-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadan Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa u jawaabay hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu dhageystay khudbad uu jeediyay ninkaasi, taas oo uu ku weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inuu isku diraayo beelaha wada daga Galmudug, uuna rabo inuu Hiraab uu gacan geliyo dhulkaasi. “Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?” ayuu qoraal ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishauur. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in tani ay muujineyso in kooxda Al-Shabaab ay mareyso meeshii ugu dambeysay, ayna wajaheyso culeys aad u xoogan. “Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Halkan hoose ka akhriso:- Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?. Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan? Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan. Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray. Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday, badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed. Cabsida, calaacalka iyo catawga kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeen. Waxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan. The post CC Shakuur oo u jawaabay hoggaamiyaha Al-Shabaab ee Gobollada Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
“Mayor Cabdikariim A Mooge Anigu Waxaan u Arkaa Nin Xilkiisii Ka Soo Baxay Hagar-daamooyin Badana Aamus-naan Kaga Soo Gudbay. Xukuumadan Kulmiye-na Waa Garteed In ay Mayor Cabdikariim Isku Sawirto Si ay Nafis-siyaaseed Uga Hesho. Hadaba Shacbiga JSL Waxaan u Sheegayaa In Xukuumadan Gabalkeedu Dhacay ee Fashilkeedu Saameeyey Nabadgelyadii iyo Xasiloonidii Dalka Gudihiisa ee 30 kii Sanno ee u Dambeeyey ay ku Naaloonaysay ee Somaliland ilaalinteeda Hormuudka u ahayd oo maanta heerkii ugu Hoosayay gaadhay Abid oo Maanta War-warkeeda leh uu Kulmiye ina dhaxalsiiyey. Waxba la yaabi maayo inay Mashquul ay Fashilkooda kaga gabadaan ay ka dhex Raadiyaan Inankaasi Mayor Cabdikariim ee Rajada Horumar Ee Shacabkeenu ku diirsadeen Qabtay , Isla Markaana Ka Wax-qabad batay Labadaa Sano Ee uu Hogaaminyay Caasimada Hargaysa isaga iyo Golahiisa Deegaanku , Awalba way ku Wadeen Hagar daamooyinku isdaba-joog ah ilaa maalinku Kursigan Mayornimo Doonayey, Markii uu Duqa Caasimada noqday oo 9 Wasaaraddood iyo Hay’addo Dowli ah ay Xukuumadani haliilaysa Shaqadii Mayorka u kala qaybisay intaaba Waynu Ogayn oo xogogaal u ahayn maantana waa Hagar Daamadii socotay oo Shaadh Kulmiye loogu Soo Gabaday uun ee wuxuba waa intaas uun ee yaan Dadkaygoow fashilaadaha iyo nafisyada Siyaasadeed ee Cabdikariin laga dhex raadinaayo laydinku Soo gaban. Waxaan Qabaa In u Jeedada ay Ka Leedahay Tahay Laba Arimood 1 In Sumcada Dhimatay ee Xisbiga Kulmiye Sawir Iyo Rajo Uga Dhigaan Shacbiga JSL 2 In Ay Doonayso In uu Hadlo Dabadeedna Dagaal Toos ah ku Qaadaan ilayn Ma Rabaan Cid Wax Qabatee , Waanay Soo Bixi”. WQ. Yuusuf Kayse Cabdilaahi Source
-
The world is changing at a rate that is too hard to keep up with. And nowhere is that reality more evident than in Africa. Whether the coups in West Africa and the Sahel region, and the sporadic anti-Western diplomatic mutiny in other parts of the continent, will bring about positive change is yet to be seen. But one thing is almost certain: there will be internal and external pushback against the movement to de-Westernize Africa; especially at its infancy. Source: Hiiraan Online
-
