-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u hoyday caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine, isaga oo halkaas ku tegey safar laba maalmood qaadanaya oo aan hore loo sii shaacin. Safarka xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa noqonaya kii afraad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo bishii February ee sannadkii 2022, xilligaas oo uu bilawday duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine. Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha arrimaha debedda iyo weftigiisu ay u hoydaan dalkaas. Blinken ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ukraine Dmystro Kuleba, ra’iisal wasaare Denys Shmyhal iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa la wadaagay, war farxad leh oo ah, in Maraykanku uu ugu deeqayo kaalmo gaadhaysa $1 billion. Kaalmadan ayay ku jirtaa illaa $175 Milyan oo doollar oo loogu talo galay dhinaca ammaanka iyo weliba taageero dheeraada oo ku saabsan, qalabka difaaca hawada iyo rasaasta madaafiicda. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo ku hoyday Caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey inay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda. Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid qaydhiin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda. Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaadhsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022. Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xidhiidhka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka. Madaxweynaha Biden ayaa boqortooyada uga digay sanadkii tegay inay jiri doonaan “cawaaqib” uusan faa-faahin oo ka dhalan kara inay Ruushka kula saaxiibto dhimista wax soo-saarka, xilli Moscow ay dagaal ka waddo Ukraine. Hadalka Sacuudi Carabiya, oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee Saudi Press Agency, ayaa lagu sheegay in dalka uu isha ku hayn doono suuqa, uuna qaadi karo tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo. “Dhimistan dheeriga ah ee mutadawacnimada ah waxaa loo qaaday si loo xoojiyo dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+, ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayaa lagu yidhi qoraalka wakaaladda wararka SPA, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda tamarta. Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee Tass ayaa iyana kasoo xigatay Alexander Novak, wasiir ku-xigeenka tamarta, inuu yidhi in Moscow ay sii wadi doonto dhimis ah 300,000 oo barmiil maalintii. Go’aanka ayaa “ujeeddadiisu tahay xoojinta dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+ ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayuu yidhi Novak. La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa diiday inuu ka hadlo saameynta uu go’aankan ku yeelan karo suuqyada, inkasta oo uu sheegay in saraakiisha Mareykanka ay xidhiidh joogto ah la leeyihiin boqortooyada. Waxa uu sidoo kale sheegay in Biden “uu adeegsan doono wax kasta oo uu awoodo,” si uu u caawiyo shacabka Mareykanka. Xidhiidhka Sacuudiga iyo Washington ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Joe Biden November 2020. Biden ayaa ololaha doorashada ku sameeyey ballan-qaad ah in dhaxal-sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman uu ka dhigi doono “go’doon,” sababo la xidhiidha dilkii 2018-kii ee wariye Jamal Khashoggi. Hase yeehsee, xiisadda labada dal ayaa qabowday bilihii dhowaa ayada oo maamulka Biden uu raadinayo heshiis ay Riyadh xidhiidh diblomaasi kula yeelato kuna aqoonsato Israel. Source
-
Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho ku jooga Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay madaxweyinihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu ra’iisul wasaaruhua booqasho ugu tagay madaxweyne Farmaajo oo deggan dalkaasi oo uu isna hadda ku sugan yahay Xamza, kadib casuumaad uu ka helay madaxa sare ee dowladda Qatar oo taageerta Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha waddanka. Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyay doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka. Dhankiisa, madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo. Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo haatan maraya meel wanaagsan. Farmaajo ayaa kamid ah madaxdii hore ee dowladda federaalka ku taageeray gulufka culus ee ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan. Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada” ayuu horay uga yiri Farmaajo dagaalka kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, horauy sidaan oo kale waxaa Dooxa ugu kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha guud ee siyaasadda. The post Xogta kulanka dhex-maray R/W Xamza iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda. Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda. Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022. Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Eritrea’s government has denied Amnesty International’s allegations that its soldiers committed war crimes and crimes against humanity in northern Ethiopia’s Tigray region despite a peace deal signed last November. Source: Hiiraan Online
