Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo askartii maanta rasaasta u adeegsatay dadkii Muqdisho ka dhagay banaan-bax ay ku diidanaayeen xarigga Sheegow. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku xusay dhibaato ay u geysatay dowladii Farmaajo, isaga Madaxweynaha hadda xukunka jooga iyo kii ka sii horeeyey. Hoos ka aqriso qoraal CC Shakuur oo dhameystiran: Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool. Sawirada halkan ka muuqda waa 19 Febraayo 2021, waxaa rasaas na huwiyey ciidanka Dawladda. Maalinkaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii xilka kaga horreeyey Shariif Sh. Axmad waxaa ku hareeraysnaa ciidan ku soo weeraray hoteelkii ay degganayeen. Madaxweynihii sidaa yeelayna, maanta dal kale ayuu marti u yahay, kii uu weerarka ku ahaa ayaa dalka xukuma. Abwaan Cabdi Muxumad Amiin (AUN), ayaa laga hayaa “Taariikhdu dadkay bartaa, Dunida waayaheedee” Sheegow waa sarkaal ciidan, haddii uu dambi galay waxay ahayd in Maxkamad ciidan bixiso amarka soo qabashadiisa, shacabkana lagu wargeliyo hawlgalka ka dhanka ah, warbaahintana laga ilaaliyo sida bahdilan ee loo soo bandhigay. Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto. Haddiise xaalku gaaray in dibad-baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno in uu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay. Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen. The post CC Shakuur oo weerar ku qaaday DF kadib tallaabadii ay ka qaaday dibad-baxayaasha appeared first on Caasimada Online.
  2. KHUDBADDA MUUSE EE BURCO WAA FARRIIN DAGAAL INTAN IGA QORA Burco, Muuse dhawr arrin ayuu kaga hadlay. Mid kaliya oo uu uga hadlay si dhab ah waxa uu damacsan yahay ma jirto. Nabad buu ka hadlay, nabad se ma doonayee colaad buu hadda diyaar u yahay. Taas ayaa sabab u ah daliishada uu daliishaday waxa uu Qisaasta ku sheegay, waxa uu ilaalinta dastuurka ku sheegay, fuleynimada uu isku sheegay, iyo dulqaadka uu sheegtay intaba. Saddexdan qodob aan ku macneeyo:- 1. Marka uu ku leeyahay “fuleynimo ayaan la igu sheegay” ama “dulqaad baa la igu ceebeeyaa” waxa uu rabaa inuu qiil u sii sameeyo dagaalka uu soo wado si dadku mardhow ugu arkaan nin la soo doontay oo wax iska celinaya. Tusaale ahaan, dib u raaca wixii uu ku hadli jirey arrintii Laascaanood kolkii ay bilowga ahayd. Mar kasta oo uu yidhaa “waa fuley baa la I leeyahay” weerar buu sii ahaa. Waa dhaqan hoosaasin ah oo uu yaqaano. Ka feejignaada weerarkiisa; 2. Arrinta qisaasta waxa uu u daliishanayaa dagaalka uu soo qaadi doono si dadku ugu arko inuu raadinayo cid dad dishay oo ay tahay in la qisaaso. Xaqiiqadu se waa inaanu shuqul ku lahayn axkaam diineed iyo fulinteeda toona. Taasi inay sidaas tahay, August 11, 2022 carruur iyo waayeel buu laayey, oo hadda qabriyada ku jira. Sow ma aha dhiig dad Muslimiin ah, oo ay tahay in loo qisaaso ciddii dishay, haddaan ehel cafin? Haa, dabcan. Kuwaa dadkii diley muxuu u keeni waayey ee loogu qisaasi waayey? Ma keenayo!Axkaam diineed fulinteed uma jeedo ee dhiig uu daadin doono ayuu hadda u sii qiil samaynayaa. Kolkaa ka feejignaada weerar buu soo yahaye; 3. Weerarka uu soo yahay waxa uu dadka ugu qiil samaynayaa waxa aan ilaalinayaa dastuur iyo wixii lagu heshiiyey. Ma isagaa dastuur ilaalinaya mise isaga ayay tahay in laga qabto dastuurka uu burburinayo? Dabcan, isaga ayay tahay in laga qabto. Ma ninka shan sanno la doortay ee ay ka dhamaatay ee keligii korodhsaday ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka carruurtiisu dadka suuqa ka qafaalanayso ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka maatida xoogga dhulka kaga qaadaya ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka hadh cad carruurta wadooyinka ku tooganaya ayaa dastuur u jeeda? Maya! Dastuur uma jeedo ee inuu laabo ayuu u socdaa. Dagaalka uu soo wado ayuu se ugu qiil samaynayaa ee ka feejignaada. Qaran News
  3. Boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Jareer weyne ayaa maanta galintii dambe sameeyay banaanbax looga hor jeedo xariga Gen. Sheegow Axmed Cali. Banaanbaxyaasha oo aad u caraysanaa ayaa socod ku maray wadooyin ay ka mid yihiin Maka Al-murama iyo Buulo Xuubey, waxayna warbaahinta u sheegeen in ay sii wadi doonaan tan iyo inta laga sii daynayo Gen. Sheegow. Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa rasaas u adeegsaday banaanbaxyaasha, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay rasaastaas. Dhanka kale banaanbax la mid ah kan Muqdisho ayaa isaguna ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, kaas oo lagu dalbanayay in lagu siidaayo Gen. Sheegow. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen ka hor weerartay guriga Gen. Sheegow, waxaana dagaal in ka badan 15 saac socday oo ka khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay lagu soo qabtay sarkaalka. PUNTLAND POST The post Banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo Jowhar appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dibad-baxyo maanta ka billowday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yususf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dibad-baxyadaasi, wuxuuna sheegay in laga baaqsan karay khasaaraha ka dhashay dibad-baxyadii maanta ka dhacay caasimada. Madaale ayaa sheegay in dastuurka uu shacabka u baneynayo in banaanbax nabadeed ay ku muujiyaan rabitaankooda, hase ahaate ay ka reeban tahay mid rabshado wata oo wax lagu gubo, laguna burburiyo. “Waa nasiib darro in wax lagu gubo oo lagu baabi’iyo hanti umadeed, waddooyinkii hal dollar dalkaaga ku dhiso ku dhiseynay ee shacabka iska kaashanayeen waa nasiib darro. Waxaa ka digeynaa in dhaqanka noocaas ah nagu soo laab laabto,” ayuu yiri guddoomiye Madaale. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa leenahay banaanbixii maanta wixii ku halaabay waxaa aaminsanahay inay aheyd wax laga maarmi karayay.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Jeneraalka dartii loo dibadbaxayay uusan ku jirin gacan cadow, ee dowladiisa u xiran yahay uuna helayo wixii cadaaladda u goyso. “Muwaadinka sababtiisa banaanbaxa loo sameynayay gacanta dowladda ayuu ku jira, gacan cadow kuma jiro oo dowladdana waxay siineysa xuquuqda uu leeyahay, wuxuu sharciga ka helo ayuu helayaa.” “Uguma horeyo ugumana dambeyn doono, cidkasta oo muwaadin ah oo Soomaali ah oo dowladda ay aado waxaa aaminsahay inay ka warsugaan ehelka, asxaabta iyo kulliba laga warsugo wixii sharciga wixii uu ka helo. Garsoorka iyo hay’adaha amnigana waxaa aaminsanahay in aysan ku xadgudbj doonin.” Waxa uu faray maamulka degmooyinka gobolka Banaadir inay sida ugu dhaqsaha badan uga howl-galaan khasaaraha ka dhashay dibad-baxyadii maanta iyo sidii wax looga qaban lahaa. “Waa in kormeer lagu soo sameeyo goobihii wax ka dhaceen, guddoomiyeyaasha degmooyinka waa in si deg deg ah wax uga qabtaan burburka iyo nadaafad darada meesha yaalla. Waxa kale oo leeyahay aan sharciga ku kalsoonaano oo sharciga sugno wax nooga halaabi doono ma jiraan.” The post Madaale oo ka hadlay dibad-baxii maanta, amarna siiyay maamullada degmooyinka appeared first on Caasimada Online.
