-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia, in partnership with the World Bank and the World Health Organization (WHO), has embarked on a groundbreaking journey to amplify the medical emergency services in the nation. The Federal Ministry of Health and Human Services primarily drives this concerted effort. With a financial backing of US$ 11.4 million from the World Bank through the Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), the initiative endeavors to enhance critical care capacities across federal and state referral hospitals. Somalia’s health infrastructure faces an acute crisis with rising instances of both communicable and non-communicable diseases. Compounding the issue are the injuries and disabilities resulting from persistent conflicts and the frequent usage of improvised explosive devices. Abdi Tawane, Co-Project Manager of SCRP at the Federal Ministry of Finance, articulates the gravity and vision, stating, “We are spearheading efforts to fortify Somalia’s emergency health care. This is not just an immediate intervention; our upgrades and training endeavors are building the foundation for a robust healthcare system for the foreseeable future.” Post the official inauguration of this initiative, key stakeholders, including representatives from WHO, the Federal Ministry of Finance, and the Federal Ministry of Health and Human Services, converged to delve deeper into the operational aspects of the Project. Minister of Health and Human Services, Dr. Ali Hadji Adan Abubakar, emphasized the collaborative spirit, noting, “Our progress during the COVID-19 crisis, supported by partners like WHO and the World Bank, underscored the strength of collaboration. We are now poised to take even bolder steps.” Goals and expected outcomes This initiative’s heart is the vision to operationalize emergency and critical care in eight primary hospitals, positioning them as regional referral centers. By doing so, they align with the Government’s integrated health services blueprint as outlined in the Essential Package for Health Services (EPHS 2020) for Somalia. A secondary objective is bolstering referral mechanisms from grassroots health care to advanced care, thereby crafting a comprehensive health care delivery model. Dr Mamunur Rahman Malik, WHO’s top official in Somalia, lauded the initiative, asserting, “By focusing on a holistic health system approach, we are emphasizing the imperative of bolstering emergency services. This not only aids in achieving universal health coverage but ensures preparedness for future pandemics and reinforces health as a fundamental right.” The crisis recovery project The SCRP is more than just a project; it is a vision for a resilient Somalia, primed to recover from past calamities and fortified against future adversities. As part of its third component, SCRP, in alliance with the Ministry of Health and Human Services, is pioneering strategies for strengthening the health sector’s resilience. This includes establishing emergency telehealth networks for remote communities, enhancing early disease warning systems, and capacitating community health workers in trauma response. Saleiman Sheik Umar, Director-General of the Ministry of Finance, highlighted the importance of governance, stating, “Our commitment is to transparency and collaboration. Through this, we aim to save lives and fortify public confidence in our institutions.” In the larger canvas, the SCRP envisions a Somalia resilient against climatic shocks, advocating for the universal right to health, especially amidst the prevailing challenges. The post Somalia’s $11.4M boost for regional emergency care appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Sabti ah go’aan adag kasoo saartay kiiska Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) & Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow), kuwaas oo ay 22-kii bishii May ee sanadkan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho ah. Anas Cabduqaadir iyo Aadan Mursal ayaa labaduba waxaa lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dilal ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dadka ay dileen waxaa kamid ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamac Maxamed, sida ay shaaca ka qaaday Maxkamadda sare ee ciidamada. Dhammaan dadka ay dileen ayaa waxaa ka raaci jireen Salaadaha Masjidka marka ay soo Oogeen kadib, ayaga oo u gaysta toogasho gaadmo ah. Sidoo kale labadan nin oo horay u bixiyay wareysiyo ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin xanuun badan iyo dilal ay ka gaysteen inta ay ka howlgalayeen magaalada Gaalkacyo. Raggan ayaa gacanta ciidamada ammaanka soo galay 17-kii April ee sanadkan 2023-ka, kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay leeyiihiin ciidanka sida gaarka u tababaran ee kumaandooska Xoogga dalka ee Danab. Maxkamadda sare ee ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ee ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda waxayna ugu dambeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yarow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida. Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay xukunada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale jira rag kale oo soo galay gacanta dowladda, kadib markii ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada gudaha Soomaaliya. The post Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Aadan Mursal iyo Anas Cabdulqaadir Cali appeared first on Caasimada Online.
