Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Arab countries raced to show solidarity with Morocco on Saturday following a powerful earthquake that killed hundreds. Source: Hiiraan Online
  2. The death toll from a powerful earthquake in Morocco has soared to more than 2,000, with a similar number of injured. Source: Hiiraan Online
  3. Awdheegle (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay bar koontraool oo laga soo galo degmada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa la fashiliyay, isla-markaana laga hortegay in xubnaha Al-Shabaab ay gudaha usoo galaan Awdheegle. Waxay sidoo kale intaasi ku dareen in weli dagaalka uu socdo, isla-markaan ay howlgal ka hortag ah wadaan ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaq culus uu ka socdo degmada. Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada Awdheegle appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU, SOMALIA — An airstrike in a town in Somalia caused several casualties, including children, said residents and authorities, while three members of an al-Qaida-linked extremist group were killed. Source: Hiiraan Online
  5. The African Union (AU) Transition Mission in Somalia (ATMIS) said it has wrapped up a five-day training course to sharpen skills for Somali public officers in human rights and civilian protection. Source: Hiiraan Online
  6. Doha, Qatar: Prime Minister of the Federal Republic of Somalia HE Hamza Abdi Barre left Doha on Saturday morning after a working visit to the country. Source: Hiiraan Online
  7. Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay Alle ha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatiirta magaalada. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu toogtay gudaha xarun caafimaad oo uu ka hawlgalyay islamarkaana ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilkiisa fulisay. Laamah amniga Puntland ee Gobolka Mudug weli kama hadlin dhacdadan dilka ah oo lala xiriirinayo aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday Gobolkaas. Ururka ay ku midaysan yihiin dhaqaatiirta Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumka ayaa sidoo kale laamaha amniga ka dalbaday in si deg deg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka danbaysay dilkiisa. Dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug ayaa saamayn ku yeeshay amniga iyo xasiloonida degaanka. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo xalay nin dhaqtar ah ku dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  8. Gaalacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dhaqtar caan ka ahaa waqooyiga magaaladaas oo xarun ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Sakariye Cabdi Jaamac, wxuuna ahaa dhaqtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda. Wararka ayaa sheegaya in aano qabiil darteed loo dilay dhaqtarka, waxaana nin hubeysan uu ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn. Ninka dila gaystay ayaa ku labisnaa dareenka ciidamada, wuxuuna ku hubeysnaa qoray AK47 ah, kaas oo gudaha u galay xarunta kadibna toogtay Dr Sakariye Cabdi Jaamac, sida laga arki karo muuqaal kooban oo ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta. Sidoo kale waxaa ninka hubeysan ee dilka fuliyay la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaan falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka. Arrinta argagax leh ayaa ah in muuqaalka laga arkay ninka hubeysan ee toos u tooganayaa marxuumka, isaga oo gudaha u galay xarunta, isla-markaana toos ugu bilaabay xabadda. Kooxda dilka fulisay ayaa kadib goobta ka carartay, waxaana meesha goor dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban sameeyay. Dilka Dr Sakariye Cabdi Jaamac ayaa hadal hayn xoogan ka dhaliyay baraha bulshada, waxayna dadka aad ula yaabeen sida loo dilay iyo sababta oo ahayd aano qabiil darteed. Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dialka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi The post Dr Sakariye oo si arxan darro ah loogu dilay Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.
