-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dr. Xasan Yuusuf Nuur Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa mudsaysay dhageysiga dacwad dastuur ah oo gudbiyeen 8 xubnood oo baarlmaaanka laga saaray bishii December ee sanadkii 2020. Warqad ka soo baxday guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr. Xasan Yuusuf Nuur ayaa lagu xusay in kiiskan la dhageysan doono mar ay taariikhdu ku beegan tahay 9/8/ 2023. Shan xubnood oo ka mid ah xubnaha laga saaray baarlamaanla Puntland ayaa 8 bishii May dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Puntland, iyagoo sheegay in ay sharci darro ahayd qaabkii looga qaaday xasaanadda. Maxkamadda Sare ee Puntland waxaa horyaalla dacwado dastuuri ah oo la filanayo in ay go’aan ka gaarto, waxaana ka mid ah dacwado ay dhinacyo kala duwan ka gudbiyeen furista dastuurka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Puntland oo muddaysay dhageysiga dacwad dastuuri ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka cusub ee Guddiga Fulinta SSC, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa kulan ku yeeshay khadka taleefanka. Madaxweyne Deni iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wadahadlay difaaca gobolka Sool, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa uu maanta Khadka taleefanka kula hadlay hoggaanka cusub ee Guddiga SSC, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). Bogaadin iyo mahadcelin kadib, waxay ka wadahadleen sidii loo adkeyn lahaa difaaca gobolka Sool” ayaa lagu yiri bayaan. Guddiga Fulinta 45 ah ee soo xuleen beelaha SSC ayaa 5-tii bishan Agoosto Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) u doortay guddoomiye, waxaana hoggaanka cusub horyaalla arrimo ay ka mid yihiin difaaca gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Deni iyo Firdhiye oo ka wadahadlay difaaca gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si weyn loogu weeraray shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Shirkan jaraa’id ayaa waxa uu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo dul istaagay eedeyn culus oo loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Yuusuf Madaale ayaa beeniyay in qoyska madaxweynaha ay boob ku hayaan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaasi oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay waxba kama jiraan, isagoo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda. “Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho. Haddaba, hadalkaan ayaa waxa si yaab leh loogu weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana dadka ka fal-celiyay kamid ah; Maxamed Muuse Aadan: “Timirba lafaa ku jirto maxaa isku soo beegay baahida Talyaaniga ee Case Italia iyo nidaamkaan cusub. Dhul la boobay sidiisaba ma waaro.” Cilmi ayaa isna waxa uu yiri: “Su’aasha waxay tahay maxaa markii Madaxweyne Xasan la doorto buuqa dhulalka u bataan? 5 sano lasoo dhaafay wax muran iyo buuq dhul ku saabsan ma jirine maxaa hadda kusoo beegay?.” “Guddoomiye inaad sidaad u dhigtay maahayn inaad udhigto waxaa la rabay inaad ku ekaato dhulka dhul dowladeed buu ahaa Italy. Dadkaas ayadaa lahayd sababta lagu barakiciyay waxaan isleeyahay dowladnimaday dhaawac ku tahay,” ayuu yiri Xamse Xasan. Axmed Sangab: “War nin weyn baad tahaye Talyaani ma joognee umada Soomaaliyeed ee dagan meesha uga leexo, hadaadan wadin dulmi waxa wadaan waa wixii shalay dagaalada sokeeye sababaye Madaalow dhiiqaad lugaha la galoosiin ee ka jooga.” Xuseen Diirshe ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dadka dhul booobka wada ee dhulka dowlada isku dhajinayaaa wa in talaba laga qaaada meesha inay dowlad ka jirtaa wali maba aaminsanaaa dadkan.” “Tani ma noqon kartaa caqli-galkii dawladnimo?! Falaari gilgilasho kagama harto aaway shuruucdii, nidaamkii maamulka iyo hay’adihii dowliga ahaa?,” ayuu yiri Ismaaciil Axmed. Cabdull Muuse ayuu yiri “Tuugooyinkii ayaa rabaan dhul aysan laheen inay dhacaayaan 2023.” “Dowladu wey ku saxsan tahay in dhulka dowladu ay leedahay ey ka saarto dadka laakiin waa inay meel kale u rqadisaa dadkaas oo ay ku nooladaan,” ayuu yiri Aamiin Macallin Qoje. The post Madaale oo lagu weeraray tallaabo uu maanta qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxtooyada Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhigtay magaalada Dhuusamareeb, maalmahaana sii deganaa doona iyo sida ay u arkaan go’aankiisa. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu kaga hadlay sida maamulkiisu uu u arko go’aanka Masaxweynaha oo dagaalka Al-Shabaab ka hoggaami doona Dhuusamareeb. Cali Ciid ayaa sheegay in wax weyn ay Galmudug uga dhigan tahay inay marti geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo ajendihiisu uu yahay xoreynta dalka, isagoo xusay in ka Galmudug ahaana ay ka faa’iideysa doonaan fursadaan ay diyaarka ula tahay madaxda dowladda dhexe oo xoogooda isugu geeyey dagaalka ka socda Galmudug. “Madaxweynuhu caasimadda Galmudug ayuu u soo guuray kuna shaqeyn doonaa, ujeedadiisu waa inuu xoreynta dalka u gacan banaanaado oo kulamadiisa siyaasadeed uu awooda ku saaro dagaalka Khawaarijta, marka xoogiisa wuxuu go’aansaday inuu isugu geeyo dagaalka Khawaarijta oo Galmudug ka bilowday dalka oo dhana lagu xorey doono,” ayuu yiri Cali Ciid. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh muddo uu ku sugnaa doono Dhuusamareeb, “Waa madaxweynihii ugu horeeyey oo caasimada Soomaaliya uga soo guuray dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Ciid. Waxaa la weydiiyey mudada uu Xasan Sheekh sii joogi doono Dhuusamareeb, wuxuuna ku jawaabay Cali Ciid inay qaadan doonto bil iyo wixii ka badan, sida u qorsheysan madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mudadaasna lagu soo afjari doono Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug. “Markii la fiiriyo baaxadda howlgalka iyo ciidamada aan diyaarinay, muddo kooban ayaa lagu soo afjari doonaa Khawaarijta joogta Galmudug,” ayuu wareysigaan ku yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. Sidoo kale Cali Ciid wuxuu sheegay in howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ay dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo dadka deegaanku u diyaariyeen ciidan ka badan (toban kun) oo askari oo isugu jira ciidamada qaranka, daraawiishta Galmudug iyo Macawiisley dadka deegaanka ah oo ciidanka garab sii doona. “Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalkaani waa ka dhab, sanadkaan inta uusan dhamaan ayuu doonayaa in dalka oo dhan laga ciribtiro Khawaarijta, howlgalkaan waa ka baaxad weynyahay kuwii hore, taageero dhinaca cirka ahna waxaan ka heli doonaa saaxiibadeena caalamka,” ayuu yiri. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa la weydiiyey hadii ay jirto dowlad kale oo Mareykanka aan aheyn oo la qorsheynayo inay fuliso duqeymaha cirka markii loo baahdo, wuxuuna ku jawaabay, “Ma kala qaad qaadayo, laakiin howlgalkaas dhinaca cirka ah waxaa iska kaasha doona hey’adda NISA iyo saaxiibada Soomaaliya taageera.” The post GALMUDUG oo war kasoo saartay qorshaha Xasan ee Dhuusamareeb iyo dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Former Vice President Mike Pence, currently a contender in the 2024 Republican presidential race, hinted on CBS’s “Face the Nation” that he might consider testifying against former President Donald Trump if a trial ensues regarding Trump’s alleged criminal conspiracy related to the 2020 election results. While Pence stated he has “no plans” to stand as a witness, he firmly asserted his commitment to the law, emphasizing, “We’ll respond to the call of the law, if it comes, and we’ll just tell the truth.” Contrastingly, Trump’s attorney, John Lauro, appeared confident, welcoming the idea of Pence’s testimony. According to Lauro, Pence’s testimony would vindicate Trump, strengthening the notion that the ex-president genuinely believed there were significant election irregularities. He went on record during ABC’s “This Week” to state, “I cannot wait until I have the opportunity to cross-examine Mr. Pence…he will do is completely eliminate any doubt that Mr. Trump firmly believed that the election irregularities had led to inappropriate results.” The weight of Pence’s notes The spotlight shifted towards Pence primarily due to his detailed “contemporaneous notes” leading up to the notorious January 6, 2021, Capitol riot. These notes and references, such as Trump’s reported comment to Pence – “You’re too honest,” could be pivotal in the prosecution’s case against Trump. Pence’s campaign hasn’t gained much momentum yet, with donor scarcity potentially preventing him from participating in the upcoming GOP debate. In contrast, Trump, despite facing multiple indictments, has maintained a substantial