-
Hon. Dr. Steven L. Kiruswa, Deputy Minister of Minerals of Tanzania, will join a high-level line-up of speakers at the upcoming Critical Minerals Africa (CMA) 2023 summit (https://CriticalMineralsAfrica.com/), affirming the country’s position as a leading mining hotspot. As demand for green energy and transition minerals soars, Tanzania has drawn global interest in the extraction and exploitation of its critical mineral resources, supporting its goal to increase mining sector contributions to GDP to 10% by 2025. Last April, the government signed contracts totaling $667 million with three Australian companies to mine graphite and rare earths, and is seeking to strengthen engagement with Australian service firms in the provision of mining, machinery and technology services. Meanwhile, the US announced plans last March to boost bilateral trade and investment with Tanzania, recently signing a $500-million trade deal to enable the export of goods and services in infrastructure, energy security and power generation, among other strategic sectors. The US is also supporting the construction of a mineral processing plant in Tanzania by LifeZone Metals, which will process and export battery grade nickel to the US using low-emission technology from 2026. Home to vast deposits of critical and industrial minerals, metallics, coal, uranium and gemstones (including the indigenous tanzanite), Tanzania is an established mining market and the third-largest gold producer on the continent. The mining sector accounts for more than half of the country’s total exports, a significant portion of which comes from gold, owing to world-class deposits around Lake Victoria. As a result, opportunities for mining investors span the entire value chain, from resource extraction to the processing of precious metals and gemstones, production of iron ore and steel, and increased electrification of mining regions. In addition to its mineral abundance, Tanzania features a geostrategic location with direct trade routes to Asia and six landlocked East African countries, along with a stable operating environment supported by its admission to the Extractive Industries Transparency Initiative. CMA 2023 will explore the potential of Tanzania to become a regional leader in the critical minerals market and connect investors and project developers with the country’s top prospects. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. The Critical Minerals Africa 2023 summit on October 17-19 serves to position Africa as the primary investment destination for critical minerals. The event is organized by Energy Capital & Power and is held alongside the African Energy Week 2023 conference (https://AECWeek.com/) on October 16-20, offering delegates access to the full scope of energy, mining and finance leaders in Cape Town. Sponsors, exhibitors and delegates can learn more by contacting sales@energycapitalpower.com SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Tijaabo dhiig oo aad u sahlan ayaa kuu sheegi karta inta ay la egtahay halista aad ugu jirto inuu kugu dhaco xanuun wandaha ah. Khubarada ayaa sheegtay in tijaabadaan ay ka wanaagsan tahay inaad iska cabrito cadaadiska dhiigga ama aad sameyso qiimeynta lagu ogaado xaddiga dufanka ee dhiigga. Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in ragga uuna oo kaliya lagu tijaabiyay, balse cilmibaarayaal ay dhaqaale ku bixisay Xaruunta Wadnaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in sidoo kale haweenka ay ku shaqayn karto. Tijaabadaan ayaa sheegi karta xaddiga borotiin loo yaqaano troponin, kaas oo la sii daayo marka uu dhaawac soo gaaro muruqa wadnaha. Dhaqaatiirta ayaa isticmaala baaritaankaan dhiigga si uu uga kaalmeeyo inay fahmaan xaalka bukaanada horay u qabay wadne xanuunka. Balse cilmibaarayaasha jaamacadaha Edinbrugh iyo Glasgow oo labaduba ku yaalla Scotland, ayaa sheegay inay tahay in tijaabadaan la isticmaalo inta uusan qofku gaarin heerkaas. Saacad caafimaad Cilmibaaris ayaa barafisoor lagu magacaabo Nicholos Mills iyo saaxiibadiis ku ogaadeen in ragga u uku badan yahay borotiinka troponin ay u badan tahay inuu ku dhaco wadne xanuun ama ay u dhintaan cuduro wadnaha la xarira shan iyo toban sano kadib marka tijaabo laga qaado. Balse ragaan ayaa fursad u helay inay khatartaan ka hortagaan iyaga oo iska yareeyay waxyaabha dufanka