Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiga WADDANI oo Sheegay in Madaxweyne Muuse aanu Xiligan Geli Karin Heshiisyo Caalamiya Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Ganacsiga Xisbiga Xamse Khayre ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu yahay madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday oo aanu geli karin wax ka badan xil gaadhsiin. Xoghaye Xamse Khayre wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Twitterka, waxaanu ku dooday in aanu madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday aanu geli karin heshiisyo waaweyn oo dastuuriya, sida kuwa caalamiga, kuwo goboleed iyo heshiisyada kale ee waaweyn. Xamse Khayre wuxuu intaas ku daray in beesha caalamku ay ogaadaan in madaxweyne Muuse uu yahay xilgaadhsiiye aan xilligan kala guurka ah geli karin heshiis masiiri ah. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ay kaga hadleyso xaaladda dalka, taas oo ka kooban 28 qodob, warbixintaan ayaa Arbaco kasta ka soo baxda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Hoos ka aqriso qodobada bayaanka DF: 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan. 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab. 5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York. 6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. 7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani. 8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal. 9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta. 10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. 11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka. 12- Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City. 13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor. 14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab. 15- Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya. 16- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor . 17- Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay. 18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia. 19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau. 20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho. 21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta. 22- Xasan Xuseen Cali (Maxamed Deeq) iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. 23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. 24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta. 25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York. 26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan. 27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta. 28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño. ==============DHAMMAAD============== The post DF oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka kooban 28 qodob appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta DANAB. Taliyaha ciidanks xoogga dalka ayaa waxa uu halkaas kulan kula qaatay taliyaha guutada, taliye ku-xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad DANAB iyo saraakiil kale. Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii loo dardar-galin lahaa howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu ku bogaadiyey ciidanka DANAB inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada, kaasi oo wejigiisa koowaad laga gaaray guullo horleh, laguna xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda. DANAB ayaa kaalin lixaad leh uga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta, iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen. Dagaalka Al-Shabaab oo si dardar leh ku socda ayaa waxay ciidamada maalmihii lasoo dhaafay kooxda ka xoreeyeen deegaano cusub, ayada oo madaxweynaha uu bilihii dambe uu dagaalka ka hagayay magaalada Dhuusamareeb oo uu xaryn ka dhigtay. Kooxda ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa si gaar ah aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Xogta kulan uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu la qaatay taliska DANAB appeared first on Caasimada Online.
