-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadira ayaa weli sii wadda dhageysiga dacwadda ka dhanka ah mas’uuliyiin dowladeed oo ku eedeysan falal la xiriira musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo horay loo soo xiray. Kiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa keenay doodo xoogan oo hareeyay maxkamadda, kuwaas oo u dhexeeya xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanayaasha. Doodda iyo dhageysiga dacwaddan ayaa sidoo kale si toos ah loogala socdaa shaashadaha warbaahinta, maadaama la tabinayo habka ay u socoto maxkamadeynta raggan. Haddaba maxaa ka dhacay maanta maxkamadda gobolka Banabaadir? Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabbaan) oo g’aan culus qaatay ayaa hoolka maxkamadda ka saaray mid kamid ah qareenada u doodayay ragga u xiran masuq-maasuqa, kadib markii uu la dooday guddoonka sare ee maxkamada. Abuukaataha bannaanka loo saaray ayaa waxaa lagu magacaabaa Jibriil, waxayna is qabteen guddoomiye Dabbaan oo markii dambe ku amray inuu ka baxo hoolka. “Amar maxkamadeed waayay abuukaate Jibriil buugaagta qaado ee bannaanka ka tag maxkamadda hoolkeeda,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir. Sababta keentay in Abuukaataha laga saaro hoolka ayaa ah inuu hadalka qaatay, isaga oo aan amar ka heysan maxkamadda, waxaana taas ka carooday guddoomiyaha oo go’aankan qaatay waxaana isku day sameeyay qareenada kale, balse waxaa ka hortimid maxkamadda “Abuukaatuhu in maxkamaddu hadal ay ka joojiso uu sii wato markii ugu horreysayne ma’aha horay ayuu u sameeyay” ayuu mar kale yiri guddoomiye Saalax Dabbaan. Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa si dardar leh magaalada Muqdisho uga socotay dhageysiga dacwad musuq oo loo haysto agaasimeyaal ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay dhowaan laamaha ammaanka usoo xireen falal la xiriira xatooyo xoolo dadweyne ah. The post Qareenkii ugu horreeyay oo bannaanka looga saaray maxkamadda gobolka + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxii Kooxda awoodda badan ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa goordhaweyd ku dhintay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Ruushka, sagaal kale oo ka tirsan kooxdiisa ayaa iyaguna ku geeriyooday Shilka. Ninka Geeridiisa ay xaqiijisay BBC ayaa dhawaan sameeyay iskuday afgambi oo uu doonayay inuu awood kula wareego Magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Ruushka taas oo Madaxweynaha Ruushka ku khasabtay inuu wadahadal deg deg ah la furo Kooxda. Source
-
International partnerships between institutions in high income and low to middle income countries are a long established way of developing the international healthcare workforce. They include the King’s Somaliland Partnership which was established in 2000 and works with the Somaliland government, higher education institutions, health facilities, regulators and professional associations, to support health workforce development and service delivery. This report, out today from the NIHR Policy Research Unit in Health and Social Care Workforce at King’s, summarises evidence on the benefits and challenges of creating these partnerships and highlights the increasing importance given to creating ethical and sustainable arrangements in the future. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi, isaga oo qaabilay qaar kamid ah xubnaha ururka Haweenka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankan ku helinayay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada. Howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ee ka la kulmay madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb u tegay garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku booriyay haweenka dalka in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay joogaan xubnaha kooxda. Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab. Xubnaha haweenka ee hadlay ayaa waxa ay ballan qaadeen in ay hareer joogi doonaan ciidamada qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo. Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay ciidamada huwanta ka dhaqaaqeen caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, ayna ku siiyeen dhanka degmada Ceelbuur. Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo laba todobaad ka badan ku sugan Dhuusamareeb ayaa u tegay hoggaaminta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shababa. The post Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay haweenka ugu tegay Dhuusamareeb? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgalladan oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada Booliska iyo kuwa xasilinta ee Boolis Milataaro ayaa waxaa laga fuliyay Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha saddexdaan degmo, ayna ka sameeyeen baaritaano saacado qaatay. Inta uu howlgalka socday waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale ay weli su’aallo weydiinayaan laamaha amniga. Ma jiro weli wax faah-faahin ah oo ay hay’adaha amniga ka bixiyeen howlgalladaas xalay ka dhacay degmooyinka y Heliwaa, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, balse saraakiil aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana laga sameyn doono dhammaan degmooyinka kale ee ku yaalla gudaha caasimada. Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, habeen kadib markii weeraro toos ah oo qaraxyo ku billowday ay Al-Shabaab ku qaadeen degma Kaxda, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo maalin kahor ka dhacay agagaarka isgoyska Ifka Xale ee Muqdisho. Dhammaanka falalkan amni darri ayaa dhacaya, xilli ay dowladda Somalia iyo Al-Shabaab ay isku hayaan jiida hore ee dagaalka, kaas oo ay isku fara saareen labada dhinac. The post Ciidamada ammaanka Muqdisho oo howlgallo culus ka fuliyay saddex degmo appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka XFS Xildhibaan Dr. Mohamed Hassan Mohamed oo maalmahaan howlo shaqo u joogay dalka India ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashi dhexmara labadda wasaaradood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India. Wasiirada ayaa isku afgartay in laga wadashaqeeyo iskaashi miro dhal ah sida dhanka daawada, tababaridda iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya. Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo India oo yeelanaya iskaashi dhanka Caafimaadka ah appeared first on Puntland Post.
