-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda waddanka Qatar. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wafdiga ka socda xukuumadda uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee dalka Qatar, isla-markaana booqashooda ay ku aadan tahay horumarinta xiriirka iyi iskaashiga labada dal. Xamza ayaa inta uu joogo magaalada Dooxa kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadli doonaan horumarinta mashaariicda ay haatan Qatar ka fuliso gudaha dalka iyo arrinaha bani’aadanimada. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo. Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray. Si kastaba, safarka uu u baxay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli jira jiidda hore ee dagaalka. The post R/W Xamza oo u ambabaxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe ayaa saaka booqday ciidamada Qaranka ee fadhiisinka Oog. Waaana hogaamiyihii ugu horeeyay ee aagaasi booqda marka laga reebo wasiirka arimaha gudaha oo isagu aagaasi hawlo shaqo ahbu tagay todobaadkii hore. Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa hore u sheegay in uu ka qayb qaadan doono difaacida dalka. Ciidamada qaranka ee Somaliland ayaa hada ku sugan oo xaruntoida ugu weyni tahay deegaanka Oog ee galbeedka gobolka Sool. Ciidamada iyo xukuumadda SOMALILAND Waxa ay wali ku suganyihiin gobolka Sool haar ahaan dhankiisa galbeed Qaran News
-
Muqdisho (Caasuimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa weerar culus oo dhanka baraha bulshada lagu qaaday kadib markii uu shalay ku dhawaaqay in mushaarka madaxda gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose bishaan ay ugu deeqeen dagaalka socda. Madaale ayaa hadalkan shalay ka sheegay dibad-bax lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. “Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale. Hadda sidee looga falceliyay go’aanka duqa magaalada Muqdsho? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada oo arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa intoodabadan weerar ku qaaday Yuusuf Madaale. Abdinuur Axmed oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Mushaar qof miskiin ah uu leeyahay in lagu tashado waa khalad haddii uu asaga raali ka aheyn”. Xasan Nuur ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay go’aanka “Guddoomiyaha G.Banaadir waa nin u huray maskax iyo maal, waana wax lagu farxo in mushaarka qayb looga jaro”. Fardawsa Jalwo ayaa iyaduna su’aal ka keentay tallaabada guddoomiyaha “Mudane Madaale shaqaalaha cod ma ka qaaday oo ma la hubaa in aan la afjigin”. Cabdirashiid Muxudiin ayaa isguna sheegay in aan laga fiirsan go’aankan “Waxaa iiga muuqdo hadalka guddoomiyaha deg-deg iyo in uusan ka fiirsan go’aanka mushaaraadka shaqalaha gobolka Benaadir. Waxaa jiro duruufo badan oo ku gadaaman shaqalaha”. Cabdi Maxamed ayaa isna tilmaamay in guddoomiyuhu aanu xaq u laheyn arrintan “Waa in ay dadka ka imaato maahinee go’aan uma gaartid” Xasan Daacad ayaa isna arrintan uga falceliyay “Iska bixi mudane guddoomiye mushaarka masaakinta”. The post MADAALE oo si weyn loogu weeraray go’aan uu shaaciyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Khilaaf iyo hubanti la’aan ayaa weli ka taagan nooca ay u qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. Madaxweyne Siciid Deni ayaa bishii hore shaaciyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod islamarkaana ay ku qabsoomi doonto wakhtigeeda rasmiga ah. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo ka jawaabay hadalka madaxweyne Deni ayaa dhankooda ka horyimid in doorashada lagu qabto hannaanka qof iyo cod waxaana ay soo jeediyeen in lagu laabto sidii hore ee 66-ka. Khilaafka labada dhinac oo weli taagan ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah Baarlamanku ansixiyo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo qaabilsan hirgelinta doorashada hannaanka qof iyo cod. Inkastoo aysan hadda caddayn nooca doorasho ee Puntland aadi doonto 2024 haddana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in aysan wakhtiga harsan suurta gal ahayn doorasho qof iyo cod ah. PUNTLAND POST The post Hubanti la’aan weli ka taagan doorashada Puntland ee 2024 appeared first on Puntland Post.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh. Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma. Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi. Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi. The post Dagaal culus oo ka socda Daaru-Nicma iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
