Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Axadda maanta tababar u soo xidhay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa. Guddoomiyaha waxa xidhitaanka tababarka ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse, Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado iyo Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah NRCN Opyene Vincent. Ugu horayn Xeer-ilaaliye Faysa Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ka warbixisay duruustii muddadii 8-da cisho ahayd ay ku qaateen tababarka iyo ujeedada guud ee ay xambaarsanaayeen. Geesta kale Maamulaha hay’adda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah (NRCN) Opyene Vincent ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii koobnayd ee tababarku socday lagu lafa-guray halka ay ka soo bilaabanto baadhida dacwadaha duur-joogta, nidaamka dacwadaha loogu oogayo iyo ilaa heerka maxkamadaynta. Dr Pawl Evangelista oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado ayaa xusay in Jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanku ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga la xidhiidha ilaalinta deegaanka ee ay la leeyihiin Somaliland. Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa ku booriyay xubnihii tababarka ka faa’iidaystay, in ay aqoonta usii gudbiyaan hay’adihii ay ka kala yimaadeen isla markaana ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah. Dhanka kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa tibaaxday in ay farxad weyn u tahay in dalka gudihiisa tiro intaa le’egi ku qaadato tababarradii loo tagi jiray Yugaandha iyo Itoobiya, wasiiradda ayaa xustay in tababarkani u dhigmo kooras muddo lagu qaato Jaamacadaha. Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa u hoga-tusaaleeyay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay, in deegaanku ka sal-balaadhan yahay dhirta iyo xayawaanka, balse uu sal u yahay jiritaanka nolosha Aadamaha. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in aanay nolosha iyo deegaanku kala maarmin isla markaana ay muhiim tahay in dadkeenu sidaa ugu baraarugaan. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay awalba dacwadaha deegaanka iyo duur-joogta la xidhiidha ugu dedaali jireen haatanna ay sii horumariyaan, oo ay u diyaarinayaan qayb (Chamber) takhasus u leh oo dacwadahaasi qaadda. Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in aanay dhayalsan aqoonta qiimaha badan ee ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii gudbin lahaayeen. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya falcelinta ka dhalatay xarigga loo geystay Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo maalin kahor ciidamada dowladda ay kasoo xireen xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kadib dagaa qaraar oo ka dhacay halkaasi, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, Arrintaan ayaa sidoo kale keentay carro xoogan iyo kacdoon banaanbaxyo ah oo ay sameynayaan dadka kasoo jeeda beesha uu ka dhashay. Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa u sheegay Somali Cable in dhibaatada taagan ay ka dhalatay qaabka xun ee loola dhamqay Sheegow. Siyaasigan ayaa tilmaamay in lagu xadgubay Jeneraalka oo uu tilmaamay inuu usoo halgamay dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Arrintaas waa khalad, waana xadgudub lagu sameeyay shaqsi Soomaali ah oo muwaadin oo waddanka usoo halgamay oo Jeneraal ah, marka aad iyo aad ayaan uga xumahay aniga waa dhaliilayaa tallaabadaasi” ayuu yiri xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhaqtar. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka loola dhaqmay marka lasoo xirayay Jeneraalka, isaga oo sheegay inay dhacday arrin nasiib darro ah. “In loola dhaqmo si fool xumo ah korkiisa lagu qayliyo oo kuleetiga la qabto, isaga oo dhaawac ah waa nasiib darro aad xun waayay” ayuu mar kale yiri siyaasigu. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay habooneed in la qadariyo, isla-markaana si wanaagsan loola macaalmilo, maadaama uu yahay nin soo shaqeeyay. “In si wanaagsan loola xaajoodu ayay aheyd in la qaddariyo ayay aheyd waxa uu usoo dagaalamayay waddankan difaaciddiisa ayay aheyd arrintaas aniga waa kasoo horjeedaa raallina kama ihi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay siyaasiga caanka ah Idiris Dhaqtar. Maamulka gobolka Banaadir oo dhankiisa ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Jeneraalka dartii loo dibadbaxayay uusan ku jirin gacan cadow, ee dowladiisa u xiran yahay uuna helayo wixii cadaaladda u goyso. “Muwaadinka sababtiisa banaanbaxa loo sameynayay gacanta dowladda ayuu ku jira, gacan cadow kuma jiro oo dowladdana waxay siineysa xuquuqda uu leeyahay, wuxuu sharciga ka helo ayuu helayaa.” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale. The post Daawo: Arrinta Jeneraal Sheegow oo sii laba kacleysay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - A federal Somali lawmaker, Abdirahman Abdishakur Warsame, has strongly condemned the government's use of violent response against demonstrators protesting the arrest of a military officer, as members of the security forces used live ammunition on protests in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  4. Xiisad dagaal oo xooggan ayaa saaka ka aloosan jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in saan-saan dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran laga dareemayo furimaha Laascaanood. ” Xaaladda saaka waa saan-saan dagaal waxaana labada dhinac wadaan diyaar-garow iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan” ayuu noo sheegay qof ku sugan Laascaanood. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada labada dhinac ee SSC iyo Somaliland ay hadda isaga dhaw yihiin masaafadii hore PUNTLAND POST The post Xiisad iyo saan-saan dagaal oo saaka laga dareemayo jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  5. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Itoobiya walaalo ma nihin, laakiin deris baa nahay, deris wali colaad kala tirsanaya oo aan heshiin! Waxaa arrin wallaac badan ka taaganyahay noqotay Itoobiyaanka xudduudaha Soomaaliya ka soo ka soo tallaabaya, waliba iyadoo aysan jirin wax cabsi ama dhiilo ah oo ay ka qabaan inay ku soo xad gudbayaan xudduudda dal kale oo aysan rukhsad u haysan inay ka soo tallaabaan xudduuddiisa ama Dal-KU-Gal, si la moodo inuu dalkoodii yahay, waa yaab mana yara! Garanay siyaasigii inuu daba-dhilif noqday, hasa yeeshee dalka waa gurigeenii, waa hooyadeen, waa aabbaheen! Waxaan ka samaysannahay ciiddiisa, biyihiisa, dhirtiisa, mirihiisa, iyo hilbaha iyo caanaha xoolihiisa, qoraxdiisa, hawadiisa! Dalkeenna waa waxa aan nahay oo dhan, oo waa Dalkeenna!…Waa saxansaxada, waa marka roobku da’o udugga iyo carafta, waa cirkiisa buluugga ahee aan daruurta lahayn, waa baddaas buluugga ah ee hirarka cad-cad waa callankaas buluugga ah ee xiddigta cad, waa sharafta iyo qaranimmada ay u god galeen kuwii aan dhaxalnay waa geyigeena, waa gurigeena berina guriga ilmaheena, waa halka ay innagu koriyeen waalidiinteen, waa guriga si uu hoy inoogu noqdo lagu gaday nafta awoowayaasheen, waa SOOMAALIYA!… Soomaaliya waa dalkeena, waa dadkeena waana astaanta laynagu yaqaan!…“Innagoo caruuroo cidna aan aqoon buu na calimayaayee callanku waa ciskeena! Haa callankaayaga, callankaayaga, callankaayaga, haa cirka u eg ku caashaqnayee caweysinee!” waa hees dugsiyada hoose laga qaadi jiray intaysan askarta qabsan talada dalka 1969kii. Waxay ahayd arrin cajiib caruurnimmadii, ardaynimmadii, macallimiintii, askartii, iyo waaliddiintii!…Dadku waxay ahaayeen dad quruxsan oo wada caafimaad qaba, midkooda baahan iyo midkooda dheregsan waxay ahaayeen dad aad garanayso inay wax ka dhexeeyaan, waxa ugu weyn ee isku hayayna waxay ahayd inay yihiin dad Soomaaliyeed oo rumeysan inay Soomaalinimo wax kasta isugu yihiin. Ma aha inaysan khaladaad jirin, ma aha inaan lays khilaafi jirin, ama inaan lays dagaali jirin, laakiin waxaa jiray cunsur aan waligii dhimman oo ah midka isku haya ummadda, cunsur nool oo xumaanta diida oo leh ur iyo dhadhan gaar ah oo si weyn u buuxiyay jirka qof kasta oo Soomaali ah, khilaaf kastana lagu xaliyo kaasoo ahaa Soomaalinimo!… Soomaalinimo!… Dhallin-yaradu waxay ahaayeen ruuxa iyo nafta Soomaalinimmada, iyo cududda isku heysa mujtamaca ee uusan marna cadowgu wax kala qeybiya soo dhex geli karin! odayaashuna waxay ahaayeen kuwo iskala weyn inay tuugsadaan ama shaxaad qaataan, ama la laaluusho oo ceebtu qabato iskalana weyn kana faana inay ku dhacaan wax lagu xanto!