-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sanad kadib magacaabistii Danjiraha Soomaaliya u fadhiya safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, waxaa muuqda waxqabad la taaban karo oo uu safaaradda ka hirgeliyay muddadii uu xilka hayay. Danjire Xuseen Cabdi Xalane, oo ah safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la magacaabay 9-kii February 2024. Muddo sanad gudaheed ah, wuxuu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay horumaro muuqda, isagoo isbeddel weyn ku sameeyay adeegyada safaaradda ee la xiriira bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee caalamka. Xuseen Cabdi Xalane, oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana ah siyaasi rug-cadaa ah, ayaa markii loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta wax badan ka beddelay xaaladda safaaradda. Wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas si uu xog-ogaal ugu noqdo xaaladooda, isagoo sidoo kale ka caawiyay dhibaatooyinka ay kala kulmaan gudaha dalkaas, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaas ku shaqeysta. Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta u yahay dalkoodii labaad, maadaama uu dalkaasi yahay meelihii ugu horreeyay ee ganacsi lagu abuuro kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 35 sano ka hor. Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadda ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeysanayay tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May 2022. Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyay mashaariic kala duwan, isagoo sidoo kale taageero siiya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Ganacsade Maxamed Jaamac, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dubai, ayaa ka hadlay waxqabadka Danjire Xuseen Xalane sanadkii uu joogay safaaradda. Wuxuu yiri: “Waxaan oran karaa Danjire Xuseen Xalane waxa uu safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta ku soo kordhiyay midnimo iyo isku xirnaan bulshada Soomaaliyeed. Shaqaalaha safaaradda waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan taleefannada muwaadiniinta Soomaaliyeed waqti kasta oo ay u baahdaan adeegyo safaaradeed. Shaqadiisa waxay noo xasuusineysaa erayo ku qoran baasaboorrada caalamiga ah oo ay ka mid yihiin, ‘Muwaadin ha welwelin, waan kula joognaa meel kasta,’ taas oo muujineysa sida shaqaalaha safaaradda, laga bilaabo safiirka ilaa shaqaalaha hoose, ay ugu heellan yihiin taageerada bulshada.” Ganacsaduhu wuxuu intaas ku daray: “Danjire Xuseen Cabdi Xalane waxa uu astaan u yahay midnimo iyo isku duubni bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta. Waa safiir u taagan danaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo aan kala saarin cid gaar ah. Safaaradda iyo shaqaalaheeda waxay si joogto ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uga mahadcelineynaa Danjire Xalane oo aan dhihi karo waa siyaasi waaya-arag ah, dad jecel, safiir wanaagsan, kana shaqeeya horumarka bulshada.” Abdihakim Elmi Hassan Nairobi, Kenya Tel: +252 4 711830393 Email: Cabdixakiin441@hotmail.com
-
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaalkii shalay ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Wuxuu sheegay in weerarka ay qaadeen koox abaabulan oo ka hor timid fulinta amar maxkamadeed, taasoo sababtay iska hor imaad hubeysan. Boolisku waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, halka afar kale ay baxsadeen, kuwaasoo lagu raad joogo. Afhayeenka ayaa xusay in ciidanku ay waajibaadkooda gudanayeen oo ay u joogeen joojinta dhisme sharci-darro ah oo maxkamaddu horay u mamnuucday. Xaaladda ayaa hadda daggan, waxaana ciidamada ammaanku ay si buuxda ula wareegeen goobtii lagu muransanaa. Booliska ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadi doonaan baaritaanka la xiriira dhacdadan, si sharciga loo hor keeno cid kasta oo ku lug lahayd weerarka. Source: goobjoog.com
-
Sawir hore: Markab dagaal oo Hindiya Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa saacad ka hor gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo dhawaan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi Yemen laga lee yahay. Ilo wareedyo sirdoon ayaa xaqiijinaya in markab dagaal oo laga lee yahay Hindiya uu goor dhaweyd gacanta ku dhigay 8 nin oo hubaysan kuwaasi oo maalmo ka hor doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Dableyda gacanta lagu dhigay oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan biyaha Soomaaliya ku weeraray doon kalluumeysi oo Hindiya laga lee yahay taasi oo dalbatay gurmad deg deg ah islamarkaana uu soo gaaray markab dagaal. Wararka ayaa sheegaya in dableyda gacanta lagu dhigay ay saaka ku weerar tageen doontii maalmo ka hor ay af-duubteen balse iyagii gacanta lagu dhigay islamarkaana laga furtay doontii kalluumeysi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Hindiya. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamada Hindiya oo gacanta ku dhigay dableydii doonta ku af-duubtay xeebaha degmada Eyl appeared first on Puntland Post.
