Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Nin cabsanaya muxuu xil u raadsadaa?! Dhallin-yaro qalbi waayeel leh sow dalkeedii ma gabin! Waxyaabaha dhaqan xummada ugu badan ay ka imaanayso waxaa ugu daran inuusan shacabka kaalintiisa qaadanayn oo uusan haba yaraatee wax mas’uuliyad ah iska saareyn siduu u ilaashan lahaa waxyaabaha qiimaha leh ama ay ku dhowrsantahay ummada sida anshaxa, ka dhiidhinta iyo diidista xumaanta ay arkayaan. Mararka qaarkood waxaa loo qaadan karaa dad-weynaha waxaa ka maqan taba-bar la xiriir dagaalku inuusan ahayn oo keliya in laysu gacan qaado, waxayna u egtahay inaysan wax culeys ah ku heyn in qofka uusan dhaqan garaneyn ee shisheeyaha uu si sahlan ugu milmo dadka iyadoo uu wax kasta oo lid ku ah dhaqanka iyo diinta uusan ilaalineyn, ama uu si bareer ah wax lid ku ah ugu sameynayo. Waxaa kaloo habacsanaanta shacabka ka mid ah in Itoobiyaanka ama dadka ugu badan ee hadda soo talaabay ee Orommada ah uusan innaba ha yaraatee wax dareen dhiilo ah ka qabin, inuusan marna is weyddiinba maxaa Itoobiyaan dalkeyga keenay?! Waxaa kaloo arrin cad ah in dadka shacabka intooda badan ay khalad ka fahmeen soo dhoweynta martida!…Dhaqan aad u khaldan! Dhaqan aad u khaldan oo khatar geliyay dhismihii iyo samayskii mujtamaca, kaasoo albaabbada u furay in dhallintii soo barbaareysay ay bartaan isticmaalka mukhaadaraadka iyo cabbitaanka khamriga. Orommadaas xummaan kasta oo ay fidiso iyo dhibaato kasta oo sameyso dad badan oo u doodaya ayaa yiraahda; Waa qaxooti… Waa dad gaajeysan oo nolol doon ah…Waa dad dhibaato ka soo cararay! Waxaa yaab leh waxa shacabka intaas keliya fahamsiiyay! Waa Yaab! Weedhahaas naftooda ayaa ah kuwo qayb ka ah dacaayadaha ay daba-dhilifyada, iyo jawaasiista la shaqeeya sir-doonka Itoobiya ay ku celceliyaan oo maalin kasta shacabka dhegahooda lagu shubo ilaa ay rumeysteen, oo ay gaareen heer aysan hadda wax kale rumeysneyn. Dhallin-yaradii ay ahayd inay wax ogaadaan, inay fekeraan, inay maskaxda tuujiyaan oo ay fahmaan waxa hareerahooda ah, waxaa ambiyay oo marin habaabiyay siyaasi khaa’inul-wadhan ah oo maalin kasta ku haya “Walaalaheen Itoobiya!” Waxaa intaas oo dhan ka xanuun badan war-baahin kii 15 jir ku bilaabay uu 50jir ku gaaray, oo aan lahayn wax barnaamij ah oo u deggan, wax aragti ah, waayo aragnimana aysan u kordhin oo sidii shimbirtii Bagbagaa’a (Parrot) ku celceliya waxa uu ka maqlay khaa’inul wadhan mas’uuliyad sheeganaya “Dalalka aan walaalaha nahay ee deriska ah!”. Waa sax, Itoobiyaanka qorshe iyo ujeeddo bay ku socdaan waxaana maan-gaabka Abiy Axmed ka dhaadhacsan inaan laga foojigneyn, dhagartii ay markii horaba xukuummadii isaga ka horeysay EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) qorsheysay ee ahayd inay Maamul Goboleeddada dalka oo dhan ay ka furato xafiisyo ay markaas ku sheegeysay inay yihiin xafiisyo ka caawinaya dadka Soomaaliyeed adeegyada ay Itoobiya uga baahanyihiin, sida Dal-Ku-Galka (Visas) Caafimaadka, ganacsiga, iyo wax-barashada! Hasa yeeshee ay ujeeddada runta ah ee ka dambeysa ay ahayd in maamul goboleed kasta ay hoos geeyaan wakiil ay iyaga u soo magacowdeen. Nimaan yaab arag baa yaab ka sheekeeya! Waxaa shaki la’aan ah haba yaraatee Soomaaliya inaysan Itoobiya waxba ugu baahneyn, sababtuna waxay tahay Itoobiya iyadaa u baahan inta ay Soomaaliya u baahantahay iyo ka badanba, marka ujeeddada xafiisyadaas waxay ahayd in maamulka dalka oo dhan ay qayb ka ahaadaan ilaa ugu dambeynta ay gaaraan ujeeddadooda ay ka dambeyso cadaawadda guunka ah. Waxaa isagana barnaamijkaas ay EPRDF-ta bilowday, horay u sii waday oo markii uu xukunka Itoobiya qabtay isagoon seddex bilood dhameysan, booqasho uu Muqdisho ku yimid 2018kii kaga dhawaaqay wax uu heshiis ku sheegay oo aan dadka Soomaaliyeed waxba laga weyddiin, kaasoo uu ku sheegay in is-dhex-gal/isku-darsan (integration) labada dad ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu dhex marayo! Iyo in la guddoonsiiyay 4 dekadood!