Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with a delegation led by the UAE Minister of State for Foreign Affairs, Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. Ergeyga Joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Fei Cong, ayaa cambaareeyay weerarrada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza, isagoo ku baaqay in la sii wado hirgelinta xabbad-joojintii u dhexaysay Israa’iiliyo Xamaas. Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil maalintii seddaxaad duqeymo xooggan ka waddo marinka Qasa, ka dib markii talaadadii ku dhawaaqday inay isaga baxday heshiiskii xabbad-joojinta, ayadoo ku eedaysay Xamaas inay diidday sii ballaarinta wajigii koobaad ee heshiiska. Duqeymaha Israa’iil ayaa dhimashada in ka badan 500 boqol, ayadoo dhaawacyaduna ay intaas ka badanyihiin, sida laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka Qasa. Dhexdhaxaadiyaasha, gaar ahaan Masar iyo Qatar ayaa isku dayaya inay labada dhinac ku qanciyaan ku laabashada heshiiskii xabbad joojinta, balse maamulka Israa’iil ayaa wacad ku maray inuu sii wadayo duqeymaha aan loo meel dayin ee uu ka wado marinka go’doonsan ee Qasa. Source: goobjoog.com
  3. Soomaaliya waxa ay 35-kii sano ee u dambeeyay haystay aqoonsi la’aan keentay dhibaatooyin maamul, dhaqaale, siyaasadeed, iyo kuwo amni oo caqabad ku noqdey dowladnimada iyo horumarka. Sidaas darteed dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo billaabo 2014 waxay ku howlaneed abuuridda nidaam aqoonsi oo la jaanqaadi kara halbeegyada caalamiga ee aqoonsiga casriga ah kaas oo dadweynaha u sahlaya in ay helaan xuquuqda iyo adeegyada ay u baahan yihin. Iyadoo dadaalladaas sare laga duulayo, Xukuumadda JFS ayaa 2019 meelmarisay Siyaasadda Diwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha, kadibna Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Sharciga Aqoonsiga iyo Diüwaangelinta Dadweynaha oo nidaaminaya Kaarka Aqoonsiga Qaran. Nidaamka Aqoonsiga Qaranku wuxuu ku dhisanyahay Dastuurka, Sharciga Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Dadweynaha, iyo Sharciga Dhawrista Xogta Dadweynaha. Nidaam sharciyeedkan ayaa damaanad qaadaya in dhammaan dadweynaha la siyo aqoonsi ay ku helaan adeegyada iyo xuquuqaha dastuuriga ah. Sharcigu wuxuu xaq u siinayaa qof kasta in la siyo tirsi u gaar ah (Unique Identification Number) oo ka kooban kow iyo toban (11) lambar, kaas oo aan marnaba is bedeli doonin, waxa uuna noqonayaa summad lagu aqoonsado meel kasta uu joogo. Xogta kaarku waa mid sugan oo amaan ah Xogta dadweynaha ee nidaamka aqoonsiga waxa lagu keydiyaa dalka gudihiisa iyadoo ilaalinteeda iyo maamulkeeda ay gacanta ku hayaan khubaro Soomaali ah oo loo carbiyay dhawrista xogta. Shaqaalaha ka shaqeeya diiwaangelinta dadweynaha, iyo kuwa maamula xogta waa dad Soomaaliyeed oo la dhaariyay, mana geli karaan xogta dadweynaha waxna kama beddali karaan. Kaarka Aqoonsiga Qaranka waa mid ka duwan Kaarka Codbixinta Waa Aqoonsi Qaran, waajib dowladeed oo ku xusan Dastuurka, taasoo xaqijinaysa in dadweynuhu helaan aqoonsi rasmi ah. Aqoonsiga Qaranku wax shaqo ah kuma lahan arimo siyaasadeed. Wixii doorashooyin la xiriira oo uu ka mid yahay Kaarka codbixinta waxaa masuul ka ah Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Diiwaan gelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku hadda waa lacag la’aan iyada oo la tixgelinayo duruufaha dhaqaale iyo in ay muwaadiniinteenu helaan aqoonsi loo simanyahay isla markaana si mideysan looga bixinayo dalka oo dhan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta JFS waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta inay ka faa’ideystaan aqoonsigan casriga ah, si loo xoojiyo helidda adeegyada muhiimka ah, horumarka iyo sugidda nabadgelyada dalka. Wasaaraddu waxa ay ka digaysaa marin8 habaabinta iyo jahwareerinta bulshada ee khuseysa Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Source: goobjoog.com
