Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhagax-dhigay Cusbitaalka Maanka ee Degmada Berbera. Berbera-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo magaalada Berbera ka dhagax-dhigay cusbitaalka Maanka ee Degmada Berbera oo ah mid casri ah, Iyadoo cusbitaalkii hore ee loo yaqaanay jeel magnuunku uu dhisan yahay muddo dheer oo ah 93 Sanno sidaa awgeedna loo baahday dhisme casri ah oo la jaanqaada wakhtigan casriga ah. Waxaana halkaa ka hadlay oo ku dheeraaday ahmiyada cusbitaalkaasi u leeyahay degmada Berbera wasiirka Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi), Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), gudoomiyhaha Gobolka Saaxil mudane Cali Cabdilaahi Cabdi (Cali Case), Xildhibaan Cali Jaamac Carraale (Cali Qaran) iyo, Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil Dr-Mubarik Yasiin Warsame. Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahanqay cid kasta oo arrintaa gacan ka geysatay una duceeyey dhismaha iyo maayarka Berbera oo dedaal badan geliyey magaalada iyo bilicdeeda. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay weerar qarax ku billowday iyo dagaal toos ah oo ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Afhayeenka ayaa xusay in weerarkaas oo ay Al-Shabaab u adeegsatay gaari laga soo buuxiyay walxaga qarxa ku qaadeen saldhigga degmada, balse waxa uu tilmaamay inay iska difaaceen ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Xasilinta ee Boolis Milataaro. Doodishe ayaa xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay laba askari, laguna dhaawac saddex kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray. “Khasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah dhimashada laba askari oo kamid ahaa ciidankii halkaa Khawaarijta kula fal-galay oo ka difaacay iyo dhaawaca saddex kale” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu kooban yahay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, balse ay dhaawacyo fudud soo gaareen laba qof oo ay rasaasta ugu tegtay guryahooda. “Xaafadaha saldhigga u dhowaa ayaa dadkii shacabka guryaha ugu tegtay rasaasta, sidaas daraadeed laba qof ayaa dadka shacabka ah dhaawac fudud ka ah” ayuu sii raaciyay. Sadiiq Doodishe oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in jab xoogan la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, ayna jiiteen meydad iyo dhaawacyo. “Ciidamada saldhigga ku sugnaa waxay jab xoogleh gaarsiiyeen Khawaarijta oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaan tegnay goobihii ay ku baxsadeen oo dhaawacyo iyo meydadkooda ay ku jiiteen” ayuu mar kale yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya. Ujeedka ay kooxda weerarkan ka damacsaneyd ayuu sidoo kale ku sheegay inay isaga jeedineysay culeyska iyo cadaadiska ka soo food saaray howlgallada ka socda gobollada. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee ka dhacaya gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ifka Xalane, kaas oo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay duqa Muqdisho. Sidaan oo kale Al-Shabaab waxa ay horey ugu soo weerareen degmada Dayniile oo iyana ku taalla koonaha magaalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare xoogan. The post Booliska oo faah-faahiyey khasaaraha dagaalkii KAXDA appeared first on Caasimada Online.