African heads of state are gathering in Kenya for the Africa Climate Summit, where they will discuss the continent's approach to climate change. Source: Hiiraan Online
-
Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaaaq iyo abaabul culus oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa xalay kulamo kala duwan oo aan loo kala kicin la yeeshay siyaasiyiinta reer Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo looga hadlay jiheynta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe. Kulamadan ayaa intooda badan la’isku dhaafsaday warbixinno iyo fikrado ku aadan qaabka loo wajahayo dagaalka Al-Shabaab, maadaama dib loo soo celiyay ciidanka Xoogga dalka. Wasiirka Batrolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo mid ah mas’uuliyiinta qaybta ka ahaa kulamadaas ayaa faah-faahin ka bixiyay shirarkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in diiradda lagu saaray dhaqaajinta howlgallada Al-Shabaab. “Madaxweynaha JFS Hiiraan wuu sii joogayaa ilaa laga soo gabagabeeyo qorshaha dagaalka, waxaa diiradda la saarayaa xoojinta wadashaqeynta ciidanka Federaalka iyo Dadka Deegaanka si wadajir looga wada qaybqaato,” ayuu yiri wasiir Cabdirasaaq. Waxaa kale oo uu ku daray “Ujeedka waa in dagaalka uu noqdo in la ogyahay meesha uu ka bilaabanayo iyo meesha uu ku dhamaanayo, uuna noqdo dagaal ay shacabka ka qayb qaataan” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in laga wada-hadlay sidii boorka laga jafi lahaa ciidanka Macawiisleyda oo door muuqdo ku leh dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu sii wado kulamdiisa, uuna sii joogo degmada Maxaas, iyada oo lagu wado inuu kadib uga sii gudbo Shabeeaha Dhexe. Muddo bil ah ayuu madaxwyeynuhu ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna u tegay hoggaaminta dagaalka ka socda gobollada dhexe ee dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, inkastoo haddane deegaanada qaar dib looga soo baxay. The post Maxaa kasoo kordhay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha oo safar ugu baxay dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Watch as Inter Miami defeats LAFC 3-1 backed by 2 assists by international superstar Lionel Messi. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta la kulmaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxyaabaha ugu waaweyn ee labada mas’uul ka wada hadli doonaan waxa ka mid ah, in uu madaxweyne Erdogan ku qanciyo dhiggiisa in uu dib ugu soo noqdo heshiiskii hadhuudhka oo Moscow ay ka baxdey bishii July ee sannadkan. Source
-
Ottawa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ku qaadeen xaflad aroos oo ay Soomaali ku lahaayeen xarunta shirarka koonfurta caasimadda dalka Canada ee Ottawa. Rag hubeysan oo aan heybtooda la gaaran ayaa mar qura rasaas ooda uga qaaday martida timid arooska, xilli ay ku sugnaayeen goobta ay ka dhaceysay xafaladda. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Warsame Cabdi Maxamed oo kamid ah ehellada ku sugnaa goobta, Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir 29 sanno jir ahaa kuwaas oo xafladda uga yimid magaalada Toronto. Warsame oo sharraxay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in rasaasta ay bilaabatay xilli ay dadweynaha kusii xaroonayeen hoolka uu dhacayay arooska. “Walaalow aroos ayaa jiray, iyaga oo dadka meelo kala duwan uga yimaadeen meesha xafladda arooska, ayada oo la joogo ayaa waxaa dhacay in qolo aan la garaneyn oo hubeysan xilligii hoolka la geli lahaa inay rasaas fureen waxay wax ku gaartay dad siddeed qof ah, laba qof way dhinteen, lixda kalena way dhaacmeen” ayuu yiri Warsame Cabdi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan garaneyn cidda ka dambeysay falkaas iyo sababta ay u beegsadeen xafaladda arooska ah. “Cid la garanayo oo hadda la dhihi karo ciddaas ayaa weerarka nagu soo qaaday iyo sababtaas ay usoo qaaday midna ma jirto” ayuu Warsame hadalkiisa sii raaciyay. Booliska Ottawa ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano ku aadan weerarkaasi, ayaga oo dalbaday in laga gacan siiyo xoga baarista. Canada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo lagu beegsado Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi. The post Weerar lagu qaaday Aroos ay Soomaali isugu timid oo ka dhacayay dalka Canada appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu doonayo in muhaajiriinta u dhashay Eritrea ah ee ku lug leh rabshado ka dhacay Tel Aviv loo musaafuriyo sida ugu dhakhsaha badan, waxaana uu amray qorshe dalkaasi looga saarayo dhammaan muhaajiriinta Afrikaanka ah. Hadalkan ayaa yimid maalin ka dib markii ay kooxo iska soo horjeeda oo Eriteriyaan ah ay koonfurta Tel