  9. Guddida Iswaafajinta Doorashooyinka oo ku Gudo-jira Naaqishaada Qaraarka loo xilsaaray Hargeysa(Qaran news)- Guddidii Golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo xilsaaray iswaafajinta labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada ee dhawaan ay go’aamada xalka ah ka soo saareen madax-dhaqameedka beelaha bariga Burco. Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashiiyinka ee Golaha Wakiillada ayaa xarunta Golaha Wakiilada fadhigoodii 3aad ku lafa-gurey Xeerarka Doorashooyinka (Xeerka Doorashooyinka guud Xeer lr 91 iyo Xeerka doorashada ururrada Xeer Lr 14. Shirkan oo uu gudoominayey Guddoomiyaha Guddidaas Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax. Ma jirto weli wax go’aan ah oo ay kaga talo bixinayaan qaddiyadan miisaanka leh ee loo xilsaaray, iyadoo ay jirto in xildhibaanada Guddida ka tirsani qudhooda ay ku kala aragti duwan yihiin is waafajinta doorashadan isku sidkan. Qaran News
  10. Taliska Booliska oo Gaadhi Cusub ku Wareejiyay Bilayska Sheekh Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa gaadhi ku wareejiyey ciidamada Booliska ee degmada Sheekh. Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibadii gaadhigan lagula kala wareegaayey ayaa sheegay in gaadhigan uu ciidamada Booliska ee degmada Sheekh soo gaadhsiiyey Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). Guddoomiyaha Gollaha Deegaanka ee degmada Sheekh Ismaaciil Xabeeb, waxaanu taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) uga mahadceliyey gaadhigan uu gaadhsiiyey ciidamada Booliska ee degmada Sheekh, isaga oo cadeeyey in uu gaadhigani wax badan ka taraayo baahida ciidamada Booliska ee degmada Sheekh. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa gaadhiga la siiyay ciidamada Booliska ee degmada Sheekh uga mahadceliyey Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxaanu sheegay in gaadhigan ay ciidamada Booliska ee degmada Sheekh baahi weyn u qabeen. Qaran News
  11. Maxaas (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey haweeney waayeel ah oo ka tirsan ciidanka Macawiisley ee dagaalada adag Al-Shabaab kula galay gobolka Hiiraan, gaar ahaan Macawiisleyda beesha Xawaadle. Hooyadaan oo magaceeda lagu soo koobay Cabdiyo ayaa hadda ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo abaabulkii ugu cuslaa uu ka socdo, waxayna ka sheekeysay halgan dheer oo ay soo gashay, goortii ay soo bilowday iyo sababta ku kaliftay inay qoriga qaadato. Maamo Cabdiyo oo la hadashay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay qoriga qaadatay maalintii Al-Shabaab ugu yaraan 30 qof iyo 10 gaadiid ah ku gubeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne, ilaa hadana ay sidii u dabajoogto. “Waxay naga dileen wiilal haldoor ah, ceelashii biyaha ayey naga duugeen, markii dambana dadkii iyo gaadiidkii ayey naga gubeen, maalintaas ayaan qoriga qaatay, waxaan ku biiray Macawiisley, waxaana ka qeyb galay dhamaan dagaaladii gobolkaan looga xoreeyey Khawaarijta, TV-ga ayaana ka soo muuqa jirin maahane maalin kama bixin dagaalka,” ayey tiri Maamo Cabdiyo. Waxay sheegtay inay ka qeyb gashay dhamaan dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan, hadana ay doonayaan inay wax ka xoreeyaan deegaanada ay degaan beelaha kale, maadaama ay dhulkoodii ka xoreysteen kooxda. “Khawaarijta dhulkeena waan ka xoreysanay, waxay heystaan beesha Murusade, Madaxweynihii ayaa noo yimid oo naga codsaday inay deegaanada haray wax ka xoreyno, hadii aana dhiman inta Khawaarij mid ka noolyahay kama hari doono,” ayey tiri Cabdiyo. Hooyo Cabdiyo waxay sheegtay in dagaalka ay kula jiraan shan wiil oo ay dhashay 10 kale oo ayada la dhalatay, sidoo kale markii lagu daro dadka kale ee qaraabada la ah waxay sheegtay inay 40 qof gaarayaan. “Dhamaan ehelkeyga waa ku jiraan halgankaan, shan aan dhalay iyo ilaa 40 kale ayaa dagaalka igula jirta, qabiilkeena kore dhowr kun oo qof ayaa maanta diyaar u ah dagaalka, waxaana rabnaa inaan Murusade la tagno Wabxo ilaa Ceelbuur,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Cabdiyo. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Qisada Hooyo Cabdiyo iyo wiilasheeda ku kaliftay inay Shabaab la dagaalamaan appeared first on Caasimada Online.
