-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Believe it or not, the president is planning a moonshot Where next?photograph: imagery courtesy of axiom space Space is a matter of national prestige for Mr Erdogan, but it is also an important auxiliary to the booming Turkish defence industry. The government has confirmed that it also wants to use its spaceport as a place to test missiles; from Somalia they can safely be fired east. Read more here (subscription required) The post Turkey is building a spaceport in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai . Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 30 madaxweyne ayaa diiradda lagu saarayaa xasilloonida dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda, waxaana Soomaaliland ku marti-qaaday dalka Isku tagga Imaaraadka carabta oo madashan hormuud u ah sida uu sheegay Afhayeenka madaxweyne cirro. Madaxweynaha Soomaaliland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda u duulaan Imaaraadka, safarkii labaad oo muddo bil ka yar uu dalkaas ku tagayo Madaxweyne cirro. Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ayaa Soomaaliland iyo qaar kamid ah maamullada kale ee dalka ula dhaqanta qaab u muuqda sida inay yihiin dowlado madax-bannaan, haddana waxay xariir wanaagsan la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Madaxweynaha JSL Xussen Aadan Cige Dayr ayaa faahfaahin ka bixiyey . Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/02/2025-ka, dhaariyay Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL. Mudanaha la dhaariyay ayaa buuxiyay jago uu dhawaan banneeyay, AHN mudane Diini Cabdilaahi Hande, taasi oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. ALLAA MAHAD LEH Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sanad kaddib markii maamulka Somaliland uu heshiis is-afgarad ah oo dhanka badda ah la saxiixday dowladda Itoobiya, ayaa maamulka cusub ee Hargeysa wuxuu haatan doonayaa inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo dhisay gole wasiirro ah oo aqlabiyad ahaan taageersan in dib loo hagaajiyo xiriirka Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in la soo celiyo saameyntii diblomaasiyadeed ee luntay. Wax yar kaddib doorashadii madaxtinimada Somaliland ee 2024-tii, Maxamuud Aadan Jaamac (Galal), oo ah afhayeenka xisbiga Waddani, isla markaana dhowaan loo magacaabay wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya Taiwan, ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka cusub uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii is-afgaradka badda ee lala galay Itoobiya. “Xisbiga Waddani wuxuu heshiiskaas is-afgaradka badda u arkaa tallaabo khaldan oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u adeegsaday si uu ku qariyo guul-darrooyinkii hoggaamineed, isla markaana uu uga faa’iidaysto siyaasad ahaan ka hor doorashadii madaxtinimada ee 2024-ka,” waxaa sidaas qortay xarun cilmi-baaris oo ku taalla Hagreysa. Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u dhigtay howlihii Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland, xafiiskaas oo sanadkii 2023-kii loo xil saaray inuu wadatashiyo qaran ka sameeyo arrimaha wada-hadallada lala yeelanayo maamulka Somaliland. Cabdikariim Guuleed, oo ah madaxa Xafiiska Ergeyga, ayaa booqasho ku tagay Galmudug sanadkii 2023-kii, taasoo qeyb ka ahayd socdaallo wadatashi ah oo uu ku marayay dalka, xilligaas oo uu socday dagaalkii Laascaanood. Guuleed ayaa si cad oo aan shaki ku jirin u diiday sheegashadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ee ku saabsanayd in xuduudihii gumeysiga lagu saleeyo gooni-isu-taagga Somaliland. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u bilaabo wada-hadallada -maamulka Somaliland, hal sano kaddib munaasabaddii arooska ee sanadkii 2022-kii ka dhacday Jabuuti. Dadaallada Madaxweyne Geelle ayaa horseeday heshiiskii bishii December 2023-kii ee Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa maamulka Somaliland u aqoonsaday hay’ad ka madax-bannaan Dowladda Federaalka, waxaana lagu soo nooleeyay heshiisyo hore oo ay ku jirtay qodob dhigaya “in aan la siyaasadayn gargaarka bani’aadminimo,” qodobkaas oo uu Madaxweyne Biixi u cuskaday inuu saxiixo heshiiskii is-afgaradka badda ee Itoobiya. Heshiiskaas is-afgaradka badda ayaa xumeeyay xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta uusan dhalan heshiiskii Ankara ee 2024-kii, kaas oo ku qasbaya dowladda Addis Ababa inay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si sharciga waafaqsan u raadsato marinno ganacsi oo badda ah. Heshiiskii is-afgaradka badda ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay mabaadii’ cad oo hagta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Halka siyaasiyiinta Muqdisho ay u arkayeen matalaadda Somaliland ee hay’adaha federaalka tallaabo dano gaar ah laga leeyahay, ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah waxa uu matalaaddaas u fasirtay mid lagu taageerayo sheegashadiisa gooni-isu-taagga oo ku dhisan xuduudihii gumeysiga. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday baaqyo loogu jeedinayay inay dib u bilowdo wada-hadallada ay la yeelan lahayd maamulka Somaliland. La-taliye sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri, “Mabda’a hagaya wadahadal kasta oo mustaqbalka dhaca waa inuu ku qasbayaa maamulka Somaliland inuu u hoggaansamo waajibaadka ka saaran ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.” Magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay aqoonsiga ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay Xeer Ciise inuu ka mid yahay dhaxalka dhaqameed ee aan la taaban karin ee adduunka, ayaa dowladda Itoobiya waxay u diiday wafdi ka socday maamulka Somaliland inay khudbad ka jeediyaan munaasabadda. Taas beddelkeeda, waxaa madasha khudbadda loo ogolaaday wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa soo saaray go’aan mamnuucaya in madaxda dalkaasi ay raacaan diyaaradaha qaaliga ah, isaga oo sidoo kale gebi ahaanba joojiyay safarrada aan muhiimka ahayn ee dibadda. Madaxweyne Mahama ayaa ku sababeeyay go’aankan in qarashka lagu bixiyo safarradaasi uu ka yimaado cashuurta dadweynaha, taasoo ah mid loogu talagalay horumarinta dalka. Sidaa darteed, wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in madaxdu si sahlan ugu dhoofaan lacagtii ay dadku bixiyeen, halkii ay wax loogu qaban lahaa shacabka Ghana. Madaxweynaha ayaa xilka la wareegay kadib doorashadii sannadkii hore, wuxuuna dadaal ugu jiraa dhimista kharashaadka dawladda si wax looga qabto xaaladda dhaqaale ee uu dalkaasi wajahayo. Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakamaynayo kharashaadka aan loo baahnayn, si wax looga qabto baahiyaha dhaqaale ee Ghana. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo oo maanta u baxaya dalka Imaaraadka ayaa mar kale martiqaad ka helay dawlada Imaaraadka si loo dhamaystiro heshiisyadii ay dhawaan gaadheen labada dawladood. Sidoo kale waxa ay Madaxweynaha iyo waftigiisu ay halkaasi kaga qayb gali doonaan shir heer caalami ah oo qaadan doona mudo sadex maalmood ah Qaran News
-
Ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa xalay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah ku garaacay mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo ku dhuumanayay nawaaxiga halka lagu magacaabo Qurac ee toggaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay si weyn u garaaceen saldhig kooxda Daacish kaga harsanaayeen aga-gaarka degaanka Qurac ee togga Jeceel kaddib markii ay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah la beegsadeen taasi oo keentay in kooxdu dib uga sii cararaan goobtaasi. Ciidamada oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka hawlgal iyo miino baaris ka wada nawaaxigii ay xalay ka carareen Argagixisada Daacish kaddib markii ay u adkeysan waayeen duqeynta qoryaha waaweyn oo ay adeegsadeen Ciidamada difaaca Puntland taasi oo si ba’an u burburisay dhufaysyo kooxda uga qodnaa nawaaxiga Qurac. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo duqeyn culus kooxda Daacish kaga saaray saldhigyo horleh appeared first on Puntland Post.