… Taasi waxay ahayd khayaannadii ugu weyneyd ee aan la qarin, waxayna ahayd khayaano Qaran oo ay galeen kuna astaysnaan doonta magaca madax-weynihii hore Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, Af-Hayeenkii golaha shacabka Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan iyo dhammaan xil-dhibaannadii barlamankii 10aad sida ay u dhanyihiin. Waxaa gobollada ay soo galeen dadka Itoobiyaanka ay xaqiiqda taagantahay inay magaalooyin badan dadkii ku noolaa iyagii kaga tiro bateen, bishii Luulyo ee sanakan 2023ka ee la soo dhaafay waxaa isbitaalka guud ee magaallada Garowe ee caasimadda Puntland maalin keliya ku umulay 20 naagood oo ka mid ah dadkaas Itoobiyaanka ee lagu soo yaaciyay dalka, waxaana jira cadeymo kale oo sheegaya inay 5tii maalinba 1-2 naagood oo dadkaas ka mid ah ay isbitaalka keenaan ilmo nafaqo-daro ama cuduro kale la il daran. Arrintan ayaa waxay culeys weyn ku soo kordhisay adeeggii isbitaalka ee ilmaha iyo hooyada markii horaba taagta darnaa. Meelaha qaarkood waxaa is abaabulay dhallin-yaro arday u badan oo si geesinimo leh uga soo saaray markii uu walaac xagga amniga ah uu ka dhashay hab dhaqanka ay ku joogaan, laakiin tallaabadaas ma noqon mid wax ku ool ah, sababtoo ah mar kasta oo magaalo laga saaro waxay isku urursanayaan magaallada ku xigta, waxaana meesha ka maqan nidaam maamul oo gacan ka geysta in dadkaas dib loogu celiyo dalkoodii. Waxyaabaha xil-kasnimo darrada ah ee inta badan heysta magaalooyinka ay Itoobiyaanka/Orommada ku fatahmeen waxaa ugu weyn maamulka magaalooyinkaas oo aan aqoon siduu wax uga qaban lahaa isla markaasna aad moodo inuu ka cabsanyo inuu u sheego inay dalkoodii ku noqdaan!… Nin cabsanaya oo xil raadsaday!… bal adigu malee, ma xil iyo cabsi baa meel wada gala!… Waxaan wali xasuusnahay, mar aan booqday magaallada Boosaaso 1995kii, waliba waqtigaas Itoobiyaanka joogay dalka aad bay uga yaraayeen umana dhoweyn tiro ahaan dadkaan diigaanyada ee hadda derbi kasta iyo albaab kasta taagan, baa waxaan soo maray meel ay safanyihiin sanaadiiqda waaweyn (containers)ee lagu soo raro badeecadaha maraakiibtu soo qaado oo aad u tiro badan, waxaana la ii sheegay sanaadiiqdaas inay yihiin shaneemooyin ciyaaraha habeenkii lagu daawado, oo dhammaantood ay leeyihiin Itoobiyaanka isla markaasna ay hoygoodii tahay. Nimankii warka ii sheegay ayaan weydiiyay inay waligood galeen shaneemooyinkaas, waxay ii sheegeen in caruurta oo keliya ay galaan, iyo in waliba qiimo waqtigaas dadka qaali ku ahaa lagu galo!…waxaa ku qasbay inay habeenkaas aniga ii wheel yeelaan oo ila galaan….Maxaan u tagnay?!…Waa marka hore konteynar walba caruurtii baa ka badatay, meel cagta la dhigana kama bannaana, ilmuhu dhammaantood waa dugsileey, marka ay soo dhameystaan casharkooda waxay toos u soo aadaan sanaadiiqdaas shineemmada lagu sheegay!…midkii u horeeyay baan madaxa gelinay waa ka cararnay, kii ku xigay, Ka Dar Oo Dibi DHal!… mid kale… mid kale..markaan ogaanay in dhammaantood waxa lagu daawanayo ay yihiin aflaam qaawani ah, gudbinaya dhaqamo dilay anshaxa mujtamaca, gudbinaya farriimo diineed, baan ugu yeernay ciidammada booliiska, waxaa arrin xanuun badan ahayd in dhammaan ilmihii aan ka soo qabanay shineemooyinkaas ay da’dooda aad u yareyd oo midka ugu da’da weynaa wuxuu jiray 13sano, waxaana taas ka sii yaab badnaa inaysan ilmahaas marna u sheegin waalidkood waxyaabha dhaqan xummada ah ee ay arkeen! La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 6aad appeared first on Puntland Post.