-
Trump, ayaa aqalka cad ku qaabbilay boqor Cabdallaha labaad ee Jordan , kaasoo ku ammaanay Trump inuu yahay qof dhammeystiri kara caqabadaha ka taagan bariga dhexe , kaddib wuxuu ku dhawaaqay inuu dalkiisa qaabbilayo 2 kun oo carruur Falastiiniyiin reer Qasa ah oo u ku sheegay , kuwa u baahan daryeel caafimaad.Trump, ayaa dhankiisa ku celiyay qorshihiisa Qasa iyo inuu kulan dheer la qaadan doono boqorka Jordan. Ku soo laabo hadalladii uu jeediyay boqorka Jordan; • Mar wax laga weydiiyey in uu jiro dhul ay Falastiiniyiintu ku noolaan karaan marka laga soo barakiciyo Qasa oo ay ka helayaan Jordan, waxa uu ku jawaabay; in ay tahay in uu sameeyo “waxa danta dalkiisa ku jirto.” •Boqorka ayaa sheegay in waddamada Carabta ay u imaan doonaan Mareykanka iyagoo ka jawaabaya qorshaha Trump ee Qasa. • Waxaa kalo uu sheegay ; “Waa inaan sugno si aan u aragno qorshaha Masar.” • Boqorka Jordan, wuxuu intaa ku daray inay jiri doonto jawaab ka imaanaysa waddamo badan oo la xiriirta qorshaha Trump, balse ma bixin sharraxaad. Fiiro gaar ah; Boqor Cabdalla, wuxuu qof walba u xaqiijiyay inuu u hoggaansamayo qorshaha Trump , isagoo u rogi doona inuu qaatay mowqif ‘danta dalkiisa’ ah, laakin wuxuu ugu deg degay Aqalka Cad, ayaan ku sheegaya , wuxuu ciyaaray, ciyaar ah ; “ Trump waan ku oggolahay, waana fulinaya qorshahaaga, laakin si aan dhibaato ugala kulmin gudaha Jordan , ku hor mar Masar , halkaanna halagu soo bandhigo hirgelinta qorshaha, sababtoo ah Masar , ayaa ah cidda xadka la wadaagta Qasa”. Hagaag, ma doonayo inad uga tagto waxa aad akhrisay inay tahay waxad filaysay, waxaan ku siinayaa sheeko kale ; wariyaha Mareykanka ah ee Bob Woodward , ayaa bartamihii bishii Oktoobar ,2024, wuxuu soo bandhigay buuggiisa ‘War’ ama buugga dagaalka, oo uu ku daahqaaday waxyaabo badan oo dadka ka qarsoonaa iyo mowqifka Carabta ee ururka Xamaas. Lix maalin kaddib, markii uu dhacay weerarkii Xamaas 7, Oktoobar,2023, waxaa socdaal ku maray Telaabiib iyo caasimaha carabta ,xoghayihii hore ee arrimaha dibadda, maamulka Biden ee Mareykanka , Antony Blinken — socdaalka wuxuu la xiriiray inuu Blinken wax ka oggaado mowqifka Carabta ee weerarka Xamaas, markii uu la kulmay Netanyahu , oo markaa si cad ugu sheegay ‘ wax aan ahayn inay Qasa ka barakiciyaan Falastiiniyiinta, inaysan dooneyn’, xasuuso taariikhda , hadalkan wuxuu sheegay 13 , bishii Oktoobar,2023 ! Isla markiiba Antony Blinken, wuxuu ka deggay Amman, caasimadda dalka Jordan , waxaana goob baar ah oo ku dhex taal aqalka boqortooyadda Jordan , maalintaa ku qaabbilay boqor Cabdallaha Jordan — wadahadalka wuxuu ku bilowday inta uusan hadlin Blinken , inuu yiri boqorka Jordan ; “ Israa’iil marar badan ayaan uga dignay khatarta Xamaas… kooxdani waxay ka tirsantahay Akhwaanul muslimiin-ka— Israa’iil waa inay jebiso kooxdaan, laakiin arrintaas kor uma dhihi karo annigu..!” Iskadaa adiga, xataa Antony Blinken, ayaa hadalkan la yaabay! Sida aad ka heli kartid buugga dagaalka ee uu qoray Bob Woodward. Source
-