Gurmad loo Galay Nin ku Dhacay Berkad Gabiley(Qaran news)- Ciidanka Dabdemiska ayaa si degdega ugu gurmaday abaaro 9:12 Subaxnimo, hasayeeshee Maydka ayaa ku jiray Barkada Wakhti dheer, waxaana Ciidamada Dabdemisku Maydkii ka soo saareen Barkada. Intaa kadibna ciidanka Dabdemiska ayaa ku wareejiyay Ciidamada Dambi-Baadhista Booliska gobolka Gabiley, iyadoo la geeyay Cisbitaalka magaalada Gabiley. Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cabdiraxmaan Ismaaciil Xasan, da’adiisuna ahayd 35 Jir. Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi, Alle Naxariistii Janno haka waraabiyo, Jannatul Fardawsana ha geeyo. Ninka ayaa Barkada Habeenimadii xalay ku dhacay, waxaana ciidamada Dabdemiska lagu soo wargeliyay Subaxnimadii saaka 9:15.Hadaba Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa in goor hore la soo sheego gurmadka. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howl-gallo ballaaran kula wareegay deegaano cusub oo ay hore gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa howl-galkaan waxay kula wareegeen dhul ballaaran oo isugu jira deegaanno iyo tuulooyin ay kamid yihiin Jaaw, Daadaale Habarcirir iyo Xilin-Fardood, oo dhamaantood hoostaga gobolka Galgaduud. Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen. Howl-galkaan ayaa imaanaya xilli ciidamadii toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur. Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa wata gaadiid fara-badan, oo isugu jira kuwa ciidamada lagu daabulo iyo kuwa kale ee dagaalka. Ciidamadan oo loo dhameystiray saadka iyo sahayda ay u baahnaayeen ayaa waxaa duleedka magaalada ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo dhowr kun oo askari gaaraya ay hadda kulaalayaan deegaanka Ceel La helay, oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ugu talagalay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan Ceelbuur. Ciidamadu waxay la howl-galayaan ciidamada kale ee jihooyinka waqooyi iyo koonfureed kaga sii siqaya magaalada Ceelbuur, waana ciidamada ka kala baxay degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee ku wajahan deegaanada Wabxo, Jaaw iyo Burujeed, ayna tahay in Shabaabku ka suuliyaan deegaanada fogfog, sida miyiga iyo dhulka lama deggaanka ah, illaa iyo inta ay ka gaarayaan Magaalada Ceelbuur. Ciidamada ayaan si dhakhsi ah ula wareegi doonin Ceelbuur, iyada oo aanay taako taako u xaqiijin goobaha lagu tuhmayo in Shabaabku ku dhuumaaleysan karaan. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doona gulufka lagu dhiig bixinayo Shabaab. Madaxweynaha ayaa Galmudug u jooga, sidii xididada loogu siibi lahaa Shabaabka ka hawlgala Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rajo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Al-Shabaab oo laga xoreeyay deegaano cusub iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
“Muuse Biixi ma ahayn inuu mar kale ummadda isu soo sharaxo” Cabdoo Aayir Berbera(Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Todheer, Cabdoo Axmed Aayar ayaa sheegay in madaxweyne Muuse aanu xiligan istaahilin inuu mar kale isu soo sharaxo Madaxweyne. Cabdoo Ayir wuxuu sheegay in Maxamed Kaahin u qalmo Guddoomiyenimada xisbiga isla markaana loo baahnaa in loogu daro murrashaxnimada Madaxweynaha. Cabdoo Aayir wuxuu maanta shaaciyay inuu iska casilay xubinimadii KULMIYE kana baxay xisbigaasi. Qaran News
-
#Diyaarad Berbera Soo Caga-dhigatay oo lacag Malaayiin Doolar ah iyo Dahab lagu qabtay dalka Zambia Diyaarad soo caga-dhigatay Garoonka Berbera oo siday wafti ka qaybgalayay xaflada dhagax dhiga haamaha cusub ee ay Trifagura maalgalinayso ee MW Biixi dhagax dhigay ayaa dalka Zambia diyaaradii ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Lusaka ee la yidhaa Keneth Kaunde l(KKIA) halkaas oo Hay’adda la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Koontarabaanka ee dalkaasi ay baadhis ku sameeyeen kadib markii ay war hoose ku heleen waxyaabaha saaran oo ay ugu muhiimsan tahay lacag kaash doollar ah oo dhan $5,600,000 , dahab dhan 127 kg oo lacag ahaan noqonaya ilaa $6 milyan oo doolar, 7 baaskaloodood iyo xoogaa raasaas ah. Sida ka muuqata Jadwalka duulimaadka, diyaaradu waxay ka soo ambaxday iskuna martay Geneva(Swiss) -Addis Ababa (Ethiopia)-Berbera(Somaliland). Addisa-Lusaka (Zambia) mudadadii u dhaxaysay 8 -14 augosto 2024. Arinkan ayaa noqday fadeexad wayn oo ay warinayaan 24-kii saac ee u dambeeyay dhamaan warbaahinta dalka Zambia. Suaalaha waawayn ee jawaabta u baahan ee ka dhalanaya dhacdadan ayaa ah : 1.Yaa lahaa lacagta iyo dahabka? 