  12. Maxaas (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Maxaas ku sugan ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu fartiin u diray dhinacyo uu sheegay in aysan daacad ka aheyn dagaalka kooxda. Sanbaloolshe iyo beeshiisa isku dhaarsaday inay u soo aaraan Xasan Tuure iyo ku xigeenkii Danab ee Galcad lagu dilay, isagoo yiri “Ninkii Cali Madaxweyne ee ciidamada Soomaaliya ugu fiicnaa soo Xasan Tuure ma aheyn? Hadii aanaan Shabaab ka soo aarsan gabadheenu guur malaha.” Sanbaloolshe ayaa soo jeediyey in wixii khilaaf ah meel la iska dhigo ee loo soo jeesto dagaalka Al-Shabaab, “Maxaas markii la isugu imaanayey waxaa adkeed in salaanta la iska qaado, hadda dib ayaa loo walaaloobay, waxaana go’aansanay in siyaasadda na kala qeybisay aan meel iska dhigno ee dagaalka u soo jeesano,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Wuxuu sheegay Sanbaloolshe in wax gorgortan siyaasadeed ah aysan Xawaadle geli karin, inta Shabaab ay hor taagan yihiin, sida uu ka hor sheegay boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay Maxaas. “Marti ayaa nala joogta, dagaalka AlShabaab anagaa bilownay ee maanta maka baqanaa, markaasaan siyaasado kale ku mashquulnaa? Ayuu Sanbaloolshe weydiiyey shacabkii iyo masuuliyiintii maanta isugu soo baxay Maxaas. Sidoo kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si adag u weeraray dad uu sheegay inay Shabaab taageeraan oo suurad xumeeyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta. “Naago dayuusiin ah oo dagaalka aan ku jirin oo deeq aan bixineyn, oo war fiican aan laga heleyn iyo niman wareersan oo qurbajoog ah oo Shabaab u wada shaqeeyoo dulmi baraha bulshada ka wada miyaan warkooda yeelnaa, mise dagaalkaan xaqa ah ee waajibka ah ayaan galnaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe. Wuxuu intaas ku sii daray in Xawaadle aysan xornimo heysan inta beelaha deriska la ah ay deegaanadooda Shabaab joogaan, “Inta Shabaab bari iyo galbeed naga xigo xornimo ma heysano, dalkaan inay difaacaan adinkaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe. Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa dadkiisa ka balan qaaday in hadii ay dagaal galaan aysan jaagoo doonin oo dhaawacyadoodu aysan dayacmi doonin, “Waa mideysanahay maanta kadib, dagaalkaan geleynaa, dagaalka ka hor Maxaas Madaxweyne ma imaa jirin, waxa la idinku tixgelinaayo waa sida aad cadowga isaga dul-qaadeen,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Hoos ka daawo The post Daawo Sanbaloolshe: Xasan Tuure anagoo u soo aarin gabadhaheenu guur malaha appeared first on Caasimada Online.
  13. he Chancellor of Hano Technical University embarked on a historic visit to Malaysia, an occasion that not only cemented international ties but also heralded a transformative leap in academic collaboration between two esteemed institutions. Source: Hiiraan Online
  14. On Friday morning, September 8, a Kenya Airways pilot took swift action to prevent a potential catastrophe involving two planes at Nairobi's Jomo Kenyatta International Airport (JKIA). Source: Hiiraan Online
  15. Maxaas (Caasimada Online) – Abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka bilowday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta uu ka dhacay isku soo bax aad u weyn. Masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa isugu tegay degmada Maxaas, kuwaas oo sheegay inay bilaabayaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, xildhibaano heer federaal ah, masuuliyiin iyo waxgarad kale ayaa isugu yimid isku soo bixii maanta ka dhacay Maxaas. Guddoomiye Cali Jeyte oo ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab seddax markii loo dhigo hal dhig uu ka haray, waxayna reer Hiiraan maanta isku dhaarsadeen inay qaadaan duulaan culus oo Shabaab ay ku soo afjarayaan. Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo halkaas ka hadlay ayaa isna balan-qaaday in xoogooda ay isugu geynayaan dagaalka Al-Shabaab. “Wixii khilaaf ah aan dhinac iska dhigno dagaalka aan u soo jeesano, cidii nagu kaalmey kartana waan rabnaa, dagaal adag ayaan soo marnay oo qofba kaalin ku lahaa, maanta dhameystirkii ayaa noo haray,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed. Abaabulkaan ay maanta muujiyeen reer Maxaas ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu magaaladaas tegay Madaxweyne Xasan Sheekh oo beesha Xawaadle iyo xoogaggii kale ee martida u ahaa ka dalbaday inay dagaalka galaan, si looga adkaado argagixisada. Degmada Maxaas oo ku taalla halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, sidoo