  2. Kismayo (HOL) - US-trained Somali Special Forces killed 47 al-Shabab militants in a new military operation in southern Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda Dhuusamareeb ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedka dalka, marka laga tego Puntland iyo maamulka gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale. Haddaba Maxaa kusoo kordhay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka? Madaxweyne ku xigeenka Galmuudg Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa faahfaahiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama uu galay maalintii 2-aad oo xiriir ah. Ciid ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ajenedayaashiisa ay ugu muhiimsan yihiin amniga dalka iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. “Ajendeyaasha shirka waxaa ugu muhiisan guud ahaan amniga waddanka oo ay ku jirto la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo sidii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay halganka u wada qaadi lahaayeen loona soo dhameystiri lahaa deegaanada ay waddanka Soomaaliya heystaan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxdu ay ka tashan doonaan sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya iyo bixitaan ciidamada ATMIS oo hadda billow ah. “Qodobka saddexaad wuxuu yahay cunaqabateynta hubka iyo qaadisteeda, Qodobka afaraadna wuxuu yahay bixitaanka AMISOM iyo waqtigeeda” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday deegaanadii u dambeeyay ee la xoreeyay, sida degmada Ceelbuur, isaga oo tilmaamay in laga wadahadlayo xasilintooda, sidoo kalena ay gurmad deg-deg ah gaarsiin doonto dowlad goboleedka Galmdug. “Deegaanada gacanteena soo galay shaqo fiican ayaan ka qabanay gurmadkii ugu horreeyay berri ayuu gaarayaa, waana gurmad ay Galmudug gaarsiineyso Ceelbuur iyo dadkeeda” ayuu mar kale yiri wareysigaan ku yiri Cali Daahir Ciid. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee shalay ka furmay Dhuusamareeb ayaa kusoo aaday xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay hormaro balaaran ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii u muhiimsaneed ay kala wareegtay. The post Maxaa kusoo kordhay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka? appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta ka hortegay dibad-baxyo la filayay inay ka dhacaan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo looga soo horjeeday xariga Sheegow. Muqdisho waxaa waddooyinka waa weyn saaka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, si ay hortegaan dibad-baxa Beesha Jareerweyne oo ka goodsan xarigga loo geystay Jeneraalkooda oo dhowaan lagu soo xiray dagaal ka dhacay degmada Dharkenley. Ciidamada oo daadsan waddooyinka ayaa saaka lagu soo waabariistaan, taas waxa ay keentay inuu baaqdo dibadbaxii la filayay oo abaabulkiisa uu ka socday caasimada. Xubno ka tirsan abaabulayaasha dibad oo aan la hadalnay ayaa innoo xaqiijiyeen inay baajiyeen banaanbaxooda, ayna u joojiyeen sababo amni dartood. Dhanka kale, waxaa sidoo kale laga hortegay dibad-bax kan lamid ah oo ka dhici lahaa magaalada Jowhar, kadib markii ay howlgal sameeyeen Booliska HirShabelle. Booliska ayaa soo qabqabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ku howlanaa dibadbax looga soo horjeeday xarigga Jeneraal Sheegow Axmed Cali. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammmaanka oo ku aadan tallaabada ay maanta qaadeen. Arrintan ayaa daba socota buuqa ka dhashay xarigga Janankan oo ay si weyn iuga carootay Beesha uu kasoo jeedo, kaas oo loo heysto eedeymo culus, sida ay sheegay dowladdu. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Sheegow, balse waxaa loo badinayaa in sarkaalkan maxkamad lasoo taagi doono, si loo galo kiiskiisa. The post Dibad-baxyo ka dhici lahaa Muqdisho iyo Jowhar oo laga hortegay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatuma Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo khudbad dheer jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood iyo guulaha ay ka gareen ciidanka deegaanka. Cabduqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ugu dambeeyay ay jab xoogan ku gaarsiiyeen Somaliland, isla-markaana ay nolosha ku qabteen illaa 280 maxaabiis ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku eedeysan dambiyo dagaal. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la haayo 42 dhaawac ah oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada deegaanka. Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wuxuuna uga digay isku dayga uu mar kale kusoo weerarayo magaalada Laascaanood. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka jawaabi doonaan duullaan kasta oo kaga yimaada dhanka Somaliland, balse inta ka horreysa ay is xakameyn doonaan. “Muuse Biixi, weli waxaa muuqata in uu colaad u ooman yahay, laakiin waxaan leenahay ciidankii iyo dadkii casharka ku dhigay waa diyaar, laakiin marnaba anaga shacab duulaan kuma nihin” ayuu khudbaadiisa yiri hoggaamiye Cabduqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye). Ciidanka Somaliland ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay waxyaabaha qaraxa ku aaseen meelihii laga saaray, isaga oo dalbaday in laga gacan siiyo baaritaanka goobahaasi. Dhanka kale wuxuu farriin u diray reer Laascaanood, gaar ahaan shacabka, isaga oo ugu baaqay in aysan kusoo laaban magaalada, maadaama uu weli sii socda dagaalka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin dirirtaasi iyo sidoo kale duqeymaha xoogan ee barbar socda. Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab istaagto SSC, ayna wax kala qabato burburka iyo dhibaatooyinka ka jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. The post Hoggaamiyaha SSC oo war cusub soo saaray, una digay Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray weerarkii xooganaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswaye ee gobolka Galgaduud. Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa la rumeysan yahay in lagu laayay askar badan, sidoo kalena lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal intaba. Sheekh Shariif oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada saraakiishii iyo askartii lagu dilay weerarkaasi “Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif. Intaas kadib madaxweynihii hore ee dalka ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabka loo maareeyay weerarkaasi, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh. Shariif ayaa si gaar ah uga dalbaday guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya inuu daba-galo falkaas oo uu tilmaamay in lagu dilay askar badan. “Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu raaciyay. Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur. “Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa madaxweynihii hore ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegasho culus kasoo saartay weerarka Cowswayen, waxayna tilmaamtay inay cagta marisay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda guul ka sheegtay dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, waxayna shaacisay inay ka hortageen weerarka ay ku soo qaadeen deegaankaas. The post Shariif oo dalbaday baaris madax bannaan kadib weerarkii Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha dowladda SSC-Khaatumo mudane Cabdulqaadir Firdhiye ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulkiisu Hubka dhigis caadi ah ku sameeyay Ciidamada Somaliland. “Hub la dhigis ama dab ka dhigis baan ku samaynay maleeshiyaadkii Somaliland waxaana u mahadcelinayaa ciidamada SSC oo sacabooley ka dhigay maleeshiyaadkas Muuse Biixi” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweyne Firdhiye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Somaliland si ba’aan loogu jebiyay dagaalkii 25-ka bishaan dhacay islamarkaana laga qabtay maxaabiistii ugu badnayd lagana saaray dhulka SSC. “Somaliland waxaan ka qabanay, 218 Maxbuus oo aan dhaawac qabin iyo 42 Maxbuus oo dhaawac ah, taas oo tirada guud ee maxaabiista ah 260 Askari ilaahadda, Maxaabiista waxa ku jira saraakiil ah dambiilayaal dagaal ah, gacanta ayaan ku haynaa Hay’addii xaqqa u lahaa ayana u gudbinay” ayuu sii raaciyay Firdhiye. Madaxweynaha dowladda SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada SSC aysan weerarin dad shacab ah balse keliya la dagaallameen ciidamada Somaliland ee dul fadhiyay Laascaanood”Luuqadii uu yaqaanay ee uu rabay Muuse Biixi ayaan kula hadalnay 25kii August, maleeshiyaadkiisii ayaana anigu abaalkooda marinay shacab ma aanan weerarin”. PUNTLAND POST The post SSC-Khaatumo: Waxaan hub ka dhigis ku samaynay Ciidamadii Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) - Several Somali soldiers and military commanders are feared dead following an al-Shabab attack in the central region of Somalia on Saturday. Source: Hiiraan Online