  3. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Waxaa marar badan muuqanay khayaano iyo dhagar khatar ah oo xeeladeysan inay ka dambeyso dadka Orommada ah ee dalka ku soo yaacay, mana aha mid la qarinayo oo waxaa si caddaan ah marar badan aad shacabka uga maqleysaa inay dantoodu tahay is fidin iyo dhul raadin ay la ogtahay dowladooda. Waa dhab Oromo iyo inanga xiriir sokeeye ayaan lahayn, waxaana jirta in dad badan oo Oromo ah oo ka soo cararay dulmigii iyo addoonsigii Xayle Salaase ay Soomaaliya u soo caraeen, dadkaas waxaa ka mid ahaa hoggaamiye sare Alle ha u naxariistee General Waqoo Guutu oo isagu ka soo baxsaday Bali, markii ay halkaas kacdoon ka sameeyeen shacabkii Booranta ahaa, Waaqoo iyo dad badan oo la soo baxsaday waxaa loo soo dhoweeyay si weyn iyadoo aan loo kala harin shacab iyo dowladba, dadkoodii shacabka ahaa ee ka soo tallaabay xudduudda waxaa la dejiyay oo lagu soo dhoweeyay gobolka Gedo, Waaqoo Guutu iyo saraakiil kale oo la socotayna waxay dowladdii Soomaaliyeed u fidisay gacan weyn haddii ay ahayd mid ciidan iyo mid siyaasadeedba. Waxaa xeryo taba-bar looga furay dalka Soomaaliya, iyadoo maalin kasta dhallin yarrada Oromada ah ee xadka ka soo tallaaba la soo dhoweeyo si ay ugu biiraan ciidammada isu diyaarinaya inay Oromia ka xoreeyaan boqortooyadii Amxaarrada ee addoonsaneysay. Waxaa iyadana xusid mudan in ciidammadii Oromada/Somali-Abbo markii ay dagaallada galeen ay la socdeen ciidamo si mutadawacnimo ah uga garab dagaalamayay oo Soomaaliyeed. Waxay middaas ku tuseysaa in dadka Soomaliyeed ay hiil iyo hooba tareen oo aysan marna uga harin ama ku cidleyn halgankii ay ku jirtay Oramada, illaa iyo intii laga ridayay xukunkii Casaa ee Derga ee uu hoggaminayay dhiigyo cabkii Mengistu Xayle Maryam. Xaalladihii berigaas waxay ahaayeen kuwo laga garaabi karo waxayna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si buuxda u tabantaabiyeen shacabka Oromada ah oo markaas wajahay duruuf adag waxaana arrin xusid mudan ah in shacabkii Oromada ahaa ay dalka si xoriyad buuxda ah ugu noolaayeen. Hasa yeeshee, xaaladda maanta taagan iyo sheekada Itoobiyaanka siiba Oromada ka soo talaabaya xudduudaha dalka aad bay uga fogtahay sida dhallin-yarrada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u fahamsanyahay ama ay is moodsiiyeen. Arrintan waa arrin walaaceeda leh oo aan la dhayalsan karin marka la fiiriyo siyaasadda nidaamka maanta ka arrimiya dalkaas Itoobiya. Waxaa la oran karaa dadka soo yaacaya ee xadka soo goynaya waa qorshe jeexan oo ay si ku talo gal u samaysay dowladda Itoobiya, waxaana taas cadayn u ah sida kibirka iyo is yeel-yeelka ahayd ee uu uga hadlay wasiirkii hore ee Is-gaarsiinta Negeri Lencho iyo guud ahaan xukuummaddii Xayle Maryam Diseleen (Hila Mariam Desalegn) markii uu maamulka Somaliland bishii September 2017, dad badan oo Itoobiyaan ah ku celiyay dalkooda. Wasiirkaas hore, Lencho, ayaa isagoo la moodo inuu handdadaad uga dan leeyahay sheegay inay aad uga xannaaqday dowladda Itoobiya dadkaas la soo celiyay, iyadoo waliba ku doodaysa in dad Oromo ah oo muddo dheer deggenaa Somaliland la soo bara-kiciyay!