Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, kadib eedeymo culus oo uu jeediyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ku qaaday weerar culus oo ganbasho la’aan ah. Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne. Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay. “Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare. Intaas kadib wasiir Jaamac oo la hadlayay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo horjeedo ee eedeynayo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda. “Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac. Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa nalaga rabaa inaan isku dhaarsano annaga oo xor ah iyo dalkeenna oo xor ah wax ka sokeyso oo na qancinaayo inaynan jirin”. Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka wasiir ahaan ka go’an tahay in dalka oo dhan laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab. “Annaga kaliya waxaan u taaganahay in Khawaarij dalka aan ka sifeyno fasiraaddii doono haloo sameeyo ciddii doonto waxa ay rabto haku tiraahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. The post Wasiirka gaashaandhigga oo soo jawaabay: Warkooda waa af-Khawaarij appeared first on Caasimada Online.
  2. Xukuumadda Somaliland oo Cafis u Fidisay Maleeshiyadii Buurta Gacan Libaax Hargeysa(Qaran)- Xukuumadda Somaliland ayaa cafis u fidisay jabhadii Buurta Gacan Libaax. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wasiir kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed. Cafiskan ayaa qayb ka ah Qoddobadii qaraarkii ay soo saareen guddida ergada madax dhaqameedka beesha bariga Burco; waxana ku jiray in xukuumaddu ay cafis u fidiso jabhada Gacan Libaax, si iyagana loo kala diro oo looga soo dejiyo Buurtaas ay kala soo dagaalamayeen Xukuumadda. Sidoo kale jabhadan ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay kala tageen oo waxgaradkoodu ka shaqeeyay arrintaas. Waraaqda cafiska xukuumaddu soo saartay caawa waxay u qornayd sidan: Qaran News
  3. Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ciidamada uga digay inay ka niyad jabaan dagaalka adage e Al-Shabaab ay kula jiraan. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in habeen iyo maalin kasta loo soo diro farriimo cabsi gelin ah, balse uu aaminsan yahay in Al-Shabaab aysan dili karin. “Cowga u hiilintiisa dimuquraadiyad ma gasho, maalin kasta sida la idiin cabsi geliyo ayaa anigana la ii cabsi geliyaa, waa lagu sumeynaa, gaari qarax ah ayaa jidka kuugu jira, diyaaradda aad saaran tahay ayaa la soo ridayaa, ayaa la igu dhahaa maalin kasta, mana aaminsani in Shabaab i dili karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu madaxweynuhu ciidanka tusaaleeyey sidii uu ku soo bilowday dagaalkaan iyagoo ka tabar yar intaan, isagoo u sheegay in maanta Al-Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan militeriga Soomaaliya. “Dhalinyaro waxaad ku joogtaan jidkii xaqa ahaa Al-Shabaab idinma dili karaan, farriintii ugu dambeysay ee xalay la ii soo diray hadaa aragtaan waad yaabeysaan, ilaahey wuxuu na dilayaa maalintii nalo qoray, wiilashii naga dhintay waa shahiideen, kuwa naga soo horjeedana waa ahlunaar diinteena suuban ayaa lagu sheegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa fagaarahaan ka sheegay in shalay iyo maanta la xiray saraakiil loo heysto inay ciidamada kasoo saareen furimaha dagaalka, inkastoo uusan madaxweynuhu sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono. “La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin lamid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu intaas ku sii daray Xasan Sheekh in masuuliyad wadareed uusan jiri doonin oo qof kasta lagula xisaabtami doono dhibka uu geysto, “Askari xun ma jiro ee sarkaal xun ayaa jira hadii qalad dhaco, hadii aan dagaalkaan ku guuleysano waxaan gaari doonaa barwaaqo aanaan horay u gaarin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socda booqan doono goobo kale oo ka mid ah furimaha dagaalka, isagoo ciidanka u xaqiijiyey in uusan ka hari doonin oo xafiis uusan ku laaba doonin iyadoo aan laga adkaan Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo fagaare ka sheegay cabsi gelin uu la kulmo maalin kasta appeared first on Caasimada Online.