  4. Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu faro ba’an uu ku hayo Hergabka Shimbiraha, kaas oo ilaa iyo hadda galaaftay tiro badan oo Digaagga la dhaqdo iyo Shimbiro isugu jira, isaga laga soo xigtay mas’uul u hadlay ilaalada deegaanka iyo xanaanada xoolaha dalkaasi. in kaban 2 Milyan oo digaag ah ayaa udhintay cudurkaa, Namibia ayaa hakisay wax soo saarka digaaga nool iyo dhammaan wax soo saarka digaaga ee ka iman jiray dalka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika kadib markii uu ka dilaacay nuc Hergab shimbireed oo ba’an u faafaya dalkaasi. Sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Namibia Joojinta waxaa sabab u ah “faafidda naxdinta leh” ee HErgabka loo yaqaan (HPAI) ee aadka u faafa ee gudaha Koonfur Afrika, nuuca Hergabkaan ayaa qubarada caafimaadku ay sheegayaan inuu yahay mid aan hore loogu arag Qaaradda Afrika. Kiisaska cusub ayaa laga soo sheegay dhammaan noocyada digaaga ee gobollada Kwazulu-Natal, Western Cape, Gobolka Free, Gauteng, Limpopo, Mpumalanga iyo Waqooyi Galbeed siday u kala horreeyaan,” ayay wasaaradda ku soo qortay Facebook taas oo digniin u muuqatay. In ka badan laba milyan oo digaag ayaa lagu soo waramayaa inay ilaa hadda u dhinteen cudurka dillaacay, dalalka la dariska ayaa sheegay in ay qabaan cabsi ah inuu xanuunku u soo gudbi karo dhankooda, waxaana la joojiyay wax walba oo la xiriira Hilibka kasoo dhoofa Koonfur Afrika. Sikastaba ha ahaatee hergabkaan dilay digaaga badan, waxaa sidoo kale jirta in laga cabsi qabo inuu Virus-kiisa uu Aadana uu saameeyo iyadoo aad looga digayo in laga fogaado, iyadoo la sheegayo Hergabkaan mar hore lagu arkay wadamo dhaca Latin America oo uu saameeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. The General Debate of the 78th session of the United Nations General Assembly (UNGA) concluded Tuesday, with global leaders stating that the UN remains a paramount platform for crafting solutions to humanity's challenges. Source: Hiiraan Online
  6. Garowe (HOL) - A military court in Puntland, a semi-autonomous region in Somalia, on Thursday sentenced three men found to be members of al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bisha soo socota ee October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinac saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Siyaasiyiintan oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee caasimada maamulka ay soo gaaraan kahor bisha October ee soo socota. Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo. Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo muddo kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod, oo si weyn ugu ololeynayso kooxda Deni. Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni. The post Xog: Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo u midoobaya Saciid DENI appeared first on Caasimada Online.
  8. ANTANANARIVO, Madagascar, September 25, 2023/ -(Qarannews)- Recent meetings between the Ministry of Health and Mercy Ships have furthered planning for the hospital ship Africa Mercy® to return to Madagascar in early February. Initially, Mercy Ships (www.MercyShips.africa/) plans to dock the 16, 572 GT Africa Mercy in the port of Toamasina. During the field service, in collaboration with the Ministry of Health, the ship’s medical professionals, and teams will aim to provide more than 1,150 free specialized surgeries as well as targeted training for healthcare professionals. Mercy Ships has already embarked on the beginning of a 5-year country engagement plan that further strengthens the partnership between Mercy Ships and the people of Madagascar, with the development of local partners, and completion of an initial programmatic assessment. Dr. Lethicia Lydia Yasmine, Secretary General for the Ministry of Health, Madagascar said: “Madagascar faces a shortage of surgical support from both local and international partners, especially in the most vulnerable areas. We appreciate Mercy Ships’ approach in reaching underserved communities. As we open 28 district hospitals, each requiring at least two surgeons, we look forward to collaborating with Mercy Ships to strengthen our surgical capacity.” Esperant Mulumba, Country Director for Mercy Ships in Madagascar, said: “We are very grateful to the government of Madagascar for welcoming us back to continue our partnership to deliver hope and healing to those who need it most. “Mercy Ships has a long and successful relationship with Madagascar, with our last field service in 2015. We are very thankful that we are able to partner with them again to transform more lives through surgery and training.” This would be the fourth time that a Mercy Ship has visited the port of Toamasina since 1996. Mercy Ships’ program strategy is being carefully aligned with the country’s current strategic healthcare plan. These initiatives aim to provide equitable access to medical care, extending beyond the inhabitants of Toamasina to individuals across the entire island. The organization is also committed to covering travel expenses, ensuring that even those in remote areas can benefit from this service. The life-changing surgeries delivered will include tumor removal, cleft lip and palate correction, cataract removal, orthopedic and reconstructive plastic surgery and dental care. Patients with these specific concerns will be encouraged to