  4. Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay dowladdu Ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal si weyn loo qorsheeyay oo ay ku fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe waxay ku beegsadeen xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Hawlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan xubnihii ku sugnaa goobta la weeraray, sida laga sheegay war saxaafadeedka. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wado deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab militants launched an attack on Somali military bases in the Sabiib and Anole areas near Afgoye in the Lower Shabelle region early Thursday morning. Source: Hiiraan Online
  6. Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu,ku tilmaamay afgambi. Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan. Mr Imamoğlu iyo tobanaan qof oo kale oo lala xiriirinayo mucaaradka ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuqmaasuq. Horay, kumannaan qof oo ku nool Istanbul ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigga duqa magaalada. Dhammaan mudaaharaadyada ayaa la mamnuucay muddo afar maalmood ah, iyo booliska ay basbaas ku buufiyeen dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara. Ekrem Imamoglu wuxuu ku qoray baraha bulshada “lama aamusinkaro waxa dadku doonayaan”. Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay internet-ka ayuu ku ballanqaaday in uu taagan yahay dadka Turkiga iyo “adduunka inta u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda”. “Waxaa iga go’an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga iyo xoriyadda,” ayuu yiri Imamoglu. Xadhigiisa ayaa ku soo aaday kaddib howlgallo bilihii u dambeeyay lagu soo qabqabanayay mucaaradka dalka oo dhan Bbcsomali Qaran News
  7. The U.S. hit targets across Yemen in airstrikes overnight, including Saada province, which Yemeni sources say is a long-time hideout for Iran-aligned Houthi leaders, and the Red Sea port city of Hodeidah. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) – The Somali National Army (SNA), backed by local forces, launched a major ground and air offensive against Al-Shabaab militants in the Middle Shabelle region on Wednesday night, targeting militant hideouts and restoring security to affected areas. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa (HOL) – A seven-year-old child from the Oromo ethnic group was electrocuted and killed, while his 13-year-old sister was injured after their home was flooded in Hargeisa, the capital of Somaliland, on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) – United Nations Secretary-General António Guterres and Organization of Islamic Cooperation (OIC) Secretary-General Hissein Taha have strongly condemned the attack on Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  11. Kooxda Shabaab ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha Hoose. Deegaankaan ayaa hoos yimaada degmada Afgooye. Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hortagay kooxda weerarka soo qaaday. wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha labada dhinac. Dhanka kalena duqeymo iyo dagaal culus ayaa xalay ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhexe. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe goob la sheegay in ay ku shirsanaayeen kooxda Shabaab. Sidoo kale duqeymo lagu naafeynaayo Kooxda ayaa laga fuliyay deegaanka Sumadaale. Kooxda ayaa weerar Safballaaran ah kusoo qaaday labada Shabeelle tan iyo bilowgii bishaan Ramadan. Source: goobjoog.com
  12. Osman Saleh, Eritrea’s Foreign Minister, said his country is “perplexed” by what it called Ethiopia’s “misguided and outdated ambitions” for maritime access and a naval base “through diplomacy or military force.” He urged the international community to press Ethiopia to respect “the sovereignty and territorial integrity of its neighbors.” Source: Hiiraan Online
  13. Cabinet Secretary for Environment and Climate Change, Aden Duale, has unveiled two major initiatives to bolster Kenya’s response to climate change: the National Framework for Climate Services (NFCS), and the State of the Climate Kenya (SOCK) 2024 Report. Source: Hiiraan Online
