-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Hoggaamiye Kuxigeen, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir gudoomiyey kulanka Xoghayeyaasha Golaha Fulinta. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha hortabinta leh ee horyaal Golaha Fulinta iyo daadajinta nidaamka dowliga ah iyo in dhammaan deegaanada la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah. Golaha waxa uu sidoo kale qiimeyn ku sameeyey shaqooyinkii qabsoomay toddobaadkii tegay, waxa ayna soo bandhigeen qorsheyaasha xafiis walba uu mudnaanta siinayo bilaha soo socda. Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed ayaa ku bogaadiyey Xoghayeyaasha shaqada adag ee ay hayaan isaga oo faray in ay sii laba laabaan dadaalkooda. PUNTLAND POST The post Golaha Fulinta SSC-khaatumo oo maanta shir muhiim ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay kasii dhaqaaqeen gudaha magaalada Camaara, ayaga oo u jiheystay deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Ujeedka ciidanka huwanta ayaa ah inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhammaan deegaanada hoostaga Camaara, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay weerari doonaan saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, si ay uga saaraan guud ahaan dhulkaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalkooda uu ku wajahan yahay dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaas, si looga hortego weeraro ay sheegeen inay kasoo abaabulaan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo deeganaka. Waxaa sidoo kale howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo iyagu hawada ka taageera ciidamada dhulka ee howlgallada ka wada Galmudug. Magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ayaa waxaa todobaadyo kahor la wareegay ciidamada dowladda iyo shacabka, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab. Tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla deegaanada Galmudug iyo HirShabelle. The post Ciidanka ku sugan Camaara oo dhaqaaqay iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Isasaarka Doorashooyinka Somaliland Hargeysa(Qaran)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay isa saarka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda. Fadhigii maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Fatatoon) waxa goluhu warbixin ja dhegaystay guddidii is waafajinta doorashooyinka ee goluhu hore u saaray, waxaanay guddidaasi golaha u soo jeedisay in la isa saaro labada doorasho iyadoo farsamo ahaan wax lagu daray qoddobada xeerka doorashooyinka. 64 xildhibaan ayaa ogolaaday soo jeedinta isa saarka doorashooyinka, halka 3 Xildhibaanna ay ka aamuseen, waxana diiday 7 Xildhibaan, sidaas ayuu ku meel maray xeerkaasi oo soo afjaray khilaafkii doorashooyinka ee muddada dheer ka taagnaa Somaliland. Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasime ku xigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta Tabaleysan ee Gobolka Banaadir Marwo ilhaan aweys Axmed ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caaisha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah. Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar, isaga oo si gaar ah u ka faala qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay mas’uuliyada daryeelka Gabdhaha agoonta ah ee xarunta ummu Mu’miniin Caaisha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen gudaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan ayaa waxa ay ciidamada ammaanka ku fashiliyeen qarax miino oo la dhigay qaybo mid magaaladaas oo uu ka socdo abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada lagu aasay mid kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan degmada Dhooleey, balse ay ka war heleen ciidamada kadibna ay qarxiyeen. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay qaraxaasi la damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, balse ay ka hortageen. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay xo ka heleen dadka deegaanka, taas oo keentay in lagu guuleysto fashilinta weerarkaasi qarax ah. “Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Jubbaland. Hay’adaha ammaanka ee Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay shacabka, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaasi. Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Dhoobley. Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socday diyaar garow xoogleh oo ku aadan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka filayo inuu dhawaan ka billowdo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada JUBBALAND oo fashiliyay weerar qarax ah appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qaraar gole ku ansixiyay Qodobadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah go’aamada. Madaxweyne Biixi, ayaa loo soo jeediyay in uu dib u eegis ku sameeyo saami qaybsiga xukuumadda iyo in goobaha cod bixinta loo kordhiyo gobolka Awdal. 73 xildhibaan oo fadhiga jooga ayaa dhammaan u codeeyay Qaraarka. Degdeg : Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qaraar gole ku ansixiyay Qodobadii soo jeedinta xildhibaanada reer Awdal oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah go’aamada. Madaxweyne Biixi, ayaa loo soo jeediyay in uu dib u eegis ku sameeyo saami qaybsiga xukuumadda iyo in goobaha cod bixinta loo kordhiyo gobolka Awdal. 73 xildhibaan oo fadhiga jooga ayaa dhammaan u codeeyay Qaraarka. Akhriso Go’aamada ka soo baxay Golaha Wakiillada oo laggu xaliyey tabashadii Xildhibaannada Reer Awdal Source
-
Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaaqyo xooggan iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, oo ku wajahan deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin labada maamul, xilli la qorsheeyay weerar xooggan. Madaxda ugu sareysa dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug iyo mas’uulliyiin heer federal ah ayaa ciidanka wali kula sugan furimaha, waxaana xusid mudan in ay qeyb ka yihiin abaabulka iyo dardargelinta howlgallada socda, kuwaas oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro maamullada Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo dhowaan kasoo laabtay Dhuusamareeb oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wayihii Al-shabaab ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo xusay tallaabo in la qaadayo. Hadalkiisa ayuu ku xusay in weerarka ugu xooggan lagu qaadi doono deegaannada dhaca Galbeedka, halkaas uu sheegay in Al-shabaab ay kasoo tallaabaan si ay waxyeello uga geystaan deegananada Bariga, isaga oo carabka ku dhuftay inaan madaxweynaha lagu daawan doonin furimaha dagaalka ee la garab istaagi doono, waxaana uu baaq u diray ciidanka deegaanka uu ka dalbaday in madaxweynaha loo hiiliyo. “ Maxamed Cali Samatar dagaalkii 77-dii laba jeer ayuu furimaha tagay, madaxweynihiina maba taginba, War Illahbaan idiin ku dhaarshee madaxweynihii Soomaaliya oo furinta jooga ka warama, oo ogaad waad doorateen oo dad adinka idinka wakiil ah ayaa doortay, furinta ayuu fadhiyaa ma ogu hareynaa” ayuu hadalkiisa ku yiri Cali Jeyte Cismaan oo hadlayay. Sidoo kale ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo xoogga dalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno hoostaga magaalooyinka Shabeelow iyo Camaara, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen dagaallo iyo duqeymo xooggan oo ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee taageera ciidanka xoogga dalka. Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan Muqdisho ka sagootiyay ciidan dib ugu laabanaya deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo deegaanno dhaca xadka gobolka Galgaduug uu la wadaago Shabeellaha dhexe, kadib markii ciidanka dib u habeyn lagu sameeyay sida ay dowladdu sheegtay kadib kasoo bixitaankii deegaannadaasi. Madaxda sare maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ee furimaha dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug uu ku sugan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo laba bil ah ugu idlaatay Dhuusamareeb, isaga oo halkaas ka hagaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta gaaray xubnaha mucaaradka ah Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ka baxay Muqdisho, isla-markaana tegay Galmudug ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale soo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan xubno musharixiin ah. Ujeedka wafdigan ay u tageen Dhuusamareeb ayaa ah sidii ay ula soo kulmi lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii aad dagaalka Shabaab ka hoggaaminaya Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ay laba qodob kala hadli doonaan madaxweynaha, kuwaas oo kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo arinta kale ee ay aadka u daneynayaan ee ah doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharixiintan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah ugala hadli doono dhaqan-gelinta heshiiskii ay horay garwadeenka uga ahayd dowladda federaalka ee ay dhinacyada Koonfur Galbeed ku gaareen magaalada Baydhaba. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnahaan ay doonayaan inay taageero weydiistaan madaxweynaha, maadaama uu loolan adag kala dhexeeyo Laftagareen, si ay ugu yaaraan dowladdu wax door ah ugu yeelato doorashada kusoo foodka leh maamulka. Xubnahan ayaa shalay Muqdisho ku qabsaday xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, waxayna ku dhawaaqeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay laba xubnood oo loo haysto Shabaabnimo. Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen Argagixisada AS. Labada xubnood ayaa kamid ahaa Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug sida ay Maxkamaddu sheegtay. Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay horay Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ugu xukuntay dil toogasho ah waxaase ay Rafcaan u qaateen Maxkamadda sare ee Ciidamada taas oo ugu danbayn ku raacday Xukunka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo dil ku xukuntay xubno loo haysto Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada gollaha Wakiiladda Soomaaliland ayaa saaka fadhigooda waxa la horkeeni doona xeerka doorashooyinka isasaarka ah ee Ururada iyo madaxtooyada, kaas oo la filaayo in uu golluhu ansixiyo. Xeerkan ayaaa shirgudoonku hore ugu saaray guddi is waafajisa xeer doorashooyinka iyo go’aamadii la soo saaray ee Xeerka isa saarka Doorashooyinka Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo saaka aroortii hore lagu qaaday fariisin ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gaysteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo bam ku tuuray ciidanka, kadibna baxsaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, goobta la beegsadayna ay tahay xarun ciidan. Sidoo kale ciidamada la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay howlgallo kooban ka sameeyeen Ceelasha Biyaha, kuwaas oo ay ku baadi goobayeen ragga weerarka gaystay. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda, Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo halkaas loo geeyay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa soo galaya Muqdisho. Inta badan ciidamadan ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeya gudaha caasimada iyo hareeraheeda, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darrada. Al-Shabaab ayaa inta badan gudaha magaalada Muqdisho ka fuliso weeraro iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay isgoyska Sayidka. Si kastaba, Kooxda ayaa haatan wajaheysa guluf dagaal oo ka socda inta badan gobollada dalka, kaas oo ay dhul ballaaran ku xoreeyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka. The post Xog ku saabsan weerar ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal MaxamedMacalin (Iidow), kuwaas oo dhowaan kasoo muuqday Maxkamadda, iyaga oo loo heysto ka tirsanaanta Al-shabaab iyo dilal ay geysteen. Labadaan eedeeyasane ayaa Xeer ilaalintu shheegtay in loo heystay dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda ee gobolka Mudug , kuwaas oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yarow Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida. Maxkamadda Darajada Koowaad ugu xukuntay ayaa raggaan hore Dil ugu xukuntay May 22-keedii Sanadkan, waxaana dadkii gacantooda ku baxay kamid ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamacad Maxamed, kuwaas oo la dilay waqtiyo kale duwan, qaarkood ayaa la dilay xilli ay kasoo baxeen Masjidka, sida xeer ilaalintu soo bandhigtay. Maxkamdda koowaad ee darajada ciidamada qalaka sida ayaa dhowr jeer xukunno kale duwan waxaa ay ku riday shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, sidoo kale dilal geystay, waxaana la filayaa raggaan in lagu fuliyo xukun Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii lagu dilay Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York iyadoo duufaano xooggan ay keeneen daadad waddooyinka xidhay. Qaar badan oo ka mid ah nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaadheen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee LaGuardia la xidhay Jimcihii. Ilaa 8in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha. “Tani waa duufaan khatar ah, oo nafta halis gelinaysa,” ayay tiri Badhasaab Kathy Hochul. “Waxaan ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah guud ahaan magaalada New York, Long Island, iyo Hudson Valley sababtoo ah roobabka aadka u daran ee aan ku aragno gobolka oo dhan,” ayuu Gov Hochul ku yidhi X, oo hore loogu yiqiin Twitter. Waxay dadka ku boorisay inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo “aysan isku dayinna inaad ku safrataan waddooyinka daadku qaaday”. Source