…La soo bara-kiciyay?! (Dispalced) yaa?! Sidii dad dalkoodii laga soo saaray, iyagoo u ekeysiinaya in dadka Itoobiyaanka ah joogitaankooda ahaa mid sharci ama sharci deggenaansho ku joogay Soomaaliya, walina si aan kala go’ lahayn bay dadkaas Itoobiyaanka ah ugu soo qulqulayaan Soomaaliya iyadoo aad moodo in dadkii mas’uuliyiinta ahaa iyo hay’adihii amniga aysan ku baraarugsaneyn. Marka hore waa in la fahmaa dadka Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya u soo talaabaya inay tahay arrin shaci darro ah, inay meel ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya, una baahantahay in laga hor tago oo la joojiyo, isla markaasna ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka dhiidhiyo oo ilaaliyo xudduudda dalka, siiba dhallin-yarrada. Dadkaan ma aha qaxooti, dalkooda waa nabad, ama ugu yaraan wali dowlad iyo nidaam baa ka jira, Soomaaliyana ma aha hay’ad sama-fal ee waa dowlad, qaran xudduudo iyo xeerar iyo qaynuun ilaaliya leh, sidaas daraadeed dhallin-yarrada iyo guud ahaan dad-weynaha Soomaaliyeed waa inay sidaas fahamsanaadaan, xudduudaha dalkana sababo bini-aadminimo iyo magan-gelyo-siyaasadeed qofna looguma oggolaan karo inuu uga soo talaabo haddii aysan baaritaan ku samayn hay’adaha ku shaqada leh oo aysan iyaga sidaas oggolaan!…Midda kale dhallin-yarrada waa inay maanka ku hayaan oo ay dareensanyihiin xaaladda dalka Soomaaliya ku jiro iyo inaysan jirin cid si buuxda ula socota dadka xuddudaha dalka ka soo talaabaya iyo waxa ay yihiin, waxaana muuqata in guud ahaan mas’uuliyiinta dalka heer Federal ilaa iyo heer gobol ay si isku mid ah uga aamuseen qabashada hawlihii ay kitaabka u mareen sababaha ay sidaas u yeelayaanna wax badan innagama qarsoona, mar haddii ay sidaas tahay waxaa lama huraan ah oo waajiba noqonaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu iskii isu xilqaamo una istaago ilaallinta qaranimada isagoo aan xad-gudbayn wixii lama huraan ahna aan ka tageyn. Waxaa arrin ceeba ah in nin mas’uul sheeganayo marka la soo hadal qaado Itoobiyaanka xudduudaha sida sharci darrada ah uga soo talaabaya uu yiraahdo “Waa dad gaajaysan oo nolol doon ah!…. Waa dad ina soo magan galay!…” hadii aan labadaas wax ka qaban karayno dowladda may ku dhawaaqdo in dadka Soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga Kenya ku jira dalkooda lagu soo celiyo?!…waxaana intaas dheer oo la doonayaa in dhallin-yarradu fahamto inay jiraan dad wax ka og barnaamijka dadkaas Itoobiyaanka ah ay ku socdaan oo Soomaali ah oo hadalladaas iyo kuwo la mid ah ku marin habaabiya dadka shacabka ah; inay nolol doon yihiin lama diidana, inay Muslimiin yihiin lama diidana, laakiin ha ku yimaadaan nidaam qaynuun ah si waafaqsan xeerarka dalka Soomaaliya u yaala. Dhallin-yarrada Soomaaliyeed, waxaa marka u horeysa ka muuqda habacsanaan, iyo inay saameysay dabeecadaha waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku marin habaabiyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii dalka. Waxaa si dhib yar shisheeyaha dalka jooga ay u dheehan karaan aadna u dareensanyihiin inaysan jirin dhallin-yaro uu fikir dal jacayl ah ku jiro, ama hami ah dib u soo celinta haybaddii qaranimo ee dalkooda…waxay dareemayaan dhallin-yaro u jajaban oo innaba ha yaraatee aan wax shaki ah ka qabin waxa uu ku salaysanyahay joogitaanka qofka ajnabiga isagoo waliba mararka qaarkood xoriyaddiisu ka sareyso qawaaniinta dalka u yaala, waxay dareemayaan dhallin-yarradu inaysan aqoon qiimaha dalkoodu leeyahay!…waxaa intaas oo dhan ka sii daran in dhallin-yarradu aysan wax xiriir ah lahayn oo ku kala go’doomeen xayndaabyo ay sameeyeen oo ku kala qoqobeen madax iyo siyaasiyiin garashada iyo aqoonta ay leeyihiin ay tahay midda dalkooda u yeeshay aragga uu maanta leeyahay!…Aah!…. La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 3aad appeared first on Puntland Post.