  9. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) launched projects in Yemen, Somalia and Lebanon. Source: Hiiraan Online
  10. Nadia Mohamed, a state DEI specialist and current mayor pro tem of the St. Louis Park City Council, filed officially to run for mayor during the filing period that closed last week. Source: Hiiraan Online
  11. Ceelbuur (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud. Maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo dheer ka arriminayay magaaladaasi facaweyn ayaa xoogooda magaalada uga baxay dhanka galbeed. Ceelbuur waxay ahayd saldhigii ugu weynaa ee ay Shabaabku ku lahaayeen bartamaha dalka, waana magaaladii ugu muhiimsaneyd ay xilligan ka haysteen Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka laga saaray Ceelbuur ay illaa xalay gaarayeen dhulka u dhaxeeya Ceelbuur, Galhareeri, Ceeldheer illaa Xarardheere. Dhulkan ayaa lagu sheegay dhul ballaaran oo geedo iyo bacaad badan leh, waana dhul sida la sheegay ku habboon dhuumaaleysiga. Bacaadka badan iyo buuraha yaryar ee halkaasi ku yaala ayaa la sheegaya in Shabaabka u sahleyso, in intii muddo ahba ay hakiyaan gulufka baaxadda leh ee ciidamada, sidoo kalena ay kaga dhuumaan karaan duqaymaha dhinaca cirka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa ku hanjabay inaanan Shabaabka looga hari doonin goob kasta oo ay u baxsadaan. Dadka ka faallooda arrimaha militariga waxay sheegayaan in Shabaabku ay sanadkan wajahayaan kiisii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen. La wareegista Ceelbuur ayaa bilow wanaagsan u ah wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo Gobolada Dhexe. Sida uu qorshuhu yahay ciidamada ayay tahay in sidoo kale ay maleeshiyadaasi ka saaraan daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Wareegga xigga ee hawlgalka ayaa noqon doono kan ugu dambeeya ay ciidamadu ku wajahayaan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay jiridda u siibi doonto Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. The post Xog: Halka ay u jihaysteen SHABAAB-kii laga saaray magaalada CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.
  12. Military government also authorised troops from neighbouring Mali and Burkina Faso to come to its defence, raising the stakes in a standoff with other West African nations threatening force. Source: Hiiraan Online
  13. A Portland man who was convicted of manslaughter for shooting his sister’s boyfriend in 2019 was released on bail Friday after a judge ordered a new trial, sparking confusion and outrage from the victim's family. Source: Hiiraan Online
  14. Qatar Charity inaugurated a health centre within the Madina Hospital in Banaadir, a region in Somalia. The inaugural ceremony of the health centre was attended by several dignitaries from the Somali government, led by the Somali minister of health, as well as members of the Qatari embassy in Mogadishu. The health centre is expected to benefit 20,000 people. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU: The president of Somalia’s separatist region of Somaliland on Saturday vowed revenge on a local militia that the previous day seized a major base belonging to his army. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia has recently acquired two Bell 412 helicopters to support their efforts in combating the Al-Shabaab militant group. It is anticipated that an additional three helicopters of the same model will be delivered in the near future. Source: Hiiraan Online
