Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, kaasi oo ku aadan bilaabidda mashruuc cusub wax tar u leh caasimada dalka ee magaalada Muqdisho. Heshiiskan oo si gaar ay qalinka ugu duugeen dowladda hopse ee magaalada Muqdisho iyo shirkadda Ifi iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga. Mashruucan ayaa la sheegay in koronto looga dhalinayo qashinka caasimadda, si loo helo xoog koronto tayo leh, islamarkaana qashinka looga nadiifiyo caasimadda Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyradka biyaha DFS Mudane Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb-galay heshiiska. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madashaas ayaa sheegay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah. Sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha DFS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto. Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, ayada safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay tahay tan ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Muxuu yahay heshiiska cusub ee maanta kala saxiixdeen Somalia iyo Turkey? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee XFS, si su’aalo looga weydiiyo go’aan uu dhawaan ku dhawaaqay. Wasiirka oo dhawaan guddoomiyay shir ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in la xirayo qaar kamid ah baraha bulshada po dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan. Barahan ayaa kala ah TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya. Guddiga Warfaafinta ee Golaha Shacabka ayaa warqad wargelin ah u diray si uu usoo xaadiro kulanka guddiga ee qabsoomaya 27-kaa bishaan, si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha wasaaradda. “Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ku xusan qodobka 69-aad Faqradda 2-aad xarafka (C) iyo qodobka 53-aad faqradda 1-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka, waxaa si xushmad leh lagugu wargelinayaa in aad hor imaado kulanka guddiga oo qabsoomaya Agoosto 27, 2023,” ayaa lagu yiri warqadda guddiga u diray wasiirka. Arrintaan ayaa sidoo kale waxaa wax ka og guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, sida ku cad warqadda wargelinta ah ee loo diray wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya. U yeerista wasiirka ayaa salka ku haysa buuqa durba ka dhashay go’aanka uu ku dhawaaqay, kaasi oo diidmo kala horyimaadeen qaar kamid ah dhalinta sida joogtada ah ugu xiran barahaasi. Inta badan go’aannada masiiriga ee noocaan ah ayaa mara Golayaasha sharci dejinta ee dalalka ay ka jirto warbaahinta xorta ah, kuwaasoo ka yeesha dooddo adag iyo go’aan gaaris guud. The post Golaha Shacabka oo u yeeray wasiir sameeyay arrin buuq dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya ayaa soo hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii lagu soo qabtay dagaalkii saacadaha badan qaatay ee 19-kii bishan ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Dharkenley. Codkan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa ah mid uu si qarsoodi ah usoo duubay Jeneraalka, wuxuuna si gaar ah ugula hadlay beeshiisa, gaar ahaan jaaliyadda ku sugan dalka Mareykanka, sida laga dheehan kario farriinta codka ah ee uu soo duubay. Ugu horreyn wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay xaaladdiisa, isla-markaana uusan qabin wax dhibaato ah, balse wuxuu tilmaamay in loo heysto xaqa ka maqan beesha ee uu raadinayo. “Waxaan idin sheegayaa aniga caafimaadkeyga waa taam, wax dhibaato ah ma jiraan, tan kale waxa aan u socdo waa dadaal iyo xuquuqda naga maqan, sidee ku raadineysaa? ayuu dagaalkan ku socdaa wax kale oo dhibaato ah ma laha” ayuu yiri Jeneraal Sheegow Axmed. Sheegow ayaa intaas ku sii daray “Aniga lugta aan ka jiisaayay ee aad u jeedeen hadda kahor dhaawac ayaa ku dhacay maadaama weerar culus la’iigu soo qaaday darbi aan ka boodaayay murgacasho waayay lugta, laakiin xabad kuma taallo, jugna ma qabi”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda uu ku xiran yahay xarunta CID-da, gaar ahaan qaybta ay ku jiraan agaasimeyaasha ku eedeysan musuqa ee horay loo soo xiray. “Hadda CID ayaan joogaa agaasimeyaashii ay dowladda soo xareysay ayaan qolalkooda ku jiraa xabsi banaanaan ahay, laakiin xornimo ayaanan