-
Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi iney ku fashiliyeen qarax miino, kaas oo lagu aasay wadada sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi. Qaraxa miino ayaa la fashiliyay qaraxa kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada, kaas oo lagu xaqiijinayay ammaanka guud, qaraxa ayaa ahaa mid la galiyay hareeraha wadada halboowlaha ah ee dhex marta degmada Dhoobley, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka ee Jubbaland eek u sugan. “Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Jubbaland oo looga hadlay qarax la fashiliyay, kaas oo aan geysan wax khasaaro ah. Degmadaan oo dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya aya waxaa dhowr jeer ka dhacay meelo ku dhow weerar ay Al-shabaab la beegsadeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Kenyaan isugu jira, waxaana xusid mudan in goblolka ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka Kumaandooska iyo Daraawiishta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant stride against illegal arms trafficking, Somali security forces apprehended a major suspect, Zakariya Kamal, on Friday. Recognized by the Somali government as a pivotal player in supplying weaponry to the terror group al-Shabab, Kamal was captured by Somalia’s National Intelligence Agency (NISA) during the early hours. The agency’s statement revealed, “This notorious arms dealer, Kamal, was arrested as he was preparing to disappear and seek out the elusive hideouts of the al-Shabab within Somalia.” Monitored since May, the 28-year-old Somali became a person of interest after NISA intercepted two unauthorized consignments filled with military equipment and potentially explosive substances, ostensibly destined for al-Shabab. Kamal’s operations weren’t isolated. Acting as the linchpin for a comprehensive arms-dealing consortium, he facilitated procuring and importing these shipments from international sources. Many of these illegal imports were seized both at Mogadishu’s Aden Ade International Airport and the city’s seaport. This recent investigation linked Kamal and his network to a smuggling ring, resulting in the detainment of ten individuals. However, NISA refrained from sharing intricate details about the shipment or the identities of the individuals associated. A gray area remains. While Kamal’s dealings with al-Shabab are undeniable, his affiliation with the group—whether solely for business or as a member—is yet to be determined. The U.N. arms embargo: History and implications Somalia has struggled under an arms embargo for three decades, initiated by the United Nations Security Council in 1992 due to the nation’s civil war and subsequent factional clashes. With a vast, unguarded coastline and porous borders, monitoring the illicit arms transfer has been challenging. In 2013, recognizing the country’s efforts towards establishing a functional transitional government, the U.N. conceded to a partial relaxation of the ban, granting Somalia the license to procure small arms. These were aimed at bolstering the national security forces against Islamist militants, although heavy weaponry still faced restrictions. However, each year sees a renewal of these sanctions, with the primary contention being the unyielding threat of al-Shabab to the region’s peace. Somalia’s stance, echoing the sentiments of allies like Ethiopia and Uganda—both victims of al-Shabab’s violence—urges the necessity of these sanctions to incapacitate the terror group. Calls for the lifting of the embargo Despite the backdrop of sanctions and the constant menace of terrorism, the Somali administration remains committed to countering al-Shabab’s influence. President Hassan Sheikh Mohamud’s government has actively targeted the group’s financial channels and ideologically combative narratives. A plea for a complete revocation of the arms embargo is at the heart of these endeavors. President Mohamud asserts that the ban has outlasted its utility. Supporting this sentiment, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre addressed the U.N. General Assembly, emphasizing Somalia’s robust systems in managing firearms. He stated, “Annulling this embargo would equip us better against terrorism, fostering a peaceful and thriving Somalia.” The post Somalia’s Intelligence nabs Al-Shabab arms dealer appeared first on Caasimada Online.