  4. Egypt’s petroleum ministry on Tuesday announced a new oil discovery in the Geisum and Tawila West Concession in the Gulf of Suez. The new discovery was made by Egypt’s Cheiron through exploration well GNN-11, currently producing more than 2,500 barrels a day, the ministry said. The well is the fourth to be completed and another three wells could be drilled as part of the current phase of exploration, the ministry said. Total output from the field, located in North Geisum, has reached about 23,000 barrels per day, the ministry added. Source Reuters Qaran News
  5. (SLT-Laascaanood)-Dagaal u dhexeeya ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo maleeshiyaadka huwanta ah oo maalintii labaad oo xidhiidh ah ka socda bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Rasaas goos goos ah ayaa haatan laga maqlayaa goobaha ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya magaaladaasi. Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan magaalada Laascaanood, ay soo weerareen ciidamada Puntland, argagixiso iyo maleeshiyaad. Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay waddaamada gobolka, Bariga Afrika iyo beesha caalamkaba ay ogaysiinyso in weerar lagu soo qaaday ciidankeeda ku sugan aaga Maraaga iyo Xargaga ee duleedka Laascaanood. “Xalay iyo maanta ciidamadayadu waxay wajaheen dagaalo ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland, kuwaasi oo kaashanaya ciidamada maleeshiyaadka ka howlgala Laascaanood, iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda. Somaliland daan daansi ayay ku sheegtay weerarka, iyada oo sheegtay in ciidankeedu ay si guule iskaga difaaceen, isla markaana ay ka go’antahay in ay difaacaan dhulka Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in ciidamadaas ay rabaan in ay burburiyaan nabada, iyaga oo ka shaqaynaya danta Puntland. Muuqbaahiyaha ku hadla afka xukuumada, ayaa sheegay in ciidamada ay sheegeen in ay weerarka soo qaadeen laga gubay 5 gaadhi, isla markaana laga qabsaday dhul cusub, sidookale waxa uu soo bandhigay ciidamo uu sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada kasoo horjeeda. Madaxda Ciidamada SSC ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan weeraro isdaba joog ah, oo Somaliland lagaga fogaynayo Laascaanood, ilaa iyo hada ma jiraan ilo madaxbanaan oo laga ogaan karo cida dagaalka qaaday, iyo khasaaraha midna. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha guud ee qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta shir jaraa’id oo muhiim ah ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo qaarkood taabanaya dowlad goboleedka Puntland. Shirkan jaraa’id ayaa si gaar ah ugu saabsanaa hagaajinta maamulka guud ee dowladda, hubinta waafaqsanaanta shuruucda Somalia ee dhammaan heshiisyada u dhexeeya dowladda federaalka iyo shirkadaha shisheeye, fulinta talooyinka hantidhowrista ee kusoo baxay warbixinta hantidhowrka ee sanad maaliyadeedka dhammaaday ee 2022-kii. Ugu horeyn hanti dhowraha ayaa soo saaray awaamir ku socoo hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo kuwa aan dowliga aheyn isaga oo faray inay u hoggaansamaan shuruucda u taalla dalka ee ilaalinta hantida guud ee ka wada dhexeysa Ummadda Soomaaliyeed. “Hay’adaha dowliga aheyn ee fuliya mashaariicda mid horumarineed iyo mid bani’aadanimo ee laga maal geliyo lacagta dowladda, ayna ku jirto lacagta deeq-bixiyeyaasha waxaa mas’uuliyadda lagula xisaabtamayaa sarkaalka idman ee hay’addaas. Dhammaan heshiisyada deeqaha hay’adaha dowladda, dowlad goboleedyada iyo hay’aha ganacsiga ee dowladda waa in laga diiwaan-geliyaa xafiiska hantidhworaha guud ee qaranka ee heer federaal iyo heerka xafiiska hantidhowrka ee dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guutaale. Sidoo kale hantidhowraha oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay iibisay laba xero oo ay ciidamada Xoogga dalka ku lahaayeen gobolka Mudug, isla-markaana waxa uu tilmaamay in lagu iibiyay lacag dhacan 20 Milyan oo lagu daray dhismaha dekeda Garacad. “Dekedda Garacad asalka maal-gelinteeda waxaa qayb ka ah dakhli kasoo baxay xeryo kamid ah kuwii ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Mudug,sida xeryah kabidda iyo siinaay oo dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland ku iibisay lacag ku dhow 20 Milyan, kadibna ku dartay maal-gelinta mashruuca dhismaha dekedda Garacad” ayuu yiri Hantidhowruhu. Axmed Ciise Guutaale ayaa xusay in hatidaas ay tahay hanti guud oo ay ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaas ay kamid yihiin hantida dowladdii dhexe. “Dakhligaas waa dakhli guud oo ay wada leeyihiin dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaasi ka mid yihiin hantidii dowladdii dhexe, kahor qaadashada federaalka, sidaas oo kalena ay yihiin xeryihii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu mar kale sii raaciyay. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhammaan hantida noocaas ah ee dowladda federaalka ah oo maanta ah laba heer ay ka dhaxashay dowladdii hore waa hanti guud oo u dhexeysa dadka Soomaaliyeed, waxaana mas’uul ka ah dowladda federaalka”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay ay Puntland xarigga uga jartay dekedda Garacad oo laga hirgeliyay xeebaha gobolka Mudug, waxaana ka qayb-galay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. The post DF Soomaaliya oo sheegtay in Puntland ay iibisay xeryihii ciidanka xoogga, kuna dhistay… appeared first on Caasimada Online.