-
Guled Elmi Warsame, a pastoralist, is blaming the invasive tree growing rampantly in his village in Awdal, Somaliland, for the deaths of a large number of his valuable livestock. Source: Hiiraan Online
-
Libyan Interior Minister Imed Trabelsi announced Wednesday that the north African country deported over 250 undocumented migrants from sub-Saharan African nations and Asia to their respective countries. Source: Hiiraan Online
-
An Ethiopian opposition group has accused government forces of killing dozens of civilians in the restive Amhara region where fighting between local militias and the army continues to be reported. Source: Hiiraan Online
-
Anniversary reunion to take place in October Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo ragga weerarka qaaday, kaas oo illaa iyo hadda ka socda deegaanka. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale inta uu weerarka socday ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo xoogan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka qaaday, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sameeyeen iska caabin, isla-markaana uu weli socda howlgalka. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka dambeeyay ee u dhexeeyo Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale kooxda u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood, kaas oo ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaasi, kadib gurmad ay heleen. Si kastaba, Nuur Dugle oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaamadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib guluf ay dowladda ku qaaday meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxdaasi. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Nuur Dugle iyo dagaal ka socda appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali government says it plans to shift military tactics against al-Shabab amid increased resistance and threats coming from the militants, senior officials confirmed to VOA Somali. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s tactical twist: Communities confronting militants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (Caasimada Online) – Amid a backdrop of escalating resistance from the militant group al-Shabab, the Somali government has announced its intention to alter military strategies. Senior officials have verified a shift where local community fighters will spearhead the offensive against al-Shabab, with the federal government forces playing a more auxiliary role. This innovative approach is reminiscent of the one that paved the way for the government and local troops to reclaim large territories from al-Shabab from August 2022 to January 2023. “The current mobilization is a deviation from the previous few months, which primarily concentrated on the national armed forces,” voiced Brigadier General Abdirahman Turyare, the former national intelligence chief, during an interview with VOA Somali. As part of this initiative, the government aims to register these local combatants, offering them monthly stipends as a motivating factor. Ultimately, this is seen as a stepping stone to integrate them into the national army. The responsibility of registering and vetting these fighters rests with the national intelligence agency, a measure to deter any militant incursion. “The objective is a resurgence of our armed forces, allowing some soldiers, weary from a year and a half on the frontlines, to rest and usher in freshly trained troops. We also aim to remobilize the Ma’awisley [local militias] and let the local community steer this battle,” Turyare explained. Lessons from Cowsweyne The recalibration in strategy follows a significant setback experienced by the federal army. They ventured deep into al-Shabab territory, aiming to conquer the village of Cowsweyne. However, the operation was marred by a lethal ambush by al-Shabab, resulting in substantial casualties. The government has remained tight-lipped on exact numbers. However, sources estimate dozens of fatalities, over 160 injuries, and several soldiers missing. This defeat revealed certain flaws in the government’s plan, particularly a failure to secure supply lines for their troops. It’s suspected that al-Shabab forces encircled the government troops soon after they entered the village on August 22. The repercussions of the Cowsweyne assault were immediately felt, compelling the soldiers to pull back from other towns on the frontlines. This retreat imperiled many areas reclaimed from militants since August 2022. An alarming instance was the evacuation of Gal’ad, which jeopardized senior government officials’ safety. Presidential catastrophe averted In an