leh, isticmaalana daawooyin ka caawin kara, sidoo kale waxaa la yareyn karaa khatarta troponin ka. 3,300 oo rag ah kuwaas oo ka qayb qaatay cilmibaaristaan ayaa dufanku ku badnaa dhiigooda, balse ma aysan lahayn wax wadne xanuun ah oo horay ugu dhacay. Saynisyahanada ayaa qorsheynaya inay sii wadaan cilmi baaristaan oo ay ku tijaabiyaan haweenka. Barafisoor David Newby oo kamid ah cilmibaarayaashii daraasadaan ku daabacay joornaala Koleejka American Cardiology ayaa yiri: “Troponin waa sida saacad ku xiran qalbiga oo kale.” “Hadii uu kor ado ma fiicna oo wuxuu tilmaamayaa qatar wadne xanuun oo sii siyaadeysa. Hadii uu hoos aado waa fiican tahay oo qatarta ayaa yar.” “Sidoo kale waxay u muuqataa inuu albaabo u furay cidda ka faa’iideysanaysa qaabka cusub ee la soo ogaaday”. Wadne XanuunXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Garo xanuunka aamusan Newby wuxuu sheegay in baaritaanka troponinka uu yahay qaab cusub oo ku soo kordhay ogaanka cadaadiska dhiigga iyo sidoo kale xaalka sigaar cabka markii la doonayo in la saadaaliyo heerka wadne xanuunka ee bukaanka ku imaan kara. Barafisoor Mills ayaa dhankiisa isna sheegay in nuuca tijaabadaan ay ka caawineyso dhaqaatiirta inay sii ogaadaan bukaanada qaar ee la silcaya xanuunada aamunsan. “Qaabkaan wuxuu sahlayaa inaan daawooyin ka hor tag ah siino bukaanada loo badinayo inuu ku dhaco wadne anuun” ayuu raaciyay hadalkiisa. Dhaqtar ku taqaqusay xanuunada wadnaha oo lagu magacaabo tim Chico kana tirsan jaamacadda Sheffield oo ku taalla Ingiriiska, balse aan kamid ahayn dhaqaatiirtii sameysay cilmibaaristaan, ayaa ku raacay in daraasaddu ay soo kordhisay wax cusub taas oo lagu ogaan karo kuwa halista ugu jira xanuunada wadnaha. Sikastaba, dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in qaabka ugu wanaagsan ee lagu dawyn karo xanuunada wadnaha ay tahay in la sameeyo ka hor tag inta aan xanuunka gaarin meel halis ah. “Sababtaas darteed ayay uw anaagsan tahay inaad yeelato qaab cunis caafimaad leh. Sidoo kale yeelo jimicsi jireed oo joogto ah, ha cabin, joogteyna inaad la socoto miisaankaaga iyo cadaadiska dhiigaaga”. Qaran News
-
In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR. “Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York. Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022. “Nolol ayaa sidoo kale ku luntay dhulka, oo aan dareenka dadweynaha ku jeedin,” ayay tiri Ruven Menikdiwela. Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,” ayey tiri Menikdiwela. Muhaajiriinta iyo qaxootiga “waxay halis u yihiin dhimasho iyo xad-gudubyo xuquuqul insaan, tallaabo kasta oo ay qaadaan,” ayey raacisay Menikdiwela. Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta. Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan koror 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022. PUNTLAND POST The post UNHCR oo warbixin ka soo saartay tirada muhaajiriinta sanadkan ku dhintay badda Meditareeniyaanka appeared first on Puntland Post.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Bishii May, Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka dalka ayaa warqad wadajir ah u diray dowladda Soomaaliya. Warqadda oo Telefisnaka Sweden ee SVT arkay ayaa waxaa ku qornaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dib u celinta qaxootiga iyo in Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya ay hadda dib u eegis ku sameyneyso gargaarka, haddii loo hoggaansami waayo isbeddelka cusub. Ujeedadu waxay ahayd in hoosta laga xariiqo in dawladda cusub ee Sweden ay doonayso in ay dardar geliso dib u celinta qaxootiga Soomaalida, iyo in dowaldda Soomaaliya ku baraarugto isbeddelkan ku yimi siyaasadda gargaarka ee Sweden, ayuu yiri wasiirka gargaarka Johan Forssell (M). Heshiiska Tidö ee ay wada galeen xisbiga talada haya ee Moderaterna iyo kuwa wax la dhistey ee midigta fog ee SD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay “ku xirto qaybo ka mid ah gargaarka in dalka la siiyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadiniintiisa oo uu dib u soo celiyo markii loo baahdo”, taas oo sida uu qabo Johan Forssell uu ka dhigan yahay in qayb ka mid ah gargaarka lagala laaban karo haddii loo baahdo. Go’aankan ayaa waxaa dhaleeceeyey hay’adaha gargaarka ee hela taageerada dalka Sweden. “Waa inaysan u isticmaalin gargaarka sidii qalab lagu xallinayo siyaasadda qaxootiga,” ayuu yiri Philemon