-
Inta badan Waxa ay bulshadeen maqlaaan Waxa loogu yeero Nasiibka, kaasoo ay aaminsan yihiin dad badankii ee dunida ku nool, laakiin siyaabo kale duwan iyo aragtiyo aan isku mid aheyn ayey ka leeyihiin. Dad badan ayaa aaminsan In Nasiibku uu yahay wax la iska dhaxlo oo la micno hadii ay waalidkaaga ahaayeen dad nasiib badan waxaas noqon dontaa isla sidaas ,halka dadka qaar ay qabaan in aysan waxba ka jirin guud ahaanba NAsiibka oo ay wax xukmiyaan kaliya dadaalka uu qofku bixiyo Marar badan waxaan aragnaa in ay dhacdo laba qof oo bixiyay dadaal isku mid ah ama siman balse uu guuleesto Hal qof taasoo abuurtay Waxa loogu yeero nasiibka ,waxaan inbadan dhagaheena kusoo dhaca hebel ayaa ka nasiib hebel kaa kle Iyadoo ay taasi jirto haddana waxaan meesha ka marneen dadaalka waxa ayna Soomalidu tiraahdaa “dadaalaa Wuu gaaraa “oo la micno ah qofkastoo dadaal waa uu gaaraa riyooyinkiisa oo dhami Haddaba maxaa ka jira Nasiibka maxayse dadka ka aaminsanyihiin maxayse tahay farqiga u dhaxeeya dadaalka iyo Nasiibka Moxamed Axmed waxaa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata magaalada Muqdisho oo aan weeydiinay fikirka uuka heesto nasiibka ayaa yiri “.Nasiibka waa wax jira balse Waxa wax baddala waa Juhdiga uu bixiyo Qofka Nasiibka ayaana siiya guusha waana taas Sababta loo eedeeyo nasiibka “. Cabdulalahi yusuf oo ka hadlay fikirkiisa Ku aadan Nasiibka ayaa yiri “Ani wax nasiib la dhaho ma aaminsani nasiibkaaga madaxa kuu taagay iyo nasiibkaaga wax ku dhaafiyay waxaan aaminsanahay qaddarta kaliya “ laakiin tani waxaa ay muujin sida loogu kala duwan yahay fakarka laga heysto. Nasiibku dadka badankii ayaa aaminsan inuu yahay wax jira sida lagu arkay dhacdooyin dhowr ah, mararka qaar dadka ayaa xusa in Nasiibku yahay calaf qofku dheeraad u helo ama ka weeciya halka uu joogo, isaga oo u dira jiho kale, laakiin waa dhab in jiritaankiisa la isku diidan yahay. W/Q/ Shukri Cumar Yuusuf Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 27-bisha October ee sandkan waxaa la filayaa in Taariikh weyn laga sameeyo Golaha Midowga Baarlamaanka Adduunka halkaa oo markii ugu horeysay lagu dooran doono madaxweyne Afrikaan ah waliba Haweeney ah. Afar haween oo ka soo kala jeeda wadamada Soomaaliya, Tanzania, Senegal iyo Malawi ayaa sanadkan u taagan xilka madaxweynaha Baarlamaanka Caalamka taa oo la filayo in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Luanda ee dalka Angola. Xildhibaanad Marwo Abdibashir Haggi oo ah Xildhibaan katitsan Golaha Shacabka ayaa kamid ah haweenka u taagan xilka madaxweynaha IPU iyada oo xilal kala duwan u soo qabatay umadda Soomaaliyeed islamarkaana ah shaqsi ay ku weyntahay Soomaalinimada. Waxaa musharaxnimada Xildhibaanad Marwa si weyn u taageeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyaga oo soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku garab istaagayaan Marwo Abdibashir oo ah Aqoonyahanad Soomaaliyeed oo sidoo kale lasoo shaqeysay hay’ado caalami ah. Marwo Abdibashiir ayaa hadda ah shaqsiga ugu cad cad ee loo badinayo in xilkan ay ku guuleysato marka la eego musharaxiinta kale ee la tartameysa iyadoo ay xusid mudantahay in hagar daamo ay kala kulmeyo mas’uuliyiin sar sare oo katirsan dowladda Soomaaliya. Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in mas’uuliyiin sar sare oo katirsan xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Wasaaradda arrimaha Dibadda iney aad u taageersan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Tanzania Dr. Tulia Acksan oo xilkan u taagan iyagoo heshiis la galay dowladda Tanzania waxaana Mrs Marwa ay ka dalbadeen iney tartanka ka harto ama ay u tanaasusho haweeneyda ka socota dalka Tanzania, waxaana Labadan mas’uul ay si weyn uga soo horjeedaan in Marwo ay xilkan ku guuleysato. Dhanka kale waxaa jirta dano waaweyn oo dowladda Soomaaliya ay ka leedahay Tanzania aawadeed in madaxda Soomaaliyeed aysan taageerin marnaba Mrs Marwo oo hadii xilkan ay ku guuleysato guul weyn u ah Soomaaliya iyo Afrika. Sidoo kale, Soomaaliya waxey dooneysaa in ay ku biirto Ururka Galbeedka Africa EAC oo laga doonayo in ay ka hesho Cod dalka Tanzania. Waxaa kaloo jirta in Tanzania iyo Mauritius ay tartan kale ugu jiraan Security Council UNSC sanadka 2024 ay Tanzania ay balan qaadey in ay taasuli doonto Soomaaliya. Caqabadahaas oo isbiirsdaday ayey kusoo