  14. Geopolitical Prize of the Horn: Why #US recognition of #Somaliland matters In an op-ed analyzing U.S. recognition of Somaliland, Adam Daud Ahmed, a political security analyst in the Horn of Africa, argues that the decision “provides a welcome chance to reshape the geopolitical realities within the Horn of Africa, with enormous strategic, economic, and security benefits.” The piece contends that Somaliland, which “gained independence in 1991,” has maintained “comparative political stability and democratic rule,” unlike #Somalia, which “is still plagued by violence, insecurity, and a weak central government.” The writer highlights Somaliland’s strategic position, stating, “The strongest argument for United States recognition of Somaliland may be its strategic position at the intersection of vital maritime trade routes.” He describes #Berbera Port as being on the Gulf of Aden with “direct access to the Bab el-Mandeb Strait, a significant maritime chokepoint that joins the Red Sea with the Gulf of Aden and the Arabian Sea.” The article argues that “a Berbera base would offer a forward presence to defend and monitor these vital maritime corridors,” enabling the U.S. to “take a more active role in guaranteeing the free flow of commerce, discouraging adversary powers from menacing them, and enhancing maritime security in one of the most important areas of the globe.” Beyond security concerns, the op-ed also discusses economic opportunities, stating, “Somaliland is replete with untapped natural resources, which also translates to immense economic opportunities for both Somaliland and the U.S.” Ahmed argues that recognition would place the U.S. “at the head of the line in securing supply chains for critical minerals,” which are essential for technology and defense industries. The article further asserts that “Somaliland recognition would enable the U.S. to offset China’s expanding influence in East Africa” and “forestall China’s monopoly of strategic infrastructure and seaborne trade routes in the region.” Qaran News
  15. Madaxweyne Donald Trump, ayaa warqad uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, asagoo ka dalbaday wada xaajoodka heshiis cusub oo ku saabsan Nukliyeerka ah dalkaasi sameysanayo. Trump waxa uu si cad u sheegay in Iran ay haysato laba bilood oo kama dambays ah oo ay ku gaari karto heshiis, sida uu ilo xog ogaal ahi ay u sheegeen warbaahinta gudaha Mareykanka. Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa warqadda u gudbiyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohamed bin Zayed Al Nahyan, xilli uu ku sugnaa Abu Dhabi todobaadkii tagey, ayadoo Imaaraadkuna warqaddaas gaarsiiyay Wasaaradda arrimaha dibadda Iran. Si kastaba ha ahaatee lama oga jawaabta ay Iran arrintan ka bixin doonto, balse Trump wuxuu sheegay in Tehran haddii ay labadaas bilood heshiis oggolaan wayso ay tillaabo kale miiska u saarantahay. Source: goobjoog.com
  16. Hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Maxamed Aadan Jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor iidda bisha Ramadaan dhammaystirayaan wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka argagixisada Daacish. “Hawlgalkii Hillaac ee Taliska guud uu qorsheeyay in lagu qaado ceelka Miiraale oo ah meeshii u danbaysay ee ay ku sii harsan yihiin firxadka argagixisada Daacish, waxa hawlgalkaasi u fulay dhammaan sidii loo qorsheeyay, ilaah baa mahadleh, dhammaan qorshe kasta oo la diyaariyay waa fulay.” ” Waxaa la burburiyay dhammaan difaacyadii ilaalada ee ku meersanaa ceelka Miiraale waxaana halkaasi ciidamadu ku dileen in ka badan 35 dagaallame oo ka tirsanaa argagixisada kaddibna waxaan kala wareegnay dhammaan Talisyadii ku wareegsanaa waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada difaaca dowladda Puntland” ayuu yiri S/Guuto Maxamed Degelle. “Hawlgalkii wejiga saddexaad baa socda oo hadda geba-gebo ah, waxaa noo qorshaysan ilaahay idankii intaan iidda la gaarin in aan dhammaan sifayno meel kasta oo ay ku dhuumanayan firxadkooda, waxaan rajaynayaa in iidda ka hor aan dhammaystirno wejiga saddexaad ee hawlgalka” ayuu sii raaciyay hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Degelle. PUNTLAND POST The post Puntland: Wejiga saddexaad ee dagaalka Calmiskaad wuxu dhammaan iidda Ramadaan ka hor appeared first on Puntland Post.