attend screening days to receive appointments for their specific surgical needs. Patient selection teams are preparing to assess and register patients in multiple locations, in preparation for the ship’s arrival. The actual surgical procedures will begin in February 2024. In addition to the surgeries, the care includes post-operative consultations and psychosocial support to facilitate patients’ reintegration into their communities. According to Nantenaina Rakotonirina, mayor of the urban commune of Toamasina, the city is also preparing to accommodate patients, emphasizing the collaborative nature of this initiative to provide comprehensive care. In collaboration with national and international partners, Mercy Ships will provide education and training across the surgical ecosystem. The emphasis of these programs will be on surgery, nursing, biomedical, sterile processing, and anesthesia. The five-year partnership in total, including follow up after the ship leaves, will focus on strengthening the surgical care system by investing in Madagascan healthcare professionals who will impact this nation for years to come. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta xilka la wareegay. Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali. Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Sarreeye-guuto Madey Nuureey Sheekh ayaa xilka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo taliyihii hore ee ciidanka dhulka xoogga dalka Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18-kii bishaan September Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu u dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sarre. Madaxweynaha oo magacaabistaas ku saleeyey sharciga dhismaha ciidanka xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta. Si kastaba, Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kal hore lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse dhawaan ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sarre Dayax oo maanta la wareegay xilkaas, sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor. The post Sawirro: Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka oo maanta xilka la wareegay appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka socda labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Labada hoggaamiye ee labadaas maamul ayuu waqtigii ka dhamaaday. Lafta-gareen wuxuu sanad dheeriya ku helay heshiis siyaasadeed kadib gacan ka hadalkii magaalada Baydhabo, halka Axmed Madoobe uu si iskiis ah u qaatay hal sano dheeriya, iyada oo ay ka daba qeylinayaan dhamaan saamileyda siyaasadeed ee Jubbaland. Si guud labada dhinacba dadka waxay doonayaan isbeddel hoggaamineed, laakiin waxaa jira farqi u dhaxeeya labada mucaarad ee labadaasi maamul, oo keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay maanta isku xaalad ku sugneyn. 1. Aragtida mucaaradnimada Mucaaradka Jubbaland oo dhowrkii sano ugu dambeysay la dirirayay Axmed Madoobe ayaa wax badan u hirgelin, sababta ugu weyn waxaa loo arkaa in mucaaradnimadii qabiilayeen. Marwalba oo aad rabto in aad kursi siyaasadeed ka qaadato qofka ku fadhiya haddii aad muujiso in aad reer ahaan u diidan tahay qofkaas ama sidaas u abaabulan tahay, waxaad keenaysa in qofka kasoo horjeeda aad taageerayaal qabiil u sameysid. Diidmada Axmed Madoobe markii reer ahaan loo eekeysiiyay isna wuxuu helay kuwa reer ahaan u taageersan oo siyaasiyiin iyo shacab ah. Halka mucaaradka Koonfur Galbeed aanay aadin dariiqaas oo ay diidmadooda ku koobeen Lafta-gareen iyo hab maamulkiisa, waxayna jihadaas u sahashay in dadka, dowladda iyo adduunkaba uu dhageysto sababaha ay u doonayaan isbeddelka. Marwalba hadafka mucaaradnimada iyo sida loo iibinayo waa muhiim. 2. Labada nin ee la baro in laga kacsado kuraasta Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa maanta dareemayn cadaadis lamid ah midka Lafta-gareen haysta. Labada nin waxaa u xiran labo magaalo waa Kismaayo iyo Baydhabo. Labada magaalaba waxaa jooga ciidamo ajnabi ah oo maamulada la qaraabta balse adeegsada magaca ATMIS. Axmed Madoobe wuxuu asbuucan ugu baaqay mucaaradkiisa inay yimaadan magaalada Kismaayo oo ay la doodaan, halka Lafta-gareen uu diidan yahay in mucaaradkiisa Baydhabo tagaan. Mucaaradka Koonfur Galbeed wey ogol yihiin inay tagaan magaalada Baydhabo, halka kuwa Jubbaland ay ka cabsanayaan inay tagaan magaalada Kismaayo. Labadaas xaaladood waxay fasirayaan farqiga labada magaalo iyo labada nin ee kala xukuma. Haddii uu midkood baxayo labadaan hoggaamiye ama uu la kulmayo cadaadis sax ah waxay aheyd inuu kaasi noqdo Axmed Madoobe, maadaama isagu toban sano ka badan joogay xafiiska, laakiin xirfad xumada mucaaradka Jubbaland ayaa sugnaan siisay dadka ka faalloonaya farqiga u dhaxeeya mucaaradka Jubbaland iyo kuwa Koonfur Galbeed. 