  7. In cooperation with Kuwait Red Crescent Society (KRCS), Qatar Red Crescent Society (QRCS) has completed the 'Food Parcels for IDP Camps' project in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - At least two government soldiers were killed and several others wounded after a fight between security forces and al Shabab militants in southern Mogadishu on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  9. Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo maalintii labaad oo xiriir ah ka socda bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Rasaas goos goos ah ayaa haatan laga maqlayaa goobaha ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in mararka qaarkood ay soo dhacayaan madaafiic, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Milatariga Somaliland ayaa la sheegay inay dagaalka soo qaadeen, waxaana iska caabin ay kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan ayaa soo billowday shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, kaas oo ay barbar socotay duqeyn lagu garaacay bartamaha magaalada oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac, Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo kamid ah golaha Hoggaanka SSC ayaa BBC-da uga warramay xaaladda Laascaanood iyo dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi. Waxa uu sheegay un duulaanka uu soo qaaday madaxweyne Muuse Biixi, isla-markaana madaafiic la eegtay goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah. “Wuxuu ahaa weerar uu soo qaaday Muuse Biixi , dagaalkuna wuxuu ahaa dagaal uu isagu soo qaaday markii madaafiic ayuu magaalada la dhacay dhinac walba waa kala dhacyay uma tirin goobaha bulshada, kuwa qaaska ah iyo kuwa caamka ah” ayuu yiri Xaaji Diiriye. Sidoo kale wuxuu shaaciyay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo uu mid kamid ahaa askari ka tirsan SSC-Khaatuma, halka 4 kalena ay ahaayeen dad rayid ah. “Annaga hal askari ayaa naga shahiiday Allaha u naxariisto, laakiin dad shacab ah oo afar ayuu dilay oo maadfiicdii ku laayay, kuwaas oo uu jiro oday waayeel ah” ayuu raaciyay. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC. The post Dagaal laba maalmood qaatay oo ka socda LAASCAANOOD + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Weerarkan ayaa ku billowday qaraxyo, kadib markii gaari laga soo buuxiyay lagu dhuftay saldhigga degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanke ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka oo dhacay saq dhexe uu xooganaa, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ay afar jiho ka weerareen Kaxda, sida saldhigga, xarunta degmada iyo laba xarun oo ay ku sugnaayeen ciidamada xasilinta. Dagaalka dhex-maray labada dhinac ayaa si weyn looga dareemay caasimada, waxaana la maqlayay daryanka hub culus, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka deegaanka. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkam ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay tiro kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ammaanka. Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, inkastoo raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda. Sidoo kale waxaa saaka goobaha la weeraray tegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga oo wada baaritaano dheeraad ah. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay askar badan ku dishay sidoo kalena hub iyo gaadiid ay ku fuartay. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee ka dhacaya gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ifka Xalane, kaas oo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay duqa Muqdisho. Sidaan oo kale Al-Shabaab waxa ay horey ugu soo weerareen degmada Dayniile oo iyana ku taalla koonaha magaalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare xoogan. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAXYO ku qaaday degmada KAXDA appeared first on Caasimada Online.