Jazi, oo ah agaasimaha hay’adda Diakonia qaybta Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn in ay heshiiskan saxiixdey, wax war ahna kama soo bixin dhanka Soomaaliya. Qaxootiga ay Sweden celineyso ayaa badankood ah kuwa sharciga loo diiday ee aan wax dokumenti ah ku haysan Sweden. Dadkaas ayaa hadda ka walaacsan go’aanka ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya, ayada oo haddii ay aqbasho dalabka Sweden uu macnaheedu yahay in boqolaal Soomaali ah oo hadda ku nool Sweden loo celin doono Soomaaliya. The post SWEDEN oo shuruud yaab leh ku xirtay gargaarka ay siiso dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Jilib-culusta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa isu diyaarinaya, in ay bisha October shir weyne ku yeeshaan magaalada Garoowe, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in ay Garoowe soo galaan ka hor 10 bisha October. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirka lagu midaynayo dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubaysan, si looga hortago in uu mudda kororsi samaysto Siciid Deni. Muddo xileedka Saciid Deni ayaa ku eg bisha Janaayo 2024, hase yeeshee sida wax u socdaan waxay muujineysaa in Deni qorsheyste inaanu doorasho qabin, ayadoo baarlamanka uu ka shaqeynayo sidii muddada loogu kordhin lahaa. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku eedaynaya madaxweyne Deni in uu barnaamijka qof iyo cod ku dhex qarinayo damac mudda kororsi, inkastoo isagu hore u sheegay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo. Waxaase sii xoogaysanaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod. Puntland ayaa xilligan wajahaysa hubanti la’aan iyo khilaaf siyaasadeed oo gudaha ka aloosan, kaas oo salka ku haya is-faham-waa la xiriira nooca loo geli doono doorashada 2024. Magaalada Garoowe ayaa waxaa horey uga dhacay dagaallo hubeysan oo u dhaxeeyey ciidamada maamulka Deni iyo maleeshiyo taabacsan mucaaradka, waxaana laga mar kale laga cabsi qabaa dagaallo kale. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi, oo uu shirar kula leeyahay beesha caalamka, wuxuuna Puntland ka maqan yahay in ka badan 40 cisho. The post Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo billaabay qorshe xasaasi oo ka dhan ah Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Unstoppable Africa 2023 has concluded, leaving a profound mark on the African continent. The two-day Global Africa Business Initiative (GABI) (https://www.GABI.biz) event aims to boost Africa’s standing in the global economy and establish the continent as the foremost destination for business, trade, and investment. This transformative gathering on the sidelines of the UN General Assembly has not only chartered the course for economic growth but has also solidified GABI’s pivotal role as a catalyst for change and progress. On the second day of the event, Caroline Wanga, CEO of Essence Ventures, emphasized the importance of authentically portraying African narratives. She highlighted that the continent’s rich heritage has traditionally been expressed through its unique storytelling methods. Wanga stated, “In discussing Africa, it’s vital to engage in genuine dialogue. We’ve celebrated our heritage through our distinct method of storytelling, which the world is longing for now more than ever. As the overseer of Essence Ventures and other platforms, I am committed to ensuring our tales are told from a position of strength and authenticity.” The final day featured a chorus of leading private sector voices. Notably, leaders from the business and media world such as Jeff Wong, EY Global Chief Innovation Officer; Niraj Varia, CEO of iProcure Ventures; Lakeshia Ford, Founder of Ford Communications; Claudia Kwarteng–Lumor, Founder of Kollage Media, producers of GLITZ AFRICA Magazine and Somachi Chris-Asoluka, CEO of The Tony Elumelu Foundation (TEF). Complementing these luminaries were esteemed figures from government and international organizations, including President Masisi, H.E. Felix Tshisekedi, President of the Democratic Republic of Congo, Adebayo Olawale Edun, Minister of Finance and the Coordinating Minister of the Economy for Nigeria, Joy Basu, Deputy Assistant Secretary, Bureau of African Affairs at the US Department of State. Also speaking were NBA stars Bismack Biyombo and Gorgui Dieng from the sports world