  5. Mudaneyaal ka Tirsan Guurtida oo Dhaliilay Hannaanka Caddaaladda Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida JSL, ayaa saluugey hannaanka garsoorka iyo caddaaladeed ee dalka, waxaanay sheegeen in dhibta ugu weyn ee haysata maxkamaddaha dalka ay tahay fulin la’aanta go’aamada. Sidoo kale, waxa ay soo jeediyeen in meesha laga saaro qodobka dib u eegista oo ay sheegeen in uu dhibaato ku yahay dadkii sugayay go’aamada maxkamaddaha, waxaanay intaas ku dareen in kiisas go’aamadooda loogu dhawaaqay qodobka dib u eegistu caqabad ku yahay. Xildhibaan Cabdikariim Furre ayaa sheegay in jahwareer badani ka jiro maxkamaddaha dalka iyo waaxyaha garsoorka iyo cadaaladda, waxaanu farta ku fiiqay in mararka qaar aad maxkamaddihi kala kulmeysid dhacdooyin kaa ilmaysiiya. Mudanayaashu waxa ay sidan ka sheegeen fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay mudanayaashu markii fadhigu furmay ay guda galeen dooda qodobka Garsoorka iyo caddaaladda. Xildhibaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata maxkamaddaha dalka ay yihiin fulin la’aan, waxaanu xusay in mararka qaar dacwadaha qaar aanay dhammaanba isla markaana ay gaadhaan 20 sano dhibna ay ku tahay bulshadii. Waxaanu yidhi. “Dhibaatada ugu weyn ee haysata maxkamaddaheena waa fulin la’aan, go’aankii ay gaadheen oo aan la fulinayn, dacwadii oo aan dhammaameyn, 20 sano soconaysa, bulshadii ku dhiban tahay, kii daalinka ahaa iyo kii madluunka ahaaba wax isdaba soconayaan. Marka ama baadil ha xukumeen ama xaq ha xukumeene waxa dadka u fudud, in xukunkani ka dhammaado. Waxaan soojeedinaya in tababaro diimeed loo fidiyo danbi-baadhayaasha, ahna meelaha kiisku ka soo bilaabmayo, ama uu ka qaldamayo ama uu ka saxmayo,” Xildhibaan Cabdikariim Furre ayaa sheegay in jahwareer badani ka jiro maxkamaddaha dalka iyo waaxyaha garsoorka iyo cadaaladda, waxaanu farta ku fiiqay in mararka qaar aad maxkamaddihi kala kulmeysid dhacdooyin kaa ilmaysiiya. Waxaanu yidhi. “Wareerka iyo jahawareerka ka jira maxkamaddaha waynu arkaynaa, waxyaabo marka aad aragto damiirkaagu isbeddelayo ayaad arkaysaa, Islaan weyn oo Ayeeyo ah oo 15 sano maxkamaddaha hortooda kabahu kaga dhammaadeen, oo duruufaysan, oo madluuna oo haddii ay gacmaha kor u taagto ILLAAHEY ka aqbalayo, sidaasi darted daalinkii iyo madluunkii ayaa iska keen dhexgalay.” Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, ayaa soo jeediyay in meesha laga soo saaro Qodobka dib-u-eegisa, waxaanu tilmaamay in uu dhib ku yahay bulshadii. Waxaanu yidhi. “Marka guddidii maxkamaddu u saartay kiisaska ay soo saaraan go’aanka waxa dhacaysa in dib-u-eegis laga qaato, maxkamad sarre oo dib-u-eegis laga qaadanayaana waa dhibaato, waxaan soo jeedinaya qodobka dib-u-eegista halaga saaro maxkamaddaha” Xildhibaan Mustafe Ibraahin Ciise Aw Buux, ayaa sheegay haddii bulshadu ay weydo cadaalad iyo kalsooni in ay gacmaha isulatagayaan. Waxaanu yidhi.“Bulshadu haddii ay weydo cadaalad iyo kalsooni ay ku qabto garsoorka waxa dhacaysa in bulshadu gacmaha ku qaataan sharcigii, taasina ay sababto in bulshadii iyo dowladdnimadii iska horyimaadaan, dil uu dhaco, dhac uu dhaco, burbur uu dhaco, marka gasroorku waa dhidibada u weyn ee bulshada isku haya” Xildhibaan Cilmi Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in maxkamaddaha dalka ay ka maqan tahay fulintii. Waxaanu yidhi.“Maxkamaddaheena fulintii ayaa ka maqan waxa laga yaaba arrin soo dhammaatay in fulinteedii la yidhaahdo, berri soo noqo, saha danbe soo noqo marka waxa weeyi xagga fulinta ayay wax ka dhiman yihiin” Qaran News
  6. Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale. Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada lagu xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta Deegaanada Hirshabeelle, Dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo looga hadlay Xasilinta Degaannada Maamulkaas appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa ka hadlay arrinta Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xirtay dowladda Soomaaliya, kadib dagaal culus oo ka dhacay degmada Dharkenley. Ugu horreyn Dalxa ayaa u jawaabay taliska Booliska Soomaaliya oo shalay sheegay in Sheegow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay Kabtan hore oo ka tirsanaa Xoogga dalka. Dalxa ayaa ka horyimid halkaasi, wuxuuna sheegay in Sheegow uu yahay Jeneraal uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. “Afhayeenkii booliska ee ku hadlayay magaca hay’adaha amniga shirkii jaraa’iid ee uu qabtay wuxuu ku sheegay in Jeneraal Sheegow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay kabtan arrintaasi waxaan oran lahaa sida uu u dhigay ma’aha Sheegow inayaa Jeneraal yahay sarrreeye guuto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacantiisa ku magacaabay oo dalacaadaasi u saxiixay” ayuu yiri Maxamed Cumar Dalxa. Dhanka kale, Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi. Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaan guddi u xilsaarto, si xaqiiqada loo gaaro. “Waxaan ka codsaneysaa dowladda federaalka in guddiga xaqiiqo raadin ah ay u saarto oo ka kooban baarlamaanka guddigiisa cadaaladda iyo amniga iyo xukuumadda oo ah hay’adda fulinta waa inay daba galaan waxa sababay dagaalkaasi” ayuu raaciyay, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay afhayeneka Booliska uu sheegay in Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada dowladda, balse uu ahaa Kabtan hore, wuxuuna ku eedeeyay inuu gabaad siin jiray burcadda. “Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii & xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ayuu yiri afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe. The post Dalxa oo DF u diray dalab la xiriira arrinta SHEEGOW appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Sare ee oo Tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Deegaanka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Axadda maanta tababar u soo xidhay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa. Guddoomiyaha waxa xidhitaanka tababarka ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse, Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado iyo Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah NRCN Opyene Vincent. Xeer-ilaaliye Faysa Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka warbixisay duruustii muddadii 8-da cisho ahayd ay ku qaateen tababarka iyo ujeedada guud ee ay xambaarsanaayeen. Geesta kale Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah (NRCN) Opyene Vincent ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii koobnayd ee tababarku socday lagu lafa-guray halka ay ka soo bilaabanto baadhida dacwadaha duur-joogta, nidaamka dacwadaha loogu oogayo iyo ilaa heerka maxkamadaynta. Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado ayaa xusay in Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanku ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga la xidhiidha ilaalinta deegaanka ee ay la leeyihiin Somaliland. Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa ku booriyay xubnihii tababarka ka faa’iidaystay, in ay aqoonta usii gudbiyaan hay’adihii ay ka kala yimaadeen isla markaana ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah. Dhanka kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa tibaaxday in ay farxad weyn u tahay in dalka gudihiisa tiro intaa le’egi ku qaadato tababarradii loo tagi jiray Yugaandha iyo Itoobiya, wasiiradda ayaa xustay in tababarkani u dhigmo kooras muddo lagu qaato Jaamacadaha. Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa u hoga-tusaaleeyay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay, in deegaanku ka sal-balaadhan yahay dhirta iyo xayawaanka, balse uu sal u yahay jiritaanka nolosha Aadamaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in aanay nolosha iyo deegaanku kala maarmin isla markaana ay muhiim tahay in dadkeenu sidaa ugu baraarugaan. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay awalba dacwadaha deegaanka iyo duur-joogta la xidhiidha ugu dedaali jireen haatanna ay sii horumariyaan, oo ay u diyaarinayaan qayb (Chamber) takhasus u leh oo dacwadahaasi qaadda. Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in aanay dhayalsan aqoonta qiimaha badan ee ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii gudbin lahaayeen. Qaran News
  9. Lionel Messi scored a screamer and won his first trophy in North American football as Inter Miami beat Nashville on penalties (10-9) after their Leagues Cup final ended 1-1 in 90 minutes. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Supporters of former Somali military Captain Shegow Ahmed Ali flooded the streets of Mogadishu on Sunday, demonstrating against his recent arrest by the Somali police in the capital. Source: Hiiraan Online
  11. Gabadhaan Soomaaliyeed oo iyada oo yar la geeyay Denmark laguna magacaabo Amina Elmi, ayaa bishaan August waxay markeedii ugu horeysay soo bandhigtay suugaan ka hadlaysa, cadaawadda, cuqdada, carada, jacaylka iyo hilowga intaba. Magaca la isku yiraahdo guud ahaan gabayadaan ayaa ah Barbar. Markii ugu horeysay ayay suugaanteeda soo bandhigtay, waxayna noqotay gabyaaga sanadka ee Denmark. Mar ay la hadlaysay warbaahinta ayay tiri “Waxaan nafteyda u sheegaa inaan ‘falaagoobayo'”. Qisada gabayada Amina ayaa salka ku haysaa isku xirka dhaqanka lumay ee qoyskeedu hiddaha u lahaayeen, oo dabcan ah kan Soomaalida iyo kan ay hadda ku sugan tahay ee waddankkeeda labaad. Gabayadeeda ayaa qeexa xanuunka waxa lumay, ayaysan mararka qaar cabiri karin erayadu oo aysan jirin luuqad ay ku tirin karto erayo ka turjumaya dareenkaas. Amina ayaa qayb ka noqoneysa gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku barbaraay qurbaha qaarkoodna ku dhashen oo guulo ka gaaray tartamo ay galeen. Waa tuma Amina? Amina Cilmi waa gabar Soomaaliyad oo heysata dhalashada Denmark. Waxaa la geeyay waddanka Denmark iyada oo saddex jir ah sanadku markuu ahaa 1998 dii. waxayna ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1994 tii. Iyada, hooyadeed iyo shan walaalaheed ah ayaa gaaray waddanka Denmark. Amina ayaa ah ilmaha labaad ee ugu qoyskeeda. Aabahood wuxuu uga daba yimid waddanka dhawr sano kadib markii ay iyagu gaareen. Waxay ku soo koreen magaalo lagu magacaabo Aalborg, balse waxay maalin walba bas u raaci jireen caryyrta qoysku degma kale oo lagu magacaabo Hasseris, si ay waxbarashada u tagaan. Markii ay dhameysay dugsiga sare waxay barashada af Ingiriiska u gashay jaamacadda Aalborg University. Sida ay sameeyaan badanaaa waalidiinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, Amina iyo walaaleheed waxaa la geeyayay dugsi quraan la’aado labada maalin ee fasaxa ah todobaad walba, ee aysan jirin waxbarashada maadiga ah. Halkaas ayaana u noqotay meel ay ka hesho bilwga waxbarashada diinta. Sanadkii 2017 kii ayaa Amina waxay mid kamid ah bogaga warbaahinta Denmark waxay ku qortay, qoraal ay ku difaacaywo in gabdhah muslimiinta ah ee reer Denmark ay xaq u leeyihiin in ay xijaabtaan. Kadib dhimashadii aabaheed Aamina waxay wajahday xaalad dhib badan oo shaqsiyadeed. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay bilowday inay si qoto dheer u barato diinta si iskeed ah. Markii ay gaartay da’da 23 ayay u guurtay magaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark iyada oo halkaas ka shaqo bilowday, sidoo kalana qayb ka noqotay bulsho muslim ah oo ku xiran masaajidka The Mariam. Micnaha magaca barbar Magaca ay suugeenteed u xulatay Amina ayaa ah mid ka soo Giriigga, gaar ahaan giriiggii duqa ahaa. Waxay ugu yeeri jireen dadka aan sida fiican u aqoon luuqadda Giriigga ‘Barbarians’ maadaama ay ku hadli jireen luuqad aan si wanaagsan loo fahmayn. Sidoo kale ereyga ayaa loo yaqaan dadka aan naxariista badan lahayn. bbcsomali Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Mayow Maxamuud oo magaca afgarashada Al-Shabaab loo yaqaanay Sayib ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad. Isxaaq Mayow ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo ku siman afar sano, isaga oo u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay. Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay intii uu ka barbar dagaalamayay kooxda, dagaalo dhowar ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Sheellaha Hoose, Hiiran, Gedo, Jubbooyinka iyo deegaano kale. Isxaaq ayaa waxa uu sheegay in sababta uu uga soo baxay kooxda Al-Shabaab ay tahay dhibaato ka jirta dhexdooda iyo mid ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan. “Aad ayay u liidatada awoodooda maanta,” ayuu yiri Isxaaq mar uu ka hadlay awooda kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay hadii ay sii wadaan howl-galka la arki doono Shabaab oo Soomaaliya ka cararaysa. Ninkan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu saaxiibadii ay ka wada tirsanaayeen kooxda ugu baaqay inay kasoo tagaan Shabaab, iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda, si buu yiri loo badbaadiyo naftooda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda. Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin. Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Isxaaq Mayow Maxamuud oo isku soo dhiibay dowladda, farriina u direy Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Dullucda Khudbadii Madaxweynuhu ka Jeediyay Shirkii 8aad Ee Golaha Dhexe KULMIYE Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ataa khudbad dheer oo siyaasiya ka jeediyay shirkii Golaha Dhexe ee ka qabsoomay Burco. Khudbadaasi oo dhammaystirani waxay u qirnayd sidan:- “Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa aynu maanta halkan isugu nimid shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aynu si qoto dheer ugu lafa-guri doonno hawlaha baaxadda leh ee ina hor yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1. Dib-u-habaynta hawlaha shaqo iyo maamul ee Xisbiga Kulmiye. 2. U diyaargarowga Ololaha Doorashada ee ay ku soo bixi doonaan xisbiyada Qaranka. 3. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddomiye ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye. 4. Doorashada Murashaxintii Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xiggenka Xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo aan si kooban u dul-mari doonaa;  In aan sharaxo xaaladda guud ee dalku marayo; Nabad-gelyada, iyo Degenaanshaha Dalka, Waxyaabihii ugu waa-weynaa ee inoo qabsoomay iyo Caqabadihii inaga hor yimid muddadii Xukuumaddani xilka haysay.  