawladda ayaa qabta in magacyada wanaagsan si kasta oo ay Alshabaab ula baxeen inay sax tahay in loo bixiyo ciidamada dawladda. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood ayaa sheegay in magacyadan cusub horey aan ciidanka loogu bixin jirin, balse uu aad u soo dhaweynayo in hadda lagu baraarugo magacyadan oo uu yiri wadamo badan oo islaam ah ciidankooda iyo kuliyaddaha ciidamada, way u bixiyaan, isagoo tusaale u soo qaatay wadamada Sucuudiga iyo Iiraan. “Aad baan ugu faraxsanahay, in hadda guutooyinka qaar loo bixiyo Cumar Binu Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib, dad islaam ah weeye, innagu markii hore waxan ula bixi jirnay dadkeenii halyeeyada ahaa iskuulada, jaamacadaha iyo kuliyaddaha ciidamada” Janaraal Caanood oo la waydiiyay muuqaalka laga dheehan karo labo ciidan oo isku magac ah oo furin dagaal isaga hor yimid ayaa sheegay, in magacyada wanaagsan aan looga tagaynin koox markii horeba ka been sheegtay. “Cali Bin Abii Daalib, Cumar Binu Khadaab iyo Khaalid Binu Waliid Alshabaab looga tagi maayo, waa muslimiintii rasmiga ahayd, waa kuwa aan dariiqooda ku taagannahay, waa dadkii salafiyiinta ahaa ee ahlu khayrka ahaa, annagaana ku saxsan haddii qolo magac ula baxayso inaan magacyadooda la baxno” ayuu yiri Janaraal Caanood. ISHA: BBC The post Al Shabaab oo ka carootay arrin ay billowday dowladda appeared first on Caasimada Online.
  18. Fadhigii 115aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Dalka goluhu ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Waxa kale oo goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhaqaalaha guud ee dalka. Sidoo kale, goluhu wuxuu lafo-guray doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo sidii Xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobi lahaa u tartamidda ka mid noqoshada saddexda Xisbi Qaran ee tobanka Sanno ee soo socda iyo u diyaar garowga shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u qorshaysan 20-Augst-2023 inuu ka qabsoomo Magaalada Burco. Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo ay soo diyaariyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxaana faah-faahin dheeraada golaha ka siiyey Garyaqaanka Guud. Ugu danbayn waxa goluhu Dood iyo falanqayn qaadatay laba fadhi ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Qabyo-qoraalka Xeerka Ilaalinta Xogta Elektarooniga ah (Data Protection ACT), iyadoo loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta si ay uga gutaan Shaqadooda Dastuuriga ah. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  19. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa guddi xeerbeegti ah oo ku sugan Washington waxay dacwad la xidhiidha inuu sifo aan sharci ahayn isugu dayay inuu beddelo natiijada doorashadii 2020-kii ee uu ku guuldarraystay ayaa maanta oo Khamiis ah ka soo muuqan doona Maxkamad federaali ah oo ku taalla magaaladan Washington DC. Trump ayaa lagu amray in uu maanta yimaado maxkamaddan federaaliga ah. Kiiska ayaa waxaa loo xilsaaray Garsoore federaali ah oo lagu magacaabo Tanya Chutkan taasi oo uu magacaabay madaxweynihii Trump ka horreeyey ee Barack Obama Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Nasra Abuukar Cali oo ah gabadhii Soomaaliya ku metaleysay tartankii orodka ee lagu qabtay dalka Shiinaha ayaa bixisay wareysigeedii ugu horreeyay, kadib fadeexaddii iyo guul-darradii kasoo gaartay tartankii ay ka qayb-gashay. Nasra oo u warantay Wariye Munasar Maxamed ayaa ka faahfaahin ka bixisay hadal heynta ka dhalatay tartanka ay ka qayb-gashay oo sumcad xumo usoo hooyay Soomaaliya. Ugu horreyn gabadhaan ayaa beenisay inuu diray xiriirka ciyaaraha fudud, waxayna shaaca ka qaaday in wax shaqo ah uusan ku laheyn safarkeeda & tartanka balse ay u tartameysay jaamacaddeeda oo ay ku sheegtay Jobkey, uuna tartanka ahaa ururo Jaamacadeed. “Aniga waxaa u tartamayaa jaamacad oo tartanka wuxuu ahaa ururka jaamacadaha, waxaa isoo xushay guddoomiye Caraale xiriirka shaqa uu ku leeyahay maba jirinbo jaamacadda aan ka socday oo aan u ordaayay waxaa waayey JobKey” ayay wareysiga ku tiri gabadhu. Sidoo kale waxay tiri “Aniga oo dhaawacan ayaa idin ordaayay, wax loo ordo horta maba istaahishaan hadda inta aan garoonka ku jirnay waan xanuunsaday muruq ayaa i booday”. Waxa ay intaasi kusii dartay inay isku day sameysay, isla-markaana ay magaca Soomaaliya ay dhex geysay dowlado weyn, balse ay la kulantay guul-darro ayna tahay wax caadi ah. “Maanta ma jirto gabar Soomaaliyeed inay intaas oo dowladeed ay dhex gasho oo inay is-muujiso ordeyso maanta aniga waxaan sameeyay isku day, haddii aan guul keeni lahaa madaxaa i saara laheydeen” ayay hadalkeeda sii raacisay. Nasra oo wax laga weydiiyay su’aalaha ka dhashay qaab dhismeedka iyo inay uur leedahay iyo hadalkii wasiirka ayaa ka jawaabtay, waxayna meesha ka saartay inay uur leedahay. “Marka aan waxaas maqlay aniga ayay lama filaan igu noqotay waayo aniga gabar ayaanba ahay. Wasiirka wuu ogaa aniga iyo asiga garoonkaa ku kulanay ” ayay ku jawaabtay Nasra. Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo carro xoogan, waxayna sidoo kale ay keentay in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii xiriirka cayaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir oo la sheegay inay qaraabo ahaayeen Nasra Abuukar Cali oo fashilka u keentay Soomaaliya The post Daawo NASRA oo soo hadashay: Wax loo ordo horta maba istaahishaan appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka u baahan tihiin in siyaasadda laga saaro. Wasiirka ayaa tilmaamay in doorka odayaasha dhaqanka uu yahay hormarinta arrimaha dhaqanka iyo heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira. “Odayaasha dhaqanku waa muunad bulsho oo mudan xurmo iyo qadarin, una baahan in siyaasadda laga saaro” ayuu yiri mudane Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. “Doorkoodu waa hormarinta arrimaha dhaqanka, iyo heshiisiinta khilaafaadka beelaha dhexdooda ka jira” ayuu sii raaciyay wasiirka oo ku doodaya in odayaasha siyaasadda laga saaro. Wasiirka ayaa dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ku tilmaamay kuwa siyaasadda ku wareeray oo raba in ay odayaasha dhaqankana ku wareeriyaan siyaasad. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo sheegay in odayaasha dhaqanka siyaasadda laga saaro appeared first on Puntland Post.
  22. The Indian government will contribute $2 million to the Africa Digital Financial Inclusion Facility (ADFI) (https://apo-opa.info/3OqWehA), housed and managed by the African Development Bank (www.AfDB.org), affirming its commitment to help break down barriers to the growth and uptake of digital financial solutions and accelerate financial inclusion in Africa. Globally recognised for the success of its digital public payments system that has transformed governance, financial inclusion and resilience for millions of people nationwide, India’s collaboration with ADFI enables the facility to learn from best practices and help scale up initiatives to meet the needs of financially excluded and underserved people in Africa. Despite the growing evidence of digitization catalyzing sustainable development in Africa, recent data (https://apo-opa.info/3KqhmDn) shows that nearly half the continent’s adult population does not benefit from digital financial solutions, particularly women, youth, farmers, small businesses and rural communities. Manisha Sinha, Additional Secretary in the Department of Economic Affairs and Principal ADFI Governing Council Member for India said that the unique, affordable, inclusive, and equitable model of India’s Digital Public Infrastructure (DPI) offers shared learning opportunities across the digital finance ecosystem. “India’s pioneering role in digital financial services, extending financial inclusion to remote rural areas and creating infrastructure for digitisation of financial services, opens a significant opportunity for India to work within the ADFI partnership to share learning and expertise on digital public infrastructure to further digital financial inclusion across the continent,” added Ms Sinha. ADFI supports the African Development Bank’s Ten-Year Strategy focus on inclusive growth and the High 5 priority to Improve the quality of life for the people of Africa. Its role also aligns with the Bank’s financial sector development department’s mandate to improve access to finance for the underserved. ADFI works to scale innovative digital financial solutions under the three broad strategic pillars of infrastructure, policies and regulations and product innovation. Capacity building and gender inclusion cut across all interventions. Solomon Quaynor, African Development Bank vice president for the Private Sector, Infrastructure and Industrialization, said, “We welcome the Government of India’s support of the catalytic role ADFI has been playing in accelerating greater access and usage of digital financial solutions and financial inclusion across the continent. We look forward to working together to add learning from India’s digital public infrastructure success story within our expanding portfolio of digital financial solutions initiatives to enhance the impact on greater economic empowerment, resilience and growth across Africa.” About Africa Digital Financial Inclusion Facility (ADFI): ADFI works to make digital financial solutions in Africa valuable, affordable, safe and accessible by breaking down systemic barriers to the growth of digital financial inclusion in general and reducing the gender gap in financial inclusion in particular. Current ADFI partners are the Agence française de developpement (AFD); the Ministry of Finance, Government of India; the Ministry for the Economy, Finance and Industrial and Digital Sovereignty, France; the Ministry of Finance, Luxembourg; the Bill and Melinda Gates Foundation; the Women Entrepreneurs Finance Initiative; and the African Development Bank, which also hosts the fund. For more information: www.ADFI.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  23. Ciidanka loo yaqaan Goodirka oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa xalay gadood ka sameeyay gudaha caasimadda Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Goodirka oo ku sugan garoonka ciyaaraha Garoowe ee Mire Awaare ay isku dayeen in ay halkaas ka guuraan amar la’aan kadib markii ay gadoodeen. Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ciidankan ay rasaas ku rideen taliyahooda kadib markii uu ku amray in aysan ka bixi karin halkaas. Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta waxaana markii danbe lagu guulaystay xallinta gadoodkii ciidanka oo dib loogu celiyay xaruntoda . PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo xalay gadood ka sameeyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.