  4. Ali Hamud Jibril issued a strong statement against warmongering in Hargeisa following the defeat of Somaliland forces at Gojadde base almost two weeks ago. Borama (PP News Desk) — In Borama, the Deputy Parliamentary Speaker of Somaliland Ali Hamud Jibril has called for an end to hostilities in Sool. “I am not in favour of any war against people of Sool, Sanaag and Cayn. Our wounded soldiers are in Borama, Hargeysa,Burao and Aynaba. Defeated soldiers are now at Oog. Our people will become united again. War is not the solution” he said in Borama. Mr Jibril urged Borama residents to contribute to the fund for looking after wounded soldiers. On August 25th, the SSC forces overran the Somaliland military that had laid siege to Laascaanood district for six long months. More than 300 Somaliland soldiers were taken prisoners, a stark reminder of the toll of war. Jibril’s speech at Borama Jibril’s remarks pile more pressure to Somaliland President Muse Bihi who plans to turn the conflict into inter-clan hostilities between neighbouring clans, a trend that will adversely affect the ability of nomads to migrate to pasturelands during hostilities. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Deputy Parliamentary Speaker Opposes War Against SSC appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafka ka dhex qarxay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka. Generaal Tuuryare ayaa xog ka bixiyay sida uu ku billowday khilaafka, wuxuuna sheegay in labada nin ay isku qabteen arrimo la xiriira dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. “Xilliyada dagaalka lagu jiro si ayaa loo dhaqmaa xilliga nabadda aan loo dhaqmin, waxaa laga yaabaa in xilliyada dagaalka qof shaqo uu lahaa in la wada qabto, isla qabashadii shaqada iyo daruufo jiro oo ciidamada kala duduwan mushaaraadkooda ku saabsan arrimahaas ayaa laga yaabaa, sida aan wararka ku helaayo in khilaafka uu ka dhacay” ayuu yiri. Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii socon karin, ayada oo aan la xalin khilaafka labada nin oo uu tilmaamay in laga rabo golaha wasiirada iyo madaxtooyada. “Golaha wasiirada ayay xal uga baahan tahay, madaxtooyada xal ayay uga baahan tahay waxaas oo jirana dagaal masii socon karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Tashwiish ayaa lagala dhex-geliyay ciidamada oo la leeyahay wasiirkii iyo waxaa isku dhacsan taliyaha oo aan is leeyahay anigu wax weyn ma jiraan”. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta keentay in dib looga soo baxo deegaanada qaar ee la xoreeyay, wuxuuna qiray inuu jiro khalad weyn oo la sameeyay, kadib weerarkii Cowswayne oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Tuuryare ayaa xusay in laga gaabiyay sahaydii ciidanka, sidoo kalena deegaanada qaar laga soo saaray, ayada oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay. “Saraakiil si khaldan u dhaqantay way jiraan oo ciidamdii meelo aan loogu talagelin kasoo saartay, waxaa kamid ah saraakiil daryeel ay ciidanka u baahnaayeen oo la heli karay oo ciidanka aan gaarsiinin, kuwo inay gurmadaan loogu talagalay oo aan gurman waxyaabo badan ayaa iskaashaday” ayuu kusii daray wareysiga uu siiyay Idaacadda VOA-da. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan abaabulkii ugu xooganaa ee dagaalka Al-Shabaab uu ka socdo degmada Maxaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. The post XOG cusub oo ku saabsan khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga appeared first on Caasimada Online.
  6. Taliye Taani oo Nidar ku maray inuu Hor Socon Doono Ciidamada Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa nidar ku maray inuu horsocin doono ciidamada Qaranka ee difaaca ugu jira sugida xudduudaha Somaliland. Taliye Nuux wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta kula hadlayey magaalada Oog, kumanaan askari oo hadda ka soo baxay xeryaha tababarka ciudanka Qaranka, wuxuuna sheegay inuu ku kalsoon yahay dhismaga iyo kartida ciidanka Qaranka. Taliyuhu wuxuu sheegay in hadda kadib uu isagu hor socon doono ciidamada qaranka marka ay is haleelaan furimaha cadowga ku soo duulay gobolka Sool. Waxaanu ciidamadaas ku booriyay inay karti iyo awood hor leh ku soo kordhiyaan ciidamada Qaranka. Qaran News
  7. Miino ku Qaraxday Carruur isku Qoys ah oo kaalmo u Baahan Hargeysa(Qaran)-Maalintii Sabtidii ee toddobaadkan waxa ay Miino ku qaraxday caruur isku qoysa, oo degan degmada Daara-salaam ee gobolka Maroodijeex. Carruurtan isku qoyska ahi waa 4 walaalo ah, isla markaana aabahood geeriyooday sannadkan bishii 5-naad. Carruurta ay waxyeelada soo gaadhay waa saddex wiil iyo gabadh, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Jaamac Yaasin, Cabdiraxmaan Jaamac Yaasin, Cabdikariim Jaamac Yaasin iyo Nimco Jaamac Yaasin. Ubadkan yaryarka ah ee ay masiibadu heshay waxa ugu culus Cabdirisaaq oo da’diisu tahay 12 jir, waxa lagu sameeyay qalin waxaanay dhakhaatiirtu qoyskiisa ku wargeliyay in dhaawaca soo gaadhay uu naafo dhaxalsiiyay. Dhakhaatiirta la tacaalaysa xaalada Cabdirisaaq ayaa xusay in uu waayay labadiisi indhood, gacanta bidix ay ka goday dhudhunka hoose, calaacasha iyo shanta faroodna ay go’een, sidoo kale wajiga caloosha dhammaan waxa ka gaadhay firidhyadii Miinada. Qoyskan masiibadu heshay waa qoys duruufaha dhaqaale dabreen ciddii ILLAAHEY dartii u caawinaysa halkala xidhiidho telefoonka walaalkood Idiris Jaamac Yaasin 0634445714 ama E-dahab 0654881336 ama Whats Up-ka 0634445714. Qaran News