Guud-mar Barnaamij Siyaasadeedka Xisbga Kulmiye soo bandhigi doono.  Doorashooyinka Qaranka ku soo waajahan labada sanno ee soo socda.  Dib-u-eegista iyo Kaabidda Barnaamijkii Horumarineed, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Nabadgelyo ee Xisbiga Kulmiye oo dib-u-eegis iyo kaabis lagu sameeyey. Xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye. Sida aad la wada socotaan Shacabka Somaliland wuxuu u diyaargaroobay doorashooyinka uu muddeeyey Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo kala ah: 1) Doorshada Axsaabta qaranka si loo helo saddex xisbi qaran oo sharcigooda leh, una tartami kara doorshooyinka dalka ka qabsoomi doona 10 sanno ee socoda. 2) Doorashada Madaxtooyada ee bisha November, 2024. Xisbiga Kulmiye Hoggaankiisa, Golayaashiisa, Xubnihiisa iyo Taageerayaashiisaba waxaynu ku dedaalaynaa sidii aynu Shacbiga Somaliland ee gobta ah aynu u kasban lahayn codkooda iyo kalsoonidooda in ay siiyaan Xisbiga Kulmiye Doorashooyinka soo socda. Xisbi ahaan, waa in aynu soo bandhigno Bulshada Somaliland wax-qabad muuqda oo ay ku qancaan, waayo-aragnimo iyo karti hoggaamineed oo mug leh. Xisbiga Kulmiye waxa saldhig u ah barnaamijka xisbiga oo si cad u qeexay Himillada Xisbiga oo ah: 1. Xisbiga KULMIYE waxa uu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo u halgemaya in Somaliland noqoto Qaran ka mid ah dawladaha la aqoonsan yahay iyo Ururrada Caalamiga ah. 2. Xisbiga KULMIYE waxa uu hiigsanayaa inay Bulshada Somaliland noqoto mid isku filan, kana xor ah saboolnimada, jahliga, dulmiga, caddaalad-darrada iyo guud ahaan maamul-xumo weji kasta oo ay leedahayba. 3. Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay bulsho dimuqraaddi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga, kuna qotoma diinteenna suubban, dhaqankeenna soo-jireenka ah iyo sidoo kale waayo-aragnimada togan ee aynu ka soo dheegan karno horumarka sayniska iyo teknoolajiyada aadamuhu ku tallaabsaday. 4. Xisbiga KULMIYE waxa uu mudnaan siinayaa bulsho nabdoon oo u hiilisa sinnaanta, is-xaq-dhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta. 5. Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay tayaynta hay’adaha dawladda dhinacyada aqoonta, kartida iyo qalabka. WAXBARASHADA Waxbarashadu waa furaha horumarka. Bulsho aqoon leh ayaa horumar gaadha. Muddadii ay Somaliland jirtay waxaynu tacab iyo dhaqaale badan gelinay sidii aynu u horumarin lahayn waxbarashada dalka oo soo martay maraaxiil kala duwan. Labadii Xukuumadood ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Xukumayey muddadii u dhexaysay 2010 ilaa maanta waxay horumar balaadhan ka sameeyeen kor-u-qaadidda Tacliinta iyo Barbaarinta Da’yarta. Korodhka Miisaaniyadda Waxbarashada ee 2017 – 2022 2017 2022 Faraqa % 102,615,623,952 200,626,411,498 98,010,787,546 96 Sidaa darteed, waxa si xawli ah u kordhay koboca waxbarashada dalka, tiro ahaan iyo tayo ahaanba; waxa kordhey tirada ardayda dugisyada iyo sidoo kale tirada dugsiyada waxbarshada ee dalka. Tusaale ahaan; Tirada Ardayda dalka ee sannadada 2018 iyo 2022 Heerka Waxbarasho 2018 2022 Heerka Korodhka Barbaarinta 13,434 20,152 50% Hoose/Dhexe 257,340 384,230 49% Dugsiyada Sare 54,702 77,862 42% Farsamada Gacanta 3,346 2,400 -28% Waxbarashada Dadban 1,228 11,258 817% Waxa la furay Kulliyadda Tababarka Macalimiinta oo kor loogu qaadayo Aqoonta, Xirfadda Macalinnimo, Maamulka Dugsiyada, iyo La-dhaqanka Wanaagsan ee Ardayga Ka daali mayno oo waynu sii wadi doonaa horumarinta iyo casriyeynta waxbarashada, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye. CAAFIMAADKA Waxa ay xukuumadda labaad ee Xisbiga Kulmiye kordhisay Miisanayadda Caafimaadka. Korodhka Miisaaniyadda Caafimaadka ee 2017 – 2022 2017 2022 Faraqa % 62,249,529,774 123,834,203,231 61,584,673,457 99 Sidaa darteed, waxa si weyn u kordhay adeegga caafimaadka, dhismayaasha iyo gaadiidka degdega ah ee Caafimaadka Dalka. Xisbiga Kulmiye waxa uu mar saddexaad balanqaadayaa oo uu fulin doonaa in uu sii casriyeynayo, isla markaana sii horumariyo adeegyada, qalabka iyo dhismayaasha caafimaadka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye. BIYAHA Xisbiga Kulmiye waxa horumar la taaban karo ka qabtay Biyaha Muddo Xileedka labaad. Muddadii xukuumadani xilkan haysay waxa la kordhiyey Ceelashada Dhaadheer ee dalka. Korodhka Ceelasha Dhaadheer ee Dalka 2017 – 2022 Ceelashii Jiray Ceelasha Cusub Korodhka 304 241 80%. Waxa la sii kobcin doonaa awoodda wax-qabad ee wasaarada Biyaha iyo Wakaalladaha Biyaha ee Magaalooyinka Dalka. Xisbiga Kulmiye waxa uu ballan-qaadaya hiigsiga wax-qabad ee saddexaad, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye. WADDOOYINKA  Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo aynu dhammaystirnay; keliya waxa socota meelihii biyaha laga saarayey si aanay daadadku waddada u wax-yeelaynin. Dhammaystirka waddadaas waxa qaran ahaan inagaga baxay dhaqaale dhan $61 Milyan.  Berbera Corridor; waxa socota qaybtii ugu dembaysay. – Dhismaha Waddada Hargeisa Bypass oo la dhammaystiray; waxa dhismihiisu uu ku yimid laba baahiyood 1. Inuu ka mid noqdo Berbera Corridor iyo 2. In samcadda laga dul-qaado wadda marta badhtamaha Caasimadda Dalka.  Mashruuca Waddada Burco – Sheekh; guud ahaan mashruucaasi waa dhammaad 95%, waxaanna dib loo dhisay 4-biriish oo kala ah Kala-jab Biriish, Laalays Biriish, Geel-loo-kor Biriish iyo Dubur Biriish. – Waxa la bilaabi doonaa dhismaha qayb ka mid ah Waddada Hotel Plaza. – Waxa la bilaabi doonaa dhismaha waddada Sheekh – Berbera.  Wadooyinka waaweyn ee ay Daraasadoodu socoto sida wadada Hargeysa-Burco, Lawyo-cado – Boroma.  Muddadii Xukuumaddani xilka haysay waxa ay Dawladaha Hoose magaalooyinka waaweyn ka sameeyeen horumar weyn oo dhinaca waddooyinka ah, kuwaasoo tayo ahaan iyo bilic ahaanba kuwii aynu hore u dhisi jirnay. DHALLINYARADA Waa mustaqbalka dalka iyo madaxda berri. Barbaarintooda, dhismaha jidhkooda iyo maskaxdooda iyo shaqo-u-abuurkooduba waa waajib ina saaran. Waa sababaha aynu u sameysano Dugsiyada, Jaamacadaha, Garoomada Ciyaaraha iyo wixii la mid ah. Shaqo-abuurka; waxa ay xukuumaddu aasaastay barnaaijka shaqo qaran oo ah barnaamij lagu carbiyo dhallinyarada si ay u shaqaysan karaan. Waa barnaamij guulaystay oo si wanaagsan u shaqeeyey oo ay ka faa’iidaysteen dhallinyaro faro-badan oo reer Somaliland ah. Waxa carbis shaqo dhamaystay in ka badan Saddex Kun iyo Afar iyo Lixdan (3,064) oo ka kala yimi dhammaan gobollada dalka oo dhan, oo dhammaantoodna laga shaqo-geliyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee kala duwan. Barnaamijkaas waxa ku baxay dhaqaale aad u faro badan hase yeesha maxsuulka ka soo baxay ayaa ka qiimo badan. Muddo xileedkii labaad ee Xukuumadda Kulmiye waxa kordhay shaqaalaysiinta dhallinyarada. Korodhka Shaqaalaha ee Sannadihii 2017-2023 2017 2023 Faraq % 14,854 26,800 11,946 80 Waxa kor-loo qaaday heerka aqooneed iyo xirfadeedba ee Shaqaalaha dawladda oo jaamacado loo diray, waxaana derajadooda la dalacsiiyey