unforeseen turn of events, Somali President Hassan Sheikh Mohamud, initially unaware of the retreat, was planning a visit to Gal’ad. However, advice from two senior officials averted what could have been a catastrophe. A UN helicopter carrying these officials narrowly escaped an ill-fated landing in a now-occupied town, thanks to timely warnings relayed to them. Mohamud has since declared the arrest of officers who deserted their posts. “Those who abandoned their positions, or worse, traded their weapons, will face the full might of the military tribunal,” Mohamud warned. Despite the setbacks, the government remains unfazed. Petroleum and Natural Resources Minister Abdirizak Omar Mohamed emphasized, “Al-Shabab is formidable, adaptable. Yet, we’re confident that with community support, the government will emerge victorious in this war against al-Shabab.” The post Somalia’s tactical twist: Communities confronting militants appeared first on Caasimada Online. -
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda. Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda. Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022. Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka. Madaxweynaha Biden ayaa boqortooyada uga digay sanadkii tegay inay jiri doonaan “cawaaqib” uusan faa-faahin oo ka dhalan kara inay Ruushka kula saaxiibto dhimista wax soo-saarka, xilli Moscow ay dagaal ka waddo Ukraine. Hadalka Sacuudi Carabiya, oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee Saudi Press Agency, ayaa lagu sheegay in dalka uu isha ku hayn doono suuqa, uuna qaadi karo tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo. “Dhimistan dheeriga ah ee mutadawacnimada ah waxaa loo qaaday si loo xoojiyo dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+, ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayaa lagu yiri qoraalka wakaaladda wararka SPA, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda tamarta. Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee Tass ayaa iyana kasoo xigatay Alexander Novak, wasiir ku-xigeenka tamarta, inuu yiri in Moscow ay sii wadi doonto dhimis ah 300,000 oo barmiil maalintii. Go’aanka ayaa “ujeeddadiisu tahay xoojinta dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+ ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayuu yiri Novak. La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa diiday inuu ka hadlo saameynta uu go’aankan ku yeelan karo suuqyada, inkasta oo uu sheegay in saraakiisha Mareykanka ay xiriir joogto ah la leeyihiin boqortooyada. Waxa uu sidoo kale sheegay in Biden “uu adeegsan doono wax kasta oo uu awoodo,” si uu u caawiyo shacabka Mareykanka. Xiriirka Sacuudiga iyo Washington ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Joe Biden November 2020. Biden ayaa ololaha doorashada ku sameeyey ballan-qaad ah in dhaxal-sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman uu ka dhigi doono “go’doon,” sababo la xiriira dilkii 2018-kii ee wariye Jamal Khashoggi. Hase yeehsee, xiisadda labada dal ayaa qabowday bilihii dhowaa ayada oo maamulka Biden uu raadinayo heshiis ay Riyadh xiriir diblomaasi kula yeelato kuna aqoonsato Israel. AP The post Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis aad uga caraysiin kara Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – In a move that sent ripples through the global oil market, Saudi Arabia and Russia jointly decided on Tuesday to extend their voluntary oil production cuts through year-end. This decision will take 1.3 million barrels of crude off the global table, swiftly elevating energy prices. “This additional voluntary cut is to support the stability and balance of oil markets,” an unnamed Energy Ministry official told the state-run Saudi Press Agency. The immediate ramifications were evident: benchmark Brent crude rocketed past the $90 a barrel mark, a price plateau not seen since November. However, the implications of this decision stretch beyond mere price metrics. Economic impacts Such a move naturally ignites concerns over inflation, potentially raising prices at gas stations for everyday consumers. “Barring a sharp economic downturn, these supply cuts should propel crude oil prices well above $90 per barrel,” noted Bob McNally, president of the Rapidan Energy Group. The White House has yet to make a definitive statement on the matter. However, National Security Adviser Jake Sullivan emphasized the Biden administration’s commitment to energy stability and “delivering relief to consumers at the pump.” Yet, political undertones resonate. This decision intensifies the friction between Saudi Arabia and the U.S., recalling President Joe Biden’s warning of “consequences” for Riyadh’s partnership with Moscow, especially in light of Russia’s ongoing conflict with Ukraine. The U.S. consumer will feel this in their wallets. Andrew Gross, a spokesman for AAA, shared that the average gallon of regular unleaded