-
Urur Taliban ayaa la sheegay inay hor istaageen inay dalkaas ka dhoofaan, hablo deeq waxbarasho ka helay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la qorshaynayey inay halkaas ku dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed. Khalaf Al Habtoor, oo ah ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku baahiyey muuqaal uu ku sheegayo, inuu kafaalo qaaday waxbarashada 100 hablood oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, hase ahaatee ay subaxnimadii arbacada soo gaadhay war aan wanaagsanayn oo sheegay, in maamulka Taliban ay hablahaas u diideen inay raacaan diyaaraddii ku sugaysay garoonka diyaaradaha ee Kabul. “Ma garanayo ereyada aan ku cabbiro niyad-jabka aan dareemayo” ayuu yiri Al-Habtoor oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda Al Habtoor Group. Ganacsadahan ayaa ka mida, maalqabeenada sida aadka ah looga ixtiraamo dalka Imaaraadka Carabta. Al Habtoor ayaa sheegay, inaanu maanta faraxsanayn, sababtoo ah, ardaydii uu kafaalo qaaday, waxay fursad u waayeen inay gaadhaan Dubai, halkaas oo ururkiisu uu goorhoreba uga sii qorsheeyey inay waxbarasho iyo degsiimo ka helaan, iyada oo hawshaasi ay socotay muddo bilo ah. PUNTLAND POST The post Ururka Taliban oo deeq waxbarasho ka hor istaagay gabdho reer Afghanistan ah appeared first on Puntland Post.
-
New Delhi (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed oo haatan ku sugan dalka India ayaa howlo shaqo ka wada dalkaasi, kuwaas oo la xiriira howlaha dhanka caafimaadka. Wasiir Maxamed Xasan ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya oo ka wada-hadleen arrimo ku aadan iskaashi ay yeelanayaan labada dal. Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashiga oo ku qotoma labada wasaaradood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India. Sidoo kale waxa ay isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo iskaashi miro dhal ah sida dhanka daawada, tababaridda iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya. Inta uu socday kulankan waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo ka hadlay is afgaradkan ayaa shaaca ka qaaday in faa’iido weyn ay ugu jirto Soomaaliya, maadaama la macaamileyso Inida oo kamid ah dowladaha ku horreeya xagga caafimaadka, ayna ku xiran yihiin Soomaali badan. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasaaradduu ay ku dadaali doonto sidii ballaarin lahaa iskaashigan cusub, si ay dadka Soomaalida u helaan adeegyada ay u baahan yihiin. S kastaba, iskaashigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dhibaatooyin ay la daala dhaceysa tan iyo burburkii, waxaana kamid ah dhicyadaas caafimaadka oo liitay. The post Sawirro: Somalia iyo India oo yeelanaya iskaashi cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in abaabul iyo diyaargarow ciidan uu ka jiro gobolkaasi, kaasi oo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab Qorshaha Madaxtooyada HirShabeelle iyo Taliska Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ah in maleeshiyada Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ka maamulaan dhanka galbeed ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegaya in loo diyaarinayo, sidii ay maleeshiyada uga saari lahaayeen deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale), Gamboole iyo deegaanada kale ee ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee Webiga Shabelle. Gobolka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada. Madaxweynaha oo siyaabooyin kala duwan ula kulmay bulshada ku dhaqan deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Nuur Dugle ayaa kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, barnaamijka xasillinta ee deegaanada la xoreeyay iyo sidii looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed. Deegaanadan ayaa ka mid ah