lead in polls. Adding to Trump’s legal troubles, he currently faces three indictments and has pleaded not guilty for two separate cases. These cases revolve around allegations of retaining classified documents post-presidency and concealing hush money payments. Speculations hint at an upcoming fourth indictment in Georgia concerning Trump’s post-election actions. Dynamics of the GOP race Recently, tensions escalated when Trump openly criticized Pence, dismissing the claim that he ever called him “too honest” and instead labeling him as “delusional.” This comment arose from a backdrop of increasing strain, where Pence publicly criticized Trump for relying on “crackpot” legal advisors post the 2020 election fallout. However, Pence’s campaign is attempting to capitalize on Trump’s legal woes. They have launched merchandise bearing a “Too Honest” logo, a move seen as a dig at Trump’s earlier purported comment. The political rivalry between Trump and Pence has been heightened by recent developments, particularly regarding potential legal implications concerning the 2020 election aftermath. As the 2024 GOP nomination race progresses, the interplay between the two candidates’ campaigns and Trump’s legal challenges promises a compelling political landscape. The post Pence’s notes may be Trump’s biggest legal hurdle yet appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay danjiraha dpwladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao . Kulankaan oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan madaxda hay’adda SODMA, ayaa waxa uu safiirka guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo kaalmo ah. Kaalmada ayaa dowladda Shiinaha waxay ugu tala-galeen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SODMA, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adda. Gargaarka mucaawino ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha. Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray in dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso mashaaricda Horumarinta, qalabeenta iyo dhisida ceelasha biyaha, tababarada shaqaalaha hay’adda iyo sii xoojinta xiriirka hay’adda iyo safaarada. Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda. Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay. Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. The post DF oo maanta heshay kaalmo lacag oo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo. Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada. Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a monumental move, Somalia marked a significant milestone in its healthcare trajectory by reopening the National Blood Bank after a hiatus of over 30 years. This critical initiative is set to address the longstanding blood supply shortage and consequently bolster the chances of saving numerous lives in the nation. Spearheading the momentous occasion in Mogadishu, Somalia’s Prime Minister, Hamza Abdi Barre, accentuated the gravity of this achievement. “For a nation that’s constantly tested with calamities and violent disruptions, having a robust system to meet the crucial demand for blood is an imperative,” Barre stated. Addressing a dire need Previously, significant events, such as the Zobe 1 and Zobe 2 explosions in 2017 and 2022, witnessed a surge of public support, with numerous individuals stepping forward to donate blood. Dr. Ali Haji Adam, Somalia’s Health Minister, voiced a significant challenge from those days: “While there was an outpouring of public donations, the absence of a proper storage facility curtailed our ability to stockpile the donated blood. That predicament is now in the past.” Emphasizing the profound repercussions of the absence of safe blood accessibility in the country, Dr. Adam said, “Blood unavailability is the second major cause behind maternal mortality during childbirth.” “This renewed facility ensures that mothers, during their pivotal moments, won’t be deprived of this lifesaving essence.” The blood bank’s historical context Initially set up in 1976, the national blood bank had unfortunately been dormant for nearly three decades. Persistent conflicts rendered the country devoid of a dependable blood source crucial for medical emergencies. Across Somalia, medical facilities have perennially struggled to secure enough blood supplies. However, with the