  17. Djiboutian club Arta Solar have made history by becoming the first team from their country to reach the TotalEnergies CAF Confederation Cup second round after thrashing Somalia's Horseed SC 6-0 on aggregate. Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha la dhashay howlgal culus oo ay xalay ciidamada Kumaandooska Danab ka sameeyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Labi Kuus oo 60 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Kismaayo. Taliyaha Ururka 5-aad ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna shaaciyay in lagu dilay ugu yaraan illaa 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay burburiyeen saldhigyo iyo xarumo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka ay howlgalka ka sameeyeen ciidamada Danab. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Weerarkan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar khasaare xoogan geystay ay ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud. Mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa shalay ka dhacay deegaanka Cawsweyne, waxaana ilaa hada la helin xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo la sheegay in dhimasho iyo dhaawac badan ay kasoo gaareen saraakiil iyo askar badan Al-Shabaab oo lagu jebiyey dagaalada ka socda dalka, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa hadana wada weerarro geysta khasaare oo ciidamada ay u geystaan. The post DANAB oo ka jawaabtay weerarkii Cowswayne ka dibna dishay Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
  19. Moscow (Caasimada Online) – Madaxda xukunka haysa qaabka ay ula macaamilaan mucaaradka ama kuwa dhaliila maaha wax ku cusub dowlado badan oo caalamka ka jira, inkastoo dhibtu ay timaado in la caddeeyo in sargaal dowladeed uu mas’uul ka yahay dhibka soo gaara dadka dhaliila. Dhimashada lagu tuhmo dowladaha ayaa inta badan waxaa ka dhasha muran badan, dembiilayaasha dilka geystay lama garanayo, waxayna noqonayaan wax qarsoon oo aan xal loo helin. Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxaa ku gadaaman macluumaad shaki leh dhan kasta. Yevgeny Prigozhin, oo muddo dheer saaxiib la ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu ku dhintay shil diyaaradeed. Wagner Prigozhin ayaa muddo dheer saaxiib la ahaa Putin, saaxiibtinimada ayaa sii xoogeysatay ka dib markii uu ka caawiyay dagaalkii uu ku qaaday Ukraine. Laakiin arrimuhu waxay si lama filaan ah isu beddeleen ka dib markii Prigozhin uu sameeyay kacdoon muddo gaaban socday oo ka dhan ahaa saraakiisha sarsare ee ciidamada Ruushka. Sheekadu way dheer tahay, laakiin Prigozhin ayaa joojiyay kacdoonkii. Runtiina, waa markii saaxiibtinimadii uu Putin la lahaa ay soo afjarantay. Haddii Prigozhin uu dhintay: dhimashadiisu ma shil baa? Maamulka Putin ma ku lug leeyahay? ? Waa su’aalo – jawaab sax ah oo u baahan waqti iyo dulqaad. Laakiin waxaa jira dad kale oo ay is qabteen Putin oo aan masiirkoodu wanaagsanayn. Qaar ayaa si dirqi ah uga badbaaday in la dilo, qaarna waxa ay ka baxsan waayeen dabinada loo dhigay. Boris Nemtsov 1990-meeyadii, Boris Nemtsov wuxuu ahaa xiddigii siyaasadeed ee Ruushka ka dambeeyay. Waxa uu noqday ra’iisal wasaare ku xigeen, markii dambena waxa uu u muuqday in uu noqon karo madaxweyne – laakiin Putin ayaa madaxweynenimada ka dhaxlay Boris Yeltsin sanaddii 2000 . Nemtsov waxa uu noqday nin hantiwadaaga ah oo aad u dhaliila nidaamka Putin. Waxa uu hogaaminayay isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday natiijadii doorashadii baarlamaanka ee 2011, waxa uuna ka qoray warbixin ku saabsan musuqmaasuqa. Dhowr jeer ayaa la xiray markii Kremlin-ka uu xakameeyay shirarkii mucaaradka. Bishii Febraayo 2015, saacado kadib markii loogu baaqay dadka inay ku soo biiraan mudaaharaadyo looga soo horjeedo ku lug lahaanshaha militariga Ruushka ee Ukraine, Nemtsov ayaa waxaa afar xabadood dhabarka kaga dhuftay nin aan la garanayn, meel u dhow Aqalka Kremlin-ka. Gacan ku dhiiglaha ayaan la aqoonsan ilaa maanta. Alexander Litvinenko Sarkaalkii hore ee sirdoonka Ruushka ayaa isu rogay fallaago, Alexander Litvinenko, ayaa si xanuun badan ugu dhintay isbitaal ku yaal London 2006dii ka dib markii lagu sumeeyay Polonium-210. Baaritaan ay sameeysay dowladda Britain ayaa lagu ogaaday in Litvinenko ay sumeeyeen saraakiisha Ruushka ee FSB Andrei Lugovoi iyo Dmitry Kovtun. Moscow ayaa beenisay in ay lug ku leedahay, balse waxay diiday in ay soo wareejiso labadii tuhmane si loo maxkamadeeyo. Litvinenko ayaa si weyn u dhaleeceeyay Putin, isaga oo ku eedeeyay in uu bam ku tuuray dhismo dabaq ah, uuna amray dilka wariye Anna