-
Iraan ayaa ku goodisay inay xirayso marin biyoodka Hormus ee gacanka Faaris, ayadoo tillaabadaas sheegtay inay uga jawaabayso go’aanka maamulka Trump uu ku dhimayo saliidda ay dhoofiso Tehran. taliyaha ciidamada badda ee ilaalada kacaanka Iran ayaa ka digay in haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe uu ku dhimayo dhoofinta saliidda Iran, dhankooda ay awood u leeyihiin inay xiraan marin-biyoodka Hormuz. Madaxweyne Trump ayaa dhowaan saxiixay amar lagu dhimo saliidda ay dhoofiso Iran, si Tehran loogu cadaadiyo inay ku noqato miiska wada xaajoodka Nukliyeerka, laguna soo rogo cunaqabatayn dhaqaale oo adag. Source: goobjoog.com
-
Danta Istiraatiijiga ah ee Sucuudigu ka leeyahay Somaliland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Danta Istiraatiijiga ah ee Sucuudigu ka leeyahay Somaliland Sucuudiga wuxuu sii xoojinayaa xiriirka uu la leeyahay Somaliland sababo la xiriira xeel-dheerida juquraafiyeed, dhaqaalaha, iyo amniga, gaar ahaan xilligan ay xiisadaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas sii kordhayaan. Halkan waxaa ku xusan sababaha muhiimka ah ee Somaliland ay muhiim ugu tahay boqortooyada Sucuudiga: 1. Xaqiijinta Badqabka Ganacsiga iyo Marinaha Tamarta Xeebta Somaliland ee Gacanka Cadmeed iyo dhowrsanaanta ay u leedahay Bab el-Mandeb waxay ka dhigaysaa mid muhiim ah dhanka ganacsiga iyo amniga badda. Marinkan ciriiriga ah waxaa mara: • 9% shidaalka caalamka, taas oo muhiim u ah dhoofinta tamarta Sucuudiga. • 30% ganacsiga badda ee adduunka, taas oo ka dhigaysa lafdhabarta sahayda ganacsiga caalamiga ah. Marka la eego khataraha ka imaanaya Xuutiyiinta Yemen, ilaalinta marinkan waxay lama huraan u tahay dhaqaalaha iyo tamarta Sucuudiga. Dekedda Berbera ee Somaliland, oo ay maalgelisay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, waxay Sucuudiga siinaysaa beddelka Djibouti, halkaas oo Shiinuhu uu saldhig milatari ku leeyahay. Haddii Sucuudigu xoojiyo doorkiisa Berbera, waxay u suurtogelinaysaa: • Yaraynta ku tiirsanaanta Djibouti iyo la dagaallanka saameynta Shiinaha. • Hubinta in dhoofinta tamarta Sucuudiga aysan istaagin. • Xoojinta gacanta Sucuudiga ee Badda Cas iyo marinada muhiimka ah. Xiriirka Sucuudiga iyo Somaliland wuxuu ka caawin karaa boqortooyada inay xajisato marinada muhiimka ah ee ganacsiga. 2. Ka Hortagga Xulafada Xifaaltanka Kala Dhaxeeya Geeska Afrika wuxuu noqday gobol ay ku loolamayaan dalal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Imaaraadka, Turkiga, Iran, iyo Qatar. • Imaaraadka wuxuu maalgashi badan geliyay Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera. • Turkiga iyo Qatar waxay taageerayaan Soomaaliya, taas oo si adag uga soo horjeedda madax-bannaanida Somaliland. • Shiinaha wuxuu ballaariyay saameyntiisa gobolka isagoo ka faa’iidaysanaya Djibouti iyo Itoobiya, halka Somaliland ay iskaashi la yeelatay Taiwan. Haddii Sucuudigu xoojiyo xiriirka Somaliland, waxay ka caawinaysaa: • Inuu xakameeyo saameynta Imaaraadka, isagoo weli la shaqeynaya. • Inuu xaddido saamaynta Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya. • Inuu carqaladeeyo ballaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Sucuudiga wuxuu heli karaa fursad uu ku xoojiyo saamayntiisa, isla markaana ka hortago in dalal kale awood buuxda ka helaan gobolka. 