revitalized national blood bank, there’s newfound optimism. “This initiative isn’t merely about catering to immediate accident and disaster-induced needs. It promises to transform the lives of frail children across the country,” shared medical professionals. Dr. Adam added, “With the capability to house hundreds of thousands of blood donations from the public, we’re poised to make significant strides in healthcare.” The revival of the National Blood Bank in Somalia isn’t just a beacon of hope for improved medical services and a testament to the country’s resilience and commitment to its citizens’ welfare. As the nation takes another step forward in strengthening its healthcare infrastructure, countless lives await a brighter, healthier tomorrow. The post After 30 years hiatus, Somalia’s blood bank returns appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Guurtida oo ka Dooday Xaaladda Biyaha Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaalada arrimaha bulshada, gaar ahaan xaalada biyaha ee horumarinta dalka. Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaalada biyaha dalka iyo sidii horumar loogu sameynlahaa, waxaanay soojeediyeen mudanayaashu in Dhaamam biyoodyada dalka ka jira dayactir iyo dhooba qaad loogu sameynlahaa, isla markaana wakaalada biyaha ee Hargeysa iyo wasaaradda horumarinta biyuhu ay iskaga kaashanlahaayeen sidii dardargelin loogu sameynlahaa, tobankii ceel degaanka Xunba-weyne. Sidoo kale waxa ay mudanayaasha qaarkood talo ahaan ku soo jeediyeen in xukuumadda JSL, dowladda Taiwan ka dalbato 10 Wiish oo lagaga shaqeeyo horumarinta wax-soo-saarka khayraadka biyaha dalka. Geesta kale mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa golaha ka dalbaday in la soo gola joojiyo wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha si xaalada biyuhu halka ay marayso uu mudanayaasha warbixin uga siiyo. Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ka codsaday wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysa in dardargelin ku sameyso mashruuca biya balaadhinta caasimada, isla markaana iska xil saarto sidii biyaha khasaaraya ee dhuumaha gaboobay ay siidaynayaan ay wax uga qabanlahayd qorshena uga yeelanlahayd, waxaanay mudanayaashu wakaallada fareen in ay ka hawlgasho sidii bulshada ku nool caasimada iyo hareeraheedu biyo ku filan u helilahaayeen. Gaba-gabadii waxa ay mudanayaashu sheegeen in ay mihiim tahay in bulshada lagu baraarujiyo qabashad biyaha roobka xilliga Gu’ga. Qaran News
-
“Cid Kale oo wax ii Sheegi Kartaa ma Jirto oo aan ka Ahayn Cirro” Cali Guray Hargeysa(Qaran news)-siyaasiga mucaaridka ah ee Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay cidda kale ee uu talo ka dhegaysanayaa ay tahay xisbiga WADDANI iyo Murrashaxiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu goor dhaweyd ku baahiyay Facebook, waxaanu u dhignaa sidan:- “Anigu cid kale oo wax ii sheegi kartaa ma jirto oo aan ahayn Xisbiga Waddani iyo musharixiisa Cabdiraxmaan ee aan taageersanahay. Talo iyaga ayuun bay naga dhexaysaa marka ay tahay wadada ugu haboon ee guusha loo marayo” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ayaa muddo fog la aaminsana inay xubno ku dhex beerteen laamaha amniga ah ee dowladda federaalka ah. Xubno caqiido ahaan u raacsan kooxda, kuwa lacago ka qaata iyo kuwa siyaasadda la gashay ayaa intaba kooxda Al-Shabaab u dhex joogay laamaha ammaanka ee dowladda, laakiin hadda waxaa bilaabatay in la kala miirmo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalin kahor baahisay inay baxsadeen laba xubnood oo basaasin u ahaa kooxaha argagixisada kadib markii ay ogaadeen in xogtooda la helay. Sidoo kale bayaanka dowladda federaalka oo uu akhriyay Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa lagu sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigtay toban xubnood kamid ah xubnihii argagixisada ugu dhex jiray laamaha ammaanka ee dowladda. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa iyaduna barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku baahisay inay ku raadjoogto laba xubnood oo baxsad ah. Xubnahaan oo magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxay kala yihiin; Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. Mid kamid ah xubnaha la sheegay inay baxsadeen ayaa ka tirsanaa ciidanka Duufaan, kuwaasi oo ay aas-aastay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo. Xubno la xukumay, kuwa xiran iyo kuwa baxsad ah kadib laba arrimood ayay tani ku cadeynaysaa maanta. 