…waxaas oo dhan waxaa horseed ka ahaa geesinimmada iyo hufnaanta qofka dhallin-yarada ah!… Shakhsiyadda dhallin-yarrada Soomaaliga ah waxay ahayd mid xoog badan oo waliba muuqata, waa shaki la’aan in cadowga dibad iyo gudahaba ee shakhsiyaddaas indhihiisu qabtaan inuusan u soo hanqal taagi jirin Soomaaliya, waa shaki la’aan inay quus ka istaageen kana cabsadeen geesinimmada hibada ah ee All ku dheehay dhallin-yarrada Soomaaliyeed!… Waxaa dalka Soomaaliyeed waligiis u soo halgamayay dhallin-yaro is abaabushay oo iskeed isu xil qaantay, dhallin-yaro aan dowlad wax siisa haysan, dhallin-yaro wiilal iyo gabdhaba leh oo adduunka looga aqoonsaday inay naftooda u bixin karaan ilaalinta sharafta ummadnimo iyo qaran ee dalkooda iyo dadkooda, cadowguna wuxuu qabay cabsi uu aad isaga ilaaliyo Soomaalida, oo runtii taariikh ahaan ku caan baxday geesinimo aanay dagaalka dib uga laaban, iyo inay ku dhashaan dagaalyahanimmo. Waxyaabaha wali la xasuusan karo waxaa ka mid ah dagaalkii 1964kii, waad garan kartaa dowlad yar oo 4 sano jirta oo aan wali cagaheeda dhab isugu taagin baa waxaa ku soo duulay dowladda guun ah oo dunida badankeed hiil iyo garab istaag ka heleysa, Itoobiya, hasa ahaatee waxaa si geesinimo leh uga hor tegay ciidamo aan badneyn oo xoogga dalka ahaa, waxaase taas ka muhiimsanaa in dhallin-yaro naftood hurayaal ah oo iskood isu soo abaabulay ay iyagana dagaalkaas cadowga lagu yureyniyay ka qeyb galeen, iyadoo uusan hub faro badan jirin, dhaqaalaha lagu dagaalamayeyna wuxuu ka yimid xoolo iyo beero wixii ay dadku heysteen, waxayna dunida la yaabaneyd inuu dagaalka soo dhaafi waayay meelihii xuddudaha ahaa ee uu ka bilowday! Ma aha mid faan iyo iska hadal ah, dhallin-yarada Soomaaliyeed waligood waxay ahaayeen indhaha soo jeeda ee ilaaliya dadka iyo dalka, waxay ahaayeen indhaha iyo dhegaha horay u arka ama u maqla xummaanta iyo dhagarha cadowga dalkooda oo isla markaasna waqti ku haboon ka dhiidhiya, waxay ahaayeen kuwa ilaaliya ee looga baqo xudduudaha dalkooda Bad, DHul iyo Cir. Sarkaal ka mid ahaa ciidammadii dagaalkaas la galay cadowga wuxuu ii xaqiijiyay inaysan jirin wax taageero ah oo ay dibad ka heleen, marka laga reebo qoryo ay ugu deeqday dowladda Masar oo lagu sameeyay dalkaas, magaciisuna ahaa Xakiim! oo xabbad keliyaale ah. Wuxuu sarkaalkaas ii sheegay in qorigaas uu ahaa mid aad u hooseeya heerkiisa tayada marka la fiiriyo, oo cilladda ugu weyn ee ay kala kulmeen ay ahayd inuu dhaqso u kululaanayay markaas ay cabbaar qaadaneysay inu qaboobo, “laakiin innagu aad baan ugu faraxsaneyn waana ku dagaalannay oo dalkeena u difaacannay cadowgiina kaga erinay” ayuu yiri sarkaalkaas. Waxaa iyadana arrin xiiso badan ahayd in dhallin-yaro u badan reer miyiga oo qoryahooda wata ay dagaalkaas si iskood ah iyadoo aysan dowlad abaabulin u soo galeen oo ay ka dhinac dagaalamayeen ciidammada xoogga dalka!… Dhallin-yarradaas, ayaa badankood watay qoryo lagu magacaabay Kow iyo Tobanle (DHoonbir) iyo Lixle-Gaab, dhammaan qoryahaas waxay ahaayeen xabbad-keliyaale, halka cadowga Itoobiya hab dhameystiran oo ciidan ku soo duulay, isagoo waliba gacan ka helay dowlado kale!… Dhallin-yarrada, waxay dagaalka ka galeen meel kasta oo xudduud ahayd ee cadowgu ciidankiisu keenay. Waxaa waayadaas soo caanbaxay heestii ay ku luuqeyn jirtay Alle Naxariistiisii janno ha siiyee Seynab Xaaji Cali (Baxasan) Guuleysta, Guuleysta, Geeshkayagow Guuleysta, Guuleystaa, Guuleystaa, Guul Lagu Reeyoo Guuleysta!…Seynab oo iyada laf ahaanteeda ahayd qof dhallin-yaro ah waxaa ay si hiil iyo dal jacayl ku jiro ay u garab istaagtay dhallin-yarradii iyo ciidammadii xoogga dalka ahaa ee naftooda iyo dhiiggooda ku bixiniyay difaacidda dadka iyo dalkooda, heestaasna waxay noqotay hees ilaa waagaas ilaa iyo maantdan la joogo ku nool quluubta qof kasta oo Soomaali ah ee joogay ama looga sheekeeyay halgankii maalinkaas cadowga looga difaacay dalka iyadoo 4 sano keliya uu dalku dowlad yahay!….. La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad appeared first on Puntland Post.
