Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidankii u Horreeyay ee Maktabad Shaqadooda la Xidhiidha Samaystay Hargeysa(Qaran news)-Maamulka Maktabada Sahan Books ayaa maanta Maktabada Ciidamada Dab-demiska Qaranka Somaliland gudoonsiiyay Buugaag ka hadlaya Cilmiga Dabdemiska, waxaana ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye guuto Axmed Sawaaxili oo uu wehelinayo Xoghayaha guud ee ciidanka Dabdemiska Ibraahim Suldaan Xasan. Maktabadan ayaa ah tii u horreysay ee nooceeda ah ee Ciidamada Somaliland samaystaan, waxaanay ciidanku k kasbanayaan aqoon ay ku dabaqi karaan hawlmaalmeedkooda. Taliyaha ayaa u mahadnaqay Maamulka Maktabada Sahan Books oo had iyo goor garab taagan ciidamada Dabdemiska iyagoo u sameeyay ciidanka Maktabadan Akhriska. Sidoo kale buugaagtan ayaa ku saabsan cilmiga iyo aqoonta dabdemiska ayaa wax badan ku soo kordhin doonta ciidamada Dabdemis ka. Ugu dambayn ciidamada Dab-demiska ayaa wakhtiyada hawlgalada lagu jiro maahee, wakhtiga kale had iyo goor wakhti ku qaata waxna ku akhrista maktabada, sidoo kalena sameeya aqoon is waydaarsiyo iyo kala faaideysi. Qaran News
  2. Labadii Ardaa ee dhawaan dagaal beeleedku ku dhexmaray Ceel-afweyn ayaa labaduba ku dhawaaqay xabad joojin iyo nabad. Labadan beelood oo dagaalkoodu soo noqnoqday ayaa deegaankaasi ka dhigay mid horumar ahaan gaabis ah, waxana markasta oo dagaal dhaco meesha ka baxa waxbarashada iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho caawa ka sagootiyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku laabtay furimaha dagaalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir masuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa dib u soo abaabulay ciidankii ka soo gadooday furimaha dagaalka ee Muqdisho isugu tegay, kuwaas oo caawa lagu soo bandhigay waqooyiga Muqdisho. Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii warbaahinta kula hadashay goobtii lagu sagootiyey ciidanka ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu qaatay masuuliyadda ah in ciidanka dib loogu celiyo furimaha, si ay Al-Shabaab u baacsadaan. Ciidankaan ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha Mudullood, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ka soo gadoodeen Ceeldheer, Galcad, Ruun-nirgood ilaa Aadan-yabaal, waxayna isugu tageen magaalada Muqdisho. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Mudullood oo dhawaan ku shiray Muqdisho ayaa go’aansaday inay kaalintooda qaataan oo dib u soo abaabulaan ciidanka soo baneeyey furimaha, iyadoo beel kasta ay iska uruurineyso qaaraan lagu socodsiiyo dagaalka, maadaama dowladda ay ka tan badisay howsha socota ee Khawaarij iska xoreynta ah. Mudullood ayaa lagu dhaliilay sida ay dagaalka ugu fiirsadeen Madaxweynaha, si gaar ah waxaa farta loogu goday beesha hoose ee Madaxeeynaha, waa Waceysle, kadib markii ay ku guuldareysteen inay difaacdaan deegaanadii la xoreeyey ee Ceeldheer iyo Galcad. Sidoo kale waxaa jirta eedeyn ay soo jeediyeen masuuliyiin badan oo ku socota dhammaan beelaha Mogadishu Clan, masuuliyiintaas waxaa ka mid ah Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare oo bixiyey tusaalooyin cajiib ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka hoggaaminayay dagaalka muddo bil ka badan ayaa hadda ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe, si uu u soo abaabulo ciidanka qaranka ee ka gadooday furimaha dagaalka, Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal. The post Mudullood oo Muqdisho kasoo abaabulay ciidamadii soo gadooday – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha GalMudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku uu mar kale xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha. Qoor Qoor ayaa soo saaray qoraal uu ku laalay xilka qaadis uu Cali Ciid ku sameeyey wasiir Cabdi Waayeel, waana markii labaad oo Madaxweyne ku xigeenku uu si bareer ah xilka uga qaaday wasiirkaas. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas. Cali Ciid ayaa Wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyey inuu xagal-daacinayo dagaalka Al-Shabaab, shaqo gudasho la’aan iyo farogelin uu ku haayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).” Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkiisa ku sheegay in awood uusan laheyn uu isticmaalayo Cali Ciid, taasina aysan ka socaneyn Galmudug, sida loo dhigay warkaan. “Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.” Dhinaca kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa buriyey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii degmada Caabudwaaq oo golaha deegaanka ay kala noqdeen codkooda kalsoonida. “Madaxweynaha ayaa caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa farriin u diray hey’adaha amniga iyo garsoorka ee degmada Caabudwaaq, isagoo faray inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso xasiloonida. “Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasilloonida degmada Cabudwaaq,” ayuu yiri Qoor Qoor. Waa markii labaad ee Madaxweyne ku xigeenku uu xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha gudaha oo Mareexaan ay isla yihiin, waxaana ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, inkastoo aanaan weli ogaan waxa uu salka ku hayo. The post Khilaaf ka dhex-qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa – Labo arrin oo la isku hayo? appeared first on Caasimada Online.
  5. Maxaa ka soo Baxay Shirkii Isbeddelka Cimilada Afrika Nairobi(Qaran news)-Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya waxa maanta lagu soo gabagabeeyey Shir-Madaxeedka Cimilada Afrika. Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxa ka qayb-galay siyaasad-dajiyayaal, hogaamiyayaal ganacsi iyo u dhaq-dhaqaaqayaal deegaan, waxaana gabagabadiisii laga soo saaray baaq taabanaya sidii iskaashi dhab ah oo dhanka isbadelka cimilada ahi u dhex mari lahaa Afrika iyo dunida inteeda kale. Shirka ayaa ugu horeyntii baaq u diray dalalka doorka weyn ka qaata dikhowga/wasakheynta hawada ee sababa Isbedelka Cimilada, taasi oo Afrika ay dhibane ka tahay, waxa ay hogaamiyayaasha Afrika soo jeediyeen canshuuro cusub oo caalami ah iyo dib-u habeyn lagu sameeyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah si ay gacan uga geystaan maal-gelinta howlaha isbeddelka cimilada. Sidoo kale Shirka ayaa jeediyey Abuurista iyo dejinta siyaasadaha, xeerarka iyo hab-raacyada taageeraya adeegsiga hal-abuurada Deegaanka la saaxiibka ah, kuwaas oo wax wayn ka geysan kara bad-qabka iyo dib u soo nooleynta deegaan ku haboon nolosha, isla markaana sahlaya adeeg bixinta iyo sidoo kale ku dhiirashada ka qeyb-noqoshada dedaalada lagu suul-daarayo waxyeelada Isbedelka cimilada. Waxa kale oo shirku xusay xoojinta talaabooyinka ka dhanka ah dhir jarista, xaalufka iyo nabbaad-guurka deegaanka, lumitaanka kala duwanaanshaha noolaha iyo dib u soo nooleynta deegaanka burburku gaadhay, iyadoo shirku qeylo-dhaan ka soo saaray korodhka xad-dhaafka ah ee magaalo-galka dalalka Afrika iyo qorshe la’aanta jirtaa saameynta ay yeelan doonto mustaqbalka, iyada oo magaalooyinku noqon karaan ilaha khatarta iyo masiibooyinka hadii aan laga fikirin oo aan la dejin qorsheyaal la jaan-qaadaya Isbedelka Cimilada. Qaran News
  6. Boorama(Qaran news)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta magaaladda Boorama ka daah-furay Nidaamka kaydinta Xogta Caafimaadka oo ay wasaaradda kala shaqaysay hirgelintiisa Sanduuqa iskaashiga Caalamiga ah ee Tiawan (ICDF). madasha lagu daahfurayay mashruucan oo si heersare ah looso agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha gobolka awdal, Maayarka dagmada Boorama, Safiirka Safaaradda Taiwan, agaasimaha waaxda Cusbitaalada. isuduwaha Caafimaadka gobolka awdal Shaqaalaha Caafimaadka ee gobolka mudan iyo marti sharaf kale. Waxaa halkaa hadalka iska daba qaatay dhamaan masuuliyiintii kasoo qaybgalay madasha lagu daahfurayay mashruucan iyagoo dhamantood si isku mid ah hoosta uga wada xariiqay muhiimada uu nidaamkan Cusub u leeyahay kaydinta xogta caafimaadka ee cusbitaalada dalka. agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo dhankisa ka waramay hirgelinta nidaamkan iyo marxaladihii uu soo maray ayaa sheegay in uu nidaamkani wax weyn ka badali doono habkii loo kaydin jiray xogta Caafimaadka ee bukaanka, isagoo u mahadceliyay Safaaradda Dalka taiwan iyo Sanduuqa iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (ICDF) oo si weyn uga qaybqaadatay hirgelinta nidaamkan. Qaran News