1. Inuu markii hore jiray isku-milan Dhacdooyinkii la diiwaan-geliyay tobankii billood ee lasoo dhaafay ee iskugu jira, xubnaha loo xukumay la shaqeynta argagixisada, kuwa u xiran ee hadda baarista ku socoto iyo kuwa u baxsaday dhanka kooxda oo uu ku jiro nin darawal u ahaan jiray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka. Waxay dhamaan ku caddeynayaan inay kooxda heshay fursad ay basaasiin iyo kuwa dhagartooda fududeeya ugu dhex sameysato hay’adaha ammaanka ee dowladda. 2. Inay socoto shaqo xoog leh Tallaabooyinkan socda waxay ku xaqiijinayaan in dagaal dhab ah lagu jiro oo aad loo kala miirmayo, ayna shaqo fiican waddaan madaxda laamaha amniga ee dalka. Xubnaha argagixisada ee laga yaabo inay weli ku dhex dhuumanayaan laamaha amniga ee dowladda, waxay sugayaan waa qabasho, xukumid ama sida hadda socota inay raggii u shaqeynayeen aadan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in kuwa argagixisada la shaqeeya lagu raadjoogo, qaarna xogahooda la helay, ayna arrimahaasi la kaashanayaan khubaro caalami ah, iyada oo la adeegsanayo qalab casri ah. The post Laba arrin oo ay ka dhigan tahay ‘baacsiga lagu hayo’ basaasiinta Shabaab ee DF appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho. Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka. Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul oinsaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Mudane Xamza Warfaa oo soo gaaray dalka. Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in Warfaa uu caddeyn u yahay fir-fircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan. Waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee Soomaalida ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo. Mudane Xamza ayaa la wadaagay sida ay xukuumadda Dan-Qaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madax-bannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada. La-taliye Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah. Warfaa oo kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir. Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale. Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho uu yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda. The post Sawirro: Xamza iyo La-taliyaha Biden oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Weftigii Wasiirka Ganacsiga oo la Kulmay Shirkadda Shiidaalka Taiwan Hargeysa(Qaran news)-Weftigii Somaliland ee safarka ugu maqnaa Dalka Taiwan ee uu hoggaaminayey Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),ayaa la kulmey madaxda shirkadda CPC Corporation oo ah shirkada Shidaalka ee dalka Taiwan, kuwaas oo warbixin ka siiyey hawlaha shidaalka ee ay CPC ka waddo Somaliland. Badhtamaha 2024-ka, CPC waxa ay qodaysaa ceel kii ugu horeeyey ee shidaal ee Somaliland laga qodo, waxaanay dekedda Berbera u isticmaali doontaa in ay khayraadkaasi u gudbiso suuqyada caalamka. Shirkadda CPC ee dalka Taiwan waxay ka mid tahay shirkadaha dalka Taiwan ee Somaliland maal-gashiga ka bilaabay. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay ilaalinta xorriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Xamse Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo. Dhankiisa, La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay La-taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil. Ciidankan ayaa sheegay inay markii hore ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland ee Laascaanood jooga, iyaga oo sheegay in ay dagaal la galayaan xukuumada Somaliland. Hoggaanka Jabhadda oo halkaasi kusoo dhaweeyay ciidankan kasoo goostay Somaliland ayaa wuxuu ugu baaqay kuwa kale ee kamid ah ay iskaga soo baxaan, ayna dulmiga diidaan, sida ay sheegeen. “Sida nimankaniba uga soo baxeen iskaga soo wada baxa dulmi ayaad ku socoteene, tanaa xaqa, dagaalkan xaqa ah soo gala ee rajiimka lagaga xoraynayo waddanka uu baabasaday, dalka iyo dadka iyo diinta.” Ciidankan ayaa sidoo kale lasoo goostay hubkii ay hore u siisay Somaliland, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la dagaalaman Somaliland, oo ay hore uga tiirsanaayeen ciidankeeda. Jabhadda oo la magac baxday ‘Dulmi-diidka’ ayaa waxay dhawaan hanjabaad culus ugu dirtay madaxweynaha, iyaga oo dagaal la galay ciidamada RRU oo dhawaan halkaasi la geeyay. Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka Somaliland ay soo saareen jadwal doorasho. Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageere dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax. Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka. The post Ciidamo Somaliland ka goostay oo ku biiray jabhada Buurta Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa maanta Hudheelka Kaah ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dad ka hadlaayay nabada oo ay soo abaabushay xukuumaddu, kulankan oo lagu cuntaynaayay ayaa waxa uu daba socdaa kulamadii ay beesha Isaxaaq ku diiday in ay baaqyo ka soo saarto Jabhada Gacanlibaax Kulankani oo uu ay ilaalinayeen ciidan Boolis ahi waxa uu ahaa mid la soo abaabulay waxana jirtay in kulankaasi bilowgiiba xubno dibada looga saaray. Kulankani maanta waxa ka dhex muuqday oo abaabulkeeda qayb ku lahaa xubnihii lanadii shir ee hore laga diiday in ay ku hadlaan afka beesha Isaxaaq kuwaasi oo taageera xukuumadda Muuse Biixi Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galabtii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug. Wuxuu ahaa socdaal si weyn loo sugayay, waxaa maalmo kasii horreeyay agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Saraakiil dhamaan kasoo jeeda deegaanada Galmudug. Socdaalkan ma ahan dalxiis, dan siyaasadeed iyo olole ee waa safar ay sahay u tahay rasaas. Ceelbuur waa magac ugu badan ee maanta laga sheegayo deegaanada Galmudug. Sheegistiisu jaceyl iyo naceyb midna ma ahan ee waa duulaan weyn oo deegaanadaasi ku wajahan, si looga saaro gacanta argagixisada oo muddo fog ka talineysay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya waxa uu go’aansaday inuu khatar badan qaato, si uu u dhiso qaran ka caagan argagixisada. Madaxweynaha sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ma sahlana in madaxweyne qaran uu ka guuro Villa Somalia oo uu furin dagaal u guuro. Micnaha waa in Xasan fahamsan yahay in jiritaanka argagixisada uu halis ku yahay dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa laga filan karo socdaalkan dagaal. Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga soo xigtay in bartilmaameedka koowaad ee madaxweynaha uu yahay in argagixisada lasoo dhaafiyo Galmudug iyo HirShabeelle. Waa hadaf weyn oo muhiim u ah marxaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Dagaal toos ah iyo duqeymo ayaa ku wajahan dhulka ay argagixisada ka joogto Galmudug, inta badana qabaa’ilka dega Galmudug ayaa qeyb ka ah dagaalka. Dagaalkan wuu ka xoog badnaan doonaa dagaaladii hore, maadaama madaxweynihii qaranka uu furinta joogo. Askari madaxweynihii qaranka la socda hore ma ahane gadaal uma furna. Siyaasiyiintii lagu eedeynayay in qaarkood ka lug jiidayaan dagaalka, hadda waa qasban yihiin. Wax walba ayaa ka duwa sidii hore, waxaa aad u yar fursadda ay argagixisada ku sii haysan karto Galmudug iyo HirShabeelle. Dadka kasoo jeeda Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmo kahor ku andacoonayay in aanay dowladda dhexe dagaalka deegaanadooda ahmiyad badan siinin, hadda waxay arkayaan in madaxweynihii uu siiyay mudnaan uusan deegaanada kale siinin. Iyagana waxaa looga fadhiyaa kaalin ka weyn inta ay deegaanada kale bixiyeen. Rejada ah in dagaalkan uu dhinac u ridi doono khatarta argagixisada ee gobollada dhexe waa mid aad u sareysa. Diyaar-garowga socda waa mid aad u xooggan, xilli argagixisada dhinac walba ay ciidankii dowladda ka joogaan. Go’aankii shacbiga ahaa ee kooxdan la iskaga dulqaadayay ayaa hadda u muuqda in dib loo dhaqaajin doono markale. Dadka arrimaha amniga ka faallooda waxay fursad naadir ah u arkaan tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Maxaa laga filan karaa dhaq-dhaqaaqa cusub ee uu wado madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Sabtidii shalay xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceel La helay oo u dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas oo qiyaastii 50 KM bari ka xiga Dhuusamareeb. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Galmudug oo uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG u dagay Dhuusamareeb. Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaankan waxaa la sheegay in la hadleen dadka deegaanka oo ay macsalaameeyeen, waxayna ku wareejiyeen gaadiid ay ka heysteen. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceel La Helay ay aadeen dhanka bari ee howdka deegaankaasi, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin, sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaq ka wadan agagaarka magaalada Dhuusamareeb. Deegaanka Ceel La Helay ee ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ah istiraatiiji, waxaana horay mar u qabsaday ciidamada dowladda, walow ay dib uga soo baxeen. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdo gobollada dhexe, kaas oo uu jeedkiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Si kastaba, kooxda ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, maadaama wajigii koowaad looga qabsaday magaalooyin muhiim ah, sida Galcad iyo Xarardheere oo ay mudo joogeen. The post Al-Shabaab oo ka baxay deegaan u dhow Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Yuusuf Madaale ayaa ku hormaray muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa. Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi. “Arrinta Kaasa Italia sida aan la socono waxaa iska leh Taliyaaniga safaaradda Talyaaniga warqadda ay soo dirtay waa taas, sidaas darteed waxay dalbadeen in loo banneeyo, marka Kaasa Italia shaqsina ma laheyn cid gaar ah oo laheydna ma jirto” ayuu yiri guddoomiyuhu. Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday eedda loo jeediyay qoyska madaxweyne Xasan Sheekh ee la sheegay inay boob ku hayaan dhulkaas, wuuna beeniyay, isaga oo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda. “Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu mar kale sii raaciyay Duqa magaalada Muqdisho. Waxaa kale uu ka hadlay dhul boobka ka socda deegaanka Gubadley iyo Xaafadda Waxar-Cadde ee degmada Heliwaa, isaga oo sheegay inay la socdaan qaylo dhaanta kasoo yeertay dhulalkaasi, wuxuuna xusay in qof welba oo cabasho ah uu cadaalad doonto garsoorka. “Arrinta Gubadley iyo Waxar-Cadde ka taagan oo qolo walbaa siday rabto u hadaaqeyso qof walba oo sharci heysto ha dacwo tego, hana aado garsoorka, laakiin in bannaanka laga qayliyo wax macno ah oo ay soo kordhineyso ma laha” ayuu mar kale yiri Madaale. Sidoo kale wuxuu ka hadlay Dhulka Warshadda Isbuunyada ee ku dhow xeydaabka garoonka Aadan Cadde, oo sidoo kale laga raray barakacayaashii deganaa halkaasi. Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay in warqayad ay usoo diray hay’adda duulista rayidka ah, isla-markaana ay dalbaday in halis amni ay uga imaan karto halkaasi, kadibna uu amray in laga raro barakacayaasha lana dajiyo meel kale balse uusan ka jirin dhul boob. “Waxaan dhahnay dadkaas si nabad ah meel ha lagu dajiyo, hana la kiciyo,, intaas uunbaa dhanhay, laakiin dhul ayaa la dhiibay, waa nala dhacay waxaas ma jiraan” ayuu sii yiri. The post Daawo: Muxuu Madaale ka yiri ‘dhul boobka loo haysto’ qoyska madaxweynaha? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha. Xamse Warfaa ayaa ah mas’uulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne Joe Biden 2022. Ujeedka socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya. La taliye Xamse ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Xamse Warfaa oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa isoo gaadhay in maalintii 23aad xidhanyey Hoggaankii is gaadhsiinta ciidamadda Badda S/land kornayl Ahmedyassin Awfarah Axmed waxa la xidhay maalintii Buurta Gacan Libaax ay jabhadu ka hadleen. Axmed waxa lay sheegay markuu 5 cisho jeelka wayn ku jiray in reerkiisii ogaaadeen ilaa maanta na maxakamad aan la hor keenin. Axmed waxa uu u xidhan yahay 2 Sarkaal oo isaga ka darajo hooseeya oo kala ah Kanadi iyo Cali Xasan. Midda kaliya ee ay u xidheenna uu yahay shirqool iyo in uu nin West Burco Clan yahay oo aanay ka amar qaadan doonin, maadaama oo reerkiisu qarandumis yihiin siddee loogu aamini karaa xilka ay qiil ka dhigeen, waa amuur kale oo xasuustii 1984-88 dub inoogu celinaysa. Tiraba 22 nin oo xilal ciidan oo ka la duwan ka haya xukuumada, Muuse dhammaantood na West Burco Clan ah baa la ii sheegayaa inay xidhay yihiin tan iyo Maalintii war buurta Buurta Gacan Libaax soo baxay. Waxaa kale oo xog aan ku helay in xukuumadu qorshaynayso dagaal ka dhan dhaliyarada buurta gashay ee aanay daacad ka ahayn wada hadalada inta damiirka leh ee dalka u tudhaysaa wado. inna rag walaal waxuu ku dhaamo lawaa weli kama ay dhaadhin inta tallada haysa se” W/Q: Xildhibaan Mohamed Jama Koodbuur Source