kale u dhow xadka gobolka Sh/Dhexe ayaa muhiim u ah abaabulka dagaal ee la doonayo in Shabaab looga xoreeyo magaalooyin muhiim ah oo Ceelbuur ay ugu horeyso. The post Xawaadle oo abaabul dagaal ka bilaabay Maxaas – Muxuu yahay qorshaha socda? appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweyne Muuse oo Seefta Mariyay Taliyihii Sirdoonka, Isku-shaandheyntii ugu Weynaydna ku Samaynaya Xukuumadiisa Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa galabta xilalka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland Faysal Guhaad Cabdi Gahayr. Madaxweynuhu wuxuu xilkaas si ku meel-gaadh ah ugu sii dhiibay Taliyaha sirdoonka ee gobolka Maroodijeex oo la yidhaahdo Cabdi Muuse Qaadi Waxa tallaabadani ku soo beegantay xili si weyn loo naqdiyayo Xukuumadda kadib guul darradii soo gaadhay ciidanka Qaranka ee ka soo baxay fadhiisimo badan oo ay ku lahaayeen Bariga gobolka Sool oo ay ugu weynayd taliskii Goojacadde ee laga hagayey dagaalka ciidamaddu kula jiraan huwanta Laascaanood. Xil ka qaadista Taliyaha Sirdoonka, ayaa ilo xo ogaal ahi noo xaqiijiyeen inay qayb ka tahay isku shaandheyn ballaadhan oo madaxweyne Muuse Biixi ku sameynayo Xukuumadiisa. Isku shaandheyntan oo uu madaxweynuhu sameynayo ayaa saaneyn doonta Golaha Wasiirrada, Ciidamada iyo Agaasimeyaasha guud; wuxuuna madaxweynuhu doonayaa inuu dhiso Xukuumad adag oo kala dabaalata duufaanada siyaasadeed iyo dagaalka Laascsanood oo xisbiyada mucaaridka ah, Xildhibaanada baarlamaanka iyo shacbiguba ay sheegeen inay sababtay siyaasad xumada xukuumadda iyo talo-maroorsiga madaxweynuhu caanka ku noqday. Qaran News
  17. Xukuumadda Somaliland oo Walaac ka Muujisay Argagixisada fadhiisatay Laascaanood Hargeysa(Qaran news)-War-saxaafadeed galabta ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in horjooge caan ah oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo 600 ciidan argagixiso ah ay gudaha u soo galeen magaalada Laascaanood, waxaanay shacabka loogu baaqay inay ka feejignaadaan. War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan; Ciidammada Ammaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaqiijiyey in ku dhawaad 600 oo ka mid ah kooxaha nabad-diidka ah oo uu wato Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangoole) oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab inay soo galeen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Jamhuuriyadda Somaliland labadii maalmood ee u dambeeyey, arrintaas oo sii korodhisay welwelka ka dhex jira muwaadiniinta. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Shangole uu yahay sidii maleeshiyaadka deegaanka loogu tababari lahaa diyaarinta walxaha qarxa iyo sidii Al-Shabaab saldhig uga sameysan lahaayeen buuraleyda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, Laascaanood waxaa ku soo badanayay weerarada, dadaalada qorista, iyo faafinta dacaayadaha xagjirka ah. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa wax u dhimaya dadaallada ay dowladda iyo ciidamada ammaanku ku doonayeen in ay ku ilaaliyaan ammaanka iyo kala dambeynta deegaanka. Kor u kaca dhacdooyinka rabshadaha wata iyo fikradaha xagjirka ah ayaa khatar weyn ku ah nabadda iyo xasiloonida Somaliland iyo guud ahaan gobolka. Xukuumadda ayaa walaac xooggan hore ugu gudbisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee nabad-gelyada ee mandaqadda, iyadoo dhacdooyinkani khatar ku yihiin hab-dhaqanka bulshada iyo dalka. Kor u kaca dhaq-dhaqaaqa xagjirka ah kuma eka oo kaliya in uu saameeyo amniga Laascaanood balse waxa ay sidoo kale awood u leedahay in ay ku soo qulqulaan gobolada deriska la ah, taas oo sii xumaynaysa xasiloonida deegaanka. Xukuumadda oo kaashanaysa ciidamada ammaanka ayaa qaadaysa tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo xaaladdan adag. Waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo xog uruurinta, xoojinta amniga xuduudaha, iyo hagaajinta isku xidhka hay’adaha amniga si looga hortago khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah. Dawladdu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka, dalalka deriska ah, iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada Laascaanood. Wadashaqeyn iyo iskaashi ayaa lama huraan u ah si wadajir wax looga qabto arrintan adag. Sidoo kale, dawladdu waxay u soo jeedinaysaa bulshada deegaanka inay ka feejignaadaan wixii ay ka shakiyaan ama cid kasta oo ay ka shakiyaan. Dedaalka wadajirka ah ee dowladda, ciidamada amniga iyo bulshada ayaa muhiim u ah sidii looga gudbi lahaa khatartaas iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay bad-qabka iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, isla markaana ay sii wadi doonto inay qaado tallaabo kasta oo lagaga hortagayo falalka xagjirka ah. Waxay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta qiyamka nabadda, wadajirka ee aasaaska u ah dalkeenna.” Qaran News