and Senegalese singer Baaba Maal. Assistant Secretary-General Sanda Ojiambo, CEO of the United Nations Global Compact, the entity that coordinates GABI, underlined the critical importance of unleashing Africa’s green potential. Ojiambo’s message stressed the urgent need for businesses to expedite and amplify their efforts toward achieving “just, inclusive, and sustainable growth.” Assistant Secretary-General Pamela Coke-Hamilton, Executive Director of the International Trade Centre extended an invitation to businesses to participate in the ITC SheTrades network. This flagship program for women’s economic empowerment has already made a substantial impact, offering vital support to over 200,000 women entrepreneurs since its inception in 2015. The ITC SheTrades initiative plays a pivotal role in maximizing the boundless opportunities presented by the African Continental Free Trade Agreement. With over a thousand attendees, GABI’s influence is gaining momentum across Africa, setting the stage for a future defined by opportunity and sustainable development. The vibrant exchange of ideas, the engaging, thought-provoking discussions, and the connections forged during the event solidify its position as a premier convening for those invested in Africa’s growth and economic future. UNDP’s Ahunna Eziakonwa, Assistant Secretary-General, Assistant Administrator, and Director of the Regional Bureau for Africa, announced the Timbuktoo initiative, an ambitious movement dedicated to harnessing Africa’s rich heritage of innovation and knowledge. Ms. Eziakonwa stated, “Inspired by the historical heartland of civilization, ‘Timbuktu’ is our commitment to bridge the gap between the burgeoning talent in Africa and global opportunities that await. We envision tearing down barriers that have historically limited Africa’s vast potential, creating a future where the continent’s talent seamlessly connects with global prosperity.” The event concluded with inspiring remarks from UN Deputy Secretary-General Amina J. Mohammed, highlighting the importance of collective action in realizing Africa’s potential and achieving sustainable development. She called for unity and support from the global community and the private sector. She closed by emphasizing that this is just the beginning of a new chapter in Africa’s story, one marked by sustainable economic growth, empowerment, and the realization of the continent’s full potential. Information, multimedia and press materials on the Global Africa Business Initiative including the program for “Unstoppable Africa 2023”, speaker video quotes, photos and video highlights from the event, please visit GABI’s Qaran News
-
In the effort to combat Al-Shabab extremists, one of the key strategies the president utilized is being stationed in dhusamareb, capital of the state of Galmudug to organize and amass locals to fight back against this group. The president’s temporary residence in Dhusamareb brought about a sentiment, within me, given that Dhusamareb was the place of my birth, and many of my formidable years took place there. My father Abdullahi Warsame Hersi and his first cousin Adan Jamac Hersi were mayors of Dhusamareeb, respectively from 1979 and 1960. Through the president’s sheer belief that such extremist Al-shabab can, and will be eradicated has more momentum than ever before. During the previous regime led by former president Mohamed Abdullahi Farmaajo and his friend the former prime minister Hassan Ali Kheire, had never tried to fight against Al-Shabaab during the 6 years of power from 2016-2022. This resulted in Al-Shabab in committing mass casualties, distorting peoples, discreetly controlling ports, and implementing unlawful taxations. Al-Shabaab was actually operating as a government within the government. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare dhaliyay oo galabta ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kadib markii Qof naftii halige ah oo uu isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho ee degmada. Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac soo gaaraya dadkii ku sugnaa maqaayada sida lagu sheegay sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, yaas lagu faahfaahiyay waxa dhacay. Inta la xaqiijiyay Ilaa 5-ruux ayaa ku dhintay halkaa ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay ay dhaawacyo kale duwan kasoo gaareen qaraxa oo ahaa mid uu fuliyay ruux la sheegay inuu maqaayadda joogay. “Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha allaah khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa”waxaa sida yiri Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliya Sidiiq Doodishe oo warbaahinta hadlay qaraxa kadib. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid dagan waxaana ammaankeeda siweyn u sugaya ciidanka Booliiska sida Milatariga u yababaran iyo kuwa hey’adda NISA iyo Booliiska gobolka Baanaadir oo iskaashanayan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah, lix kalena ay ku dhaawacmeen, tirada guud ee dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaas ayuu boolisku ku sheegay 11 qof. “Galabta abaare 16:10 PM ayaa qof naftii halige oo Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag. Khasaaraha ayaa ah dhimashada 5 iyo dhaawaca 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo naftii haligihii. Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha alaah Khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa,” ayaa lagu yiri faahfaahinta booliska. Qaraxaas oo ahaa mid culus oo is-miidaamin ah ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxay u dhow dagay Ex Baar-bulsho oo ku yaalla isgoyska Sayidka, waxay xisaabsan tahay degmada Howlwadaag. Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid lagu qayilo oo bulsho badan ay ku sugneed, qaraxa kadib ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ayaa la wareegay amniga goobta oo dadka shacabka ah iyo warbaahinta ayaa loo diiday. Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in maqaayadaas ay ku sugnaayeen markii uu qaraxaasi ka dhacay, sida caadiga ah ciidamada ayaa maalin kasta fariisa jiray maqaayadda, waxaana la aaminsan yahay in bartilmaameedka ninka is-qarxiyey uu ahaa askarta. Kooxda Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sidoo kale laga hor istaagay qaraxyadii halista badnaa ee gaadiidka ay ku soo rari jireen oo Muqdisho ay ka fuli jireen, hadda waxay ku soo uruureen inay qof qof isku qarxiyaan, inta soo xirtaan jaakadaha qarxa. Bilihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa hareeraha Muqdisho ku fashiliyey qaraxyo ay Shabaab doonayeen inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho. Shacabka reer Muqdisho ayaa mudooyinkaan dareemayey amni aysan horay u arkin, halka Shabaab-kii gumaadi jiray shacabka caasimadda ay wajahayaan baacsi iyo dabargoyn ay dowladda iyo shacabka hubka qaatay ku hayaan, waxaana lagu baacsanayaa gobollada fog fog ee dalka. The post Booliska oo faahfaahin ka soo saaray khasaaraha qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shakhsigii Al-shabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado sida lagu sheegay bayaan au NISA faafisay. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, ayaa het’addu xustay in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli inuu u baxsado deegaannada ay kooxdu ku xoogan tahay. Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Al-shabaab laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay ka go’an gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh Al-shabaab , sida lagu sheegay bayaanka NISA kasoo baxay ee lagu xaqiijiyay qabashada Sakariye Kamaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku abaalmarineyso qof kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda AS ee ku sugan Soomaaliya. Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida loo heli karo. Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka. kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah. Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo 5 milyan oo Dollar dul-dhigay Madaxa Abuukar Cali Aadan oo ka tirsan kooxda AS appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Intelligence and Security Agency (NISA) has apprehended a suspected al-Shabab-linked arms smuggler just five months after intelligence forces seized two illicit shipments containing military hardware and explosive materials at the Mogadishu seaport. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ku eedaysan in uu Hubka iyo walxaha Qarxa Dibadda uga soo iibin jiray Argagixisada AS. Sakariye Kamaal oo da’diisu tahay 28 sano jir islamarkaana ay in mudda ah daba-gal ku haysay Hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa ugu danbayntii gacanta lagu dhigay sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed” “Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya. “Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu Hubka iyo walxaha Qarxa Dibada uga soo iibin jiray Alshabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigtay ninkii ugu muhiimsanaa Al-Shabaab ee dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Ninkaas waxaa lagu magacaabaa Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) NISA waxay sheegtay in muddo ay ku daba-joogtay, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto. Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, sida lagu sheegay qarkaan waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto. Zakariye waxaa la qabtay xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo deegaano ay Shabaab ka joogaan dalka, isagoo ka baxsanaya hey’adaha ammaanka muddo dheer dabagal ku haayey. “Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka NISA. Qoraalka hey’adda waxaa lagu sheegay in ninkan dhawaan loo gudbin doono Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ay NISA ku shaacisay soo qabashada ninkaan. The post NISA oo soo qabatay ninkii ugu halista badnaa Al-Shabaab, soona bandhigtay xogtiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale, Guddoomiiyaha ayaa xubnahan uga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka El-Niño oo dhowaan ka dhacay dalka Libiya, xilli Jabuuti laga dareemay Dhulgariir. Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo. Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan oo la filayo in ay da’aan xilliga Day’rta ee bilaabanaysa dhowaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Muxamed oo ka dhacayay magaalada Mastung ee gobolka Balochistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 52 qof. Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Hangu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Qaraxyadaan oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen ismiidaamin ayaa maanta ka dhacay dalka Pakistan,Ilaa haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadd. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa xaqiijisay in qaraxyadaasi ay fuliyeen cunsur argagixiso ah,waxaana intaa la raaciyay in falalkasi ay yihiin kuwo fuleynimo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin oo xarigga ka jaray saldhigga cusub ee degmada Yaaqshiid ayaa hal arrin faray saraakiisha hoggaamisa booliska ka howlgala degmooyinka dalka. Taliye Sulub ayaa taliyaasha saldhigyada faray in qofka dambiilaha ah ay sii hayaan oo aysan maxkamad u gudbin inta ay gartiisa ka gelayaan odayaasha dhaqanka. “Heysan aheyn kiisas waaweyn oo kiisaska damaanada gelin ah, waxaa u adeegsa kartaan xalkooda odayaasha dhaqanka, u yeera u soo bandhiga waxa dhacay, kana suga inta ay xal ka gaarayaan,” ayuu taliyeyaasha saldhigyada faray Jeneraal Sulub. Taliyaha ayaa saraakiisha booliska faray in tix gelin la siiyo odayaasha dhaqanka oo inta badan xal ka gaara dembiyada dhaca, maadaama dadka kan dembi gala iyo kan laga galo ay leeyihiin waxgarad gartooda goyn kara. “Markii odayaashu ka quustaan oo kiiska xali waayaan kadib ayaa la aadi karaa maxkamadda iyo hey’adaha garsoorka.” “ Laakiin inta dadka deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo culimadu ay ka quusanayaan xalinta kiiskaas, waxay saraakiisha boolisku ku qasban yihiin in la dhowro tixlinta hoggaanka bulshada, si degmo kasta ay u noqoto mid isku xiran,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Sulub, taliyaha booliska Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay jiraan kiisas aan xalkooda loo bandhigi karin bulshada oo u baahan in sharciga lagu xaliyo, balse kiisaska fudud wuxuu taliyuhu faray saraakiisha inay dhaqanka fursad u siiyaan inay xal ka gaaraan. “Ammaanka iyo kala dambeynta waxaa iska leh dadka deegaanka ayagaa laga rabaa inay ka shaqeeyaan, ayaga ayaa degmadooda ka dhigan kara tan ugu amaanka badan, hadii ay iska qabtaan dadka xun ee amniga halista ku ah. “Hadii dadku aysan amnigooda ilaashan, ciidanku waxaba ma bedeli karaan, maanta waxaa muuqata wada shaqeyn fiican oo booliska iyo bulshada caasimadda Muqdisho dhex marta,” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliyaha Booliska DF oo amray in dembiyada dhaca qaar dhaqan lagu xaliyo appeared first on Caasimada Online.