3. Xoojinta Amniga iyo La Dagaallanka Argagixisada Somaliland waa gobol nabdoon marka loo eego Soomaaliya, waana meel ay adagtahay in Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah ay ka hawlgalaan. Sucuudigu wuxuu la shaqeyn karaa Somaliland si loo: • Looga hortago dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyo saamaynta Iran ee Badda Cas. • Loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedka Gacanka Cadmeed. • Loo xoojiyo iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab iyo argagixisada kale. Somaliland horey ayay uga qaybqaadatay hawlgallada isku-xirka Sucuudiga iyo isbahaysiga Carabta ee Yemen, taasoo muujinaysa inay tahay xulafo lagu kalsoonaan karo. Sucuudiga oo xoojiya iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo badbaadinta marinada badda waxay u sahlaysaa inuu noqdo mid saamayn weyn leh oo Geeska Afrika ah. 4. Ballaarinta Maalgashiga Dhaqaalaha iyo Kheyraadka Marka laga soo tago dhinaca amniga, Somaliland waxay u furan tahay fursado dhaqaale oo kala duwan, sida: • Sahminta shidaalka iyo gaaska, maadaama Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo aan wali si buuxda loo isticmaalin. • Ganacsiga xoolaha, Somaliland waxay tahay mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee xoolaha loo dhoofiyo Sucuudiga. • Xoojinta ganacsiga goboleed, maadaama Somaliland ay tahay marinka ganacsiga Itoobiya, oo ah xulafo muhiim u ah Sucuudiga. Sucuudigu wuxuu horey maalgelin ugu sameeyay dalal badan oo Afrikaan ah si uu u xoojiyo badqabka cunnada, waxaana sii xoojinta xiriirka Somaliland: • Damaanad-qaadaya in xoolaha iyo sahayaha cuntada ay si joogto ah u yimaadaan Sucuudiga. • Fursado maalgelin u abuuri kara Sucuudiga, gaar ahaan dhinaca tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. • Ka dhigaya Somaliland xarun muhiim ah oo kaalmayn karta dhaqaalaha Sucuudiga ee Bariga Afrika. 5. Xoojinta Saamaynta Dibloomaasiyadeed ee Afrika Haddii Sucuudigu si rasmi ah u taageero Somaliland, waxay u suurto gelinaysaa in uu kororsado saamayntiisa Qaaradda Afrika. Inkastoo Midowga Afrika (AU) uu ka soo horjeedo gobollo gooni isku taaga, taageerada Sucuudiga waxay: • Xoojin kartaa aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. • Ka dhigi kartaa Sucuudiga dhexdhexaadiye khilaafaadka Geeska Afrika. • Ka hortagi kartaa saameynta Turkiga iyo Iran ee Qaaradda Afrika. Sucuudigu wuxuu horey u ballaariyay xiriirka uu la leeyahay dalal Afrikaan ah, waxaana Somaliland noqon kartaa meel muhiim ah oo uu kaga faa’iidaysto saameyntiisa gobolka. 6. Maaraynta Qaxootiga iyo Xasilloonida Gobolka Sabab kale oo muhiim ah oo Somaliland u tahay xulafo la isku halayn karo ayaa ah xasilloonideeda marka la barbar dhigo Soomaaliya iyo Yemen. • Waxay yaraynaysaa qulqulka qaxootiga u sii socda Sucuudiga iyo Khaliijka. • Waxay yareynaysaa saamaynta dhibaatooyinka ka dhasha dagaallada gobolka. • Waxay kor u qaadaysaa dadaallada horumarinta, taasoo hoos u dhigi karta baahida gargaar bini’aadanimo. Haddii Sucuudigu taageero horumarinta Somaliland, waxay caawin kartaa xasilinta dadka, taasoo yaraynaysa qaxootiga iyo dhibaatooyinka la xiriira muhaajiriinta. Gunaanad Somaliland waxay u tahay Sucuudiga fursad istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh: • Xoojinta amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. • Ka hortagga saameynta Imaaraadka, Turkiga, Iran, iyo Shiinaha ee Geeska Afrika. • La dagaallanka argagixisada iyo xasillinta gobolka. • Kobcinta xiriirka ganacsiga iyo maalgelinta Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Sucuudiga iyo Somaliland wuxuu la kulmi karaa caqabado, gaar ahaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, oo aan aqoonsan Somaliland. Sidaas darteed, Sucuudigu wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyad taxaddar leh si uu u gaaro danihiisa isagoo iska ilaalinaya xiisado siyaasadeed oo aan loo baahnayn. BIDHAAN XAAJI DAAHIR Qaran News -
Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay. Saraakiisha Israa’iil ayaa soo keediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga. Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga. Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah. Bbcsomali Qaran News
-
Meydka ugu yaraan 28 tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin saxare ku yaalla koonfurta bari ee dalka Liibiya, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi. Xabaalaha ayaa laga helay waqooyiga Kufra, maalmo uun kadib markii xabaal wadareed kale oo 19 meyd ah laga helay beer ku taal isla magaaladaas. Saraakiisha ayaa helay xabaalaha ugu dambeeyay kadib weerar lagu qaaday goob dadka lagu tahriibiyo, halkaasoo mas’uuliyiintu ay ku sii daayeen 76 muhaajiriin ah oo la xiray lana jirdilay, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo dhigay Facebook. Hal Liibiyaan ah iyo laba ajaanib ah ayaa la xiray, ayay raacisay. “Waxaa jirtay koox burcad ah oo xubnaheedu ay si bareer ah xorriyadda uga qaadeen tahriibayaal si sharci darro ah u soo galay, way jir dileen, waxayna u geysteen dhibaatooyin naxariis la’aan ah oo xun, oo ceebeyn iyo tacaddi ka dhan ah bini’aadamnimada,” ayaa lagu yiri warbixinta. Sawirrada lagu wadaagay internetka – oo BBC aysan si madax-bannaan u xaqiijin – waxay muujinayaan booliska iyo mutadawiciinta oo ciidda qodayay ka hor inta aysan maydka gelin bacaha madow. Waxaa weli socda baadigoobka oo laga sameynayo Kufra oo in ka badan 1,700 kilomitir (1,056 meyl) u jirta caasimadda Liibiya ee Tripoli. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in meydadka la helay loo qaaday si baaritaano loogu sameeyo, iyadoo baarayaashu ay tuhunsan yihiin inay xiriir la leeyihiin shabakadaha wax tahriibiya. Maamulka ayaa diiwaangelinaya marqaatiyada kuwa badbaaday dhacdada. Sannadkii hore, xabaalo-wadareed ay ku jiraan ugu yaraan 65 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga helay Koonfur-galbeed ee Liibiya. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ku tilmaantay arrin aad looga naxo waqtigaas. Tan iyo markii la afgambiyay hogaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadi 2011, dalkaasi waxa uu noqday marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee halista ugu jira saxaraha halista ah iyo marinka badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub. Unicef ayaa sheegtay in sanadkii 2024-kii tirada dadka ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka ee isku dayay in ay gaaraan Yurub ay kor u dhaaftay 2,200 oo qof. Qaran News
-
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay dadka reer Qasa ka saarto dhulkooda la burburiyay, islamarkaana dalal kale ugu masaafiriso. Hadalka uu madaxweyne Erdogan ka yiri gegiga diyaaradaha magaalada Istanbul, asagoo ku sii jeedday dalka maleesiya ayaa ku soo beegmaya xilli dunida Muslimka ay si weyn u diidan tahay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo doonayo in lagu barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa. “Waxaan jeclaan lahaa in aan si cad u sheego in soo jeedinta ay soo bandhigeen maamulka cusub ee Maraykanka ee ku saabsan Qasa kuma jiraan wax qiimo ah oo tixgelin ama ka doodis mudan aragtidayada,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Maamulka Trump ayaa wada qorshe ay dunida Islaamku si weyn u diidantahay oo ku saabsan mustaqbalka marinka Qasa, ayadoo Trump uu saacado ka hor sheegay inuu doonayo inuu iibsado guud ahaan Qasa,ka dib qeybo kamid ah uu dalal kale siin doono. Source: goobjoog.com
