-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka soo saartay howlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii ugu weyneed ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug. “Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntii Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye, halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, kuna diyaariyaan qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Faahfaahintaan cusub eek a soo baxday dowladda waxaa lagu sheegay in xaruntaas ay sidoo kale hoy u ahayd horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab ka joogay degaanka Dumaaye. “Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa lagu sheegay warkaan in lagu dilay 167 xubnood oo Shabaab ah oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale, kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita, sida lagu sheegay qoraalka. Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo nooca loo yaqaano BG, kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato khasaaraha gaaray dagaalamayaashii Khawaarijta ee goobta ku sugnaa. “Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalkaan ka soo baxay dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.” The post DF oo shaacisay khasaare culus oo Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkii Dumaaye appeared first on Caasimada Online.
-
Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddi Hoosyada Aqalkooda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddi Hoosyada Aqalkooda Hargeysa(Qaran)-Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay guddi hoosaadyada arrimaha dibedda, arrimaha bulshada, nabadgelyada iyo garsoorka. Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha guurtida JSL, Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre, ayaa warbixinta guddidisa ku sheegay in xaalada waxbarasho ee dalka, waxaanu xusay inay jiraan dad danyara oo aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka adeegbixinta waxbarasho ee carruurtooda, waxa uu intaas ku daray in wasaaradda waxbarashadu ku guulaysatay diyaarinta manhajka waxbarashada dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland Dhaam biyoodyo ka hirgelisay qaar ka mida gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa uu wakaalada biyaha ka codsaday inay xil iska saaraan dhammeystirka biyo balaadhinta caasimada Hargeysa. Geesta kale xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho), guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida JSL, ayaa golaha la wadaagey nuxurka warbixinta guddida uu guddoomiyaha u yahay, waxaanu tilmaamay in muddooyinkii u danbeeyay dalka yimaadeen wufuud ka kala socotay dowladdaha Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo xukuumadda ku boggaadiyay geedi socodka Dimuquraadiyada iyo horumarka waddanka. Guddida guddi hoosaadka shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey howlaha kala duwan garsoorka Dalka, ayaa warbixintiisa kaga waramay sidii garsoorka waddanka kor u qaadis loogu sameyn lahaa, aqoonta garsoorayaasha loo dhisilahaa, loona ilaalinlahaa xuquuqda garsoorayaasha, isla markaasna wixii kiisas ah maxkamadda dalka horyaala loo fulin lahaa. Xildhibaan Xareed isaga oo warbixintiisa siiwata waxa uu sheegay in waaxda garsoorku gaadhay horumar la taabankaro, waxaanu intaas raaciyay in maxkamadaha guur guura loo kala diro gobollada dalka, kuwaas oo uu xusay inay fududeeyeen adeeggi waaxda garsoorka ee bulshaddu u baahneyd. Dhinaca kale Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Farax Buddeeye, kana tirsan Guddidada arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Guurtida, ayaa warbixintiisa ku sheegay in shilalka gaadiidku yihiin kuwa badan wakhtigan, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khilaafaadka beelaha u dhaxeeya lagu dhammeeyo wado hadal. Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay leedahay labada cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo. “Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Sidoo kale wuxuu boggaadiyay doorka dowladda ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama ay u dhaqaaqday xoreynta dalka. Waxaa kale oo uu boggaadin u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah kacdoonka ka socda dalka ee la’isaga dul qaadayo kooxda Al-Shabaab “Shacbigan kacay oo garab istaagay ciidankeena dagaalamayaa waa ku amaanan yihiin Soomaaliya markaan tii hore oo aad taqiineyn maaha way soo scday ” ayuu ku daray. Dhanka kale, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalkan, wuxuuna xusay in qof walba uu waajib ku yahay. “Siyaasad tii lagu raadinaayay ma’aha tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay” ayuu mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Daawo: Prof. Jawaari oo shaaciyay laba cadow oo ay leedahay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2023/09/VID-20230903-WA0014.mp4 Qaran News
-
Burco oo Qaaday Koobka Taageerada Ciidanka Qaranka Berbera(Qaran news)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ayaa maanta sameeyay bannaan bax ballaadhan oo lagu taageerayay ciidanka Qaranka. Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa shacbiga uga mahadceliyay taageerada ay u fidiyeen Cuidanka Qaranka Somaliland. Magaalada Burco oo iyadu shalay dadweynuhu isku soo baxeen, ayaa noqotay magaaladii dadweynaheedu sida ugu xamaasada badan ugu soo baxeen taageerada ciidanka Qaranka. Waxana la sheegay inay xataa Caasimada Hargeysa ay Burco ka qaaday koobka taagerada ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxa hadh beelay deeqaha iskugu jira cuntada, sharaabka iyo dharka ee shacbi weynaha ku dhaqan gobollada dalku u geynayaan ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Oog ee Gobolka Saraar. Waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay gobollada Sanaag iyo Awdalna isku soo baxyo noocan oo kale ahi ka qabsoomaan. Qaran News
-
Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo Shaaciyay in aan waxba dhib ah loo geysan karin reer Sool Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Sool, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii isku deyda inay af iyo adinba wax u dhinto shacabka reer Sool ee ku dhaqan caasimada Hargeysa. Badhasaab Tiinbaro oo xafiiskiisa galabta kula shiray Taliyeyaasha booliska ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay in aanay jirin cid waxyeeli karta shacbiga reer Sool ee ku dhaqan Hargeysa. Wuxuu intaas ku daray in cid kastaaba ay ka war hayso jaarkeeda, isla markaana Booliska lagu soo wargeliyo ciddii dhib wada. Badhasaab Tiinbaro wuxuu sheegay in cadow yahay ciddii caasimada Hargeysa ka sheegata reer Sool. Wuxuuna iyagana ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay qaylodhaanta qurba jooga iyo dadka baas sheega ah warkooda aanay ku guurin. Badhsaabka iyo taliyeyaasha qaybaha Boolisku waxay ballan ku qaadeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii waxyeelaysa reer Sool. Waxaanay intaasi ku dareen in qiysas ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ay ka guureen Hargeysa iyadoo aan waxba lagu sameyn. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda. Ragaan oo gaaraya toddobo qof ayaa lasoo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyadooda, waxaana warqadda ku xusan in dhamaantood ay yihiin maqaneyaal oo hal masuul uusan ku jirin gacanta dowladda. Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah. Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed. Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah. Maxamed Xuseen Nageeye, waa eedeysanaha 4-aad wuxuu ahaa sarkaalkii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda u qaabilsanaa qaadashada fiisa kordhinta. Cabdixakiin Cabdullahi Cabdi waa eedeysanaha 5-aad, wuxuu la-taliye u ahaa agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda, intii u dhaxeysa 15-kii November 2021 ilaa 20-kii April 2023. Eedeysanaha 6-aad wuxuu ka tirsanaa xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka, waxaa lagu magacaabaa Cabdalla Maxamed Axmed, wuxuuna ahaa agaasimihii qeybta IT-ga ee xafiiskaas, waana maqane sida ku xusan warqadda xeer ilaalinta. Maxamed Ibraahim Axmed waa eedeysanaha 7-aad, wuxuuna ka tirsanaa waaxda fiiso kordhinta ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda – Sida ku xusan warqadda uu ku soo baxay liiskaan dhamaan eedeysanayaashaan waa maqanayaal. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano kale oo ku saabsan musuq maasuq ka dhaxay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, waxaana baaritaanka kadib lagu balan qaaday in eedeyntooda loo gudbi doono maxkamadda. The post Aqriso: Liiska masuuliyiin ku eedeysan musuq oo xeer ilaalintu u gudbisay maxkamadda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isaga oo xiran dharka ciidanka xoogga dalka ka degay Maxaas, oo uu ku tegay diyaarad qumaantiga u kacda, taasi oo si weyn looga fal-celiyay. Xasan ayaa halkaasi gaaray isaga oo ka duulaya dardar-galinta howl-galada ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha ee Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo Maxaas waxa uu wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doona saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka. Xasan ayaa dhinacyadan ku boorin doona sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh. Madaxweynaha oo muddo bil ah u jooga gobollada dhexe ee dalka howl-gallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna. Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan? Cabdisalaan Xasan: “Madaxweyne tuutaha ha dhigin illaa uu dalku nabad ka noqda.” “Fariintii ugu danbaysay ayaad u dirtay khawaarijta,” ayuu yiri Sakariye Cali Dayib. Saciid Maxamed Cumar: “Madaxweynaha shaqadaasi waa ka go’antahay Soomaliyeey garab istaaga.” Haadi Maxamud Xasan ayaa isna waxa uu yiri: “Madaxwaynaha wuu dadaaala laakiin waxaa ku xariira rag lug goynaya Ilaahey waxaan ka baryaaya ragaas inuu ka qabto.” “Maanta wixii kadambeeya waan ku tageerayaa madaxwayne dal xoreeye Ilaahay ha ku garab galo dadkeyga Soomaaliyeedow dalka haloo istago si aan nabad iyo barare ugu noolaano,” ayuu yiri Maxamed Cumar Mukhtaar. Saliima Sheekh: “Ku dayasho ayuu mudan yhy mudane madaxweyne Xasan Sheekh guul.” “Madaxweynuhu waa dadaalayaa laakiin waa inuu kuwa ciidamada shirqoola aad wax ka qabtaa,” Yaasiin Muuse. Cabdiraxman Cabdullaahi Xasan: “Waxan marqaati ka nahay dadaalka naf hurnimada leh ee aad ku bixineyso xureynta dalka iyo dadka. Mudane madaxweyne ilaahey garabkaaga ha galo, guuleyso insha allah.” The post Sidee looga fal-celiyay arrintii uu maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay banaan-bax xoog leh oo lagu taageeray ciidanka qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab, sidoo kale dadka reer Muqdisho waxay galabta caalamka ka codsadeen in dowladda laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran. “Al-Shabaab ha jabo, dooni meyno Khawaarijta hala-laayo, waan ku jihaadeynaa” iyo erayo kale oo adag ayey ku qeylinayeen dadkii maanta isugu soo baxay banaanbaxyada Muqdisho ka dhacay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa ka hadlay fagaarihii lagu qabtay banaanbaxaas ayaa sheegay in shaqaalaha gobolka Banaadir mushaarkooda bishaan 9-aad ay ku taageeri doonaan dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab. “Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha Gobolka banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale. Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu ka codsaday goleyaasha kale ee dowladda in mushaarkooda ugu yaraan hal ay ugu deeqaan dagaalka, si dhaqaale yiri aysan u soo wajihin halganka xoreynta ah ee dalka ka socda. “Dadka reer Muqdisho banaan-baxaan ay dhigayaan maanta waxaa looga soo hor jeedaa laba arrin oo kala ah, Khawaarijta iyo cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay garab siinayaan oo qaraxyada ay u sameeyaan dad ajaanib ah, sidaas darteed wuxuu duqa Muqdisho oo dhextaagan bulshada ku nool caasimadda uu dowladaha caalamka ka cosaday in dowladda Soomaaliyeed laga qaado cunaqabateynta hubka, si looga guuleysto cadowga. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa balan qaaday in barnaamijka uu hal abuuray ee ‘dalkaaga ku dhiso hal dollar’ loo weecinayo xoreynta dalka, iyadoo loo bedelayo ‘Dalkaaga ku xoreyso hal dollar.’ Hoos ka daawo The post Daawo: Dibadbax ka dhacay Muqdisho iyo Madaale oo go’aan ka gaaray mushaarka… appeared first on Caasimada Online.