in ka badan 1,500 oo shaqaale ah. Waxa la-sameeyey Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, dawladduna ay u qoondaysay miisaaniyaddii uu ku hawl geli lahaa, kaas oo dhaqaale ahaan ka taageeri doona dhallinyarada la timaadda hal-abuur shaqo iyo ganacsi. Xisbiga Kulmiye dedaalka horumarinta dhalinyarada waa uu sii wadi doonnaa. DHAQAALAHA Muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye, dalka dhaqaalihiisu kor buu u kacay. Sannadkii 2019 waxa uu heerka dhaqaalaha dalku (GDP) ahaa 2.346 Bilyan oo Doollar, halka sannadkii 2022 uu ahaa 2.583 Bilyan oo Doollar. Koboca wax-soo-saarka dalku waxa uu ku yimi Siyaasadda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee ku wajahan furfuridda dhaqaalaha, dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga iyo dedaalka shacabkeenna iyo ganacsatadeena. Korodhka Miisaaniyadda Dawladda ee 2017 – 2022 2017 2022 Faraqa % 1,553,204,022,280 2,497,612,595,220 944,408,572,940 61 Kabayaasha dhaqaalaha oo kaalin weyn ka qaata Koboca Dhaqaalaha Dalka, waxa muddadaas la dhamaystiray marin dhaqaaleedka Berbera ee (Berbera Corridor) qaybtiisa isku xidha Halleeya ilaa Berbera, waxaana socda oo sannadka danbe la dhamaystiri doonaa qaybta isku-xidha Hargeysa ilaa Tog-wajaale. Waxa la dhamaystiray oo si xawli ah u shaqeeya Dekedda Casriga ah ee Berbera iyo sidoo kale Aagga Cashuuraha ka-caagan (Berbera Economic Zone) oo ay imika ka hawl-galaan 20 shirkadood oo waawayn, una badan shirkado caalami ah. GARSOORKA IYO CADDAALADDA Tusaale ahaan; Sannadkii 2022 waxa Maxkamadaha dalka soo galay 21,068 dacwadood, kuwaas oo iskugu jira Madani iyo Ciqaab. Waxa dhammaaday 17,680 dacwadood, halka Maxkamaduhu fuliyeen 3,884 dacwadood. Tirada iyo noocyada danbiyada ka dhacay Dalka 2018 ilaa 2022 Sannadka Tirada Dilalka Tirada Kufsiga Shilalka Aragagixisada Khamriga liter Xashiishada KGs Iska Horimaadka dhimasho 2018 61 53 3457 Nil 7895 2600 2019 65 40 3232 Nil 4211 28.25 2020 53 161 4789 21 5589 270 2021 89 232 5581 21 41000 2110 1 2022 60 266 5829 16 7066 75.5 4 Wadar 328 752 22888 58 6 Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxa si balaadhan u soo kordhay dembiga kufsiga. Xukuumaddu dedaal xooggan ayey waddaa oo lagaga hor-tagaayo. Waxa la wadaa deraasado lagu baadhayo sababta uu dembigan culusi u sii fidaayo, waxaanna muuqata in sababahaas ay ka mid yihiin; 1) Dhaqamo shisheeye oo ku lid ah diinteena oo ina soo galay. 2) Balwadaha iyo Mukhaadaraadka oo qayb ka mid ah da’yarteenna jiidatay. 3) Internet-ka iyo Tignoolajiyadda Casriga ah oo Seef laba Afle ah oo sharkeeda iyo faa’iidadeedaba wadata, taas oo qayb ka mid ah Dhallinyradu xagga sharka u raaceen. 4) Saboolnimada oo culays ku haysa Dhallinyarada. Sidaa darteed, waa arrin culayskeeda leh oo u baahan in aynu Qaran ahaan iska kaashanno sidii aynu u cidhib tiri lahayn aafada ina soo gashay. Xisbiga Kulmiye waxa uu sii kobcin doonaa guud ahaan Dhaqaalaha Dalka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye. AMNIGA IYO DIFAACA Amniga iyo Difaacu waa tiirarka dalku ku dhisan yahay, waa deyrka birta ah ee cadowga inaga difaaca, waa madaalayaasha inaga ilaaliya cadowga u soo dhuunta gudaha, waa kuwa kala ilaaliya in aanay dhibaato ka dhex-dhicin Bulshada dhexdeeda. Hay’adaha Amniga; Xukuumaddu waxay dedaal badan u gashay kor-u-qaadidda tayadooda iyo qalabka, hase yeeshee, halkii aynu doonaynay in la gaadhsiiyo wax-badan ayaa ka dhiman, sababta oo ah dhaqaalaheenna ayaan wada dabooli karin baahiyaha jira. Waxa soo raaca Garsoorka oo u garnaqa wixii khilaafaad ah. Hay’adaha Amniga Hay’adaha Amniga ee ku hawlan nabad-gelyada guud ee Dalku waxay dedaal xooggan oo hadh iyo habeena iyo feejignaan badan ugu jiraan sugidda nabadgelyada Muwaadinka naftiisa iyo hantidiisa. Waxay sugayaan in Muwaadin kasta oo Somaliland ahi nabad ku seexdo, kuna soo tooso, hantidiisuna ay u nabad-gasho. Dembiyada bulsho ee inaga dhex-dhaca 90% wey ku guulaystaan Hay’adaha Amnigu in ay ka hortagaan, kuwa dhacana ay soo qabtaan ciddii ku kacday, si Garsoorka loo horgeeyo. Amniga Qaranka waxa iska-kaashada Waaxda Garsoorka; (Maxkamadaha iyo Garsoorka), Wasaaradda Cadaaladda; (Ciidanka Asluubta), Hay’adda Sir-doonka Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhigga, Ciidanka qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidammada hoostaga ee kala ah; Booliska, Socdaalka, Dab-demiska iyo Ilaaladaha Xeebaha. SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA Somaliland maanta waa dal aad looga yaqaanno dunida oo magaceeda iyo nidaamkeeda dawaladeedba uu caalamka intiisa badani ka dharagsan-yahay, taasina waxay ku timi dadaalka badan ee aynu ka sameynay Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo diblomaasiyadda. Waxay wefti aan hoggaaminayaa safaro shaqo ku tageen wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Imaraadka Carabta, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, iyo Gini Konokary. Safaraadaas oo dhami waxay u keeneen Somaliland Guullo waaweyn. Sidoo kale Wasiirada soo maray Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay safaro shaqo ku tageen wadamo badan oo caalamka ah, si ay uga dhaadhiciyaan qaddiyadda Somaliland, ugana wada-hadlaan sidii ay Somaliland iyo wadamadaasi uu u dhex mari lahaa xidhiidho diblumaasiyaddeed iyo kuwo wax-wada-qabsasho. Waxa kale oo muddadaas dalka yimid madax sare, wasiiro arrimo dibadeed, xildhibaanno ka kala socda dalal badan oo caalamka ah. Wufuudaasi waxay arkeen amniga iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxaanay balan-qaadeen in ay la wadaagi doonaan wadamadooda waxay ku soo arkeen Somaliland. Kulmiye waxa uu sii amba-qaadi doonnaa baadi-goobka aqoonsiga iyo iskaashiyada caalamiga ah ee dalalka caalamka, waxaanna lagu soo bandhigi doonnaa Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye. DOORASHOOYINKA IYO DIMUQRAADIYADDA Mudanayaal iyo Marwooyin, Muddo xileedka labaad ee Xisbiga Kulmiye, waxaynu kaga dhabeynay balan qaadkeenii ahaa Kobcinta Nidaamkeena Dimuqraadiga ah iyo Dar-dar-gelinta Doorashoyinka halka qof iyo halka cod ah. Muddaadaas waxa inoo qabsoomay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka. Kharashka badan ee doorashooyinka ku baxay wax yar mooyaane inta badan waxa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka. Waxa kale oo aynu suurto-galinay ka-midho-dhallinta xaqa dastuuriga ah ee Muwaadiniinta Somaliland ee ah in ay wax dooran karaan, lana dooran karo, iyadoo aynu hirgelinay Furidda Tartanka Ururrada Siyaasadda oo sharcigu uu waajibanayo in tobankii sannoba mar la qabto. Tartankaas waxa ku soo baxay 10 Urur Siyaasadeed oo sharci ah, una diyaar ah in ay ka qayb-galaan Doorashada Axsaabta Qaranka ee soo socota. Waa guul-weyn oo qarankani gaadhay. Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo ma aha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la I siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore wax ugu waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha” Doorashooyinkii sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo. Waxa inagu soo fool leh laba doorasho oo inoo kala qabsoomi doona dabayaaqada sanadkan iyo dabayaaqada sannadka dambe. Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu ii soo gudbiyey miisanadda ku baxaysa doorshada hore ee Axsaabta oo dhan in ka badan Tobon Milyan oo Doollar, waxaana ku talo-galkeenu yahay in aynu ka bixinno Miisaniyadda Qaranka. Ka Xisbi ahaan diyaar baynu u nahay in aynu galno doorashooyinkaas, rajo weyn ayeynu ka qabnaa in aynu ku guulaysan doono. Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay dersi doontaa sidii loo yarayn lahaa dhaqaalaha badan ee ku baxa Doorashooyinka, maadaama aynu ka mid nahay wadamada faro-ku-tiriska ah ee dhaqaalaha ugu badan ku qabta doorashooyinka, marka la is bar-bar-dhigo cod-bixiyayaasha iyo kharashka doorashooyinka inagaga baxa. HORUMARINTA MAAMUL-WANAAGGA Xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay muddo xileedkii labaad ku talaabsatay barnaamij ballaadhan oo lagu horumarinaayo maamul-wanaagga, kaas oo qaybo badan ka koobnaa, sida; • Tayeynta Xafiiska Maamul-wanaagga, si uu si hufan u guto wajibaadkiisa. Waxa la dhamaystiray Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka, taas oo daboolaysa guud ahaan nidaamka loo marayo maamul-wanaaga Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda. • Waxa sidoo kale la dhamaystiray Hagayaasha aasaaska u ah Qiimeynta Maamul-wanaagga oo sahlaya in la-qiimeeyo sida ay shaqadooda u gutaan Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladdu. • Waxa dib-u-casriyeyn iyo daah-furnaan laga dhigay hanaanka qandaraas-bixinta Dawladda, waxaanna awood la siiyay Guddida Qandaasyada Qaranka, si ay u gutaan xilkooda. • Waxa kale oo la dejiyey xeerarka lagama-maarmaanka u ah dhismaha qarannimada iyo maamul-wanaag, kuwaas oo isugu jiray kuwo la xidhiidha koboca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada arrimaha bulshada, adkaynta nabad-gelyada iyo sugidda xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaha. • Sido kale waxay Xukuumaddu dejisay oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen Siyaasado muhiim u ah Horumarka Dalka. Kulmiye halkaas ayuu ka sii wadi doonaa dedaalka maamul-wanaagga. DEEGAANKA IYO IS-BEDDELKA CIMILLADA Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in deegaanku yahay laf-dhabarta nolosha aadamaha. Waxa kale oo uu rumaysan yahay in aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda sida; abaaraha iyo daadadku ay caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo nolosha dadka iyo duunyadaba. Waxa deegaanka hadimooyin ku haya nabaad-guurka, isbeddelka cimillada, magaalaynta iyo xaalufinta dhirta. Dalkeena aabaraha ku soo noq-noqonaya, roob yaraanta, iyo xaalufka dhulkubu waa calaamadaha is-beddelka cilmillada. Waxaynu og-nahay in isbeddelka cimillada ee dalkeena ka jiraa uu saameynta u weyn ku leeyahay reer guuraaga iyo beeralayda. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aynu wax-ka-beddelno qaab nololeedkeenna. Inta badan nolosheennu waxay ku tiirsanayd xoolo, xoolo dhaqatadiina wey sii yaraanaysaa. Kulmiye ahaan, waxa la inaga filayaa in aynu xal-waara u helno dhibaatooyinka ay sababtay is-beddelka cimilladu, isla markaana ku soo bandhigno Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga. CAQABADAHA Caqabadaha inala soo dersay waxa ka mid ah: • Isbedelka Cimillada. • Caabuqa Covid-19. • Aqoonsi la’aanta. • Iska hor-imaadka Deegaanada. • Faro-gelinta Joogtada ah ee Cadowga Somaliland ku hayo kala dhantaalidda nabadgelyada iyo dhismaha dalka (Dagaalka Laascaanood) • Dabkii Suuqa Waaheen. WADA-HADALLADA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA Waxa muhiim ah in si mug leh loo ogaado, loona fahmo sharciyadda midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960 dhacay. Yaa dawlad ahaa markii uu midowgu dhacayey? yaan se ahayn? Midowgu waxa uu dhacay iyadoo ay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xor ah oo 35 wadan ay aqoonsan yihiin. Markii ay Somaliland xornimada qaadatay Soomaaliya waxay ku jirtay gacanta Qaramada Midoobay (Under UN Trusteeship). Somaliland oo ah dal xor ah sharciyadda caalami ah leh (De Jour State) ayey Soomaaliya ku soo biirtay. Sidaas ayey Somaliland ku ahayd tii lagu soo biiray (Parent State). Axdiga Midnimada ee Soomaaliya ku doodaysaa ma-laha sal-dhig sharci, Sababta oo ah Axdigii uu Baarlamaanka Somaliland soo saxeexay ee uu u codeeyey iyo kan Soomaaliya ku doodaysaa wey kala duwan yihiin. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee soo bilaabmay 2012 waxaynu ku galnay talo Qaran oo aynu u dhammeyn. Muddadaa 11-sanno ahayd waxa la galay 9 wareeg oo wada-hadal ah oo aynu mid walba ku soo bandhignay in aynu ahayn laba dawladood oo kala madax-banaan oo si siman u midoobay. 1991-kii markii dawladdii lagu midoobay duntay mid waliba iskeed ayey dawlad gaar ah u dhisatay. Wada-hadalkii Jabuuti ka dhacay ee 2019-kii waxaynu fagaare caalami ah oo ay ka soo qayb galeen dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Itoobiya, Jabuuti, iyo Urur-gobaleedka IGAD si cad ugu garnaqsannay in aynu sharciyan iyo siyaasiyanba aynu xaq u leenahay ictiraafkii aynu helnay 1960-kii, ayna gef ku tahay Shacabka Somaliland in lagu xidho ictiraafkooda dalkii ay midoobeen ee ay Somaliland go’aansatay in ay ka baxdo midowgii. Sida aan marar badan iyo madalo badan ku caddeeyey Somaliland mowqifkeedu wuu cad yahay, hanaanka kali ah ee ay Somaliland ku gali karto wadahadalo waa: 1. In ay wada-hadalladu ku dhacaan Qaab Laba Dawladood, kuna soo dhammaadaan xal ah laba dawladood oo kala madax-banaan. 2. In la ixtiraamo, si dhakhso ahna loo dhaqan-geliyo dhammaan heshiisyada ay hore labada dhinac u gaadheen. 3. Waa inuu jiro Nidaam Dhex-dhexaadineed (International Mediation Mechanism) oo dammaanad qaadi kara in la fuliyo waxa lagu heshiiyo. 4. In ay jirto Xog-hayn Caalami ah oo daacad ah, kuna sifowda dhex-dhexaadnimo. 5. Waa in ay jiraan Mabaadii’ guud iyo hab-dhaqan lagu daadihiyo wada-hadallada. 6. Waa in ay wada-hadalladu yeeshaan Ajende-cad oo lagu hoggaamiyo shirarka oo si cad u qeexaya Arrimaha Masiiriga ah ee la isku hayo (Core Issues of the Dispute). Nidaam kasta oo wada-hadal oo aan waafaqsanayn qodobbada aan soo sheegay waa wakhti lumis iyo madaddaalo. In kasto aynu weli diyaar u nahay wada-hadlo macno leh, haddana taasi inagama hor istaagi karto in aynu dariiq kasta oo inoo furan u marno sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Gebegabo Xukuumadihii kala danbeeyey ee Xisbiga Kulmiye waxa ay dalka gaadhsiiyeen guulo fara-badan oo dhinacyo badan taabanaya. Guulahaasi waxay ku yimadeen siyaasadda iyo barnaamijka Xisbiga oo hagayey shaqada iyo wax-qabadka xukuumadda. Xisbiga Kulmiye waa Xisbi hayin ah oo talooyinkiisa iyo mabaa’diidiisa siyaasadeed ay ku qotomaan wada-tashi, wada-jir iyo wax-wada-lahaansho. Ballanteenu waa guul iyo gobonnimo. ***Dhammaad*** Qaran News