  7. Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta si weyn loogu falanqeeyay sawirka wiil dhallinyaro ah oo albaabka gaari gaari Cabdibile ah ka furaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu gaaray degmada Aadan-Yabaal, waxaana laga bixiyey aragtiyo kala duwan. Cabdifitaax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabaa wiilka ay aragtidiisu hadal-heynta badan abuurtay maanta, waxaana Aabe u ah madaxweynaha dalka oo maalmahaan ku sugan furimaha dagaalka. Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka la socda madaxweynaha ee sida weyn loo faaqiday uu yahay wiilkiisa oo furinta u raacay. Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga, wuxuuna ka shaqeynayay mid kamid ah xawaaladaha Soomaalida. Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan Tuutaha militeriga Soomaaliya. Warar aan ka heleyno xogta wiilkaan ayaa sheegaya in uusan ahayn askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago Aabihiis madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah aan Muqdisho tegin, furintana u jooga hoggaaminta dagaalka. Cabdifitaax Xasan Sheekh ayaa sawirrada la baahiyay waxa ay muujinayaan isaga oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha, waxaase xusid mudan in uusan kamid ahayn ciidamada dowladda, isla markaana uusan heysan tababar ciidan, taasi oo loo qaadan karo in khaladaad uu ku yimaado habka ilaalinta amniga madaxweynaha xilli uu ku sugan yahay furimaha dagaalka. Axmed Kaboole oo ku takhasusay arrimaha amniga, kana fallooda oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Amniga madaxweynaha waa arrin khaas ah oo loo xil saaray dad heysta tababar khaas ah, waa dad la hubiyay noloshoodii hore, waa dad la hubiyay caafimaadkooda iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin kooxo ama shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha, si loo aamino madaxweynuhuna isugu halleyn karo, sababtoo ah waa dadka ugu dhow ee noloshiisa ilaalinaya ilaahay ka sokoow.” Inta badan dadka maanta faaqiday sawirka la helay ee wiilka Madaxweynaha waxay muujiyeen in qoyska Xasan Sheekh aysan u kala harin dagaalka, halka siyaasiyiinta kale la tilmaamay in badankood aysan sameyn laheyn sidaas. Meelaha khatarta ah waxay dadku tilmaameen in siyaasiyiinta kale ee Soomaalida aysan u ogoleyn ubadkooda, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u watay furimaha dagaalka, xilli dalku uu ku jiro xaalad adag oo argagixiso la dirir ah. The post Waa kuma wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh ee maanta lagu arkay furimaha dagaalka? appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horeysay kasoo muuqday muuqaal ay baahisay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kamid askar nool oo kooxda ku qabatay weerarkii Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose. Askarigan oo kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa waxa uu ka codsaday madaxweynaha dalkaasi Uganda Yoweri Museveni in laha wada xaajoodo sii deyntooda, si ay dib ugu helaan xoriyadooda. Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda ay gacanta ku hayso askar kale oo uusan kaligiis aheyn, islamarkaan ay rejada keliya leeyihiin tahay hoggaanka Uganda, sida uu sheegay. “Farriintayda ku socota dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay,” ayuu yiri askarigan maxbuuska u ah Al-Shabaab ee muuqaalkiisa ay baahisay kooxda. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno inay dadaal ku bixiyaan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn.” Sidoo kale waxa uu ku booriyay dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo isaga iyo askarta kale ee gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab. Askarigan oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda kusoo biiray sanadkii 1997, wuxuuna bishii April ee sanadkaan ayuu ka howl-galay xerada ciidanka ee ku taapla Buulo-Mareer, taasi oo 26-kii May ay weerar ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Kooxda Al-Shabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkaasi, oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka howl-galka ATMIS ee ku sugnaa xeradaasi, gaar ahaan kuwa Uganda. Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Si kastaba, Weerarkaasi oo dhacay 26-kii bishii May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. The post Al-Shabaab oo soo bandhigtay askari Ugandes ah, dalab culusna u diray Museveni appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho wada-hadal gaar ah kula yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Marwo Heidi Johansen, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan. Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. “Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogosha dib?u-heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taasi oo uu hormuud u yahay Shariif. “Waxaan ka wada-hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. “Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore bee dowladdii KMG aheyd. Shariif ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, isaga oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula soo kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo arrimo kale oo ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Haddaba sidee looga fal-celiyay arrintaan? Ibraahim Aadan Jimcaale: Muxuu yahay doorka uga furan Norway heshiisiinta Beelo walaalo ah oo aad uga wada-hadli kartaan?.” “Waxaan isweydiinayaa doorka wakiillo shisheeye ku yeelan karaan nabadeyn beelo is dagaalay,” ayuu yiri Cabdirashiid Geelle. Xasan Xaashi: “Gogosha tii nabadw waarta lagu gaaro allaha ka dhigo.” Maxamed Sabriye: “Norway mad kala hadashay laba jufo dagaalkood wa iga cilmi badan tahay.” “Mudane Madaxweyne waxa tahay nabaddoon dalkaan in uu hagaago waqti badan soo geliyey, guuleyso mudane,” ayuu yiri Aamiin Nuur Macalim Cumar ayaa isna waxa uu yiri “War anagaa balo aragnay maxaa Norway ka galay beelo is-dagaalayo maxayse doo kordhin karaan ama ay kabadali karaan Soomaaliya oo dhan baysan waxba u tari karin, waase beelo ishaysta.” “Masha Allah mudane inta dhiiman ilahey haku fududeyo insha Allah,” ayuu yiri Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan. Cabdiraxmaan Maxamed: “Madaxweyne waaku waaleen dqdkaan waxbaa iska kaa dib maray waxaad sheegeyso maxaa iska quseeya?.” “Laba qoys oo oof wadaag ah khilaafka dhexyaal maxaa gaadhsiiyay Norway Allow Soomaali sidan si karoon ugu badal,” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Cabdi. Kowniin Cali ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Mahadsanid Mudane Madaxweyne, qiimaha nabadu leedahay waan ognahay geed gaaban iyo mid dheer kaad u fadhiisan karto u fadhiiso. Garabkaaga Allah galo.” The post Fal-celinta arrintii uu maanta sameeyay Shariif Sheekh Axmed? appeared first on Caasimada Online.
  10. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine. Blinken ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, iyo madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, iyadoo la filayo in uu ku dhawaaqo xirmo cusub oo kaalmo mileteri, taasoo gaareysa $175m-$200m inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood ah. Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii Zelenskiy uu shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga horaantii todobaadkan iyada oo ay jirtay fadeexado musuqmaasuq oo la xiriiray soo iibinta qalabka milatariga. Warbaahinta Mareykanka ayaa si joogta ah u soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, kuwaas oo dhaleeceynaya qaabka ay u socdaan weerarada rogaal celiska ah ee ay qaadayaan ciidamada Ukrine. Saacado ka hor inta uusan Blinken gaarin Ukrine, Ruushka ayaa bilaabay mowjado gantaallo ah oo lala beegsanaayo caasimadda Ukrine,waxayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay soo rideen oo ay ka hortageen gantaallo kuwa Droniska ah. PUNTLAND POST The post Anthony Blinken oo booqasho aan hore loo shaacin ku tegay caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.