2.Ma Berbera ayaa laga saaray alaabtaa iyada ah diyaarada mise meel kale? 3.Maxay tani uga dhigan tahay shirkada aan wali heshiiskeeda la horgayn Golaha Wakiilada dhowrka sano ee Trifagura oo ah mid aan sumcad fiican ku lahayn dunida ee la yidhi 50milyan bay gelinaysaa Haamo cusub ? 4.Warbaahinta Somaliland ma ka war haysaa arinka? 5. Maxaa damaanad ah in dahabkii iyo lacagti cashuueta eei dalkan aan musuq, maydhaamid iyo is madmadow lagu lunsan? 6. Iyo Su’aale kale? Waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha ay khusayso arintani iney baadhaan oo jawaab waafi ka siiyaan shacabka Somaliland su’aalaha badan ee ka dhalanaya dhacdadan. Allaa Mahad leh, Xamse C. Khayre Xisbiga Waddani Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Qaran News
-
Three children are admitted to hospital after being burnt by a live wire in Ruai, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in lagu xirayo aaladaha TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka ee 1XBET. Go’aankan ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif, wuxuuna sheegay in arrintaas lagu go’aamiyay Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, kaas oo ay ka qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka. “Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha TiTtok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta ee dowladda federaalka Somalia. Haddaba maxay dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada ka yiraahdeen go’aanka dowladda? Bilaal Bulshaawi oo loogu yeero “Madaxweynaha TikTok” oo la falceliyay arrintan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto barashada bulshada. “Runtii dowladda awood uma laha inay maanta wax xirto kaliya iyada waxa ay awoodaa in shirkadaha qasabto, si adress-ka looga xiro” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad ula yaabeen markii ay maqleen go’aankan lagu xirayo aaladaha TikTok iyo Telegram oo uu tilmaanay inay la mid yihiin Youtube iyo Facebook. “Go’aan la yaableh ayuu ahaa oo saacadihii ugu dambeeyay soo baxay sida la wada ogyahay TikTok waa Aplication kamid ah kuwa kale, sida Youtube-ka, Facebook iyo Telegram, haddii ay dowladdu rabto inay wax ka hortegto waxaa wanaagsaneyd inay soo dhex gasho qiimeyso halka ay sirtu ka qurunsan tahay marka ay ogaato go’aan gaarto” ayuu raaciyay. Dhanka kale Baaquli Boy oo kamida dhalinyarada caanka ee isticmaasha TikTok ayaa qaba aragti ka duwan midda Bilaal Bulshaawi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in la xiro aaladdan oo uu tilmaamay inay dhibaato ku tahay mustaqbal dhalinyarada dalka. “Xilligii la xiri lahaa waa la taagan yahay, waan qabaa in albaabada la’isugu dhufto, waana aaminsanahay in la xiro” ayuu Buuquli Boy isna uga falceliyay go’aanka dowladda. Waxa kale oo uu kusii daray in aaladda TikTok ay qiimo tirtay hablihii Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Dumarka Soomaaliyeed dhulka ayuu la galay TikTok sidiisa haba la xiro, adeer hadda lacag ka raadsan jirtay meelo badan ayaa jiraan ee ka raadso” ayuu mar kale yiri Baaquli Boy. Si kastaba, Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Somalia, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankan markii uu soo baxay. The post Dhalinyarada isticmaasha TikTok oo jawaab ka bixiyay go’aanka DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
In the quest to delve into these reasons, let us journey back to the year 2004 when crucial meeting unfolded in Kenya where Somali leaders convened and made a historic choice to embrace the concept of federalism. In February 2004, a Transitional Federal Charter was written and approved. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha oo soo xidhay shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo hoggaan cusub iyo murrashaxiin madaxweyne iyo kuxigeen Lagu Doortay. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirkii siddeedaad ee golaha dhexe ee KULMIYE oo maanta lagu doortay hoggaan cusub iyo murrashax madaxweyne iyo kuxigeen oo uu xisbigu yeelan doono. Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maalintii shalay furmay, islamarkaana ay maanta ku sugnaayeen 252 xubnood, ayaa ugu horrayn lagu ansixiyey soo jeedin ah in xogyaha guud ee xisbiga oo marka hore sharci ahaan ku iman jirey magacaabis haatan wixii ka dambeeya ku iman doona codayn, taas oo ku ansixi doonta shirweynaha xisbiga. Ugu horraynna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha dhexe hortiisa kusoo gudbiyey istiqaaladda uu kaga tegay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu muddo soo hayey, taas oo ay goluhu ka aqbaleen, iyada oo sidoo kale goobta lagu ansixiyey soo jeedin ka timi madaxweynaha oo ku saabsanayd in mujaahid Maxamed Kaahin Axmed uu yahay qofka ugu mudan inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa madasha cod aan kala hadh lahayn ugu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo maanta xilkaas si rasmi ah loogu cumaamaday. Waxa kale oo shirka lagu doortay jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE oo ay ku tartameen Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxana jagadaas ku guulaystay siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 168 cod, halka uu Maxamed Ilkacase ka helay 55-cod, waxana ka aamusay 27 xubnood. Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla shirkan maanta ku doortay murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo loo kala doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay murrashaxa madaxweyne ee xisbiga, halka wasiir Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) loo doortay murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE. Xubno xisbiga iyo xukuumadda ka tirsan oo ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xoghayaha garabka haweenka KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, Marwo Amaal xaaji Axmed Miisaan, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey shirka golaha dhexe ee xisbiga iyo sida habsamida leh ee uu socdo, waxana ay xuseen in madasha lagu lafo guray hawlo tiro badan oo qayb ka qaadan kara sidii uu xisbigu mar kale guul u gaadhi lahaa. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday guulaha taariikhdii guuluhu ku dheehnaayeen ee xisbigu lahaa, isaga oo intaas ku daray inuu kalsooni badan ku qabo in hoggaanka cusub ee xisbigu yeeshay guulo badan soo kordhin doonaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna shirka ka hadlay, ayaa caddeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaaminta xisbiga dhiig cusub lagu shubo, isaga oo taageerayaasha xisbiga iyo xubnaha kale ee hoggaanka ahba ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu hoggaaminayey xisbiga guunka ah ee KULMIYE. Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo loo doortay kursiga guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, iyo Maxamed Cilmi Aadan oo kula tartamay kurisga oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxana ay caddeeyeen in tartar xor ahi uu goobta ka dhacay. Guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo shirka kusoo xidhay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa dhammaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbia KULMIYE ugaga mahadnaqay sida ay codkooda u siiyeen, waxana uu si waafi ah u sharraxay inuu KULMIYE yahay xisbi Dimuqraaddi ah, qarannimada kaalin weyn kasoo qaatay, muddadii uu talada hayeyna horumar ballaadhan dalka ka hirgeliyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laba habeen ka hor weeraray guri uu deganaa sarkaal lagu magacaabo Sheegoow oo ku yaallay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ninkaan ayaa haystay ciidan hubeysan oo illaa soddomeeyo ah, wax xil uma haynin dowladda, waxaana afhayeen dowladda hadlay uu sheegay inuu yahay kabtan hore oo ciidanka xoogga dalka. Ninkan ayaa gacanta lagu dhigay. Weerarkaasi waxaa ku dhintay laba kamid ah ciidankii uu haystay Sheegoow iyo hal askari oo kamid ah ciidanka amniga caasimada, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad toban kale oo labada dhinac ah, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Booliska Soomaaliya. Sheegoow iyo intii bedqabtay oo ciidankiisa aheyd ayaa la qabtay, dowladda waxay ku eedeeysay ninkaan iyo ciidankiisa saddex qodob, kuwaasi oo kala ah. 1. In ciidankiisa qeyb ka qaadanayeen amni darrada magaalada Muqdisho. 