heysanin” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay gurigiisa, wuxuuna sheegay inuu ku dhintay wiil uu isagu dhalay iyo mid kale oo uu adeer u yahay. “Yar aan dhalay wuu ku dhintay, wiil kale oo aan adeer u ahay isna waa ku dhintay alla ya raxma, qaar kalena waa dhaawacan yihiin, haddana kama haraayo haddii aan bannaanka usoo baxo inaan fariisinaayo ma’aha sida aan halganka ugu istaagay waayay” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray xubnaha beesha ee ku sugan gudaha iyo dibadda, isaga oo ka dalbaday inay qaylo dhaamiyaan, si ay arrintiisa u gaarto beesha caalamka. The post Jeneraal Sheegow oo soo hadlay: Waxaa la’igu haystaa sidee ku raadineysaa….? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho. Qarax oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsay gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Laylo Calaawi, waxaana lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar oo ku taalla halkaas oo uu sidoo kale u dhowyahay koontarool ay leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro. Duqa magaalada Muqdisho ayaa qiray in qaraxaas uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalahooda, balse ma caddeyn tiradooda. Runtii waan ka tacsiyeynaa maanta qaraxii yarka ahaa oo dhacay waxna ay ku dhaawacmeen, waxna ay ku shahiideen” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir. Madaale ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uusan sameyn doonin shaqadooda, ayna horay usii wadi doonaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. “Taas waxba nagama beddeleyso maxaa yeelay waxa aan usocono ayaa ka weyn” ayuu mar kale yiri duqa magaalada Muqdisho. Horay afhayeenka ayaa u sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa. “Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe. Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay sidan oo kale qaraxyo ula kulmay, kuwaas oo uu khasaare kasoo gaaray shaqaale ka tirsan gobolka, waxaana weerarada qaarkood toos lagu qaaday xarunta dowladda hoose oo ay dhowr jeer ka dhex dagaalameen Al-Shabaab. The post Daawo: Madaale oo qirtay in khasaare uu kasoo gaaray qaraxii maanta appeared first on Caasimada Online.
  5. Afhayeenka Jabhada Gacan-libaax oo Sheegay in aanay Jirin Guddiyo ay igmadeen Hargeysa(Qaran)- Afhayeenka jabhada Gacan-libaax, Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in aanay jirin guddiyo la kulmay oo ay u igmadeen inay nabad uga keenaan Muuse Biixi. Waxa uu sheegay in Muuse ay ka dhexayso xabad, isla markaana ay la dagaalamayaan ciddii soo raacdo. Afhayeen Axmed wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu dalkii kaka qaybiyay oo uu gobolana ka eryay Somaliland, qaar kalena uu ku kalifayo dagaal. Wuxuu sheegay in aanay beelna duulaan ku ahayn hase yeeshee ay la durirsan yihiin rijiimka Muuse oo uu ku eedeeyay inuu dalka tafaraaruq iyo colaad u horseeday. Afhayeenku wuxuu beelaha ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ciidan beeleedyada uu ka dalbaday. Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu dawladnimada Somaliland ka dhigtay rijiim uu kula dagaalamo gobollo iyo beelaha Somaliland qarkood. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ku eedeysan dilka nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya, kaas oo 20-kii bishii hore ee July lagu dilay agagaarka garoonka Muqdisho. Askariga la xukumay oo lagu magacaabo Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa waxaa lagu helay dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya, kaas oo ahaa Ijineer, waxaana xilliga la dilayay uu ka shaqeynayay dhismo ku dhow garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale Xasan Indha-yare ayaa waxaa loo haystay ka tagista goob shaqo fasax la’aan iyo inuu is-hortaag ku sameeyay shaqo dhismo ah oo ka socotay halkaasi. Baare ka tirsan Booliska Soomaaliya oo kiiskan gacanta ku hayay ayaa ka hor sharraxay maxkamadda, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in Xasan dilka kadib uu baxsaday. “Eedeysane Xasan Cabdiraxmaan Bistooladda ayuu kor u qaatay xabaduu riday, sida aan kasoo qornay marqaatiyaasha xabadda waxay ku dhacday ninka Kenyaatiga ahaa, daqiiqado kadibna waa baxay Xasan” ayuu yiri baare ka tirsan Booliska