-
Kimilili MP Didmus Barasa has insisted that the Somali community from the Northern region are Kenyans. Source: Hiiraan Online
-
dawlad cusub ayaa la filayaa in laga dhiso Suudaan ah dib markii militarigu ay si buuxda u wada qabsadaan magaala madaxda Khartoum, ilo-wareedyo milateri ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. madaxa ciidamada Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ku meelgaar ah oo ka shaqayn doonta soo afjaridda kooxda RSF iyo Xasillinta dalka, sida ay sheegeen ilaha militari ee ay soo xigatay Reuters. Ciidamada Suudaan oo muddo dheer dagaal kula jira fallaagada RSF ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dib u qabsaday inta badan degmooyinka caasimadda Khartoum, iyagoo go’doomiyay qasriga madaxtooyada oo ay gacanta ku hayso maleeshiyada RSF. Dagaalka Suudaan uu qarxay bishii Abriil ee sanadkii 2023 ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in ka badan 12 milyan oo qof, halka burbur baahsan iyo xaalado bini’aadantinimo oo aad u xuni ay colaadda ka dhasheen. Source: goobjoog.com
-
Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Puntland Soomaaliya iyo Qabiillada Hoggaanka Kooxda! 1) Cabdulqaadir Muumin Yuusuf; Majeerteen, Cali Saleebaan. Waa aas-aasaha iyo aabaha kooxda Daacish Soomaaliya, iyo Amiirka Daacishta Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa wadaad, oday dhaqameed, iyo qurbajoog hore oo Boqortooyada Ingiriiska ku noolaan jiray. Waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay sannadkii 2010 asaga oo markaas kooxda AS ku biiray. Sannadkii 2015 ayuu AS ka goostay oo uu aasaasay garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya. 2) Mahad Macallin Jajab: Majeerteen, Cali Saleebaan. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaannaa Caaw Geelle, waa madaxii hore ee Xafiiska Dacwada kooxda, sidoo kale waxa uu hore soo noqday ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda kooxda. Hadda waa mid ka mid ah Ku-xigeennada Cabdulqaadir Muumin. Sannadkii 2018 ayaa Mahad Jajab lagu daray liiska argagixisada caalamiga ah ee Mareykanka, waxaa na lagu eedeeyay in uu dagaallamaayaal iyo hub badan soo galiyay Soomaaliya. 3) Cabdiraxmaan faahiye Ciise: Harti, Dashiishe. Waxaa kooxda dhexdeeda looga yaqaannaa Axmed Aadan, Khaalid, iyo Yacquub. Waa mid ka mid ah ragga ugu sarreeya kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Amiirka kooxda. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in uu Ina Faahiye hadda yahay Amiirka Daacishta Soomaaliya, maadaama uu Cabdulqaadir Muumin noqday Amiirka Daacish ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxaa lagu eedeeyaa in uu agaasinkiisa lahaa qarax is miidaamin ah oo kooxdu Boosaaso ka fulisay sannadkii 2017. 