2. In burcadka dhaca iyo dilalka ka geysata magaalada Muqdisho ee ka baxsada cadaaladda inay gurigiisa ku dhuuman jireen oo uu gabaad siin jiray. 3. In gurigiisa laga soo helay dollar-ka madow ee la dhaqo. Eedahaan waxaa aqriyay afhayeenka Booliska Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay goobtii laga soo qabtay Sheegoow. Waxaana uu sheegay in loo gudbinaayo maxkamadda awoodda u leh inay qaado kiisaskan. Magaalada Muqdisho waxaa laga yaqaana dhowr sarkaal oo dhamaan haysta ciidan hubeysan, kuwaasi oo iyaga iyo ciidankooda lagu eedeeyo dilal, dhac iyo qalqal-gelin amni. Hubka ay haystaana kuma fuliyaan siyaasadda dowladda markaas jirta ama wax dan u ah amniga caasimada. Haddaba, maxaa laga baran karaa howl-galkii habeen hore? 1. Xasan Sheekh iyo xubnaha hubeysan Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la xasuusta inuu madaxweynaha amray in tallaabo laga qaado dhowr sarkaal oo loo haystay inay door ka qaadanayeen amni darrada caasimada, qaarna isbaaro u taallay. Xalay waxay fahmeen ragga hubka haysta ee Muqdisho ku sugan inuu Xasan Sheekh weli qodobkaas ku taagan yahay, oo uu kusoo wajahan yahay kuwa hubka haysta ee aan ku fulin qorshah dowladda. 2. Caasimad hal gacan ku jirta Weerarkii habeen hore wuxuu cadeynayaa in caasimada aanay gacmo badan isla sii walaaqi doonin. Mid kamid ah saraakiisha sida Sheegoow hubka ku haystay Muqdisho ayaa la sheegay inuu dhawaan ciidankiisi ula baxay dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama uu haysto faham ku saabsan in Xasan Sheekh uusan ogoleyn inay gacmo badan wadaagan amniga caasimada. 3. Qoddobka saddexaad waa xujo Maadaama ay jiraan rag kale oo sidaan oo kale hubeysan oo Muqdisho jooga waxaa la eegaya sida dowladda u wajahdo xubnahaas kale, taas oo ah xujo hortaalla dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Laba cashir iyo hal xujo oo uu dirayo weerarkii Sheegoow appeared first on Caasimada Online.
-
Waa bar internet iyo barnaamij lagu wadaago fiidiyowyo gaagaaban oo nooc kasta leh. Fiidiyowyada la soo dhigo waxay u dhaxeeyaan 3 seken ilaa 10 daqiiqo. Waxaa lagu dhaliilaa in faafreeb aysan ku samayn waxyaabo badan, waxaana laga leeyahay Shiinaha. Laakinse bartu waxay leedahay, sida baraha kale, xeerar ay tahay inuu u hogaansamo qofka doonaya inuu isticmaalo. Shirkadda ByteDance ayaa TikTok billowdaay bishii September 2016. Muddo gaaban gudaheed ayey caan kaga noqotay dunida. Boqollaal malyan oo qof ayaa ku xiran, qaarna waxay soo galiyaan macluumaad kala duwan oo luqado kala duwan ku baxa. Telegram Waa barnaamij internet oo la isugu diro farriimaha iyo wicitaannada codka iyo fiidiyowga, waxaana laga leeyahay Ruushka. Telegram wuxuu sheegaa in sida Whatsapp aysan cid kale suurtogal u ahayn inay arkaan ama dhagaystaan farriimaha ay laba qof isku dirayaan maadaama ay yihiin kuwo qafilan (encrypted). Wuxuu ku shaqeeyaa barnaamijyada telefoonnada ee iOS oo la bilaabay bishii Agoosro 2013 iyo Android oo la bilaabay Oktoobar 2013. Kombiyuutarrada xogta haya ee Telegram waxay kala yaallaan 5 meelood oo dunida ah, waxaase xarunta hawlgalinta ee barnaamijkan ay ku taallaa Dubai. Sannad ka dib Telegram wuxuu sheegay in macaamiishiisu ay gaareen 35 malyan oo qof. Wararkii ugu dambeeyey ee barnamijkaas laga soo xigtayna waxay sheegayaan in ilaa iyo bishii Luulyo ee sannadkan dadka ku xiran ee bil kasta isticmaala ay ka sare mareen 800 oo malyan. Waa bar khamaarka internetka lagu cayaaro, waxaana mamnuucday hay’adda canshuuraha Maraykanka bishii Janaayo ee sannadkan. Waxaa la aasaasay 2007. Inkastoo shirkadaas ay sheegtay inay kacday bishii Juun 2022, misna weli waa ay shaqaynaysaa. Bishii Luulyo 2019 waxaa heshiis wada shaqayn la gashay kooxda kubadda cagta ee Barcelona. Waxa lagu eedeeyey in siyaabo sharciga ka baxsan