aadeysaa musharaxnimada Mrs Marwo Abdibashiir Haggi oo olole weyn ku jirta islamarkaana aad ay ula dhacsan yihiin aragtideeda hogaamineed siyaasiyiin iyo xildhibaano farabadan oo IPU saameyn weyn ku leh. Mudane Mahad Ahmed Haji oo ah siyaasi Soomaaliyeed islamarkaana si weyn ula socda dhaqdhaqyada caalamiga ah ee Soomaaliya quseeya oo ka hadlay loolanka socda ayaa sheegay in Soomaaliya dan ugu jirto ku biirida dhamaan IPU, EAC, iyo UNSC waxaana Mahad noo xaqiijiyey in IPU ay Soomaaliya ugu sii muhiimsantahay , sababtoo UNSC taariikhada ayey ku jirta in Soomaaliya soo qabatey, oo waxaa jira dalal aan weli soo gelin, iyadoo ay adag tahey in dal mar Labaad helo iyadoo ay jiraan dalal kale oo aan xilkaas qaban. Mar Mr Mahad Hajji uu ka hadlayay rajada Xildhibaanad Marwo ayaa waxa uu sheegay in ay aad u wanaasagn tahay fursadeeda madaxweynenimo waxaana uu tilmaamay in Senegal ay xilkan horay u soo qabatay oo Tanzania ay iyana noqotay Gudoomiyaha kursiga IPU (Chair of African Group) oo isla haweeneyda hadda u taagan Tanzania ay aheyd islamarkaana aad loo dhaliilay maamulkeeda, waxaana uu tilmaamay in Malwi iyana ay ku adagtahay in xilkan ay hanato sababo jira aawadeed. Xilka Madaxweynaha Baarlamaanada Caalamka ee IPU oo ah mid soo jirey ilaa 1889 inka badan 134 sano waxey Afrika soo qabatey Afar mar oo kaliya, oo Senegal ay kamid aheyd wali wax dumar ah sooma marin oo African ah. Hadii, Xil. Marwo ay ku guuleysato tani kama dhigna in guusha ay Soomaaliya kaliya ku kooban tahey ee waxey ka dhigan tahey in Taariikhda ay gasho Qofkii ugu horeeyey ee dumar ah kana soo jeeda Qaarada Africa, Qaarada America qofkii ugu horeeyey ee dumar ah waxey aheyd Madaxweyne Marwo Gabriela Cuevas Barron oo ka soo jeeda Mexico, Qaarada Asia waxey ahey Madaxweyne, Marwo Najma Heptulla, oo ka soo jeeda India, walow Europe wali qof dumar ah uusan madaxweyne ka noqon IPU. W/Q: Abdi Loyal loyalyare12@gmail.com The post Xog: Xubno ka tirsan DF oo taakeynaya xilka u taagan tahay Marwo Cabdibashir appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filaya in uu bilowga Todobaadkan dib ugu laabto Puntland kadib in ka badan 45 cisho oo uu ku maqnaa safar dibadda ah. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale madaxweyne Deni uu dhawaan booqan doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo iyo sidoo kale jiidda Oog oo ay ku sugan yihiin Ciidamada SSC. Madaxweynaha Puntland ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo uu shirar kula yeeshay wakiilo ka socda Beesha Caalamka gaar ahaanna Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo booqanaya Laascaanood iyo jiidda Oog appeared first on Puntland Post.
-
Marwadii madaxweynihii xilka laga tuuray dalka Gabon ayaa wajahaysa eedeymo la xiriira lunsatasho haniti dadweyne iyo arrimo musumaasuq ah oo ay ku kacday xilligii uu talada hayay Ali Bongo oo ay aheyd marwada madaxweynaha. Sylvia Bongo, oo ah xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon, Ali Bongo, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis, hanti la xaday, been abuur iyo isticmaal lacago been abuur ah, taas oo keentay in lagu soo oogo. Dacwad oogaha guud ee dalka Andre Patrick Roponat ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in kiiska Sylvia Bongo la horgeeyay garsooraha dambi baarista ah maalin ka hor. Waxa uu sidoo kale sheegay in amarkii lagu xiray gurigeeda la fulinayo. Eedeymahan ayaa daba socday toddobaadyo hubanti la’aan ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay Mrs Bongo, kaddib markii lagu riday xabsi guri 30-kii Agoosto markii ay ciidamadu xukunka ka tuureen ninkeeda. Go’aanka dacwadda lagu soo oogay marwadii hore ee madaxweynaha ayaa timid kadib markii wiilkeeda Noureddin Bongo Valentin sidoo kale lagu soo eedeeyay musuqmaasuq, wax isdaba marin iyo in xabsiga la dhigay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
France's top diplomat to Niger says he's "tired", after two months of "extreme tension" and several weeks confined to his embassy in Niamey before being kicked out the country. Source: Hiiraan Online
-
The United States says it is concerned about conflicts in Ethiopia's Amhara and Oromia regions, and has appealed for political dialogue to end them. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — Somali security forces on Friday arrested a man believed to be one of the country’s main illegal arms dealers suspected of supplying weapons to al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