Politkovskaya. Sergei Skripal Sergei Viktorovich Skripal waa sarkaal hore oo sirdoon ah oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ruushka, wuxuuna sidoo kale u shaqeeyay sirdoonka Ingiriiska sagaashameeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii. Sannadkii 2018, isaga iyo gabadhiisa Yulia ayaa si dirqi ah uga badbaaday geeri ka dib markii loo adeegsaday sunta neerfaha ee Salisbury,xillli ay Egland ku sugnaayeen. “Dowladda, doorashada ka dib, waxay go’aamisay in Ruushka uu ku lug lahaa, waxaana jeclaan lahayn inaan ka maqalno iyaga haddii ay jiraan wax diidmo ah,” ayay tiri ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ee xilligaas. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa sii waday inuu beeniyo eedeymaha ku saabsan inuu ku lug lahaa isku dayga lagu dili rabay basaaska, haystay dhalashada Britain. Alexei Navalny Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaare ah bishii 9, 2020 ka dib markii laga soo saaray isbitaal ku yaal magaalada Berlin, halkaas oo lagu daweynayay sunta neerfaha. Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in baaritaanno lagu sameeyay dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Sweden lagu ogaaday in la siiyay sunta kiimikada ah ee loo yaqaano Novichok , taasoo disha neerfaha. Ninkani oo si wayn madaxweyne Putin, ayaa dib ugu laabtay Ruushka, wuxuuna hadda ku qaadanayaa xabsi ku yaalla xarun ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo oo ku taal Melekhovo, oo 250 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Moscow. Boris Berezovsky Masuul hore iyo ganacsade; Masaafuris ku maqnaa, Boris Berezovsky waxa uu dhaleeceeyay dawladda Ruushka, isaga oo xitaa gaaray heer uu maalgeliyo mucaaradka Putin oo uu ugu baaqay in ay xoog ku afgambiyaan. Dawladda Ruushka ayaa sannadkii 2003 codsatay inuu dalka ku soo laabto. Hase ahaatee, waxa uu magangelyo ka helay Ingiriiska. Sannadkii 2007-dii ayaa maxkamad ku taalla dalka Ruushka waxa ay ku soo oogtay dacwad isaga oo maqan, waxaana lagu helay in uu wax isdabamariyay. Sida laga soo xigtay Alexander Litvinenko, sarkaal ka tirsan FSB ee London ayaa isku diyaarinayay inuu dilo Berezovsky Sebtembar 2003. Qorshahaas waxaa lagu wargeliyay booliiska Ingiriiska. Bishii March 23, 2013, Berezovsky ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal England. waxa uu qoorta kaga xirnaa xarig. Waxaa xaqiiqadii jira liis dheer oo ah shaqsiyaad ku qaldamay dowladda madaxwayne Putin oo ay arrintooda meel xun ku dambeeysay. Iyada oo ay jiraan su’aalo badan oo la iska waydiinayo geerida Prigozhin, ayaa wxay taariikhda na tuseysaa in Putin cid walba oo ka soo horjeedsta ama dhaleeceysa ay halis la kulmaan. Isha: BBC The post 5 qof oo ku qaldamay Putin iyo halkii ay ku dambeeyeen appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidanka Dabdemiska oo ka Hadlay Guryo ku Gubtay Berbera Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Dabdemiska ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa ugurmaday guryo Jiingada oo dabqabsaday. Ciidamada Dabdamiska ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa gurmad samata bixinaya u fidiyay guryo Jiingada oo dabqabsaday, kuwaas oo ku kala yaala xaafadaha Jaamalaaye iyo Ilaalada ee Berbera iyo Hargeysa. sidoo kale warka ka soo baxay ciidanka Dabdameska waxa lagu sheegay in ay ku guuleysteen xakameynta dabkaasi si aanu ugu fidin guryaha ka agdhaw, waxaanay xuseen in aanu jirin wax khasaare nafeeda. Geesta kale ciidamada booliska ee magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa ka qayb qaatay gurmada ciidamada dabdamisku u fidinayeen guryaha dabku qabsaday. Ciidanka Dab-demiska ayaa bulshaweynta JSL, ku wargeliyay inay ka digtoonaadaan halista dabka iyo waxkasta oo sababi kara dab, sidoo kale waxa ay ka codsadeen bulshadu inay ka fogaadaan oo aanay ku soo ururin goobaha dabku ka kaco si ciidanku fursad ku filan u helo bakhtiinta dabkaasi iyo samata bixinta nafta iyo maalka bulshada. Gaba-gabadii waxa ay bulshada ku wargeliyeen cidii la kulanta masiibo dab inay soo garaacaan lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadoodba. Qaran News