  14. Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Shirka 8-Aad Ee Golaha Dhexe Ee Kulmiye Burco(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha siddeedaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shirka golaha dhexe ee xisbiga oo muddada uu socdo lagu lafo guri doono arrimo kala duwan, ayaa waxa ugu horrayn hadal kooban ka jeediyey xoghayaha guud ee xsibiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana uu xubnaha golaha dhexe ee kulanka ku sugnaa ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay shirka uga soo qaybgaleen. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa isaguna dhankiisa ka xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu xisbigu soo maray, horumarka uu sameeyey iyo sida uu maanta u noqday xisbi gaamuray, jid Dimuqraaddi ah hoggaankiisu isu beddelo dalkana kusoo hoggaamiyey dariiq lagu aflaxay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Daah-furay, ayaa ugu horrayn si qoto dheer u sharraxay heerarkii uu kala duwanaa ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo horumarka uu dalka ka hirgeliyey muddadii uu hoggaanka dalka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hiigsiga dheer ee xisbigu yahay inuu dalka dhiso isaguna noqdo xisbi muddo dheer sii jira oo jiilal kala kuwani iska dhaxlaan. Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madasha ka jeediyey ayuu kaga hadlay arrimo door ah oo salka ku haya sida uu xisbigu u yahay mid Dimuqraaddi ah oo hoggaankiisa la isugu beddelo hab Dimuqraaddi ah, waxana uu yidhi, “Xisbiga Kulmiye waa xisbi dimuqraadi ah oo ruug caddaaya. Waa xisbiga kali ah ee talada dalka qabtay laba jeer oo lagu soo doortay doorashooyin xor iyo xalaal ah sidaasna ay dalka Madaxweynayaal uga noqdeen labadii Guddoomiye Xisbi. Waa Xisbi dhexdiisa ay ka jirto dimuqraaddiyad, hoggaankiisa Sarena lagu soo doorto hab dimuqraadi ah oo gacan taag ah. Waxa aynu Shirkan Golaha Dhexe ku dooran doonaa Guddoomiyihii Saddexaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye.” Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay waqti badan gelisay sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, muddadii ay hoggaanka dalka hayeen hirgeliyeen horumar ballaadhan oo ay bulshadu intifaacsanayso ilaa maanta. Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in dalka lagu hagayo shuruucda iyo qaanuunka bulshadu dhigatay, meelna aanay uga bannaanayn fadqalallo iyo cid doonaysa inay qori caaradii wax ku doonaysa, waxana uu yidhi,“Doorashooyinka waxa aynu u raacaynaa sida sharcigu dhigaayo, haddii sharciga laga leexdana dalku socon maayo. Dimuqraaddiyadda waa markaygii ee halla ii dhiibo oo ma aha Baaskiil yar oo ciyaalku kaxaystaan, mana jirto wallaahi haddii markayga la I siin waayo xabbad baan wax ku qaadanayaa, taasna rag hore wax ugu waayey oo qaranku taas kuma heshiin, dastuurkeennuna ma jidaynin oo Af waayeel ma aha.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in doorashooyinka loo raacayo qaabkii ay komishanka doorashooyinku jadwalka usoo saareen, isaguna uu wareegtada kusoo saaray, “Doorashooyinku sidii ay guddida doorashooyinku muddeeyeen, aniguna aan saxeexay bay ku soconayaan, waana waddada qudha ee amni, dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu gaadhayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maalinta berri ah soo xidhmi doona, waxana lagu wadaa in lagu doorto murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga iyo guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan ayaa soo saartay wargelin muhiim oo qeyb ka ah qorshaha cusub ee dowladda, kaasi oo fursad ay isku soo dhiibaan la siinayo dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay xarunta ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku boorineyso dhamaan shaqsiyaadka weli ka tirsan kooxaha argagixisada ah in ay ka faa’iidaystaan fursada uh siinayo “xeerka cafiska dadka isku soo dhiibaya dowladda” kana soo baxaan kooxaha argagixisada ah. Xeerkan ayaa waxa uu shaqsiyaadka kasoo baxa kooxda Al-Shabaab siinayaan fursad ay dib ugu soo biiraan bulshada rayidka ah iyaga oo ah xubno ka tirsan bulshada oo nabdoon. “Argagixisada kalama jecla in aad dhimato ama aad silic ku noolaato waxa ay kuugu yeerayaan waa in aad daadiso dhiiga shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslimiin ah, amaba dhiigaagu daato, taasi oo ah adduun iyo aakhir beel, balse dowladdu waxaa ay had iyo jeer diyaar u tahay in ay ka caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd.” “Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikirka argagixisanimo oo ka faa’iideyso fursada cafiska ee ay dowladda Soomaaliya kuu fidisay.” Sidoo kale xarunta ayaa waxay dhamaan waalidiinta iyo ehellada ay caruurta ka marin-habaabiyeen ama tuhmaya in ay cadaadis ku hayaan caruurtooda kooxaha argagixisada ah si ay ugu biiraan waxaa lagu dhiiri-gelinayaa in ay nala soo xiriiraan si looga gacan siiyo badbaadinta caruurtooda.” Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa markii u horreysay soo bandhigtay nambaro ay la xiriiri karaan dhalinyarada raba inay kasoo baxaan kooxda ee weli ku harsan, ayada oo sheegtay in dhamaan xogaha xubnaha la xiriira la dhowri doono. “Dhamaan xubnaha danaynaya in ay dowladda isku soo dhiibaan iyo waalidiinta caruurta laga marin habaabiyay waxaa ay nagala soo xiriiri karaan nambarada hoos ku xusan. Dhamaan xogaha xubnaha nala soo xiriira waa la xafidi/dhowri doona.” Xaruntaan ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay Cabdullahai Maxamed Nuur oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sameeyay magacaabistaas ayaa sheegay in xaruntan oo markaas lagu dhawaaqay ay ka mid noqon doonto hay’adaha dawladda, ayna mas’uul ka noqon doonto ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo Al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka. The post Cabdullaahi Maxamed Nuur oo durba bilaabay qorshaha cusub ee DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka billowday dibadbax ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Jeneraal Sheegow oo ay shalay soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya beesha uu kasoo jeedo Jeneraalka, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Dadweynaahan ayaa ka yimid dhanka degmada Wadajir, iyaga oo qaaday laamiga dheer ee tega Zoobe, kadibna waxa ay u gudbeen dhanka waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale dibad-baxayaasha oo ku qaylinayo erayo ka dhan ah dowladda ayaa gudaha u galay goobo ganaccsi oo ku yaala laamiga Buulo Xuubey oo lasoo wariyay in dhibaatooyin ay ka geysteen. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhanka kale dadaallo wada ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo isku dayaya inay xakameeyaan dibadbaxayaasha. Arrintaan ayaa daba socoto xarigga Jeneraal Sheegow oo loo haysto eedeymo culus, kaas oo shalay lagu soo qabtay dagaal culus oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley. Xariggiisa ayaa carro xoogan dhaliya6, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay qaabka loo soo xiray markii lasoo qabanayay sarkaalkaasi. Waxaa sidoo kale arrinta uga sii daray markii uu taliska Booliska sheegay in ninkan uusan aheyn Jeneraal, balse uu yahay Kabtan hore oo laga ruqseeyay ciidamada, taas oo ay si weyn uga hortimid beesha uu kasoo jeedo. The post Dibadbax looga soo horjeedo xarigga Jeneraal Sheegow oo ka billowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Baidoa (HOL) - The Ministry of Internal Affairs for South West Regional State has fired Barawe district commissioner Liiban Abukar Osman and his Deputy, Ms. Sahro Abukar Ali. Source: Hiiraan Online