  18. Xukuumadda ayaa Walaac ka muujisay Dhaqdhaqaaqyo Xag-jirnimadda iyo korodhka Al Shabaab ee ka socda Laascaanod. War-saxaafadeed galabta ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda #Somaliland ayaa lagu sheegay in horjooge caan ah oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo 600 ciidan argagixiso ah ay gudaha u soo galeen magaalada #Lascanod, waxaanay shacabka loogu baaqay inay ka feejignaadaan. War saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan; Ciidammada Ammaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaqiijiyey in ku dhawaad 600 oo ka mid ah kooxaha nabad-diidka ah oo uu wato Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangoole) oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab inay soo galeen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Jamhuuriyadda Somaliland labadii maalmood ee u dambeeyey, arrintaas oo sii korodhisay welwelka ka dhex jira muwaadiniinta. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Shangole uu yahay sidii maleeshiyaadka deegaanka loogu tababari lahaa diyaarinta walxaha qarxa iyo sidii Al-Shabaab saldhig uga sameysan lahaayeen buuraleyda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, Laascaanood waxaa ku soo badanayay weerarada, dadaalada qorista, iyo faafinta dacaayadaha xagjirka ah. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa wax u dhimaya dadaallada ay dowladda iyo ciidamada ammaanku ku doonayeen in ay ku ilaaliyaan ammaanka iyo kala dambeynta deegaanka. Kor u kaca dhacdooyinka rabshadaha wata iyo fikradaha xagjirka ah ayaa khatar weyn ku ah nabadda iyo xasiloonida Somaliland iyo guud ahaan gobolka. Xukuumadda ayaa walaac xooggan hore ugu gudbisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee nabad-gelyada ee mandaqadda, iyadoo dhacdooyinkani khatar ku yihiin hab-dhaqanka bulshada iyo dalka. Kor u kaca dhaq-dhaqaaqa xagjirka ah kuma eka oo kaliya in uu saameeyo amniga Laascaanood balse waxa ay sidoo kale awood u leedahay in ay ku soo qulqulaan gobolada deriska la ah, taas oo sii xumaynaysa xasiloonida deegaanka. Xukuumadda oo kaashanaysa ciidamada ammaanka ayaa qaadaysa tallaabooyin degdeg ah oo wax lagaga qabanayo xaaladdan adag. Waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo xog uruurinta, xoojinta amniga xuduudaha, iyo hagaajinta isku xidhka hay’adaha amniga si looga hortago khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah. Dawladdu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka, dalalka deriska ah, iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada #Laascanod. Wadashaqeyn iyo iskaashi ayaa lama huraan u ah si wadajir wax looga qabto arrintan adag. Sidoo kale, dawladdu waxay u soo jeedinaysaa bulshada deegaanka inay ka feejignaadaan wixii ay ka shakiyaan ama cid kasta oo ay ka shakiyaan. Dadaalka wadajirka ah ee dowladda, ciidamada amniga iyo bulshada ayaa muhiim u ah sidii looga gudbi lahaa khatartaas iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay bad-qabka iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, isla markaana ay sii wadi doonto inay qaado tallaabo kasta oo lagaga hortagayo falalka xagjirka ah. Waxay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta qiyamka nabadda, wadajirka ee aasaaska u ah dalkeena. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashau dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter oo ku dhuftay dalka Marooko, gaar ahaan maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant. War kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga yacsiyeyeeyay musiibada ka dhalatay dhul gariirka Marooko oo sababay khasaare xoogleh. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Morocco.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Dhimashada ayaa haatan la xaqiijyay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP. Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib. Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida. Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay. Si kastaba, waxaa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah. The post DF oo shaacisay inay garab taagan tahay Marooko kadib arrintii ku dhacday appeared first on Caasimada Online.