-
Travel Way waxa ay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo qorshaheeda cumrada ee 2023/24, looguna talagalay in lagu daboolo baahiyaha iyo dookhyada macaamiisheena sharafta leh. Waxaan fahamsanahay in qaar badan oo idinka mid ah ay sugayeen muddo dheer si aad u gutaan safarkan xurmada leh, waxaanan rabnaa inaan kuu fududeyno oo kuugu fududeyno intii suurtagal ah. Taasi waa sababta aan kuugu soo bandhigno sifooyinka soo socda: – Wakiil go’an oo ka socda kooxdayada ayaa kugu sugaya garoonka diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya oo ku caawin doona inta aad joogtid. – Waxaan daryeeli doonaa dhammaan qabanqaabada duulimaadyadaada, hoteelada, gaadiidkaaga iyo fiisahaaga, si aadan waxba uga walwalin. – Waxaan horay u soo qaadi doonaa lacag bixinta oo dhan waxaanan bixin doonaa dhammaan adeegyada adiga oo ku hadlaya magacaaga, anagoo hubinayna hufnaanta iyo amniga. Waxaan ku siin doonaa xorriyadda aad adigu doorato: – Diyaaradda – Taariikhda bixitaanka – Hotel – Habka safarka magaalooyinka – Muddada joogitaanka iyo qaar kaloo badan. Waxaan rajaynaynaa in qorshahani uu ku haboonaado filashadaada iyo miisaaniyadaada, waxaanan rajaynaynaa inaanu kuugu adeegno safarkan barakaysan. Fadlan nala soo xiriir si aad faahfaahin dheeraad ah iyo ballan u qabsato. Taleefanka; 02089002772 mobilka;07794609306 iimaylka; mhassan@travelwayltd.com Xafiiska 14 Rockware Business Center, Rockware Ave, Greenford, UB6 0AA Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus oo is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare dhumasho iyo dhaawacba leh. Qaraxaas waxaa fuliyey nin naftiisa haligay oo is-miidaamiyey, wuxuuna ka dhacay maqaayad u dhow Baar-bulsho oo ku taalla isgoyska Sayidka, ninka ayaa la sheegay inuu soo dhex fariistay dadkii ku sugnaa maqaayadda, kadibna isku qarxiyey. Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid lagu qayilo oo bulsho badan ay ku sugneed, qaraxa kadib ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ayaa la wareegay amniga goobta oo dadka shacabka ah iyo warbaahinta looma ogola. Dad badan ayaa laga soo sheegayaa halkaas ay waxyeelo kasoo gaartay, in kastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah, hadana wararku waxay sheegayaan in dhimashadu ay ku dhowdahay 10 qof, dhaawacyo badana ay jiraan. Goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxayna xisaabsan tahay degmada Howlwadaag, goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid culus oo dhul badan burburiyey, sidoo kale sawirrada la helay ayaa muujinaya burbur baaxad leh. Askar ka tirsan ciidmaada dowladda ayaa la sheegay in maqaayadaas ay ku sugnaayeen markii uu qaraxaasi ka dhacay, sida caadiga ah ciidamada ayaa maalin kasta fariisa jiray maqaayadda. Kooxda Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sidoo kale laga hor istaagay qaraxyadii halista badnaa ee Muqdisho ay ka fuli jireen, hadda waxay ku soo uruureen inay qof qof u qarxaan, inta soo xirtaan jaakadaha qarxa. Bilihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa hareeraha Muqdisho ku fashiliyey qaraxyo ay Shabaab doonayeen inay soo geliyaan gudaha magaalada, shacabka Muqdisho ayaa mudooyinkaan dareemayey amni aysan horay u arkin, halka Shabaab-kii gumaadi jiray shacabka caasimadda ay wajahayaan baacsi xad dhaaf ah oo dowladda iyo shacabka hubka qaatay ay ku hayaan. The post Muqdisho: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