Aviv ka dhigeen bannaanbax ay ku dhaawacmeen tobanaan qof. Taageerayaasha dowladda Eriteria iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa dagaallamay iyagoo adeegsanayay alwaax, biro iyo dhagxaan, iyagoo burburiyay muraayadaha dukaamada iyo baabuurta booliiska. Bilayska Israa’iil ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay u xakameeyaan bannaanbaxayaasha. Rabshadaha Sabtidii dhacay ayaa dib masraxa ugu soo celiyey arrinta muhaajiriinta, taasi oo muddo dheer kala qaybisay Israel. Dib u soo noolaanshaha ayaa ku soo beegmay iyadoo Israel ay ku kala qeybsan tahay qorshaha dib-u-habaynta garsoorka ee ay waddo xukuumadda Netanyahu. Ilaa 25,000 oo soo galooti Afrikaan ah ayaa ku nool Israel, waxayna intooda badan ka soo jeedaan Sudan iyo Eritrea, kuwaasi oo sheegay in ay dalalkooda uga soo carareen dagaalo iyo caburin. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo amray in Qaxootiga Eritrea laga tarxiilo Israel appeared first on Puntland Post.
-
An army air strike on the Sudanese capital has killed at least 20 people, including two children, activists say. Source: Hiiraan Online
-
Score more goals, Declan Rice was told when he moved from West Ham to Arsenal this summer. Score more goals if you want to be mentioned in the same sentence as Graeme Souness, Roy Keane, Frank Lampard, Steven Gerrard and other great midfielders. Fix the one thing that is missing. Source: Hiiraan Online
-
Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad shalay tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada. Sida ay sheegtay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, “sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.” Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa. Xogta Caasimada Online ayaa intaas ku dareysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waa weyn Galmudug, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ee Waceysle. Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay sii joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u muuqda dagaal kusoo koobmay kaliya beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kuwaas oo markii hore kooxda ka xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, haddana ay u muuqato in ayaga un laga sugayo inay kooxda cirib-tiraan. Kumanaan ciidan oo lagu soo bandhigay Galmudug ayaa illaa iyo hadda u dhaqaaqi la’ inay wajahaan kooxda, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu dareemayo hagrasho. Hagrashada reer Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa horey si dadban ugu sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo khudbad uu ka jeediyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan kusoo geba-geboobay Dhuusomareeb. Axmed Madoobe ayaa gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo deegaannada Galmudug. Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo. The post Xog: Xasan oo kasoo guuray Dhuusamareeb kadib markii ay hagradeen reer Galmudug appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay kooxda Al-Shabaab haatan ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Yuusuf Madaale ayaa sheegay inay jiraan dowladdo shisheeye iyo dad kale oo siyaabo kala duwan u taageera Al-Shabaab, isla-markaana loo baahan yahay in la’iska qabto. Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka Al-Shabaab u fududeeyo qaraxyada ay isugu jiraan shisheeye iyo ganacsato, sida uu hadalka u dhigay. “Shisheeye ayaa ku jiro qaraxyada, miinada iyo waxyaabahaas oo dhan meelahaas ayaa looga soo waaridaa, kuwa jeebka ka taakuleynaayo ama maskaxda kala jiro ama u fududeynaayo waxyaabaha qaarkood sida madaxweynaha uu ku sheegay iyaga laftirkooda waa Al-Shabaab” ayuu ku yiri khudbad uu shalay jeediyay duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan halganka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka. “Annaga jidka jihaadkaan ku jeednaa inaan isla jirno waan jeclaay” ayuu ku shirbay guddoomiye Yuusuf Madaale. Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha dowladda hoose ay bishaan musharkooda ugu deeqayaan Xoogga dalka. Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynahooda, kuna taageeraan dagaalka Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay tuhuno xoogan looga muujiyay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada, waxaana walaaca sii kordhiyay qaraxyadiika dhacay xarunta gobolka Banaadir iyo midkii u dambeeyay ee lagu qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad. The post MADAALE oo bixiyay XOG ku aadan cidda Al-Shabaab u fududeysa QARAXYADA appeared first on Caasimada Online.