  8. Wasiirka Daakhiliga oo Amaanay Kartida Ciudamada Qaranka Oog(Qaran news)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ammaanay ciidamada Qaranka oo uu ku tilmaamay qaar anshax iyo xero joog leh. Wasiir Maxamed Kaahin oo maanta Oog kula hadlay kumanaan askari oo ka soo aflaxay xeryaha tabobarka, wuxuu sheegay in caalamku qiray adkaysiga ciidamada qaranka oo joogto u jooga xeryahooda, islamarkaana ah ciidan adag marka uu waajibkiisa shaqo gudanayo. Wasiirka Daakhiligu wuxuu ciidanka cusub u soo jeediyay inay fuliyaan awaamiirta madaxdoodu soo siisay ee la xidhiidha difaaca dalka. Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu uga warramay ciidankaas sida shacbi weynaha Somaliland hiil iyo taageeraba ula garab taagan yihiin ciidamada Qaranka. Qaran News
  9. MOSCOW, Sept 4 (Reuters) - Turkish President Tayyip Erdogan said after talks with Russia's Vladimir Putin on Monday that it would soon be possible to revive the grain deal that the United Nations says helped to ease a food crisis by getting Ukrainian grain to market. Source: Hiiraan Online
  10. Golaha Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddidooda Dhaqaalaha Hargeysa(Qaran news)-Golaha Guurtida JSL, ayaa warbixin ka dhageystay guddi hoosaadka dhaqaalaha golaha guurtida, kuwaas oo warbixin dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay golaha. Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, mudane Axmed Dirir Cali, oo gole waynaha la wadaagayay nuxurka warbixinihii ay ka soo ururiyeen doodii kal-fadhiga 82-aad ee golaha, sidoo kalena soo darsay xaalada dhaqaale ee dalka. Warbixinta ay wadaageen golaha waynaha guurtida guddida dhaqaaluhu ayaa waxa ay salka ku haysay ilaha dhaqaale ee dalka ugu waa weyn, kuwaas oo kala ah xoolaha nool, oo ay sheegeen inay dayacan yihiin sababtuna ay tahay in la ootay dhulkii ay daaqi jireen, sidoo kalena la xaalufiyay, waxa ay intaas ku dareen in ay aad u kooban yihiin Suuqyada dibedda ee loo iibgeeyo xoolaha JSL, loona baahan yahay in la kordhiyo. Guddidu waxa ay sheegtay in ilaha dhaqaale ee dalka ay ka mid yihiin beeruhu waxaanay sheegeen in abaarihii isdabajooga ahaa, roob yaraanta iyo isbeddelka cimiladu ay saameyn weyn ku yeesheen wax-soo-saarkii beeraha dalka, waxa ay intaas ku dareen in hay’adda WFP ay caqabad ku tahay beeraleyda dalka, iyaga oo sabab udhigay in ay wakhtiga dalagyadu u soogo’aan ay suuqyada keenayso raashinka ku kaydsan bakhaarada, waxaanay carabka ku dhufteen in ay qiimo dhac ku keenayso dalagyadii dalka ku soo go’ay, halkii looga baahna hay’adda WFP inay ka iibsato beeraleyda dalka. Guddidu waxa ay sidoo kale sheegeen in dalxiisku yahay waxyaabaha ugu mudan ee dhaqaalaha dalka kor uqaadi kara, haddii la horumariyana dalkeenu la tartami karo dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiisyaasha, sida Masar, Turki iyo waddamo kale. Guddidu waxa ay xustay in ilaha dhaqaale ee dalku ku tiirsan yahay ay ka mid tahay Macdantu, waxaanay tilmaameen in Somaliland ka mid tahay dalalka dhaca Jiida Musanbiik, oo caan ku ah macdano fara badan oo kala duwan. Waxa kale oo guddida dhaqaaluhu warbixintooda ku sheegeen in ay jiraan ishaarooyin muujinaya in dalkeena uu ceegaago shidaal bad iyo bariba, loona baahan yahay khayraadkaasi si looga faa’ideysto in la helo hantidii lagu maalgelinlahaa, shaqaale isku dubarida hawlahaasi, si looga midha dhaliyo in dalkeenu horumar ka gaadho arrimaha shidaalka. Gaba-gabadii guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, waxa ay soo jeediyeen tallooyin la xidhiidha arrimaha dhaqaale ee dalka, kuwaas oo kala ah:- 1 In hantida Qaranka la ilaaliyo si daahfurnaan ah si hay’adda Qaranka loola xisaabtamo. 2 In kor loo qaado lana horumariyo ilaha wax-soo-saarka dalka, sida beeraha, xoolaha nool, kalluumeysiga, macdanta iyo khayraadka kale ee aynu leenahay. 3 In waxbarasho lagu jaheeyo dhallinyarada si ay wax uga tarto shaqo la’aanta lana barano xirfado ay ku shaqaysan karaan. 4 Baanka dhexe ee JSL waa in uu xakameeya sicir-bararka, iskuna dheelitira shilinka iyo dollarka. 5 Wasaaradda ganacsigu waa in ay si dhaw ula socota iibka alaabaha daruuriga ah, lana timaado siyaasad lagu xakameynayo qiimaha ganacsatadu siday doonaan udhigayaan ee culayska ku ah bulshada jilicdasan. Qaran News