3. Farsamada mucaaradka labada dhinac Afar dhinac markii laga eego farsamada oo kala ah; saameynta gudaha deegaanka, saxaafada, cadaadiska dowladda dhexe la saarayo iyo midka beesha caalamka intaba mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kaga horreeya kuwa Jubbaland. Mucaaradka Koonfur Galbeed si joogto ah ayay dowladda dhexe u arkaan, uguna dhaliilaan gaabiskooda arrimaha Koonfur Galbeed, marwalba waxay cadaadiskooda u geeyaan wakiiladda beesha caalamka, abaabulkooda gudaha iyo farriimahooda saxaafada ayaa sidoo kale xooggan waana midda keentay cadaadiska maanta haysta Cabdicasiis Lafta-gareen. Mucaaradka Jubbaland dhinacyadaas cadaadiska dhalin lahaa waqti iyo xoolo midna ma gelin waana midda keentay in aan maanta saameyntooda la dareemin, Axmed Madoobe-na uu ku jiro marxaladiisa caadiga aheyd. Inkasta oo laga yaabo in dadka qaar ku doodaan in xubnaha Lafta-gareen kasoo horjeeda u badan yihiin rag dalka xilal sare kasoo qabtay, taasina ay culeys ka dhigeyso dooddooda, haddana waxaa taas la dhigin oo fursad aheyd in mucaaradka Jubbaland ay iyaguna muddo fog heli kareen gobolka Gedo oo dhan oo ay wax badan shaqo ah ku qabsan kareyn laakiin ay ka faa’iideysan waayeen. The post Farqiga mucaaradka Lafta-gareen iyo midka Aadan Madoobe – Saddex arrin ka ogow appeared first on Caasimada Online.
  11. The enduring conflict and insecurity have displaced some 569,000 people in Somalia in the first eight months of the year, the World Health Organization (WHO) said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa, waxaana dhaxgax dhigga dhismahaan sidoo kale kasoo qeyb galay saraakiil kale ciidanka ah. Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha, si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka. Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa, kuwaas oo u baahan xanaano gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab ay maanta dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gudaha gobolkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen agagaarka deegaanka Yurkut oo hoostaga gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaas, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah gobolka, si ay weeraro ugu qaadaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee jooga halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Yurkut oo ah meesha lagu arkay xubnaha Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Arrintaan ayaa loo sababeynayaa gaabis xagga ciidamada ah oo ka jira Gedo, taas oo loo arko inay ka faa’iideysaneyso Al-Shabaab, maadaama howlgallo aysan ka socon gobolkaasi. Gedo ayaa kamid ah gobollo ay qaybo kamid ah ka joogta kooxda, waxaana mararka qaar ka dhaca duqeymo ay ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya. Si kastaba, waxaa dhowaan la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa ku wajahan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. The post Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay GEDO appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale goobaha wax lagu barto, iyadoo lagu weynayo xuska iyo dagaaldegga dhalashada sanadkaan ee Nabiga (1445) oo sidoo kale ku beegan 2023 Milaadiyada. Wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee koonkaan Allah uu usoo saaray, si umaddaan uu u gaarsiiyo xaqa kagana digo baadilkii ay kugnaayeen markaas, dhaxalkii iyo dadaalkii uu ka tagay ayaa ah waajib saran xuux waliba inuu gaarsiiyo kan kale aysan gaarin, sidii uu ku dardaarmay sanadkii Xajatu Widaac la yiri. Magaciisa oo dhammeystiran Waa Muxamad Binu Cabdilaahi, Binu Cabdil Mudalib, Binu Haashim, Binu Cabdi manaaf, Binu Qusayyi, Binu Bilaab, Binu Murah, Binu Kacab, Binu Lu’ayi, Binu Qaalib, Binu Fihri, Binu Maalik,Binu Al Nadar, Binu Kinaana, Binu Khuzeyma, Binu Mudrika, Binu Ilyaas, binu Mudar, Binu Nazaar, Binu Macid, Binu cadnaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Caalamul Islaami waxaa maanta siweyn looga xusayaa degaaldegga xuska dhalayashadii Nabigeenna Muxamed( SCW), meelaha siweyn looga dareemayo ayaa waxaa kamid ah gudaha dalka, iyadoo maanta ay socdaan dabaaldegyo waaweyn oo lagu weynaynayo dhalashadiisa oo began 12 bisha Rabiicul Awal. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale goobaha wax lagu barto, iyadoo lagu weynayo xuska iyo dagaaldegga dhalashada sanadkaan ee Nabiga (1445) oo sidoo kale ku beegan 2023 Milaadiyada, sanadkaan ayaa ka duwan sanadadii hore. Kumuu ahaa Nabigeenna Muxamed( SCW) Wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee koonkaan Allah uu usoo saaray, si umaddaan uu u gaarsiiyo xaqa kagana digo baadilkii ay kugnaayeen markaas, dhaxalkii iyo dadaalkii uu ka tagay ayaa ah waajib saran xuux waliba inuu gaarsiiyo kan kale aysan gaarin, sidii uu ku dardaarmay sanadkii Xajatu Widaac la yiri. Abtirsiga Nabiga Magaciisa oo dhammeystiran Waa Muxamad Binu Cabdilaahi, Binu Cabdil Mudalib, Binu Haashim, Binu Cabdi manaaf, Binu Qusayyi, Binu Bilaab, Binu Murah, Binu Kacab, Binu Lu’ayi, Binu Qaalib, Binu Fihri, Binu Maalik,Binu Al Nadar, Binu Kinaana, Binu Khuzeyma, Binu Mudrika, Binu Ilyaas, binu Mudar, Binu Nazaar, Binu Macid, Binu cadnaan. Waxaa uu dhashay sanadkii loogu magacdaray Caamul Fiil, sanadkaas oo Boqorkii Xabashida uu weerar kusoo qaaday beydka Allah ee Xaramynta, waxaa sidoo kale taariikhyahannadu ay sheegaan in Miilaadigu markaas ku beegneyd 570 ama 571 sida Ahlu siyarka ay wariyaan marka laga hadlayo taariikhda. Hooyadiis waxey dhimatay Isagoo jira (Lix bilood), awoowihiis Cabdul Mudalibna wuxuu dhintay isagoo (Siddeed jir ah), ka dibna waxaa noloshiisa kafaala qaaday Adeerkiis Abuu Taalib, intuu Adeerkiisa ka dhinto isaga ayuu la noolaa. Waxaana soo nuujisay Xaliimat Sacdiya. Xaasaskii Nabiga iyo Caruurtii uu Dhalay (SCW) Khaddiija 595 ilaa 619 C.D Qaasim Cabdulaahi Saynab Ruqiya Umm Kaltuum Faatima Sowda 619 ilaa 632 C.D – Caisha 619 ilaa 632 C.D – Xafsa 624 ilaa 632 C.D – Saynab 625 ilaa 627 C.D – Hinda 629 ilaa 632 C.D – Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D – Juwayriya 628 ilaa 632 C.D – Safiyya 629 ilaa 632 C.D – Ramla 628 ilaa 632 C.D – Maymuna 630 ilaa 632 C.D – Maryama 630 ilaa 632 C.D Ibraahim Rayhana 629 ilaa 632 C.D – Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaro degmada. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lagu soo warramayaa si gaar ah inuu uga dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale, sida goobjooyaal ay sheegeen. Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa in si gaar ah loola beegsaday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo ku magac dheer (Seedi-Xume) wallow uu ka badbaaday weerarka lagu qaaday. Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay, isaga oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray. Sikastaba ha ahaatee degmada Deyniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi, oo ay geysanayaan kooxo aan la garan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday baabuur uu la socday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmadaas, Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo loo yaqaano (Seedi-Xume) walow uu ka badbaaday weerarka qaraxa ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen dhaawacyada labada qof oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Dayniile. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inuu si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen ee degmadaasi. Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi. Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro. The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  18. The gathering is the continent’s leading event in the upstream oil-and-gas energy space, and it sees representatives of more than 25 African governments coming together with energy policymakers, financiers and dealmakers to share insights and to map a sustainable roadmap for the development of Africa’s natural resources. Deputy President Mashatile’s attendance at the continental showpiece comes at a time when energy is a primary concern of national policymaking in South Africa and elsewhere on the continent. Announcing Deputy President Mashatile’s participation, Yemi Ibidunni, Event Director of event organiser Hyve Events said that the presence of a government representative as senior as Mr Mashatile confirmed the importance the South Africa’s government attached to oil and gas planning. “There have been exciting offshore discoveries in South African territorial waters, which may herald a new dawn for the country’s oil and gas sector,” says Ibidunni. “At the same time, there have been significant discoveries in Namibia and elsewhere in Africa. This emphasises the importance of Africa’s government and business leaders coming together to discuss partnerships for energy security while enhancing regional economic development.’ Ibidunni said AOW provides the ideal platform to facilitate such discussions, as well as enabling deals, and positioning the continent as a stable destination for international investment. This year’s AOW takes place at the Cape Town International Convention Centre 2 in Cape Town, from October 9 – 13, with the theme “Maximising Africa’s Natural Resources”. AOW will connect more than 50 ministers and government leaders, 125 expert speakers, and 1500 senior delegates across five days of industry-leading insight and elite networking opportunities, designed to drive deals and investments for the betterment of the continent. Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil Week. SOURCE Africa Oil Week Qaran News