Soomaaliya. Qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah ee saaxibka la ahaa Injineerka la dilay ayaa ka hor hadlay maxkamadda ciidamada, iyaga oo aad ugu mahadceliyay bahda garsoorka. “Waxaa na gashay cabsi, mana fileyn in maalintaan oo kale ay ku jirto howlahga garsoorka ee ciidanka waxaan dalbaneynaa cadaalad, waxayna gogol xaar u tahay xaq u helidda saaxibkeenii hadalka jilicsanaa” ayay yiraahdeen qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah. Ugu dambeyn maxkamadda oo dhowr jeer dhageysatay dacwadda ka dhanka ah askarigan ayaa maanta ku xukuntay Xasan Indha-Yare Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo magta, Fredrick Odhiambo Owino, taas oo la siinayo qoyska ninkaasi oo kasoo jeeda dalka Kenya. The post Maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay Kenyaan lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. A court in Mogadishu has sentenced a Somali soldier to a five-year prison term for killing a Kenyan engineer by the name Fredrick Owino. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib qaraxii xooganaa ee maanta lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar, oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro. Ra’iisul wasaaraha ayaa qaraxaas oo saaka dhacay kadib kulan isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga, si looga hadlay xaalada caasimada iyo ka hortega weerarada Al-Shabaab Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taliyeyaasha Booliska iyo Nisa ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale taliyaha ciidamada xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku boggaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen qaraxii maanta oo uu tilmaamay in kooxda la damac-saneyd in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah. Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada iyo weerarada ay ka geysan karaan gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu socday kulanka warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda caasimad aMuqdisho. Weerarkii maanta ayaa waxaa loo adeegsaday gaariga nooca Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi), kaas oo ku qarxay Ifka Xalane, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isagoo isku dayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa. “Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhawaanahan ka dhacayay weeraro kala duwna oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo intooda badan ay sheegatay Al-Shabaab. The post R/W Xamza oo tallaabo qaaday kadib qaraxii maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Ardayda Jaamacadda Byrco oo Su’aalo ku Boobay Madaxweyne Muuse Burco-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo su’aalo iyo jawaabo la isku weydaarsaday la qaatay ardayda jaamacadaha Burco iyo bahda aqooonyahanka ee gobolka Togdheer. Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ee muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay magaalada Burco, ayaa caawa kulan su’aalo lagu weydiinayo la qaatay bahda aqoonyahanka ah ee magaalada Burco oo ay hormuud u yihiin hoggaanka Jaamacaduhu, waxana uu halkaas madaxweynuhu kaga jawaabay tiro su’aalo ah oo ku saabsan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Da’yarta aqoonyahanka ah ee reer Burco, ayaa caawa madaxweynaha si furan u weydiiyey su’aalo kala duwan oo ay u baahnaayeen in loo bayaamiyo, waxana uu madaxweynuhu ardayda iyo aqoonyahankii kale ee madasha ku sugnaaba siiyey jawaabo si fiican ay ugu qanceen. Sidoo kale, waxa ardaydu su’aalo shaqadooda ku saabsan weydiiyeen xubno wasiirro xukuumadda katirsan oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha qaranka, kuwaas oo bixiyey jawaabo waadix ah. Munaasibadan oo lagu qabtay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Burco ayaa waxa xusid mudan in kulanku ku bilaamay jawi rooban kuna dhamaaday roobkii oo da’aya haseyeeshee aanu kulanku istaagin si ay ardaydu uga bogtaan su’aalaha ay madaxweynaha Qaranka Somaliland waydiinayaan. Qaran News