  11. Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulamo ka wada halkaasi. Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar. Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Dadaaladda socda ayaa qeyb ka ah sidii Soomaaliya u heli laheyd maalgashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka. Mudane Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, islamarkaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo afmeerka wejiga koowaad ee dagaalka. Arrintaasi ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in fursad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah. Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa dhankooda sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya. Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo. Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: R/W Xamza oo kulamo ka wada Qatar iyo dadaaladda socda appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweyne Muuse Biixi oo Soo Gagab Gooyay, Socodna ku Maray Shaaricyada Shacabka Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay lagu arkay isagoo lugsynaya shaaricyada shacabka Hargeysa tan iyo 26kii August 2023 oo muuqiisa dadweynaha ugu dambaysay. Madaxweynuhu wuxuu xisbiyada Qaranka kula shiray madaxtooyada, halkaasi oo ay kaga wada hadleen sidii loogu midoobi lahaa dagaalka lagu soo qaaday dalka. Waxaanu kulankaasi ahaa kii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu fagaare soo istaago, iyadoo aan la arag 11kii maalmood ee u dambeeyay. Tibaaxo kala duwan ayaa sheegayey in madaxweynuhu xannuunsaday, kadib markii ciidamada Qaranku soo faaruqiyeen fadhiisimadii gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa socod uu tallaabo dheeraynayey ku maray jidka wadnaha ee shacabka Hargeysa, iyadoo aanay wax ilaalo ah oo badani la socon. Madaxweynuhu wuxuu ficil ku beeniyay wararka sheegayey inuu xanuun ku soo booday, xilli dalku ku jiro xaalad adag isla markaana ciidamadii qaranka ee safka hore ay dib ugu soo noqdeen degmada Oog ee gobolka Saraar taasi oo laf jab siyaasadeed ku ah hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi. Mafaxweynuhu wuxuu u muuqday mid hadda gagab gooyay, wuxuuna salaamayey dadweynaha jidka kaga hor yimi. Qaran News
  13. Mahas (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud convened a meeting on Wednesday with politicians, traditional elders, and lawmakers from the Hawadle community in Mahas district. Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweyne Kuxigeenka oo ka Qaybgalay Xafladii Qalinjabinta Jaamacada Golis Hargeysa-(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay munaasibada Qalin-jebinta Dufcadii 34aad, marka lagu daro Gobolada Dalka ee ka baxda Jaamacada Golis, faraceeda Hargeysa oo ay maanta ka baxeen Arday tiradoodu dhan tahay 1,183. Waxaana madaxweyne ku xigeenka kala qaybgalay gudoomiyaha golaha wakiilada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), masuuliyiin kala duwan, waalidiin, madax-dhaqameed iyo bulshada qaybeheeda kala duwan. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay, waalidiintii ku soo tacabtay ee halkan soo gaadhsiiyey iyo maamulkii Jaamacadda Golis ee ku dedaalay inay soo saaraan tirada intaa leeg ee xambaarsan cilmiga kala duwan ee u soo baxday dalkooda iyo dadkoodaba. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online ) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka socda gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kooxda looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah. Ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo ciidanka difaaca shacabka oo ayaa kooxda ka saaray dhulkaas ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeeya wadada xiriirisay degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb. Goobaha laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah magaalada istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, Llaba-dulle, Dhaban-dhul kuhays iyo dhul balaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda. Howl-galkaan oo xoogiisu ka socdo dhulka Hawdka ayaa waxay dowladda sheegtay in saacad kasta soo yaraynayaan dhulka ay ku dhuumanayaan Khawaarijta haraadiga ah ee maamulka Galmudug. “Guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ka dhashay iskaashiga Qaran ee uu hogaaminayo Madaxwayne Xasan Sh Maxuud oo hadda ku sugan aagaga dagaalka si uu u garab istaago geesiyaasha Qaranka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda. Howl-galkaan ayaa imanaya laba maalin kahor markii ciidanka Qaranka ay bur-buriyeen maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galgaduud. Bayaan dowladda kasoo baxay markaas ayaa lagu sheegay in illaa iyo 43 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay howl-galka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo kooxda ay lahaayeen. “Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankaas oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta. Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida lagu yiri bayaanka dowladda. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar ku socda ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo ku siman hal bil uu xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, ayada oo uu weli ku sugan yahay furimaha dagaalka, si loo soo afmeero howl-gallada wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wejiga xigga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Al-Shabaab oo howlgal culus looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Ganaax Lagu soo Rogay Koox Ciyaareed ka jirta Hargeysà Hargeysa(Qaran news)- Guddida Dacwadaha Iyo Anshax Marinta Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Ayaa Ganaax kasoo Saaray Kulankii u dhaxeeyey Naadiyada Warfaafinta iyo K.M.W FC Qaran News
  17. Injineero Ajanabi ah oo la Kulmay Maareeyaha Duulista Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Maareeyaha hayadda Duulista iyo Madaarada JSL Mudane Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Injineer John Aseeyo, oo ah farsamayaqaankii dhamaystiray qalabka Saadaasha Cimilada ee laga ee laga hirgaliyay Madaarada magaalooyinka Burco, Borama iyo Ceerigaabo. Mashruuca Sadaashada cimillada ee laga hirgeliyay garoonada diyaaradaha ee magaalooyinka Burco, Borama iyo Ceerigaabo waxa hirgeliyay urur goboleedka IGAD. Maareeye Cumar Sayid waxa uu u mahadceliyay Injineer John Aseeyo iyo Urur gobolleedka IGAD, waxaanu xusay in dhammeystirka qalabkani ahmiyad weyn u leeyahay garoonada diyaaraduhu ka duulaan ee magaalooyinka dalka. Qaran News
  18. Booliska oo ka Hadlay siday ka Yeeleen Lacag laga helay gaadhi uu ninkii lahaa Dhintay Hargeyda(Qaran news)-Ciidanka nabadgelyadda waddooyinka ayaa lacag dhan laba kun boqol iyo labaatan dollar iyo toban riyaal oo Itoobiyaan ah, ku wareejiyay ehelada marxuun ku geeriyooday shil gaadhi. Sidoo kale ciidanka nabadgelyadu waxa ay intaas ku dareen in Marxuumka geeriyooday oo ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland sodonkii sano ee u danbeeyay, waxaanay xuseen in gaadhigiisu xafiis u ahaa, waxaaney mar kale ehelada marxuumka ku wareejiyeen dhammaan falalkii iyo waraaqihii laga ay ka soo saareen gaadhigiisa. Geesta kale waxa ay bulshada ka codsadeen marka ay galayaan safarada in aanay qaadan hantidooda iyo wixii mihiima ee ay dhigaan meeshi ay ku xafidi karaan, maadama dadku geeri suga yihiin. Gaba-gabadii waxa ay sheegeen ciidanka nabadgelyadda Somaliland in ay gacanta ku hayaan sababta keentay shilka uu ku geeriyooday Marxuumku. Qaran News
  19. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta diyaarad ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa ka baxay degmada Maxaas oo uu joogay maalmihii la soo dhaafay, waxaana safarkiisa qayb ka ah mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dhexe. Waxaa madaxweynaha sidoo kale Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, saraakiil ciidan, xildhibaano iyo bulshada dadka deegaanka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo la geliyay heegaan, si ay u sugaan amniga. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo kulamo ka bilaabi doono degmada Aadan Yabaal. Sidoo kale waxa uu kormeeri doonaa xeryaha ciidamada, isaga oo qiimeyn doono xaaladda, sidoo kale wuxuu khudbad u jeedin doonaa ciidamada difaaca adag ku jira. Waa markii labaad ee uu madaxweynuhu booqanayo degmada Aadan Yabal, isaga oo horay u tegay markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo 15 sanno ku sugneyd halkaasi. Maalmo kahor waxaa sidoo kale degmadan booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ciidamada lasoo hadlay, kadibna ku soo laabtay magaalada Muqdisho. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii u dambeeyay ku maqnaa jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna muddo bil ah soo joogay gudaha Dhuusamareeb, isaga oo kadib usoo guuray dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay heshiis ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo beesha Xawaadle ku gaareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu haatan joogo madaxweynaha dowladda federaalka. Madasha lagu gaaray heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan, odayaasha beesha Xawaadle iyo madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Villa Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in kulanka ka dhacay Maxaas lagu gaaray is-afgarad, isla-markaana lagu heshiiyay in loo midoono Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayaa lagu yir warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bulshada gobolka Hiiraan ku boggaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, kaas oo ah Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka. Dhinaca kale, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ee madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan halganka. Ujeeddada kulankan ayaa ahaa dhegeysiga tabashada ay qabto beeshaas oo degta bariga magaalada Beledweyne oo uu kasoo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhowaan sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay HirShabelle. Ninkan ayaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan isla-markaas-na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gudaha waddanka. Si kastaba, heshiiskan cusub ayaa meesha ka saaraya xiisaddii ka taagneyd Beledweyn ee ka dhalatay beddalka Cali Jayte oo ay ku kala tageen reer Hiiraan iyo HirShabelle. The post Villa Somalia oo war kasoo saartay heshiiska ay la gashay beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.
  21. Mahas (HOL) - The Somali government has arrested several military officers responsible for withdrawing military forces from the frontlines in the Galgadud region, which resulted in a setback for the army's ongoing operations in Galmudug State. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka afka ah ee u dhexeeyo madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne. “Wasiirka gaashaandhigga amaro khaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyeyaal urur, taliyeyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare. Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay wuxuuna tilmaamay in dadka eedeynayo isaga kasoo horjeedo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay fal-celin xoogleh, waxaana dadka ka hadlay kamid ah siyaasiga Cabdikariin Nuur Xuseen (Doobyare) oo horay usoo noqday wasiir ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable Tv. Cabdikariin Doobyare ayaa shaaca ka qaaday in eedda loo jeediyay wasiirka ay tahay mid culus, balse aysan sax aheyn in Waare uu si toos ah ula wadaago warbaahinta. “Maxamed Cabdi Waare khudbaddiisa waa dhageystay aniga ma aqaano qof mas’uul ah oo oo heerkaas soo gaaray oo saameyntaas leh inuu inta Media tego uu sidaas ka yiraahdo aniga sax ilama aha” ayuu wareysiga ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdikariin Doobyare. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnaa in xogtaas aadka u weyn inuu la wadaago madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si ay ula xisaabtamaan wasiirka. “Wasiirka oo eedeeyay haddii uu eeddaas leeyahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inuu u tego oo uu u sheego ayay ahayd” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdikariin Doobyare Arrintan ayaa kusoo aadayso, ayada oo tuhun xoogan uu ka dhashay weerarkii Cowswayne oo jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda, kadib markii lagu laayay askar badan, waxaana sidoo kale haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahin Sheekh Muxyidiin. The post Daawo: Dagaalka wasiirka gaashaandhigga iyo Waare oo sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar. Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah. Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Hoggaanka Rugta Ganacsiga dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, isaga oo wada-hadal gaar ah la yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo, Marwo Heidi Johansen. Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. “Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogoasha dib u heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo uu hormuud u yahay Shariif. “Waxaan ka wada hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday colaadda Laascaanood oo ay ka wada-hadleen labada dhinac, si xal loogu helo. “Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore bee dowladdii KMG aheyd. Shariif ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, isaga oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula soo kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo arrimo kale oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. The post Shariif oo Norway kala hadlay dagaalka Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.