  11. Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku jiraan ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib. Madaxweynaha ayaa khudad dheer u jeediyay ciidamadaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in laga rabo inay dalkooda xoreeyaan. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha boggaadiyay guulaha haatan laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaabm wuxuuna sheegay in laga saaray dhul balaaran. “Maanta waa guuleysanay bal eeg meesha aan joogno iyo meesha laga soo bilaabay howlgalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale, madaxweynaha oo ka hadlayay howlgallada ayaa uga digay ciidamada inay sameeyaan khaladaad uu tilmaamay inay dib u dhigi karaan horumarka howlgallada, isaga oo xusay in haatan lasoo xir xiray saraakiil uu sheegtay inay geysteen dambiyo. “Maanta saacadaas aan idin la hadlaayo waxaa xiran niman saraakiil ah oo shalay lasoo qabtay, qaar kalena saaka ayaa lasoo xiray dambi ay geysteen ayaana loo xiray” ayuu yiri. Inkastoo oo uusan shaacin waxa loo haysto saraakiishaas, haddane madaxweynaha ayaa tilmaamay lasoo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. “Maxkamadda milatariga waxa ay siiso ayay yeelanayaan, kaan dambi laheyna waa lasii deynayaa” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, kadib tuhunkii ka dhashay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh. The post Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay in la xir-xiray saraakiil kadib markii ay gaysteen appeared first on Caasimada Online.
  12. Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta JSL, ayaa maanta si rasmiya u daahfurtay habraacyada ilaalinta tayada dhismayaasha iyo diwaangalinta shirkadaha dhismayaasha iyo injineerada. Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mustafe Maxamuud Cali Bille, ayaa sheegay in aanay dalka ka hawlgeli doonin injineero aan wasaaradda liisanka haysani, waxaanu xusay in labadan habraac maanta laga bilaabo lagu dhaqayo dhammaanba shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlgala. Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay wasaaradda hawlaha guud ka caawin doonaan in habka mareegta khadka internetka (Online), in lagu diwaangeliyo shirkaddaha iyo injineerada. Agaasimaha guud ee wasaaraddaha hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, ayaa sheegay inay dib uqiimayn ay ku sameyn doonaan dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlagala. Wasiiir Bile waxa uu yidhi..“Maanta laga bilaabo dhisme danbe oo dalka la iska dhisaya majiro, injineer aan liisan wasaaradda ka haysana dalka ka shaqayn maayo, oo wax iska dhisi maayo, labada habraacna maanta laga bilaabo waxa aanu ku dhaqayna shirkadaha dalka wax ka dhisa dhammaantood.” Wasiir Bile oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray.”Habraacyadani maanta oo la shaaciyay ayay hirgalayaan, laga bilaabo sacadaasi waa habraac la isticmaalayo waana sharci jira. sideedaba haddii shuruucdu ka soo baxaan faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud waxa uu noqonaya sharci jira oo la isticaamalayo, dhibaatada dhismayaasha innooga timaadana way badan tahay, mid nafeed ayaa ka timaada, mid dhaqaale ahaan ayaa ka timaada, mid macanawiyana ayaa ka timaada, dhammaan dhismayaasheenu waxa ay dafirayaan qayb dhan oo mushtamaca ka mida, waana dadka naafada ah ama baahiyaha gaarka ah qaba” Agaasimaha guud ee wasaaraddaha hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta JSL, Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, ayaa sheegay inay dib uqiimayn ay ku sameyn doonaan dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka ka hawlagala. Waxaanu yidhi. “Maanta waxa aanu Daahfuray laba habraac oo kala ah habraaca shirkadaha dhismaha iyo Injineerada, iyo habraaca tayada ilaalinta dhismaha, howshana muddo sanad ah ayaanu soo wadnay. Waxaan si rasmiya shaaca uga qaadaya in aanu dib ugu noqonayno dhammaan shirkaddaha dhismaha ee dalka, haddii ILLAAHEY yidhaahdo” Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay wasaaradda hawlaha guud ka caawin doonaan in habka mareegta khadka internetka (Online), in lagu diwaangeliyo shirkaddaha iyo injineerada. waxaanu yidhi. “Labadan habraac waxa ay kor uqaadayaan kor joogteynta ay wasaaraddu ku leedahay, in la helo dhismayaal la isku halayn karro. Wasaaradda hawlaha guud waxa aanu ka caawin doona, in ay nidaamka Online-ka ah shirkaddaha dhismayaasha iyo injineerada dalka ku diwaangeliso, waana hanaan ay wasaaradda isgaadhsiintu curin doonto” “Injineerku wuxuu dilli karaa hadduu khaldamo dad fara badan, taas inay maanta wasaaradda hawlaha guud xalisay waa guul, dadkii iyo shirkadihina kala badbaadisay, qarankiina guul gaadhsiisay”ayuu yidhi maareeyaha guud ee hay’adda Waddooyinka Somaliland. Qaran News