  11. NEW YORK, Aug 22 (Reuters) - Facebook parent company Meta Platforms (META.O) on Tuesday released an AI model capable of translating and transcribing speech in dozens of languages, a potential building-block for tools enabling real-time communication across language divides. Source: Hiiraan Online
  12. In recent years, Türkiye has played a significant role in promoting peace and stability in North and East Africa. Going forward, Turkish diplomats are poised to take on a key role in addressing Africa's challenges Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda hoose ee Xamar ayaa heshiis la gaartay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo ku aadan bilaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka magaalada Muqdisho, si loo helo xoog koronto tayo leh. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyradka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadda heshiiska lala galay, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa goob-joog ahaa heshiiska. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay magaalada Muqdisho oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyradka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Ibrahim Maxamed Cali ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu Xamar u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto. PUNTLAND POST The post Dowladda hoose ee Xamar oo saxiixday heshiis koronto looga dhalinayo Qashinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. As the world marked the International Day of Remembrance of and Tribute to the Victims of Terrorism Monday, a new study reported a 50 percent increase in deaths last year from militia groups in Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Hundreds of Somali families moved to Lewiston between 2001 to 2003. After years of growing pains, a diverse community better prepared to help asylees emerged. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada huwanta oo ka kooban Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa illaa 40 KM u jirsaday Ceelbuur waxayna haatan wadaan gulufkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan inay gudaha ugu galaan magaaladaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug Cali Baashi Cabdulaalhi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda aagga Ceelbuur, wuxuuna sheegay inay ciidamada huwanta ay u dhaqaadeen degmadaasi. “Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya waxaa in muddo ah socday guluf howlgallo ah oo lagula jiray maleeshiyaad Khawaarijta, muhiimadda waxa ay aheyd in laga gacabn maroojiyo magaalooyinka ku haray gacantooda” ayuu yiri Cali Baashi Cabdullahi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan guud ahaan gacan ku heynta degmada Ceelbuur oo uu sheegay inay tahay magaallo istaraatiiji ah. “Ceelbuur waxay ka mid tahay degmooyinka ku haray gacanta cadowga insha allah waxaan rajeyneynaa saacadaha soo socda inaan ka fara maroojino istaraatiiji ah Ceelbuur waxay noqon doontaa degmadii ugu dambeysay oo aan gacanta ku dhigno” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dadka deegaanka ku amartay inay isaga barakacaay guud ahaa magaaladaasi, waxaana xalay iyo saaka laga dareemay qax ay sameynayaan dadka deegaanka oo u baxay deegaano u dhow Ceelbuur iyo agagaarkeeda. Ujeedka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dooneyso inay shacabka gabaad ka dhigato, ayna la aadaan dhanka dhulka howdka ah ee gobolka Galgaduud, maadaama dagaalladii ugu xooganaa iyo duqeymio culus ay ku wajahan yihiin goobaha ay ka joogaan gobolkaas. Si kastaba Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduyud. The post Ciidamada huwanta oo ku dhow Ceelbuur iyo Shabaab oo shacabka ku qasabtay… appeared first on Caasimada Online.
  17. Nur Ahmed Mohamed and his family of 10 have been struggling to get enough to eat since prices of basic food items surged in the northern coastal village of Bareda, following the collapse of a bridge providing a key access route. Source: Hiiraan Online
  18. Somalia could finally join the East African Community by end of this year, the secretariat now says, in what will end more than a decade of waiting. Source: Hiiraan Online
  19. Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi, kaas oo ay kusoo qabteen xubno Shabaab ah. Ragga lasoo qabtay ayaa isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda. Xubnaha nolosha lagu soo qabtay waxaa kamid ah horjoogayaasha kala ah Cabdiraxmaan Foodey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo malleeshiyaad kale, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Cowsweyne oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in raggan oo duurgal ah lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen halkaasi, ayna hadda ku hayaan gacanta. Sidoo kale xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay muddo ka shaqeynayay dhibaateynta shacabka Cowsweyne, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag. Soo qabashada raggan aya ka dambeysay, kadib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay u dhaqaaqeen aagga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay joogaan Shabaab. Ujeedka ciidamada ayaa ah inay xoreeyaan degmadaas iyo dhammaan deegaanada kale ee u dhow oo ay xubnaha Al-Shabaab ku sugnaayeen 15 sanadood ka badan. Ciidamada huwanta ayaa haatan la wareegay magaalada Baxdo, deegaanka Cowsweyne iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqy ugu dambeeyay laga dareemaya aagga magaalada Ceelbuur oo ay kusii dhawaanayaan ciidamada huwanta. The post DF Somalia oo nolosha ku qabatay Cabdiraxmaan Foodey iyo rag kale appeared first on Caasimada Online.