  18. Islamabad (Caasimada Online) – Warrarka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in koox hubeysan oo xagjir ah ay ku dileen gobolka Khyber Pakhtunkwa 11 shaqaale ah. Dhammaan shaqaalada geeriyooda ayaa ku socday mashruuc dhisme oo laga hirgalinayay gobolka xuduuddda Afganistan ku yaala ee Waziristan. Qarax la ayaa lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen shaqaalahani, kaas oo marayay Woqooyiga Khyber Pakhtunkwa. Ra’isul Wasaaraha xil gaarsiinta ee xukuumadda Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter soo dhigay fariin u uku cambaareynayo dilka shaqaalaha aan waxba galabsan ee uu sheegay inay gaarayaan 11, kuwaas oo lagu dilay weerar argagixiso. Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lagau dilay 11 qof. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaris ku aadan falkaasi lagu beegsaday shaqaalaha oo lagu eedeeyay inay geysteen koox hubeysan oo xagjir ah. The post 11 shaqaale ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Pakistan appeared first on Caasimada Online.
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo fara-geliyay xiisad xooggan oo ka taagneyd degmad Baraawe, taasi oo salka ku haysay khilaaf ka dhex qarxay maamullada degmadaasi. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe Mudane Liibaan Abuukar Cusmaan iyo ku-xigeenkiisa labaad Marwo Sahro Abuukar Cali. “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed markii tix-geliyay wada shaqeyn la’aanta Golaha Deegaanka Degmada iyo maam6lka degmada Baraawe, waxa uu ka qaaday Mudane Liibaan Abuukar Osman xilka Guddoomiyaha Degmada Baraawe,” Xilka guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Mudane Cumar Sheekh Cabdi Shafana, oo xilkaasi hayn doona inta ay golaha deegaanka degmada Baraawe ka soo dooranayaan guddoomiye cusub. Sababta u weyn ee xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe iyo ku-xigaankiisa labaad ayay wasaaradda ku sheegtay wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe. “Waxaa uu dhamaan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, kan degmada Baraawe iyo dhamaan laamaha amniga degmada Baraawe faraaya in ay fuliyaan dhaqan-gelinta wareegtadan,” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe. Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii golaha deegaanka degmada Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis ka soo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa labaad. Golaha ayaa horey guddoomiyaha xilka laga qaaday ku eedeeyay inuu isku koobay awooddii maamulka, uuna dhegaha ka furaystay eedemo loosoo jeediyay, ayada oo muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada uu hareeyay is qab-qabsiga maamulka. The post Maamulka Koonfur Galbeed oo soo fara-geliyay xiisadda Baraawe, xilkana ka qaaday… appeared first on Caasimada Online.
  20. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo wixii ka dhacay, isagoo Muuse Biixi toos ugu eedeeyey inuu xasuuq ka geystay magaaladaas. “Waxaad la socotaan in Laascaanood lagu soo duulay, xasuuq badan ayuu halkaas ka sameeyey maamulka Muuse Biixi, barakac iyo qaxooti badan ayaa ka dhashay xasuuqa ka socda Laascaanood,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Axmed Karaash ayaa sheegay inuu aad u cambaareynayo beegsiga uu maamulka Somaliland ku hayo dadka reer Laascaanood, isagoo u balan qaaday in Puntland ay garab istaagi doonto dadkaas intii karaan ah. “Dowladda Puntland si weyn ayey isaga xil saartay arrinta Laascaanood, waxaan magacaawnay mar hore guddiyo si dhow ula socda xaaladda, dad aad u badan ayaa ku soo barakacay Puntland, waa soo dhaweynay waxaan ugu deeqnay hooy,” ayuu halkiisa ku sii daray Axmed Karaash. Wuxuu sheegay in dhamaan carruurtii ka soo qaxday Laascaanood ee qoysaskoodu ay soo deegaansadeen magaalooyinka Puntland ay siiyeen waxbarasho bilaash ah. “Arday badan 15,000 oo kasoo carartay colaada Laascaanood ayaa ku soo qaxday Puntland, waxaan siinay waxbarasho lacag la’aan ah, 3,000 oo ka mid ah waxay sanadkaan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah, taasina waa guul weyn,” ayuu yiri Axmed Karaash. Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu si weyn ugu mahad celiyey hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada ee u gurmaday dadka ka barakacay magaalada Laascaanood oo colaad adag wajahaya. “Hey’adaha Laascaanood gargaarka ka wada waan amaanayaa, tan iyo maalinkii lagu soo duulay magaaladaas waxay hey’aduhu ka wadeen howl naf hurnimo leh, dhakterkii Bisha Cas ayaa lagu dilay duulaanka ay Somaliland ka wado Laascaanood,” ayuu Karaash yiri. The post Puntland oo eedeyn culus oo ku saabsan xiisada Laascaanood u jeedisay Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  21. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelah Dhexe,. Taliyaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabahadaha Wata, waxanaa halkaas ku soo dhaweeyay saraakiil iyo xildhibaano. Soo dhaweyn kadib taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa booqday farumaha ciidamada, isaga oo u kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo difaacyada ay joogaan. Ujeedka booqashada taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa ah inuu dhiira-geliyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab kula dagaalamaya halkaasi. Khudbad uu u jeediyay ayuu kula dardaarmay inay muhiim tahay inay ka feejignaadaan weerarada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe. Sidoo kale taliyaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo waxgaradka deegaanka, isaga oo kala hadli doono howlgallada xoreynta ah ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe. Taliyaha sidoo kale wuxuu tagi doonaa deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-Shababa, si uu usoo qiimeeyo xaaladda xaaladaha ka jira deegaanadaas oo la gaarsiinayo dowladnimada. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama inta badan laga saaray gobolkaasi oo ay u horeyso degmada uu booqday ee Aadan Yabaal, The post Daawo: Taliyaha ciidamada Xoogga oo tegay degmo laga xoreeyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  22. Alle ha u naxariistee, taliye Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte) oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shil gaari. G/sare Gacayte, oo ahaa taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Towfiiq ayaa saaka u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shil gaari oo uu dhawaan ku galay jidka u dhexeeya Gaalkacyo iyo Towfiiq. Dhaawaca taliyaha ayaa markii uu shilka galay loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo uu ku geeriyooday saaka oo Axad ah. Taliye Gacayte aya lagu xasuustaa in uu ahaa sarkaal daacad ah oo si weyn uga qayb qaatay difaaca guud ahaan dhulka dowladda Puntland, gaar ahaanna gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Taliye Gacayte oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shil gaari appeared first on Puntland Post.