deegaanada gobolka ee wejigii hore ee hawlgalka laga saaray kooxahaasi. Madaxweyne Guudlaawe ayaa tibaaxay in gacan ay kula dagaalamayaan Al Shabaab, gacantana kalena ay kaga shaqeynayaan mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabelle. Villa Somali ayaa culeyska ku kordhineysa Shabaabka Gobolada Dhexe, oo yoolku yahay in si buuxdo looga ciribtiro goboladaasi. The post Abaabul dagaal oo ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Shir Lagu Samaynayo Dallada Daryeelka Carruurta oo Lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta furay kulan lagaga tashanayo saamaynta dallada xarumaha daryeelka carruurta. Waxaana madasha ka soo qayb galay badiba maamulayaasha xarumaha daryeelka caruurta oo ka kala Socday dhamaan gobolada dalka waxaana kulanka wasaaradda ku wehelinaayey hay,adda SOS Children’s Villages Somaliland oo dhankeeda wasaaradda kala shaqaysa arrimaha caruurta. Ugu danbayn waxaa madasha laga soo jeediyay talooyin la xidhiidha Arrimaha caruurta ku jirta xarumaha daryeelka caruurta iyo maarayn tooda. Qaran News
-
Maayarka Sallaxlay oo la Kulmay Saraakiisha UNDP Hargeysa(Qaran news)-Maayarka dagmada Sallaxley ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay hay’adda UNDP kuwaas oo kormeer ku yimi dagmada Sallaxley. Ujeeddada socdaalka masuuliyiinta UNDP oo uu hoggaaminayay sarkaal sare oo katirsan hay’adda (Abdikadir Rafiiq) ayaa ahayd kormeer iyo sidoo kale xog is waraysi dadka deegaanka ah oo ku saabsan mashaariicaha ay hay’addu ka fulisay degmada sidii looga faa’iideystay iyo waxii caqabo ah ee jira. Maayarka degmada Sallaxley oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha deegaanka ayaa ugu horayn xafiiskiisa kusoo dhaweeyay iyadoo masuuliyiinta ka socotay Hay’adda UNDP ay uga warameen mashaariicaha ay ka fuliyeen dagmada Sallaxley iyo sidoo kale waxyaaba u qorshaysan 2024 inay ka fuliyaan dagmada. Intaa kadib xubnaha ka socday UNDP iyo maamulka dagmada Sallaxley waxay kormeer ku gaadheen Laanqeyrta Qool-dhuxulaale halkaas oo ay shir kula qaateen odayaasha deegaanka waxanay kormereen Dhaamka Qool-dhuxulaale. Sidoo kale waxa ay kormeereen Dhaamka dagmada iyo mashruuca Soolarta ee barakaca. Masuuliyiinta UNDP waxa halkaa warbixino ku siiyay maamulka dagmada iyo odayaasha deegaanka. Qaran News
-
Hoggaamiyihii Kooxda Wegner oo ku Dhintay diyaarad Dhacday Russia(Qaran)- Warbaahinta reer galbeedka ayaa baahisay in hoggaamiyihii calooshood u shaqeysteyaasha Ruushku Prigozhin uu ku dhintay burbur diyaaradeed oo ja dhacay gobolka Tver ee waqooyiga Ruushka. Wasaaradda gurmadka degdega ah ee Ruushka ayaa sheegtay in ay dhacday oo diyaarad shacab oo ay dhinteen dadkii saarnaa oo toban qof ka koobnaa oo 3 ka mid ahi ahaayeen hawlwadeenadii diyaarada. Waxa la rumaysan yahay in Prigozhin oo is qarin jiray tan iyo afgambigii dhicisoobay ee uu isku dayey bishii June ee Sannadkan uu ku dhintay diyaaradaasi oo warbaahinta reer galbeedku ay sheegayaan inay jiraan warar tibaaxaya in ciidamada cirka ee Ruushku soo rideen diyaaradaas. Ninkan ayaa xili hore oo toddobaadkan ah ka soo muuqday Afrika. Qaran News
-
Maareeyaha Ha’yadda Waddooyinka oo Kormeeray Jid isku Xidha Ceerigaabo iyo Maydh Hargeysa(Qaran news)-Maareeyaha Wakaaladda horumarinta waddooyinka ayaa kormeer ku soo sameeyay waddada isku xidha Ceerigaabo illaa Maydh ee Madar Mooge, taas oo shaqadeedu socoto. Waddadan Madar Mooge oo ay dhismeheeda fulinayso shirad maxali ah ayaa waxa maal-geliyay baanka horurumarinta Afrika, iyadoo dhaqaalaha ku baxaayana baankaasi soo mariyay hay’adda caalamiga ah ee Save the Children, iyadoo wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland-na leedahay kor joogtaynta sida shaqada wadadaasi u socoto. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim ayaa wuxuu u koor-galay halka ay marayso hawsha dhisamaha wadadaasi, waxaanuu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa. Maareeye Eng. Mawliid Nuux wuxuu hawl-wadeenada dhismaha wadadaas gacanta ku haya uu ku dhiiri-galiyay in ay dar-dar galiyaan dhisamaha wadadaas, oo ah waddo muhiim ah. Eng. Mawliid Nuux maareeyaha wakaaladda horumarinta wadooyinka Somaliland waxa kormeerkaas ku wehelinaayay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda ahna madaxa Mashruuca Wadada Burco-Ceerigaabo Khadar Cali Caarshe iyo masuuliyiin kale. Qaran News