  21. Guurtida oo Warbixinno u Dirtay Guddoomiyeyaasha Guddiyayadooda Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii shalay ee golaha guurtida JSL oo uu shir-guddoomiyanayay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii fadhigu furmay waxa uu lixda guddoomiye guddi hoosaad ee golaha faray inay warbixino dhaqan-gala ka soo saaraan nuxurka doodiihii Kal-fadhiga 82-aad ee golaha, kaas oo loo qaybiyay guddoomiyayaasha guddi hoosaadyada, waxaanu ku wargeliyay in Sabtidan Sabtideeda ay golah ku soo celiyaan haddii ALLE yidhaahdo. Kal-fadhi kastaa marka uu dhammaado ee la soo gabo’gabeeyo dooda lagu qaadaa dhigayo ajandaha kal-fadhigaasi iyo qaybaha uu ka kooban yahay, ayaa waxa laga soo diyaariyaa warbixino salka ku haya nuxurka ka soo baxa arrimihii laga doodayay. Ajandaha Kalfadhiga 81-aad ee golaha guurtida ayaa ahaa mid lagaga dooday, xaalada guud ee dalka, arrimaha bulshada sida caafimaad, waxbarashada, deegaanka iyo khayraadka Tamarta dalka, waxaana lagu soo celiyaa shir-guddoonka golaha si ay ula wadaagaan maauuliyiinta ay khusayso nuxurka ka dhashay doodahaasi, waana sunaha shaqo ee ay ku wada shaqeeyaan Waaxyaha kala duwan Qaranka JSL. Qaran News
  22. Minneapolis (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax) oo booqasho ku jooga magaalada Washington D.C. ayaa sheegay in wasaaraddu waddo qorshaha lagu furayo qunsuliyadda safaaradda ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay ku dadaalayaan wax ka qabashada qiimaha baasaboorka Soomaaliga ee laga qaato Mareykanka oo aad u sarreeya. Wasiir ku-xigeenka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ujeeddada safarkooda uu ahaa inay kormeer ku sameeyaan shaqada safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka. Wuxuu sheegay in Soomaalida joogta dalka Mareykanka ay muhiim u tahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo balan qaaday inay muhiimad gaar ah siinayaan jaaliyadda ku nool Mareykanka. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inay deg deg u fulinayaan balan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in la furayo qunsuliyadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Minneapolis. “Waxaan rabnaa inaan furno qunsuliyadii safaaradda ee magaalada Minneapolis, waxaana hadda socda qorshaha lagu furayo qunsuliyadda oo weli ma aanaan dooran halkii laga furi lahaa, laakiin waxaan heysanaa dhowr goobood oo qunsuliyada laga dhisi karo waana kala dooraneynaa,” ayuu yiri wasiir Isaaq Maxamuud Mursal. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay wax ka qaba doonaan cabasho ka timid Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, taas oo ku saabsan qiimaha baasaboorka. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir ku xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/01000000-0aff-0242-736b-08dba52d90d2_16k.mp3The post Dhageyso: DF oo qunsuliyad ka furaysa ee Minneapolis appeared first on Caasimada Online.
  23. Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay markii labaad xilka tartankii madaxtinimo ee dalka Zimbabwe iyadoo dhinaca kale natiijadii soo baxday ay diideen kooxaha mucaaradka. Guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in Mnangagwa uu ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka 44% uu helay Nelson Chamisa, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamayey. Taageerayaasha xisbiga talada haya ayaa u dabaaldegay natiijada doorashadaasi,halka Promise Mkwananzi oo ah af-hayeenka Isbaheysiga Muwaadiniinta ee Chamisa’s Coalition for Change (CCC) uu natiijada uu ku tilmaamay been abuur. Mnangagwa Emmerson Dambudzo oo ka tirsan xisbiga ZANU-PF,waxa uu xilka kala wareegay Robert Mugabe oo sanadkii 2017-dii ay afgambi ku sameeyeen ciidamada Simbabwe,waxaana haatan madaxweynaha la doortay markii labaad horyaalla xal u helidda qalalaasaha dhaqaale ee ka jira dalkaasi. PUNTLAND POST The post Emmerson Mnangagwa oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha Zimbabwe appeared first on Puntland Post.
  24. Hargeisa (HOL) - In a resolute display of solidarity, the President of Somaliland and the presidential candidate of the Waddani party convened at the presidential palace to call upon the nation to unite and extend support to the military forces in the aftermath of a disheartening defeat in the Las Anod conflict. Source: Hiiraan Online