  20. Mahas (HOL) - Hirshabelle Vice President Yusuf Ahmed Hagar, former Hiiraan region governor Ali Jeyte, and lawmakers displayed army vehicles and the most significant forces prepared for a massive anti-al Shabab operation in Mahas district on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Alarming Increase of Al-Shabaab and Extremist Activity in Las’anod, Somaliland Raises Concerns. Hargeisa, Somaliland FOR IMMEDIATE RELEASE Alarming Increase of Al-Shabaab and Extremist Activity in Las’anod, Somaliland Raises Concerns. Hargeisa, Somaliland The Government of the Republic of Somaliland Security Forces have confirmed that approximately 600 insurgents led by Fuad Mohamed Qalaf (Shangole) one of the leaders of the Al-Shabaab have entered Las’anod, Somaliland in the last couple of days, this has sparked growing concerns among authorities and citizens. Sources have shared that the objective of the visit by Shangole is to train the local militants on how to prepare explosives and how Al-Shabaab can create a base in the mountains of Erigavo, Sanaag. In the past few months, Las’anod has witnessed a disturbing increase in attacks, recruitment efforts, and the spread of extremist propaganda. These activities undermine the efforts made by the government and security forces to maintain law and order in the area. The rise in violent incidents and extremist ideologies poses a significant threat to the peace and stability of Somaliland and the region as whole. The Government of the Republic of Somaliland has expressed their deep concern in the past to the International Community and various Security Agencies in the region, as these incidents jeopardize the social fabric of the community and country. The rise in extremist activity not only affects the security of Las’anod but also has the potential to spill over into neighboring regions, further destabilizing the area. The Government of the Republic of Somaliland, in collaboration with the security forces, is taking urgent measures to address this critical situation. Efforts are being made to enhance intelligence gathering, strengthen border security, and improve coordination among security agencies to counter the threat posed by Al-Shabaab and other extremist groups. The government calls upon the international community, neighboring countries, and relevant regional organizations to provide support and assistance in combating terrorism and extremism in Las’anod. Cooperation and collaboration are essential in effectively addressing this pressing issue. Furthermore, the government urges the local community to remain vigilant and report any suspicious activities or individuals to the authorities. The collective efforts of the government, security forces, and the community are crucial in overcoming this threat and restoring peace and stability to Las’anod. The government of Somaliland reaffirms its commitment to the safety and security of its citizens and will continue to take all necessary measures to counter extremist activities. It stands firm in its determination to protect the values of peace, unity, and harmony that are the foundation of our country. ### Qaran News
  22. Xisbiga WADDANI oo Caddeeyay in Ciddii Jabisay Ciidanku uu yahay Madaxweyne Muuse Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland inuu ahaa qofka koowaad ee jabiyay ciidanka Qaranka. Sidaasba waxa sheegay Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WAADANI, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, waxaanu tilmaamay in madaxweyne Muuse uu yahay cidda koowaad ee horseeday jabka soo gaadhay Ciidanka Qaranka, wuxuuna xusay in ciidanka Somaliland ahaa ka ugu dhisan Soomaalida, hase ahaatee hoggaan xumadii Xukuumaddu ay keentay dhibta soo gaadhay. “Muuse iyo xukuumadda Kulmiye ayaa Qarankii dhulka jiiday. Golaha Wakiilada JSL waa in uu degdeg guddi baadhis ah u saaraa. Waxa kale oo ayaan darro in Nuux Taani weli ciidanka ka hor khudbadaynayo,” ayuu yidhi Xoghaye Galaal. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu hore u diiday baaqii WADDANI iyo beesha caalamka ee ahaa in la kala fogeeyo ciidamada, si loo bilaabo jawi wadahadal oo ay u yeeshaan Somaliland iyo Isimada Sool. Xoghaye Galaal wuxuu caddeeyay in aan la aqbali karin in madaxweynaha oo masuul ka ahaa dhibkii ciidamada uu haddana isagu guddi magacaabo. Xoghayaha Warfaafinta WADDANI wuxuu garaadada Sool ugu baaqay in loogu yimaado iyagoo badqaba maxaabiistii ay ku qabteen dagaalkii dhawaan dhex maray ciidamada Qaranka. Galaal wuxuu ugu baaqay ururrada siyaasadda inay aqbalaan go’aankii ergada beesha bariga Burco oo uu ku tilmaamay xal dalka laga saarayo khilaafkii ragaadiyay Somaliland. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin culus oo ku aadan arrintan Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaadan Xildhibaan Dahabo Suusow. Xildhibaannadda oo la hadashay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in moohinkooda ay ku gudbiyeen illaa 40 mudane, isla-markaana ay cadaalad ugu raadinayaaan Sheegow. “Annaga oo ah 40 xildhibaan ayaa baarlamaanka horgaynay mooshinka waxaan ka hadlaynay cadaalad ee ma nihin dad fowdo wado” ayay tiri Dahabo Suusow. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in mooshinkooda oo ay gudbiyeen 30-ka bishii hore balse aan weli la horkeenin golaha, taas oo ay ku sheegtay cadaalad darro, waxayna eeddda dhabarka u saartay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya “Waxaan leenahay baarlamaanka dhexdiisa waxaa ka jiro cadaalad darro ma jiro sharci, haddii uu sharci jiroi wuxuu noo keeni lahaa mooshinkeena” ayay sii raacisay. Waxay hadalkeeda kusii dartay “Eedaas waxaan saraa guddoonka baarlamaanka 48 saacadoo ayuu sharciga qoraa annagana bisha 30-keeda ayaan gaynay baarlamaanka illaa haddana wax laga qabtay ma jiraan, isagana wuu xiran yahay”. Dhanka kale, waxay ka hadashay xaaladda jananka, waxayna sheegtay in lagu hayo dhibaato, loona diiday xittaa inuu isticmaalo taleefanka ama uu la hadlo qoyskiisa. “Waxaa jira Sheegow hortiis dad xirnaa oo taleefoon haysto isaga taleefan ma haysto, waana loo diiday” ayay ku dartay hadalkeeda. Jeneraal Sheegow oo isaga iyo ciidamada loo haysto eedeymo culus ayaa dhawaan laga soo xiray degmada Dharkenley, isaga oo dagaal culus la galay ciidamada Booliska Soomaaliya. The post Daawo: Mooshin ku saabsan arrinta Sheegow oo la horgeeyay BF appeared first on Caasimada Online.
  24. Boorame(Qaran news)- Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa sheegay in aanay ciddi waxyeeli karin muwaadiniinta ka soo jeeda gobolka Sool ee ku sugan Boorame. Badhasaab Xasan Daahir wuxuu sheegay in gobolka Awdal uu caan ku yahay martigeljnta bulshada, oo aanay jirin cid dhibaato la soo gaadhay siisay iyo cid halis amni darro ay soo wajahday midna. Badhasaabka Awdal wuxuu sheegay in ardayda jaamacadaha ka dhigta Boorame ay u sheegeen in aanay wax dhib ah qabin. Sidoo kale wuxuu fariin u diray ardayda jaamacadaha iyo qoysaska ka soo jeeda Sool ay is dejiyaan oo aanay jirin cid waxyeeli kartaa. Qaran News
  25. Tirada dadka ku dhintay dhul-gariir cabirkiisu ahaa 7.2 magnitude oo gilgilay qeybo ka mid ah dalka Morocco ee Waqooyiga Africa ayaa hadda kor u dhaaftay 800 oo ruux. Dhul-gariirka ayaa burburiyay dhismayaal, waxaana dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ay guryahoodii uga baxeen cabsi ay ka qabaan dhul-gariirka oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo 2004-tii. Dhul-gariirka ayaa waxyeelo u geystay magaalada Marrakech, oo ah tan ugu weyn ee ugu dhow halka uu sida daran ugu dhuftay, waxaana dadka ku nool ay xalay ku hoyden bannaanka iyagoo ka cabsanaya inay guryahooda seexdaan. Minaarad masaajid ah ayaa ku dhacday fagaaraha Jemaa al-Fna, oo ah wadnaha magaalada qaddiimiga ah ee Marrakech, oo ah goob ay hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay taariikhi. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku boorisay in dadku is dejiyaan, iyadoo hadal laga sii daayay telefishinka ku sheegtay in dhul-gariirka uu ku dhuftay gobollada Al Haouz, Ouarzazate, Marrakech, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant. PUNTLAND POST The post Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirka Morocco oo kor u dhaafay 800 oo ruux appeared first on Puntland Post.