  19. Madaxha hay’adda TIKA qaybteeda Soomaaliya , Ilhami TURUS ayaa sheegay in ay xoojinayaan maalgashiga iyo horumarinta dalka Soomaaliya sida Beeraha, Tammarta, Kalluumeysiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha. Ilhami TURUS, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Muqdisho kula qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle. Mudane, Ilhami TURUS ayaa Wasiir Qalinle warbixin ka siiyay mashaariicda ay TIKA ka waddo dalka iyo Istaraajiyadda cusub ee Hay’adda sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxay labada dhinac isla meel-dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan adeegyada muhiimka sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee dowladda loo gaarsiiyo goobaha laga xoreeyay Khawaariijta. Hay’adda dowlada Turkiga u qaabbilsan horumarinta mashaariicda ee TIKA ayaa door wyn ka ciyaartay garab qabashada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Cabdirashiid Jire uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii ay dalka ka dhacday abaartii 2011-kii. Source: goobjoog.com
  20. Ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa howlgal ka fuliyey deegaanada Bariga iyo Galbeed degmada Waajid ee gobalka Bakool, halkaas oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay labada dhinaca ee xoogga dalka iyo Al-shabaab. Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaaminaysay waxaa ay sheegeen lagu burburiyay goobo Al-shabaab ay deganaayeen oo fariisinno iyo maxkamadyo u ahaa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Howlgalka waxaa horkacayey taliyaha ururka 47-aad, Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga Axmed Maxamed Nuur Dhagey, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Waajid. Gobolka Bakool ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya, kuwaas oo qeybta howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS oo taageeraya ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala deegaannada gobolka Bakool. Gobolka Bakool ayaa kamid ah gobollada deegaannada badan ay kaga sugan yihiin Al-shabaab, waxaana xusid mudan in muddo dheer ay go’doon ku jirto magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka, taas oo aan u gudbi karin deegananada kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dadaalada sugidda amniga caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyo in laga hortago qaraxyada, dilalka iyo falal dambiyeedyada kale sida cayaal weerada oo horay ugu muuqday quus iyo taagwaa ayaa hadda u muuqda kuwa xal loo helay. Iyada oo bilihii ugu dambeeyay ay Muqdisho heshay xasilooni amni, mid nabadeed iyo degenaan. Haddaba. Waxaa isweydiin leh, Maxaa cusub? Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah. Amniga caasimadda Muqdisho waxaa guud ahaanba la wareegay April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “ Gungaar” oo ah nooca booliis loo tababaray sida milatariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, ayna ka dhawraan qarax iyo ciyaal weero. Ciidamadaan ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 3,000, waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa. Ciidanka ayaa lagu soo tababaray dibada dalka, waxayna heystaan tabar ay ka mid tahay la dhaqanka dadka sida ay noo xaqiijiyeen taliyeyaasha. Ciidanka ayaa ku baahsan caasimada iyo koonaheeda, waxa ay joogaan 17 saldhig, iyo 100 bar oo amniga laga sugo. Haddaba, Howlgalka ay ciidamadaasi sameeyaan, istaraatiijiyado nocee ah ayay isticmaaleen, maxaase u qabsoomay dhanka wax kaqabashada cayaal weerada, kahortagga weerarrada, waase sidee la dhaqankooda dadka? (1). Cayaal Weerada: Si wax looga qabto dhibaatada cayaal weerada, oo falal dambiyeedyo kala duwan ku hayay degmooyin ka mid ah Muqdisho, waxaa ay ciidamada saldhigyo joogta ah ka sameysteen degmooyinka ay ku dhuumanayeen cayaalkaasi, iyaga oo bilaabay in ay ku baacsadaan meelaha howdka iyo mugdiga ah, waxaa lasoo qabtay qeybo badan oo hoggaankooda ah, iyada oo sidoo kale la baabio’iyay keydooda darooga sida Xashiishta, taasi oo keentay in dadku ka ammaan helaan. Sadiiq Doodisho oo ay Goobjoog wax ka weydiisay hawlaha ciidanka ee la dagaalanka Cayaal weerarada ayaa “ Ciyaal weerada waxay ku soo bexeen xili kala guur ah, waxaana dajinay qorshooyin gaar ah, waxaana u helnay xal, qolyihii maandooriyahana waxaa loo helay xal.” Keliya ma aha in ciidamo ay fariisimo ka dhigteen goobihii ay joogeen cayaal weerarada, ee cayaalkii ayaa dhanka kale