  10. Madaxweyne Muse oo xadhiga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey magaalada Burco Burco(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhagax-dhigay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Burco, kuwaas oo wax badan ka tari kara baahida kala duwan ee ka taagan Burco. Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme dabaq ah oo lagu kordhiyey dugsiga H/dhexe iyo sare ee Sheekh Ibraahim, kaas oo si rasmi ah u dhammaaday. Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo lagu qabtay gudaha dugsiga Sheekh Ibraahim, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhismaha cusub ee dugsiga lagu kordhiyey oo wax badan ka tari doona baahidii dhinaca fasallada ee ay qabeen ardayda dugsigaas wax ka barataa. Maamulaha dugsiga Sheekh Ibraahim, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cawad, wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada, Maalgashiga iyo horumarinta Khayraadka Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey dhismaha ballaadhan ee dugsiga lagu kordhiyey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumaddu kaalin weyn ka qaadatay sidii uu dhismahan u dhammaystirimi lahaa, Ardayduna u heli lahayd goob waxbarasho oo casri ah. Caaqil Yuusuf Cabdi Cawad oo kamid ah guddiga dhismaha dugsiga gacanta ku haysay, ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugaga mahadnaqay sida ay ugu hagar baxeen inuu dhismahan bilicda lehi dhismo, taariikhda madaxweynahana uu ku biiray. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xadhig-ka-jarista soo gunaanaday, ayaa maamulka dugsiga iyo xukuumaddaba ku bogaadiyey inuu dhismahaasi maanta dhammaado, ardayduna hesho dhisme cusub oo ay wax ku bartaan, kaas oo ah dabaq aanay inta badan dugsiyada kale nasiib u helin. Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray mishiin cusub oo CT-scan ah oo xukuumaddu ka hirgelisay Cusbitaalka weyn ee Burco, isaga oo kormeeray bukaanka ku sugan waadhadhka kala duwan ee cusbitaalka Burco. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo dhisi doono gudaha cusbitaalka Burco, kaas oo kamid ahaa mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu ugu talo gashay inay wax kaga qabato baahiyaha kala duwan ee ka jira cusbitaalka. Qaran News
  11. Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland oo ka Hadashay weerar huwantu ku soo Qaaday Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Dawladda JSL oo ka hadashay dagaal kooxaha Huwanta ah oo kaashanaya maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa dagaal ku soo qaaday fadhiisimada ciidanka Qaranka JSL xalay iyo maanta. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu cambaareeyey dagaalkaasi kooxaha argagixisada iyo maamulka Puntland ku soo qaadeen ciidamada Qaranka. Wasaaradda Gaashaan-dhigu waxay sheegtay inay beesha caalamka ku wargelinayso inay la socdaan ficilada colaadeed ee kooxaha huwantu ja wadaan gobolka Sool. Waxa kaloo Wasaaradda Gaashaan-dhigu sheegtay inay huwantu doonayaan inay khalkhaliyaan JSL iyo guud ahaan gobolka oo dhan. Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay balan-qaaday inay dhulkeeda ka difaacayso huwantaas is garabsanaysa. Qaran News
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xooggaga Kacdoonka Shacabka (Macawisley) ayaa si rasmi ah ula wareegay deeganka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur, taasi oo uu ku wajahan yahay duulaan culus, si looga xoreeyo kooxda. Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iskaga cararay kadib markii ay ogaadeen in awoodda ciidanka qaranka aysan u babac dhigi karin, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda. Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo howl-galka hoggaaminaya ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in Cowsweyne iyo tuulooyin kale si buuxda gacanta loogu dhigay. Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dagaal kula wareegeen magaalada Waxbo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo aad muhiim u ah, kuna taala meel istaraatiiji ah. Ciidamada Qaranka iyo dad deegaankaee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano ballaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan. Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen. Howl-galladaan ayaa imaanaya xilli ciidamo aad u badan toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur. The post Ciidanka DF oo la wareegay deegaankii Shabaab ka difaacanayeen CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.