  6. SYDNEY, (Reuters) - Spanish technique overcame English resilience as La Roja put aside months of turmoil and division to win their first major title with a 1-0 victory over England in a hardfought Women's World Cup final at Stadium Australia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. NICOSIA: Cypriot authorities rescued 86 migrants on Sunday after their boat got into difficulty 12 nautical miles off the Mediterranean island’s southeast coast, officials said. Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada toddobaadyadii ugu dambeysay lagu uruurinayay magaaladaasi ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur. Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa wata gaadiid fara-badan, oo isugu jira kuwa ciidamada lagu daabulo iyo kuwa kale ee dagaalka. Ciidamadan oo loo dhameystiray saadka iyo sahayda ay u baahnaayeen ayaa waxaa duleedka magaalada ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo dhowr kun oo askari gaaraya ay hadda kulaalayaan deegaanka Ceel La helay, oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ugu talagalay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan Ceelbuur. Ciidamadu waxay la hawlgalayaan ciidamada kale ee jihooyinka waqooyi iyo koonfureed kaga sii siqaya magaalada Ceelbuur, waana ciidamada ka kala baxay degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee ku wajahan deegaanada Wabxo, Jaaw iyo Burujeed, ayna tahay in Shabaabku ka suuliyaan deegaanada fogfog, sida miyiga iyo dhulka lama deggaanka ah, illaa iyo inta ay ka gaarayaan Magaalada Ceelbuur. Ciidamada ayaan si dhakhsi ah ula wareegi doonin Ceelbuur, iyadoo aanay taako taako u xaqiijin goobaha lagu tuhmayo in Shabaabku ku dhuumaaleysan karaan. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doona gulufka lagu dhiig bixinayo Shabaab. Madaxweynaha ayaa Galmudug u jooga, sidii xididada loogu siibi lahaa Shabaabka ka hawlgala Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxda Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa rajo badani ka muujinaya hawlgalka culeyska weyn lagu saaray Shabaabka Bariga Gobolka Galgaduud. The post Ciidamadii lagu diyaariyay Dhuusamareeb oo jihada bari uga dhaqaaqay Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
  9. TEHRAN, Aug. 20 (MNA) – The Somali army has reported the killing of 5 members of the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia’s Ministry of Communications and Technology is ordering the country’s internet service providers to turn off access for social media companies TikTok, Telegram, and the gambling site 1xBet. Source: Hiiraan Online
  11. “Muuse Biixi waa Nin Dagaal u Hamuumaya oo aan Dan ka lahayn Dalka” Faysal C.Waraabe Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in doorashooyinka loo fulinayo sidii Komishanku u qoondeeyeen isaguna uu saxeexay. Arrintaasi oo dadka siyaasadda falan-qeeyaa u arkaan in hadalka madaxweynuhu ka hor imanayo dhammaan dedaaladii madax dhaqameedka bariga Burco ay ku doonayeen in la furdaamiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka oo sababay in dhallinyaro cadhaysani ay galeen buurta Gacan-libaax. “Khudbadii maanta ee Ina Biixi, waxay ummadda intii hadhsanayd tustay Shakhsiyadiisa dhabta ah. Nin u hamuumaya dagaal, dana ka lahayn dad iyo dal-toona, wuxuu doonayo u yaaqan sharci,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo farriin kooban ku qoray bartiisa Facebook. Guddoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan reer SL ugu baaqayaa in Muuse dalka laga badbaadiyo, Wuu ka khatar-badan-yahay Huwanta G-21.” Qaran News