ay u shaqayso, waxaana guddi baaris oo Ruush ah ay shaaciyeen bishii Agoosto 2020 magacyada rag la aaminsan yahay inay abuureen oo la kala yiraahdo Sergey Karshkov, Roman Semiokhin iyo Dmitry Kazorin. Dhallinyaro badan oo Soomaalina ay ku jiraan ayaa bartan ku xiran, waayo waxaa uu qofku ku guulaysanayaa lacag, inkastoo sidoo kalena uu ku weynayo lacag. Culiamda ayaa iyagana ku tilmaama inay tahay mid aan shareecada islaamaka waafaqsanayn maadaama diinta islaamka ay mamnuucday Khamaarka. Sidee looga falceliyey joojinta barnaamijyadan Dad badan oo baraha Bulshada isticmaala waxay aad u hadal hayeen go’aankan ka soo baxay dawladda Soomaaliya. “Seddexdaan in la tuuro waa talabo wanaagsan” sidaa waxaa yiri Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah hal abuurka Soomaaliyeed. “In dawladdu xirto TikTok iyo wixii la mid ah waa arrin bogaadin iyo waxqabad muuqda oo dawladdu dalka u qabatay, laakin sharci darro laguma xiri karo. Arrintan ma aha mid uu wasiir go’aan ka gaari karo, go’aankaas waxaa gaari kara golaha shacabka” Sidaa waxaa yiri Cali Yare Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir. “TikTok xiridiisa waxaa ka horreysa in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada. Nin shaqeeya wakhtiba uma hayo daawashada TikTok” ayuu yiri Cabdiweli Axmed. Go’aanka joojinta ma hirgali doonaa Go’aankan waxay u badan tahay in shirkadaha internetka bixiya ee ka hawlgala deegaannada ay dawladda Soomaaliya gacanta ku hayso ay fulin doonaan, laakinse lama oga meelaha aysan dawladdu ka talin sida uu uga hirgali doono. Arrinta kale ee muhiimka ah in hoosta laga xarriiqo waxay tahay in uu jiro barnaamij la yiraahdo VPN oo dadka u suurtogalin kara in ay isticmaalaan barnaamijyadaas xataa haddii la joojiyo. Laakinse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay xiritaanka barnaamijyadan ma waafaqsan yahay shuruucda iyo xuquuqaha caalamiga ah ee ay dadku leeyihiin. Qaran News
-
Saudi security forces have killed hundreds of Ethiopian migrants and asylum seekers attempting to cross the country’s border with Yemen, Human Rights Watch said, shooting people at close range and firing explosive weapons at groups in the mountains in what could amount to crimes against humanity. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xireyso qaar kamid ah baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya. Saddexdaan bar ayaa shalay la ogaamiyey in dalka laga mamnuuco, inkastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xiray isticmaalka aaladahaas. “Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta. Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internet-ka ayaa si weyn looga isticmaala gudaha Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Jaamac Cabdiraxmaan Ducaale: Dhalinyaradu way idinka sii jeeda laakiin caadi noogu soo jeesta waaye, marka arrinkaan ka fiirsasho u baahan yahay.” Aden Ibrahim Ahmed ayaa sidoo kale yiri “Marar badan ayaan is dhahe ma laxiro TikTok ugu danbayn waa laxire waa mahadsan tihiin.” “Awooda aad waxaas ku xeraysaan xagee ka keenaysaan illeen wax gacan idinku jira oo aad maamushaan maba jiree. Wasaaradiina ayaaba magac uyaal ah maxay wax xirtaa,” ayuu yiri xasab Maxamed Cumar. Cabdifataax Maxamed: “Amarkani ma dhaqan-gali doono iga qora.” Najmo Ahmed Abdi “Waa arin wanaagsan dhaqanka hala ilaaliyo iya sumcada dalka waxa kasii fiicnaan laheyd Snapchat in asigane laxiro anshax xumada dhan asey ka imaada,” ayey tiri Najmo Axmed Cabdi. Salmaan Ibraahim: “Dhalinta Idinkaa shaqo siinaayo iisheega.” Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isna yiri “Mudaharaad iyo banaan baxyo isku diyaariya viva ciyal Xamar.” “Arrintaan waxaa u fahmay wadanka iskaga taga ee wada tahriiba inta dhalinyaro ee ku hartay wadanka.” Abdulkadir Sharif Turbac Cabduqaadir Shariif: “Waan bogaadinayaa arintaas ee kuwa ka dhabeeya Allaha idin ka dhigo.” Cabdiraxmaan Shiine ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Haddii intaas la xiro anagana dadka dhaceyna waa balan aaway dhalinyarada Internet-ka ku mashqulsaneyd is mujiya.” “Waxaas iska hadal ayaan u arkaa horta awood ma u leedihiin inaad xidhaan,” ayuu yiri Deeq Aadan. Sakariye Cabdi ayaa isna yiri: “Waa atrin looga baahnaa in ay qabtaan mar hore ragga ku shaqada leh waana bogaadinayaa arintaas, waayo TikTok dhalinyaro badan ayuu .ustaqbal la’aan ku ridey sidoo kale Telegram fisqigiisa ayaa aad u soo batay baryahaan.” “Hala xiro aaladahaas waayo, kumanaan Soomaali ah ayaa noloshii ka dhacay. dhalanyaradii hala badbaadiyo,” ayuu yiri Cali Siyaad. The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aanka DF Soomaaliya ay ku xireyso… appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhalatay xarigga jeneraal Sheegow Axmed Cali oo gashay maalintii labaad oo xiriir ah ayaa haatan kusii fideysa dalka, gaar ahaan meelo ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho oo ah halka lagu xiray sarkaalkaasi. Dibadbax ay dhigeen dadweyne careysan oo kasoo horjeedo xarigga Sheegow ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay isugu baxeen dadweyne kamida beesha uu ka soo jeedo jananka ay soo xirtay dowladda dhexe. Waxaa la arkayay dibad-baxayaasha oo lugeynayaa waddooyinka waa weyn ee magaalada, isla-markaana dalbanaya in lasoo daayo sarkaalka la xiray oo dagaal lagu soo qabtay. Wararka ayaa sheegaya in markii dambe ay dibad-baxyada isku rogeen rabashado xoogan, waxaana isku dhacay ciidanka amniga iyo dadweynaha, taas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay 1 qof oo ka mid ahaa dadweynaha dhigayay dibadbaxa ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugna xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. Mid kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka ay isugu soo baxeen, wuxuuna tilmaamay in ay tahay in cadaalad uu helo Sheegow Axmed. “Maanta wuxuu mudaharaadkeena ka socdaa magaalada Beledweyne, waxaan isugu soo baxnay mudaharaad nabad ah, shacabkana inay arkaan, runtii reer Hiiraan aad ayay noo taageersan yihiin haddaanu nahay beelaha Jareerweyne ” ayuu yiri mid kamid ah dibadbaxayaasha. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in sii wadi doonaan banaanbaxyada, inta laga soo deynayo jeneraalka, ayna ka daba tagi doonaan dadka xirtay, sida uu hadalka u dhigay. “Cid alla cidii ka dambeysay xarriga jeneraal Sheegow, insha allaah kama daba hari doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Arrinta Jeneraal Sheegow ayaa hadda noqotay warka ugu weyn ee ka taagan gudaha dalka, waxayna ka dhalatay dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, kaas oo dhex-maray ciidamo uu watay sarkaalkaasi iyo kuwa ammaanka ee dowladda. Booliska Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in Sheegow uu xirtay darajo been abuur ah, sidoo kalena uu ciidamo beeleed dhibaato ku hayay deegaanka ku heystay halkaasi, taas oo sii xoojisay xiisadda xoogan ee ka dhalatay xarigga sarkaalkaas oo xabsiga la dhigay. The post Daawo: Xiisadda ka dhalatay xarigga SHEEGOW oo kusii fideysa dalka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in lagu xirayo aaladaha Tiktok, Telegram iyo aaladda qamaarka ee 1XBET. Go’aankan ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif, wuxuuna sheegay in arrintaas lagu go’aamiyay Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, kaas oo ay ka qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka. “Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta ee dowladda federaalka Somalia. Haddaba maxay dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada ka yiraahdeen go’aanka dowladda? Bilaal Bulshaawi oo loogu yeero “Madaxweynaha Tiktok” oo la falceliyay arrintan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto barashada bulshada. “Runtii dowladda awood uma laha inay maanta wax xirto kaliya iyada waxa ay awoodaa in shirkadaha qasabto, si adress-ka looga xiro” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad ula yaabeen markii ay maqleen go’aankan lagu xirayo aaladaha Tiktok iyo Telegram oo uu tilmaanay inay la mid yihiin Youtube iyo Facebook. “Go’aan la yaableh