gas in the U.S. is $3.81, near the all-time high of $3.83 in 2012. However, the post-Labor Day lull in demand might dampen immediate spikes. Gross added a caveat: “A big storm along the Gulf Coast could move prices dramatically.” Inflationary pressures are, without doubt, on the horizon. Jorge Leon of Rystad Energy commented, “Higher oil prices will likely lead to more fiscal tightening in the U.S. to curtail inflation.” Geopolitical implications The oil cut decision could also influence geopolitics significantly. The Saudis are eager to push oil prices up, aligning with their Vision 2030 plan to transform the nation’s economic structure. Key initiatives under this vision, like the $500 billion city called Neom, rely on oil revenue. Saudi Arabia’s diplomatic dance with Washington also enters the spotlight. While tensions have simmered between both nations due to potential recognition of Israel by Riyadh, the kingdom’s ambitions to enrich uranium under a nuclear cooperation deal could complicate matters. Furthermore, the oil landscape intersects with nuclear politics. With Iran’s nuclear program advancing, Prince Mohammed’s declaration that Saudi would pursue an atomic bomb if Iran obtains one adds another layer of complexity. Lastly, Russia’s stance is clear. Higher oil prices enable Russian President Vladimir Putin to fund his ongoing operations in Ukraine, highlighting the intertwining of energy politics and geopolitical stability. The post U.S.-Saudi strains worsen amid Russo-Saudi alliance appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa in ka badan toddobaad ku maqan furimaha dagaalka, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay gaaray deegaano hor leh oo laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halka ay howlgaladu ka socdaan ayaa xalay ku hoyday deegaanka Labidulle oo u dhow deegaanka qadiimiga ah ee Ceel-lahey, halkaas oo shalay aad loogu baacsaday kooxda. Qoor Qoor ayaa hoggaaminaya dagaalka kooxda looga xoreynayo deegaanada bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmihii lasoo dhaafay isaga gudbay Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si halkaas uu uga soo abaabulo dagaalka. Axmed Qoor Qoor waxay tahay mudadii ugu dheereed ee furinta uu ku sugan yahay, kadib markii xalay habeenkiisii 9-aad uu ku hoyday furimaha bari ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamadu ay si tartiib ah u dabajoogaan firxadka Al-Shabaab oo hadba deegaan isaga baxaya. Wasiirka Gaashaandhigga oo dhowrkaan toddobaad Galgaduud ku sugan ayaa Madaxweynaha Galmudug ku wehliya safarkaan ay ku joogaan furimaha hore, iyagoo si joogto ah duurka iyo deegaanada fog ciidamada ugu sameynaya dhiirigelin, si aysan uga soo laaban dagaalka Al-Shabaab. Dhinaca kale Dhuusamareeb waxaa dib uga bilowday abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii beesha degta ay dhaleeceyn culus kala kula kulantay siyaasiyiinta qaar oo sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku hagradeen dagaalka. Ciidamadii beelaha ayaa dib loo abaabulay, halka kuwii abaabulaa ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano badan oo bari ka xiga Dhuusamareeb, taas oo muujineysa rajo weyn oo Shabaab looga ciribtiri karo Galmudug. Madaxwynaha ayaa toos u hoggaaminaya dardargelinta ololahaan dagaal ee looga xoreynayo deegaannada ay Shabaab kaga suganyihiin Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah Dhuusamareeb u joogay hoggaaminta dagaalka ayaa hadda ku sugan Shabeellada Dhexe, waxayna xogta aan heyno sheegeysaa inuu ku soo laaba doono Dhuusamareeb oo bil kale uu sii joogi doono. Mudada halka bil ah ee Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu sii deganaado Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeynayaa wajiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wajiga labaad oo ka bilaaba doona gobollada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. The post Qoor Qoor oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo ka billowday… appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka. Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo. The post Xamse iyo Farmaajo oo ku kulmay dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Dalka Sweden waxaa jiro digniinno loo jeedinayo dadka dalkaasi oo ku saabsan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay dhacaan, arrintaas oo cabsi ku beertay dadweynaha. Sidaas darteed waxaa kulan yeeshay laamaha ammaanka ee Sweden iyo qaybo ka mid ah bulshada. Kulanka waxaa si gaar ah loogu casuumay mas’uuliyiinta amniga xaafadaha ajaanibtu ay degto sida Soomaalida. Muhiimadda ugu weyn ee kulankan ayaa lagu sheegay inuu ahaa in boolisku dadka siiyaan macluumaad la xiriira waxa qofka la gudboon haddii khatari ay timaaddo . Muuse Yuusuf Faarax oo ka mid ah dadkii kulamadas soo abaabulay ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso rabshadihii ka dhacay Sweden ee la xiriiray gubista Kitaabka Quraanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay. “Kulanka waxaa qabanqaabiyay urur la dhaho Ibnu Rushd, waa daladda ugu weyn ay Muslimiinta Sweden leeyihiin xagga waxbarashada sababta ugu weynna waxay ahayd in macluumaad sax ah la siiyo bulshada,” ayuu yiri Muuse Yuusuf faarax. “Dalka Sweden waxaa ka socday dhawaanahaanba dibadbaxyo rabashado dhaliyay oo salka ku haya dhacdooyinka soo noqnoqday ee gubista Kitaabka Qur’aanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay waxayna taas sii kordhiso cabsida iyo kala fogaashaha bushada kala duwan ee Sweden.” “Kulamada ka dib dadka xaafadaha ajaaniibta waxaa ay heleen macluumaad muhiim ah, kuwaas oo aan inta badan helin macluumaadka ka soo baxa laamaha ammaanka waxaana lagu heshiiyay in hadda ka dib ay dadku helaan macluumaadka laamaha amniga.” “Kulanka oo lagu qabtay xaafadda Yarfa ee magaalada Stokholm ayaa waxaa dadka loo sheegay meelaha ay wici karaan haddii uu wax dhaco iyo qaabkii ay isku difaaci laahaayeen. Mar sii horreysay hay’adda amniga gudaha ee Sweden SAPO waxay sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta amniga ayadoo laga baqayo weerarro argagixiso, ka dib markii dhowr goor lagu gubay Kitaabka Qur’aanka iyo kutubta diimaha kale. Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah. Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka. Dalka Sweden waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin Muslimiin u dhaxaysa 250,000 – 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey. Madaxda Sweden ayaa dareen digniin leh ka bixiyey. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ulf Kristersson walaac aad u weyn ayuu ka muujiyey Khamiistii cawaaqibka ka dhalan kara dibad baxyo kale oo laga sameeyo gubidda quraanka. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa falkaas ku qeexay wax laga xumaado waxaana uu sheegay in kuwii oggolaaday ay ahaayeen kuwo gacan ka geystay kicinta nacayb loo qaado cid gaar ah. Ankara ayaa lagu yaqaan in si weyn ay uga soo horjeedday helidda xubinimada Iswiidhan ee NATO, sababahana waxaa ka mid ahaa falalka noocan ah. Taas oo Sweden ku ah caqabad weyn, maadaama soo gelintaanka gaashaanbuurta Nato ay ku xidhan tahay helidda codadka ogolaanshaha ee dhammaan dalalka xubint ka ah. Isha: BBC The post Muxuu yahay walaaca lasoo dersay SOOMAALIDA iyo Muslimiinta kale ee Sweden? appeared first on Caasimada Online.
-
I remember the war between Pakistan and India in the year 1971 which resulted the disaster defeat of Pakistan well equiped armed forces. The immediate cause was when pakistan tried to crackdown the bengali people living in east pakistan who wanted to separate their territoy from the rest of pakistan( present-day Bangladesh). India was directly opposed the brutality killings by the pakistani army who launched a crackdown against Bengalicivilians,students,intellectuals and armed personell in east pakistan(Bangladesh). On Dec 3rd 1971 India decided to defend the bengali people of east pakistan militarily and war brokeout between India and Pakistan. After heavy war was started pakistan military was easily and badly defeated on 16th Dec 1971 the war was going only 13 days. The pakistani Armed forces in the east was surrendered to Indian Military and admitted defeat. When pakistan lost the war East Pakistan(Bengladesh) declared its independence as sovereign new state headed by president Mujibu Rahman. What happened when pakistan was defeated? The president of pakistan addressed the nation to the radio and television( his statement-I am your president General Yahya Khan i am sorry i admit defeat and pakistan lost the war with India and i took reponsibility of the defeat) i fired the defence minister,Army chief,officers who led the war in such a bad dirty way that caused to the defeat.as a president of the nation i have resigned..bye..bye. Thanks all Yusuf Abdilahi Janale contact.somalilandcitizen@gmail.com Qaran News
-
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo Sheegay inay Somaliland ka Gudbayso Isgoys Adag Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in aanay ciidamada Somaliland oo tilmaamay inay yihiin geesiyo ay dhiirigelinayaan. Guddoomiye Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in bini’aadanku kufaan hase yeeshee loo baahan yahay in laga kabto. Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay inay Somaliland soo martay xaalado ka qalafsan tan maanta, hase yeeshee laga baxo marxalada isgoyska ah ee dalku marayo. Waxa kaloo uu ammaan u jeediyay ciidamada qaranks oo uu sheegay inay ku barbar taagan yihiin difaaca dalka ee ay naftooda u hurayaan. Qaran News
-
Ciidanka Debdamiska ooka Hadlay Hawlgal ay ka Fuliyeen Xaafada Sh. Nuur Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala xaafada Sheekh Nuur. Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco. Sidoo kale ciidanku wuxuu bulshada ku adkaynayaa in ay dabka soo sheegaan inta uu yaryahay. Qaran News