Ayadoo ay muddooyinkii la soo dhaafay warbaahinta Puntland baahinaysay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya caqabad ku tahay dagaalka uu maamulkaasi kula jiro kooxda Daacish ayaa Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in aysan wax culaysa kala kulmin dhinaca Federaalka. Wasiirka oo wax laga weydiiyay jiritaanka wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay askarta dagaalka ku dhaawacma ee dibedda loo qaadayo helista Baasaboorka ku dhibtay ayaa sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin. Wasiirka Maxamuud Caydiid Dirir ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay dalka masuul ka tahay, wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo dagaalka lagula jiro Daacish kaalin ka qaadanaysa. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaarkeed hadal-haysay in dowladda Soomaaliya ay Baasaboorka u diiday dhaawacyo dibedda loo dhoofinayay, sidoo kale ay hawada dalka u diiday diyaarado ciidamada Puntland u gurmanayay. Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha ururka Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay Isniintii shalay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee ay horey u gaadheen. Waxayna ku hanjabeen inay dib u dhigi doonaan sii deynta la haystayaal badan, taasoo keentay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabo in “ciqaab adag ay dhici doonto” haddii dhammaan la haystayaasha harsan aysan Xamaas sii dayn Sabtida. Isweydaarsiga maxaabiista ee xiga ayaa loo balansanaa Sabtida soo socota, iyadoo saddex kale oo Israa’iiliyiin ah lagu wado in la sii daayo si loogu beddelo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil xabsiga dhigtay Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag tiro badan oo ay lahayd Daacishta ay dagaalka adag kula jiraan. Saraakiil sar sare oo u hadashay ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen teleefoonno lacago badan ay ku heysatay kooxda Daacish, kadib markii laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland. Lacagaha soo galay gacanta Puntland ayaa laga helay teleefannada xubno laga dilay kooxda, oyada oo markii la baaray laga helay Simikaaro ay ku jiraan lacago badan. Mid kamid ah Simikaarada ayaa waxaa ku jirta lacag gaareysa illaa 180 kun oo doollar, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, balse saraakiisha ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku aadan halka ay lacagtaas kasoo gashay, qofka sida gaarka ah u maamulayay iyo su’aalaha kale ee haatan la’si weydiinayo. Howlgallada oo weli sii socda ayaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari. Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib. Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
-
Washington (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn culus oo ay kowdii bishaan ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo lala beegsaday maleeshiyaadka kooxda Daacish. Warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen saraakiil sar sare oo tirsan kooxda Daacish, isla markaana lagu beegsaday meel ay ku dhuumaleysanayeen oo ku taalla gobolka Bari. “Taliska AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada Daacish ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in duqeyntn lagu dilay illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Daacish oo muddo la baadi goobayay. Sida ay sheegtay AFRICOM xubnahaasi la dilay waxaa kamid ahaa horjooge sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa qorista maleshiyaadka iyo dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa in xubnaha argagixisada ee u safrayo wadamada Yurub iyo Mareykanka, sida qoraalka lagu sheegay. Waxaa kale oo AFRICOM ay intaasi kusii dartay in weerarka cirka ah aanu wax khasaare ah kasoo gaarin dadka rayidka ah, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Hadalka ayaa imaanayo iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo ay iska kaashayaan ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo saaxibada caalamiga ah.