ayuu ahaa oo saacadihii ugu dambeeyay soo baxay sida la wada ogyahay Tiktok waa Aplication kamid ah kuwa kale, sida Youtube-ka, Facebook iyo Telegram, haddii ay dowladdu rabto inay wax ka hortegto waxaa wanaagsaneyd inay soo dhex gasho qiimeyso halka ay sirtu ka qurunsan tahay marka ay ogaato go’aan gaarto” ayuu raaciyay. Dhanka kale Baaquli Boy oo kamida dhalinyarada caanka ee isticmaasha Tiktok ayaa qaba aragti ka duwan midda Bilaal Bulshaawi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in la xiro aaladdan oo uu tilmaamay inay dhibaato ku tahay mustaqbal dhalinyarada dalka. “Xilligii la xiri lahaa waa la taagan yahay, waana qabaa in albaabada la’isugu dhufto, waana aaminsanahay in la xiro” ayuu Buuquli Boy isna uga falceliyay go’aanka dowladda. Waxa kale oo uu kusii daray in aaladda Tiktok ay qiimo tirtay hablihii Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. “Dumarka Soomaaliyeed dhulka ayuu la galay Tiktok sidiisa haba la xiro, adeer hadda lacag ka raadsan jirtay meelo badan ayaa jiraan ee ka raadso” ayuu imar kale yiri Baaquli Boy. Si kastaba, Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Somalia, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankan markii uu soo baxay. The post Dhalinyarada isticmaasha Tiktok oo jawaab ka bixiyay go’aanka dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
The West African regional grouping, Ecowas, has dismissed as a negotiating tactic the announcement by Niger's coup leader that civilian rule cannot be restored for three years. Source: Hiiraan Online
-
Shirkii Xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Burco oo maanta ku eg ayaa hadda lagu doortay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay musharrax madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, halka Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadda ah wasiirka ganacsiga loo doortay musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga. Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isna loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyadoo guddoomiye xigeenka koowaad loo doortay Cabdicasiis Samaale. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland, Muuse Biixi ayaa mar kale loo doortay inuu msharrax u noqdo Xisbiga Kulmiye, kadib doorasho ay maanta xubnaha Xisbigaasi ku yeesheen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Muuse Biixi ayaa fursaddan waxay u sahleysaa inuu mar kale u tartamo doorashada madaxweynaha ee soo socota, isaga oo metalaya Xisbiga weyn ee Kulmiye. Sidoo kale waxaa isna musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye loo doortay Maxamuud Xasan Saajin oo kamid ah xubnaha firfircoon ee Xisbigaasi. Biixi iyo Saajin ayaa wajihi doona tartan adag, maadaama ay doorashada kula loolami doonaan Xisbiyada kale ee kasoo horjeedo iyo kuwa la filayo in lagu dhawaaqo. Dhanka kale, Xisbiga Kulmiye ayaa maanta yeeshay guddoon cusub, waxaana hoggaamiyaha Xisbiga loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo isna hadda ah wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Somaliland. Kaahin ayaa olole xoogan u galay kursigan oo uu ugu dambeyn ku guuleystay, kadib markii uu garab ka helay madaxweyne Muuse Biixi oo ay haatan aad isugu dhow yihiin. Madaxweynaha oo ka hadlay doorashada Maxamed Kaahin ayaa aad usoo dhaweeyay, wuxuuna dhaaciyay inuu mudan yahay in loo doorto guddoomiyaha guud ee Xisbiga,. “Maxamed Kaahin 45 sanno ayuu qof soo dhisayay, cid maanta ka mudan majirto” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho xasaasi ah, taas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi. The post Madaxweyne Biixi oo guul ka gaaray doorasho ka dhacday Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo jeedisay in la xidho baraha TikTok, Telegram iyo 1xbet, kadib shir wadatashi ee dhinaca badqabka Isgaadhsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ay iskugu yimaadeen madaxda wasaradda, hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka. Bayaan kasoo baxay shirkaas ayaa u qornaa sidan: Source