-
Islamabad (Caasimada Online) – Urur Taliban ayaa la sheegay inay hor istaageen inay dalkaas ka dhoofaan, hablo deeq waxbarasho ka helay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la qorshaynayey inay halkaas ku dhamaystaan waxbarashadooda heerka jaamacadeed. Khalaf Al Habtoor, oo ah ganacsade u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku baahiyey muuqaal uu ku sheegayo, inuu kafaalo qaaday waxbarashada 100 hablood oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, hase ahaatee ay subaxnimadii arbacada soo gaadhay war aan wanaagsanayn oo sheegay, in maamulka Taliban ay hablahaas u diideen inay raacaan diyaaraddii ku sugaysay garoonka diyaaradaha ee Kabul. “Ma garanayo ereyada aan ku cabbiro niyad-jabka aan dareemayo” ayuu yidhi Al-Habtoor oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda Al Habtoor Group. Ganacsadahan ayaa ka mida, maalqabeenada sida aadka ah looga ixtiraamo dalka Imaaraadka Carabta. Al Habtoor ayaa sheegay, inaanu maanta faraxsanayn, sababtoo ah, ardaydii uu kafaalo qaaday, waxay fursad u waayeen inay gaadhaan Dubai, halkaas oo ururkiisu uu goorhoreba uga sii qorsheeyey inay waxbarasho iyo degsiimo ka helaan, iyada oo hawshaasi ay socotay muddo bilo ah. The post TAALIBAAN oo diyaarad ka reebay 100 hablood oo u socday waddanka… appeared first on Caasimada Online.
-
“RAG WAXAAN KU MAAALI AQAAN AMA KU MAAMUUSI MASE INAANU NAHAY OO TOLNIMO MEERTO NOO TAHAYE” Garaad Axmed Sh. Cali Beesha Isaxaaq Carre waa saddex oday oo kala ah 1-KALIIL ISAXAAQ 2-QAASIN ISAXAAQ 3-CABDALLE ISAXAAQ. Hadaba sida caadada u ah beelaha Somaliland, marka magac reer lagu soo saarayo war murtiyeed, waa inay cid muhiimi ka joogtaa dhamaan jilibada ay ka koobantay beeshaasi, Sidaa darteed maadaama aanay labada ardaa ee: Qaasin Isaxaaq iyo Kaliil Isaxaaq, cidi ka joogin shirkii lagu qabtay Ambaasatoor, hadana war murtiyeedkii lagu soo saaray magacii guud ee ISAXAAQ CARRE, Aniga oo ah: Garaad Sh Axmed Cali Aadan ayaa xaal iyo Apologize ka siinaya walaalahay qaladkaa dhacay! Marnba ma qurux badana in cid gaari ku hadasho Afka beesha iyadoon talada ku simin dhamaan dhinacyada ay khusayso. GUNAANAD: aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca inta ila aragtida ah waxan soo jeedinayaa dhawrkan qodob: 1-Magaalada Hargaysa waa caasimaddi jamhuuriyadda Somaliland,sida uu dhigaayo qodobka 3 aad ee Distoorka Somaliland,sidaa darteed waa khalad inay kala sheegtaan dadka reer Somaliland. 2-Hadii ay suurta gal tahay inay cid gaari sheegato magaalada Hargaysa,waxa xaq u yeelanaya dadka ku leh hantida ugu badan. 3-waxaan ugu baaqayaa Xukuumada iyo dhamaan shacabka reer Somaliland,inay ka hawl galaan joojinta dagaalka 7 da bilood ka socda Laascaanood, ee sababay khasaaraha badan ee naf iyo maalba leh, sidoo kale waa in laga hor tagaa colaad sokeeye oo ka bilaabanta, meelo kale oo dalka ka mid ah, 4- Ugu danbayn si looga gudbo cakirnaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta, waa in muxaafid iyo mucaaridba loo dhaga nuglaadaa talooyinka iyo xalka ee keenaan ergooyinka ku hawlan u kala dab qaadka iyo isu soo jiidka dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyin. اللهم أصلح ذات بيننا ووفقنا لما تحبه وترضاه يا رب العالمين. Qaran News