-
Dib u dhiska Qasa iyo wax ka qabashada masiibooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen weerarrada Israa’iil waxay u baahan doontaa in ka badan $53 bilyan, iyada oo $20 bilyan loo baahan yahay saddexda sano ee ugu horreysa, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay Qaramada Midoobay. In kastoo aysan suurtagal ahayn jawiga hadda jira in si buuxda loo qiimeeyo wadarta guud ee baahiyaha ka jira Qasa, haddana qeymeyntan ayaa muujinaysa baaxadda culaysyada ku gadaaman dib u dhiska marinka 16-kii bilood ee la soo dhaafay isku badalay xabaalaha dadka nooli dul joogaan. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horey u sheegay in dib u dhiska marinka Qasa ee dagaalka ka dib ay u baahan doono dadaal caalami ah oo ah noqan kara kii ugu ballaarnaa wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka. Source: goobjoog.com
-
Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland. Waxay sheegeen in duqayntooda oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025. Duqeymaha wadajirka ahaa ayaa lala beegsanayay hoggaanka sare ee Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso. Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin. Kuwa ku dhintay waxaa ka mid ahaa ayaa lagu yiri warbixinta AFRICOM “nin lagu magacaabp Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.” Warkaan ka soo baxaya taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in “hoos u dhigista awoodda Daacish iyo ururrada argagixisada kale ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada khatarta ku ah dhulka Mareykanka, xulufadiisa iyo shacabka ay weli yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Taliska uu qaadayo.” Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ba’an kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bilowgii bishan Febraayo sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish. “Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada. Hadalka Trump wuxuu ku soo koobay qoraal sidan loo dhigay. “Fariinta IS iyo dhammaan kuwa kale ee doonaya in ay weeraraan Mareykanka, “Waa idin heleynaa, waana idin dileynaa!” Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqaytaasi ay wax badan u dhintay kooxda ayna ugu mahadcelinayan saaxiibada Soomaaliya garabsiinta dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish. Dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay buuraha Cal-miskaad ayey Puntland sheegtay inay deegaanno badan ka saareen dagaalyahannada kooxda isla markaana ay ka dileen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish. Howlgalka “Hilaac” ee ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa galay wajigiisii labaad iyadoo madaxda Puntland ay sheegeen “inay ka go’an tahay in deegamnadaas laga sifeeyo kooxda Daacish.” Wax ka ogow Daacishta Soomaaliya iyo xilliga la asaasay Xigashada Sawirka,Reuters Kooxda IS amaba Daacish ayaa dunida caan ka noqotay sanadihii 2010meeyadii, gaar ahaanna gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, balse haatan wuxuu joogitaankeedu ku badan yahay qeybo ka mid ah Afrika. Laanta Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii 2015 aasaasay koox ka goosatay al-Shabaabta gacan-saarka la leh al-Qaacida – kuwaasoo ah kooxda jihaad-doonka ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta. Daacishta Soomaaliya ku sugan waa kuwo aad u daran oo bulshada dhac u geysata inta badanna fulisa weerarro yar oo aan joogto ahayn, sida laga soo xigtay Xafiiska Mareykanka ee Agaasimaha Sirdoonka Qaranka. Ciidamada Mareykanka ayaa dilay hoggaamiyihii IS, Bilal al-Sudani, iyo 10 kale iyagoo ku jiray god buuralley ah oo waqooyiga Soomaaliya ah sanadkii 2023, kadib howlgal uu amray madaxweynihii xilka ka degay ee Mareykanka Joe Biden. Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si weyn Ciidamada Puntland ugu bogaadiyay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. Warsaxaafadeedka uu soo saaray Madaxweyne hore Cabdiraxmaan Faroole ayuu ku sheegay in Ciidamada difaaca dowladda Puntland ay guula badan oo is daba joog ah ka gaareen dagaalka lagu cirib-tirayo Argagixisada Daacish waxaana uu yiri ” Shacabka, Dawladda, iyo hoggaanka Puntland oo isku duuban, iyo ciidamadooda geesiyaasha ah, waxay dagaalkan kula jiraan argagixisada iyagoo aan haysan taageero caalami ah, waxayna guulo badan ka gaareen dagaalkaas, iyagoo jab weyn gaarsiiyay cadowga ISIS.” “Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha xooggan ee dhimashada, burburka qalabka ciidan, iyo miinooyinka badan ee la dhigay waxay caqabad weyn ku yihiin awoodda Ciidanka Difaaca Puntland si ay gabi ahaanba u cirib tiraan ISIS. Aniga oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, waxaan si buuxda u caddeynayaa taageeradayda aan leex-leexadka lahayn ee aan u hayo Ciidamada Difaaca Puntland, hoggaankooda ciidan, iyo madaxda Puntland” ayuu sii raaciyay Senetar Faroole. Madaxweyne hore Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale Beesha Caalamka si weyn uga digay Khatarta Caalamiga ah ee Argagixisada ISIS ku yihiin Amniga Gobolka iyo guud ahaan dunida waxaana uu yiri” Kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Al-Miskaad ee Puntland, oo ku taalla xeebaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas, waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah ee badda. Dawladda Puntland waxay qaaday go’aan sax ah oo ah inay weerar milatari ku qaado kooxahaas si loo burburiyo khatarta argagixisada ee halis gelinaysa nabadgelyada Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan gobolka.” Senetar Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay taageero buuxda siiyaan Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS “waxaanan ugu baaqayaa beesha caalamka inay taageero buuxda siiso hawlgalka milatari ee Puntland ee lagula dagaallamayo ISIS. Ciidanka Difaaca Puntland waxay u baahan yihiin: Taageero xagga saadka ah, Daryeel caafimaad, Isgaarsiinta milatariga La-wadaagga xogaha sirdoonka Awood sare oo dhanka miino-saarka ah Haddii aan ISIS lagaga adkaan buuraha Al-Miskaad, waxay heli doonaan fursad istiraatiiji ah oo ay si sahlan khatar u galin karaan amniga gobolka, ganacsiga badda, iyo nidaamka caalamiga ah.” PUNTLAND POST The post Senetar Cabdiraxmaan Faroole: Beesha Caalamku waa in ay Puntland garab buuxa ku siisaa Cirib-tirka Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS appeared first on Puntland Post.
-
“Jidadkii baad ka la xidheen ee iska hoyda oo guryihiinii orda oo ka la taga…”, ayuu dumarkii iyo ciyaalrkii uu soo abaabulay Muuse ku yidhi. In uu qof buuq samaysto, oo lacag iyo wakhti aan yarayn ku bixiyo in dad ka hor yimaaddo, si uu qof muhiim ah isugu arko amaba dadku u gu arko, ma aha wax Muuse ku kooban ee waa dhaqan arlada ku baahay. Dheeraad waxa ah in dadka loo tuso waxaasi in uu lama filaan iyo qorshayn la’aan ku dhacay. Al muhim, Xaaji Muuse tobanaan jeer haddii uu bishii dhoofo oo soo noqdo, oo la sii dhaweeyo amma la soo dhaweeyo, ma qabo in ay cidna culays ku hayso, haddii ba ay jirto na waa hogseeg. Dadku waa xor, waana kaas mabd’a aasaasiga ahi. Haddii aanay isaga culays ku haynin cid kale na ma ba ku hayn karto hawshaasi. Keliya waa in aan la ogolaanin sidii maalintii dhaweyd ee uu baxaayay, in uu hub iyo ciidan jidadka la maro, oo madaarka la tago. Ma aha in ay meeshu u muuqata arlo fawdo ah, oo nin kastaa ba maleesiyada xaafaddiisa gaar u wato. Ujeedka Muuse waa in la fahmo, oo la joojiyo haddii aanu isagu ka joogsan. Sida madaxdii hore ba, waa in la siiyo dhawr askari oo guriga u jooga, marka uu baxaayo na baabuurka la raaca. Wixii aan intaas ahayn waa in sida uu yahay loo fahmo, sida uu yahay na loo la macaamilo. Qore Maxamed Haaruun Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Eedaysane Hashim Dagane, oo loo haysto dilka afar haween Soomaali ah oo ka dhacay xaafadda Islii, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Itoobiya ee Yahedic Commandos, intii u dhaxaysay 2010 illaa 2015, markaasoo uu shaqada uga tagay duruufo aan la caddeyn. Hay’adda Dambi Baarista Kenya ee DCI ayaa ogaatay in Hashim uu dhigan jiray dugsiyada hoose iyo sare intii u dhaxaysay 2006 illaa 2010 gobolka Godey ee Itoobiya, halkaas oo uu wali ku nool yahay aabihii, Maxamed Khalif. Baaritaanka DCI ma caddayn xilliga saxda ah ee Hashim uu u guuray Garissa iyo kadib Nairobi. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in bishii Febraayo 2024 uu uga shaqeynayay darawal ahaan si ku-meelgaar ah iskuul ku yaalla Eastleigh. Qoraal dhaar ah oo uu qoray Sarkaalka DCI ee qaybta dilalka, Xasan Maxamed, loona gudbiyay maxkamadda xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (ODPP), ayaa muujiyay in Hashim uu haysto baasaboorka Soomaaliya oo uu ku helay magac kale. Sarkaalkan ayaa sheegay in Hashim uu 15-kii Juun 2023 codsaday inuu ka helo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee Kenya. Waxaa loo soo saaray kaarka aqoonsiga isagoo ku magacaaban Hashim Dagane Muhumed. “Sanadkii 2022, eedaysanaha (Hashim) wuxuu codsaday baasaboorka Soomaaliya isagoo isticmaalaya magaca Hashim Maxamed Khalif, waxaana loo soo saaray 13-kii Febraayo 2022,” ayuu ku yiri sarkaal Xasan qoraalka caddeynta ah ee maxkamadda loo gudbiyay. “Marka la eego in eedaysanuhu haysto baasaboorka Soomaaliya iyo kaarka aqoonsiga Kenya oo magacyo kala duwan ku qoran, waxaan ka baqaynaa in haddii dammaanad lagu sii daayo uu ka baxsado maxkamadda, maadaama uu haysto dhalashooyin labo ah,” ayuu yiri. Hashim, oo ah aabe saddex carruur ah, ayaa wajahaya afar dacwadood oo dil ah oo ka dhan ah qodobka 203 oo ay la socdaan qodobka 204 ee xeerka ciqaabta, ka dib markii lagu eedeeyay inuu dilay Dahabo Daud Said, oo loo yaqaan Waris, 37 jir, gabadheedii 13-jirka ahayd Musyaba Abdi Mohamed, iyo ilmo adeertood Amina Abdirashid Dhahir. Saddexdan qof ayaa la dilay intii u dhaxaysay 21–22 Oktoobar 2024, iyadoo jirkooda oo jarjaran lagu tuuray meelo kala duwan oo ka tirsan Nairobi iyo Machakos. Hashim waxa kale oo lagu eedeeyay inuu dilay saaxiibtiis Deka Abdi Noor Gorane, oo 26 jir ahayd, intii u dhaxaysay 29–31 Oktoobar 2024, magaalada Lavington ee Nairobi. Deka waxay ahayd ardayad sanadkii afraad dhigata Jaamacadda Great Lakes ee Nairobi, halkaas oo ay ka baranaysay Bachelor of Science ee Caafimaadka Bulshada. Waxay sidoo kale ka shaqaynaysay maqaayadda Albaik Restaurant ee Islii. Baaritaanka DCI ayaa muujiyay in Hashim uu deris la ahaa Waris, degmada Bulla Tawakal ee Garissa, waxayna ahaayeen kuwo si wanaagsan isu yaqaan. Hashim waxa uu u dhowaa qoyska Waris ee Nairobi, wuxuuna mararka qaar u qaban jiray howlaha qoyska isagoo ahaa darawal taxi si ku-meelgaar ah. Qoraalka maxkamadda loo gudbiyay si looga hortago dammaanad-siintiisa ayaa sheegay in Hashim uu baasaboorkaasi u isticmaalay inuu u safro Soomaaliya iyo inuu kasoo laabto. “Eedaysanaha (Hashim) maadaama uu xididdo ku leeyahay Kenya iyo Soomaaliya, waxaan ka cabsi qabnaa inuu halis ugu jiro inuu baxsado, iyadoo la tixraacayo in xadka labada dal uu yahay mid sahlan oo la maro,” ayuu yiri sarkaalka. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray inuu ka cabsi qabo in Hashim uu faragelin ku sameeyo markhaatiyaasha dacwadda, maadaama uu si fiican u yaqaan inta badan markhaatiyaasha madaniga ah ee kiiskan. Markhaatiyaashu waxa ka mid ah ninkii qabay Waris, shaqaalaha maqaayadda ee ay ka shaqaynaysay Deka, shaqo-bixiyihii Hashim, iyo darawal taxi ah oo qaaday Hashim iyo Deka markii ay ka baxayeen maqaayadda. Si kastaba ha ahaatee, Hashim oo codsaday dammaanad ayaa sheegay in siyaasadda dammaanadda iyo shuruudaha dammaanad-siinta ay qeexayaan duruufaha maxkamaddu ku siin karto dammaanad, DCI iyo ODPP-na aysan soo bandhigin caddeymo ku filan oo lagu diido dammaanadda. “Xaqiiqda kaliya ee ah inaan hore ugu safray Soomaaliya, ma noqon karto sabab xoog leh