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka argagixisada, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dowladda Qatar ka dalbatay in ay ku gacansiiso La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU, Somalia (HOL) — The U.S. Embassy in Mogadishu inaugurated the Academy for Women Entrepreneurs (AWE) in Somalia, underscoring its dedication to bolstering entrepreneurship and gender equality in Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Mahas (HOL) - Security forces successfully thwarted a car bomb attack on the outskirts of the Mahas district in the Hiiraan region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada caasimada ah ee Dooxa, kuwaas oo la leeyahay madaxda wadankaasi. Xamza ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaaray 4 qodob oo kala ah xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal, ciribtirka Al-Shabaab, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo. Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray. The post R/W Xamza oo 4 qodob kala hadlay QATAR + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2023/09/VID-20230905-WA0000.mp4 Dunidda dagaalkii dhaqalaha Socda 1 Nov 2023 lacag cusub baa soo baxeysa. Wadamadda soo saarey noloshena ku xidhan dollar dambe waxba kuma iibsan doono. Waayo sidda Ruushku Gasta Eueope lacagtiisa ugaga iibiyo ayay rabaan in lacagta ey soo saaran wax lagaga iibsado. 100 dollar aad heysata markaas rabto inaad wax ku iibsato 44 dollar baad khasaareysa ama la lumaya lacagtooda marka loo eego. Waxey leedahey reer America aan wax beerano guri iyo gaadhi qaaliya yaan la iibsan qof walowba dhul aad beeri karto iibso. Inagu xageynu joogna markaa. Ilaah baa inoo maqan. West Africa wey ku biireen dalal badani. Caalamka dagaal xoogan oo dhaqaale la isku muquninayaa socda. Waase suurta gal in caalamka intiisa kale waddo qorshahii uu ku ilaalin lahaa dhaqalahiisa I warned about the American dollars will be in the streets just like Venezuela worthless paper money. The most high not playing the Bible not playing judgement about to to be nasty and winter on its way get ready. Source from Yahuha Watchmen USA from Chicago Illanios Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  18. Mercy Ships PRESS RELEASE Passing on the Healing: Hawa’s Story of Life-Saving Surgery Hawa’s journey to hope and healing came full circle as she reunited with Mercy Ships once more Access Multimedia Content FREETOWN, Sierra Leone, September 5, 2023/ -(Qàrannews)- There was much excitement on board the Global Mercy™ recently as a young woman named Hawa climbed up the gangway. Hawa, an aspiring nurse from Sierra Leone, had never set foot on this brand-new hospital ship. But she has walked this swaying path over the water before. Hawa boarded the first Mercy Ship, the Anastasis, as a small child, when a tumor was slowly encroaching on her ability to eat and breathe. It was there that her life was saved, and a new dream was born. This year, Hawa’s journey to hope and healing came full circle as she reunited with Mercy Ships once more. Losing Faith When Hawa was a young girl, a tumor began to grow in her mouth. It was not cancerous. But it was far from harmless. “At that time, I was scared,” she remembered. After just two years, the fast-growing tumor was threatening Hawa’s life. She had to take small meals through a straw. “It was coming to a point in time where I could not eat anymore,” she said. “Even drinking was difficult for me. Even to talk was difficult.” Hawa would stay inside, crying, refusing to show her face outside. The people around her began to give up hope. “Even me,” she said. “Because I think there is no life for me anymore, because the tumor was just swelling up, swelling up. … Everybody was thinking, ‘She’s just waiting for her time to go.’” Finding Hope on Board Hawa’s father tried to find someone who could help his daughter. He found that local doctors could not perform the necessary surgery. Then, a friend connected him to Mercy Ships. In 2005, he traveled with Hawa to the Anastasis, where doctors examined her and determined that she needed an operation right away. “Everybody was coming around me, encouraging me,” she said, recalling that first experience on the ship. “They’d say, ‘Don’t lose hope, don’t worry.’” When Hawa came on board, she stopped being afraid. She believed that things were about to get better – and they did. Dr. Gary Parker, longtime Mercy Ships volunteer maxillofacial surgeon, removed Hawa’s tumor. Hawa still remembers how her father responded when he saw her. “He was so happy, just dancing, ‘Oh, God, thank you,’” she said. “We were just celebrating, rejoicing.” When Hawa returned home, her friends did not even recognize her. “They said, ‘This is Hawa?’” she laughed as she remembered. “I said, ‘This is Hawa.’ … Those that had lose hope on me, said ‘She can’t make it,’ who were seeing me at that point in time, said ‘Wow.’” After her experience on the ship, Hawa’s path became clear. “My dad looked at me and said, ‘You have to become a nurse too, so that you can save others’ life as they did for you.’” Hawa’s father passed away shortly after witnessing his daughter’s miracle. She decided to make his dream her own and started on the long road to becoming a nurse. “My family will be happy when I become a nurse because that has always been their prayer,” she shared. Returning to the Ship In 2011, Hawa made another visit to the ship, this time boarding the new vessel, the Africa Mercy®, when it sailed into Freetown. She reunited with Dr. Gary Parker and even met the president and vice president of Sierra Leone. Dr. Parker showed the gathered audience a photo of the tumor that had almost taken Hawa’s life. He didn’t need to show an “after” photo, though. She was right there, evidence of a miracle. Hawa received a standing ovation. In 2023, she once again had the chance to reunite with crewmembers who had been part of her life-changing experience, like long-time volunteer Rachel Greenland. “At the time Hawa was on board, I worked at the pediatric ward so I would see her and her father,” remembered Rachel. “It’s a great privilege for me to see her here today. We talk a lot about the impact of the work but seeing her here shows you what’s possible. This is why I keep coming back.” During Hawa’s tour of the Global Mercy, she encountered another familiar face – Clementine Tengue, who greeted her with a warm hug. Clementine, who works in the hospital chaplaincy department, remembers Hawa and her father well. “I was there when Hawa and her dad were on board. I walked with them the entire process,” she said. “This is the definition of hope, her getting surgery and now wanting to help people too by becoming a nurse.” For Hawa, the welcome on board felt deeply familiar. “The way they showed me love reminded me of how it was when I was on the other ship when I was a child. They showed me love then they took care of me.” ‘Take a Look at Me Now’ Today, at 23 years old, Hawa sees her Mercy Ships surgery as a turning point. Once her tumor was removed, she was no longer isolated from her community. “When I came back home, everybody was coming around me, everyone was rejoicing with me,” she said. But Hawa knows it was not just her quality of life that was saved. It was her life itself. “If I wasn’t having the surgery, I don’t think I would be alive,” she said. “Maybe I should have been dead and gone.” Hawa is now studying hard in her journey to becoming a nurse. Some days she gets up at 2 a.m. to do her schoolwork, then heads for the bus at 5 a.m. She pushes herself so that she can pass along the healing she found nearly two decades ago. “That gave me the inspiration to become a nurse, so that I can save life, too,” she said. There’s another dream that Hawa harbors in her heart: to one day serve with Mercy Ships as a nurse, alongside Dr. Gary Parker and the others who helped give her life. “I will one day tell people about my life,” she said. “From the sickness to now. … That’s my dream.” In the meantime, she’s excited that the Global Mercy is in Sierra Leone, helping others just like her. If there’s anyone who’s losing hope, like she was, Hawa believes they will find it again. “Let no one be ashamed of anything,” she said. “Let them come outside to show themselves, so that they can get help.” After all, Hawa said, she’s living proof that hope is never lost: “Just take a look at me now.” Distributed by APO Group on behalf of Mercy Ships. SOURCE Mercy Ships Qaran News
  19. Shalay waxaa magaalada London ku geeriyooday allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaiyeed kuwooda ugu caansanaa. Axmed Naaji ma ahayn oo kaliya heesaa ku luuqeeyaa heesaha ee wuxuu ahaa mulaxamiistee, muusikiistee garaaca inta badan noocyada muusigga, isla markaana akhriya farta muusigga, iyo mu’allif miraha curiya. Kuma uusan koobnayn fanka banaadiriga ee wuxuu kaloo ka qayb qaatay fanka guud ee Soomaalida. “Anigoo yar ayaan bartay Axmed Naaji wuxuuna fankiisa ka soo bilaabay gobolka Banaadir. Waxaa jiray koox samayn jirtay heesaha banaadiriga, halkaas ayuu fanka ka soo bilaabay” ayuu BBC u sheegay Cabdulqaadir Nuuraani oo ka mid ah hobollada fanka banaadiriga, iminkana qurbaha ku nool. Axmed Naaji qudhiisa ayaa goor sii horreysay waraysi uu siiyey barnaamijka Youtube-ka laga daawado ee Ha Noolaato wuxuu ku sheegay in jacaylka fanka uu ku billowday xilligii dhaqdhaqaaqii gobanimo doonka ee SYL, markaas oo fanaaniin ay ka mid yihiin Qaasim Hilowle iyo Suufi Cali ay ka tumi jireen heeso guubaabo ah dirisiyoonkii leegada. “inta aysan madaxda leegada imaan ayaan ka mid ahaa dhallinyarada dadka sii maaweeliya” ayuu yiri Axmed Naaji oo taariikhdiisa ka hadlayey. Waxaan ku dhashay Degmada Shibis oo waagaas la dhihi jirey Bilaajo Carab 1939kii. Iskuulka iyo dugsiga quraankaba Muqdisho ayaan ku