4) Abuu Yuusuf; Majeerteen: waa madaxa Ajaanibta kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu dhalasho ka heystaa dalka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa. 5) Cabdixakiin Dhoqob; Majeerteen, Cali Saleebaan. Waxa uu ahaa Macallin Iskuul oo hore iyo hoggaankii kooxda AS ee gobolka Bari. Waxa uu soo qabtay madaxa arrimaha siyaasadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdixakiin waxaa lagu dilay duqeeyn ciidanka Mareykanku la heleen baabuurkiisa oo marayay deegaanka Xariiro ee gobolka Bari. Cid lagu badalay wali lama oga. 6) Xamse Fareey; Majeerteen: Waa madaxa dacwadda ee kooxda Daacish Soomaaliya, mahad macalin ayuu na beddelay oo xafiiskan hore u maamuli jiray. 7) Macalin Bashiir; Majeerteen: kooxda looga dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa Cabdullaahi-Buur. Waxa uu ka tirsan yahay saraakiisha sarsare ee xafiiska dacwadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdiqani Luqmaan; Majeerteen, Cali Saleebaan: waa madaxa howlgallada ciidanka ee kooxda Daacish Soomaaliya. Dadka qaar ayaa sheegaya in ninka magacan wata uu Leelkase yahay oo aanu Harti aheyn. 10) Fahad Aboole; Ogaadeen: waa madaxa loojiistikada kooxda Daacish Soomaaliya. 9) Abuu Xafsa; Gaaljecel: Waa Ku-xigeenka madaxa howlgallada ciidanka, waxa uu ku xigaa Cabdiqani Luqmaan. Waa Nin dhalinyaro ah oo dhamaadka da’da 20aadka ilaa billowga 30aadka ku jira. Waxa uu hore uga tirsanaa AS oo uu Hiiraan kaga biiray. Waxa uu ka mid yahay xubnaha dhalinyarada bartamaha iyo koofurta dalka kooxda uga soo duma. 11) Xamaas; Xawaadle: waa madaxa guud ee ciidanka kooxda Daacish Soomaaliya. Xamaas iyo Abuu Xafsa oo labadu ba reer Hiiraan ah ayaa loo badinayaa in ay fududeeyeen in kooxda Daacish Soomaaliya ay unugyo howlgallo fulin kara Beledweyne ku yeelato. Hore ayay kooxdu u sheegatay in ay Beledweyne dhowr howlgal ka fulisay. 12) Jacfar Dabaashaan; Majeerteen, Cismaan Maxamuud. 13) Cabdirashiid; Qabiilkiisa la ma hayo: waxa uu isku hayaa madaxa Sirdoonka iyo madaxa xafiiska hubka iyo agabka dagaalka. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaan Mukhtaar. Waxa uu xariir fiican la leeyahay Burcad Badeedda iyo ganacsatada Yeman hubka ka soo dhoofisa. Hoggaanada kale ee kooxda waxaa ka mid ah: Cabdiwali Maxamuud Aw Yuusuf Walah (Majeerteen, Cali Saleebaan); Abshir-Gardheere Maxamuud Mire; Jaamac-Dheere Ismaaciil Saciid Saalax; Axmed-Beerdhagax . Hassan Kaabe Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan qayb ka noqon doonin qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka soo jeeda Gaza, kadib markii warbaahinta Israa’iil iyo UK ay soo tebiyeen warar sheegaya in gobollo gooni u goostay iyo kuwa ismaamula ee Soomaaliya ay qaabili karaan dadka reer Gaza. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshe si weyn loo cambaareeyay oo Mareykanku ku qabsanayo una dib u dhisayo Gaza, isagoo qorsheynaya in dadka deegaanka laga saaro laguna beddelo “guryo cusub oo casri ah” oo ku yaalla gobolka. Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya aysan qayb ka noqon doonin “siyasadaha barakicinta ee Mareykanku u qorsheeyay Falastiiniyiinta.” Soomaaliya oo diiday qorshaha Gaza Bayaan ay goor dambe soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah. Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.” Somaliland waa gobol waqooyiga Soomaaliya ku yaalla oo ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991, balse ilaa hadda aan si rasmi ah loo aqoonsan. Puntland waa gobol ismaamul ah oo sidoo kale ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kana soo horjeeda siyaasadaha dawladda federaalka. Wuxuu sanadkii hore xiriirka wada-shaqeyn u jaray dowladda federaalka. Khamiistii la soo dhaafay, wargeyska Daily Telegraph ee UK ayaa soo xigtay danjiraha Israa’iil u fadhiya Pacific Southwest, Israel Bachar, oo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza lagu wareejin karo Puntland, Somaliland, iyo sidoo kale Marocco. Wuxuu sidoo kale soo xigtay Yacob Mohamed Abdalla, wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, oo sheegay in gobolka uu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo qaxootiga Gaza haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. Afhayeen hore oo u hadlay maamulka Puntland, Cabdullahi Maxamed Jaha, ayaa la sheegay inuu ku soo qoray bartiisa Facebook in dadka Gaza ay wadaagaan diinta Islaamka reer Puntland, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” gobolkaas saboolka ah. Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in Puntland ay heli doonto fursado “ammaan iyo horumar dhaqaale” haddii ay qaabilaan dadka Gaza, sida uu sheegay wargeyska Telegraph. Dhinaca kale, Abdirahman Keelo, oo ah cilmi-baare dhanka sharciga ka tirsan Puntland, ayaa u sheegay Caasimada Online in sheegashooyinkan ay yihiin “riyo maalmeed,” marka loo eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka, oo wajahaya faqriga iyo horumar la’aanta baahsan. “Tani waa fikir aan macquul ahayn iyo aragti waalan,” ayuu yiri Keelo, isagoo intaas ku daray in “barakicinta qasabka ah ay mamnuuc ka tahay sharciga bini’aadannimada caalamiga ah, sidoo kalena ay cadahay in maamulka Mareykanka uu ka sii fogaanayo caqliga intii uu Trump xilka hayay, iyadoo hadalladiisu ay is burinayaan.” “Ma gaari karno gabagabo macquul ah oo ku saleysan hadalladiisa, xitaa haddii ay ka soo baxaan isaga,” ayuu Keelo hadalkiisa ku daray. Puntland oo iska fogeysay hadallada Yacquub Goor dambe, war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa ay Puntland isaga fogeysay hadallada Yacquub Maxamed Cabdalla. Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda. “Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Wadahadallada ku saabsan barakicinta dadka Gaza ee loo wareejinayo gobollo ka tirsan Soomaaliya iyo Marocco ayaa billowday kadib markii Masar iyo Urdun si adag uga soo horjeesteen qorshaha Donald Trump. Dagaalka Israa’iil ee 15 bilood ka socday Marinka Gaza ayaa si weyn u burburiyay deegaankaas, iyadoo ugu yaraan 61,707 qof lagu dilay, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
-
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaariyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo isku fidiyay deegaanno hor leh oo ay kamid yihiin Hararyo ilaa Qurac ee Togga Jaceel. War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ayaa lagu sheegay in ciidanka ay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ballaaran ka sameeyeen deegaanka Hararyo, isla markaana ay ku sii fideen dhanka Qurac, halkaas oo ay ugu tageen saldhigyo ay horey u daganaayeen kooxda Daacish. Hawlgalka ay wadaan ciidamada Puntland ayaa ah mid lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysta dhulka buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee Puntland. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ciidanku sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga cirib tiro kooxaha khatarta ku ah amniga deegaannada Puntland. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Israa’iil Ciidankiisa ayaa maanta bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Source: goobjoog.com