  17. Somaliland administration President Abdirahman has been blindsided by the comments of his foreign minister on the planned displacement Palestinians in Gaza. Hargeisa (PP News Desk) — Prominent political leaders and civil society organisations in Hargeisa have expressed dismay over comments made by Somaliland administration foreign minister, Abdirahman Dahir, about the proposal by President Donald Trump and the Israeli government to uproot Palestinians in Gaza. “We are open to discussion on any matter, but we do not want to speculate on matters that have not yet been discussed. All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland” Dahir told KAN, operated by the Israeli Public Broadcasting Corporation. Dahir: “All countries that are interested in discussing certain issues with us must first establish working relations with us and open diplomatic missions in Somaliland.” “If this is true that the Somaliland government has been approached for the resettlement of thousands/ millions of Gazans, is beyond belief, truly ridiculous. It is a repeat of the old colonial/ imperialist history of cleansing people from their homelands …” tweeted Mohamed W. Dualeh, former foreign adviser envoy of the former president of Somaliland administration. Last year, a major fundraising for Gazans took place in Hargeisa. Al Jazeera breaking news on the comments of the Somaliland administration foreign minister. Somaliland administration President Abdirahman Abdullahi has been accused of damaging the reputation of his new administration. “Unlike Britain which has diplomatic presence in Somalia and maintains an office in Hargeisa, Israel cannot have a diplomatic mission in Hargeisa. The Taiwan Office in Hargeisa could be closed soon given the protests made by the Federal Government of Somalia about Taiwan because Somalia subscribes to one China policy” said a journalist in Hargeisa. Somaliland administration claims to have unilaterally seceded from Somalia in 1991. Last week, the Foreign Minister of the Federal Republic of Somalia Ahmed Mo’alim Fiqi rejected the suggestion that Gazans could be resettled in parts of Somalia to implement the displacement plan proposed by the President of the United States, Donald Trump and the Israeli Government. © Puntland Post, 2025 The post Somaliland President Faces Backlash Over Foreign Minister’s Comments on Displacement of Palestinians in Gaza appeared first on Puntland Post.
  18. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 19.03.2025 Fadhigii 13-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa: * Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay. • Hab-sami u socodka iyo kobcinta Dakhliga Maaliyadda iyo Ururinta Cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST); waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo sheegay in ay hawluhu meel fiican marayaan. * Warbixin la xidhiidha Kormeerka Xabsiyada Dalka iyo Furitaanka Xabsiga Mija-Caseeye: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay xaaladaha nololeed ee maxaabiista ku xukuman iyo arrimaha u baahan in la hagaajiyo sida hoyga, caafimaadka iyo waxbarashada maxaabiista ku jira 14-ka Xabsi ee dalka. * Warbixin la xidhiidha Xaaladda Dhoofka Xoolaha: waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga. * Warbixin qoto dheer oo la xidhiidha hawlaha ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada ay Qaranka uga masuulka tahay, waxana Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada. Sidoo kale Wasiirku waxa uu si guud uga warbixiyey mashaariicda ka socda iyo kaalmooyinka Maaliyadeed ee ay hesho iyo heerarka ay marayaan. Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay ururinta, kaydinta iyo ilaalinta xogaha Qaranka (National Data Centre). * Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa sharraxay Himilada iyo Hiigsiga Wasaaradda taasi oo ku qotonta: Somaliland ku xidhan Dunida, Dhaqaale ahaan Kobcaysa, leh kaabayaal Madaaro iyo Adeegyo Duulimaad oo ku sifaysan Bad-qab, Amni iyo Hufnaan. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha warbixin ka siiyay waxqabadka 100-ka cisho ee Wasaaradda Duulista Hawada, sidoo kalena Golaha u soo gudbiyey Hab-raaca Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u faahfaahiyey Tiirarka 5-ta ee Istaraatijiyadda 5-ta sano ee soo socda hagi doonta Wasaaradda. * Hab-raaca ururinta 100-ka maalmood ee wax-qabadka Xukuumadda iyo isku-dubbaridka iyo qaaabaynta xogaha hawl-gallada ay Wasaaraduhu kaga qayb galayaan 100-ka maalmood ee ballanqaadyada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada. • Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay Qorshaha Istaraatijiyadda ee 5-ta sano ee soo socda ay ku hawl geli doonto Wasaaraddu. Sida oo kale Wasiirku waxa uu ku taliyey in si dhaw loola socda Mashaariicda ay Hay’adaha caalamiga ah iyo NGO-yadu ka fuliyaan degmo Doorashooyinka balse aan soo marin Wasaaradda. * Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee nabadaynta Degmada Ceerigaabo iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Shirka Nabadaynta Ceel-Afweyn oo maanta ka furmay Ceel-Afweyn. Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay Xubnaha Xukuumadda JSL ee uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL isaga oo ku ammaanay hawlaha nabadaynta ee ay Ceerigaabo ka wadaan, hawlahaasi oo ku dhaw gabagabo, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftigiisuna waxay ay hawlaha Qaramaynta ka sii wadi doonaaan meelaha kale ee Qaranka u qorshaysan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  19. SOOMAALIYA MEEL QASHINKA NUKLIYEERKA BADDEEDA LAGU SHUBAY AHAYD IMMINKANA HUBKAA LAGU TIJAABIYAA !!!. Dadka hiraabka muqdisho ee adeegsada dawladnimadii fashilantay ee soomaaliya waxay waqtiyo fasax ku siiyeen dawlado shisheeye inay qashinka NUKLIYEERKA ka hadha u fasaxaan in lagu shubo dhinaca badweynta hindiya ee xeebaha xigta, taasoo sababtay inay xayawaankii badda ku jiray dhintaan oo yaraadaan. Waqtigan aynu joognno way kasiii dareen ma maqli jirtay HOOYADEEN INDO LA’AN MA KU OGAYD IYO HAAYOO DADCUNNIMAY KU DARSATAY maanta waxay marayaan hubka cusub ee uu turkigu sameeyo in lagu tijaabiyo dadkii DIYAARAD cusub oo ay iyagu buunbuuninayeen ayaa lagu tijaabinayaa dadka soomaaliya iyadoo loogu qiilbanaystay waxa lagula dagaallamayaa ARGGAGIXISO horta xaggay joogtaa arggagixisadau, miyaanay ahayn ta ku dhexmilan ee ay xidhiidhka iyo ganacsigaba leeyihiin dawladda xasan shiikh. Waa ayaan darro madax dadkoodii SODDON sano ka badan halaagaysay inay kuwii tashaday boqonta goyso sida gobollada bariga s. land oo ay weli dab ka hurinayaan.. Adduunyadu maanta way aragtaa meeqaamka ay kala joogaan s. Land iyo soomaaliya waana la aqoonsanayaa dalka soomali land ee mucaarid iyo muxaafidbba ilaalinta dalka meel hallooga soo jeesto, laba gardaaqana GAMCO bir ah hallagu qabto s. Guul. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu maanta ka qayb galay Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska. Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (𝐁𝐢𝐨𝐦𝐞𝐭𝐫𝐢𝐜 𝐑𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐫𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayy’ad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL. Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  21. Hargeisa (HOL) — Somaliland’s Foreign Minister Abdirahman Dahir Aden has stated that any country wishing to engage Somaliland in discussions about Palestine must first formally recognize its sovereignty. Source: Hiiraan Online
  22. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Jurors began deliberations Wednesday morning in the high-profile Feeding Our Future fraud case, following six weeks of testimony and closing arguments from both prosecution and defence attorneys. Source: Hiiraan Online
  23. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Shiikh Shakhbuud Bin Nahyan, ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya, isaga oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka kooban saraakiil iyo diblumaasiyiin. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyadoo wafdiga uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. labada dhinac ayaa ka wadda hadlay fulinta ballanqaadyadii Imaaraadku sameeyay kaddib booqashadii uu madaxweynuhu ku tegay Abu Dhabi. Source: goobjoog.com
  24. The 2025 African Union Commission (AUC) electoral process, despite being marked by division and disunity, shows how much Africa needs to unite under common reflections. Source: Hiiraan Online