dhameeyey” ayuu yiri isagoo ka hadlayey carruurnimadiisii, wuxuuna intaa ku daray in xilligaas iskuulka lagu samayn jiray riwaayado yaryar. “1954kii ayaan si rasmi ah u bilaabay fanka, waxaana xilligaas la qaadi jiray heeso waddani ah, heesaha qaarkoodna waxaa lagu qaadi jiray af-carabi” ayuu yiri allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad. Wuxuu ka mid ahaa Axmed Naaji Sacad fanaaniin aan badnayn oo garaaca nooc kasta oo muusikada ah, wuxuuna sidoo kale bartay akhrinta farta muusigga. “Wuxuu ku fiicnaa garaacidda kabanka ama cuudka, markii dambena wuxuu ku darsaday inuu tumo oorganka. Marki uu Axmed Naaji fankiisa hanaqaaday ka dib waxaa iyagana fanka soo galay dad ay ka mid yihiin Cantar Naaji iyo Cali Naaji oo walaalihiis ah, Siciid Cabdalla, iyo Maxamuud Cabdalla Jeeri” ayuu yiri Nuuraani oo BBC uga warramayey taariikhda faneed ee Axmed Naaji Sacad. Halkaas waa halka ay ka aasaasantay kooxdii caanka ahayd ee Shareero. Wuxuu kaloo ahaa Axmed Naaji madaxa qaybta muusigga ee golaha murtida iyo madadaalada, iyadoo lagu xusuusto inuu isku dubbaridi jiray hoballada qaranka marka la doonayo in fanaaniinta iyo muusikiistayaasha oo dhan ay masraxa dushiisa ka heesaan. Waxaa kaloo jiray riwaayado uu allifay, “sida jacayl faqiir galay ma fududa, sir iyo socdaal Jacayl, iyo maxkamaddii jacaylka”, isagoo qaar kalena muusigga iyo laxanka u sameeyey. “Loollan ayaa naga dhxeeyey kaasoo fanka Banaadiriga dhexdiisa ah” ayuu yiri Cabdulqaadir Nuuraani oo ka hadlayey waxa uu ku xusuusto Allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad, wuxuuna intaa raaciyey inuu aaminsan yahay in Axmed Naaji uu da’ sagaashanaad galay markii uu geeriyoonayey. Waxaa aad loogu xusuusta in xilligii Axmed Naaji ugu fiicnayd fankiisa uu soo saaray fanaaniin rag iyo dumarba leh oo ay ka mid yihiin Allah u naxariistee Faadumo Qaasim Hilowle iyo Caasho Cabdow oo ay heeso badan wada qaadeen. Markii uu dalku burburay wuxuu u qaxay qurbaha, wuxuuna muddo ku noolaa dalalka Carbeed ka hor intii uusan u hayaamin qaaradda Yurub oo uu hadda ku geeriyooday. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab. Mareykanka ayaa lacagtan ku shubay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo si gara ah taageero siiyay ciidamada Xoogga dalka. Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Shane Dixon oo ka hadlay kaalmadan lacageed ayaa shaaca ka qaaday in lagu maalgelin doono gaadiidka iyo daadgureynta daawaynta ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS. “Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar kasta dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay taageeridda nabadda Soomaaliya, si loogu soo dabaalo xasilooni iyo kala dambeyn. “Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho. Lacagtan cusub ee loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku heleen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxaana ujeedka uu yahay inay laba jibaaraan howlgallada culus ee ay haatan ka wadaaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageera ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale Mareykanka tababar iyo qalab siiyaa ciidanka kumaandooska Danab oo iyaguna door muuqdo ku leh howlgalka haatan ka socda inta badan gobollada dalka. The post Ciidamada Xoogga dalka oo malaayiin dollar ku helay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - The U.S. Department of State has given two million U.S. dollars to the U.N. Support Office in Somalia (UNSOS) Trust Fund to enhance the fight against al-Shabab in the country. Source: Hiiraan Online
  22. Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha degmada Maxaas oo uu haatan ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas oo ay ku sugan yihiin wufuud kala duwan iyo ciidamo badan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob lagu hubiyo gaadiidka oo ah halka laga galo xero ay wada dagan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay irida hore ee la maro marka xerada loo socdo, halkaas oo aad uga fog meesha ay dagan yihiin madaxda. Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ku dhacay bar-koontarool ku leh ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-daad, qaybta 27-aad oo gaadiidka ku baara halkaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xogta qaraxa ay hayeen, isla-markaana ay qarxiyeen markii la arkay gaariga, sidaasna ay ku fashiliyeen weerarka oo ahaa bartilmaameed ku socday xerada ciidamada. Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan howlgallo culus wada ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Degmadan ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan, waxaana ka socda abaabul ku aadan wajiga labaad ee deegaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr cisho jooga Maxaas ayaa sidoo kale kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaaladaas oo xudun u ah halganka xoreynta ee ka socda dalka. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Maxaas xilli uu ku sugan yahay Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne. Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay. “Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri Waare. “Wasiirka waxa uu sameyna in taliyihii ciidanka amar uu bixiyay uu dhaho beentiis waaye, wuxuu sameynayaa madaxweynaha inuu been farriimo oo uu yiraahdo madaxweynaha ayaa sidaas yiri amarkiisa waaye. Wasiirka amarro uu bixiyay, kuwa qaldan oo baxay inuu joojiyo aheyd iyo xog qaldan oo madaxweynaha siiyay ayaa Xasan Tuure iyo ciidankii Danab ku baaba’een Galcad.” Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay tallooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, oo iyagu soo jeediyay in aan ciidamada la dejin meelaha laga soo weerari karo, ee aysan ka heli karin gurmad ciidan. “Taliyihii nabad-sugidda iyo guddoomiyihii ciidamada milateriga xog iyo amar uu asiga bixiyay in halis daqiiqado ah u galeen in naftooda la waayo, sidaas daraadeed aniga kama aamusi karo. Naf ayaa lagu khamaara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waare oo Wasiir Jaamac ku eedeeyay in xog qaldan uu bixiyay halis galisay Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute. Marka laga imaado eedeyntan culus ee Waare u jeediyay wasiirka gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu wareysiga bixiyay ku sheegay in beesha Mogadishu Clan aysan diyaar u aheyn dagaalka Al-Shabaab, maadaama dhexdooda aysan isku mowqif ka aheyn dagaalka socda, sida uu sheegay. “Dad inay yiraahdaan wiilkii ila dhashay ee Shabaab-ka ahaa ayaan qooraha iyo madaxa kasoo jaraynaa, dadna ninkii qaraxyadii lagu xasuuqmay ka dambeeyay ay isku sawiraan, yiraahdaana anigaa wasiirkiisa iyo xildhibaankiisa ah,” ayuu yiri Waare. Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaas miyaa isku mid noqon kara oo daacad ay ka wada tahay la dagaalanka Khawaariijta Al-Shabaab.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in joogitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka aysan waxba soo kordhineyn haddii buu yiri sida ugu dhaqsaha badan wax looga beddelin sida ay hadda wax u socdaan oo uu dhaliilay. Hoos ka daawo muuqaalka; The post Daawo: Waare oo wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu ciidanka u shirqoolay… appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ee hore loo odhan jiray AMISOM haddana loo yaqaano ATMIS ayaa markii koowaad ka maqan dagaal ka socda Soomaaliya tan iyo markii ay yimaadeen dalka. Dagaalkan waa kii ugu xoogganaa ee lala galo kooxaha argagixisada oo ah baahidii keentay in ciidan ajnabi ah la keeno Soomaaliya iyo sababta ay weli u joogaan. Dadweynaha waxay waayahan waayeen ATMIS xilli ay ciidanka xoogga dalka qabsadeen deegaano badan iyaga oo aan wax garab ah ka helayn ciidan ajnabi ah. Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeedisay in ciidanka Midowga Afrika ay kaga baxaan Soomaaliya muddo laba sano iyo dhowr billood ah, inta ka horeysana ay dowladda Soomaaliya ku garabsiiyaan in argagaxisada laga adkaado, oo ay ATMIS fuliso dagaal ka xoog badan kuwii hore. Heshiiskaas waa la saxiixay laakiin hal qodob ayaa weli la fulin waana midka la xiriira inay ATMIS qaado duulaan xooggan oo ka dhan ah argagixisada. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyaduna halkii ayay kasii ambaqaaday heshiiska oo waxba kama beddelin, illaa haddana ciidan dhowr kun ah oo ATMIS ah ayaa ka baxay dalka. Goobihii ay ka baxeen ciidanka Midowga Afrika waxaa la wareegay ciidanka xoogga dalka. Dowladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay gashay dagaal, ATMIS ma fulin heshiiska, gaar ahaan qodobkii dagaalka. Laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay sababta ay ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga uga qeyb qaadan la’yihiin dagaalka socda, wallow ay dhinaca kale jiraan dad Soomaali ah oo aaminsan in argagixisada ay ku filan yihiin ciidanka xoogga dalka oo keliya ay muhiim tahay in iyaga la siiyo xuquuq fiican iyo daryeel wanaagsan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo sharaxaya sababta ay ciidanka ATMIS uga maqan yihiin dagaalka socda ayaa sheegay in dhaqaale la’aan soo food-saartay howl-galka Midowga Afrika, sidaas darteedna ay booskii ATMIS u gashay dadka deegaanka. “ATMIS lama siin lacagtii lixdii billood ee codsanay, sidii hore loogu tala-galay in laga joojiyay oo iyaga oo baxay camal ayaa laga soo qaaday, 130 Milyan oo dollar ayaa howlgalka illaa maanta ka maqan, codsi kale oo hanoola kordhiyo ah meesha maba oolin, marka aan xaqiiqdaas u imaanay ATMIS ay dhaqaaqeen waxaa go’aansanay in shacab Soomaaliyeed kaashano oo booskii AMISOM waxaa noo galay shacabkeena,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Maxaa hortaagan in ciidanka ATMIS ku biiraan dagaalka socda? appeared first on Caasimada Online.