  13. Chinese President Xi Jinping is in South Africa for his first visit to Africa in five years - part of which he'll be attending the Brics summit of major emerging economies. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax xooggan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in qaraxaan lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar, oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro. Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaasi, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isaga oo isku dayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi. “Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe. Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa. “Goobta hadda wey xiran tahay waxaa ku sugan ciidamada ammaanka, gaar ahaan ciidanka Ciiltire oo ka shaqeynayay howl-galka sugida amniga caasimada iyo nawaaxigeeda.” Sidoo kale waxa uu sheegay inay socoto baaris la xiriirta nooca qaraxaasi uu ka koobna, sida uu kusoo gaadhay goobta iyo arrimo kale oo muhiim ah oo la xiriira qaraxii maanta. “Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin in markasta ka hortagaan dhibaatada Khawaarijta. Gabalkooda uu dhacay (Shabaab) waxay juhdi ku bixinayaan inay wax dhibaateeyaan.” The post Daawo: BOOLISKA oo shaaciyay khasaaraha qaraxii maanta iyo arrin uu baaris ku hayo appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Banadir regional administration official was killed and four security forces injured when a vehicle being pursued by the security forces exploded near the Ifka Halane intersection in Mogadishu on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faafaahinta ka bixisay qarax ismiidaaminta ah oo saaka ka dhacay xarunta dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar oo ku taalla Isgoyska Ifka Xalane. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in AS ayaa saaka gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa oo noociisu yahay Toyota Land Cruiser, gaar ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, ku weerareen xarunta dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar oo hadda ay dagan tahay shirkad ka shaqaysa nadaafadda oo lagu magacaabi Ifo. Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta, wuxuuna intaas ku daray in ay socoto baaris la xiriirta nooca uu qaraxaas ka koobnaa iyo sida uu goobtaas ku soo gaaray. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Doodishe PUNTLAND POST The post DFS oo ka hadashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka ee Ceeldheer ku sugan ayaa looga digay in ay ridaan xabbado bilaa micno ah, xilli guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug uu gaaray halkaasi. Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa sidoo kale ciidamada xoogga uga digay inay hubka ku dhex qaataan gudaha magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Digniintan ayaa la siiyay guutada Cumar Bin Khadaab ee ku sugan Ceeldheer, maadaama haddii ay hubka ku dhex qaataan shacabka ay muujineyso in ay aanay amni ahayn, kana bixineyso sawir muujinaya amni darro ay ka qaadanayaan dadka taga, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug. “Magaalada inta ku taalla idinkey idinku jiiftaa iyo ciidanka kale ee kumaandooska Gorgor, hal xabo ayaan idinka rabnaa magaaladaan yaan qoryaha lala gelin,” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Abuukar. Waxa uu intaas kusii daray “Haddii qoryuhu magaalada ka buuxaan qof kasta oo soo gasha waxa ay leedahay magaalada amni ma ahan.” Sidoo kale ciidamada ammaanka degmada ayuu usoo jeediyay in keliya ay hubka heystaan, halka ciidanka kale looga baahan yahay in ay hubkooda la dhex joogaan xeryahooda. “Waxaa ka dul qaadeen cadowgii iyo heeryadii dul tiilay, macnahooda in la dhibo ma ahan. Waa in aysan hubka la galin magaalada, si uu u muuqdo amniga ka jira magaalada, dadkana u dareemin culeys.” Dhinaca kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maxkamadda bilaabeyso dhageysiga kiis dhawaan ka dhacay xero ciidan oo ah in askari ka tirsan eowladda lagu dhex dilay isla xeradaasi. “Sababihii u baxay iyo qofkii gacantiisa ku baxay laasim waa la qabanaa, maxkamadda ayaa waajibkeeda ka gudaneysa. Waqti aan dheereyn indhihiina ku arki doontaan mar haddii ay anaga nasoo gaartay oo goobtii nimid.” The post Ciidamada dowladda ee Ceeldheer jooga oo digniin la siiyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  18. Golaha Wakiillada oo Diiday Ansixinta Wasiir Cali Xoor-xoor Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday ansixinta Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Coir xoor) oo maanta hortagay Golahaas. Fadhigii maanta ee golaha Wakiillada oo uu gudoominayey Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa diiday 30 Mudane, halka 6 xildhibaan ogolaadeen. Sidoo kale waxa ka aamusay 9 Xildhibaan oo kale, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Sida uu dhigayo sharciga Somaliland madaxweynaha ayaa mar kale Golaha dib ugu soo celin kara Wasiirkan la diiday. Maaha markii u horeysay ee golahani diidaan ansixinta xubnaha xilalka loo magacaabo, waxayna mar sii horraysay ay diideen saddex xubnood oo ka tirsan Komishanka doorashooyinka oo ku jiro guddoomiyaha xiligan ee Komishankaasi waxaanay markii dambe saddexdii xubnoodba ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah. Qaran News
  19. Guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, Xasan Yuusuf Nuur ayaa saaka oo Talaado safar aan la shaacin ugu baxay dalka dibaddiisa. Ilo wareedyo ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa noo xaqiijiyay in guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah uu saaka ka dhoofay garoonka, isaga oo ku wajahan dalka dibaddiisa. Safarka guddoomiyaha ayaa imaanaya, xilli ay maxkamadda dastuuriga ah horyaallan dacwado kala duwan oo dhawaan loo gudbiyay, balse aysan weli wax go’aan ah ka gaarin. Safarka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, iyadoo shalay qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland ay dhaliilo u jeediyeen guddoomiye Xasan Yuusuf. Waxay ku eedeeyeen in uu hor-taagan yahay go’aan ka gaarista kiiska dacwad cabasho ah oo ay u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga. Maxkamadda ayay sidoo kale ku eedeeyeen in aysan ahayn mid dhex-dhexaad ah oo ay gacanta ugu jirto madaxweyne Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo safar aan la shaacin u baxay appeared first on Puntland Post.