loo sameeyay dhaqancelin, qeyb ayaa waxbarasho dib ugu noqotay, halka qaar kale ay iskood u raadsadeen shaqooyin wanaagsan oo bulshada ay dib ugu laabteen iyada oo hadda laga gudbay sheekada cayaal weero. (2). Weerada Al-Shabaab: Dhanka kahortagga qaraxyada iyo dilalka qorsheysan waxaa la siiyay ahmiyad gaar ah, ciidanka amniga police militaire waxaa ay adkeeyeen baraha amniga ee kala duwan, iyada oo cabbir ahaan helay goobaha ay laga soo tuuri jiray hoobiyeyaasha kadibna ka howlgalay kahortagooda, waxaa kale oo ay degeen meelaha xasaasiga ah, iyada oo la adkeeyay suuragalnimada in wax la isu gudbiyo. “Fashilinta qaraxyada soo galijiray magaalada waxay ku timid, hawlgalada ciidanka oo la kordhiyay, isbadal lagu sameeyay ciidanka, iskaashiga ciidanka iyo shacabka oo kordhay, ciidanka oo loo tababaray hagaajinta hab la dhaqanka shacabka.” Ayuu yiri Sadiiq Afhayeenka Ciidanka Booliiska. Ciidamada ammaanka ayaa ku arkeysaa iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidka weliba xaafadaha dhexdooda, waxaa ayna ku fidsan yihiin guud ahaan caasimadda, taasina waxaa ay keentay in amniga uu baaho. Muqdisho oo ay ka dhici jireen qaraxyo iyo dilal joogta ah ayaa hadda gashay xaalad cusub, waxaana hoos u dhacay falalka dambiyeedyada noocaasi ah. (3). Kasbashada Kalsoonoda Shacabka; Kasbashada kalsoonida shacabka oo ay soo sheegaan amni darrada, ladagaalanka musuqa iyo arrimo kale ayaa ka mid ah shaqooyinka keenay in la adkeeyo amniga. “Si looga digtoonaado isku milan ku yimaada ciidanka iyo dadka deegaanka ayna sidaa kaga faa’iideystaan kuwa dagarta maleegaya ayaa waxaa isbedal joogta ah lagu sameeyaa askarta joogta baraha koontarool, waxaana sahlanaatay in la qabto qaraxyo la soo gelin rabay magaalada ama waxay qarxeen markii ay arkeen in aysan baxsan Karin.” Waxaa yiri taliye ka tirsan ciidanka oo aan qarinay magaciisa sabab la xariirta fasax in uusan u heysan in uu la hadlo warbaahinta. Bulshada ku nool Muqdisho oo ay warbaahinta Goobjoog weydiisay sida ay u arkaan ciidan ayaa siyaalo kala duwan u soo dhaweysay wax ka qabashada amniga. Cali Cosob, oo ka mid bulshada ku dhaqan dagmada Kaaraan ayaa yiri “ Waxaa ku seexan jirnay walwal, maqribkii kadibna waa adkeyd in loo baxo adeeg, waxaanse hada dareemeynay dagaan iyo xoriyad, waxaan baxnaa xiliga aan doono, waan ku diirsanay ciidanka.” Qof ka ku nool Muqdisho waxa uu walwal ka qabajiray in uu jidka kula kulmo labo arrin in uu qarax la kulmo ama in koox burcad cayaal weero ah ay ka qaataan wax uu wato ama dilaan, waxaase arrintaa walwalka leh meesha ka bixiyay bilihii la soo dhaafay ciidanka booliiska oo u hawl galay si ka duwan sidii hore, helayna kalsoonida dadka ku nool Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isugu tageen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa haatan magaalada Nairobi ku wada sugan madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee kala ah, Koonfir Galbeed, Jubbaland iyo Puntland oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay caasimada dalka Kenya. Laftagareen, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa lasoo wariyay inay isbaheysi ku dhisayaan halkaasi, maadaama ay galayaan doorasho adag oo ay ku kala horreeyaan saddexdooda. Wararka ayaa sheegaya inay marka hore si gaar ah isku arkeen madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha u gaarka ah, maadaama labadooda ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin adag. Labada madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa hadda wajahaya xaalado isku mid ah, waxayna loolan adag kala kulmayaan xubnaha mucaaradka ee labadaas maamul. Sidoo kale waxaa kulan kale oo gaar ah uu dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana lasoo wariyay inay ka wada-hadleen isbaheysiga cusub ee ay hadda ku gardaadinayaan magaalada Nairobi, inkastoo Axmed Madoobe uu haatan aad ugu dhowyahay dowladda federaalka, balse ma cadda u jeedkiisa iyo waxa haatan isbeddalay. Waxaa sidoo kale la filayaa inay si foolka fool ah isku arkaan isaga iyo Saciid Deni oo ay mar ahaayeen xulafo siyaasadeed, balse ay ku kala tageen dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo sii kala fogeysay saaxibtinimadii Jubbaland iyo sidoo kale Puntland. Isbaheysiga cusub ee ay dhisayaan Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka dhan ah dowladda federaalka, maadaama ay tuhunsan yihiin in doorashooyinkooda ay kula loolami doonaan xubno ka socda kooxda Villa Somalia. Arrimahan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, xilli dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, uuna hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh. The post XOG: Deni, Laftagareen iyo A/Madoobe oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  23. Jilib-culusta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa isu diyaarinaya, in ay bisha October shir weyne ku yeeshaan magaalada Garoowe. Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore ee Puntland ayaa la filayaa in ay Garoowe soo galaan ka hor 10 bisha October. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirka lagu midaynayo dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubaysan, si looga hortago in uu mudda kororsi samaysto Siciid Deni. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku eedaynaya madaxweyne Deni in uu barnaamijka qof iyo cod ku dhex qarinayo damac mudda kororsi, inkastoo isagu hore u sheegay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo. Waxaase sii xoogaysanaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod. Puntland ayaa xilligan wajahaysa hubanti la’aan iyo khilaaf siyaasadeed oo gudaha ka aloosan, kaas oo salka ku haya is-faham-waa la xiriira nooca loo geli doono doorashada 2024. PUNTLAND POST The post XOG: Dhinacyada mucaaradka hubaysan ee Puntland oo u midoobaya madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  24. Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay waqooyiga Ciraaq, Arooska iyo aroosada ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan dadka la ku dhintay dabkaasi khasaaraha badan dhaliyey. Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah kuwa dhaawacmay ay ku sugan yihiin “xaalad aan degganayn” xilli kuwa halista ah loo wareejiyay isbitaallo gaar ah, kuwaas oo wax ka qaban kara dhibaatada gubashada ka dhalatay ee dhaawacyada ah. Madaxweynaha wadanka Ciraaq, Abdul Latif Gamal Rashid, ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan ay u tahay in la furo baaritaan ku dhacdada, waxaana uu tilmaamay sida uu ka xun yahay waxa ku dhacay lamaanihii arooska ahaa ee ku nafwaayey dabka. “Waxa ku dhacay caruurteena degmada Al-Xamdaniya waa masiibo xanuun badan, iyo shil na jeexjeexay quluubtayada iyo quluubta Ciraaqiyiinta oo dhan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, Twitter, isaga oo muujiyay sida uu ka xun yahay. Guddoomiyaha gobolka Nineveh ee dalka Ciraaq, Najm al-Jubouri, ayaa ku dhawaaqay baroor diiq soconaysa toddobaad kaddib dabkii khasaaraha badan uu dhaliyay dab qabsaday hool ay ka socotay xafladda oo ku taalla degmada Hamdaniyah ee gobolkaasi. Waaxda caafimaadka ee gobolka Nineveh ayaa ku dhawaaqday in ugu yaraan 100 dhimasho ah iyo in ka badan 150 dhaawac ah la diiwaan galiyay taasoo ah tirade hordhac ah ka dib dhacdada dhacday intii lagu jiray xaflad aroos habeenkii Talaadada aheyd dhacayey. Isbitaalka weyn ee Xamdaniya oo dhanka bari kaga beegan magaalada Mosul ee gobolkaasi ayaa waxaa gaaray tobanaan kun qof si ay dhiig ugu deeqaan dadka dhaawaca ah, kuwaas oo waxyeelladu ay kasoo gaartay dadkii ka kacay hoolka ay ka socotay xafladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Baqdad (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii dab uu kacay intii xaflad aroos ay ka socotay hool ku yaalla magaalada Qaraqosh ee waqooyiga Ciraaq, waxaa sidaas Arbacadii sheegay mas’uuliyiinta. Isbitaalka ugu weyn magaaladan ay u badan yihiin dadka Kirishtanka ah ee ku taalla bariga Mosul, ayaa weriye ka tirsan AFP wuxuu arkay baabuurta gurmadka deg degga ah oo imanaya iyo tobaneeyo qof oo safaf ugu jira inay dhiig ku deeqaan. Ayada oo soo xiganeysa khasaaraha horudhaca ah, ayaa wakaaladda wararka ee ramsiga ah ee Ciraaq ee INA ay ku warantay in mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Nineveh ay “tiriyeen 100 meyd iyo in ka badan 150 qof oo ku dhaawacmay hoolka arooska ee Hamdaniyah,” oo ah magac sidoo kale loo yaqaan magaalada. Khasaaraha nafeed ayaa waxaa sidoo kale AFP u xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda caafimaadka Saif al-Badr. Badar ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah intooda badan laga daweynayo gubasho ama oksijiin la’aan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay isbuurasho ka dhacday hoolka oo buux dhaafiyey. Hay’adda Bisha Cas ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 450 khasaare, balse aysan awoodin in ay faah-faahin ka bixiyaan inta dhimatay. War qoraal ah, oo ay soo saareen mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah, ayaa lagu sheegay in gudaha hoolka xafladda ay ku jireen darbiyo ka sameysan walxo aad u holca. Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohamed Shia al-Sudani ayaa ugu baaqay wasaaradaha caafimaadka iyo gudaha “inay abaabulaan dhammaan dadaallada badbaadinta,” si loo caawiyo dhibnanayaasha dabka. VOA + AFP The post 100 QOF oo ku dhintay aroos isku bedalay tacsi appeared first on Caasimada Online.