  12. Genel Energy PLC (LSE:GENL, OTC:GEGYY) has signed a farm-out agreement with a Taiwan state backed vehicle, OPIC Somaliland Corporation (OSC), to team up in the SL10B13 block, Somaliland. OSC will receive a 49% interest in the block in return for 49% of Genel’s back-costs, plus a cash premium. Genel will retain 51% and will continue to be the project operator. The exploration block is described as “highly prospective” with more than 5bn barrels of prospective resources estimated based on 2D seismic data, captured in 2018. The geology of the region is described as being analogous to Yemen. It is planned that Genel and OSC will aim to drill an exploration well in 2023, with gross drill costs estimated at US$40mln, “Somaliland is a highly-prospective and largely unexplored region, with a compelling technical case for the drilling of a well,” said Genel technical director Mike Adams. “Oil seeps confirm a working petroleum system, and one prospect alone could target over half a billion barrels across multiple stacked reservoirs. Being able to drill this at a low-cost to Genel, with a clear route to market in a success case, fits with our strategy, and we look forward to working with OSC. Adams added: “During the energy transition the hydrocarbons that should be developed are those that are low-cost, low-carbon, and deliver a material and tangible benefit to local people and the host government. Somaliland has the potential to tick all of those boxes.” Genel noted that the farm-out deal has been approved by the Government of Somaliland. Source: Proactive Qaran News
  13. Xildhibaan Guruuje oo Booqday Xarunta Ciidanka Debdamiska Hargeysa Hargeysa(Qaran news) – Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje), ayaa maanta booqasho ku tagey taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ee magaalada Hargeysa, waxaa halkaa ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili. Ujeeddada kulankan ayaa salka ku haysay sidii xildhibaanku uu ugu kuurgali lahaa shaqada Ciidamada Dabdemiska Qaranka. Xildhibaan Guruuje ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta loo sameeyay waxaanuu ciidamada Dab-demiska ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee nafhurka ah ee ay Qaranka u hayaan, waxaanu ku booriyay in ciidamadu dadaalka halkaa ka sii wadaan. Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay hogaanka Maamulka iyo Maaliyada Amran Axmed Baashe. Qaran News
  14. Muuse Biixi Shaaciyay Inay Somaliland Tagi Doonto Xadkii Ingiriisku Dhigay Burco(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ciidanka Somaliland gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay. Madaxweynaha oo ka hadlayay shirweynaha xisbiga KULMIYE, ee Burco ka socda, ayaa sheegay in Somaliland ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba ay ku difaacayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin in la gaadho xadkii uu Ingiriisku dhigay. Waxaanu yidhi.”Somaliland ama mucaarad ahow ama muxaafad, waxa inoo balan ah in xadkii Ingiriisku dhigay aynu gaadhno, sida ayay xukuumadaha Somaliland ku shaqaynayaan”. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ku soo duushay gobol Somaliland ka mid ah, isla markaana ay is difaacayaan. Qaran News
  15. Amsterdam (Caasimada Online) – Dr. Cumar Axmed Weheliya, oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida, ahna macalin culluunta islaamiga ah ka dhiga Jaamacadda Islaamiga magaalada Rotterdam ee dalka Netherland ayaa ku tilmaamay diyaargarowga ciidamada Dowladda ku doonayaan in ay guluf colaadeed ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo HiSshabele, inuu yahay dhoolatus dacaayad laga rabo. “Xeeladaha dagaalka ka mid ah in ciidamo duulaan qaadaya in ay sii sheegaan halka ay ku duulayaan iyo xilliga ay duulayaan, dicaayad in laga rabo ayeey u badan tahay,” ayuu yiri Dr. Cumar Axmed Weheliye oo soo noqday maareeyihii dekadda Muqdisho bartamihii 2006-dii xilligaas oo ku beegneyd markii Golihii Maxaakiimtu ay la wareegeen inta badan Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. “Dowladdu awoodeedu waa xadidan tahay marka loo eego awoodda milateriga, oo qalabka dagaalka marka la yiraa wax weyn oo ay kaga gedisan tahay ragga ay la dagaalameyso ma jiraan, wixii la dhihi jiray ciidamo milateri iyo qiimihii lagu aqoon jiray ma jiraan, dad un waa ciidamo Qaran la leeyahay ayaa meesha jooga,” ayuu yiri Dr. Cumar Axmed Weheliye. Dr. Cumar Axmed Weheliye ayaa dhinaca kale na xusay in guul kasta oo ay ciidamada dowladdu ka gaaraan dagaalka ay ku xiran tahay taageerada ay muujiyaan dadka deegaanka. Wareysiga Dr. Cumar oo dhinacyo badan taabanaya halkan ka daawo. The post Daawo: Maareeyihii Dekada Muqdisho oo si yaab leh uga hadlay dagaalka Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa bogaadiyay howl-gallada ay wadaan ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa deegaanka. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu dhawaan ka bilaaban doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isaga oo ugu baaqay shacabka deegaanadaasi inay u diyaar-garoobaan ka qeyb qaadashada cirib-tirka Al-Shabaab. “Waxaa bogaadin iyo mahad-celin u dirayaa ciidamadeena qalabka sida howl-gallada ay wadaan ee la-dagaalanka xagjiriyaasha umadda Soomaaliyeed dhibaateeyay, arrintaas oo loo kala harin laga bilaabo madaxweynaha JFS, ciidamada qalabka sida iyo shacabweynaha Soomaaliyeed.” Sidoo kale waxa u rejo wanaagsan ka muujiyay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, ayada oo arrintaas madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusamareeb xarun uga dhigtay, si loo guda-galo wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. “Galmudug iyo HirShabeelle waxaa leenahay dhameystirka Allaha u fududeeyo, labada maamul ee ku xiga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa leenahay dadweynaha iyo ciidamada ku sugan inay u diyaar-garoobaan oo is abaabulaan oo ayaga oo diyaar ah loo yimaado.” “Dalkaan nolol kale majirto, umadda Soomaaliyeed waxkasta waxaa ugu muhiimsan inay hesho nabad iyo xoriyad, yacni argagixisada dibadda laga soo xawilay oo fikrada xagjirka ah la keenay dalkeena, oo dad badan lagu dilay.” Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku taliyay in dhaqan-celin loo sameeyo dhalinyarada Shabaab kasoo barbar dagaalamay, si maskaxdooda loogu soo celiyo Diinta Islaamka ee markii hore si qaldan ugu shubtay kooxda. “Maamuladaas waxaa leenahay diyaargarowa, wax la ogolaan karo meel argagixisada soo carartay ay nabad-gelyo ka dhigato ku badbaado. Ciidamada Soomaaliyeed kama daba harayaan waa soo socdaan idinka waa in aad is-xilqaantaan.” Dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka. The post Daawo: Aadan Madoobe oo farriin culus u direy laba maamul goboleed + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay khilaafka doorashooyinka la xiriira ee isku hayaan xisbiyada mucaaradka iyo maamulkiisa. Mudane Biixi ayaa waxa uu sheegay in dadka ay xaq u wada leeyihiin in la doorto, ayna xisbiyada mucaaradka ah la tartamaan ururada cusub, oo dhawaan ay guddiga doorashooyinka sheegeen inay soo horeynayso doorashadooda. Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeedinayay shirweynaha xisbul-xaakimka Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Burco ayaa sheegay in doorashooyinka loo raacayo sida uu sharciga dhigayo, islamarkaana “ay dimuqraadiyada ku jirin waa markeygii ee ha la i siiyo kursiga.” “Sharcigu siduu dhigayo ayaanu u raacaynaa doorashooyinka, sharciga hadii laga leexdana dalku ma soconayo. Xisbiyadii waqtigii ayaa ka dhacay, mucaaradkana xisbiyo cusub ayaanu wada dhisnay oo baarlamaanka ayay kasoo ogolaadeen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu intaas kusii daray “Kuma jirto dimuqraadiyada waa markaygii ee ha la ii dhiibo, ma jirto walaahi hadii markayga la isiin waayo xabad ayaan ku qaadanayaa, taas rag hore ayuu ugu waayay haku lug gu’in walaalow, qaranku taa kumuu heshiin, dastuurku muu keenin, iskuma quudhno, af-waayeel maaha.” Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadba aan qof loo dhiibayn talada balse kursiga lagu tartamayo oo kolba cidii ay shacabku doortaan ay madax noqonayso, xilli mucaaradka ay isku maan dhaafsan yihiin sida loo soo kala horaysiinayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada. Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee madaxtooyada iyo xisbiyada. Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay. The post Madaxweyne Muuse Biixi: Dimuqraadiyadda kuma jirto waa markaygii ee ha la i siiyo appeared first on Caasimada Online.