-
Guri Daar ah oo dab Qabsaday magaalada Burco. Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala degmada Sheekh Bashiir. Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis. Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaa mar kastaba Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka. Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar warbaahinta iyo bulshadaba ku dhex faafay ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya uu ka dhex jiro khilaaf. Tuhunka khilaafka ayaa wuxuu sii xoogeysay markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ku dagaallameen xerada Cowsweyne, ka dibna ay soo baxeen warar sheegaya in khasaare xoog leh u halkaa ka dhashay. Waxaa kaloo soo baxay in ciidanka dawladda ay ka bexeen goobo ay ka qabsadeen Al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey barnaamijka X (hore loo dhihi jiray Twitter) in khaladaadka dhanka howlgalka, sahayda iyo xiriirka uu ka dhacay weerarkaas, Kuwaas oo uu sheegay in cashir laga baranayo islamarkaasna la sixi doono. Laakin waxa uu madaxweynuhu sidoo kale sheegay inay guul weyn ay ciidamadu ka gaareen dagaalka Cowsweyne, oo khasaare ka badan kan iyaga soo gaaray la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab weerarka soo qaatay. Goobahani, ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab. Dad xogogaal u ah khilaafka oo ka mid ah ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda iyo falanqeeyayaal ayaa intaba farta ku fiiqay in mushkiladda ay ka dhalatay khilaaf soo dhex galay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibrahim Sheekh Muxudiin. Labada mas’uul ayaa ah labada qof ee marka laga yimaado madaxweynaha saamaynta xagga go’aan gaarista ku leh dagaalka Al-Shabaab. Labada masuul mid ka mid ah wuu ka gaabsaday in uu naga la hadlo arrimahan iyo howlgalka ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Mas’uulka kale, kama uusan jawaabin wicitaankeenna. Saraakiil kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa qaabilsan xiriirka warbaahinta inta way diideen inay ka hadlaan arrimahan. Astaamaha muujinaya khilaafka Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo bartay siyaasadda iyo amniga, ayaa sheegay in ciidamo inta meel qabsada haddana kasoo baxa in ay caqabad ku tahay hawlgal socda, iyo in sidoo kale shacabka ay niyad jabaan. Axmed Kaboole, ayaa tilmaamay in habacsanaanta, iyo kala amar qaadashada aan wanaag saneyn, ay muujineyso in taliska ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhiga in aanay wada socon, taasna laga dheehan karo khilaaf. Kaboole, ayaa sheegay in ciidan aanu qaldamin, illaa hoggaanka uu qaldamo mooyaane. Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir. Khabiirka amniga, ayaa dhanka kale sheegay in inkastoo aanu ku dhex jirin ciidanka, haddana la odorosi karo, sida marka ciidan goob galaan, haddana ka baxaan, ama ay u weerarayaan kooxda Al-Shabaab, goobaha ay ciidamadu la wareegaan. Kaboole, ayaan dhanka kale sheegay in mararka qaarkood khalad dhici karo, taasna ay tahay in wax laga barto, oo dadka wax ka barta ay hantaan, marka u danbeysa guusha. “waxaad moodda in aan waxba laga baran khaladaadkii hore u dhacay, haddii aan la wada fariisan oo aan la isla fiirin khaladkii dhacayna waa adkaanaysaa in hawlgallada lagu guulaysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole. Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa taliska ciidanka iyo saraakiisha rayidka ah ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taas oo uu dareen ka muujiyay in shaki ka dhex muuqdo hadda. Muxuu salka ku hayaa khilaafka? “Haddii khilaaf uu u dhaxeeyo taliyaha ciidanka iyo wasiirka gaashaandhigga, waxa ka dhacaya furimaha dagaalakaan aan u jeedno, waxaan is leeyahay waxay jawaab u tahay soo bixitaanka ciidanka” ayuu yiri khabiir arimaah amniga ka faallooda, si dhawna ula socda hawlagallada uu hogaaminayo madaxweynaha, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno. Wuxuu intaa ku daray in haddii