oo lagu diido dammaanad, maadaama aanan jirin eedeyn sheegaysa inaan ku lug lahaa wax falal sharci-darro ah intii aan safarka ku jiray,” ayuu yiri Hashim. “Intaa waxaa dheer, ma aanan kaliya tegin Soomaaliya, balse waxaan nasiib u helay inaan booqdo dalal kale sida Turkiga. Sidaa darteed, waxaa la iigu sheegay qareenkayga in safarka kaliya ee dalka dibaddiisa aanu noqon karin sabab dammaanad la’aan ah haddii aan la hayn caddeymo muujinaya in safarkaasi uu sharci-darro ahaa.” Hashim waxa kale oo uu sheegay in DCI iyo DPP aysan soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya inuu deganaa Itoobiya ama uu ku biiray ciidanka Itoobiya. Wuxuu ku adkaystay inuu yahay muwaadin Kenyan ah, isagoo soo bandhigay lambarkiisa aqoonsiga muwaadinnimo iyo magaca hooyadiis (magaca hooyada waa la qariyay) oo ku nool degmada Garissa. Wuxuu intaa ku daray inuu iskiis iskugu dhiibay saldhigga booliska Kamukunji ee Nairobi, wuxuuna sheegay in haddii uu damacsanaa inuu baxsado, uu si sahlan uga dhuuman lahaa booliska. Garsoore Margaret Muigai ayaa amartay in la sameeyo baaritaan bulsho oo ku saabsan eedaysanaha, kaasoo maxkamadda la horgeyn doono 4-ta Maarso. Warbixinta baaritaankaasi ayaa go’aamin doonta in Hashim uu u qalmo dammaanad iyo in kale.
-
Puntland ayaa sheegtey in dagaalkii ugu dambeeyay ee ciidamada Difaaca iyo kooxda Daacish ku dhex maray buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga jaceel lagu dilay in ka badan 89 xubnood oo Daacish ah. Meydadka dagaalamayaashan ayaa lagu arkay heeraraha togga iyo godad ay xubnaha kooxda Daacish horay aaggaas uga qoteen, sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowlad goboleedka Puntland. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo galay bishii labaad ayay ciidamadu Puntland guulo wax ku ool ah ka gaareen, ayagoo diley boqolaal dagaalame oo isugu jira ajaanib iyo Soomaaliya, sidoo kalena nolosha ku qabtay tiro badan oo ka tirsanaa kooxdaas. Source: goobjoog.com
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Xararardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka degmadaasi. Howlgllada oo qaatay saddex maalmood oo xiriir ayaa waxaa si wada jir ah u sameeyay Kumaandooska Gorgor iyo ciidanka Xoogga, qeybtooda 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Ciidamada ayaa gaaray deeaanno ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo dhammaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo muddo dheer ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxaha argagixisada. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan looga hortagay dhagar ay soo maleegeen Al-Shabaab oo xubnahooda ay isku uruursanayeen halkaais. “Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in kooxda la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen. “Howlgalka inta uu socday ayaa Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Xarardheere oo ah meesha ay isku hayaan dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.
-
The governments of Uganda and the Federal Republic of Somalia have signed a joint communiqué to enhance strong defence cooperation between the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s Minister of Finance Bihi Iman Egeh announced that the country has successfully settled around $4.5 billion in debt under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative led by the International Monetary Fund (IMF). He attributed this milestone to major institutional and financial reforms, as well as increased domestic revenue mobilization. Source: Hiiraan Online
-
On February 11, Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, arrived in Azerbaijan for an official visit. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — The main target in a series of U.S. airstrikes against the Islamic State terror group in Somalia earlier this month is dead, according to the most recent assessment by military officials. Source: Hiiraan Online