  20. Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Xirsi k ali Xaaji Xasan ayaa si kooban uga hadlay aragtidiisa ku saabsan shirkii xisbiga KULMIYE ee lagu soo doortay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin gudoomiye Xirsi oo hada ku sugan dalka Ingiriiska ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran. Xisbiga Kulmiye waa xisbi qaran oo waan ku hambalyaynayaa shirkooda Golaha Dhexe, balse wuxuu u muuqday Xisbi hoos u dhacay oo sidii markabkii Taytaanik sii degaya. In Muuse iyo Maxamed Kaahin loo cimaamaday, waxaan u arkaa -ama ka dhigan tahay, dad riwaayad ama filin la daawaday oo dhammaaday tigidho u goostay. Qaran News
  21. Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia, si loogu soo oogo dacwado la xiriirta, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taas oo uu ku guul daraystay. “Ma rumaysan karaysaan inaan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xiro” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweyne Trump, saacado uun ka dib markii maxkamaddu ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono dammaanad lacageed oo gaadhaysa $200,000, ka dib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo. Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta galabnimadii Isniinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo, in guud ahaan la xiri doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaas. Sida ku cad waraaqaha maxkamadda ka soo baxay, waxaa Trump laga mamnuucay inuu u cago-jugleeyo dadka qaybta ka ah dacwaddan, markhaatiyada ama dhibbanayaasha, iyada oo laga mamnuucay, inuu u adeegsado warbaahinta bulshada, sida ku cad is-afgaradka dhex maray dacwad-oogaha degmada Fulton, Fani Willis, Garyaqaanada Trump iyo Garsooraha gacanta ku haya kiiskan. PUNTLAND POST The post Donald Trump oo isu dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia appeared first on Puntland Post.
  22. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay isugu tegaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, si ay u yeeshaan wada-hadallo gaar ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni ay ku kulmi doonaan magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay uga wada-hadlaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka ah iyo Puntland. Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in haatan madaxweynaha Puntland uu ku maqan yahay dalka Imaaraadka, balse todobaadkan gudihiisa uu ka dagi doono magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay isku arki doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadda jooga magaalada Dhuusamareeb oo uu tegay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kulanka labada mas’uul ayaa billow u noqon doono wada-hadallada toos ah oo u dhex mara Muqdisho iyo Garoowe, si meesha looga saaro mad madowga soo kaala dhex-galay madaxda sare ee maamulka Puntland iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ujeedka ayaa ah in la dhammeeyo xiisadda ka dhex aloolsan labada dhinac, si xal waara looga gaaro khilaafkan oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda. Siodo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Puntland sidoo kale uu kulamo ka bilaabi doono Gaalkacyo, sidoo kalena uu uu furi doono koobka gobollada. Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadka soo socda la filayo in shirka golaha wadatashiga qaranka uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, mana cadda inuu ka qayb-geli doono Saciid Deni oo horay u diiday shirkii golahaasi. Dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa inay wax ka beddal ku sameyso siyaasadeeda, si ay hoos ugu dhigto khilaafaadka ka jira deegaanada qaar iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan qaar kamid ah maamul goboleedyada. SI kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta guluf dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan, waxaana uu hadda ka socdaa gobollada dhexe. The post Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni oo isugu tegayo Gaalkacyo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  23. Tuesday, August 22, 2023 (HOL) - A significant conflict is currently unfolding between the forces of Somaliland and the SSC-Khaatumo, focused around the eastern part of Laascaanood, especially in an area known as Maraaga. Source: Hiiraan Online
  24. Laascaanood (HOL) - Heavy clashes erupted between the forces of Somaliland and the SSC-Khaatumo near the eastern section of Laascaanood, with the epicenter being an area named Maraaga. Source: Hiiraan Online