ciidan la siiyo amarro ama farriimo iska soo hor jeeda ay taasi abuurayso jahawareer. “Madaxweynuhu inkastoo uu leeyahay hogaaminta dagaalka, misna mas’uuliyiintan ayuu uga dambeeyaa, laakin waxaa laga rabay inuu wato khubaro milateri iyo dad ciidanka hore taliyeyaal uga soo noqday, ka dibna sidaas lagu go’aan gaaro”, ayuu sii raaciyey. Saamaynta khilaafka Ciidanka dawladda waxay ka baxeen, inta la ogyahay deegaanno ay ka mid yihiin Wabxo, galcad, Ceel Dheer, mesagawaa, Budbud, iyo Ceelbuur oo muddo todobaad ka yar ay ka qabsadeen Al-Shabaab. Goobahan ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab. Wasiirka cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo jiidaha hore ee dagaalka ku sugan ayaa sheegay in ciidankooda ay Ceelbuur uga bexeen “xeel dagaal”, laakin dadka wax indhaindheeya waxay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in ciidanka aysan go’doon gelin maadaama ay Wabxo dib ugu soo laabteen Al-Shabaab. Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna todobaadkii hore sheegay in ay baari doonaan arrimaha horseeday in khasaare uu soo gaaro ciidanka milateriga. Isla arrintaas waxaa hore uga hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalbaday in baaritaan iyo isla xisaabtan laaga sameeyo dhacdadii Cowsweyne. Waxaa farta lagu fiiqayaa in khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka la sheegayo inuu soo dhex galay uu samayn ku yeeshay hawlgalka. Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu hawlgallada socdo ka hadlo, halka wasiir C/qaadir Maxamed Nuur uusan ka jawaabin wicitaankeena. Isha: BBC The post Xog: Khilaafka wasiir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
-
Source
-
Ottawa police say the two men killed and six others injured in an evening shooting outside a convention centre in Ottawa's south end were attending a wedding at the time of the shooting. Source: Hiiraan Online
-
Qaybo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka oo loo Qaybiyay Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii golaha wakiillada Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa markii uu goluhu koram la’aan u furmi waayay waxa uu guddoomiyuhu xoghaymaha ka codsaday in loo qaybiyo Mashruuca Qabyo qoraalka ciidanka Qaranka JSL. Mashruuca Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka JSL, ayay gacanta ku haysay gudidda gaarka ah ee goluhu u igmaday aas-aaska Mashruuc sharciga Ciidanka Qaranka iyo garsoorka ciidamada JSL. Guddoomiyaha ayaa markii loo qaybiyay xildhibaanada faray inay soo akhriyaan, waxaanu xusay in aan loo joojinayn cid maqan. Waxaanu yidhi.“Xeer waxa jiray maanta la idiin akhriyilahaa, waa xeerkii ciidamada, xeerkaasi madama la maqan yahay waxaan gartay in la idiin qaybiyo intiina joogta, oo aad soo akhrisataan, oo aan lala sugin nin maqan,” Qaran News
-
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Kormeeray Mashruuca Biyo Ballaadhinta Boorama Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kormeeray mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Biyo balaadhinta magaalada Borama ayaa socotay muddooyinkii u danbeeyay iyada oo lagu hawlana sidii loo dhammeystirilahaa, isla markaana magaaladu u helilahayd biyo ku filan. Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay duqa magaalada Borama, guddoomiyaha gobolka Awdal, madaxa shirkada biyaha Shaaba iyo maareeyaha shirkadda maamusha biyaha Boorama Cabdiraxmaan Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar, waxaanay dhammaantood iska dabamareen in xukuumaddu dadaal xoogle ku bixisay sidii loo helilahaa biyo dadka ku filan, waxaanay xuseen in mashruucan laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Geesta kale waxa ay sirasmiya u shaaciyeen in dhawaan la dhammeystiri doono mashruuca biyo balaadhinta magaalada Boorama. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) madaxweyne ku xigeenka JSL, ayaa sheegay in xukuumaddihi kala danbeeyay ee dalka soo maray sameeyeen dadaal dheer, isla markaana ay ku guulaysteen in magaalada Borama hesho biyo ku filan, dhawaana laga raysan doono lagana bixi doono biyo yaraantii ka jirtay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. “Mashruucani muddo 8 sannadood ah ayuu socday, waxaana soo bilowday xukuumaddii uu hoggaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sahand dheer kadib xarunta biyo soo saarka labaad ee magaalada Borama ayaa lagu guulaystay, taas oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada Borama, waxaana mashruucan laga maalgeliyay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, wakhti dheer ha qaato hana rafto hadda waxa muuqata shaqo dhaxalgala ceelal iyo taangiyo biyood, inta yar ee hadhayna waxa iska kaashan doonta dhammeystirkeeda xukuumadda iyo hay’addaha, bulsho badan oo beebabka biyuhu ugu jireen oo aan biyo heli jirin ayaa maanta loo siidaayay si ay u cabaan cid biyo waayaysana majirto, wixii cusub ee la talaalayo mooyaane” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad maanta tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna. Waxaa shalay isna Maxaas tegay Cali Jeyte guddoomiyihii gobolka Hiiraan, ee xil ka qaadistiisu ay muranka dhalisay. Ninkan ayaa hormuud fiican u ahaa dagaalka lagula jiro argagixisada, wuxuu ku jiraa dadka naadirka ah ee sida dhabta ah u muujiyay in laga adkaan karo argagixisada. Cali Jeyte waxa uu la kulmi doona madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa kale oo halkaas ku sugan Xildhibaanno heer federaal ah oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan. Xogaha laga helayo ayaa sheegaya in safarkaan kahor ay wada-hadleen reer Hiiraan iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in la iskugu yimaado Maxaas, si inta dhiman loo dhameystiro. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in dib loo abaabulo ciidanka Macawisley oo ay ka garab dagaalamaan ciidanka xoogga dalka, haddii taas loo baahan yahayna reer Hiiraan waa muhiim. Cali Jeyte ayaa ka horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay maamulka HirShabeelle, welina khilaafkaas lama xalin waxaana la filayaa iyada oo la eegayo baahida loo qabo in si midnimo leh loo galo dagaalka inuu madaxweyne Xasan Sheekh xaliyo arrintaas. Dad badan ayaa qaba in marxaladaan dagaal uu Cali Jeyte muhiim yahay kaas oo muujiyay daacadnimo dagaal iyo abaabul loo riyaaqay. Safarka madaxweynaha ee Maxaas ayaa kusoo aadaya iyada oo dhawaan madaxweynaha sheegay inay dib u hagaajin doonaan qorshahooda dagaalka. Waxyaabaha dib loo abaabuli doono waxaa kamid ah ciidanka la yiraahdo Macawisley. Sidoo kale waxaa muhiim ah in hoos loo dhigo dhamaan khilaafyada siyaasiga ah inta lagu jiro dagaalkan. Dadka qaar ayaaa ku talinaya inay madaxweynaha la gudboon tahay inuu reer Hiiraan ka dalbado in aan wax siyaasad ah maanta la furin, oo marka hore loo dhaqaaqo in argagixisada laga soo dhameystiro Galmudug iyo HirShabeelle, kadibna loo soo wada jeesto doodaha siyaasiga ah iyo haddii ay jiraa waxyaabo ka qaldan awood-qeybsiga. Dhanka siyaasiyiinta reer Hiiraan ee jooga degmada Maxaas waxaa laga soo warinayaa inay u diyaarsan yihiin in madaxweynaha si buuxda ugu garab istaagan, oo shuruudo badan iyo cadgoosi siyaasadeed midna la eegin waqtigaan oo Soomaaliya ay ku jirto guluf dhab ah oo ay iskaga saareyso argagixisada. Kadib Maxaas waxaa sidoo kale la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh maalmaha soo aadan tago gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo iyadana laga abaabuli doono ciidan Macawisley ah, kadibna Macawisley iyo ciidanka xoogga dalka ayaa qaadi doona dagaal wada-jir ah oo argagixisada si buuxda loogu soo dhaafinayo labada maamul-goboleed ee Galmudug iyo HirShabeelle oo iyaga loo qorsheeyay wejiga koowaad ee dagaalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas billaabayna qorshe dib loogu kicinayo… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa Maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed Marwo Safiyo Maxamed Xasan iyo wefdi ay hoogaaminayso. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka Soomaaliyeed, xaaladda guud ee qaxootiga, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool degaanada Puntland, isla eegista shuruucda iyo siyaasadaha Qaxootiga iyo barakacayaasha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed la wadaagtay xogta guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo Magangelyo-doonka ku nool deegaanada Puntland, guulaha laga gaaray barnaamijyada wax looga qabanayo dadkaas nolashooda iyo caqabadaha hortaagan. Ugu damayntii Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga Soomaaliyeed Marwo Safiyo Maxamed Xasan imaanshiyaheeda Puntland iyo u kuur gelidda xaaladda nolaleed ee barakacayaasha iyo Qaxootiga ku sugan guud ahaan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka wada-hadlay Arrimaha Qaxootiga appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan ansixiyo guddiga rasmiga ah ee doorashooyinka Puntland ee PEC. Maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan ayey mudaneyaasha golaha wakiilada maamulka Puntland ay ansixin doonaan xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka, sida ay illo wareedyo xilkas u sheegeen Caasimada Online. Sidoo kale waxaa la filayaa in fadhiga baarlamaanka Puntland uu gebi ahaanba xirmo kadib marka la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee PEC. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagna afar ugu maqan dalka dibadiisa ayaa isla maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan qorshuhu yahay inuu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni oo aad ugu ololeeyo doorashada qof iyo cod, oo qeybo kamid ah maamulkaasi uga qabsoomtay. Baarlamaanka Puntland ayaa kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland, iyaga oo isku raacay in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin. The post Baarlamaanka Puntland oo qaadaya tallaabo la xiriirta doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Hantidhawraha Guud oo Warbixin ka Jeediyay Golaha Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha golaha wakiilladda ayaa maanta loo qaybiyay warbixinta xisaab xidh sanadeedka 2022 kaas oo uu soo diyaariyay xafiiska hanti dhawaraha guud ee qaranka. Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir, ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha xisaab xidh sannadeedka2022-ka, waxaanu tilmaamay meelihii uu dakhligu kasoo xerooday iyo meelihii uu kharashku baxay kuwaas oo isagu jira dakhliga dawlada dhexe iyo dawladaha hoose iyo sidoo kale hay’addaha madaxa banaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa helin wax nasiino iyo fasax ah muddo sanad iyo dhowr billood oo ay ku jireen dagaal toos ah oo ay la galeen kooxaha argagixisada Gorgor, Danab iyo guud ahaan ciidanka xoogga dalka ayaa furinta ku hooyanayay muddo sanad ka badan, waxayna xabaddii ay kasoo bilaabeen hareeraha magaalada Muqdisho ku tageen Cowswayne illaa iyo Ceelbuur. Waayahan dambe dagaallada kama qeyb-galin Macawisley, sidoo kale ciidanka ATMIS ayaa ku jirin dagaalka, taas oo ka dhigin in ciidanka xoogga dalka uu qaatay kaalin uusan qaadan tan iyo markii dib loo ambaqaaday dowlad dhiska Soomaaliya labaatan sano kahor. Kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cowswayne oo uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in khasaaraha dhankooda gaaray iyo midka argagixisada gaaray uu badan yahay midka argagixisada gaaray, haddana waxay dowladda go’aansatay inay dib u hagaajiso gulufkeeda oo la xisaabiyo haddii ay jiraan qaladaad iyo khasaarooyin laga baaqsan karay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu habeen hore Internet-ka kula hadlay madaxdii hore ee dalka, aqoonyahaano iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo iskugu yimid inay dhiiri-geliyaan ciidanka xoogga dalka. Waxa uu madaxweynaha sheegay in ciidanka lasoo wada aruuriyo, xeryahooda lagu soo celiyo oo nasiino la siiyo, maadaama aanay wax nasiino ah helin muddo sanad ka badan oo ay dagaal ku jireen. Inkasta oo aanu madaxweynaha sheegin, haddana xogaha qaar ayaa sheegaya in dowladda qaadatay 15 maalmood oo dib u habeyn ah, waxaana askarta loo ogolaaday inay booqan karaan qoysaskooda. Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xeelada, farsamada iyo niyadda ciidanka ay rabaan inay dib u hagaajiyaan mudaddaasi kooban, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen inay ciidanka xeryaha kusoo celiyaan. Waxaa jira warar sheegaya in dowladda qorsheyneyso inay isbedello ku sameysay qorshaha guud ee dagaalka, iyada oo ay dhici karto in dadka qaar laga beddelo doorkii ay markii hore ku metelayeen dagaalka ama la dhimo awooddii markii hore la siiyay, iyada oo sidoo kale taliyeyaal cusub loo magacaabi karo guutooyinka iyo qeybaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rejo xoog leh ka muujiyay inay laba-kacleyn la imaan doonaan, uuna ku kalsoon yahay in laga adkaan doono argagixisada. “Sanad iyo jarjarka dagaal Shabaab lagu jiray nin aan nasan oo maalintii uu dagaalka billowday illaa maanta taagna ordaayay oo xabad ridaayay oo qarax ka dul-dhacaayay, anagana fursad ma aanu haysan iyo awood aan ku kala badalno, hadda maadaama sidaas dhacday waa soo aruurinay xeryahooda ayaa lagu soo wada xareyanayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Intaas mudadaas kooban sidii dagaalka meeshii uu joogay aan dib uga soo noqon laheyn, oo lagu ilaalin lahaa meesha, uuna hore uga sii socon lahaa.” The post Sababta ciidanka xoogga dalka xerooyinkooda loogu soo celinayo appeared first on Caasimada Online.
-
Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddida Xuquuqul Insaanka Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL, ayaa warbixino ka dhageystay guddida shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka iyo guddida arrimaha Gudaha nabadgalyada iyo difaaca golahaasi. Guddida guddi hoosaadka shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey howlaha kala duwan garsoorka Dalka, ayaa warbixintiisa kaga waramay sidii garsoorka waddanka kor u qaadis loogu sameyn lahaa, aqoonta garsoorayaasha loo dhisilahaa, loona ilaalinlahaa xuquuqda garsoorayaasha, isla markaasna wixii kiisas ah maxkamadda dalka horyaala loo fulin lahaa. Sidoo kale Xildhibaan Xareed waxa uu sheegay in waaxda garsoorku gaadhay horumar la taabankaro, waxaanu intaas raaciyay in maxkamadaha guur guura loo kala diro gobollada dalka, kuwaas oo uu xusay inay fududeeyeen adeeggi waaxda garsoorka ee bulshaddu u baahneyd. Dhinaca kalena Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Farax Buddeeye, kana tirsan Guddidada arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Guurtida, ayaa warbixintiisa ku sheegay in shilalka gaadiidku yihiin kuwa badan wakhtigan, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khilaafaadka beelaha u dhaxeeya lagu dhammeeyo wado hadal. Qaran News
-
Dabley hubeysan ayaa dilay toddoba qof oo Muslimiin ah saddex kalena ku dhaawacay laba weerar oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla gobolka Kaduna ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen. Kooxo dambiilayaal oo dalkaasi looga yaqaanno burcadda ayaa lagu tuhmayaa weerarka Jimcihii, iyagoo rasaas ku furay dad salaaddii maqrib ku tukunayay masaajid ku yaalla deegaanka Saya-Saya ee degmada Ikara halkaasi oo ay ku dileen lix qof, sida uu sheegay Mansir Xassan oo ah afhayeenka booliiska gobolka Kaduna. Xassan ayaa sheegay in ‘burcadda’ oo 9 ka mid ah ay mootooyin wateen ay weerareen masaajidka. Dableyda ayuu sheegay in markaa ka dib ay weerareen masaajid kale oo ku yaalla tuulada Tashar Dauda halkaasi oo uu hal qof ku dhintay saddex kalana dhaawacmeen sida uu yiri afhayeenku. Xassan ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday ay afar mooto dheceen ka hor inta aysan u cararin keymaha gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Nigeria: Dabley hubaysan 7 qof ku dilay laba masjid appeared first on Puntland Post.