  18. Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Guutada Khaalid Binu waliid ee ciidanka xooga dalka ayaa shalay fulisay howlgal culus oo lagu burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah ay ku lahayeen Khawaarijta Khawaarijta Al-Shabaab. Taliyaha Guutada Khaalid Binu waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hogaaminayay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen. Waxaa lasoo bandhigay sawirrada godad waaweyn oo ay dhulka howdka ah ka qodatay kooxdu iyo bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen. Aagga degmada Ruun-nirgood oo ah dhul howd ah maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgallo culus oo duqeymo wata, maadaama kooxda Al-Shabaab ay isugu tagtay howdkaas. Howlgallada ka dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda sii xoogeysanaya waxayna ciidanka qaranku bilaabeen guluf dagaal oo ku wajahan deegaanada ay Galgauud ka joogto kooxda Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa jiho cusub uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur oo la doonayo in laga saaro maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidamada oo ka ambabaxay magaalada Guriceel ayaa ku sii jeeda deegaanka Jaaw, oo 50km dhinaca koonfureed kaga beegan Guriceel. Jaaw waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo xiriirisa Ceelbuur iyo Guriceel. Raaca hore ciidamada oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka ambabaxay Guriceel ayay raacooda dambena Jimcihii ku baxeen dhabihii ay ciidamadaasi qaadeen. Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad, Gaashaanle Cabdifitaax Haruuse Daahir ayaa hoggaaminaya ciidamada ka ruqaansaday Magaalada Guriceel. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin tuulada Dhagaxweyn, oo 7km u jirta deegaanka Jaaw. “Ciidamada waxay ku sugan yihiin jiiddii loo cayimay ay ka hawlgeli lahaayeen, marka dagaalka uu bilowdo,” ayuu yiri Afhayeenka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Ciidamada ayuu qorshuhu yahay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan inta u dhaxeyso deegaanada Jaaw iyo burujeed, oo qiyaastii 20km isu jira. Ciidamada ayaa ku fidi doona tuulooyinka hoostagga deegaanadan iyo dhulka miyiga. The post Sawirro: Howlgal culus oo ka dhacay aaga degmada Ruun-nirgood ee Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  19. Islamabad (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka. Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi. Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey. Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan. Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur. Wasaaradda Shuruucda iyo Cadaaladda ee Pakistan oo ka falcelinaysay hadalka madaxweynaha ayaa ku eedaysay inuu si ula kac ah u daahiyey ansixinta shuruucdan, waxayna sheegeen in madaxweynuhuu qaato masuuliyadda arrinaas ka dhalanaysa. The post Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxiixiisa, kadibna lagu meelmariyay… appeared first on Caasimada Online.
  20. Sunday, August 20, 2023 (HOL) - The Somali Ministry of Communications and Technology has issued a ban on popular online platforms including Tiktok, Telegram, and 1XBET. Source: Hiiraan Online
  21. The Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (www.IsDBInstitute.org) organised a training program on zakat management in Kampala, Uganda, as part of initiatives to promote the development of Islamic social finance in the IsDB member countries. Held from 14 -16 August 2023, the program was attended by participants from across Uganda as part of a technical assistance grant for capacity development in Islamic social finance for the House of Zakat and Waqf in Uganda (HZWU). The objective of the grant is to develop the capacity of the institution to properly manage zakat for the benefit of the Muslim community in Uganda. The grant also aims to contribute to human capital development in Islamic social finance in Uganda. The participants attended nine training sessions during the three days of intensive training delivered by Dr. Mustafa Omar Mohamed, a professional trainer and expert in Islamic social finance. Topics covered included fiqh of zakat, the governance of zakat institutions, the role of zakat in achieving SDGs, the use of fintech in zakat, and success stories in zakat management in IsDB member countries. Dr. Issahaq Umar Iddrisu, Manager of IsDB Regional Hub of Kampala, in his speech, encouraged the Muslim community in Uganda to explore the potential of Islamic social finance to help overcome the community challenges. Dr. Mahmoud Bekri, Economist at IsDBI, emphasized the importance of using modern technologies to optimize the management and outreach of zakat donations to ensure that no one is left behind. Dr. Hamzah Namungo, Head of Finance and Planning of HZWU, and an alumni of its education grant program said that the training was a great opportunity for all participants to improve the practical understanding of the impact of zakat on economic, social, and development aspects of Ugandan Muslims. The participants appreciated the training program, particularly the rich insights into the pioneering and inspiring experiences of different IsDB member countries in managing zakat. Qaran News