  20. Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa gurigiisa magaalada Hargeysa ku booqday siyaasiga weyn Jamaal cali xuseen. Murashaa iyo siyaasiga Jamaal kulan dhexmaray oo qaatay laba saacadood waxay ka wada hadleen xaalada dalka soomaliland ku suganyahay sida sida siyaasada iyo amaanka labad oday waxay dul istaageen si mug leh qodabaasi iyagoo lafa guray waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo talaabo hore loo qaaday. Source
  21. MOGADISHU, SOMALIA — The Somali government has offered amnesty to al-Shabab militants amid an ongoing military offensive in central parts of the country. The move is seen by some analysts as a way to remove al-Shabab fighters from the battlefield, thereby weakening the insurgent group. Source: Hiiraan Online
  22. Dhusamareb (HOL) - Somali National Army (SNA), supported by local clan militia forces, successfully captured Wabho, a strategic district located in the Galgadud region, on Monday Source: Hiiraan Online
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ka hortimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday ee ay ku xidheyso qaar kamid ah baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya. Saddexdaan bar ayaa dorraad la go’aamiyey in dalka laga mamnuuco, inkastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xirayo isticmaalka aaladahaas. “Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa aya sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn. “Inama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya maaha” ayuu wasiir Suufi u sheegay warbaahinta. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in Somaliland ay samaysay xeer loo isticmaali doono danbiyada ka dhaca baraha bulshada iyo anshaxooda laakiin aanay xidhidu xal ahayn, sida ay sameynayso dowladda federaalka, kadib markii ay dhibaatadooda badatay barahaasi. Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday inay xireyso aaladda khamaarka lagu dheelo ee 1XBET, laakiin waxay diidan tahay xidhida labada bar ee kale, kuwaasi oo ay dowladda federaalka sheegtay inay xireyso, taasi oo la ogeyn xilliga ay dhaqan-gal noqoneyso. Go’aanka dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid dhalinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaasha, gaar ahaan aalada TikTok, kuwaasi oo walaac ka muujiyay go’aanka dowladda federaalka. “TikTok hadii la xidho banaanbaxyo waaweyn ayaa dhacaya, dowladu ma xidhi karto TikTok, dhalinyaro badan ayey nolol u tahay, arrintaas ma’ahan mid la aqbali karo,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi oo loo garan ogyahay madaxweynaha TikTok ayaa kaga fal-celiyay go’aanka dowladda federaalka ay ku xidheys bartaasi. Isku soo wada duubo, waxaa isha lagu hayaa si dhow hadii ay dowladda fulin doonto amarkeeda iyo in ay wax iska badali doonaan, kadib qeylada kasoo yeertay bulshada isticmaasha barahaasi. Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internet-ka ayaa si weyn looga isticmaala gudaha Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda. The post Somaliland oo ka hortimid go’aankii DF, kuna dhawaaqday… appeared first on Caasimada Online.
  24. Xildhibaanada Golaha Wakiillada JSL ayaa Cod aqlabiyad ah ku diiday Wasiirnimada Wasiirka wasaarada Arimaha Bulshada Cali Xoor Xoor oo uu dhawaan madaxwayne Biixi Magacaabay isla markaasina maanta hor yimid golaha wakiilada Somaliland 30 xildhibaan ayaa diiday 6 xildhibaan ayaa ogolaaday 9 xildhibaana way ka aamuseen Source