  22. President Abdullahi Yusuf Ahmed (left) shared with General Aideed a conflict resolution idea that culminated in the signing of Gaalkacyo Agreement in Mogadishu 32 years ago. Garoowe (PP Editorial) — Thirty years ago, a landmark agreement was signed in Mogadishu by the Somali Salvation Democratic Front, Somali National Alliance and Somali National Democratic Union. Colonel Abdullahi Yusuf Ahmed, then the Chairman of Emergencies in Northeastern Somalia Authority, represented what, in 1998, would become the first semi-autonomous administration of Somalia – Puntland State. Before the agreement was signed Gaalkacyo was under the SSDF forces, but was a deserted district that saw battles since early 1991, when USC forces loyal to General Mohamed Farah Aideed (who signed the agreement on behalf of SNA), attacked the administrative capital of Mudug. It was the idea of Abdullahi Yusuf’s to reach a conclusive agreement about the Galkaacyo conflict since the district was a home to both SSDF and USC supporter. He said that an unconditional return of inhabitants of south Gaalkacyo was the path to peaceful co-existence. The Chairman of SSDF, the late Mohamed Abshir Musse, backed Yusuf’s initiative, which has become a model of reconciliation adopted by the late Somaliland administration President Mohamed Ibrahim Egal in 1995 to consummate the Erigavo Agreement. What was rermatlale about the Gaalkacyo Agreement was the commitment to returning any fixed and non-fixed assets looted from citizens belonging to the South and North Gaalkacyo. Both General Aideed and Colonel Yusuf demonstrated what political leaders can accomplish to end a conflict and ensure that mutual respect will be the basis for peaceful, intra-clan co-existence in Mudug. The Gaalkacyo Agreement was signed during the UNISOM operation in Somalia. The 1992 humanitarian intervention in Somalia created an atmosphere to hold the conference in South Mogadishu, then under control of General Aideed. The new generation of Somali political leaders based in Mogadishu particularly President Hassan Sheikh Mohamud and his Damuljadiid clique, sees Gaalkacyo as a launching pad used to destabilise North Gaalkacyo under the Puntland State of Somalia. Damuljadiid campaigns for protecting the illegal privileges of people who looted properties, occupied public properties in Mogadishu and nearby regions despite the clique benefiting from the presence of African peacekeeping forces. The Gaalkacyo Agreement offers lessons about what committed political leaders can do to protect the Somali citizens’ right to peaceful co-existence. It is a not an agreement based on what the incumbent Somalia President expounded in his restricted PhD dissertation: “Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia”. © Puntland Post, 2023. The post Somalia: Revisiting the 1993 Gaalkacyo Agreement appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka. Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi. Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku amray shaqaalaha xafiiskiisu, inay sharciyadan dib u celiyaan iyaga oo aan saxeexnayn, hase ahaatee wuxuu madaxweynuhu sheegay inuu maanta ogaaday in qaar ka mida shaqaalaha xafiiskiisu inay iska indho tireen amarka uu siiyey. Madaxweynaha Pakistan ayaa sheegay in mid ka mida shaqaalaha xafiiskiisu uu been abuuray saxeexiisa, isaga oo ka dhigaya in madaxweynuhu uu saxeexay sharciyadan. Khubarada dhinaca sharciga ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay dhabar jab ku tahay ciidamada milateriga ee awoodda badan, taasoo dalkan u hor-seedi karta qalalaase dastuur. PUNTLAND POST The post Saxeexa Madaxweynaha dalka Pakistan oo laga been-abuurtay appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xireyso qaar ka mid baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya. Tiktok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET ayaa maanta la ogaamiyey in dalka laga mamnuuco, in kastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xiray isticmaalka aaladahaas. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka. “Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta. “Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda. Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda. The post DF oo xireysa seddax ka mid ah baraha bulshada oo aad looga isticmaalo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  25. Jama Kediye Elmi was killed by Somaliland administration forces Mogadishu (PP Editorial ) — The relentless shelling of Laascaanood by Somaliland forces based on the outskirts of the district shows the extent to which state-building initiative in Somali turned into a farcical exercise. Somalia has an internationally recognised government dependent on the largesse of EU, USA and other Western countries keen to prevent Somalia from developing “ungoverned spaces” anew. The threat to the global security that António Guterres Secretary-General of the United Nations mentioned at the 2017 London Somalia Conference is as potent as it was six years ago given the indiscriminate shelling of Laascaanood that the International Community, indifferent to the possibility of large-scale intra-clan hostilities in the North, has been unable to address. Somaliland President Muse Bihi Abdi has ignored the UN Security Council’s call to withdraw his troops from Laascaanood. His claim that his forces are enforcing pre-independence borders and at the same fighting terrorism forces is absurd. More than 200 people have lost their lives in the indiscriminate shelling of Laascaanood by the secessionist forces. The latest victim of the shelling was Jama Kadiye Elmi, an 81-year-old poet, who died after Somaliland artillery hit the car in which the poet was travelling in Laascaanood and caused his death on the spot. Thirty-two years after the ouster of the military regime threw Somalia into a vortex of intra-clan wars and state collapse, the Horn of Africa country is peering into a similar abyss. This time the likely scenarios are far more devastating partly because of the failure of the state-building project that only serves to keep Somalia in perpetual dependency on peacekeeping forces, and the divisive attitude of the Federal Government of Somalia whose leaders turn a blind eye to the plight of the Laascaanood people. © Puntland Post, 2023 The post The Murder of a Somali Poet by Somaliland Forces appeared first on Puntland Post.